Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,333
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa. Gaariga ayaa qarxay, xilli uu ku jiray saf lagu baarayey gaddiidka aada dhanka garoonka Aadan Cadde, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in gaarigaasi uu watay xoghayihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud oo loo yaqaanay (Amiin), kaas oo la sheegay in uu ku dhintay qaraxaasi. Amiin ayaa la soo shaqeeyey maamulladii gududdoomiyeyaasha Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Ciidamada ammaanka ee ku sugnaa goobta ayaa muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqa, iyagoona markii dambe meydka ka qaaday hakaasi. Waa qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoona saaka qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo marayey agagaarka Carwadii hore ee Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Siciid Mire ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay taliyaha ciidammada qaranka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Faa’iidooyinka Cambe BABAAYGA (pawpaw) Qalinkii Cabdi Caawiye Cambe babaay (Af-Ingiriis: papaya ama pawpaw magaca Saynis “Carica papaya”, waa midho ka mid ah khudaarta ka baxda geedka Karika. Waa midho dusha cagaar ka ah marka la jeexana Waa huruud nooc kalena waacasaan babaayga, sidoo kale loo yaqaano Cambe babaay waa midho bisil oo leh faa’iido iyo nafaqo badan. Halka xabo ee yar ee babaayga ahi waxay ka koobantahay (152 grams) Calories: 59 Carbohydrates: 15 grams Fiber: 3 grams Protein: 1 gram Vitamin C: 157% of the RDI Vitamin A: 33% of the RDI Folate (vitamin B9): 14% of the RDI Potassium: 11% of the RDI calcium, magnesium iyo vitamins B1, B3, B5, E and K. 1. Wuxuu daweeyaa xanuunada wadnaha. (May Improve Heart Health) Waxa la ogaaday in cambe babaaygu uu dawo u yahay xanuunada asiiba wadnaha waayo waxa ku jira labada macdanood ee lycopene iyo Vitamin C oo labaduba u fiican wadnaha. SUMMARY Papaya’s high vitamin C and lycopene content can improve heart health and may reduce your risk of heart disease. 2. Wuxuu hagaajiyaa dheefshiidka. Cambe babaygu waa waa dawooyinka ugu fiican ee lagula tacaalo calool istaaga badan. Iniinta iyo caleentiisuba waxay daweeyaan Gasteriga (ulcer ) SUMMARY Papaya has been shown to improve constipation and other symptoms of IBS. The seeds and other parts of the plant have also been used to treat ulcers. 3. Wuxuu caawiyaa maqaarka Babaaygu wuxuu dawo ka yahay jactadka ku dhaca maqaarka, waxa uuna daawo fiican u yahay maqaarka oo uu ka difaaco falaadhaha cadceedu haddii ay wax yeelaan. SUMMARY The powerful antioxidants in papaya can help your skin recover from sun damage and may defend against wrinkling. 4 . Waxa uu ka hortagaa kansarka. Culimada saynisku waxa ay isku raaceen in uu babaaygu yahay ka hortag xaga cudurka kanserka ah. Cilmi baadhis la sameeyey ayaa lagu ogaaday in maadada lycopene ee uu qaniga ku yahay cambe babaaygu ay ka hor tag fiican u tahay cudurka kanserka. SUMMARY Early research suggests that the antioxidants in papaya may reduce cancer risk and perhaps even slow cancer progression. Waxa kale oo la ogaaday in 100 ka Garaam (100g) ee cambe babaayga ah uu ka koobanyahay Water [g]88.06 Protein [kcal]43 Borotiin [g]0.47 Total lipid (fat) [g]0.26 Carbohydrate, by difference [g]10.82 Fiber, total dietary [g]1.7 Sugars, total [g]7.82 Calcium, Ca [mg]20 Bir, Fe [mg]0.25 Magnesium, Mg [mg]21 Phosphorus, P [mg]10 Potassium, K [mg]182 Sodium, Na [mg]8 Lasoco qaybaha dambe Qalinkii Cabdi Caawiye Shaywaal12@gmail.com +252634115877 Qaran News
  4. (SLT-London)-Dawladda boqortooyada Ingiriiska ayaa Markabkii dagaal ee Saddexaad u dirtay Khaliijka Carabta, si uu uga qayb-qaatay Difaaca Maraakiibta halkaa mara, ka dib markii Markab UK leedahay lagu qabsaday Marinka Hormuz. Markabka saddexaad ee UK u dirtay Khaliijka Carabta ayaa waxa xaqiiyey Wasiirka Difaaca Ingiriiska, sida uu baahiyey Wargeyska The National. Markabkan oo noociisu yahay 45 destroyer HMS ayaa ka qayb-qaadanaya difaaca Maraakiibta isticmaala Marin-biyoodka Hormuz oo ku dhow Biyaha badda IRAN, kaasi oo ay dhowr jeer Ilaalada Kacaanka IRAN ka qafaasheen Maraakiib siday Shidaal, kuwaasi oo uu ka mid yahay Markab UK leedahay oo Shidaal siday. Xiisadda u dhaxaysa Uk iyo IRAN ayaa wer-werkeedu sii kordhay markii Ciidammada Ilaalada Kacaanka ee IRAN qabsadeen Markabka Stena Impero oo laga leeyahay Dalka Sweden, balse sitay Calanka UK. Ilaalada Kacaanka IRAN ayaa xidhay Markabka iyo 23 Shaqaale ah oo la socday, kuwaasi oo Marinka Hormuz ka qabteen 20-kii bishii la soo dhaafay ee July, kaasi oo ay weli gacanka ku hayaan, taasi ayaana keentay in UK markabkii saddexaad u soo dirto Khaliijka Carabta si ay korka ugala socdaan Amniga Maraakiibta isticmaalaysa Marinka muhiimka ah ee Hormuz. Source
  5. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay inay marti geliso arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. “Arrinta Somaliland iyo Somalia iyadana waa caqabad kale oo hor taagan dastuurka aniga saas uma dhigaayo in Somalia iyo Somaliland la yidhaahdo, waxa qaba walaalaheena gobolada waqooyi jira ama Maamulka Somaliland in ay Garowe yimaadaan oo doodaha ay qabaan soo dhoweystaan”ayuu yidhi Saciid Deni. Somaliland iyo Soomaaliya wali kama hadalkan soo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Puntland. Source
  6. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayan in halkaasi uu ka socdo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya hoggaanka Ahlu-Sunna, kadib markii ciidamo ay gaysay dowladda ay qabsadeen xarumaha muhiimka ah ee magaalada. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Ashcari, Macalin Maxamuud Shiikh Xasan Faarax iyo madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Xog aan helnay ayaa sheegaysa in kulanka intiisa badan looga hadlayo amniga guud ee magalada Dhuusamareeb iyo waxa laga yeelayo ciidamada dowladda Soomaaliya ay maanta geysay halkaas, iyada oo hoggaanka Ahlu-Sunna ay walaac ka muujinayaan ciidamadaas. Wararka ayaa intaasi ku daray in hogaanka Ahlu-Sunna xarumaha ay degan yihiin magaaladda Dhuusamareeb lagu kordhiyay ciidamo ku hubaysan gaadiidka dagaalka si ay u xaqiijiyaan amaankooda maadaama ay shaki badan ka muujiyeen ciidanka dowladda Soomaaliya ay gaysay magaaladda Dhuusamareeb. Ammaanka magaaladda ayaa waxaa gacanta ku haya ciidanka isku dhafka ah ee horay gacanta ugu haayay amaanka magaaladda Dhuusamareeb. Ciidanka dowladda Soomaaliya ee maanta magaaladda Dhuusamareeb gaaray ayaa ku sugan xarinta madaxtooyadda magaaladda Dhuusamareeb, xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug iyo gurigga uu Dhuusamareeb ka daganyahey taliyaha guutada 15 aad ee qaybta 21 aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneral Mascuud Maxamed Warsame. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  7. (SLT- Afghanistan)-Heshiis la filayo in lagu soo gaba gabeeyo dagaalka 18-ka sano ka socda dalka Afghanistan ayaa lagu wadaa in ay maanta kala saxiixdaan wakiilo ka kala socda ururka Taliban iyo Mareykanka. Afhayeen u hadlay Taliban oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid ayaa VOA u sheegay in wadahadallada Mareykanka iyo Taliban oo muddo sanad ah ka socda dalka Qatar ay hadda marayaan heer gabo gabo ah. Wuxuu sheegay in labada dhinac ay hadda isla falanqeynayaan qeybta ugu muhimsan oo ah qaabka ay ciidamada Mareykanka uga baxayaan Afghanstan. Wadahadalladaan oo soo maray sagaal wareeg, ayaa waxaa Mareykanka u matalaya diblamaasiga ku dhashay dalka Afghanstan balse heysta dhalashada Mareykanka ee Zalmay Khalilzad. Dagaalka Afghanstan ayaa soo billowday sanadki 2001, markaas oo Mareykanka oo kaashanaya xulufadiisa NATO ay awoodda ka tuureen maamulki Islaamiga ahaa ee Taliban. Source
  8. Jubbaland — which comprises Lower Juba, Middle Juba and Gedo regions — was established in April 2013 as a joint effort between Kenya and Ethiopia, but the recent friction threatens the decades long long-standing mutual co-operation pact between the two countries. Source: Hiiraan Online
  9. Buuloburte (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta howlgallo ka sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Dhame Cabdi Maxamed (Kabtan Suul Nuug) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada huwanta ay si nabaddoon kula wareegeen deegaano u dhaxeeya degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in howlgallada ay sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga saraayo guud ahaan gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-buulo-burde-.mp3 View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay taliyaha ciidammada millatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. In the aftermath of thawing of relations between Ethiopia and Eritrea, border towns such as Serha have been a beehive of activity with reconstruction of infrastructure such as bridges and roads reconnecting the two countries. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeysa (SMM) – Taliyaha ciidanka Milatariga Somaliland, Nuur Ismaaciil Taani oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay ciidamo ka tirsan maamulkaas oo dhowaan u goostay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Taliye Taani ayaa sheegay in ciidamadaas ay horay uga diideen inay duulaan ku qaadaan deegaanada Puntland, islamarkaana uu heshiis kala dhexeeyey, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale taliyaha Milatariga Somaliland ayaa eedeyn culus u jeediyey Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo hoggaamiyo jabhadda Dulmi Diid. Taliyaha ayaa tilmaamay in Kormeyl Caare uu dambiyo culus ka gestay deegaanada Somaliland, islamarkaana ay maxkamadiisu furan tahay. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/ccc.mp3 View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedkii dhexdhexaadinta ka dhex waday xukuumadda Somaliland iyo jabhadda kornayl Caarre ayaa shaaciyay inay ka baxeen hawlihii nabadaynta ahayd ee ay wadeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Guddoomiyaha kooxda Elman Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa safar shaqo ku tagay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay waxaan si weyn u soo dhaweeyay bahda ciyaaraha iyo maamulka degmada,wuxuuna socdaalkiisa ku qotomay in uu soo komeero garoomada iyo xafiisyada ciyaaraha degmada. Bahda ciyaaraha iyo maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa guddoomiye Garooje kaga mahad celiyay booqashadiisa,iyagoo sheegay in ay sugidoonaan sanadaha soo aadan,si loo horomariyo isboortiga. Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo maamulka kooxda Elman oo iska kaashanaya ayaa kooxaha,macallimiinta iyo garsoorayaasha degmada ku wareejiyay agabyo isboorti,sida uu Goobjoog u sheegay gudoomiyaha naadiga Elman Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje). Ha’yado badan ayaa ka howl gala degmada Diinsoor ee gobolka Baay gudoomiye Garooje inta oo joogay waxa uu la kulmay mas’uuliyeen ka socotay ha’yada Intersoos wuxuuna ka hadlay dhismaha iyo saarida cowska macallliminka garoonka kubbadda cagta degmada maadaam ay ay ha’adahaan ay mashaariic badan ka fuliyaan deegaanada maamulka Konfur Galbeed,iyagoo balanqaaday in ay wax ka qabandoonaan baahiyaha ciyaaraha. Guddoomiye Garooje horay waxa ugu soo dheelay kooxaha Horseed iyo Madbacada Qaranka,isagoo qorsheenayaa in sanadaha soo aadan oo safar shaqo ku bixiyo dhamaan gobolada dalka,si oo aqoontiisa iyo waqtigiisa ugu faa’ideeyo dhallinyarada iyo bahda ciyaarayah si dalka uu u gaaro horomar . Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Safarkii Uu Gudoomiye Garooje Ka Tagay Degmada Diinsoor W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  15. Garoowe (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa ku baaqay wada-hadallad u dhexeeyaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland lagu qabto gudaha magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa sheegay n Puntland ay diyaar u tahay inay marti geliso shirarka looga hadlayo geeddi socodka arrimaha Ssiyaasadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay soo dhaweyneyso Puntland in Garowe lagu qabto shirka looga hadlayo Maqaamka siyaasadeed ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. “Waxaan jeclaan lahaa in aan halkaan ka sheego in Puntland marti geliso qodobada aadka looga doodo ee ah Maqaamka Muqdisho in Garowe looga hadlo, Muqdisho waa magaala madaxda Soomaaliya, waa magaalada astaanta u ah Qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeeda inuu dood aan dhamaaneyn ku jiro aad ayay noo dhibeysaa xaqiiqdii”ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi (Deni). Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dagaallo u dheexeeya Puntland iyo Somaliland ay ka taagan yihiin gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Somalia. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaaladda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirkii qorsheynta maamulkaasi, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu sheegay in xilka uu siin heyn doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, inta laga magacaabayo wasiir kale. Ma shaacin Madaxweyne Xaaf, sababaha uu xilka uga qaaday wasiirkii qorsheynta maamulka Galmudug. Wararka qaar ayaa sheegaya in xilka qaadista Cabdikaafi oo sidoo kale ahaa xoghayaha gudiga dib u heshiisiinta ay soo dadjisay, kadib markii uu dhaliilay guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya u magacawday arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulkaas.. Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Saadaq Sheekh Yuusuf. Wareegtadan oo soo baxday bishii la soo dhaafay, balse aan la faafiin ayaa lagu sheegay inuu shaqada sii wadi doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, Cabdullahi Axmed Calasow. Xaaladda Galmudug ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo caqabado ay ka taagan yihiin arrimaha doorashada mamaulkaasi iyo shirweynaha dib u heshiisiinta oo labo jeer uu dib dhac uu ku yimid, sababo la xariira khilaafka siyaasadeed ee weli ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareebh xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Dr Sacad Cali Shire wasiirka maaliyaddu yahay wasiirka wasiirrada. Hadalka madaxweynaha ayaa yimid iyada oo dhawaan madaxweyne Biixi uu muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay wasiir Sacad, islamarkaana uu hoos geeyay dhawr wasiir. Wargeyska Geeska Afrika ayaa shalay baahiyay in wasiir Sacad muddooyinkii u dambeeyay maamulayay wasaaradda arrimaha dibadda. Sidoo kale bishii June ayaa la ogaaday in madaxweyne Biixi wasaaradda Caafimaadka hoos geeyay wasiir Sacad kadib markii wasiirka caafimaadka Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad darro la soo deristay. Wasaaradahan la hoos geeyay wasiir Sacad ayaa leh wasiir xigeenno iyo agaasimeyaal guud oo sii wada kara shaqada wakhtiga wasiirradoodu maqan yihiin. Wasiirka arrimaha dibadda Prof Faratoon ayaa Geeska Afrika u sheegay in aanay waxba ku jabnayn in madaxweynuhu wasaaraddiisa hoos geeyo wasiir Sacad. Wasiir Faratoon ayaa yidhi “Waa dhab oo dalka waan ka maqanahay, dalkuna wuxuu leeyahay Madaxweyne Qaran, markaas haddii uu Madaxweynuhu Wasiir Sacad si ku meel gaadh ah uga sii dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto, inkasta oo Wasiir ku xigeenkii joogo, haddana haddii uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi garto inuu Wasir Sacad Cali Shire uu ku sii sime ka dhigo wax dhiba oo ku jirtaa ma jirto, wax walbana wax lagama dayo, waxna lagama soo saaro”. Source
  19. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidankii Ahlu-Sunna ee horey loogu biiriyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda dhexe fulinta heshiisyadii ay la gashay Ahlu-Sunna. Saraakiishan qaarkood oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in waxa loo baahan yahay tahay in dowladda aanay ballanta ka bixin, haddii ay dhacdana ay cawaaqib ka iman karto. Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in ay daacad u yihiin ayna u hoggaansamayaan oo kaliya amarada Sheekh Shaakir, oo ah hogaamiyahooda. Mid ka mid ah Saraakiisha ayaa sheegay in aanay suuragaleyn in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya oo maamulka Ahlu Sunna uga baxeysa heshiiskii ay wadagaleen, sida ay hadalka u dhigeen Dhanka kale, saraakiishan ayaa sheegay in dowladda ay ka meer-meertay dalacsiintooda, ayna meel iska dhigeen warqaddii dalacsiinta ahayd ee Sheekh Maxamed Shaakir u gudbiyey dowladda federaalka. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Codka-Saraakiisha-Ciidamada.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com