-
Content Count
209,328 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gen Nuux Ismaaciil Taani Taliyaha ciidanka Militariga Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo saaka warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda ka aloosan gobolka Sanaag gaar ahaanna ciidanka ka soo goostay Somaliland iyo sidoo kale jabhadda Col. Caarre ee ku sugan gobolkaasi. Gen Taani ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo ciidanka ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa khiyaano la dhex joogay ciidamada Somaliland islamarkaana si xaq-darro ah u cunayey canshuurta shacabka Somaliland. Wuxuu sheegay in saraakiil hore u goostay Somaliland oo ku sugnaa gobolka Sanaag ay diideen in ay fuliyaan amar la siiyay oo ahaa in ay weeraraan degmada Badhan isagoo ciidanka hadda goostayna ku tilmaamay in ay kuwaasi lamid yihiin. Sidoo kale Gen Taani ayaa ka hadlay jabhadda hubaysan ee Col. Caarre hoggaamiyo ee dagaalka kula jirta Somaliland waxaana oo sheegay in Caarre uu mudanyahay in la qisaaso maadaama sida uu sheegayo uu dad badan laayay. Hoos ka daawo hadalka taliyaha PUNTLAND POST The post Gen Taani oo xaqiijiyay in uu amray in Badhan la weeraro balse laga diiday appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay dhammaan xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ciidamdaan oo saaka aroortii hore laga qaaday garoonka Aadan Cadde ayaa la wareegay amniga garoonka Ugaas Nuur oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo isku dhaf ah. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadani ay la wareegeen madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta. Xaaladda magaalada ayaa ah mid kacsan, iyadoona Ahlu-Suna dhankeeda abaabul xoogan ay ka wado halkaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaa horay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu u shaaciyey in dowladdu dhaq dhaqaaq ka dhan ah heshiiskii ay wada galeen ay ka wado magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay dhowaan dhici doonaan shirweynaha dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug iyo doorashada hoggaanka sare ee maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Jubbaland is a place filled with potential triumph and promise of hope. It is a place with a vibrant river, fertile soils, the beautiful Indian Ocean, and livestock. Jubbaland is known for its diverse cultures and hospitality. Source: Hiiraan Online
-
Somali Government Condemns Attack on Hormuud Telecom’s mast
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Ministry of Posts, Telecommunications and Technology strongly condemned the attack on Hormuud Telecommunication Company in Gedo region. Minister Abdi Anshur Hassan said that the attack has seriously damaged the premises and equipment of the telecom firm in Caws-qurun, affecting business and livelihood of the Somali people in Gedo region. “We urge AMISOM to engage with the Somali government in the scrutiny of the repeated attacks and take appropriate action against this enemy who has targeted our economy and business in accordance with international law,” said the Minister. The Ministry of Posts has forwarded to Somalia’s Ministry of Foreign Affairs a comprehensive report on the loss of lives and property as a result of these attacks on Somali telecommunications companies. Kenya Defense Forces troops have been accused of detonating mast for Somalia’s largest telecommunication company for the 12th time in less than two years. View the full article -
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay howlgallo ballaaran ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Mareykan ah ay ka sameeyeen deegaanka Sablaale oo ay gacanta ku hayaan Xooggaga Al-Shabaab. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dagaalyahannada ay dileen uu ku jiro sarkaal sare oo lagu magacaabo Maxamed Dhuubow, kaas oo ay horay Kenya u dul saartay madaxiisa lacag dhan labo milyan oo Dollerka Mareykanka ah. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Milatari ka waday Shabeelaha Hoose, iyagoo dagaalyahannada Al-Shabaab ka saaray deegaano muhiim ah oo ay ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Sawirro: MD Farmaajo oo boggaadiyey qalinleyda Soomaaliyeed
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaagta ee Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta ay ka geysanayaan ilaalinta afka, dhaqanka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa qabanqaabiyeyaasha carwadan sannadlaha ah iyo ka qayb galayaashaba ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay wadaan, ayna si qoto dheer baaritaan ugu sameeyaan dhacdooyinka dalka si ay taariikh kaydsan ugu noqoto jiilalka dambe. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale qalinleyda Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qayb qaataan sare u qaadidda wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo doorkooda dib u dhiska dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Reports from Galgaduud region say that two planes carrying government troops landed at Ugas Nur airport in Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug. The troops were dispatched from Mogadishu and are expected to take over the security of the city after Somali government reached an agreement with Ahu Sunna this month. Under the deal, a joint force comprising ASWJ fighters and government troops took control of security in Dusamareb and other areas that were previously under the control of the moderate Islamist group. The deployment comes following a three-day meeting by the group’s religious leaders in the town, the group accused the federal government of attempting to use force in the region to get its way. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha Caasimada. Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed oo booqasho ugu tegay hoygiisa. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan maamulkiisa. “Waxaa xalay ilaa iyo shalay kulamo kala duwan laqaatay qaar kamid ah waxgaradka soomaaliyeed kuwaa oo iigu yimid hambalyo iyo bogaadin ku adan xilka la’iimagacaabay . Hambalyo kadib waxay isoo jeediyeen dar daaran iyo duco waxaana kadalbaday in maamulka cusub ee aan hogaanka u ahay ay nala shaqeeyaa.” ayuu yiri guddoomiyuhu. Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii Cumar Finish loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Markii 12 aad muddo ka yar laba sano ayaa Ciidamada Kenya waxay burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ee tuulada Caws-Qurun oo ku taalla gobolka Gedo. Abaare saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha 22 kii Agoosto 2019. Ciidamada Kenya ayaa u adeegsaday burburinta xarunta miinooyin xoog badan oo burburiyay dhammaan qalabkii yaallay xarunta sida Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta oo gabi ahaanba burburay. Qoraal ay soo saartay shirkadda Hormuud waxaa lagu sheegay in ciimada Kenya ay horay u dileen shaqaale ka tirsan shirkadda. Waxaa kale oo ay shirkadda sheegtay in arrintaasi ay ka hor imaaneyso qawaaniinta caalamiga ah, iyada oo ugu baaqday dowladda federaalka ah, Qaramada midoobey, AMISOM, midowga Afrika iyo hey’ado kale in dadaal u galaan joojinta weerarada. Dhanka kale, wasiirka Wasaaradda Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo. “Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Canshuur. Wasaaradda Boostada ayaa hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkeena gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed oo ay geysteen Ciidamada Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamarabeeb (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo Beeleed oo wada daga hallkaasi. Ugu lix ruux ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa xilka ka qaaday wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xriirka Caalamiga ah ee dowlad gobaleedka Galmudug. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in xilka qaadis lagu sameeyay Wasiirkii Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud, waxaana uu amray in uu Xilka uu sii heyn doono wasiiru dowlaha Wasaarada inta laga magacaabayo Wasiir kale. Hadaba Halkan Ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirkii qorsheynta maamulkaasi, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu sheegay in xilka uu siin heyn doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, inta laga magacaabayo wasiir kale. Ma shaacin Madaxweyne Xaaf, sababaha uu xilka uga qaaday wasiirkii qorsheynta maamulka Galmudug. Warar kale oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in sababta xilka looga qaaday Cabdikaafi oo sidoo kale ahaa xoghayaha gudiga dib u heshiisiinta ay la xariirto, kadib markii uu shaaciyey inuu 2 garab u kala jabay guddiga ay dowladda Soomaaliya u magacawday maamulkaasi, islamarkaana uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoo caqabado ay ka taagan yihiin shirweynaha dib u heshiisiinta oo marar badan dib uga dhacay waqtigii loogu tala galay inuu ku furmo. Halkan hooseka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT- Tanzania)-Ciidanka amniga ee magaalada Johannesburg ayaa gacanta ku dhigay diyaarad ay leedahay dowlada Tanzania, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga Koonfur Afrika. Xoghaya joogtada ah ee wasaarada gaadiidka iyo isgaarsiinta, Leonard Chamuriho, ayaa sheegay in ay qabteen kadib amar kaga yimid Maxkamada sare ee Gauteng. Mr Chamuriho ayaa intaa raaciyay in ay ka shaqeynayaan sii deynta diyaaradaan marka ay dhamaato eedaha loo Heesto. Diyaarada Tanzania Air oo ka duuli rabtay garoonka Oliver Tambo ee magaalada Johannesburg kuna wajaheyneyd caasimada Dar es Salaam ayaa rakaabkii saarnaa lagu qasbay in ay Baaqdaan. Agaasimaha dhanka maamulka diyaarada Tanzania Ladislaus Matindi ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin talaabada ay qaaday Koonfur Afrika. Ma ahan markii ugu horeysay oo dowlada koonfur Afrika ay qabato diyaarada rakaabka ee Tanzania. Source
-
(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa amaanay midnimada shacabka iyo dowlada Iiraan inay fure u tahay awooda Iiraan. Waxaan shaki ku jirin in Taariikhda ay baal dahab ka gali doonto midnimada dowlada iyo shacabka ayuu yidhi kadib qudbad uu ka jeediyay warbaahinta dowlada sabtida shalay. Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada caasimada ah ee Tehraan ay ka socoto xuska Imam Khumeyni oo ahaa aas aasaha kacaanka islaamiga ah ee Iiraan. Sanadkasta 23-da Agoosto ayaa la qabtaa xuska madaxweynihii hore ee Iiraan Maxamed Cali Rajaay Ra’isul wasaarihii dalkaasi Maxamed Javad Bahanoor iyo xubno kale oo ka tirsanaa dowlada oo ku geeriyooday weerar ka dhacay magaalada Tehraan 30-kii Agoosto sanadkii 1981-dii. Iiraan ayaa waxaa uu la kulmaysaa cunaqabateyn kaga Imaaneysa dowlada Mareykanka. Source
-
Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay laga sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababarn ee Danab oo kaashanaya kuwa Mareykan ah ayaa ka dhacay deegaanka Sablaale ee gobolkaasi. Sida ay warbaahinta dowladda u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaliya waxaa howlgalkaasi lagu dilay 18 ka tirsanaa Al-Shabaab. Saraakiishan ayaa sheegay in xubnaha la dilay uu ka jiro sarkaal lagu magacaabo Maxamed Dhuubow, kaas oo horay Kenya madaxiisa ay dul dhigtay lacag. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Dubai)-Raysal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi iyo wafti heer sare ah oo la socda ayaa kulan kula qaatay magaalada Dubia madaxda sare Imaaraadka Carabta. Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga Ganacsiga. Shiikh Maxamed bin Zayid Al Nahyan iyo Modi ayaa gaadhay heshiisyo wax ku ool ah oo dan u ah labada Dhinac. Kulankaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo bandowga xukuumada Delhi ay ku soo rogtay gobolka Muslimiinta uu Taagan Yahay. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo. Wasiirka Wasaaradda, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo. “Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Cashuur. Wasaaradda Boostadu waxa ay hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkeena gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirrsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo marayey agagaarka Carwadii hore Taleex ee degmadaasi. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxa ayaa lala beegsaday gaari Toyota HILUX oo ay wateen ciidamadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay darawalkii gaariga, iyadoona uu ku dhaawacmay askari kale. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka hay’adaha amniga oo ku aadan qaraxaasi, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadiisa. Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad galyada oo muddooyinkii dambe ka dhacayey gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xildhibaan Naasir Cali Shire oo katirsan barlamaanka Somaliland ayaa hambalyo iyo ammaan u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xildhibaanka oo waraysi siinayey wargeys ka soo baxa Hargaysa ayaa sheegay in doorashadii Axmed Madoobe ay ahayd mid sharci ah uuna ka codsaday inuu ku casuumo xafladdiisa calaama saarka ee Kismaayo ka dhacaysa. “Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), guushaas uu Axmed Madoobe gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya, caqliyada ka shqaysa, ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegayaa inaysan ku mashquulin ciddii Soomaali ah oo horumar gaarta”, ayuu yiri xildhibaan Naasir. Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa ugu dambayntii sheegay in Axmed Madoobe uu yahay shaqsi geesi ah isla markaana mudan in loo hambalyeeyo laguna ammaano wixii uu soo qabtay. The post Xildhibaan katirsan Somaliland oo u hambalyeyey Axmed Madoobe kana codsaday inuu caleema saarkiisa ku casumo. appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka labo diyaaradood oo siday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka degeen garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ciidamadan oo Boolis ah ayaa saaka aroortii hore laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah lagu kordhiyey ciidamada ilaalinaya ammaanka garoonka magaaladaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Ahlu Suna ay uga digtay qorshaha Ciidamada dowladda lagu geynayo halkaasi. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Illaa labo diyaaradood oo siday ciidamo Boolis ah ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo tiradooda aan la shaacin ayaa saaka aroortii hore laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadani oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ayaa lagu kordhiyey ciidamada ilaalinaya ammaanka garoonka Dhuusamareeb oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Ahlusuna ay uga digtay qorshaha Ciidamada dowladda lagu geynayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Sidoo kale saacadaha soo socda la filayaa in magaaladaasi ay gaaraan wufuud ka socota dowladda, kuwaas oo ka qeyb galaya furitaanka shirka sib u heshiisiinta Galmudug. Shirkan oo muhiim u ah in la qabto doorashada Galmudug ayaa waxaa jira khilaaf hareeyey, kaas oo soo kala dhexgalay guddiga ay dowladdu u saartay shirkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo saakay ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare geystay. Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari noociisu ahaa Toyota HILUX, waxaana la socday agaasimaha isbitaalka xoogga dalka iyo askar ilaalo u ahayd, xilli ay marayeen meel ku dhow carwadii hore ee Taleex, degmada Hodon. Labo qof ayaa ku dhaacmay qaraxan, waxaana ay kala ahaayeen agaasimaha Isbitaalka Xoogga, Khadiijo Iimaan Caynte iyo Darawalkii Gaarigaasi oo magaciisa naloogu sheegay Aadan Yare. Goobta qaraxan uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamada Booliiska, kuwaasi oo bilaabay baaritaan aan weli wax natiijo ah laga soo saarin. Miinada qaraxday ayaa la sheegay in dhulka ay ku aasneyd, iyadoo wadadaasina tahay mid inta badan ay dadweynuhu adeegsadaan, islamarkaana mashquul badan. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey ahaa mid soo hagaagayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com