-
Content Count
209,333 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Maareeyaha Guud ee wakaaladda hormarinta dhismaha Soomaaliyeed u magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo dhoowaan laga qaaday xilka taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha lagu sheegay in markii uu arkay baahida loo qabo dib u howlgelinta wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed & Aqoonta & waaya aragnimada Saereeye Guud Bashiir Goobe loo magacaabay xilkaas. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda Somaliland inay joojiso xadhiga aan garsoorku jidayn ee gobolka Sanaag ka dhacaya Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso afar qof oo sifo sharci darro ah ugu xidhan mudo sanad ka badan iyada oo aan wax maxkamad ah la gayn. Cabdilaahi Faarax Cabdilaahi, 13 jir, Jaamac Ibraahim Xasan, Maxamed Cabdilaahi Maxamed iyo Siciid Jaamac Ismaaciil, 16 jir, waxay booliska Somaliland kasoo xidheen deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, Julay 2018, iyaga oon haysan amar qabasho oo maxkamadeed. Waxa soo qabqabtay ciidanka sida gaarka ah u tabo baran ee RRU da. Islamarkii la soo qabtayba waxa lagu soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa, oo boqolaal kiiloo mitir u jira guryohoodii iyo qoysaskoodii. Mar qudha maxkamad lama hor gayn. Sanadkii 2018 waxa isku dhac beeleed oo ka dhacay tuulada Ceeryaan ku dhintay sadex qof. Ciidanka RRU da ayaa la geeyey goobahaas. RRU da ayaa markaa soo xidhay afarta qof ee ilaa iminka xidhan. Qodobka 25aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegyaa “qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.” Afart qof ee July 2018 la xidhay maxkamad lama gayn. Wax eed ah laguma soo oogin. Mana jirto dacwad laga gudbiyay oo lagu haysto. Waxaay ku jireen xabsiga mudo sadex iyo toban bilood ah iyada oo aan eed lagu oogin, maxkamad la gayn, dembi lagu haystona loo sheegin. Sida ku cad qodobka 47(3) ee Xeerka Habka Ciqaabta qofka xidhan ka hor intaan dacwad lagu soo oogin waaa in tobodii maalmood ee kasta hal mar la horgeeyo garsoore. Waxa cad in lagu gefay Xeerka Habka Ciqaabta ee Somaliland. In dad la iskaga hayo xabsi mudo aan cayinayn oo daba furan ah waa arin sharciga ka soo horjeedda. Waxa sidoo kale lagu gefay Xeerka Nidaamka Garsoorka Caruurta oo waxa ka mid ah dadka xidhan laba ciyaal ah oo ka yar da’da 18. Maaha masuuliyiinta dawladdu inay u adeegsadaan khilaafaadka beelaha inay ka dhigtaan marmarsiinyo ay dhinac iskaga riixaan dastuurka. Marka dagaaladu jiraan waa xilliga ku haboon ee la eego kalsoonida iyo awoodda hay’adaha dawladeed. Shaqada garsoorku maaha oo keliya xilliga nabadda, ee sidoo kale garsoorku waa inuu shaqadiisa guto xiliyada rabshaduhu jiraan. Qodobka 9(1) ee Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga iyo kuwa Siyaasiga ah ayaa sheegaya “qofna si sharciga ka soo horjeedda ah looma xidhi karo, layskagamana hayn karo, qofna xoriyadiisa lagagama xayuubin karo sifo sharciga ka baxsan.” Sidoo qodobka 9 ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Insaanka ayaa sheegaya “qofna ma mudan karo xadhig ama hayn sharci darro ah.” Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ixtiraamto dastuurkeeda oo ay sii dayso dadkaas loogu hayo xabsiga sifo ka soo horjeedda qaanuunka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah, iyo inay joojiso falalka kale ee la midka ah ee ka dhacaya gobolka Sanaag. Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa garsoorka Somaliland inay ilaaliyaan xorriyaadka dadka oo ay hubiyaan in dadka laga soo xidho gobolka Sanaag la horgeeyey garsoor. Yasmin Omar H Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Mobile: 0634472011 Email: hrcsomaliland@gmail.com Press release Human Rights Centre calls on the government to stop indefinite imprisonment without a judicial process Human Rights Centre (HRC) calls on the government of Somaliland to immediately release four people who are arbitrarily imprisoned. On July 2018 Abdilahi Farah Abdilaahi, 13 years, Said Jama Ismail, 16 years, Jama Ibrahim Hasan, and Mohamed Abdilaahi Mohamed were rounded up from different places in Erigavo district of Sanaag region without a court warrant. They have been rounded up by the Rapid Reaction Unit (RRU) of the Police. They were immediately taken to Hargeisa Central Prison, hundreds of miles away from their homes and families. They were never brought before a judge. In 2018, clan clashes happened in Eryan village (Ceeryaan in Somali) between two clans. Three people died, according to the government officials. The Rapid Reaction Unit, a paramilitary police unit, was deployed at the area. The RRU rounded up the four people. Article 27(2) of the Constitution of Somaliland says “any person who is deprived of his liberty because of alleged criminal offences shall have the right to be brought before a court within 48 (forty-eight) hours of his arrest.” “They have never been brought to court. No charges are pending against them. There is no charge sheet. No criminal report filed with the court or the prosecution office” says Yasmin Omar Haji Mohamoud, the chairperson of Human Rights Centre. They have been in prison in thirteen months without a trial. Article 47(3) of the Somaliland Criminal Procedure Code states that “until the date of the trial has been fixed, an accused in custody shall be brought before the judge every seven days.” “It is clear that the Criminal Procedure Code has been violated. You cannot put someone in prison indefinitely without trial,” says Yasmin adds. Contrary to the Juvenile Justice Law and international human rights standards, two of the detainees are children under the age of 18. “The authorities cannot use clan conflicts as a pretext to set aside the constitutional guarantees. It is this time you should test the credibility and strength of the institutions. The judiciary shall function not only in peacetime but also during armed conflict,” She added. Article 9(1) of the International Covenant on Civil and Political Rights says “everyone has the right to liberty and security of person. No one shall be subjected to arbitrary arrest or detention. No one shall be deprived of his liberty except on such grounds and in accordance with such procedure as are established by law.” Article 9 of the Universal Declaration of Human Rights states that no one shall be subjected to arbitrary arrest and detention”. Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to respect its constitution and release jailed people who are held in prison without due process of law and to stop other similar imprisonments taking place in Sanaag region. The Centre calls on the judiciary to protect liberties and safeguard that arrests carried out in Sanaag are made in accordance with the constitution. Yasmin Omar H Mohamoud Chairperson of Human Rights Centre Mobile: 0634472011 Email: hrcsomaliland@gmail.com Human Rights Centre (HRC) is the only local human rights watchdog based in Somaliland. It is registered with the Somaliland government as a non-profit-making, non-governmental organization with its own legal personality. Connect wit us: https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed u magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe). Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri: “Ra’iisul Wasaaraha markii uu arkay qodobka 100-aad ee dastuurka KMG ah, markii uu tix-geliyay baahida loo qabo dib u howl gelinta Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, markuu tix geliyay waaya aragnimada Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, markii uu garwaaqsaday in lagama maarmaan ay tahay in loo howl galo sidii loo soo celin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, waxa uu xeeriyay: In dib loo howl geliyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, loona bedelo Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed In laga billaabo 25/08/2019, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed In xarunta wakaaladda ay noqoto xaruntii hore ee Tika/Bisha Case ee Turkiga oo ku taalla degmada Wadajir ee gobalka Banaadir. Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee dowladdu bib-u-howl gelineyso si sare loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka, loona gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, gaar agaan dalka Itoobiya oo uu ku hormarayo. Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Ashir ee magaalada Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Saraakiil Ciidan, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo u safray wadanka Itoobiya. appeared first on Puntland Post.
-
Balcad (SMN) – Guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe Qaasim Cali Nuur ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen degmadaasi. Qaasim Cali Nuur oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay illaa 7 ruux oo uu tilmaamay inay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadu ay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/vvv.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha guddiga labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya u qaabilsan la socodka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid ayaa ka hadlay halka ay wax u marayaan. Qaybdiid ayaa sheegay in horay barlamaanada maamul goboleedyada ay ugu gudbiyeen 10 cutub oo dastuurka kamid ah haddan ay u gudbiyeen shantii ugu dambaysay haseyeeshee aysan wax jawaab ah ka soo celin. Dhinaca kalena, guddoomiyaha guddiga ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya inaysan gacantii looga baahnaa ka geysan dibu eegista dastuurka. DAAWO PUNTLANDPOST The post Senator Cabdi-qaybdiid oo sheegay in madaxda DFS aysan ka qayb qaadan dhammaystirka dastuurka. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa cambaareysay burburinta ay ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda Hormuud. Ilhan oo qoraal kooban soo dhigtay Twitter-keeda ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM looga baahan yahay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay Hormiud iyo shirkadaha kale ee ku yaalla dalka ay si weyn uga qeyb qaataan horumarka, gaar ahaan dhanka tiknolojiyadda. ”Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada mabad ilaalintu waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan shirkadda Hormuud iyo dhamaan shirkadaha kale oo qaaraan weyn ku leh dalka Soomaaliya adeegyo muhiim ahna bixiya,mar aan Soomaliya tegay sanadkii 2011 ayaan la yaabay sida tiknolojiyadda meel sare u gaartay Soomaaliya,” ayay tiri Ilhaan Cumar. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ciidamada Kenya ay qaraxyo ku burburiyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolka Gedo. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saddexdii maalin ee la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka wada gobolka Bari ee maamulkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ka socdaan dhulka buuraleyda ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin kooxda Daacish iyo Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in howlgalladaasi ay yihiin kuwa lagu xaqiijiynayo amniga gobolkaasi. Inta badan Xooggaga Daacish iyo kuwa Al-Shababa ayaa weeraro ka fuliya deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Geneva (SMN) – Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalalka Switzerland, Austria iyo xarunta Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka, Marwo Abyan Maxamed Saalax oo lagu soo dhoweeyay Geneva ayaa sheegtay in dowladda Switzerland ay si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya. Abyan ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid taariikhi, waxaana ay sheegtay in haatan wixii ka dambeeya Switzerland lagu tago karo Baasaboorka Soomaaliga ah. Arrintan ayaa waxa ay sheegtay inay dadaal badan ku bixiyeen safaaradda iyo wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. Dhanka kale Marwo Abyan Maxamed Saalax oo dhowaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalalka Switzerland , Austria iyo xarunta Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka ee Geneva ayaa u mahadcelisay Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Waxa kale oo ay sheegay in halkeeda ka sii wadi doonto shaqada, islamarkaana auhormarin doono xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaasi. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku hormarineyso tayada iyo isticmaalka Baasaboorka Soomaaliga ah oo ay horay u aqoonsadeen dalal badan. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-26082019.mp3 View the full article
-
Degmada Hodon ayaa usoo gudubtay fiinaalka tartanka kubadda Gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 kadib markii ay ka adkaatay degmada warta nabadda. Kulanka oo ahaa kulanki koowaad ee semi finaalka tartanka waxaa kasoo kasoo qayb galay Lataliyaha Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga, Ibraahin Xuseen Cali Roombe, Guddoomiyhaa Isboortiga G, Banaadir Xasan Wiish, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadad Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan, Masuuliyiinta labada degmo iyo marti sharaf bahdii hore isbortiga. Labada degmo ayaa soo bandhigay ciyaar xirfadeedu sareyso oo ay ka maqsuudeen masuuliyiinta iyo bahda jecel ciyaarta kubadda Gacnata oo garoonka Wiish si weyn usoo camiray, waxana 28-24 ay guusha ku raacday wiilasha uu hogaamiyo macallin Maxamed Yuusuf ee degmada Hodon,iyagoo koobkan difaacanaya.. Source: goobjoog.com
-
United States of America Congresswoman has asked the federal government of Somalia to continue seeking answers and of possible retribution over detonation of a telecommunication company’s mast. Ilhan Omar of Minnesota’s 5th District accused Kenya Defense Forces of going beyond limits by destroying infrastructure in the Horn of Africa nation. Hormuud Telcom on Saturday claimed that KDF had destroyed one of its masts at Gedo region within Jubbaland, arguing that it was the 12th time the troops were detonating a mast. Further, they said, an attack launched reported by KDF left one of the staff members dead and several others are currently nursing serious injuries. “For the 12th time this year, KDF has detonated our masts in Aws-Karun at Gedo region of Jubbaland. The attack took place on August 22nd. The troops used powerful machines to destroy the equipment. “In an earlier attack, the KDF troops killed one of our staff and injured others. These unlawful acts by KDF amount to war crimes and will tarnish the effort of the international community to stabilize Somalia,” the company said in a statement. The attack was allegedly executed on Thursday during elections in Jubbaland, which saw KDF ally Sheikh Madobe cruising easily to victory. There were claims that KDF had also closed down Kismayo Airport. But the Congresswoman, who was born in Somalia and had brief spells in Dadaab as a refugee, insists that Kenya should respect investments in Somalia. Despite the allegations, KDF is yet to issue any official response. However, the troops have been launching attacks against Al-Shabaab militants across Somalia since 2011. Source: Hivisasa View the full article
-
Shir sanadeed ay soo qabanqaabisay hey’adda SIDRA, loogna hadlayey arrimaha dib u heshiisiinta iyo dimoqoraadiyadda ayaa maalmahan waxaa ay ka socotaa magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland. Furitaan kulanka ee Axaddii waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale uu ku jiray ra’isul wasaarihii hore Cali Geedi iyo abwaanno. Madaxweynha dowladda Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo khudbad ka jeediyey goobta ayaa ka hadlay qodobo xasaasiya oo ku soo noqnoqdey siyaasadda Soomaaliya ilaa iyo haddana aan wax xal ah laga gaarin. Madaxweynha ayaa soo hadal qaaday maqaamka ay yeelaneyso caasimadda Muqdisho oo dooddeeda ay noqotay mid furan iyo wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo muddo aan wax xal iyo isku soo dhawaasho aan laga gaarin, madaxweynaha ayaana xusay in dowlad gobaleedka Puntland uu diyaar u yahay inuu dhigo gogol looga hadlo oo Soomaali u dhantahay magaalada Garoowe, waxaana uu yiri “ Waxaan rabaa inaan halkaan ka sheego in Puntland ay diyaar u tahay in ay martigeliso qodobada aadka looga doodo oo marwaliba soo noqnoqda oo la yiraahdo maqaamka Muqdisho in Garoowe looga hadlo ayaan soo dhaweynayaa, Muqdisho waa magaalo madaxdii Soomaaliya, waa magaalada astaanta u ah qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeeda inuu dood aan dhamaaneyn uu ku jiro aad ayeey noo dhibeysaa, marka waxaan jeclaan laheyn dood furan oo cidi cid ka sheeganeyn Soomaalidu ayadoo miyir qabta intey isgu timaado, waliba Muqdisho laga soo fogeeyo in meel ka soo fog leysugu yimaado oo si fiican loo dodo”. Sidoo kale madaxweyne Deni oo hadalkiisa siiwo ayaa xusay in arrinta Soomaaliland ay tahay caqabad hortaagan dhameystirka dastuurka qaranka, waxaana uu yiri” Waxaan qabaa walaalaheena gobalada woqooyi jira in ay yimaadan Garoowe oo dooda ay ka qeyb galaan oo doodaha ay qabaan ay soo gudbistaan, inaan doodeena dhiibano oo dadka aan la hadalno kama baqeyno” Sidoo kale Raiisal wasaarihii hore ee dalka mudane Cali Maxamed Geedi oo goobta ka hadlay ayaa xusay in dadka dadka Soomaaliyeed ayaga in ay wada tashtaan ay ku jirto maslaxadooda, waxaana uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in ayagoo aan lagu dhex jirin iney wada hadlaan waxaana uu yiri” Waxaan aheen qaran sharaf leh oo Afrika ka tilmaaman, annaga ayaa gacmaheena ku burburinay, inaan dib u soo celino annaga ayey na su geysaa cid kale sugimeyso, beesha caalamka iyo dowlad hebel ayaa noo roon, dowlad hebel ayaa xun ma sugeyso, umadda Soomaaliyeed ayadu in ay is aqbasho ayaa laga rabaa,in ayadu is jeceshahay oo wadanioyiin Soomaali oo mawaadiniin yihiin in ay aqbalaan ayaa laga rabaa, haddaan taas wada aqbalno inaan xal gaari karno ayaa la hubaa” Mudane Cali oo sii hadlayo ayaa shaaca ka qaaday in umadda Soomaaliyeed waxa kala geeyey oo cadaalad darridu ka mid tahay la doonayo in ay ka wada hadlaan oo ay heshiis dhab ah ka gaaraan xalkana uu ku jiro in dastuurka si dhab ah loogu dhaqmo, waxaana uu yiri” Maxaa umadda kala geeyey? Musuqmaasuq, Cadaalad darro, Eex , Nin jecleysi, qof necbeysi, midab takoor, cuduradaas oo dhan waaye waxa umadda kala geeyey, side looga baxayaa, dhamaan dastuurka ay kuwada yaalaan ee in la fuliyo, waxaa jira Low and Order, Loowga boogta ayuu iskaga yaalaa oo Boor baa saaraan waxaa la rabaa in Hey’adda fulintu ay fuliyaan”. Dhanka kale madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dowlad gobaleedka Puntland, Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, oo wakiil uga ah Puntland dib-u-eegiska Dastuurka, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in umadda Soomaaliyeed 30 sano ka dib wali ayna gaarin wax heshiis ah, dagaallo sokeeyana weli ay dalka ka socdaan, waxaana uu yiri” waxa la heshiisiinayo Geedo iyo Dhagaxo maahan ee waa dad ayagiina wali banaanka ayeey kala joogaan oo heshiis maahan, ma inagaa liidana oo gaari weynay mise howsha ayaa dhib badan oo ah waxaan la gaari Karin, mise annaga miyaa aqoonteedii iyo tabarteedii laheyn, dib u heshiisiin Soomaaliyeed, dowlad gobaleed iyo mid dad weyne wali xaaladdooda madhawa, ilaa hadda waxaad arkeysaa beelo Soomaaliyeed oo 30 sano ka dib dagaal sokeeye wali dagaalamayo waxa ay ku dagaalamayaan ay ogeyn”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bu’aale (Caasimada Online) – Mid kamid ah dagaaladii ugu adkaa oo ay qaadaan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobalka Jubada Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dagaalka oo isugu jira weerar toos ah, duqayn iyo toogasho dhacday ayaa waqti isku mid ah laga fuliyay degmooyinka Jilib, Sakow, Bu’aale iyo Salagle oo kawada tirsan Jubada Dhexe. Ciidamada howlgalka qaaday oo la aaminsan yahay in ay ku jiraan Saraakiil iyo ciidan cadaan ah ayaa diyaarad uga baxay Goballada Gedo iyo Jubada Hoose, waxaana la sheegay inuu ahaa mid aad loo soo abaabulay. Caasimada Online oo la hadashay Saraakiil howlgalkaan hogaaminayay ayaa ogaatay Al-Shabaab halkaasi uu ka soo gaaray khasaare xoog leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed. Sidoo kale Ciidanka Howlgalka fuliyay waa Ciidan cusub oo dhowaan ka soo baxay tababar dibadda ah. Howl galkan ayaa laga fuliyey afar xaruumood oo Al-Shabaab xaruumahooda ugu muhiim san ahaa, kuwaas oo intooda badan laga soo abaabuli jirey weerarada xoogga badan ee ay Al-Shabaab kusoo qaadaan magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo dhaca koonfurta Soomaaliya. Magaalooyinka Salagle iyo Saakow ayaa lasheegey in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya dagaal foolka fool ah kula galeen kuwa Al-shabaab oo qadar daqiiqado kahor lad uqeeyey ayagoona diyaarada wadey ciidanka Kumaandooska la sheegey in ay kasoo kacdey Gobolka Gedo. Ciidankan ayaa mudo kooban lawareegey xaafado kamid ah degmada saakow, waxayna ka fuliyeen toogasho toos ah. Sidoo kale Salagle ayaa la sheegey in ciidanka ay la wareegeen wado kasoo gasha dhanka gobolka Gedo mudo 20 daqiiqo ahna halkaa gacanta ku haayeen Degmada Bu’aale ayaa lasheegey in la duqeeyey Gurigii Guddoomiyaha Gobollada Jubooyinka ee Al-Shabaab Sheekh Abuu Cabdalla, inkastoo la sheegay in uu xiligaas ka maqnaa guriga. Dhanka kale, Degamada Jilib ayaa lasheegey in la duqeeyey kolonyo ciidan oo halkaasi marayey oo kusii jeedey dhanka Gobolka Shabeellaha Hoos,e waxaana la sheegey in halkaasi lagu duqeeyey tobaneeyo gaari oo ay wateen ciidamada Al-Shabaab. Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka balse waxaa la xaqiijiyay in Al-Shabaab badan lagu laayey. Saakay waxaa maqan inta badan adeegga Isgaarsiinta ee degmooyinkii la wareeray sida ay noo sheegeen Saraakiil ku sugan Gedo iyo Kismaayo. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaan oo ay ku dhinteen Saraakiil iyo Ciidan badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ciyaartooydii hore kubbadda Cagta iyo xulka qaranka Soomaaliya ayaa kulan Saaxiibtinimo ku dheelay caasimada,iyadoo taageerayaasha kasoo qeybgalay kulankan ay maqsuudeen Xirfadooda waxaana qabsoomida kulankan soo agaasimaya laaciibkii hore kooxaha Madbadaca Qaranka iyo Horseed iminkana ah guddoomiyaha naadiga Elman Sports Club Cabdrisaaq Faarax Cumar Garooje. Nuur Maxamed Amiin oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii hore naadiga Madacada Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahy waqti dheer ka dib ay garoonka kuwada kulmaan laacibiintii cuslaatay ee berisamaadka. Ismaaciil Senegal oo ka tirsanaa naadiga Elman kana mid ahaa ciyaartooydii ugu caansanaa xulka qaranka Soomaaliya ayaa madaxada isboortiga ugu baaqay in kulamadan oo kale sanadkiiba mar walbo laqabto,si loo xasuusto xirfadyahanadii hor,isagoo intaa ku daray in ay arimahan oo kale ay ka qeyb qaadanayaan horomarka. Dad badan ayaan soo xaadiray garoonka ay ka dhacaysay kulankii u dhexeeyay xidigihii hore Axmed Maxamuud Axmed waxa uu ka mid ahaa taageerayaashii kasoo ka qeybgalay waxa uu Goobjoog u sheegay in aad ugu faraxsanahay in uu goobjoog ka noqdo dhacdadan maadaama uu in badan sheeko ahaan u maqlay xidigihii hore kubbadda cagta Somaliya wuxuuna xiriirka ka dalbaday in la badiyo kulamadan oo kale. Goolal xirfadaysan ayaa la iska dhaliyay kulankan,iyadoo dadkii kasoo qeybgalay ay maqsuudeen kubbaddii quruxeeneed ee loo soo bandhigay Xaaji shirwac Sandhool ayaa Goobjoog u sheegay hadii lasii wadno ciyaaryahan oo kale ay wax badan iska badalayso haanaanka kubbadda cagta Soomaaliya. Guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirasaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii kasoo qeybgalay kulankan wuxuuna intaa ku daray in ka shaqsi ahaan uu qorsheenayo in sanadkiiba Caasimada Muqdisho lagu qabto tiro badan oo kulamadan oo kale,si qibrada ciyaartooydii hore ay ugu faa’ideestaan dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha oo aan nasiib u yeelan in ay daawadaan xirfadooda. Halkan Ka Daawo Kulankii Xiisaha Lahaa Ee Muqdisho Ku Ciyaareen Laacibiintii Hore W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madasha guddiyada dastuurka baarlamaannada heer federaal iyo heer dowlad Goboleed ayaa maanta ka furantay magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland. Shirkan oo socon doono 3 Maalin waxaa looga hadlayaa dastuurka KMG ah, gaar ahaan cutubyada 10-aad ilaa iyo 1-5aad oo ay soo diyaariyeen gudiyada dastuurka heer federaal. Shirkan waa kii 4aad ee ay qabtaan guddiga dastuurka, waxaana la filayaa in xal looga gaaro cutubyadaas dhiman. Horay waxaa ay guddiga uga dhamaadeen ilaa 10 cutub, oo la hor keenay golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka. Marka lasoo gabagabeeyo dastuurka farsamo ahaan, waxaa haraya in madaxda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ka heshiiyaan qodobo u xayiran heshiis siyaasadeed. Goobjoog News q Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congaress-ka dalka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay burburinta ay ciidamada Keyna ku hayaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee koonfurta Soomaaliya. Ilhan oo qoraal kooban soo dhigtay Twitter-keeda ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM looga baahan yahay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay Hormud iyo shirkadaha kale ee ku yaalla dalka ay si weyn uga qeyb qaataan horumarka, gaar ahaan dhanka tiknolojiyadda. ”Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada mabad ilaalintu waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan shirkadda Hormuud iyo dhamaan shirkadaha kale oo qaaraan weyn ku leh dalka Soomaaliya adeegyo muhiim ahna bixiya,mar aan Soomaliya tegay sanadkii 2011 ayaan la yaabay sida tiknolojiyadda meel sare u gaartay Soomaaliya.” ayay tiri Ilhaan Cumar. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ciidamada Kenya ay qaraxyo ku burburiyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolka Gedo. Tallaabadaas ayaa waxaa cambaareysay xukuumadda federaalka, agaar ahaan wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Qaza)-Diyaaradaha Dagaalka ee Isreal ayaa duqeeyay Goobo ay leeyihiin Ururka Xamaas, xilli hore oo Isniinta Maanta ah, kuwaasi oo ku yaalla Magaalada Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta. Duqaymaha Diyaaradaha dagaalka ee Isreal ka geysteen Qaza ayaa la sheegay inay jawaab u yihiin dhowr Gantaal oo Isreal lagaga soo tuuray dhinaca Qasa, sida uu ku warramay Telefiishanka Al-jazeera. Laakiin, Afhayeen u hadlay Xamaas oo Magaciisu yahay Hazem Qassem ayaa genafka ku dhuftay eedaymaha ah in Xamaas masuul ka tahay Madaafiic Qasa laga tuuray oo ku dhacay gudaha Dhulka Isreal, waxaanu Afhayeenku sheegay in aanay gantaallada ku dhacay Isreal masuul ka ahayn Ururka Xamaas. Xilli hore oo Isniinta Maanta ah ayaa Millateriga Isreal sheegay in Saddex Gantaal oo laga soo riday Qaza ay ku dhaceen Koonfurta Isreal. “Iyadoo laga jawaabayo (Gantaalladaasi), diyaaradaha Dagaalka ee Isreal waxay duqeeyeen Tiro ka mid ah Goobaha Ururka Argagixisada ah ee Xamaas.” ayaa lagu sheegay War Qoraal ah ka soo baxay Millateriga Isreal. Masuul ka mid ah Laamaha Amniga ee Falastiiniyiinta ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in duqaymaha Diyaaradaha Isreal ka geysteen Qaza aanay ka dhalanin khasaare dhimasho ama dhaawac ah. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Biyaha haddana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalkii ka soo yeedhay taliyaha ciidammada qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka maagtay meel fagaare ah. Keyna ayaa ku eedeysay Soomaaliya in ka dambeyso go’aanka ay Jabuuti uga hortimid codeyntii Midowga Afrika ee kursiga Qaramada Midoobay. Waxa kale oo ay sheegtay in go’aanka Jabuuti uu meel ka dhac ku yahay dhaqanka guud ahaan qaaradda Afrika. Sidoo kale waxay tilmaamtay in dalalka saldhigyada ku leh dalkaasi ay gadaal ka riixayaan in Jabuuti ay u tartanto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka. Dhowaan ayey aheyd markii danjiraha Jabuuti ee Qaramada Midoobay, Maxamed Siciid Ducaale uu sheegay in aysan ku qancin codeyntii Midowga Afrika. Danjiraha ayaa tilmaamay inay Jabuuti u tartami doonto kursigaas marka la gaaro bisha June ee sanadka soo socda. Kenya ayaa dadaal badan ku bixineysa helida kursigan, si ay maxkamadda ICJ uga baajiso dooda ay ku dooneyso biyaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com