-
Content Count
209,333 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/warka-duhur-2508-2019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta miiska saraakiisha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada ka goostay Somaliland ay ahaayeen kuwo aan waxba ugu filayn Somaliland, isla markaana usoo xaadiri jiray uun inay qaataan Mushaharaad kaliya. Taliye Nuux Ismaaciil Tani waxa uu sheegay inuu aad usoo dhaweynayo inay ka baxaan Somaliland, maadama oo wali intaa ay ciidamadaasi joogeen aan wax hawlgal ah oo qarankani leeyahay aanay kala qaybqaadan. Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas, Nuux Ismaacil Taani isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wali intaa ay joogeen wax hawl ah oo hawlgaladaa ka socda wadanka waxba kamay fulin, xataa tii doorashooyinka wax nafle kamay qaban halkooda ayuunbaynu ku masruufaynay, ciidankii ma raacin balse waxa tagay badiyaa saraakiishii hogaaminaysay waxa halkaa ka muuqatay mudadii ay nala joogeenba khiyaamo uun inay ku socdeen, ninku hadii aanu waajibkii fulin karayn inuu lacag qaato maaha inuu sii joogana maaha. Waxaan leenahay waanu la saayirnay intaas oo dhan ayaanu ku eegaynay waanu la saayiray, kuwaa tagay iyo kuwo kaleba uma baahna qaranku inay iska tagaan ayaa wanaagsan, waanan ku faraxsanahay inay iska tageen, maxaa yeelay qaranka waxaan kharash ahayn oo ay ula fadhiyaan ma jiro, lacag bilaash ah oo cashuurta dadka laga ururiyey ah oo ay bilaash ku qaataan ayuunbay qaataan wax inooga soo noqday oo ay noo fuliyaana ma jiro markaa dadka caynkaas ah inay ka tagaan oo markii horeba ay odayaal yidhaahdeen noo qarameeya dee laguma sii jiri karo,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland. Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani, Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland waxa uu sheegay in ciidamada qaranka Somaliland iyo cid kasta oo ka baxdaa ay dib ugu soo noqoto. Markale taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland isagoo arintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Qofku haduu wanaag uun ku joogayo dee waan qaadan karnaa, laakiin qofkii oo dhiig-roor kugu ridaya oo kharash kaa qaadanaya hadana uu wax kale ku daro adeer wax la qaadan karo maaha, maalaha ay tagayaana Somaliland ayaa uga nafaqo badan, inkasta oo Somaliland ka tagaana wuu ku soo noqdaa.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland oo ka hadlayey Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku sugnaa deegaanka Badhan oo dhawaan u goostay dhinaca maamul goboleedka Puntland. Dhinaca kale Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa dambiile qaran ku tilmaamay Kornayl Siciid Cawil Caarre oo hore uga tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland, kaas oo sidoo kale sheegay in Caarre uu dad badan oo ciidamo iyo dad shicib ahba isugu jira uu ku dilay gobolka Sanaag. Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani oo arinta kornaylkaasi hore uga tirsanaa ciidamadiisa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Caarre waxa uu ahaa Kornayl ka tirsan ciidamada, waanay ogyihiin ciidamadu waanay yaqaanaan, nin dhib badan oo dhibaato badan Sanaag ka gaystay inuu yahay. Halkan, Miiskan Saraakiisha ee aad joogtaan ayuu ku xidhnaa isagoo afar nin loo haysto dilkood, ragbaa ololeeyey, ololeeyey oo ninka ha la sii daayo ayaa la yidhi, wali kiiskiisii sidiibuu u yaalaa oo maxkamadu u xayirtay, isagoo jooga ayaa hadana Abaanduule laga dhigay, halkaa markuu tagayna oo uu muddo joogayna waaka dhacay mushaharkii ciidanka ee dhexda u fadhiistay, hadana waaka tagay Puntland, dadka uu gacantiisa ku dilay ee gobolkaa Sanaag ka tirsana 10 qof kama yara haday ciidan tahay iyo haday shicib tahayba. “In la qisaaso bay ahayd si isagana dambiga Illaahay uga dhaafo oo dadkuu laayey loo qisaaso bay ahayd, laakiin in loo qaato geesi anigu waxaan u arkaa shakhsiyan inay tahay dambi ka u doodayaana haduu wax u tarayo dambigaa uu sameeyey ha laga jaree inuu ogolaado in laga jaro oo maxkamad la saaro, Waa dambiile Qaran oo waliba ku dhiiran oo isle geesibaad tahay.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani. Source
-
By FRED OLUOCH The tension between Kenya and Ethiopia over Somalia’s Jubbaland state and its recent election is likely to affect the war against terror in the Horn, experts warn. With the two countries being frontline states with a sizeable Somalia population and being contributors to the African Union Mission in Somalia – Ethiopia has 4,395 troops in Amisom while Kenya has 3,664 – their seeming failure to co-operate over Jubbaland could give way to a resurgence of the Al-Shabaab terror group. Amisom is preparing for a final withdrawal in 2021, leaving the Somalia National Army in charge and there are fears that the militants could recapture the liberated areas. DIFFERENT SIDES Abdiwahab Sheikh Abdisamad, a Horn of Africa expert, says the emerging rift between Kenya and Ethiopia over the just concluded Jubbaland election could fuel further clan divisions in the state and could give the militants more ground. Kenya supported the re-election of Sheikh Ahmed Islam Madobe, an old ally in the fight against Al-Shabaab. Ethiopia on the other hand allied itself with Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, who was pushing for the ouster of Madobe in favour of a person who could co-operate with Mogadishu. There is concern about the Shabaab’s recent campaign of targeting Somali government officials. Late last month, Al-Shabaab militants attacked a hotel in Kismayu, Jubbaland, killing 26 people. Later, a suicide bomber in Mogadishu killed the mayor, Abdirahman Osman, and several others. On August 20, the militants attacked Somali federal government forces military base in Qoryoole, in Lower Shabelle region. Abdirizak Omar Mohamed, a former minister of Internal Security in the federal government, says the militants have taken advantage of the political wrangles between Mogadishu and Jubbaland and their allies. “The geopolitical and economic interests at play are making the fight against Al-Shabaab more difficult,” said Mr Mohamed. While President Farmaajo, with the support of the United States and Qatar, believes that the reconstruction and democratisation of Somalia must start with a strong central government that would force the federal states into submission, Kenya, United Arab Emirates and the Saudi Arabia are for strong regional states as the building blocks for reconstruction. PACT AND INTERESTS Jubbaland — which comprises Lower Juba, Middle Juba and Gedo regions — was established in April 2013 as a joint effort between Kenya and Ethiopia, but the recent friction threatens the decades long long-standing mutual co-operation pact between the two countries. Experts on the affairs of Somalia blame Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed for disregarding this co-operation over the issues of Somalia and allying himself with President Farmaajo to create a strong centre. Matt Bryden, chairman of Sahan Research Organisation, said that Dr Abiy has abandoned the long-standing policy of supporting a decentralised system in Somalia and embraced Mogadishu which has left Kenya standing alone. Kenya and Ethiopia signed a Defence Pact in the 1960s to check the territorial ambitions of Somalia, back then being advanced through the claiming of parts of Kenya and Ethiopia in what was known as Somalia’s irredentism. The two countries have been playing a leading role on the war against Al-Shabaab. Analysts say that the emergence of Dr Abiy in the political scene — he came to power in April 2014 — and the shifting geopolitics in the Horn of Africa, has overshadowed Kenya’s position as a leading peacemaker in the region. This has been compounded by the emerging interests of the Gulf countries and western powers, are interested in influencing politics of the region with the objective of having access to Somalia’s offshore oil and gas deposits. For instance, Qatar is trying to wrestle influence over Somalia from Turkey. These vested commercial interests are threatening to defeat the war against terror in the region. According to Dr Abdisamad, the multinational giant western oil companies are threatening Kenya’s position, and they are lobbying Somali interests in their own countries putting Kenya in a difficult diplomatic position. Source: Daily Nation
-
Gen Nuux Ismaaciil Taani Taliyaha ciidanka Militariga Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo saaka warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda ka aloosan gobolka Sanaag gaar ahaanna ciidanka ka soo goostay Somaliland iyo sidoo kale jabhadda Col. Caarre ee ku sugan gobolkaasi. Gen Taani ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo ciidanka ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa khiyaano la dhex joogay ciidamada Somaliland islamarkaana si xaq-darro ah u cunayey canshuurta shacabka Somaliland. Wuxuu sheegay in saraakiil hore u goostay Somaliland oo ku sugnaa gobolka Sanaag ay diideen in ay fuliyaan amar la siiyay oo ahaa in ay weeraraan degmada Badhan isagoo ciidanka hadda goostayna ku tilmaamay in ay kuwaasi lamid yihiin. Sidoo kale Gen Taani ayaa ka hadlay jabhadda hubaysan ee Col. Caarre hoggaamiyo ee dagaalka kula jirta Somaliland waxaana oo sheegay in Caarre uu mudanyahay in la qisaaso maadaama sida uu sheegayo uu dad badan laayay. Hoos ka daawo hadalka taliyaha PUNTLAND POST The post Gen Taani oo xaqiijiyay in uu amray in Badhan la weeraro balse laga diiday appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay dhammaan xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ciidamdaan oo saaka aroortii hore laga qaaday garoonka Aadan Cadde ayaa la wareegay amniga garoonka Ugaas Nuur oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo isku dhaf ah. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadani ay la wareegeen madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta. Xaaladda magaalada ayaa ah mid kacsan, iyadoona Ahlu-Suna dhankeeda abaabul xoogan ay ka wado halkaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaa horay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu u shaaciyey in dowladdu dhaq dhaqaaq ka dhan ah heshiiskii ay wada galeen ay ka wado magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay dhowaan dhici doonaan shirweynaha dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug iyo doorashada hoggaanka sare ee maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Jubbaland is a place filled with potential triumph and promise of hope. It is a place with a vibrant river, fertile soils, the beautiful Indian Ocean, and livestock. Jubbaland is known for its diverse cultures and hospitality. Source: Hiiraan Online
-
Somali Government Condemns Attack on Hormuud Telecom’s mast
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Ministry of Posts, Telecommunications and Technology strongly condemned the attack on Hormuud Telecommunication Company in Gedo region. Minister Abdi Anshur Hassan said that the attack has seriously damaged the premises and equipment of the telecom firm in Caws-qurun, affecting business and livelihood of the Somali people in Gedo region. “We urge AMISOM to engage with the Somali government in the scrutiny of the repeated attacks and take appropriate action against this enemy who has targeted our economy and business in accordance with international law,” said the Minister. The Ministry of Posts has forwarded to Somalia’s Ministry of Foreign Affairs a comprehensive report on the loss of lives and property as a result of these attacks on Somali telecommunications companies. Kenya Defense Forces troops have been accused of detonating mast for Somalia’s largest telecommunication company for the 12th time in less than two years. View the full article -
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay howlgallo ballaaran ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Mareykan ah ay ka sameeyeen deegaanka Sablaale oo ay gacanta ku hayaan Xooggaga Al-Shabaab. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dagaalyahannada ay dileen uu ku jiro sarkaal sare oo lagu magacaabo Maxamed Dhuubow, kaas oo ay horay Kenya u dul saartay madaxiisa lacag dhan labo milyan oo Dollerka Mareykanka ah. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Milatari ka waday Shabeelaha Hoose, iyagoo dagaalyahannada Al-Shabaab ka saaray deegaano muhiim ah oo ay ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Sawirro: MD Farmaajo oo boggaadiyey qalinleyda Soomaaliyeed
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaagta ee Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta ay ka geysanayaan ilaalinta afka, dhaqanka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa qabanqaabiyeyaasha carwadan sannadlaha ah iyo ka qayb galayaashaba ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay wadaan, ayna si qoto dheer baaritaan ugu sameeyaan dhacdooyinka dalka si ay taariikh kaydsan ugu noqoto jiilalka dambe. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale qalinleyda Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qayb qaataan sare u qaadidda wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo doorkooda dib u dhiska dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Reports from Galgaduud region say that two planes carrying government troops landed at Ugas Nur airport in Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug. The troops were dispatched from Mogadishu and are expected to take over the security of the city after Somali government reached an agreement with Ahu Sunna this month. Under the deal, a joint force comprising ASWJ fighters and government troops took control of security in Dusamareb and other areas that were previously under the control of the moderate Islamist group. The deployment comes following a three-day meeting by the group’s religious leaders in the town, the group accused the federal government of attempting to use force in the region to get its way. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha Caasimada. Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed oo booqasho ugu tegay hoygiisa. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan maamulkiisa. “Waxaa xalay ilaa iyo shalay kulamo kala duwan laqaatay qaar kamid ah waxgaradka soomaaliyeed kuwaa oo iigu yimid hambalyo iyo bogaadin ku adan xilka la’iimagacaabay . Hambalyo kadib waxay isoo jeediyeen dar daaran iyo duco waxaana kadalbaday in maamulka cusub ee aan hogaanka u ahay ay nala shaqeeyaa.” ayuu yiri guddoomiyuhu. Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii Cumar Finish loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Markii 12 aad muddo ka yar laba sano ayaa Ciidamada Kenya waxay burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ee tuulada Caws-Qurun oo ku taalla gobolka Gedo. Abaare saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha 22 kii Agoosto 2019. Ciidamada Kenya ayaa u adeegsaday burburinta xarunta miinooyin xoog badan oo burburiyay dhammaan qalabkii yaallay xarunta sida Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta oo gabi ahaanba burburay. Qoraal ay soo saartay shirkadda Hormuud waxaa lagu sheegay in ciimada Kenya ay horay u dileen shaqaale ka tirsan shirkadda. Waxaa kale oo ay shirkadda sheegtay in arrintaasi ay ka hor imaaneyso qawaaniinta caalamiga ah, iyada oo ugu baaqday dowladda federaalka ah, Qaramada midoobey, AMISOM, midowga Afrika iyo hey’ado kale in dadaal u galaan joojinta weerarada. Dhanka kale, wasiirka Wasaaradda Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo. “Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Canshuur. Wasaaradda Boostada ayaa hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkeena gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed oo ay geysteen Ciidamada Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamarabeeb (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo Beeleed oo wada daga hallkaasi. Ugu lix ruux ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa xilka ka qaaday wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xriirka Caalamiga ah ee dowlad gobaleedka Galmudug. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in xilka qaadis lagu sameeyay Wasiirkii Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud, waxaana uu amray in uu Xilka uu sii heyn doono wasiiru dowlaha Wasaarada inta laga magacaabayo Wasiir kale. Hadaba Halkan Ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirkii qorsheynta maamulkaasi, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu sheegay in xilka uu siin heyn doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, inta laga magacaabayo wasiir kale. Ma shaacin Madaxweyne Xaaf, sababaha uu xilka uga qaaday wasiirkii qorsheynta maamulka Galmudug. Warar kale oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in sababta xilka looga qaaday Cabdikaafi oo sidoo kale ahaa xoghayaha gudiga dib u heshiisiinta ay la xariirto, kadib markii uu shaaciyey inuu 2 garab u kala jabay guddiga ay dowladda Soomaaliya u magacawday maamulkaasi, islamarkaana uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoo caqabado ay ka taagan yihiin shirweynaha dib u heshiisiinta oo marar badan dib uga dhacay waqtigii loogu tala galay inuu ku furmo. Halkan hooseka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT- Tanzania)-Ciidanka amniga ee magaalada Johannesburg ayaa gacanta ku dhigay diyaarad ay leedahay dowlada Tanzania, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga Koonfur Afrika. Xoghaya joogtada ah ee wasaarada gaadiidka iyo isgaarsiinta, Leonard Chamuriho, ayaa sheegay in ay qabteen kadib amar kaga yimid Maxkamada sare ee Gauteng. Mr Chamuriho ayaa intaa raaciyay in ay ka shaqeynayaan sii deynta diyaaradaan marka ay dhamaato eedaha loo Heesto. Diyaarada Tanzania Air oo ka duuli rabtay garoonka Oliver Tambo ee magaalada Johannesburg kuna wajaheyneyd caasimada Dar es Salaam ayaa rakaabkii saarnaa lagu qasbay in ay Baaqdaan. Agaasimaha dhanka maamulka diyaarada Tanzania Ladislaus Matindi ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin talaabada ay qaaday Koonfur Afrika. Ma ahan markii ugu horeysay oo dowlada koonfur Afrika ay qabato diyaarada rakaabka ee Tanzania. Source
-
(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa amaanay midnimada shacabka iyo dowlada Iiraan inay fure u tahay awooda Iiraan. Waxaan shaki ku jirin in Taariikhda ay baal dahab ka gali doonto midnimada dowlada iyo shacabka ayuu yidhi kadib qudbad uu ka jeediyay warbaahinta dowlada sabtida shalay. Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada caasimada ah ee Tehraan ay ka socoto xuska Imam Khumeyni oo ahaa aas aasaha kacaanka islaamiga ah ee Iiraan. Sanadkasta 23-da Agoosto ayaa la qabtaa xuska madaxweynihii hore ee Iiraan Maxamed Cali Rajaay Ra’isul wasaarihii dalkaasi Maxamed Javad Bahanoor iyo xubno kale oo ka tirsanaa dowlada oo ku geeriyooday weerar ka dhacay magaalada Tehraan 30-kii Agoosto sanadkii 1981-dii. Iiraan ayaa waxaa uu la kulmaysaa cunaqabateyn kaga Imaaneysa dowlada Mareykanka. Source
-
Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay laga sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababarn ee Danab oo kaashanaya kuwa Mareykan ah ayaa ka dhacay deegaanka Sablaale ee gobolkaasi. Sida ay warbaahinta dowladda u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaliya waxaa howlgalkaasi lagu dilay 18 ka tirsanaa Al-Shabaab. Saraakiishan ayaa sheegay in xubnaha la dilay uu ka jiro sarkaal lagu magacaabo Maxamed Dhuubow, kaas oo horay Kenya madaxiisa ay dul dhigtay lacag. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Dubai)-Raysal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi iyo wafti heer sare ah oo la socda ayaa kulan kula qaatay magaalada Dubia madaxda sare Imaaraadka Carabta. Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga Ganacsiga. Shiikh Maxamed bin Zayid Al Nahyan iyo Modi ayaa gaadhay heshiisyo wax ku ool ah oo dan u ah labada Dhinac. Kulankaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo bandowga xukuumada Delhi ay ku soo rogtay gobolka Muslimiinta uu Taagan Yahay. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo. Wasiirka Wasaaradda, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo. “Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Cashuur. Wasaaradda Boostadu waxa ay hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkeena gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirrsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo marayey agagaarka Carwadii hore Taleex ee degmadaasi. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxa ayaa lala beegsaday gaari Toyota HILUX oo ay wateen ciidamadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay darawalkii gaariga, iyadoona uu ku dhaawacmay askari kale. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka hay’adaha amniga oo ku aadan qaraxaasi, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadiisa. Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad galyada oo muddooyinkii dambe ka dhacayey gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com