Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,345
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay taliyaha ciidammada qaranka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda axsaabta qaranka kulankaas oo lagaga wada hadlay sii amba-qaadka heshiiskii saddexda xisbi qaran ee qabsoomida doorashooyinka, oo ay kasoo qayb-galeen gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakiil ka ahaa gudoomiyaha xisbiga waddani. Xisbiyada mucaaradka ahi waxay dareen taban ka muujiyeen qaabkii ay u joojiyeen golaha wakiilladu in ay ka doodaan mooshinkii ahaa in la kordhiyo tirada xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, waxa kale oo ay sheegeen in ay dood adag ka qabaan qaabkii uu u joojiyey ka doodista mooshinka garyaqaanka golaha wakiilladu, sidii ay horeba warbaahinta uga sheegeen. Inkasta oo aynu filaynay in golaha wakiiladu dood geliyo mooshinka ay u soo jeediyeen saddexda xisbi qaran, haddana mar hadii garyaqaankii goluhu dood sharci ka keenay madaxweynuhu waxa uu ku taliyey in aynaan wakhti badan ku lumin dood sharci xiligan, balse laga faa’iideeyo muddada kooban ee aynu haysano, sidaa darteed waxa uu ka codsaday labada xisbi qaran in qayb ka ahaadaan hannaanka geedi socodkii doorashooyinka ee ay horeba saddexda xisbi qaran ugu heshiiyeen. Madaxweynuhu wuxuu labada xisbi qaran ku adkeeyey in muhiimada koowaad la siiyo qabsoomida doorashooyinka, isla markaana waxa uu u soo jeediyey axsaabta qaranka inay dulqaad u yeeshaan wixii ay u arkaan gef iyo khalad inta lagu jiro hannaanka geedi socodka doorashooyinka. Madaxweynuhu waxa uu si cad u balan qaaday in la fulin doono qodobka afraad ee heshiiskii saddexda xisbi gaadheen 27-July-2019 kaasoo dhigayey in golaha wakiilada ee cusub la hor geeyo mooshinka kordhinta labada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka doorashada ka dib. Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday jewi degan, waxaanu madaxweynuhu mar kale ka codsaday axsaabta qaranku inay sii wadaan geedi socodka doorashooyinka, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyey axsaabta qaranka dedaalka ay ugu jiraan qabsoomida doorashooyinka. Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu qoraal u kala diray 25-kii-August-2019 axsaabta qaranka iyo golaha guurtida si ay u soo gudbiyaan xubnihii cusbaa ee guddida doorashooyinka qaranka si waafaqsan xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xeer Lr. 20/2001. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  4. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay dalka Japan appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa maanta shaqada ka joojisay 42 shaqaale ah, kuwaasi oo ka hawl-galayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Shaqaalahan ayaa ka mushahar qaadan jiray hay’adda duulimaadyada hawada ee qaramada Midoobey (ICAO). Balse dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay la wareegtay maamulka hawada, shaqaalaha iyo dhaqaalihii ka soo xaroon jiray hawada Soomaaliya oo ay horey gacanta ugu haysay hay’adda ICAO. Somaliland ayaa shaqaalahan ay eriday ku haysata in ay soo caddeeyaan in aanay ka mid ahayn shaqaalaha ay la wareegayso dawladda Soomaaliya. Shaqaalahan ayaa ah kuwa ka hawlgala: Air Traffic Controllers: Hagidda diyaaradaha AIS Officers: Maamulka macluumaadka hawada MET Officers: Saadaasha Hawada FireFighting: Dabdamiska Marshallers: Parking garaynta diyaaradaha. Technicians: Injineerada qalabka Hawada Source
  6. The Somali Book Fair scene is booming and there is no greater happiness than people, especially, young people, rushing to attend such educational events. Source: Hiiraan Online
  7. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed u magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe). Ra’iisul Wasaaraha markii uu arkay qodobka 100-aad ee dastuurka KMG ah, markii uu tix-geliyay baahida loo qabo dib u howl gelinta Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, markuu tix geliyay waaya aragnimada Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, markii uu garwaaqsaday in lagama maarmaan ay tahay in loo howl galo sidii loo soo celin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, waxa uu xeeriyay: In dib loo howl geliyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, loona bedelo Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed In laga billaabo 26/08/2019, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed In xarunta wakaaladda ay noqoto xaruntii hore ee Tika/Bisha Case ee Turkiga oo ku taalla degmada Wadajir ee gobalka Banaadir. Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee dowladdu bib-u-howl gelineyso si sare loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka, loona gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay doorashooyinkii ka dhacay Jubaland, halkaasi oo saddex madaxweyne oo is-diidan ay kasoo baxeen. Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah mas’uulka Al Shabaab u qaabilsan Jubbooyinka oo wareysi siiyay Idaacadda Al-Shabaab ee Andalus ayaa sheegay in ay dagaal lageli doonaan dhammaan saddexda madaxweyne ee sheegtay Jubaland. Abuu Cabdalla ayaa sheegay in Jubaland ay ku loolomayaan dowladaha Kenya, Itoobiya iyo Reer Galbeedka, islamarkaana madaxweynayaasha la doortay “lagu adeegto.” Waxa uu sheegay in dadka isku haya Jubaland “aysan xitaa ahayn dad madax banaan”, islamarkaana qori caaraddiisa lagu qasbayo inay fuliyaan danaha dalla shisheeye, sida uu sheegay. “Jubaland waxay gobollada Jubooyinka ka maamulaan kaliya laba degmo, marka qof kasta oo madaxweyne sheegta waxaa laga doonayaa halkii uu maamuli lahaa” ayuu yiri. Waxa kale oo uu sheegay in dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay mamausho Jubaland, gaar ahaan Kismayao ay maalin kasta usoo cararaan dhinaca goobaha ay maamulaan Shabaab, ayna ka saari doonaan goobahaas, sida uu hadalka udhigay. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN) – Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in ay ka dambeyso go’aanka ay Jabuuti uga hortimid codeyntii Midowga Afrika ee kursiga QM. Kenya ayaa tilmaamtay in go’aanka Jabuuti uu meel ka dhac ku yahay dhaqanka qaaradda Afrika, sida ay hadalka u dhigtay Sidoo kale waxay tilmaamtay in dalalka saldhigyada ku leh dalkaasi ay gadaal ka riixayaan in Jabuuti ay u tartanto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka. Dhowaan ayey aheyd markii danjiraha Jabuuti ee Qaramada Midoobay, Maxamed Siciid Ducaale uu sheegay in aysan ku qancin codeyntii Ururka Midowga Afrika. Danjiraha ayaa tilmaamay inay Jabuuti u tartami doonto kursigaas marka la gaaro bisha June ee sanadka soo socda. Kenya ayaa marar badan qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo uu kala dhexeeyo muran dhinaca badda ah oo ay dacwaddiisu ka furan tahay maxkamadda ICJ. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Maareeyaha Guud ee wakaaladda hormarinta dhismaha Soomaaliyeed u magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo dhoowaan laga qaaday xilka taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha lagu sheegay in markii uu arkay baahida loo qabo dib u howlgelinta wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed & Aqoonta & waaya aragnimada Saereeye Guud Bashiir Goobe loo magacaabay xilkaas. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  11. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda Somaliland inay joojiso xadhiga aan garsoorku jidayn ee gobolka Sanaag ka dhacaya Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso afar qof oo sifo sharci darro ah ugu xidhan mudo sanad ka badan iyada oo aan wax maxkamad ah la gayn. Cabdilaahi Faarax Cabdilaahi, 13 jir, Jaamac Ibraahim Xasan, Maxamed Cabdilaahi Maxamed iyo Siciid Jaamac Ismaaciil, 16 jir, waxay booliska Somaliland kasoo xidheen deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, Julay 2018, iyaga oon haysan amar qabasho oo maxkamadeed. Waxa soo qabqabtay ciidanka sida gaarka ah u tabo baran ee RRU da. Islamarkii la soo qabtayba waxa lagu soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa, oo boqolaal kiiloo mitir u jira guryohoodii iyo qoysaskoodii. Mar qudha maxkamad lama hor gayn. Sanadkii 2018 waxa isku dhac beeleed oo ka dhacay tuulada Ceeryaan ku dhintay sadex qof. Ciidanka RRU da ayaa la geeyey goobahaas. RRU da ayaa markaa soo xidhay afarta qof ee ilaa iminka xidhan. Qodobka 25aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegyaa “qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.” Afart qof ee July 2018 la xidhay maxkamad lama gayn. Wax eed ah laguma soo oogin. Mana jirto dacwad laga gudbiyay oo lagu haysto. Waxaay ku jireen xabsiga mudo sadex iyo toban bilood ah iyada oo aan eed lagu oogin, maxkamad la gayn, dembi lagu haystona loo sheegin. Sida ku cad qodobka 47(3) ee Xeerka Habka Ciqaabta qofka xidhan ka hor intaan dacwad lagu soo oogin waaa in tobodii maalmood ee kasta hal mar la horgeeyo garsoore. Waxa cad in lagu gefay Xeerka Habka Ciqaabta ee Somaliland. In dad la iskaga hayo xabsi mudo aan cayinayn oo daba furan ah waa arin sharciga ka soo horjeedda. Waxa sidoo kale lagu gefay Xeerka Nidaamka Garsoorka Caruurta oo waxa ka mid ah dadka xidhan laba ciyaal ah oo ka yar da’da 18. Maaha masuuliyiinta dawladdu inay u adeegsadaan khilaafaadka beelaha inay ka dhigtaan marmarsiinyo ay dhinac iskaga riixaan dastuurka. Marka dagaaladu jiraan waa xilliga ku haboon ee la eego kalsoonida iyo awoodda hay’adaha dawladeed. Shaqada garsoorku maaha oo keliya xilliga nabadda, ee sidoo kale garsoorku waa inuu shaqadiisa guto xiliyada rabshaduhu jiraan. Qodobka 9(1) ee Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga iyo kuwa Siyaasiga ah ayaa sheegaya “qofna si sharciga ka soo horjeedda ah looma xidhi karo, layskagamana hayn karo, qofna xoriyadiisa lagagama xayuubin karo sifo sharciga ka baxsan.” Sidoo qodobka 9 ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Insaanka ayaa sheegaya “qofna ma mudan karo xadhig ama hayn sharci darro ah.” Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ixtiraamto dastuurkeeda oo ay sii dayso dadkaas loogu hayo xabsiga sifo ka soo horjeedda qaanuunka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah, iyo inay joojiso falalka kale ee la midka ah ee ka dhacaya gobolka Sanaag. Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa garsoorka Somaliland inay ilaaliyaan xorriyaadka dadka oo ay hubiyaan in dadka laga soo xidho gobolka Sanaag la horgeeyey garsoor. Yasmin Omar H Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Mobile: 0634472011 Email: hrcsomaliland@gmail.com Press release Human Rights Centre calls on the government to stop indefinite imprisonment without a judicial process Human Rights Centre (HRC) calls on the government of Somaliland to immediately release four people who are arbitrarily imprisoned. On July 2018 Abdilahi Farah Abdilaahi, 13 years, Said Jama Ismail, 16 years, Jama Ibrahim Hasan, and Mohamed Abdilaahi Mohamed were rounded up from different places in Erigavo district of Sanaag region without a court warrant. They have been rounded up by the Rapid Reaction Unit (RRU) of the Police. They were immediately taken to Hargeisa Central Prison, hundreds of miles away from their homes and families. They were never brought before a judge. In 2018, clan clashes happened in Eryan village (Ceeryaan in Somali) between two clans. Three people died, according to the government officials. The Rapid Reaction Unit, a paramilitary police unit, was deployed at the area. The RRU rounded up the four people. Article 27(2) of the Constitution of Somaliland says “any person who is deprived of his liberty because of alleged criminal offences shall have the right to be brought before a court within 48 (forty-eight) hours of his arrest.” “They have never been brought to court. No charges are pending against them. There is no charge sheet. No criminal report filed with the court or the prosecution office” says Yasmin Omar Haji Mohamoud, the chairperson of Human Rights Centre. They have been in prison in thirteen months without a trial. Article 47(3) of the Somaliland Criminal Procedure Code states that “until the date of the trial has been fixed, an accused in custody shall be brought before the judge every seven days.” “It is clear that the Criminal Procedure Code has been violated. You cannot put someone in prison indefinitely without trial,” says Yasmin adds. Contrary to the Juvenile Justice Law and international human rights standards, two of the detainees are children under the age of 18. “The authorities cannot use clan conflicts as a pretext to set aside the constitutional guarantees. It is this time you should test the credibility and strength of the institutions. The judiciary shall function not only in peacetime but also during armed conflict,” She added. Article 9(1) of the International Covenant on Civil and Political Rights says “everyone has the right to liberty and security of person. No one shall be subjected to arbitrary arrest or detention. No one shall be deprived of his liberty except on such grounds and in accordance with such procedure as are established by law.” Article 9 of the Universal Declaration of Human Rights states that no one shall be subjected to arbitrary arrest and detention”. Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to respect its constitution and release jailed people who are held in prison without due process of law and to stop other similar imprisonments taking place in Sanaag region. The Centre calls on the judiciary to protect liberties and safeguard that arrests carried out in Sanaag are made in accordance with the constitution. Yasmin Omar H Mohamoud Chairperson of Human Rights Centre Mobile: 0634472011 Email: hrcsomaliland@gmail.com Human Rights Centre (HRC) is the only local human rights watchdog based in Somaliland. It is registered with the Somaliland government as a non-profit-making, non-governmental organization with its own legal personality. Connect wit us: https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed u magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe). Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri: “Ra’iisul Wasaaraha markii uu arkay qodobka 100-aad ee dastuurka KMG ah, markii uu tix-geliyay baahida loo qabo dib u howl gelinta Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, markuu tix geliyay waaya aragnimada Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, markii uu garwaaqsaday in lagama maarmaan ay tahay in loo howl galo sidii loo soo celin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, waxa uu xeeriyay: In dib loo howl geliyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, loona bedelo Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed In laga billaabo 25/08/2019, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed In xarunta wakaaladda ay noqoto xaruntii hore ee Tika/Bisha Case ee Turkiga oo ku taalla degmada Wadajir ee gobalka Banaadir. Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee dowladdu bib-u-howl gelineyso si sare loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka, loona gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, gaar agaan dalka Itoobiya oo uu ku hormarayo. Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Ashir ee magaalada Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Saraakiil Ciidan, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo u safray wadanka Itoobiya. appeared first on Puntland Post.
  14. Balcad (SMN) – Guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe Qaasim Cali Nuur ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen degmadaasi. Qaasim Cali Nuur oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay illaa 7 ruux oo uu tilmaamay inay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadu ay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/vvv.mp3 View the full article
  15. Guddoomiyaha guddiga labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya u qaabilsan la socodka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid ayaa ka hadlay halka ay wax u marayaan. Qaybdiid ayaa sheegay in horay barlamaanada maamul goboleedyada ay ugu gudbiyeen 10 cutub oo dastuurka kamid ah haddan ay u gudbiyeen shantii ugu dambaysay haseyeeshee aysan wax jawaab ah ka soo celin. Dhinaca kalena, guddoomiyaha guddiga ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya inaysan gacantii looga baahnaa ka geysan dibu eegista dastuurka. DAAWO PUNTLANDPOST The post Senator Cabdi-qaybdiid oo sheegay in madaxda DFS aysan ka qayb qaadan dhammaystirka dastuurka. appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (SMN) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa cambaareysay burburinta ay ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda Hormuud. Ilhan oo qoraal kooban soo dhigtay Twitter-keeda ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM looga baahan yahay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay Hormiud iyo shirkadaha kale ee ku yaalla dalka ay si weyn uga qeyb qaataan horumarka, gaar ahaan dhanka tiknolojiyadda. ”Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada mabad ilaalintu waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan shirkadda Hormuud iyo dhamaan shirkadaha kale oo qaaraan weyn ku leh dalka Soomaaliya adeegyo muhiim ahna bixiya,mar aan Soomaliya tegay sanadkii 2011 ayaan la yaabay sida tiknolojiyadda meel sare u gaartay Soomaaliya,” ayay tiri Ilhaan Cumar. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ciidamada Kenya ay qaraxyo ku burburiyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolka Gedo. View the full article
  17. Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed iyo guddoomiyaha gudiga la socodka dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid ayaa magaalada Garoowe ka jeediyey [...] Source
  18. Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saddexdii maalin ee la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka wada gobolka Bari ee maamulkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ka socdaan dhulka buuraleyda ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin kooxda Daacish iyo Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in howlgalladaasi ay yihiin kuwa lagu xaqiijiynayo amniga gobolkaasi. Inta badan Xooggaga Daacish iyo kuwa Al-Shababa ayaa weeraro ka fuliya deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  19. Geneva (SMN) – Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalalka Switzerland, Austria iyo xarunta Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka, Marwo Abyan Maxamed Saalax oo lagu soo dhoweeyay Geneva ayaa sheegtay in dowladda Switzerland ay si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya. Abyan ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid taariikhi, waxaana ay sheegtay in haatan wixii ka dambeeya Switzerland lagu tago karo Baasaboorka Soomaaliga ah. Arrintan ayaa waxa ay sheegtay inay dadaal badan ku bixiyeen safaaradda iyo wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. Dhanka kale Marwo Abyan Maxamed Saalax oo dhowaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalalka Switzerland , Austria iyo xarunta Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka ee Geneva ayaa u mahadcelisay Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Waxa kale oo ay sheegay in halkeeda ka sii wadi doonto shaqada, islamarkaana auhormarin doono xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaasi. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku hormarineyso tayada iyo isticmaalka Baasaboorka Soomaaliga ah oo ay horay u aqoonsadeen dalal badan. View the full article
  20. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-26082019.mp3 View the full article