Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,343
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. July 13. Overnight assault on hotel in Kismayo port city. 26 people killed including a Briton, three Kenyans, three Tanzanians, two Americans and one Canadian. Some Chinese are injured. July 22. Car bomb explodes near Mogadishu Airport. 17 killed, 28 injured. July 24: At least 6 killed in suicide bombing in Somalia’s capital. Mogadishu Mayor, Abdirahman Omar Osman, is badly wounded in the blast and later dies. With the almost daily bomb blasts, suicide attacks, and ambushes in Somalia’s sandy capital, which, at 91 km², is almost just half the size of Kampala city, the pressure mounts on the African Peace-keeping force, AMISOM. The mandate of AMISOM is renewed every year by the African Union (AU) and with the endorsement of the United Nations (UN). But amidst the explosion of bombs and crackle of battlefront gunfire and wail of emergency vehicles, the UN has since 2017 appeared determined to cut down the numbers of peace-keepers. In a move described as misadvised by Troop Contributing Countries (TCCs), the UN wants the Somali National Army to take charge. The proposed troop drawdown was top of the agenda when President Yoweri Museveni recently met with former South African President, Thabo Mbeki at State House Nakasero in Kampala. Mbeki is the head of the African Union High Level Implementation Panel on the Horn of Africa (AUHIP) and with Museveni, they discussed the security, economic and political challenges of countries in the Horn of Africa. This region includes Djibouti, Eritrea, Ethiopia and Somalia. In the meeting was AU Special Envoy for Silencing Guns, Lamamra Ramtane; IGAD Special Envoy for the Red Sea; Mohammed Ali Guyo, the UN Special Envoy for the Horn of Africa; Parfrait Onanga Anyanga, and the UN Political Affairs Officer, Pauline Adero. Henry Okello Oryem, the Minister of State for International Affairs who attended the July meeting told The Independent that the UN plan could reverse gains AMISOM has made in pacifying Somalia. “The international community, because of funding issues, wants the drawdown of troops to happen much faster, and yet if that happens, the gains made by AMISOM will be reversed.” He said the UN desire to see Somali Forces in charge cannot be achieved at the moment. “We are not complaining but we are just worried about the capacity of the Somali National Army if we hand over to them,” he said, “As much as AMISOM is training troops of the Somali National Army, a number of them are fleeing to join Al Shabaab.” UN orders reduction of troops AMISOM is now in its twelfth year with some notable achievements. But the search for peace and stability in Somalia keeps the TCCs and their international backers busy. Apart from Somalia, Uganda seems to be the most invested, followed by Kenya and Burundi. Ethiopia and Djibouti also have troops. The AU, UN, United States, Saudi Arabia, Turkey, Egypt, Qatar all have interests; either unilateral or multilateral, as lobby influencers or financial backers. In the case of Uganda, every December the Uganda Peoples Defence Forces (UPDF) sends a new commander for the Ugandan contingent of the peacekeeping force deployed in Somalia. Brig. Michael Kabango is the current commander of the estimated 6000 Ugandan troops that are part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), a 22,000-strong force. The regular deployment of commanders and different battle groups to Somalia has been happening in spite of a 2017 UN Security Council Resolution which suggested a phased troop withdrawal from Somalia. Due to the complexity of the war against Al Shabaab and as a way of cutting down on what was an increasingly expensive military adventure, talk of a reduction of AMISOM troops from Somalia emerged two years ago. In August 2017, the UN Security Council issued resolution 2372 enabling the gradual handing over of security responsibilities from AMISOM to the Somali National Army, contingent on abilities of the Somali security forces and political and security progress in Somalia. The reduction of uniformed personnel was supposed to have happened by end of December 2017 where 1000 troops would be sent to their respective countries. The UN resolution stipulated that another 1000 troops should have been reduced by October 30 2018 unless the Council decided to accelerate the pace, taking into account the capabilities of Somali security forces. There was a backlash from the UPDF whose leadership thought the move ill-advised. “If the exit happens, they will just be handing over to Al Shabaab” a UPDF source told The Independent at the time the UN resolution was announced. That concern remains the same today: That the Somali army is not up to the task – yet. Source: The Independent
  2. Matabaan (SMN) – Guddoomiyaha maamulka degmada Matabaan ee dowlad goboleedka HirShabelle, Ducaale Aadan Cabdi ayaa beeniyey in maanta is hor-istaag lagu sameeyey ciidamo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, gaar haan kuwa dowladda Jabuuti oo doonayey inay gudaha ugalaan degmadaasi. Guddoomiye Ducaale ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi oo lagu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in ciidamo ka socda AMISOM ay gaareen agagaarka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-matabaan-.mp3 View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasiiru dowlihii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdirashiid Maxamuud (riyaraac) ayaa si adag u weeraray kornayl Caarre iyo madax-dhaqameedka beeshiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. The European Commission is mobilising $55.9 million for emergency humanitarian funding to help people hit by drought in four countries in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (SMN) – Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in wasaaradda ay dhowaan qaban doonto shirweyne lagu diyaarinayo shuruucda lagu maamulayo gaadiidka badda. Maryan Aweys ayaa tilmaamtay in shirkaasi ay ka soo qeybgeli doonaan dhammaan wasiirada dekedaha ee maamul goboleedyada dalka. Sidoo kale waxa ay sheegtay in hirgelinta xeerkaan uu muhiim u yahay la socodka gaadiidka badda iyo sida ay howlgalaan. Dhanka kale wasiir Maryan Aweys Jaamac ayaa soo hadal qaadtay dhimsaha dekedda Hobyo oo ay sheegtay in haatan uu marayo meel wanaagsan. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dadaal badan ku bixineysa dib u dhiska dalka, sida jidadka, dekedaha iyo garoomada oo muhiim kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya. View the full article
  6. (SLT-Washington)-La-taliyihii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Michael Caputo, oo ah xeelad yahan Jamhuuri ah, ayaa sameystay shirkad u ololeysa dalalka shisheeye, waxaan arrintiisa koowaad noqday Soomaaliya. Cabuto, oo aad ugu dhow saaxiibna la ah madaxweyne Donald Trump, ayaa matali doona Soomaaliya, isaga oo danaheeda ka iibin doona maamulka madaxweynaha. Waa shaqadii ugu horreysay ee ololeeye dal shisheeye oo uu qabto Caputo, oo xisbiga Jamhuuriga Mareykanka aad looga ixtiraamo. Waxa uu matali doonaa safaaradda Soomaaliya ee Washington DC, waxaana inuu shaqadan helo ka caawiyey xidhiidhka muddada fog kala dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xidhiidhka Caputo iyo Farmaajo ayaa kasoo bilaamay magaalada Buffalo ee gobolka New York, markaasi oo madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb-gali jiray siyaasadda deegaanka ee xisbiga Jamhuuriga. Caputo ayaa sidoo kale sannado badan oo noloshiisa ka mid ah kusoo qaatay Buffalo. “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan shaqadan qabanayo” ayuu yidhi Caputi oo ka hadlayey shaqada ay dowladda Soomaaliya u magacowday. “Waxaan dareemayaa inay waajib igu tahay inaan qabto” Caputo ayaa aaminsan in Mareykanka uu wax badan ka caawin kara in xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya. Waxa uu sheegay in isaga iyo Trump ay isku si u arkaan waxa u wanaagsan Soomaaliya. “Waa wax na caawinaya inuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay maamulka [Trump]” waxaa sidaas yidhi safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, oo uu soo xigtay wargeyska Buffalo News. “Waxaan sidoo kale rumeysannahay inuu nala xalin karo arrimo badan” ayuu yidhi safiirka. Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay raadineyso in gacan laga siiyo sidii looga caafin lahaa daymaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF. “Dadka Soomaaliyeed waxay u qalmaan nolol la mid ah taan ku haysanno halkan Mareykanka” ayuu yidhi Caputo. https://www.odwyerpr.com/story/public/12986/2019-08-26/trump-connected-caputo-speaks-for-somalia.html Source
  7. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-27082019.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay ku qabsaneyso magaalada Dhuusomareeb, taasi oo ay aaminsan tahay inay ka caawin karto inay gacanta ku dhigto inta badan deegaanada maamulka Galmudug, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo ku dhow wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada tirada badan ee lagu daabulayo Dhuusomareeb ay tahay mid meesha looga saaray awoodda kooxda Ahlu-Sunna ee magaaladaas. Dowladda ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey ciidamo u daabushay Dhuusomareeb, waxaana ugu dambeysay maanta oo ciidamo iyo hub kale ay gaysay magaalada. Sidoo kale, qaar ka mid ah ciidamadii Ahlu-Sunna ee dowladda ku biiray ayaa la sheegay inay kasoo horjeesteen Ahlu-Sunna. Kooxda Ahlu-Sunna ayaan si sahal ah uga tanaasuli doonin gacan ku haynta magaalada Dhuusomareeb, hase yeeshee dowladda ayaa lagu warramay inay ka go’an tahay inay qabsato magaalada, waxaana suurta-gal ah in dagaal dhiig badan ku daato lagu kala baxo. Qorshaha dowladda ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo. Inkasta oo labada beel ee halkaas degan iyo siyaasiyiintooda iyo xildhibaannadooda ay siyaasad ahaan kasoo horjeedaan dowladda, haddana ciidanka gacanta ku haya magaalooyinkaas waa ku ka amar qaataa dowladda. Tusaale, Cadaado waxaa jooga ciidamo ka amar qaata taliyaha ciidamada booliska gobolka Bnaadir Saadaq John, oo deegaanka kasoo jeeda iyo ciidamo kale oo militari ah, halka Gaalkacyo ay awood xooggan ku leeyihiin ciidamada Danab. Dowladda ayaa rumeysan in haddii sidoo kale ay xaqiijiso in ciidamada maamulaya Dhuusomareeb ay noqdaan kuweeda, ay xaqiijin karto inay gacanta ku wada dhigto saddexda magaalo ee ugu weyn ee Galmudug, ayna ka dhisi karto maamul ayada ku xiran. Si kastaba, qorshahan ayaa dadka deegaanka aqoonta u leh ay ka digeen inuu yahay riyo, uuna ku dhammaan doono dagaal dhiig badan ku daato oo looga adkaado dowladda. Waxay sheegeen in Ahlu-Sunna ay adkaan doonto in Dhuusomareeb laga saaro, halka ciidamada joogo Cadaado iyo Gaalkacyo ee ay isku haleeneyso dowladda ka sokow ay hilmaamsan in dhammaan dadka deegaanka wada hubeysan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Maayirkii Hore Ee Magaalada Burco haddana ah Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Maxamed Axmed Xasan ayaa si adag uga hadlay hadaladii ka soo yeedhay taliyaha ciidammada qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Brazil)-Dawladda dalka Brazil ayaa sheegtay inay diiday kaalmo malaayiin dollar ah oo shirkii dalalka G7 ay u qaadhaameen si loola dagaalamo dabka ka colhaya kaymaha Amazon ee dalka Brazil. Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay maalintii Isniintii intii lagu gudo jiray shirkii dalalka Warshadaha ku horumaray ee G7 ee ka qabsoomay magaalada Biarritz ee dalka Faransiiska in dalalka US, Japan, Germany, France, Italy, Britain iyo Canada – ay $22m ugu deeqeen si loola dagaalamo dabka halka dawladda Ingiriisku iyo Canada ay kaligeed ku deeqeen $12m iyo $11m oo gargaar ah. Macron Waxa uu sheegay in lacagta hada diyaarka ahi ay taasi tahay balse Faransiisku uu gacan ka gaysanayo dhinaca milatariga oo bixinaya taageero milatari. Saraakiisha Brazil ayaan iyagu bixin sabab dhab ah oo ku saabsan diidmada qaadhaankaasi G7 ay ugu yabooheen, balse waxa la rumaysan yahay in Brazil ay quudhsatay ama yaraysatay lacagtaasi, waxaana Madaxweynaha dalka Brazill Jair Bolsonaro wuxuu cambaarayn xoogle uu dusha kagaga tuuray Madaxweynaha dalka Faransiiska. Source
  11. Maamulka Puntland ee gobolka Sanaag ayaa shaaca ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka Sanaag, ciidamadii ka soo goostay Somaliland iyo haddii weli ciidamo reer Sanaag ah ku hareen Somaliland. Cali Somali oo ah guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland ayaa sheegay in guud ahaan xaaladda gobolka Sanaag ay degan tahay isla markaana ay qarameeyeen ciidankii ka soo goostay Somaliland kuna soo biiray dowladda Puntland. Guddoomiyaha ayaa sheegay inay jiraan ciidamo aan tiro lahayn oo meelaha qaar lagu biilo haseyeeshee aysan jirin ciidamo reer Sanaag ah oo u qalabaysan Somaliland kuna sugan gobolka Sanaag. Waxa uu caddeeyey in degmada Yubbe ay tahay halka kaliya ee Somaliland kaga sugan tahay gobolka Sanaag haseyeeshee ciidamada ku sugan ay ka soo jeedaan gobolada Somaliland ayna xabad kaga saari doonaan. PUNTLANDPOST The post Guddoomiye Cali Soomaali,”Somaliland Yubbe oo ciidamo aan reer Sanaag ahayn joogaan ayey ka joogtaa gobolka”. appeared first on Puntland Post.
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta is hor istaag ku sameeyey kolonyo ay la socdeen ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti oo doonayey inay gudaha u galaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ayaa kolonyadaasi oo ka soo ambabaxay magaalada Beledweyne ku celiyey deegaanka Janta Guundisho ee gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad xoogan ay haatan ka taagan tahay halkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Ahlu Sunna ciidamo dheeraad ah ay dhigtay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Dhanka kale ciidamada Jabuuti oo iyana wada dhaq dhaqaaq xoogan ayaa haatan ku sugan deegaanka Janta Guundisho. Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidamada Ahlu Sunna is hor istaaga ugu sameeyeen kolonyadaasi ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay dagaalamaan ciidamadaasi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  13. Iyadoo Wali muren Siyaasadeed iyo awood sheegasho uu ka jiro Dhuusamareeb ayaa warar ay Puntlandi.com ay helayaan waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah ay iyana [...] Source
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in maanta xiisad u dhexeysa maamullada Somaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Xiisada ayaa timid, kadib markii saraakiil ka tirsan Somaliland iyo ciidamo ay wataan ay gaareen deegaano hoostaga Sanaag, si ay oday dhaqameedyada ku dhaqan halkaasi uga dhaadhiciyaan qorshaha Somaliland ee gobolkaasi. Dhanka kale ciidamada Puntland ayaa abaabul xoogan iyo dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay degmada Baran ee gobolka Sanaag. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labada dhinac ay qarka u saaran yihiin inay ku dagaalamaan halkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii taliyihii ciidamada Soomaaliland ee Baran, Guray Cismaan Saalax iyo maamulkii degmadaas ay ku biireen Puntland. Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa isku haya gacan ku heynta gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  15. Taliyaha ciidanka xoogga ee degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose Cabdi raxmaan Cilmi Jimcaale ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay ku guuleysteen in ay sugaan nabadgelyada degmada iyo midda Garoonka Diyaaradaha. Taliyaha oo Goobjoog News la hadlay ayaa xusay in ciidanka ay aad is kugu fidiyeen waddooyinka ka baxa degmada ee dhanka magaal ooyinka Kismaayo, marko iyo dhanka Sablaale, waxaana uu yiri” Aminaga magaalada aad ayuu u wanaagsan yahay oo waxaa ay ku faafsan yihiin farayaroow, oo diyaaradaha dagaaya amnigooda laga xaqiixinayaa, ciidamadu hadda waxaa ay magaalada u jiraan 15-16 KM oo dhinac waliba ah”. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay wadada xariirisa Marka iyo Baraawe ay wax badan ka qabteen sida uu sheegay taliyaha ciidanka xoogga ee degmada Baraawe” Ciidanku wax badan ayey ka qabteen ilaa 15km oo dhanka Xamar ah, wadada Kismaaya aadana 18 km ayey ciidanku gaareen oo laamiga wadada Kismaayo aada ah, iyo 16km oo dhanka Sablaale ah ayaan ka sugnaa ammaanka, ciidanku wax badan ayeey ammaanka Baraawe sugeen oo ay ku nabad galeen 5 sano ayeey ku dhaw yihiin”. Dhanka kale taliye Cabdi raxmaan Cilmi Jimcaale ayaa carabka ku adkeeyey in diyaarada ay si nabad ah uga soo dagaan ugana duulaan garoonka diyaaradaha, ayadoo dhowaan dayactir lagu sameeyay garoonka waxaana uu yiri” ammaanka Garoonka Diraadaha aad ayuu u waangasan yahay oo si wanaagsan ayey u soo dagaan ugna duulaan diyaaradaha , ammaankuna waa mid 100% la is ku haleyn karo, ciidama xoogga dalka iyo amisom oo is garabsanaya ayaa gacanta ku haya ammaanka magaalada iyo waliba midka Garoonka”. Ugu danbeyn Taliyaha ciidanka xoogga ee degmada Baraawe Cabdi raxmaan Cilmi Jimcaale, ayaa sheegay in in ciidamada xoogga iyo bulshada magaalada ay ka dhaxeyo wada shaqeyn wanaagsan” Haddiii aysan wada shaqeyn naga dhaxeyn magaaladu ammaan manoqoteen, wada shaqeyn buuxda ayaa naga dhaxeyso oo aan ku kalsoon nahay oo aan xaqiijinay ayaa nagala dhexeysa bulshada”. Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/WAREEYSI-TALIYAHA-CIIDANKA-XOOGGA-DALKA-EE-BARAAWE-.mp3 Source: goobjoog.com
  16. Dowladda Suudaan oo xilligaan soo afmeertay khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa bilihii ugu dambeeyey ayaa markaan dalbatay in laga saaro ciidamada ajaaniibta ah ee joogaa Daafuur. Wakiilka qaramada midoobey ee dalka Suudaan Cumar Maxamed Siddig ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee qaramada midoobey in dalkiisa laga qaado cunaqabataynta hubka isla markaana gobolka Daafuur laga saaro ciidamada qaramada midoobey. Damjire Cumar Maxamed ayaa ku baaqay in la soo afmeero xayiraadda hubka ee Saaraan Suudaan si loo helo awood ciidan oo uu yeesho dalkaasi bisha June ee bartamaha sanadka 2020-kana la dhammeeyo qorshaha bixitaanka ciidamada AU iyo qaramad midoobey ee jooga Suudaan. Bishii June ee sanadkaan ayey ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobey uu si buuxda ugu codeeyey in wax ka bedel lagu sameeyo qorshaha ciidamada nabad ilaalinta ee jooga dalkaasi maadaama uu la daalaa dhacaayey qalalaase siyaasadeed. PUNTLANDPOST The post Suudaan oo dalbatay in bartamaha 2020 ciidamada qaramada laga saaro Dafur. appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Afhayeenka Guud ee Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa war qoraal ah ka soo saaray kulan shalay xarunta Madaxtooyadda ku dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI. Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay xisbiga WADDANI ayaa waxa lagu yidhi sida tan: “Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan waxa uu ka qeyb galay kullan ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland shalay oo ay taariikhdu aheyd 26-kii/08/2019. Kullankaas oo dhex maray Madaxweynaha iyo xisbiyadda qaranka JSL, fadhiga ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayey sii amba- qaadka heshiishkii saddexda xisbi qaran hore ugu galeen Madaxtooyadda Somaliland 27-kii/7/2019. Ugu horreynba Madaxweynuhu waxa uu qiray in uu ixtiraamayo heshiishkii dhex maray saddexda xisbi qaran, halka Xisbiyada Mucaaradka ahina ay madasha si weyn uga muujiyeen dareenkooda ay ka qabaan in si khaldan oo baal-marsan sharciyadda dalka la isu hor-taagay heshiishkii saddexda xisbi qaran galeen, kaas oo mucdiisa u weyni aheyd in xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka oo hore u ahaa 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood. Labada Xisbi Mucaarad waxa ay Madaxweynaha si waayeelnimo ah ugu soo jeediyeen in heshiishkii xisbiyada uu Madaxweynuhu meel mariyo maadama oo mas’uuliyadda doorashooyinka dalku isaga guudkiisa saaran tahay. Sida oo kale Madaxweynuhu waxa uu dhankiisa garwaaqsaday dareenka xisbiyada qaranka isaga oo ballan qaaday in uu qoraal ku soo gudbin doono mawqifkiisa ku wajahan arintaas ay hogaamiyayaasha labada xisbi kala hadleen isaga oo tilmaamay in uu tix-gelin weyn siinayo soo jeedinta xisbiyadda mucaaradka ah. Xisbiga WADDANI waxa uu cadeynayna in aanu jirin wax heshiis kale ah oo la isla gaadhay haba yaraate, Waxa ay xisbiyadu wali ka sugayan Madaxweynaha qoraalkii uu u ballan-qaaday in uu soo diri doono dhawaan. Dhanka kale labada xisbi ee UCID iyo WADDANI waxa ay Madaxweynaha si weyn ugala hadleen xallinta mushkiladaha ka taagan gobollada bariga dalka iyada oo loo marayo dariiq wada-hadal iyo marin nabadgelyo sidii Somaliland dhaqanka u lahaan jirtay kuna soo caano maashay, Madaxeynuhuna waxa uu ka muujiyey dareen wanaagsan in sida ugu haboon uu tix-gelin u siin doono meel marinta qodobada laga wada hadlay. Ugu dambeyntii, Xisbiga WADDANI waa mid mar walba diyaar u ah doorasho wakhtigeedi lagu qabto oo dalka ka dhacda, sida oo kale-na waxa uu xisbigu cod- dheer ku sheegayaa in wax kasta oo caqabad ku ah doorashooyinka dalka in wada-hadal iyo is afgarad lagu dhammeeyo. ALLAA MAHAD LEH Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun. Afhayeenka Guud ee Xisbiga WADDANI.” Source
  18. Degmada Shibis ayaa usoo baxay fiiinaalka tartanka kubbadda Gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 kadib markii ay guul ay si dirqi ah kaga adkaatay degmada Wadajir. Kulankan oo ahaa kulanki labaad ee semi finalka tartanka waxay labada koox soo abndhigeen ciyaar aysan kooxi ku nasan hogaanka ciyaarta waxaana waqtigi loogu talo galay ay kusoo idlaatay 18-17 oo ay guusha ku raacday degmada Shibis. Degmooyinka Shibis iyo Hodan ayaa wada ciyaaridoona fiinalaha tartanka kubbadda gacanta degmooyinka 2019,iyadoo ciyaaryahan ay xiiso gooni u lee yihiin taageerayaasha degmooyinkaa Gobolka Banaadir. Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliland, ayaa booqasho hawleed ku tegay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil. Guddigan oo ka kooban sideed Xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ujeedada socdaalkoodan ka warramay Wasiirka Maaliyada JSL Mudane Sacad Cali Shire waxaanu yidhi, “Guddidan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa se waxa aanu hadda ku soconaa sideed xubnood oo Wasiiro ah iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe, ujeedada socdaalkayuguna waa in aanu soo kormeerno mashaariicda waa weyn ee ka socda Gobollada Saaxil iyo Togdheer”. Wasiirku waxa uu iftiimiyey Mashaariicda Gobolka Saaxil ee ay soo kormeerayaan, “Halkan waxaanu soo kormeeri doonaa si aanu u soo indha indheeyo halka ay marayaa ilaa shan Mashruuc oo uu ka mid yahay ballaadhinta Dekedda Berbera, Kawaanka Xoolaha, Wershada Sibidhka, Shaybaadhka, Wershada Daqiiqda ee cusub”. Intaasi kadibna Guddidani intii ay ku gudo jireen kormeerka Mashaariicdaasi ayaa waxay ka xog wareysteen Masuuliyiinta iyo hawlwadeenada kale ee ku sugan ba halka ay marayaan iyo waliba durruufaha ku geddaaman iyo caqabadaha ka hor yimaada ba. Sidaasi awgeed na isla shalay ba waxay Guddidan ay lugtooda ku soo mareen qaar ka mid ah Mashaariicdaasi. Kormeerkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee Guddidan dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay si toos ah ugu kuurgasho xaalada iyo geedi socodka mashaariicda gobollada dalka ka socda, ilaa haddana lama garanayo sababta dhabta ah ee xilligan ku keliftay, balse waxa aynu eegi doonaa natiijada kormeerkaasi ka soo baxda iyo waxa ay ka tarto qaabka iyo heerka ay Mashaariicdaasi u socdaan haddii ALLE yidhaa. Ugu dambeyntii waftigan waxa maanta la filyaan ay safar ku tagayaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Source
  20. Dhuusamareeb (SMN) – Dowlada Soomaaliya ayaa saaka markale ciidamo dgeeraad ah geysay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa ka digay garoonka Ugaas Nuur ee magaaladaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheeegaya in diyaaradahaasi ay sideen hub iyo saanad Milatari. Maalin ka hor ayey aheyd markii labo diyaaradood oo siday ciidmado la geeyey Dhuusamareeb, kuwaas oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi. View the full article
  21. (SLT-Paris)-Madaxweynaha France Macron ayaa sheegay in natiijooyin fiican ay kasoo baxeen wadahadalo horudhac ah iyo waan waanta laga dhexwado Maraykanka iyo Iran si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan barriga Dhexe. Macron oo shalay ka hadlayey qodobada kasoo baxay shirkii G7 ayaa sheegay in uu dalkiisa ku casumay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Mohamed Zarif si dib loogu bilaabo wadahadalo toos ah oo dhexmara Maraykanka iyo Iran. France oo qeyb ka ah dalalkii saxiixay heshiiskii lagu joojiyey barnaamijkii Nukliyeerka ee Iran oo ay dowlada Maraykanka isaga baxday, ayaa dooneysa in kulan fool ka fool ah yeeshaan Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Iran. “Madaxweynaha Iran Rouhani wuu soo dhaweeyey in la qaban qaabiyo kulan uu la yeesho dhigiisa Maraykanka…” ayuu yidhi Macron xili uu Isniintii shir jaraa’iid uu si wadajir ah ulla qabtay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isagu sheegay inuu ka war sugi doono meesha ay ku danbeeyaan kulamadan ay wado dowlada France. Shirkii maalmahan magaalada Biarritz ee dalka France uga socday wadamada horumaray ee loo yaqaan G7 ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Dagaalka ganacsi ee u dhaxeeya Maraykanka & China, Xiisada Iran & Kuuriyada Waqooyi iyo waliba in markale Ruushka loo ogolaado in lagu soo daro golahaasi. Balse shirkan ayeysan kasoo baxin qodobo muhiim ah oo lagu heshiiyey. Dhamaadkii shirkan ayey wadamada G7 sheegeen inay lacag gaareysa 20 milyan oo dollar ugu deeqeen hawlaha wax looga qabanayo Dabka xoogaleh ee ka dhashey dhulka kaymaha ee wadanka Brazil. Source
  22. Guddoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Inkastoo uusan warbaahinta la hadlin guddoomiye Dhooba-daareed haddana ilo wareedyo katirsan xafiiska barlamaanka ayaa u xaqiijiyey Puntlandpost inuu yahay safar shaqsiyadeed. Maalin kahor waxaa magaalada Garoowe ka dhoofay wasiirka waxbarashada Puntland oo ay weheliyeen wasiiru dowlaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland. Safarka masuuliyiinta waxbarashada Puntland ayaa la xiriira xallinta khilaafka ka dhexeeya wasaaradaha waxbarashada dowladda federalka ah ee Puntland, fududaynta shahaadada ardayda dhammeeyey dugsiyada sare ee Puntland iyo qaybsiga deeqaha waxbarashada. PUNTLANDPOST The post Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo maanta safar ugu baxay Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka markale diyaarado siday hub iyo ciidan ka dajisay garoonka Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo ah kuwa dheeraad ah ayaa ku biiri doono kuwa kale oo ka tirsan dowladda oo ku sugan magaaladaasi. Dowladda federaalka ayaa xoojisay dhaq dhaqaaqyada ay ka wado Dhuusamareeb, kadib heshiiskii ay la gashay Ahlu-Sunna. Maalin ka hor ayey aheyd markii labo diyaaradood oo siday ciidamo la geeyey halkaas, kuwaas oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi. Ahlu Sunna ayaa horay uga digtay dhaq dhaqaaqyadan oo ay sheegtay inay ka baxsa yihiin heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan la filayo in la qabto shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo doorashada maamulkaasi.
  24. (SLT-Idlib)-Ugu yaraan afar qof oo ay ka mid ahaayeen haweeney iyo cunug yar oo ay dhashay ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Idlib ee dalka Suuriya. Hey’adda u dooda difaaca xuquuqda dadka ee loo yaqaan White Helmets ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dhacay tuulada Basakla oo dad rayid ah ku nool Yihiin. Dhimashada dadkaan ayaa dhanka kale waxaa xaqiijiyay hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay UK. Millatariga suuriya oo taageero ka helaya dowlada Ruushka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku heynta gobolka Idlib. Source
  25. Mashaariicda barakacayaasha waa kuwa ugu badanee Puntland laga hirgeliyo, dhammaan hey’daha wadanka degana waxay ka shaqeeyaan mashaariicdaas. Mashaariicdaas waxay inta badan ku xiran yihiin badankood [...] Source