Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,333
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan Naasir Cali Shire oo katirsan barlamaanka Somaliland ayaa hambalyo iyo ammaan u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xildhibaanka oo waraysi siinayey wargeys ka soo baxa Hargaysa ayaa sheegay in doorashadii Axmed Madoobe ay ahayd mid sharci ah uuna ka codsaday inuu ku casuumo xafladdiisa calaama saarka ee Kismaayo ka dhacaysa. “Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), guushaas uu Axmed Madoobe gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya, caqliyada ka shqaysa, ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegayaa inaysan ku mashquulin ciddii Soomaali ah oo horumar gaarta”, ayuu yiri xildhibaan Naasir. Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa ugu dambayntii sheegay in Axmed Madoobe uu yahay shaqsi geesi ah isla markaana mudan in loo hambalyeeyo laguna ammaano wixii uu soo qabtay. The post Xildhibaan katirsan Somaliland oo u hambalyeyey Axmed Madoobe kana codsaday inuu caleema saarkiisa ku casumo. appeared first on Puntland Post.
  2. Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka labo diyaaradood oo siday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka degeen garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ciidamadan oo Boolis ah ayaa saaka aroortii hore laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah lagu kordhiyey ciidamada ilaalinaya ammaanka garoonka magaaladaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Ahlu Suna ay uga digtay qorshaha Ciidamada dowladda lagu geynayo halkaasi. View the full article
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Illaa labo diyaaradood oo siday ciidamo Boolis ah ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo tiradooda aan la shaacin ayaa saaka aroortii hore laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadani oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ayaa lagu kordhiyey ciidamada ilaalinaya ammaanka garoonka Dhuusamareeb oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Ahlusuna ay uga digtay qorshaha Ciidamada dowladda lagu geynayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Sidoo kale saacadaha soo socda la filayaa in magaaladaasi ay gaaraan wufuud ka socota dowladda, kuwaas oo ka qeyb galaya furitaanka shirka sib u heshiisiinta Galmudug. Shirkan oo muhiim u ah in la qabto doorashada Galmudug ayaa waxaa jira khilaaf hareeyey, kaas oo soo kala dhexgalay guddiga ay dowladdu u saartay shirkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  4. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo saakay ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare geystay. Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari noociisu ahaa Toyota HILUX, waxaana la socday agaasimaha isbitaalka xoogga dalka iyo askar ilaalo u ahayd, xilli ay marayeen meel ku dhow carwadii hore ee Taleex, degmada Hodon. Labo qof ayaa ku dhaacmay qaraxan, waxaana ay kala ahaayeen agaasimaha Isbitaalka Xoogga, Khadiijo Iimaan Caynte iyo Darawalkii Gaarigaasi oo magaciisa naloogu sheegay Aadan Yare. Goobta qaraxan uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamada Booliiska, kuwaasi oo bilaabay baaritaan aan weli wax natiijo ah laga soo saarin. Miinada qaraxday ayaa la sheegay in dhulka ay ku aasneyd, iyadoo wadadaasina tahay mid inta badan ay dadweynuhu adeegsadaan, islamarkaana mashquul badan. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey ahaa mid soo hagaagayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-25082019.mp3 View the full article
  6. Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwooda sida gaarka ah u tababaran oo ay wehliyaan ciidamo Maraykan ah ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Sablaale ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxa ay ciidankan gudaha u galeen saldhig Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare geystay, sida ay saraakiil ka tirsan Kumaandoosta Soomaaliya u sheegeen raadiyaha ciidamada qalabka sida. Saraakiishan ayaa sheegay in weerarkaasi ku dileen 18 ka mid ah Al-shabaab, islamarkaana weerarkoodaas uu ahaa mid qorsheysan. Howlgalkan ayeey sheegeen sidoo kale in lagu diley Maxamed Dhuubow oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab, waliba dhowaan ay lacag badan madaxiisa dul dhigtay dowladda Kenya. Ururka Al-shabaab ayaa weli dhankooda wax hadal ah kasoo saarin weerarkan ka dhacay Sablaale iyo waxa ka jira in laga diley sarkaal sare iyo ciidan badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ethiopian lawmakers on Saturday revised election laws to pave the way for polls next year, but some opposition parties said the changes would make it more difficult for them to challenge the ruling coalition. Source: Hiiraan Online
  8. Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Labadulle oo qiyaas ahaan 25-km dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Dagaalkan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur hantiyeed. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey Lix qof oo u badan dhinacyadii dagaallamay, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 15 kale, sidey inoo xaqiijiyeen dad ku dhow halkii lagu dagaallamay. Dhanka kale, wararka maanta naga soo gaaray deegaankii lagu dagaallamay ayaa sheegay in ay ka taagan tahay xiisad dagaal, mana jirto cid kala dhex-gashay dhinacyadan is haya. Maleeshiyaadkan is haya ayaan si rasmi ah loo ogeyn waxa dagaalkooda uu ka bilowday, iyadoo weli ay xaaladdu tahay mid aad u cakiran. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan, in saakay halkaasi ay ka degtay diyaarad siddey ciidan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Sidey sheegeen saraakiil ku sugan magaaladaasi, ciidankaan ayaa laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana ay gudaha u galeen magaalada Dhuusamareeb, walow aan tiradooda naloo xaqiijin. Qoraal maalin kahor kasoo baxay hoggaanka Ahlu-sunna ayaa loogu sheegay DFS in aanay ciidamadeeda iyo kuwa AMISOM keeni karin Dhuusamareeb. Weli arrintan kama aanay hadal madaxda sare ee ururka Ahlu-sunna Waljameeca. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Saraakiil ka tirsan ciidankii Ahlu-sunna ee horey loogu biiriyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda dhexe fulinta heshiisyadii ay la gashay Ahlu-sunna. Qaarkood oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in waxa loo baahan yahay tahay in dowladda aanay ballanta ka bixin, haddii ay dhacdana iyagu yihiin halkii ay markii hore ka yimaadeen ee Ahlu-sunna. Ammarka ay qaadan doonaan ayeey sheegeen inuu yahay kan madaxda Ahlu-sunna, haddii ay ballan ka bax ay sameyso dowladda federaalka ah. Dhanka kale, saraakiishan ayaa sheegay in dowladda ay ka meer-meertay dalacsiintooda, ayna meel iska dhigeen warqaddii dalacsiinta ahayd ee Sheekh Maxamed Shaakir u gudbiyey dowladda federaalka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/Codka-Saraakiisha-Ciidamada.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga dib u heshisiinta Galmudug, Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa beeniyey in khilaaf uu soo kala dhexgalay guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya u xil saartay arrimaha maamulkaasi. Baadiyow ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu laba garab u kala jabay guddigaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in heer gabogabo ah uu marayo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan ka furmi doona Dhuusamareeb. “Dhismaha dawlad-goboleedka Galmudug oo ay dhistaan dhamaan beelaha Galmudug waa lagama maarmaan, Hordhaca dhismaha maamulkaas waa shirka dib-heshiisiinta oo ay horkacayaan hoggaanka dhaqanka, kana qayb galayaan qaybaha bulshada Rayidka ah, Qabanqaabada shirkaas waxey mareysaa gabagabo, War-xuma tashiilka iyo dicaayadaha been abuurka ah waa in laga waantoobo oo danaha dadka Reer Galmudug loo tura oo aan lagu milin khilaafaadka siyaasadeed”ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Cabdikaafi Maxamed Maxamuud oo ah xoghayaha guddiga qaban qaabada shirkan uu sheegay inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay xubnaha guddigga, islamarkaana ay u kala jabeen labo garab. Shirkan ayaa labo jeer dib u dhacay, iyadoona ay weli jiraan caqabado u baahan in la xaliyo. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  12. The Djiboutian government on Thursday appeared to rescind its earlier decision to respect the African Union’s vote to endorse Kenya’s candidature for the UN Security Council seat, signalling lack of faith in a process it took part in three times. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa isku raacay go’aan ah, in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo kaliya ay ilaalo ka noqdaan darnaamijyada ay dhigtaan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya. Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa la isku raacay in Xafladaha, Shirarka waa wayn iyo Munaasabadaha oo dhan ay masuuliyad ka saaran tahay Ciidamada Ilaalada Madaxtoyada Soomaaliya, haddii lagu qabanayo gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa go’aankaasi kamid ahaa in Ciidamada ay la wareegaan ammaanka goobta uu Barnaamijka ka dhacayo saacado ka hor inta aysan tagin masuuliyiinta ,iyagoo baaraya Hoolka iyo Guud ahaanba Hoteelka lagu qabanayo. Ciidamadaasi shaqada qabanaya waxay maalintaas leeyihiin lacago ka dheeraad ah mushaarkooda, oo lagu darayo qarashka Xafladda ama Shirkaas la qabanayo ku baxayo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Si rasmi ah looma oga sababta keentay balse waxaa la aaminsan yahay in ay arintaan ay qayb katahay adkeynta amniga Shaqaalaha iyo masuuliyiinta Dowladda kadib qaraxii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee uu ku dhintay Guddoomiyihii Gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho. Waxaa jira cabsi xooggan iyo walaac laga qabo isku halleyn la’aan shaqaalaha dowladda qaarkood ah, ayada oo la tuhmayo inay ku dhgex milan yihiin xubno la shaqeeya ama ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. As revived national carrier Uganda Airlines prepares to take to the skies officially on Wednesday, for the first time in nearly 18 years, its most booked route out of its four initial destinations is Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  15. Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka ay halkaasi ciidamo ka dajisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Weriyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga soo qaaday magaalada Muqdisho goor dhoweyd oo saaka ah laga dajiyay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb. keenista ciidankan ayaa ku soo beegmatay xilli khilaaf sii xoogaysanaya uu u dhexeeyo hoggaanka sare ee Ahlusunna iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo Ahlusunna ay dowladda ku eedaysay in ay uga baxday heshiiskii labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo ciidamo ka dajisay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  16. Taliska ciidamada Ahluusnna ee horay loogu biiriyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee kuna sugan Magalada Dhuusamareeb ayaa hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya uga digay inay ka baxdo heshiiskii ay la gashay Madaxda Ahlusunna. Saraakiishaan oo warbaahinta kula hadlay gudaha Dhuusamareeb ayaa sheegay in dowladda dhexe u muuqato mid ka caga jiidaysa fulinta heshiiskii ay la galeen maamulka Ahlusuna iyo Galmudug. Waxa ay ku hanjabeen inaysan ka amar qaadan doonin dowladda federalka ah ee Soomaaliya haddii ay ka baxdo heshiiskii Dhuusamareeb ayna qaadan doonaan awaamiirta madaxda Ahlusuna. Hogaanka Ahlusuna ayaa dhowaan sheegay in ra’iisul wasaare Khayre maalin kadib markii uu tegey heshiiskii Ahlusuna uu ka baxay isla markaana uusan daacad ka ahayn fulintiisa. PUNTLANDPOST The post Saraakiisha ciidanka Ahlusuna oo digniin u diray madaxda DFS. appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga kasoo saartay ku-xigeenkii hore ee kooxda Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, una wareejiso xabsi guri, sida ay ilo-wareedyo ku dhow wadaadka u sheegeen Caasimada Online. Roobow ayaa ku jiray xabsi ku dhex yaalla xarunta hay’adda nabad-sugidda ee Habar Khadiijo, oo lagu hayey tan iyo markii laga soo xiray magaalada Baydhaba 13-kii December ee 2018. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Roobow oo wareejiyey xabsi guri, hase yeeshee waxa ay ka gaabsadeen inay shaaciyaan sabata. Waxaa horey u jirtaay in xaaladda caafimaad ee Roobow aysan wanaagsaneyn bilihii dhowaa, waxaana la rumeysan yahay in xabsiga guriga uu uga wanaagsan yahay xabsiga caadiga ah, taasna ay u badan tahay sababta looga soo saaray xabsiga. Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa 24-kii June laga soo saaray Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku qaatay muddo 5 habeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka iyo eheladiisa. Waxay markaas ahayd waqtigii labaad oo muddo ka yar 40 cesho Isbitaal la dhigo Abuu Mansuur. Bartimihii ramadaanka ayaa sidoo kale Roobow la dhigay Isbitalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Tirakoobkii 6aad ayaa galabtii sabatida waxaa uu ka bilowday dalka Kenya, iyada oo la sheegayo iney jiraan caqabado xagga tiknolojiyadda ah. Meelaha qaar ayaa la sheegayaa in Datada aan la qaadi karin halka ay meelo ka dib dhaceen geysmada. Dadka Kenya ku nool ayaa lagu amray iney guryaha tagaan xilli hore si loo bilaabo howgalkan tirakoobka. Nairobi ayaa la arkayey iyada oo qoraalka la bilaabay kadib 5-tii galabnimo, sida uu amray todobaadkii hore wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu dadka reer Kenya ka dalbaday iney taageeraan howlgalka. “Aan fulinno waxa nagala rabo” ayuu intaasi raaciyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Aug. 24 (UPI) -- South African authorities seized an Airbus passenger jet operated by Air Tanzania, forcing the state-run airline to cancel a flight to Dar es Salaam. Source: Hiiraan Online
  20. Maamulka Israel ayaa sheegay in ay duqeymo la beegsadeen bartilmaameedyo ku yaalla nawaaxiga caasimadda waddanka Suuriya ee Dimishiq si ay uga hortagaan weerar ka dhan ah Israel oo Iiraan iyo xulfadeedu halkaasi ku diyaarinayeen. Israel waxay sheegtay in gebi ahaanba ay burburisay xarumo militari oo ku dhow Dimishiq halkaasi oo ilaalada kacaanka Iiran iyo xulafadoodu ay ka soo kicin lahaayeen diyaarado aan duulliye lahayn oo la doonayey in lagu weeraro israel. Dhinaca kale wakaaladda wararka dowladda Suuriya ayaa xaqiijisay weerarka balse waxay sheegtay in hawada lagu burburiyay gantaalihii ay soo gantay Israel islamarkaana aysan soo gaarin bartilmaameedyadii lala doonayey. Ha’yeeshee wakaaladda wararka Suuriya kama aysan hadlin sheegashada Israel ee ah in goobta la weeraray ay Iiraan iyo xulafadeedu ku diyaarinayeen weerar ka dhan ah Israel oo loo adeegsan lahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israel oo duqeymo ka geystay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya appeared first on Puntland Post.
  21. Boris Johnson to announce donation at G7 and urge fellow leaders to spend more of their aid budget on schooling Source: Hiiraan Online
  22. Basra (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa degmada Tooratoorow ee Gobalka Shabeelada Hoose ka raray maxkamad ay ku lahaayeen ee looga wici jiray shacabka Muqdisho, kadib markii ay ku dhawaadeen ciidamada Milateriga Soomaaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay todobaadkii tegay tobaneeyo dad ah adeeg Garsoor ugu sameeyeen degaanka Basra ee Gobalka Shabeellada Dhexe, kuna dhow Xuduuda 2-da gobol ee Shabeelooyinka. Tooratoorow waxay u dhawdahay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, oo ay dhawaan qabsadeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya waxaana adkaatay in Al-Shabaab ay halkaasi ku sii shaqeeyaan. Dhowr qof oo hore u tagay Tooratoorow oo ay dacwadooda socoto muddo dhowr maalmood ah ayaa Caasimada Online u sheegay in maxkamadii Al-Shabaab loo wareejiyay Basra ee Gobalka Shabeellada Dhexe. Basra waxay ku taala Xuduuda Shabeellooyinka waana dhul beereed hoos yimaada degmada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe. Sidoo kale waxaa ku teedsan dhul keyn ah, waana meel ay adagtahay in dagaalo ka dhacaan waqtiyada roobka. Lama oga sida ay wajihi doonaan Milateriga Soomaaliya saldhigga Al-Shabaab ee Basra ka furteen oo ah maxkamad ay ku sheegeen in ay ku qaban doonaan Adeegyo Garsoor. Al-Shabaab ayaa hore ayaa usoo raray xaruntoodii Canshuuraha waxayna ka dhigeen Baadiayah degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, sida ay werisay Caasimada Online. Al-Shabaab oo soo rartay xaruntii canshuur qaadista ganacsatada dekeda Xamar Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Ceelwaaq (Caasimada Online) – Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay Jimcadii 23.08.2019, dhacdo aad u xanuun badan. Ciidamo uu hoggaaminaya Koloneyl Cabbaas Gurey ayaa magaalada Ceelwaaq waxay ku toogteen gabadh dhalinyara ah oo lagu magacaabo Ridwana Nur Ibrahim Mumin. Ridwana waxay u geeriyootay dhacdo ugub ah oo ah inay diiday inay lusho sawirka Axmed Madoobe, sida ay shaaca ka qaadeen qoyskeeda. Waxaa jidka laamiga dhinaciisa oo dad badan joogeen looga codsaday inay qaaddo sawirka Axmed Madoobe oo ay lusho, balse way diiday. Markii in dhawr mar ah si canaan iyo qaylo ku dheehan tahay loogu sheegay inay sawirka qaaddo oo ku dabbaaldegto, ayey si kutalogal uga qaadday dabeetana ay tuurtay, markaas ayay xabbado ku fureen askartii Cabbaas Gurey, sida ay sheegeen goobjoogeyaal. Aabaha dhalay gabadha ayaa warqad uu soo saaray caddaalad uga dalbaday dowladda Soomaaliya oo ciidamada dilka gaystay ay u diiwaan gashan yihiin. Mohamed Tahir Abdi Helsinki, Finland mohamed1@live.fi
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay doorashadii Axmed Madoobe loogu doortay madaxweynaha Maamulka Jubbaland. Xildhibaan Naasir ayaa Axmed Madoobe ugu hambalyeey xilka uu markale ku guuleeystay ee hogaaminta Jubbaland, isagoona ka dalbaday in uu ku marti qaado xaflada caleemo saarkiisa. Xildhibaanka ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamay halyeey geesiya oo ka gil-gishay cabudhin iyo xaqiraad ay la damacsaneed xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, oo uu ku sheegay mid rabta inay xoog wax ku muquuniso. Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka hadlayey arrimahaasina, wuxuu si adag u cambaareeyay dowlada federaalka, taasi oo uu ku tilmaamay mid kali-talis ah, wuxuuna yiri “Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)”. “Axmed Madoobe guushaasi uu gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, caqliyada ka shqaysa ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho waa qolo ay Maskaxoodu gabowday”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxayna wadaan inay cubudhin, cadaadis iyo xoog ay wax ku socodsiiyaan, sidii umadda Soomaaliya ee dhawr iyo labaatanka sanno dagaalku ku socoday loo maamuli lahaa, loona dajin lahaa halkii ay ka sameeyn lahaayeen ayey bilaabeen tii hore ee u horseeday burburka iyo halaaga, oo ahaa in xoog iyo ciidan wax lagu muquuniyo”. “Axmed Madoobe waa nin geesiya, waa nin halyey ah, wuxuu ka gil-gishay wixii la doonayey in lagu sameeyo ee ahayd in la cabudhiyo, wuxuu ka gil-gishay in la xaqiro, waxaan leeyahay halyey ayaad tahay, waxaad ka soo jeeda Darwiishkii Sayid Cabdale Xasan, waana ku hambalyeynayaa, waxaana ka codsanayaa in maalinta aad sameeynayso caleema saarkaaga inaad igu casuunto, si aan ku taageero”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com