-
Content Count
209,333 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Garoowe ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo afhayeen cusub oo kala hagi doona. Guuleed Saalax Barre oo horay wasiir uga soo noqday Puntland ayaa loo doortay guddoomiyaha halka ku-xigeen loo doortay ruug caddaa warbaahineed Cabdinuur Sheekh Maxamed halka afhayeen loo doortay xildhibaan hore Cali Jaamac Faarax. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo guddoon cusub doortay. appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa caawa maqribkii ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka ayaa waxaa wafdigiisa ku wehliyay Saraakiil ka socotay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka. Sidoo kale dayaaradda uu la socday wasiir Islow ayaa waxaa saarnaa hub iyo saanad ciidan oo aad u badan, oo loogu talo-galay ciidamada ay maanta dowladda gaysay magaalada Dhuusomareeeb. Hubkii laga dajiyay diyaaradaas ayaa lagu daabulay gudaha magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan guriga madaxtooyada u ahaan jiray Madaxweyne Xaaf, haatana ay daganyihiin saraakiil ka tirsan dowladda federaalka. Ciidamada dowladda ee saakay laga dajiyay Dhuusamareeb iyo kuwii horay ugu sugnaay ayaa caawa heegan la galiyay, waxayna la wareegeen amaanka dhamaan xarumaha muhiimka ah ee magaalada. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca ay Soomaalidu u taqaano dhejiska ayaa waxaa loogu xiray masuul horey uga tirsanaa maamulka gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aamiin Sheekh Cilmi, wuxuuna ahaa xoghayihii hore ee maamulkii gudoomiye Muungaab. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in gaariga uu ku qarxay meel ku dhow kontarool ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Aamiin uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarkaasi oo aysan jirin cid sheegatay. Waa qaraxii labaad oo maanta ka dhaca Muqdisho, iyada oo midkii koowaad ay ka badbaaday Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga. View the full article
-
(SLT- Beyruut)-Raysal wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa ka hadlay laba diyaarad oo nooca duuliyaha aan laheyn oo maanta ku burburay koonfurta magaalada caasimada ah ee Beyruut. Mr Sacad ayaa tilmaamay weerar qaawan oo Israa’iil ku soo qaatay oo ka dhan ah madax banaanida Lubnaan. Dhanka kale wuxuu intaa raaciyay in isku dayga Israa’iil uu kicinayo xasiloonida ka jirta gobolka Bariga Dhexe. Arintaan ayaa waxaa sidoo kale goor dhow ka hadlay hogaamiyaha ururka Xisbullah Shiikh Xasan Nasrullah waxaana uu sheegay in weerarka Israa’iil uu halis ku yahay Hormarka. Afhayeenka Ururkan Maxamed Cafiif ayaa sidoo kale beeniyay maanta in ay soo rideen labada Diyaaradood. Source
-
Hobyo (SMN) – Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa waxa uu lacag ugu deeqay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyey in uu ku taageerayo dhismaha jidkaasi aduun lacageed gaaraya tobban kun oo dollar. Dhinaca kale, Mr Guuleed oo booqday xarunta guddiga ku howlan dhismaha wadadaasiayaa bogaadiyey shaqadda ay hayaan. Jidka isku xirta Gaalkacyo-Hobyo oo ka wada tirsan gobolka Mudug ayaa waxa uu muhiim u yahay isu socodka shacabka labada magaalo. Dhismaha wadadan ayaa waxaa la sheegayaa in ay kaalin weyn ka cayaareyso horumarka dhanka ganacsiga iyo isu socodka labada magaalo. View the full article
-
Beledweyne-(Caasimada Online) – Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay degaanka Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Buurweyn oo qiyaastii 25-KM koonfur kaga beegan magaalada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan, ayaa Al-Shabaab u ahayd goob muhiim ahay canshuuraha ku qaadaan. Dhamme Cabdi Maxamed Xasan oo ah taliyaha hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka ee la wareegay Buurweyn, ayaa sheegay in weerarkaas ay uga gol lahaayeen xaqiijinta amaanka degmada Buula-burde oo sanado badan go’doon ugu jirta Al-Shabaab. Waxa uu sheegay Taliyuhu in si nabad ah ay kula wareegeen deegaankaas oo il dhaqaale u ahaay Al-Shabaab, kaddib markii ay iskaga carareen, haatana ay qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan Buula-burde oo aysan kusii sugnaa doonin Buurweyn. Waxa kale oo uu sheegay inay ku laaba doonaan oo dib ula wareegi doonaan deegaanka Buurweyn, isagoo carrabka ku adkeeyay in markaas ay ka sameysa doonaan saldhigyo ciidan. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku caan baxay inay dib u baneeyaa dhul ay dagaal kaga qabsadeen Al-Shabaab, waxeyna arintaas shaki iyo walaac badan ka muujiyay waxgarad badan oo Soomaaliyeed. Caasimada Online Xaafiiska Beleweyne Caasimada@live.com
-
Jabuuti (SMN) – Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sarre ee jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta qasriga madaxtoyada djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Walalaha aanahay ee Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Gelle. Mas’uuliyiintan ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal oo ah wadamo walaalo ah,iyo kaalinta dowladda Jabuuti markasta ay la garab taagantahay walaalohoodi Soomaaliyeed. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed. Masuuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan. Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmiya ku jooga Caasimada Jamhuuriyada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti,halkaasi oo ay kulamo kaladuwan kula qaateen madaxda dalkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacantay ka gedaal markii rasaas ay fureen ciidamadda dowladda Soomaaliya. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in arrintan ay ka dhacday degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Rasaasta ay ganeen xoogaga dowladda federaalka ah ayaa waxaa la sheegay in ay ahayd mid ay wadada ku furanayeen Dr Aamiin Samakaab, Agaasimaha Isbitaalka Al Bayaan, oo la dhigay dhaawacyadda ayaa sheegaya in bukaanada xaaladooda ay soo fiicnaaneyso. Sikastaba ha ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah ayaa ah kuwa soo laab-laabtay, waxaana khasaaraha alaaba uu soo gaaraa dadka shacabka ah. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Odayaasha dhaqanka iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyay guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ergada magaalada u timid in ay ka qeyb galaan shir-weynaha loogu diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur oo ka hadlay qadada reer Dhuusamareeb u sameeyeen guddiga iyo ergada ayaa sheegay in kulanku ahaa is barasho iyo soo dhaweyn, waxa uuna ku dhiirri geliyay reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka. Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka hadlay afka ergada kulanka ka qayb galay ayaa uga mahad celiyay reer Dhuusamareeb soo dhaweynta waxa uuna dhankiisa sheegay in reer Galmudug ay ka faa’iideystaan fursadda dahabiga ee la siiyay oo ay ka wada shaqeeyaan adkeynta midnimada. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-25082019.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland, khilaafka DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah, meeqaamka Muqdisho iyo arrimo kale. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni waxa uu ugu horayn ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay xushmeeyaan dowladaha xubnaha ka ah una dhowraan sidii inay yihiin carruurtooda maadaama dowladda dhexe ay tahay hooyada Soomaaliya. Denni oo ka hadlayey meeqaamka Muqdisho ayaa sheegay inay muhiimtahay in la caddeeyo wuxuuna codsaday in Puntland martigeliso shir ku saabsan meeqaamka Muqdisho iyo shirarka u dhexeeya madaxda DFS iyo maamulka Somaliland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu taageero u muujiyey shirarka dibu heshiisiinta ee ka socda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug isagoona xusay in Galmudug loo madax banneeyo arrimeheeda masiiriga ah. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Denni,”Puntland waxay diyaar u tahay martigelinta shirka Somaliland iyo Soomaaliya”. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka ee Khamiistii xil ka qaadista ku sameeyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ka hadlay isbadalka lagu sameeyay. Indha Qarshe oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay in uusan diidaneen isbadalka oo qayb ka ah Dowladnimada, balse waxa uu tilmaamay in uu jeclaan lahaa in Ciidanka uu yeesho hal taliye. Taliye Indha Qarshe waxa uu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay hogaan u noqdeen 5-Taliye, muddo laba sano iyo bar ah, taasna aysan xal ahayn. Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda iyo Wasiirka Gaashaandhigga waxa uu kula dardaarmay in waqti la siiyo Gen Odawaa Yuusuf Raagge Taliyaha cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka, isla markaana aan isbadal lagul degdegin. Dhismaha Ciidamada Soomaalida waxa uu ku xiray isla xisaabtan, balse waxa uu caqabad aan horusocod ahayn u arkaa isbadalka, halkii Taliyaha wax laga weydiin lahaa Waxqabadkiisa. Jiritaanka Qaranka ayuu ku tilmaamay dhismaha Ciidan awood badan, isaga oo tusaale usoo qaatay in dalalka qalalaasaha gala ee leh Ciidamo diyaarsan in ay ka badbaadaan burbur. Taliyaha lagu badalay ee Odawaa Yuusuf waxa uu ku sifeeyay in uu yahay Nin u qalma Xilkaan, uuna aaminsan yahay in uu kasoo bixi karo hadii fursad la siiyo. 22-kii bishaan oo ku beegneed Khamiistii ina dhaaftay, Golaha Wasiirada Soomaaliya shirkooda todobaadlaha waxa ay isbadal ku sameeyeen Taliyaasha Ciidamada, iyaga oo Xilalkii ka qaaday Taliyaashii Ciidamada Militariga, Booliiska iyo Asluubta. Hoos ka dhageyso Wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Indha-qarshe.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arimaha dibda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay in xogta qaranka Somaliland ee kala duwan ay tahay mid aan isku habaysanayn oo is burinaysa taasina ay sababtay wajigabax marar badan masuuliyiinta xukuumada ay kala kulamaan dadka ajaanibka ah ee ay u sharaxayaan xogta dalka. Wasiirka oo dalka ku soo laabta oo furaayay shirka midaynta xogta guud ee dalka oo ay ka soo xaadireen wasiiro,agaasimayaal,aqoonyahan iyo haldoor kale waxa uu si aad u saraysa u sharaxay sida logu baahan yahay in Somaliland ay yeelato xog midaysan, waxaanu isaga oo shirkaas furaayay uu yidhi “Mawduuca aan maanta halkan u fadhino dawladu waxay g’aamisay mudadii aan maqnaa waa mawduuc aad iyo aad loogu baahnaa oo aan dawlada aad ugu bogaadinaayo in fikradan la soo gudbiyo oo la go’aamiyay in la hirgaliyo, waa arin loo baahan yahay waa arin qof kasta oo dawladeena ka mid ah dhibaatooyinka inaga haysta uu la kulmaayay oo aynaan xog midaysan lahayn, mar walba waxaad la kulmaysay waxyaabo is burinaaya oo aan is waafaqsanayan oo dalkeena ku saabsan ama ha noqto caalamka kale markaan la shirayno ama xogta aan u gudbinayno ama sida aynu dalkeena uga warbixinayno oo runtii uu waji gabax badani kaala kulmaayo sida ay u jirto, shirkani waxa uu ku saabsan yahay inaan isku baraarujino iskuna tilmaamno sidii loo ururin lahaa xog midaysan oo dalkeenu uu leeyahay.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Naasir Cali Shire, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaanu ugu hambalyey doorashada uu ku guulaystay, , waxaanu ka codsaday inuu ku casuumo xafladda caleemo saarkiisa. Xildhibaan Naasir Cali Shire oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Dawladda Somaliya ugu baaqay inay wax ka barato nidaamka dawladnimo ee ka jira Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi“Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), guushaas uu Axmed Madoobe gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa, ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya, caqliyada ka shqaysa, ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho, waa qolo ay Maskaxoodu gabowday, waxayna wadaan inay cubudhin, cadaadis iyo xoog ay wax ku socodsiiyaan, sidii umadda Somaliya ee dhawr iyo labataanka sanno dagaalku ku socoday, loo maamuli lahaa, loona dajin lahaa, halkii ay ka sameeyn lahaayeen ayey bilaabeen tii hore ee u horseeday burburka iyo halaaga, oo ahaa in xoog iyo ciidan wax lagu muquuniyo, Axmed Madawe waa nin geesiya, waa nin halyey ah, wuxuu ka gilgishay wixii la doonayey in lagu sameeyo, ee ahayd in la cudhiyo, wuxuu ka gilgishay in la xaqiro, waxaan leeyahay halyey ayaad tahay, waxaad ka soo jeeda Darwiishkii Sayid Cabdale Xasan, waana ku hambalyeynayaa, waxaana ka codsanayaa in maalinta aad sameeynayso caleema saarkaaga inaad igu casuunto, si aan ku taagero”. Source
-
Hay’ada Cilmi barista SIDRA ayaa xiligaan oo kale sanadkaan walba soo qaban qaabisa Doodo wax ku Ool ah oo ay ka qaybqaataan Awoonyahano Soomaaliyeed. Dooda [...] Source
-
Warar ka soo baxay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu ku geeriyoodey xog hoghayihii hore ee gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilimi. Qaraxa oo duhurkii ka dib ka dhacay bar kontorool oo ku taalo KM4 ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay darawalkiisa. Marxuum Amiiin ayaa waxaa uu ahaa seyga Senator Samsam Daahir oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee gar wadeenka ka ahaa wada-hadallada Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caare) iyo Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay gabi ahaan joojiyeen dhex dhexaadintii ay ka wadeen labada dhinac. Madax dhaqameedyadan oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyey taliyaha ciidamada Milariga maamulka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani, iyagoo si weyn uga horyimid hadal ka soo yeeray taliyahaas oo ka dhan ahaa guddigooda iyo Korneyl Caare. Odayaasha ayaa tilmaamay in taliyuhu uusan u hadlin si masuuliyad leh, islamarkaana uu Caare iyo beeshiisaba u gefay, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen Taliye Taani inuu ku fashilmay howlihii nabad gelyada ee loo igmaday, islamarkaana ay haboon tahay inuu is casilo. Ugu dambeyn waxa ay ka dalbadeen madaxweynaha Somaliland, haddii uusan raali ka aheyn hadalka taliyaha inuu soo farageliyo arrintaasi. Dhowaan taliye Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caare) uu dambiile yahay, islamarkaana ay maxkamaddiisu furan tahay. Wada-hadallada labada dhinaca ee fashilmay ayaa horseedaya in ay sii xoogeysato xiisadda u dhexeysa labada dhinac. Korneyl Caare oo hoggaamiyo jabhadda Dulmi Diid ayaa inta badan weerara xarumaha ciidamada Somaliland ee ku yaalla gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Somaliland.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Click here to read Qaran News
-
Dowlada fadaraalka ee uu hogaamiyo madaxweyne farmaajo waxay u muuqata mid la daalaadhacay siyaasada ay wax ku hogaamiso, islamarkaana ku hafatay masuuliyada ka saaran in ay seeska u dhigto, siyaasad hufan oo ay dunida kula macaamisho. Waxay u muuqataa mid urursanaysa eedo iyo nacaybyo hor leh, oo aan la saadaalin karin halka ay saldhigandoonaan. Sida laga dareemayo go’aamada ay qaadanayaan malaha siyaasad qaangaadha ah, oo ku dhisan masaaliixda iyo danaha shacabka ay matalaan, waxay’se go’aamada u qaataan, si heedadow ah oo aan lahayn ujeedo qeexan iyo aragti cilmiyaysan oo laga baaraandagay toona. Hadaba waxaan kalkan idiinku soo gudbin doonaa dhowr tusaale oo aan u arko in ay markhaati-fur u yihiin, kacaa-kufka siyaasadeed ee ka muuqata dowlada uu hogaamiyo madaxweyne farmaajo. 1: tusaalaha koobaad waa go’aankii ay dowlada farmaajo ka qaadatay khilaafkii ka dhex curtay wadamada khaliijka, taariikhdu markii ay ahayd september 2017. Go’aankaasi oo ahaa, mid aanay ka muuqan khibrad diblamaasiyeed iyo fahansanaan la xidhiidha waahaya ay la ladgamayaan. Waxay si dag-daga u qaateen go’aan aanay kala tashan, cidii talada la wadaagaysay iyo cid kale oo uga faro dhuudhuuban arimaha diblamaasiyada toona. Waxay iska-indho-tireen, awooda maamul goboleedyada iyo kaalinta ay ku leeyihiin go’aamada masiiriga ah ee ay qaadanayaan. Waxa kale oo ay ilduufeen, in ay marka horeba iska hubsadaan in ay leeyihiin awood siyaasadeed oo ay kaligood ku meel mari-karaan, iyaga oo aan taageero buuxda ka haysan maamul goboleedyada ay talada la wadaagayaan. Si kastaba ha ahatee, waxay talaabadaasi abuurtay, tafaraaruq siyaasadeed oo soo kala dhexgalay, iyaga iyo maamul goboleedyada oo ku kala aragti duwanaaday, sida loo wajahayo khilaafka ka dhex qarxay wadamada khaliijka. Waxa kale oo uu ismaandhaafkaasi sababay, in maamul goboleedyada badhkood qaataan, go’aan ka duwan kii ay qaateen madaxda villa Somaliya fadhidaa, taa soo waji-gabax sayaasadeed ku ahayd, dowlada fadaraalka ah ee uu farmaajo hogaamiyo. 2: tusaalaha labaadna waa, go’aankii ay dowlada farmaajo ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay sucuudiga iyo canada bishii august ee 2018, markaa soo ay dowlada Somaliya si ka fiirsi la’aan ah ula safatay dowlada sucuudiga, iyada oo indhaha ka qarsatay doorkii ay dowlada kanada ku la hayd Somalidii qaxoontiga ahayd ee dib u dajinta loogu sameeyay wadamada reer galbeedka, xili ay Somali badani nafta kala baxsanayeen xasaradaha iyo colaadaha ka oogan dhulkooda. Waxa uu go’aankaasi ahaa mid aan lagu xeerin abaalkii ay dowlada canada u gashay, bulshada Somalidu markii ay ka cararayeen qalalaasaha iyo qulqulatooyinka dhulkooda ku baahay, iyada oo ay dowlada canada si hagar la’aan ah albaabada ugu furtay, dadkii qaxoontiga ahaa, ee ay colaaduhu dabada ka wadeen. Waxay ilaa maanta Somalida canada door weyn ku leedahay dib u dhiska wadanka iyo quudinta shacab badan oo dhibaatooyinkii ku habsaday ay saboolnimo badeen. 3:Tusaalaha seddexaad ee aan isna farta ku fiiqayaa waa, bookhashadii uu madaxweyne farmaajo ku tagay 28/july/2018 dalka eritrea oo go’doon siyaasadeed in mudo ah uu saarnaa. Socdaalka uu farmaajo ku tagay dalka eritrea, waxay dowlada Djabouti u aragtay mid iyada iyo Somaliya xidhiidhkooda dhiilo siyaasadeed ku ah, islamarkaana aanay ka muuqan ixtiraam iyo tixgalin ay Dowlada farmaajo u hayso Djabouti. Sababta oo ah, waxay dowlada Djabouti isku arkaysay, in ay tahay hooyadii dhashay dowlada maanta ka arimisa villa somaliya, xaqna ay ugu leedahay in ay dowlada muqdisho ku citiraamto talaabooyinka ay qaadayso, sidoo kalena ay mudnaan la hayd, in loogu abaal-hayo doorkii shariifka ahaa ee ay dowlada Djabouti ka ciyaartay, sidii loo damin colaadaha mudada dheer ka holcayo koonfurta Somaliya. Waxay dowlada Djabouti gardaro iyo abaalgad siyaasadeed u aragtaa, in iyada oo aan cidina xaalaynin ay dowlada farmaajo la saaxiibto, asmara oo ay dakanooyin dhexjeefaan. 4: Tusaalaha afraad ee aan ku soo gaba-gabaynayaa waa siyaasada ay kula dhaqmayaan shacabka Somaliland, oo madaxbanaanidooda dib ula soo noqday bishii may1991, markii ay ku hungoobeen midnimadii ay Somaliya la galeen. Sidoo kalena ay ka dhaxleen, dhibaatooyin xanuun badan oo ilaa maanta qalbiyadooda ka sii guuxaya. Waxaynu markhaati ka nahay, in ay jiraan talaabooyin ay dowlada muqdisho ku carqaladaynayso dhaqdhaqaaqyada maalgashi iyo ganacsi ee ay Somaliland dunida la wadaagayso, ku waa soo muujinaya in ay jiraan cadaawada iyo nacaybka ay madaxda muqdisho ku hayaan shacabka Somaliland, sababta oo ah, ninka maanta doonaya in uu la dagaalamo maalgashiga iyo horumarka lagu samaynayo dhulka Somaliland, oo da’yarta ku nooli la daalaadhacayaan duruufaha ay shaqo la’aanta ka dhaxleen, maaha mid loogu cudur-daari-karo in uu yahay midnimo raadis. Waxa kale oo aynu arkaysaa sida loo turun-turaynayo xoolaha ka dhoofa dakada berbera oo ah laf-dhabar dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin bulsho badan oo sabool ahi, ku waa soo marka horeba la xarbiyayay sidii ay noloshooda u maarayn la haayeen. Si kastaba ha ahaatee, waxay shacabka Somaliland garwaaqsan yihiin, in aanay cidina uga cadowsanaynin, cidda ku fikiraysa in ay curyaamiso ilaha dhaqaale ee shacabka Somaliland leeyihiin ama ay in uun rajo ka qabaan in ay mustaqbalka wax ka dheefidoonaan. By Cumar Axmed Cali. Cumaraxmed331@gmail.com. tel: 0634244802 Qaran News