Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,343
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhibaatooyin dhanka deegaanka ah, ayada oo qaar laga saaro guryihii ay deganaayeen, qaarna korontada iyo biyaha looga jartay inay lacagtii bixin waayeen, kadib markii aysan dhowr bil qaadan mushaharkooda. Qaar kamid ah shaqaalaha Gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in bishii July ee la soo dhaafay iyo bishaan gaba-gabada mareysa aysan qaadan mushaar halka dhamaan bilooyinkii kale ee la soo dhaafay ay qaadan jireen 50 maalmood kadib. “Caadiyadan mushaarka waa soo daahi jiray waxaana la qaadan jiray 20-ka bisha kale waana nagula dhibsaday arintaas waayo dadka guryaha leh 5-ta bisha kadib kaama yeelayaan, waxaase ka sii daran in aanan qaadan bishii 2-aad” ayuu yiri qof katirsan shaqaalaha dowladda Hoose oo la hadlay Caasimada Online. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa todobaad ka hor bixiyey Mushaarka qayb kamid ah shaqaalaha Gobalka, gaar ahaan qaybta Howlaha Guud waxaana soo baxay amar lagu joojinayo bixinta mushaarka bishii hore oo bixintiisa bilaabatay maalmo ka hor. Mushaarka oo aan badneyn, waqtiga la bixiyo oo ah 50-kii maalmood-ba mar iyo maciishadda magaalada Muqdisho oo aad u sareysa ayaa sababtay in inta badan Shaqaalaha Dowladda Hoose laga saaro guryo ay kiro ku daganaayeen oo ku yaala aagga muhiimka ah ama degmooyinka amnigooda roonyahay ee Muqdisho, oo qaali ah. Lama oga sida uu wax uga qaban doono Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” oo wada kulamo is daba-joog ah oo ku saabsan xaaladda iyo shaadada Gobalka. Caasimada Online waxay ogaatay in dhibaato daran ay wajahayaan shaqaalahada Gobalka Banaadir sidoo kalane aysan sax-saneyn shaqada Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir una baahantahay sixitaan iyo fadhiisin guud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 10 oday dhaqameed oo cafis u doontay Al-Shabaab. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda ciidamada gobolka Hiiraan, Kabtan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in dhamaan odayaashii u tagay Al-Shabaab maxkamadd la saarayo. Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa ku amray ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska ee ka howlgala gobolka Hiiraan inay soo xiraan si loo maxkamadeeyo odayaashii u tagay Al-Shabaab. “Waxaan soo saarnay awaamiir ku socotay dhamaan hey’adaha amniga si gaar ah booliska iyo Nabad-sugidda, inay soo qabtaan odayaasha ka baxay deegaanada Hir-Shabeelle ee lasoo kulmay Al-Shabaab,” ayuu yiri ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada G/Hiiraan. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaan gacanta ku heynaa oo hadda xiran ku dhawaad 10 oday dhaqameed oo la kulmay Al-Shabaab, waxaana la tiigsa doonaa sharciga”. Caasimada Online Xaafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyaha ciidanka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay Sarkaal iyo ciidamo ka tirsan Somaliland oo dhawaan ku biiray maamulka Puntland. Taliye Taani ayaa ciidamadaasi ku biirey maamulka Puntland ee ka goostay Somaliland, ku tilmaamay kuwo wax matarayaal ah oo culeys ku hayey qaranka Somaliland, isla markaana ka xukuumada ahaan ay ku faraxsan-yihiin inay ka goostaan. Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha ciidanka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in ciidamadaasi ay ka hor-yimaadeen inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhanka ah Puntland, wuxuuna yiri “Ciidamada la sheegay waxay ahaayeen kuwo deegaankaasi laga qarameeyey oo aan qaranka hawl u qaban jirin oo halkaasi uun lagu masruufo, wali wax hawl-gal ah oo ay qabteen ma jirto, waxaanu ku nidhi Badhan taga waxa ay yidhaahdeen heshiish baa naga dhexeeya Puntland oo ah in aan la is weerarin sidaasay ku diideen amarkii la siiyey”. “Qarankan uma baahna lacag bilaash ah oo la bixiyo, qofka lacag la siinaya waa in wixii lagu siiyey ku qabtaa sida ciidamada kale u shaqeeyaan oo kale, hadii aanu waajibkii fulin Karin maaha inuu ciidanka ku sii jiro waana ku faraxsanahay inay iska tageen waayo lacag bilaash ah ayuun bay qaadan jireen, dadka caykaasi ah inay ka tagaan waa muhiim”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ciidankaasi wax kharash ah mooyee wax ay nagu tarayeen ma jirto, marka looma baahna kuwo tagay kuwo aan waxba qabana anba waanu eryi ama iyaga iska tagi ama qarankay u shaqayn, laakiin isku dul noolaan dambe jiri mayso”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Somalia’s coast became home to illegal fishing and toxic wastes. It’s difficult to expose every illegal maritime activity in Somalia waters but I would like to shed some light on the lucid theft and toxic wastes which foreigners Source: Hiiraan Online
  5. Jubbaland is a place filled with potential triumph and promise of hope. It is a place with a vibrant river, fertile soils, the beautiful Indian Ocean, and livestock. Jubbaland is known for its diverse cultures and hospitality. It has the potential to be one of Somalia’s most exceptional, productive, Source: Hiiraan Online
  6. A former Banaadir regional official was killed in a car bomb attack in Mogadishu Sunday while an SNA hospital chairman escaped death in a separate incident. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Warraka-25082019.mp3 View the full article
  8. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo hosted a dinner for various authors in Mogadishu on Wednesday and praised the role they can play in protecting the language, Somali culture and history. Source: Hiiraan Online
  9. There are claims coming from Dhusamareb district in Galguduud region that two planes filled with Somali government troops arrived to assist with the reconciliation conference. Source: Hiiraan Online
  10. An explosion has reportedly killed former Benadir Reginal Secretary General Amin Sheikh Elmi. Source: Hiiraan Online
  11. Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Garoowe ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo afhayeen cusub oo kala hagi doona. Guuleed Saalax Barre oo horay wasiir uga soo noqday Puntland ayaa loo doortay guddoomiyaha halka ku-xigeen loo doortay ruug caddaa warbaahineed Cabdinuur Sheekh Maxamed halka afhayeen loo doortay xildhibaan hore Cali Jaamac Faarax. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo guddoon cusub doortay. appeared first on Puntland Post.
  12. Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Garoowe ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo afhayeen, waxaana ku soo kala baxay Guuleed Saalax Barre, [...] Source
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa caawa maqribkii ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka ayaa waxaa wafdigiisa ku wehliyay Saraakiil ka socotay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka. Sidoo kale dayaaradda uu la socday wasiir Islow ayaa waxaa saarnaa hub iyo saanad ciidan oo aad u badan, oo loogu talo-galay ciidamada ay maanta dowladda gaysay magaalada Dhuusomareeeb. Hubkii laga dajiyay diyaaradaas ayaa lagu daabulay gudaha magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan guriga madaxtooyada u ahaan jiray Madaxweyne Xaaf, haatana ay daganyihiin saraakiil ka tirsan dowladda federaalka. Ciidamada dowladda ee saakay laga dajiyay Dhuusamareeb iyo kuwii horay ugu sugnaay ayaa caawa heegan la galiyay, waxayna la wareegeen amaanka dhamaan xarumaha muhiimka ah ee magaalada. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca ay Soomaalidu u taqaano dhejiska ayaa waxaa loogu xiray masuul horey uga tirsanaa maamulka gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aamiin Sheekh Cilmi, wuxuuna ahaa xoghayihii hore ee maamulkii gudoomiye Muungaab. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in gaariga uu ku qarxay meel ku dhow kontarool ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Aamiin uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarkaasi oo aysan jirin cid sheegatay. Waa qaraxii labaad oo maanta ka dhaca Muqdisho, iyada oo midkii koowaad ay ka badbaaday Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga. View the full article
  15. (SLT- Beyruut)-Raysal wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa ka hadlay laba diyaarad oo nooca duuliyaha aan laheyn oo maanta ku burburay koonfurta magaalada caasimada ah ee Beyruut. Mr Sacad ayaa tilmaamay weerar qaawan oo Israa’iil ku soo qaatay oo ka dhan ah madax banaanida Lubnaan. Dhanka kale wuxuu intaa raaciyay in isku dayga Israa’iil uu kicinayo xasiloonida ka jirta gobolka Bariga Dhexe. Arintaan ayaa waxaa sidoo kale goor dhow ka hadlay hogaamiyaha ururka Xisbullah Shiikh Xasan Nasrullah waxaana uu sheegay in weerarka Israa’iil uu halis ku yahay Hormarka. Afhayeenka Ururkan Maxamed Cafiif ayaa sidoo kale beeniyay maanta in ay soo rideen labada Diyaaradood. Source
  16. Hobyo (SMN) – Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa waxa uu lacag ugu deeqay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyey in uu ku taageerayo dhismaha jidkaasi aduun lacageed gaaraya tobban kun oo dollar. Dhinaca kale, Mr Guuleed oo booqday xarunta guddiga ku howlan dhismaha wadadaasiayaa bogaadiyey shaqadda ay hayaan. Jidka isku xirta Gaalkacyo-Hobyo oo ka wada tirsan gobolka Mudug ayaa waxa uu muhiim u yahay isu socodka shacabka labada magaalo. Dhismaha wadadan ayaa waxaa la sheegayaa in ay kaalin weyn ka cayaareyso horumarka dhanka ganacsiga iyo isu socodka labada magaalo. View the full article
  17. Beledweyne-(Caasimada Online) – Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay degaanka Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Buurweyn oo qiyaastii 25-KM koonfur kaga beegan magaalada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan, ayaa Al-Shabaab u ahayd goob muhiim ahay canshuuraha ku qaadaan. Dhamme Cabdi Maxamed Xasan oo ah taliyaha hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka ee la wareegay Buurweyn, ayaa sheegay in weerarkaas ay uga gol lahaayeen xaqiijinta amaanka degmada Buula-burde oo sanado badan go’doon ugu jirta Al-Shabaab. Waxa uu sheegay Taliyuhu in si nabad ah ay kula wareegeen deegaankaas oo il dhaqaale u ahaay Al-Shabaab, kaddib markii ay iskaga carareen, haatana ay qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan Buula-burde oo aysan kusii sugnaa doonin Buurweyn. Waxa kale oo uu sheegay inay ku laaba doonaan oo dib ula wareegi doonaan deegaanka Buurweyn, isagoo carrabka ku adkeeyay in markaas ay ka sameysa doonaan saldhigyo ciidan. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku caan baxay inay dib u baneeyaa dhul ay dagaal kaga qabsadeen Al-Shabaab, waxeyna arintaas shaki iyo walaac badan ka muujiyay waxgarad badan oo Soomaaliyeed. Caasimada Online Xaafiiska Beleweyne Caasimada@live.com
  18. Jabuuti (SMN) – Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sarre ee jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta qasriga madaxtoyada djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Walalaha aanahay ee Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Gelle. Mas’uuliyiintan ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal oo ah wadamo walaalo ah,iyo kaalinta dowladda Jabuuti markasta ay la garab taagantahay walaalohoodi Soomaaliyeed. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed. Masuuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan. Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmiya ku jooga Caasimada Jamhuuriyada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti,halkaasi oo ay kulamo kaladuwan kula qaateen madaxda dalkaasi. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacantay ka gedaal markii rasaas ay fureen ciidamadda dowladda Soomaaliya. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in arrintan ay ka dhacday degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Rasaasta ay ganeen xoogaga dowladda federaalka ah ayaa waxaa la sheegay in ay ahayd mid ay wadada ku furanayeen Dr Aamiin Samakaab, Agaasimaha Isbitaalka Al Bayaan, oo la dhigay dhaawacyadda ayaa sheegaya in bukaanada xaaladooda ay soo fiicnaaneyso. Sikastaba ha ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah ayaa ah kuwa soo laab-laabtay, waxaana khasaaraha alaaba uu soo gaaraa dadka shacabka ah. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa markii labaad maanta mar kale la hadlay warbaahinta waxaanu soo saaray amaro cusub, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Dhuusamareeb (SMN) – Odayaasha dhaqanka iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyay guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ergada magaalada u timid in ay ka qeyb galaan shir-weynaha loogu diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur oo ka hadlay qadada reer Dhuusamareeb u sameeyeen guddiga iyo ergada ayaa sheegay in kulanku ahaa is barasho iyo soo dhaweyn, waxa uuna ku dhiirri geliyay reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka. Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka hadlay afka ergada kulanka ka qayb galay ayaa uga mahad celiyay reer Dhuusamareeb soo dhaweynta waxa uuna dhankiisa sheegay in reer Galmudug ay ka faa’iideystaan fursadda dahabiga ee la siiyay oo ay ka wada shaqeeyaan adkeynta midnimada. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-25082019.mp3 View the full article
  23. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland, khilaafka DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah, meeqaamka Muqdisho iyo arrimo kale. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni waxa uu ugu horayn ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay xushmeeyaan dowladaha xubnaha ka ah una dhowraan sidii inay yihiin carruurtooda maadaama dowladda dhexe ay tahay hooyada Soomaaliya. Denni oo ka hadlayey meeqaamka Muqdisho ayaa sheegay inay muhiimtahay in la caddeeyo wuxuuna codsaday in Puntland martigeliso shir ku saabsan meeqaamka Muqdisho iyo shirarka u dhexeeya madaxda DFS iyo maamulka Somaliland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu taageero u muujiyey shirarka dibu heshiisiinta ee ka socda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug isagoona xusay in Galmudug loo madax banneeyo arrimeheeda masiiriga ah. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Denni,”Puntland waxay diyaar u tahay martigelinta shirka Somaliland iyo Soomaaliya”. appeared first on Puntland Post.