Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,333
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada Booliiska ee magaalada B/weyne ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah waxgaradkii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka, balse la kulmay dhowaan Al-shabaab. In ka badan 10 Nabadoon oo caan ka ah magaaladaasi ayaa lagu xirey B/weyne, kadib markii ay kasoo laabteen Al-shabaab oo sheegay in cafis usoo fidiyeen. Saraakiisha Booliiska B/weyne ayaa sheegay in ay sidoo kale raadinayaan xubno kale oo ka mid ah waxgaradkan, kuwaas oo iyaguna xabsiga la dhigi doono. Al-shabaab ayaa odoyaashan ku amray iney yimaadaan deegaannada ay ka arrimiyaan si cafis loogu fidiyo, iyadoo qaarkood ay diideen, halka qaar kalena ay tageen. Waxgaradkii la kulmay Al-shabaab oo qaarkood warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in naftooda u baqeen, maadaama aysan dowladda damaanad qaadin ammaankooda, lana dayacay sida ay sheegeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Baladweyne (PP) ─ Booliiska Magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay in ka badan 10 oday-dhaqameed oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka federaalka, balse dhawaan tagay deegaannada Al-shabaab, iyagoo fulinaya amar ay kooxdu soo saartay. Kooxda Al-shabaab ayaa dhawaan soo saartay amar ay odayaasha ugu yeertay, iyadoo ka dalbatay inay kasoo laabtaan falkii ay ku xuleen xubnaha Baarlamaanka Somalia, ayna ballan-qaadaan inaysan dib ugu laaban doonin, waxaana amarkaan fuliyay odayaal fara badan. Saraakiisha booliiska Baladweyne ayaa sheegay in iyagoo fulinaya amar ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda 27-aad ay xabsiga u tabaaxeen in ka badan 10 oday-dhaqameed oo oo fuliyay amarkii Al-shabaab. Ciidamada amniga Baladweyne ayaa wararka la helayo waxay sheegayaan inay wadaan hawl-gal lagu baadi-goobayo qaar ka mid ah odayaashii la kulmay Al-shabaab oo ku sugan Baladweyne. Dhanka kale, Hawl-galkan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay soo saartay amar ka dhan ah odayaasha soo xulay xildhbiaannada ee tegay deegaannada ay joogto Al-shabaab. Ugu dambeyn, Odayaashan ayaa sheegay inay naftooda badbaadsanayeen oo aysan jirin cid ka difaaci karta Al-shabaab haddii ay diidaan amarradooda, taasoo aysan wax jawaab ah ka bixin hay’adaha amniga Dowladda Somalia. PUNTLAND POST The post Baladweyne oo lagu xir-xiray qaar ka mid ah odayaashii fuliyay Amarkii Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (PP) ─ Warar la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maanta ku wajahan yihiin magaalada Dhuusa-mareeb ee xarujnta maamulka Galmudug. Safarka Khayre ayaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii uu halkaas uga furi lahaa maanta shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaasoo ay ka qayb-galayaan waxgarad iyo siyaasiyiin ka socda beelaha ku nool Galmudug. Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa shalay la geeyay ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia, waxaana taasi ay dhalisay in shir deg-deg ah ay isugu yimaadaan mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca, inkastoo la isku khilaafay shirkaas. Xubno ka tirsan Ahlusunna ayaa la sheegay inay soo jeediyeen ni shirka laga furayo Dhuusa-mareeb la taageero, halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen shirkaas, ayna ku tilmaameen mid la doonayo in lagu dhabar-jabiyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa horay u tagay Deegaannada ay ka kooban tahay Galmudug, isagoo kulammo kala duwan lasoo qaatay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Galmudug, kalana hadlday in la dhiso maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug. Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ka socda saakay qaban-qaabo weyn sida ay sheegeen shacabka ku nool degmadaas, taasoo lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hoggaaminayo RW Khayre, isla markaana lagu furayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Ugu dambeyn, Shirkan ka furmaya Dhuusa-mareeb ayaa kusoo beegmaya iyadoo shir kale uu ka furan yahay degmada Hobyo ee gobolka Mudug, kaas oo ay ka qayb-galayaan xubno kasoo jeeda Galmudug, si heshiis loogu gaaro. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo la sheegay inuu ku wajahan yahay Degmada Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Laftagareen ayaa kulan ammaanka looga hadlayey wuxuu la qaatay saraakiisha ciidanka Booliiska. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-shabaab iyo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ee deegaannada K/galbeed. Inta kulanka uu socday ayaa warbixinno iyo talooyin waxaa laga dhageystay saraakiisha Booliiska ee kulankaasi ku sugnaa, waxayna inta badan ka hadleen sidii looga hortagi lahaa weerada Al-shabaab, sidoo kalena gacan adag loogu qabaan lahaa amniga. Dhanka kale, madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku bogaadiyey ciidanka Booliiska dedaalkooda ku aaddan xaqiijinta ammaanka iyo ilaalinta shacabka. Wuxuu ugu baaqay iney sii Labo jibbaaraan dedaalkooda si looga hortago falalka amni darri ee ay fuliyaan Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye. Laftagareen ayaa maalmahan dambe wuxuu xoojiyey kulamada ku aaddan amniga, isaga oo wada qorsheyaal ku saabsan sugidda amniga K/galbeed iyo sidii looga saari lahaa Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sarre ee jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa qasriga madaxtoyada djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Walalaha aanahay ee Djibouti Ismaaciil Cumar Gelle. Mas’uuliyiintan ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal oo ah wadamo walaalo ah,iyo kaalinta dowladda Jabuuti markasta ay la garab taagantahay walaalohoodi Soomaaliyeed. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Maxamed Cali Maxamed. Masuuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan. Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmiya ku jooga Caasimada Jamhuuriyada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti,halkaasi oo ay kulamo kaladuwan kula qaateen madaxda dalkaasi. Source: goobjoog.com
  6. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay waxa uu ka dhacay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Xubno ka mid ah Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidankan ku lahaayeen Buulo-burde, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacad ka badan socday. Lama soo sheegin illaa iyo hadda wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalkaasi, waxaana lagu soo waramayaa in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM iska caabiyeen Al-shabaabkii soo weeraray. Xaaladda degmada Buulo-burde waa ay deggan tahay, iyadoo saraakiisha ciidanka ee ku sugan degmadaasi sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen dhanka Al-shabaab. Al-shabaab ayaa maalmahan dambe waxay kordhiyeen weerarada ay ku qaadaan xarumaha ciidanka DFS ku leeyihiin gobollada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Somalia’s Jubbaland state President Ahmed Islam Mohammed, popularly known as Madobe, is fronting a conciliatory tone with the federal government, calling for unity to defeat Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  8. Sida ay Warbaahinta Puntlandi ogaatay Ciidan Beeleed ka kooban hal Beel ayaa waxaa tababar loogu diray Dalka Eritrea, Arintaan ayaa waxay ka hor imaanaysaa Dowladnimada [...] Source
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoonkaro oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Caasimada Online u sheegay in Khilaaf uu soo kala dhex galay hoggaanka Ururka Ahlu-Sunna ee gacanta ku hayay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Khilaafka ayaa yimid ka dib markii xubno ka mid ah Ahlu-Sunna ay ku shegeen in ay ka baxayaan heshiiskii ay la gaareen dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii la fulin waayay qodobadii lagu heshiiyay. Qaar kale oo ka mid ah hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in uu heshiisku yahay sidii lagu kala saxiixday, oo aan loo baahneyn in maanta laga laabto, islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay taageeraan si ugu yaraan qaar ka mid ah qodobada heshiiska ay u hirgalaan. Hoggaanka ciidanka Ahlusunna ayaa sidoo kale kasoo horjeestay tilaabooyin uu qaaday Macalin Maxamuud iyo wasiirka qorsheynta Galmudug, ayaga oo u arka kuwa kasii daraya xaaladda. Kulan ay yeesheen hoggaanka Ahlu-Sunna oo ay ka mid yihiin Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir iyo Ashcari ayaa xalay dhammaaday, ayada oo aan wax go’aano ah oo mideysan lagu gaarin. Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in maanta la filayo in kulamo kale ay yeesheen dhinacyadan, si ay u qaataan go’aanno isku mid ah oo ku saabsan heshiiska dowladda iyo xaaladda Galmudug. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  10. Sangabo Abdi’s dream was to open her own restaurant, and With Love, a local restaurant, is making that happen. Located on North Salina Street, With Love brings in a new entrepreneur-in-residence every six months, giving chefs the opportunity to showcase different cuisines to the community. Source: Hiiraan Online
  11. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray AMISOM, ciidanka dowladda iyo Alshabaab. Dagaal yahano katirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay ugu horayn weerar ku qaadeen talisyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo mudo socday,sida ay sheegeen dad ku sugan degmadaas. Cismaan Geeddi oo ah guddoomiye ku-xiegenka degmada Buulo-burde ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Alshabaab isla markaana ay khasaare gaarsiiyeen raggii weerarka ka dambeeyey. Waxaa uu sheegay in rasaasta ay kasoo rideen Al-Shabaab dhinaca Galbeed ee degmada Buulo-Burde,isla markaana Ciidamada wax khasaaro ah kasoo gaarin dagaalkii dhexmaray labada dhinac,sidoo kalena xaaladu ay tahay mid degan. Majirto cid katirsan saraakiisha dowladda iyo AMISOM oo ka hadashay dagaalkaasi waxaase dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa mid aad u kharaar oo aysan labada dhinac waxba isula harin. PUNTLANDPOST The post Alshabab oo xalay weeraray taliskii AMISOM iyo ciidanka dowladda ee Buulo-burde. appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wareejisay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur xabsi uu ku jiray muddo sagaal bil ah, waxaana la geeyay xabsi guri kale oo ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya sida ay ogaatay Caasimada Online. Abuu Mansuur ayaa la dejiyay guri dhawaan lagu sameeyay dayactir, kaas oo ku yaala gudaha madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka hotelka Gob-Soor ee Villa Somalia waxaana aad loo adkeeyay ammaanka gurigaas. Caasimada Online ayaa ogaatay in halkii uu ku xirnaa 9-kii bil ee la soo dhaafay Abuu Mansuur looga soo wareejiyay sabab la xiriira dayactir ku socda Guryaha VIP-da loo yaqaano ee Taliska NISA, iyadoo la sheegay in uu guriga cusub sii joogo doono muddo dhowr-cesho ah una dhaxeysa 30-60 cesho. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa waxaa soo qabtay Ciidamada Itoobiya 13-kii bishii December ee sanadkii 2018 kadib markii uu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo ay u diidaneed Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyey inuu ka baxay heshiis lala galay. Dedaalo badan oo la geliyay in lagu sii daayo ilaa hadda ma suurta gelin waxaana diiday Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sarre ayaa xarunta madaxtoyada dalka Djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Gelle. Labada dhinac ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Djibouti gaar ahaanna taageerada dowladda Djibouti ay siiso waddanka Soomaaliya. Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Maxamed Cali Maxamed. Masuul’iyiinta ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan. Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmiya ku jooga Caasimada waddanka Djibouti halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula qaateen madaxda dalkaasi. PUNTLAND POST The post Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Djibouti appeared first on Puntland Post.
  14. MOGADISHU, Somalia At least two people including the former secretary of the Banadir regional administration were killed with several others wounded in two separate bomb blasts in the Somali capital Mogadishu on Sunday, officials said. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tiradii ugu horreysay oo dhalinyaro Soomaali ah tababar ugu dirtay dalka Eritrea oo dhawaan heshiis saaxiibtinimo la galay Soomaaliya, Caasimada Online ayaa ogaatay. Dhalinyarada tababarka loo qaaday oo gaaraya ku dhowaad 100 qof ayaa la sheegay in xulistooda ay socotay dhowrkii bil ee la soo dhaafay, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid dadkii ka qayb qaatay arintaan. Dadka la qaaday oo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 100, ayaa la sheegey in la soo siin doono tababar casri ah oo ku saabsan la dagaalanka iyo helista xogaha Argigixisada. Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee u diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo maray xulista dhalinyaradaan loo qaaday dalka Eritrea. Caasimada Online ayaa la kulantay dhalinyaro aan wali bixin laakiin laga diiwaan geliyay hey’adaha amaanka Soomaaliya si dhowaan loogu qaado dibadda waxayna noo sheegeyn in qaar kale ay ka horreeyaan oo maalmo ka hor ay dalka ka baxeen. Eritrea, oo dhawaan laga qaaday cunaqabateyn saarneed kadib markii ay la heshiisay Itoobiya ayaa sidoo kale heshiis la gashay Dowladda Soomaaliya. Dalkaan Eritrea, waxaa horey loogu eedeeyey in uu la shaqeeyo islamarkaana uu taageero Argigixisada Soomaaliya waxa uuna mar soo dhaweyn jiray Kooxihii Islaamiyiinta Soomaaliya, inkasta oo Eritrea ay beeniso eedeymahaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhibaatooyin dhanka deegaanka ah, ayada oo qaar laga saaro guryihii ay deganaayeen, qaarna korontada iyo biyaha looga jartay inay lacagtii bixin waayeen, kadib markii aysan dhowr bil qaadan mushaharkooda. Qaar kamid ah shaqaalaha Gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in bishii July ee la soo dhaafay iyo bishaan gaba-gabada mareysa aysan qaadan mushaar halka dhamaan bilooyinkii kale ee la soo dhaafay ay qaadan jireen 50 maalmood kadib. “Caadiyadan mushaarka waa soo daahi jiray waxaana la qaadan jiray 20-ka bisha kale waana nagula dhibsaday arintaas waayo dadka guryaha leh 5-ta bisha kadib kaama yeelayaan, waxaase ka sii daran in aanan qaadan bishii 2-aad” ayuu yiri qof katirsan shaqaalaha dowladda Hoose oo la hadlay Caasimada Online. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa todobaad ka hor bixiyey Mushaarka qayb kamid ah shaqaalaha Gobalka, gaar ahaan qaybta Howlaha Guud waxaana soo baxay amar lagu joojinayo bixinta mushaarka bishii hore oo bixintiisa bilaabatay maalmo ka hor. Mushaarka oo aan badneyn, waqtiga la bixiyo oo ah 50-kii maalmood-ba mar iyo maciishadda magaalada Muqdisho oo aad u sareysa ayaa sababtay in inta badan Shaqaalaha Dowladda Hoose laga saaro guryo ay kiro ku daganaayeen oo ku yaala aagga muhiimka ah ama degmooyinka amnigooda roonyahay ee Muqdisho, oo qaali ah. Lama oga sida uu wax uga qaban doono Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” oo wada kulamo is daba-joog ah oo ku saabsan xaaladda iyo shaadada Gobalka. Caasimada Online waxay ogaatay in dhibaato daran ay wajahayaan shaqaalahada Gobalka Banaadir sidoo kalane aysan sax-saneyn shaqada Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir una baahantahay sixitaan iyo fadhiisin guud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 10 oday dhaqameed oo cafis u doontay Al-Shabaab. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda ciidamada gobolka Hiiraan, Kabtan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in dhamaan odayaashii u tagay Al-Shabaab maxkamadd la saarayo. Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa ku amray ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska ee ka howlgala gobolka Hiiraan inay soo xiraan si loo maxkamadeeyo odayaashii u tagay Al-Shabaab. “Waxaan soo saarnay awaamiir ku socotay dhamaan hey’adaha amniga si gaar ah booliska iyo Nabad-sugidda, inay soo qabtaan odayaasha ka baxay deegaanada Hir-Shabeelle ee lasoo kulmay Al-Shabaab,” ayuu yiri ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada G/Hiiraan. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaan gacanta ku heynaa oo hadda xiran ku dhawaad 10 oday dhaqameed oo la kulmay Al-Shabaab, waxaana la tiigsa doonaa sharciga”. Caasimada Online Xaafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyaha ciidanka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay Sarkaal iyo ciidamo ka tirsan Somaliland oo dhawaan ku biiray maamulka Puntland. Taliye Taani ayaa ciidamadaasi ku biirey maamulka Puntland ee ka goostay Somaliland, ku tilmaamay kuwo wax matarayaal ah oo culeys ku hayey qaranka Somaliland, isla markaana ka xukuumada ahaan ay ku faraxsan-yihiin inay ka goostaan. Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha ciidanka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in ciidamadaasi ay ka hor-yimaadeen inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhanka ah Puntland, wuxuuna yiri “Ciidamada la sheegay waxay ahaayeen kuwo deegaankaasi laga qarameeyey oo aan qaranka hawl u qaban jirin oo halkaasi uun lagu masruufo, wali wax hawl-gal ah oo ay qabteen ma jirto, waxaanu ku nidhi Badhan taga waxa ay yidhaahdeen heshiish baa naga dhexeeya Puntland oo ah in aan la is weerarin sidaasay ku diideen amarkii la siiyey”. “Qarankan uma baahna lacag bilaash ah oo la bixiyo, qofka lacag la siinaya waa in wixii lagu siiyey ku qabtaa sida ciidamada kale u shaqeeyaan oo kale, hadii aanu waajibkii fulin Karin maaha inuu ciidanka ku sii jiro waana ku faraxsanahay inay iska tageen waayo lacag bilaash ah ayuun bay qaadan jireen, dadka caykaasi ah inay ka tagaan waa muhiim”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ciidankaasi wax kharash ah mooyee wax ay nagu tarayeen ma jirto, marka looma baahna kuwo tagay kuwo aan waxba qabana anba waanu eryi ama iyaga iska tagi ama qarankay u shaqayn, laakiin isku dul noolaan dambe jiri mayso”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Somalia’s coast became home to illegal fishing and toxic wastes. It’s difficult to expose every illegal maritime activity in Somalia waters but I would like to shed some light on the lucid theft and toxic wastes which foreigners Source: Hiiraan Online
  20. Jubbaland is a place filled with potential triumph and promise of hope. It is a place with a vibrant river, fertile soils, the beautiful Indian Ocean, and livestock. Jubbaland is known for its diverse cultures and hospitality. It has the potential to be one of Somalia’s most exceptional, productive, Source: Hiiraan Online
  21. A former Banaadir regional official was killed in a car bomb attack in Mogadishu Sunday while an SNA hospital chairman escaped death in a separate incident. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Warraka-25082019.mp3 View the full article
  23. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo hosted a dinner for various authors in Mogadishu on Wednesday and praised the role they can play in protecting the language, Somali culture and history. Source: Hiiraan Online
  24. There are claims coming from Dhusamareb district in Galguduud region that two planes filled with Somali government troops arrived to assist with the reconciliation conference. Source: Hiiraan Online