-
Content Count
209,343 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka ee Khamiistii xil ka qaadista ku sameeyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ka hadlay isbadalka lagu sameeyay. Indha Qarshe oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay in uusan diidaneen isbadalka oo qayb ka ah Dowladnimada, balse waxa uu tilmaamay in uu jeclaan lahaa in Ciidanka uu yeesho hal taliye. Taliye Indha Qarshe waxa uu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay hogaan u noqdeen 5-Taliye, muddo laba sano iyo bar ah, taasna aysan xal ahayn. Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda iyo Wasiirka Gaashaandhigga waxa uu kula dardaarmay in waqti la siiyo Gen Odawaa Yuusuf Raagge Taliyaha cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka, isla markaana aan isbadal lagul degdegin. Dhismaha Ciidamada Soomaalida waxa uu ku xiray isla xisaabtan, balse waxa uu caqabad aan horusocod ahayn u arkaa isbadalka, halkii Taliyaha wax laga weydiin lahaa Waxqabadkiisa. Jiritaanka Qaranka ayuu ku tilmaamay dhismaha Ciidan awood badan, isaga oo tusaale usoo qaatay in dalalka qalalaasaha gala ee leh Ciidamo diyaarsan in ay ka badbaadaan burbur. Taliyaha lagu badalay ee Odawaa Yuusuf waxa uu ku sifeeyay in uu yahay Nin u qalma Xilkaan, uuna aaminsan yahay in uu kasoo bixi karo hadii fursad la siiyo. 22-kii bishaan oo ku beegneed Khamiistii ina dhaaftay, Golaha Wasiirada Soomaaliya shirkooda todobaadlaha waxa ay isbadal ku sameeyeen Taliyaasha Ciidamada, iyaga oo Xilalkii ka qaaday Taliyaashii Ciidamada Militariga, Booliiska iyo Asluubta. Hoos ka dhageyso Wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Indha-qarshe.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arimaha dibda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay in xogta qaranka Somaliland ee kala duwan ay tahay mid aan isku habaysanayn oo is burinaysa taasina ay sababtay wajigabax marar badan masuuliyiinta xukuumada ay kala kulamaan dadka ajaanibka ah ee ay u sharaxayaan xogta dalka. Wasiirka oo dalka ku soo laabta oo furaayay shirka midaynta xogta guud ee dalka oo ay ka soo xaadireen wasiiro,agaasimayaal,aqoonyahan iyo haldoor kale waxa uu si aad u saraysa u sharaxay sida logu baahan yahay in Somaliland ay yeelato xog midaysan, waxaanu isaga oo shirkaas furaayay uu yidhi “Mawduuca aan maanta halkan u fadhino dawladu waxay g’aamisay mudadii aan maqnaa waa mawduuc aad iyo aad loogu baahnaa oo aan dawlada aad ugu bogaadinaayo in fikradan la soo gudbiyo oo la go’aamiyay in la hirgaliyo, waa arin loo baahan yahay waa arin qof kasta oo dawladeena ka mid ah dhibaatooyinka inaga haysta uu la kulmaayay oo aynaan xog midaysan lahayn, mar walba waxaad la kulmaysay waxyaabo is burinaaya oo aan is waafaqsanayan oo dalkeena ku saabsan ama ha noqto caalamka kale markaan la shirayno ama xogta aan u gudbinayno ama sida aynu dalkeena uga warbixinayno oo runtii uu waji gabax badani kaala kulmaayo sida ay u jirto, shirkani waxa uu ku saabsan yahay inaan isku baraarujino iskuna tilmaamno sidii loo ururin lahaa xog midaysan oo dalkeenu uu leeyahay.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaanu ugu hambalyey doorashada uu ku guulaystay, , waxaanu ka codsaday inuu ku casuumo xafladda caleemo saarkiisa. Xildhibaan Naasir Cali Shire oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Dawladda Somaliya ugu baaqay inay wax ka barato nidaamka dawladnimo ee ka jira Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi“Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), guushaas uu Axmed Madoobe gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa, ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya, caqliyada ka shqaysa, ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho, waa qolo ay Maskaxoodu gabowday, waxayna wadaan inay cubudhin, cadaadis iyo xoog ay wax ku socodsiiyaan, sidii umadda Somaliya ee dhawr iyo labataanka sanno dagaalku ku socoday, loo maamuli lahaa, loona dajin lahaa, halkii ay ka sameeyn lahaayeen ayey bilaabeen tii hore ee u horseeday burburka iyo halaaga, oo ahaa in xoog iyo ciidan wax lagu muquuniyo, Axmed Madawe waa nin geesiya, waa nin halyey ah, wuxuu ka gilgishay wixii la doonayey in lagu sameeyo, ee ahayd in la cudhiyo, wuxuu ka gilgishay in la xaqiro, waxaan leeyahay halyey ayaad tahay, waxaad ka soo jeeda Darwiishkii Sayid Cabdale Xasan, waana ku hambalyeynayaa, waxaana ka codsanayaa in maalinta aad sameeynayso caleema saarkaaga inaad igu casuunto, si aan ku taagero”. Source
-
Hay’ada Cilmi barista SIDRA ayaa xiligaan oo kale sanadkaan walba soo qaban qaabisa Doodo wax ku Ool ah oo ay ka qaybqaataan Awoonyahano Soomaaliyeed. Dooda [...] Source
-
Warar ka soo baxay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu ku geeriyoodey xog hoghayihii hore ee gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilimi. Qaraxa oo duhurkii ka dib ka dhacay bar kontorool oo ku taalo KM4 ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay darawalkiisa. Marxuum Amiiin ayaa waxaa uu ahaa seyga Senator Samsam Daahir oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee gar wadeenka ka ahaa wada-hadallada Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caare) iyo Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay gabi ahaan joojiyeen dhex dhexaadintii ay ka wadeen labada dhinac. Madax dhaqameedyadan oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyey taliyaha ciidamada Milariga maamulka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani, iyagoo si weyn uga horyimid hadal ka soo yeeray taliyahaas oo ka dhan ahaa guddigooda iyo Korneyl Caare. Odayaasha ayaa tilmaamay in taliyuhu uusan u hadlin si masuuliyad leh, islamarkaana uu Caare iyo beeshiisaba u gefay, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen Taliye Taani inuu ku fashilmay howlihii nabad gelyada ee loo igmaday, islamarkaana ay haboon tahay inuu is casilo. Ugu dambeyn waxa ay ka dalbadeen madaxweynaha Somaliland, haddii uusan raali ka aheyn hadalka taliyaha inuu soo farageliyo arrintaasi. Dhowaan taliye Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caare) uu dambiile yahay, islamarkaana ay maxkamaddiisu furan tahay. Wada-hadallada labada dhinaca ee fashilmay ayaa horseedaya in ay sii xoogeysato xiisadda u dhexeysa labada dhinac. Korneyl Caare oo hoggaamiyo jabhadda Dulmi Diid ayaa inta badan weerara xarumaha ciidamada Somaliland ee ku yaalla gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Somaliland.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Click here to read Qaran News
-
Dowlada fadaraalka ee uu hogaamiyo madaxweyne farmaajo waxay u muuqata mid la daalaadhacay siyaasada ay wax ku hogaamiso, islamarkaana ku hafatay masuuliyada ka saaran in ay seeska u dhigto, siyaasad hufan oo ay dunida kula macaamisho. Waxay u muuqataa mid urursanaysa eedo iyo nacaybyo hor leh, oo aan la saadaalin karin halka ay saldhigandoonaan. Sida laga dareemayo go’aamada ay qaadanayaan malaha siyaasad qaangaadha ah, oo ku dhisan masaaliixda iyo danaha shacabka ay matalaan, waxay’se go’aamada u qaataan, si heedadow ah oo aan lahayn ujeedo qeexan iyo aragti cilmiyaysan oo laga baaraandagay toona. Hadaba waxaan kalkan idiinku soo gudbin doonaa dhowr tusaale oo aan u arko in ay markhaati-fur u yihiin, kacaa-kufka siyaasadeed ee ka muuqata dowlada uu hogaamiyo madaxweyne farmaajo. 1: tusaalaha koobaad waa go’aankii ay dowlada farmaajo ka qaadatay khilaafkii ka dhex curtay wadamada khaliijka, taariikhdu markii ay ahayd september 2017. Go’aankaasi oo ahaa, mid aanay ka muuqan khibrad diblamaasiyeed iyo fahansanaan la xidhiidha waahaya ay la ladgamayaan. Waxay si dag-daga u qaateen go’aan aanay kala tashan, cidii talada la wadaagaysay iyo cid kale oo uga faro dhuudhuuban arimaha diblamaasiyada toona. Waxay iska-indho-tireen, awooda maamul goboleedyada iyo kaalinta ay ku leeyihiin go’aamada masiiriga ah ee ay qaadanayaan. Waxa kale oo ay ilduufeen, in ay marka horeba iska hubsadaan in ay leeyihiin awood siyaasadeed oo ay kaligood ku meel mari-karaan, iyaga oo aan taageero buuxda ka haysan maamul goboleedyada ay talada la wadaagayaan. Si kastaba ha ahatee, waxay talaabadaasi abuurtay, tafaraaruq siyaasadeed oo soo kala dhexgalay, iyaga iyo maamul goboleedyada oo ku kala aragti duwanaaday, sida loo wajahayo khilaafka ka dhex qarxay wadamada khaliijka. Waxa kale oo uu ismaandhaafkaasi sababay, in maamul goboleedyada badhkood qaataan, go’aan ka duwan kii ay qaateen madaxda villa Somaliya fadhidaa, taa soo waji-gabax sayaasadeed ku ahayd, dowlada fadaraalka ah ee uu farmaajo hogaamiyo. 2: tusaalaha labaadna waa, go’aankii ay dowlada farmaajo ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay sucuudiga iyo canada bishii august ee 2018, markaa soo ay dowlada Somaliya si ka fiirsi la’aan ah ula safatay dowlada sucuudiga, iyada oo indhaha ka qarsatay doorkii ay dowlada kanada ku la hayd Somalidii qaxoontiga ahayd ee dib u dajinta loogu sameeyay wadamada reer galbeedka, xili ay Somali badani nafta kala baxsanayeen xasaradaha iyo colaadaha ka oogan dhulkooda. Waxa uu go’aankaasi ahaa mid aan lagu xeerin abaalkii ay dowlada canada u gashay, bulshada Somalidu markii ay ka cararayeen qalalaasaha iyo qulqulatooyinka dhulkooda ku baahay, iyada oo ay dowlada canada si hagar la’aan ah albaabada ugu furtay, dadkii qaxoontiga ahaa, ee ay colaaduhu dabada ka wadeen. Waxay ilaa maanta Somalida canada door weyn ku leedahay dib u dhiska wadanka iyo quudinta shacab badan oo dhibaatooyinkii ku habsaday ay saboolnimo badeen. 3:Tusaalaha seddexaad ee aan isna farta ku fiiqayaa waa, bookhashadii uu madaxweyne farmaajo ku tagay 28/july/2018 dalka eritrea oo go’doon siyaasadeed in mudo ah uu saarnaa. Socdaalka uu farmaajo ku tagay dalka eritrea, waxay dowlada Djabouti u aragtay mid iyada iyo Somaliya xidhiidhkooda dhiilo siyaasadeed ku ah, islamarkaana aanay ka muuqan ixtiraam iyo tixgalin ay Dowlada farmaajo u hayso Djabouti. Sababta oo ah, waxay dowlada Djabouti isku arkaysay, in ay tahay hooyadii dhashay dowlada maanta ka arimisa villa somaliya, xaqna ay ugu leedahay in ay dowlada muqdisho ku citiraamto talaabooyinka ay qaadayso, sidoo kalena ay mudnaan la hayd, in loogu abaal-hayo doorkii shariifka ahaa ee ay dowlada Djabouti ka ciyaartay, sidii loo damin colaadaha mudada dheer ka holcayo koonfurta Somaliya. Waxay dowlada Djabouti gardaro iyo abaalgad siyaasadeed u aragtaa, in iyada oo aan cidina xaalaynin ay dowlada farmaajo la saaxiibto, asmara oo ay dakanooyin dhexjeefaan. 4: Tusaalaha afraad ee aan ku soo gaba-gabaynayaa waa siyaasada ay kula dhaqmayaan shacabka Somaliland, oo madaxbanaanidooda dib ula soo noqday bishii may1991, markii ay ku hungoobeen midnimadii ay Somaliya la galeen. Sidoo kalena ay ka dhaxleen, dhibaatooyin xanuun badan oo ilaa maanta qalbiyadooda ka sii guuxaya. Waxaynu markhaati ka nahay, in ay jiraan talaabooyin ay dowlada muqdisho ku carqaladaynayso dhaqdhaqaaqyada maalgashi iyo ganacsi ee ay Somaliland dunida la wadaagayso, ku waa soo muujinaya in ay jiraan cadaawada iyo nacaybka ay madaxda muqdisho ku hayaan shacabka Somaliland, sababta oo ah, ninka maanta doonaya in uu la dagaalamo maalgashiga iyo horumarka lagu samaynayo dhulka Somaliland, oo da’yarta ku nooli la daalaadhacayaan duruufaha ay shaqo la’aanta ka dhaxleen, maaha mid loogu cudur-daari-karo in uu yahay midnimo raadis. Waxa kale oo aynu arkaysaa sida loo turun-turaynayo xoolaha ka dhoofa dakada berbera oo ah laf-dhabar dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin bulsho badan oo sabool ahi, ku waa soo marka horeba la xarbiyayay sidii ay noloshooda u maarayn la haayeen. Si kastaba ha ahaatee, waxay shacabka Somaliland garwaaqsan yihiin, in aanay cidina uga cadowsanaynin, cidda ku fikiraysa in ay curyaamiso ilaha dhaqaale ee shacabka Somaliland leeyihiin ama ay in uun rajo ka qabaan in ay mustaqbalka wax ka dheefidoonaan. By Cumar Axmed Cali. Cumaraxmed331@gmail.com. tel: 0634244802 Qaran News
-
Sawirro: Qarax lagu dilay mas’uul hore oo ka dhacay Mudisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa. Gaariga ayaa qarxay, xilli uu ku jiray saf lagu baarayey gaddiidka aada dhanka garoonka Aadan Cadde, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in gaarigaasi uu watay xoghayihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud oo loo yaqaanay (Amiin), kaas oo la sheegay in uu ku dhintay qaraxaasi. Amiin ayaa la soo shaqeeyey maamulladii gududdoomiyeyaasha Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Ciidamada ammaanka ee ku sugnaa goobta ayaa muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqa, iyagoona markii dambe meydka ka qaaday hakaasi. Waa qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoona saaka qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo marayey agagaarka Carwadii hore ee Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com -
Faa’iidooyinka Cambe BABAAYGA (pawpaw) Qalinkii Cabdi Caawiye Cambe babaay (Af-Ingiriis: papaya ama pawpaw magaca Saynis “Carica papaya”, waa midho ka mid ah khudaarta ka baxda geedka Karika. Waa midho dusha cagaar ka ah marka la jeexana Waa huruud nooc kalena waacasaan babaayga, sidoo kale loo yaqaano Cambe babaay waa midho bisil oo leh faa’iido iyo nafaqo badan. Halka xabo ee yar ee babaayga ahi waxay ka koobantahay (152 grams) Calories: 59 Carbohydrates: 15 grams Fiber: 3 grams Protein: 1 gram Vitamin C: 157% of the RDI Vitamin A: 33% of the RDI Folate (vitamin B9): 14% of the RDI Potassium: 11% of the RDI calcium, magnesium iyo vitamins B1, B3, B5, E and K. 1. Wuxuu daweeyaa xanuunada wadnaha. (May Improve Heart Health) Waxa la ogaaday in cambe babaaygu uu dawo u yahay xanuunada asiiba wadnaha waayo waxa ku jira labada macdanood ee lycopene iyo Vitamin C oo labaduba u fiican wadnaha. SUMMARY Papaya’s high vitamin C and lycopene content can improve heart health and may reduce your risk of heart disease. 2. Wuxuu hagaajiyaa dheefshiidka. Cambe babaygu waa waa dawooyinka ugu fiican ee lagula tacaalo calool istaaga badan. Iniinta iyo caleentiisuba waxay daweeyaan Gasteriga (ulcer ) SUMMARY Papaya has been shown to improve constipation and other symptoms of IBS. The seeds and other parts of the plant have also been used to treat ulcers. 3. Wuxuu caawiyaa maqaarka Babaaygu wuxuu dawo ka yahay jactadka ku dhaca maqaarka, waxa uuna daawo fiican u yahay maqaarka oo uu ka difaaco falaadhaha cadceedu haddii ay wax yeelaan. SUMMARY The powerful antioxidants in papaya can help your skin recover from sun damage and may defend against wrinkling. 4 . Waxa uu ka hortagaa kansarka. Culimada saynisku waxa ay isku raaceen in uu babaaygu yahay ka hortag xaga cudurka kanserka ah. Cilmi baadhis la sameeyey ayaa lagu ogaaday in maadada lycopene ee uu qaniga ku yahay cambe babaaygu ay ka hor tag fiican u tahay cudurka kanserka. SUMMARY Early research suggests that the antioxidants in papaya may reduce cancer risk and perhaps even slow cancer progression. Waxa kale oo la ogaaday in 100 ka Garaam (100g) ee cambe babaayga ah uu ka koobanyahay Water [g]88.06 Protein [kcal]43 Borotiin [g]0.47 Total lipid (fat) [g]0.26 Carbohydrate, by difference [g]10.82 Fiber, total dietary [g]1.7 Sugars, total [g]7.82 Calcium, Ca [mg]20 Bir, Fe [mg]0.25 Magnesium, Mg [mg]21 Phosphorus, P [mg]10 Potassium, K [mg]182 Sodium, Na [mg]8 Lasoco qaybaha dambe Qalinkii Cabdi Caawiye Shaywaal12@gmail.com +252634115877 Qaran News
-
(SLT-London)-Dawladda boqortooyada Ingiriiska ayaa Markabkii dagaal ee Saddexaad u dirtay Khaliijka Carabta, si uu uga qayb-qaatay Difaaca Maraakiibta halkaa mara, ka dib markii Markab UK leedahay lagu qabsaday Marinka Hormuz. Markabka saddexaad ee UK u dirtay Khaliijka Carabta ayaa waxa xaqiiyey Wasiirka Difaaca Ingiriiska, sida uu baahiyey Wargeyska The National. Markabkan oo noociisu yahay 45 destroyer HMS ayaa ka qayb-qaadanaya difaaca Maraakiibta isticmaala Marin-biyoodka Hormuz oo ku dhow Biyaha badda IRAN, kaasi oo ay dhowr jeer Ilaalada Kacaanka IRAN ka qafaasheen Maraakiib siday Shidaal, kuwaasi oo uu ka mid yahay Markab UK leedahay oo Shidaal siday. Xiisadda u dhaxaysa Uk iyo IRAN ayaa wer-werkeedu sii kordhay markii Ciidammada Ilaalada Kacaanka ee IRAN qabsadeen Markabka Stena Impero oo laga leeyahay Dalka Sweden, balse sitay Calanka UK. Ilaalada Kacaanka IRAN ayaa xidhay Markabka iyo 23 Shaqaale ah oo la socday, kuwaasi oo Marinka Hormuz ka qabteen 20-kii bishii la soo dhaafay ee July, kaasi oo ay weli gacanka ku hayaan, taasi ayaana keentay in UK markabkii saddexaad u soo dirto Khaliijka Carabta si ay korka ugala socdaan Amniga Maraakiibta isticmaalaysa Marinka muhiimka ah ee Hormuz. Source
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay inay marti geliso arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. “Arrinta Somaliland iyo Somalia iyadana waa caqabad kale oo hor taagan dastuurka aniga saas uma dhigaayo in Somalia iyo Somaliland la yidhaahdo, waxa qaba walaalaheena gobolada waqooyi jira ama Maamulka Somaliland in ay Garowe yimaadaan oo doodaha ay qabaan soo dhoweystaan”ayuu yidhi Saciid Deni. Somaliland iyo Soomaaliya wali kama hadalkan soo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Puntland. Source
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayan in halkaasi uu ka socdo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya hoggaanka Ahlu-Sunna, kadib markii ciidamo ay gaysay dowladda ay qabsadeen xarumaha muhiimka ah ee magaalada. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Ashcari, Macalin Maxamuud Shiikh Xasan Faarax iyo madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Xog aan helnay ayaa sheegaysa in kulanka intiisa badan looga hadlayo amniga guud ee magalada Dhuusamareeb iyo waxa laga yeelayo ciidamada dowladda Soomaaliya ay maanta geysay halkaas, iyada oo hoggaanka Ahlu-Sunna ay walaac ka muujinayaan ciidamadaas. Wararka ayaa intaasi ku daray in hogaanka Ahlu-Sunna xarumaha ay degan yihiin magaaladda Dhuusamareeb lagu kordhiyay ciidamo ku hubaysan gaadiidka dagaalka si ay u xaqiijiyaan amaankooda maadaama ay shaki badan ka muujiyeen ciidanka dowladda Soomaaliya ay gaysay magaaladda Dhuusamareeb. Ammaanka magaaladda ayaa waxaa gacanta ku haya ciidanka isku dhafka ah ee horay gacanta ugu haayay amaanka magaaladda Dhuusamareeb. Ciidanka dowladda Soomaaliya ee maanta magaaladda Dhuusamareeb gaaray ayaa ku sugan xarinta madaxtooyadda magaaladda Dhuusamareeb, xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug iyo gurigga uu Dhuusamareeb ka daganyahey taliyaha guutada 15 aad ee qaybta 21 aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneral Mascuud Maxamed Warsame. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
(SLT- Afghanistan)-Heshiis la filayo in lagu soo gaba gabeeyo dagaalka 18-ka sano ka socda dalka Afghanistan ayaa lagu wadaa in ay maanta kala saxiixdaan wakiilo ka kala socda ururka Taliban iyo Mareykanka. Afhayeen u hadlay Taliban oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid ayaa VOA u sheegay in wadahadallada Mareykanka iyo Taliban oo muddo sanad ah ka socda dalka Qatar ay hadda marayaan heer gabo gabo ah. Wuxuu sheegay in labada dhinac ay hadda isla falanqeynayaan qeybta ugu muhimsan oo ah qaabka ay ciidamada Mareykanka uga baxayaan Afghanstan. Wadahadalladaan oo soo maray sagaal wareeg, ayaa waxaa Mareykanka u matalaya diblamaasiga ku dhashay dalka Afghanstan balse heysta dhalashada Mareykanka ee Zalmay Khalilzad. Dagaalka Afghanstan ayaa soo billowday sanadki 2001, markaas oo Mareykanka oo kaashanaya xulufadiisa NATO ay awoodda ka tuureen maamulki Islaamiga ahaa ee Taliban. Source
-
Buuloburte (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta howlgallo ka sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Dhame Cabdi Maxamed (Kabtan Suul Nuug) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada huwanta ay si nabaddoon kula wareegeen deegaano u dhaxeeya degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in howlgallada ay sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga saraayo guud ahaan gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-buulo-burde-.mp3 View the full article
-
Qaran News