-
Content Count
209,345 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Idlib)-Ugu yaraan afar qof oo ay ka mid ahaayeen haweeney iyo cunug yar oo ay dhashay ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Idlib ee dalka Suuriya. Hey’adda u dooda difaaca xuquuqda dadka ee loo yaqaan White Helmets ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dhacay tuulada Basakla oo dad rayid ah ku nool Yihiin. Dhimashada dadkaan ayaa dhanka kale waxaa xaqiijiyay hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay UK. Millatariga suuriya oo taageero ka helaya dowlada Ruushka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku heynta gobolka Idlib. Source
-
(SLT- Jakarta)-Xukuumada Indonesia ayaa lagu wadaa inay baarlamaanka dalkaasi u gudbiso qorshaha dhismaha caasimad cusub, kadib markii magaalada Jakarta oo hadda ah caasimada dalkaasi ay noqotay mid buuxsantay oo ayna baddu soo gashay. Magaalada Jakarta oo ay hadda ku nool yihiin in ka badan 10 milyan oo qof ayaa la sheegay in qashinkii ka batay isla markaana ay qeybo badan oo kamid ah xaafadaha waqooyi ee magaaladaasi la filayo inay badda soo gasho, waxayna xukuumada sheegtay in caasimada cusub laga dhisi doono jasiirada dalkaasi ugu weyn ee Borneo. Qorshaha dhismaha caasimadan oo la filayo inay bilaabato sanadka 2024 ayaa la sheegay inay ku bixi doonto lacag gaadheysa 33 bilyan oo dollar. Jakarta ayaa sii ahaan doonta caasimada ganacsiga ee Indonesia, sida uu sheegay Madaxweynaha Indonesia Widodo oo sheegay in lama huraan ay tahay dhismaha caasimad cusub oo casri ah. Source
-
Wasaaradda cadaaladda ee dowlad goboleedka K/galbeed ayaa sheegtay in ay hakiyeen qabashada dacwadaha la xiriira dhulalka oo maalmahan dambe aad ugu soo batey. Cabdi C/wahaab C/laahi, wasiir ku xigeenka wasaaraddan ayaa sheegay in ay fulinayaan baaq uu usoo jeediyey madaxweyne Laftagareen oo ku aaddan arrimaha dhulalka. Wuxuu tilmaamay in inta la meelmarinayo sharciga dhulalka oo horyaalla golaha wasiirada, ay go’aan ku gaareen iney joojiyaan dacwadahaasi. “Annaga oo ka jawaabeynaa baaqii madaxweynaha K/galbeed, waxana xoojinnay wadashaqeynta ka dhaxeysay wasaaradda cadaaladda iyo maxkamadaha, waxaan hakad gelinnay qabashada dacwadaha dhulka illaa laga gaaro xal waara inta laga dhameystirayo sharicaga dhulalka oo horyaalla golaha wasiirada” ayuu yiri wasiir ku xigeenka. Maxkamadaha K/galbeed ayaa waxaa aad u buux-dhaafiyey dacwadaha la xiriira dhanka dhulalka, iyadoo marar badan ay arrintaasi muran badan uu ka dhashay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Islamabad)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ka digay in xaaladda ka taagan gobolka Kashmiir ay dhalin doonto dagaal sababa adeegsiga hubka wax gumaada ee Nuclear-ka oo dhaxmara Islamabad iyo New Delhi. Mr Khan ayaa intaa ku daray haddii beesha caalamka ayna soo faragalin aan laga baaqsan doonin dagaalka labada Waddan. Hadalkaan ayuu ka jeediyay xilli uu ka hadlayay bandowga bilowgii bishan dowlada Hindiya saartay gobolka muslimiinta ah ee Kashmiir. Imraan ayaa dhanka kale sheegay in muhiim ay tahay in beesha caalamka ay kala caddeyso doorkeeda kaga aadan xaalada Cakiran iyo dhibaatada heysata muslimiinta Kashmiir. Labada waddan oo dagaal uu dhexmaray sadex mar ayaa tan iyo sanadkii sanadkii 1947-dii mid midka kale sheeganaya in uu leeyahay dhulka Kashmiir. Source
-
Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay gaartay diyaarado sidey ciidan badan oo ka tirsan DFS, kuwaasi oo laga qaaday magaalada Muqdisho. Sidey inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, waxaa sidoo kale gaaray magaalada Dhuusamareeb ciidamada Danab oo iyagana ka tagay magaalada Gaalkacyo, waxaana ay wataan gaadiidka gaashaaman. Ciidanka maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb oo aan tiro ahaan si sax ah loo hayn, ayaa wararku sheegayaan in ay ka badan yihiin ciidankii dhowaan ay DFS geysay magaaladaasi. Ciidamadan ay dowladda ku daabuleyso Dhuusamareeb ayaa imaanaya xilli Ahlu-sunna Waljameeca ay aad u dhaliilsan tahay fulinta heshiisyadii DFS ay la gashay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Paris)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa cambaareeyay dhiggiisa dalka Brazil Jair Bolsonaro, isaga oo sheegay in uu si qalafsan uga hadlay marwada koobaad ee Faransiiska. Qof taageersan madaxweynaha Brazil ayaa ku jeesjeesay xaaska Macron Brigitte oo 66 jir ah, iyadoo qofkaasi uu Facebook-ga soo dhigay qoraal. Qoraalka Facebook waxaa la socday sawirka xaaska madaxweyne Bolsonaro, Michelle Bolsonaro oo 37 jir ah, kaas oo da’ ahaan liddi ku ah midka marwada koobaad ee Faransiiska. “Hadda waad fahmi kartaa sababta Macron uu sida xun ugula dhaqmayo Bolsonaro?” ayuu qoraalkaasi ahaa. Bolsonaro oo arrintaas ka falcelinaya ayaa ku hoos qoray “nin yohow waji gabax ha ku ridin…, ha ha oo uu qosol ahaan ka wado ayuu ku sii daray isaga oo luuqadda boortaqiiska adeegsanaya. Macron ayaa la waydiiyay sida uu u arko qoraalka Bolsonaro, wuxuuna ku jawaabay “waa arrin aad u qalafsan” oo murugo leh”. “Arrin xushmad darro ah ayuu ka yiri xaaskayga. Dadka reer Brazil ixtiraam badan ayaan u hayaa, waxa kali ah een samayn karana waa in aan u rajeeyo in ay durba helaan madaxweyne hawsha u taalla qabsada,” ayuu yidhi Macron oo ka hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay kulanka dalalka G7 ee ka socda magaalada Biarritz. Hadallada ay is dhaafsadeen ayaa muujinaya kala fogaanshaha Macron iyo Biarritz ka dib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf dublamaasiyadeed oo ka billawday dabka ka kacaya kaymaha Amazon. Macron ayaa hor kacaya qorshe uu ku doonayo in hoggaamiyeyaasha caalamku ay wax uga qabtaan dadba ka baabi’inaya qaybo ka mid ah kaymaha Amazon. Macron ayaa dabkaas ku tilmaamay “mashaakil caalami ah” dabkaas oo dadka dhaliishan ay ku eedeeyeen Bolsonaro iyaga oo sheegay in uu ka soo horjeedo arrimaha deegaanka isla markaasna uusan wax ka qabanayn jaridda kaymaha. Balse Bolsonaro oo dalkiisu uusan ka mid ahayn dalalka G7 ayaa Macron ku eedeeyay “in uu u fikirayo sidii gumayste”. Madaxweynaha Brazil oo siyaasaddiisu garabka midig tahay ayaa leh taariikh dheer oo ku saabsan wax ka sheegidda dumarka, dadka madaw iyo qolyaha laga tirada badan yahay. Hadallada laga quruxda badan yahay ee uu yidhi waxaa ka mid ahaa midkii uu ugu jawaabay xildhibaanad Maria do Rosario bishii Sabteembar ee sannadkii 2014, iyadoo baarlamaanka ay ka socotay dood kululaatay. “Kuma kufsadeen, sababtuna waxay tahay uma qalantid,” ayuu Bolsonaro ku yidhi Maria. Bolsonaro ayaa sidoo kale guux dhaliyay sannadkii 2017 isaga oo meel fagaare ah ka hadlaya ayuuna soo hadal qaaday gabadha uu dhalay. Wuxuu yidhi “Waxaan dhalay afar wiil, intaas ka dibna waan nuglaaday oo ilmihii shanaad gabadh ayuu iga noqday”. Source
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in deegaannno ka tirsan gobolkaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Somaliland. Magaalada Badhan iyo deegaanno hoostaga ayaa lagu soo waramayaa in xiisaddan ay si gaar ah uga taagan tahay, waxaana cabsi ay soo wajahday dadka ku dhaqan degmadaasi. Somaliland ayaa ciidamo badan waxa ay geysay duleedka magaalada Badhan, waxaana middaasi ay kordhisay xiisadda halkaasi ka jirta. Puntland ayaa dhankeeda lasoo sheegayaa in ay xoojisay ciidankii dhankaasi ka jiray, iyadoo xilli walbo la filan karo isku dhac Labada dhinac ah. Maalmihii ugu dambeysay waxaa kordhayey xiisadda ka dhaxeysa Somaliland iyo sidoo kale Puntland, iyadoo shacabkana ka baqayaan in lagu dul dagaallamo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kampala (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dalka Uganda, Henry Okello Oryem ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada loo tababaro dowladda Soomaaliya ay ku biiraan Xooggaga Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya. Mr Henry Okello Oryem ayaa is weydiiyey ma Al-Shabaab ayaan ammaanka ku wareejinaa? Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan cabasho aheyn, balse ay Uganda ka murugsan tahay tayada ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Ma cabaneyno, laakiin waxaan ka murugsannahay Tayada Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya” ayuu yiri wasiirku. Dhanka kale wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Uganda ayaa ka digay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM laga saaro Soomaaliya. Henry ayaa sheegay in guulaha ay haatan gaareen ciidamada AMISOM ay ku soo dhammaan karaan fashil, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in haatan QM ay ku howlan tahay sidii loo dhimi lahaa tirada AMISOM oo uu xusay inay ka dhalan karto qatar xoogan. Caasimada Online Xafiiska Kampla caasimada@live.com
-
Xiisad u dhexaysa ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagan deegaamo katirsan gobolka Sanaag xilli Puntland ay gacanta ku dhigtay inta badan gobolkaasi. Xiisaddaan ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay deegaamo ay rag katirsan Somaliland iyo ciidamo ay wataan gaareen si ay oday dhaqameedka qaar uga dhaadhiciyaan qorashada ciidamo cusub ee Somaliland u adeega. Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Magalada Baran Guray Cismaan Saalax iyo Maamulkii degmadaas ayaa dhawaan waxaa ay ku biireen dowladda Puntland taasi oo keentay in Somaliland ay bilowdo qorshada malayshiyaad horleh. Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa dhowaan sheegay in ciidamada ku biiray Puntland aysan waxba u tarijirin isagoona ugu baaqay ciidanka & siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin inay isaga baxaan ayna Sanaag xoog ku qabsan doonaan. PUNTLANDPOST The post Xiisad ka taagan deegaamo katirsan gobolka Sanaag oo Somaliland ciidan u dirtay. appeared first on Puntland Post.
-
Awdheegle (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeray ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Awdheegle oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya. Ma cadda illa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirar gaar gaar ah oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay u dhexeeyeen xildhibaano ay ka mid tahay Senator Jawaahir Axmed Cilmi, siyaasiga Cali Yare Cali iyo Odayaal ka kala yimid magaalooyinka Gurceel, Matabaan Gala-jir, Xanan-buure, Mareer-gur, Gadoon, Dhuusamareeb iyo deegaano kale. Intii ay socdeen kulamadan ayaa waxa diirada lagu saaray kala aragti duwaanaashaha soo kala dhex galay dowladda iyo Ahlu Sunna Waljmaaca. Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday shirkaasi qabsoomida shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo dowaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb. Wararka waxa ay sheegayaan in kulamadani laga gaaray is afgarad, islamarkaana lagu ballamay kuwa kale si loo dhameeyo xiisadaasi. Xaaladda Dhuusamareeb ayaa maalmihii dambe aheyd mid kacsan, waxaana ay ka dhalatay, kadib markii ay dowladda dhexe ciidamo badan geysay gudaha magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Beledweyne (SMN) – Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida qeybta gobolka Hiiraan, Maxamed C/qaadir Maxamed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegay in walaac amni ay ka qabaan ergadii dhowaan tegay deegaanada Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah odayaasha ay baxsadeen, kuwa kalena ay gacanta ku hayaan, si ay u hubiyaan. Sidoo kale wuxuu uga digay shacabka in ay guryahooda ku qariyaan ergada maqan oo uu tilmaamay inay muhiim tahay inay soo maraan laamaha amniga. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-Cadaani-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-27082019.mp3 View the full article
-
Hogaamiyaha Hong Kong, Carrie Lam ayaa shaaca ka qaaday in dowladdeedu ay dulqaad eber ah 0% ka leedahay qalalaasaha ka dhacaya magaaladaasi inyar kadib markii la arkay dad maduxu u duuban yahay oo weeraraya ciidanka booliska. Madaxa fulinta Hong Kong Carrie Lam, oo markii ugu horreysey warbaahinta ka soo muuqatay tan iyo markii mudaharaadyadu sii xoogaysteen maalinimadii Axadda ayaa tiri,“Kama aysan duwwana afkaaraha siyaasadeed iyo isir nacaybka dowladda iyo booliskuna waxa ay la macaamili doonaan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah”. Kadib markii ay soo bexeen kooxaha weerarada samaynaya ciidamada ammaanka ayaa adeegsadey awoodooda dhanka hubka ah si ay isaga caabiyaan kooxahaasi oo mudaharaadyada dhigayey labadii bilood ee ugu dambeeyey. “Qalalaasuhu xal uma noqon doona dhibaatooyinka jira, ficilada la samaynayana mahan kuwa la qurxiyey ama sharci ah, mana isticmaali doono awood si aanu xaaladda dib ugu soo celino laakiin waxaanu mari doonaa hannaan sharci ah” ayey tiri markale Carrie Lam. PUNTLANDPOST The post Hogaamiyaha Hong Kong,”Qalalaasaha sii xoogaysanaya uma dulqaadan doono”. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenada maamulka gobalka Banaadir iyo saraakiil kale oo katirsan dowladda hoose ayaa guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Finish” u gudbiyay liiska dad gaaraya 42 qof, oo ka soo jeeda hal beel, kuwaas oo la shaqaaleysiiyay kadib geeridii Allah ha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Eng Yariisow. Dadkaan gaaraya 42-ka qof, ayaa qayb ka ah 59 qof oo gobalka Banaadir laga shaqaaleysiiyay markii uu geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow kowdii August, waxaana shaqaaleysiiyay siiyaha xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir mudane Ibraahim Dheere. Guddoomiye ku xigeenada ayaa Cumar Finish u sheegay in dadka ugu badan ee la shaqaaleysiiyay halkii sano ee ugu dambeysay ay dhamaantood ka soo jeedaan hal beel ah oo ah beesha Ibraahim Dheere. Dadkan ayaa badankood laga keenay xafiisyada ra’iisul wasaaraha, Mustaf Dhuxulow, Senator Dheg-Dheer iyo guddoomiye ku-xigeenkii hore ee maaliyadda gobalka Banaadir, halka ilaa hadda inta badan ay dadkaasi ka socdaan xafiisyada aan soo sheegnay. Caasimada Online ayaa ogaatay in 5-tii qof ee ka tirsan shaqaalaha cusub ee gobalka banaadir 3-kamid ah ay yihiin hal beel, halka inta kalane ay yihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed. Masuuliyiinta la kulmay Cumar Finish, ayaa ka dalbaday in uu saxo habka shaqaaleysiinta dowladda hoose ee gobalka Banaadir islamarkaana uu wax ka qabto dadkii ugu dambeeyay ee laga qoray xafiiska gobalka Banaadir. Isbar-bar yaac iyo kala-dambeyn la’aan xoog leh ayaa ka jirta dowladda hoose ee gobalka Banaadir iyadoo inta ugu badan dadkii la qoray ay la’yihiin shaqo ay qabtaan iyo xafiis ay fariistaan ama ay ku shaqeeyaan. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in xilal aan sax aheyn lagu bixiyo mushaar fiican si qofka kamid noqonaya shaqaalaha gobalka Banaadir islamarkaana ay wataan madaxda sare loogu qoro mushaar ka roon midka shaqaalaha kale ee dowladda hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ayaa xalay gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa amniga ee dowladda ninkaasi ayaa laga soo qabtay guri uu ku sugnaa oo ku yaalla xaafadda Carafaad ee degmadaasi. Ma shaacin saraakiishu magaca ninkaasi, balse waxa ay tilmaameen inuu ka tirsanaa qeybta amniyaatka Al-Shabaab. Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay faah faahinta dib ka bixin doonaan. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo ka fuliya gudaha Caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Turkey marked the 948th anniversary of the Battle of Manzikert (Malazgirt) Monday, which still deeply reverberates in the history of Anatolia and the world. Source: Hiiraan Online
-
Japan hosts development talks with African leaders this week, looking to boost its presence on the continent and offer an alternative to investments by an increasingly assertive China. Source: Hiiraan Online
-
Magacaabida Guddoomiyaha gobolka Banaadir & Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku dhacday si lama filaan ah oo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo si kedis ah shacabka waxaysan fileyn kaga yaabsaday. Bulshada Soomaaliyeed ayaa filan-waa ay ku noqotay in mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii hore uu madaxweynaha usoo xusho hoggaaminta maamulka caasimada dalka ee Muqdisho, inkastoo Cumar Finish lagu tiriyo shaqsiyaadka dhinaca hoggaanka iyo anshaxa dadnimo ku wanaagsan. Dadka aqoonta u leh siyaasadda iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa magacaabida Cumar Finish su’aal geliyay, iyagoona u arka mas’uul ka duwan madaxdii horay usoo martay maamulka gobolka Banaadir, daliishana waxay tahay in Cumar Finish yahay shaqsi lagu bartay toosnaanta iyo inuu ka horyimaado in wax loo meeriyo ama lagu maquuniyo, howshiisana jecel in isaga u gaar ahaanaado. Waxay su’aal ka taagan tahay siduu amarka u qaadan doonaa Haddaan dib u milicsano waayihiisii hoggaamiye kooxeednimo ee xiligii sagaashameeyadii ilaa 2002-kii, Cumar Finish waxay soo wada shaqeeyeen Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo uu taliyihiisii ciidamada soo noqday, kahor intii aan dowladdii Mbaghati lagu soo dhisin, waxaa degmada Wadajir oo xiligaasi la oran jiray Makka iyo Madiina ka talinayay Muuse Suudi, waxaana aakhirkii ay u kala qeybsantay labo aag oo ay ka talinayeen Muuse Suudi iyo Cumar Finish. Sababihii ay iskugu dhaceen Muuse Suudi iyo Cumar Finish waxaa qeyb ka aheyd dhinaca awooda iyo maamulka, taasoo uu ka biyo diiday Cumar Finish hoggaamiyihiisii awaamiirtii kasoo baxaysay ee la farayay, isla markaana u cuntami weyday, waxaana ka dhashay awood aan la dhayalsan kareyn oo Cumar Finish lasoo baxay, isagoo taageero ka helay saaxiibadkiisii Cusmaan Caato. Intaas markaan kasoo tagno, Cumar Finish wuxuu soo noqday xildhibaan aan dhicin laga soo bilaabo dowladihii C/llaahi Yuusuf, Shariif iyo Xasan Sheekh, wuxuuna ka mid ahaa mudanayashii baarlamaanka ka dhex muuqday ee qalalaasihii siyaasadeed saameyn ku lahaa, iyadoo la og-yahay in baarlamaankii u danbeeyay ee Xasan Sheekh, waxaana la xasuustaa xiligii uu hub fara badan gudaha baarlamaanka lasoo galay xiligii mushkilada siyaasadeed isagoo taageersanaa Prof. Jawaari. Su’aasha ah siduu amarka u qaadan doonaa, sidii guddoomiyeyaashii ka horeeyay, mise ushii Muuse Suudi ula soo baxay ayaa weli u keydsanoo arrintu waxay noqon doontaa Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre “Abeeso ayey faraqa gashteen. Arrinta kale waxay tahay tolow Cumar Finish, ma madaxdii ka horeysay oo kale ayuu wadadoodii mari doonaa sida lagu bartay, oo ma muujin doonaa maqaamka caasimada u baahan tahay mise marka khilaaf yimaado ee uu bixi rabo ayuu ka dhawaajin doonaa ka hadalka Maqaamka Muqdisho mudan tahay iyo in la duudsiiyay xaquuqdeedii ay laheyd. Kuma deg degi karno, waxaase la eegi doonaa bilaha hore marka uu xilka la wareego, iyo sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ula shaqeyn doono ama u fulin doono rabitaanka siyaasadeed ee ay ka leeyihiin maqaamka Muqdisho. W/Qoray: Cali Muhiyaddiin Cali Email: Muxiyaddiin@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Turkey is trying to gain greater influence in the Arab world—and it’s winning Saudis over with TV dramas and seaside resorts. Source: Hiiraan Online
-
On Tuesday August 20, Abdirahman Mahdi Madey, chairman of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), gave a press briefing to local journalists in Addis Abeba regarding the party’s stand on federalism, election, as well as the progress of its registration on becoming a political party . Shortly after that, Abdirahman sat down with our editor Tsedale Lemma for an exclusive interview. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nuur Ibraahim Muumin oo ah Aabaha dhalay Gabar lagu magacaabijiray Ridwaan Nuur Ibraahim oo lagu dilay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in Gabadhiisii uu dilay sarkaal lagu magacaabo Cabaas Ibraahim Gurey, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka jubbaland. Waxa uu sheegay in ciidamo uu wato sarkaalkaas ay dadkii ku noolaay magaalada ay guryahooda kasoo saareen, kadibna ay u qeybiyeen boorar uu ku sawiranaa sawirka Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo dadkii ku amray inay dhigaan banaanbax ay ku taageerayaan Axmed Madoobe oo ka mid ah Madaxweynayaal Khamiistii na dhaaftay lagu doortay magaalada Kismaayo. Dadkii ayuu sheegay inay arintaas u cuntami weysay ila markaana ay iska diideen amarkii sarkaalkaas, iyagoo jeex-jeexay boorarkii loo qeybiyey ee uu ku xardhanaay sawirka Axmed Madoobe. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in gabadha la dilay ay isla goobtii ka aas-aastay banaanbax kale oo looga soo horjeedo amarka sarkaalka, iyagoo banaanbaxooda ku muujiyay inaysan dooneyn in Jubbaland uu madaxweyne ka noqdo Axmed Madoobe, kaddibna sidaas ay ku toogteen gabadhaas Askartii uu watay sarkaalka ka socday Jubbaland. Aabaha dhalay Ridwaan ayaa sheegay inay Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaalinta qaranka, ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah taliyahaas, isagoo sheegay inuu hadda Xamar ku suganyahay, isla markaana uusan tagi Karin degmadiisii Ceelwaaq. Halkaan ka dhageyso Wareysi uu siiyay KNN https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Waewysi-Cabaas-Gurey.mp3Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) –Baarayaal Kenyaan ah oo ku sugar magaalada Cape Town ee dalka South Africa si ay ugu gun gaaraan baaritaan ku saabsan dhaqaale lacageed oo gaaraya 2.3 bilyan oo dollar oo loo adeegsaday weerarkii Al-Shabaab ku fulisay hotelka DusitD2 bishii June ee sanadkaan. Weerarkaasi oo geystay khasaare dhimasho gaareysay 26 qof ayaa waxaa fuliyay 5 nin oo Shabaab ka tirsanaa, kuwaasi oo afar ka mid ah la toogtay, midna uu isqarxiyay sida ay sheegtay warbixinta arintaan la xiriirta. Wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray warbixin sirdoon iyo baarayaal ku sugan magaalada Cape Town, kuwaasi oo shaaciyay in dhaqaalaha loo adeegsaday weerarkaasi oo dhan 2.3 Milyan dollar lasoo marsiiyay bangi ku yaal South Africa kana timid ganacsade u dhashay dalkaasi. Kooxda baarayaasha oo ka kooban sarkaal ka tirsan Agaasinka Baarista Dambiyada, Unugga Booliiska la-dagaallanka Argagixisada, sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka dambiyada oo ku xiran shirkadda isgaarsiinta Safaricom iyo xubin xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Kenya. Baarayaasha ayaa diirada saaray magaalada Cape Town si ay u raadraacaan dadka soo diray lacagta iyo ujeedkooda. Macluumaadka waxaa laga soo qaatay Dowladda Koonfur Afrika, si ay farta u gasho kuwa ka-faa’iideysta ee maalgalinta argagixisada. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in baarayaasha ay doonayaan inay wareystaan qof reer Kenya ah oo ku nool Cape Town oo ay booliisku u aqoonsadeen inuu ka mid yahay dadka lacagta u direy Kenya iyaga oo u maraya bangi maxalli ah. Shaqaale ka tirsan bangiga ayaa hadda wajahaya ku wajahaya makamad ku taal Nairobi dacwado la xiriira argagixisanimo.iyadoo la haayoliiska dhowr qof oo arrintaan lugta la gashay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com