-
Content Count
209,345 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Caqabadda ugu weyn ee haysatay magaalada Muqdisho muddo sannado ah ayaa ah amni la’aanta. Waa mowduuca Barnaamijka Galka Baadhista idaacada VOA-da, waxaana soo jeedinaya Haaruun Macruuf ee halkan hoose kaga boggo Source
-
Maamulka Ahlu Sunna ee bartamaha Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ah ku eedeeyey iney ka baxday dhammaan heshiisyada ay galeen, iyaga oo taa badalkeeda ciimado keenay gobolka. Qoraal kasoo baxay maamulka oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa ku xusan in kooxda ay diyaar u tahay difaac iyo dagaal ka dhan duulaanka cad ee dowladda federaalka ah Haddaba. Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Ahlu Sunna Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guriceel (Caasimada Online) – Janeraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Dhuusomareeb oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo kooxda Ahlu-Sunna. Galaal oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in xiisad aad u culus oo u dhaxey ciidamada dowladda ay geysay Dhuusamareeb iyo kuwa Ahlu-Sunna ay ka taagan tahay magaalada Dhuusamareeb. Galaal oo ku sugan degmada Guriceel oo uu waayadaan ku noolaa, ayaa sheegay in Ahlu-Sunna ay ka careysan tahay heshiiskii ay la galeen dowladda oo qodobada qaar aan la fulin iyo Ciidamada ay dowladda ku daad-gureyneyso degmada Dhuusamareeb. Waxa kale oo uu sheegay inay soo gaartay war la xiriira in cidamo iyo saraakiil ka tirsanaa Ahlu-Sunna ee saakay la doonayay in Muqdisho loo qaado ay diideen, isla markaana ay xiryahooda dib ugu laabteen. Galaal ayaa ugu baaqay labada dhinac inay xaalada ka dhigaan mid degan si looga baaqsado dagaal. Waxa uu sidoo kale sheeaca ka qaaday in madaxda dowladda Soomaaliya ay Dhuusamareeb ku wajahayaan qorshela xiriira sidii ay ku soo noqon lahaayeen doorashada soo socota ee 2020. Dowladda Soomaaliya ayaa horey awood ugula wareegtay maamulka Koonfur Galbeed, balse ku guul-darreysatay Jubaland, waxaana hadda muuqata inay awood kale ku dayeyso Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Maamulka Ahlu Sunna oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa waxa uu digniin iyo eedeyn culus uu u jeediyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka. View the full article
-
Cabdirashiid Riyo-raac magaciisaa inagu filan..W/Q Axmed Maxamed Haddii xil loo dhaartay oo laga tegay cidi ku noqonayso dembiile iyo Khaa’inul Waddan ninkan Riyo-raac la baxay baa koobka qaaday, sababtoo ah waa ninka Saddexda Xisbi ee meesha ka jira dhamaantood u dhaartay ee ka dukaamaystay mid kastana markii uu ka qubaystay macawistii iyo Kabihii dacaska ahaa ee casaa uu Caynaba kala yimi hortiisa ku bixiyay. Waa ninka markii uu Hargeysa la qabsaday ee ku ilbaxay diyaarad Xamar ku socota raacay ee Xil u doontay Xukuumaddii Xasan Sheekh ee laga xiiran waayay dabadeedna inaadeerkii Xayir Maareeye baabuurta u masmasixi jiray 8 bilood. Ugu dambayna ku laabtay Hargeysa ee ka qayb galay doorashadii qabyaaladeed ee Jeegaantu ku bahowday isagoo ka muusanaabi jiray Caynaba iyo meelahaa wakhtigii Ololaha. Ninka noocaa ah ayaa maanta Janaraal Caarre oo dhibi-lisanaya Malab saafi ahna ku jaqaya degaankiisa ugu quruxda badnaa Waqooyiga Somalia, ku sheegaya Khaa’inul. Calaa kuli xaal waxaan leeyahay Cabdirashiidow nin caano riyaad lagu can-qariyay oo shalay Buurdhaab ka soo degay uguma hadal xumid. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafladda xil wareejinta guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed oo la qorsheenayey inay caawa dhacdo ayaa baaqatay, sida lagu war-geliyey Caasimada Online. Warbaahinta oo ay ka mid tahay Caasimada Online ayaa loo soo diray fariin qoraaleed loogu sheegayo in la baajiyay munaasaddii Caawa ka dhici laheyd Aqalka Dowladda Hoose. Caasimada Online oo goordhow la hadashay masuuliyiinta amniga ee Gobalka Banaadir ayaa xaqiijiyay in sababo amni loo baajiyay munaasabadda Xil Wareejinta ee Caawa ka dhici laheyd magaalada Muqdisho. Sidoo kale masuuliyiinta amniga ayaa noo sheegay in Booliiska ay ku taliyeen in guddi kale la magacaabo oo qaban qaabiya Munaasabadda Xil Wareejinta ee Guddoomiye Cumar Finish. Walaac xoog leh oo dhanka amaanka ah ayaa ka jira Aqalka Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir iyadoo dadkii shalay la qabtay ay abuureen cabsi xoog leh oo xagga amniga ah. Ciidamada booliska ayaa shalay Xarunta Gobalka kala baxay dad uu ka mid yahay ku xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee maamulka Gobalka Banaadir Nuur Axmed Cali, oo sidoo kale ka mid ahaa guddiga qaban-qaabada xafladda xil wareejinta Ammaanka Xarunta Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in Ciidamo gaar ah la wareegaan, iyadoo laga bedelayo Ciidamadii horay u joogay ee Booliska ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida dhaqaalaha ee golaha wasiirada Somaliland ayaa kormeer ku gaadhay magaalada Berbera waxa ay kormeer ku soo mareen goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Wadada isku xidha Berbera iyo Hargaysa (Berbera Corridor) ee ay maalgalinayso dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta iyo dhismaha madaarka magaalada Berbera iyo qaybaha cusub ee lagu kardhinaayo dekedda magaalada Berbera. Markii ay weftigu gaadheen Degmada Laasgeel ee Magaaladda Dacar-budhuq oo uu ku yaal kaamka weyn ee shirikadda dhisaysa Wadadaasi CONSER Consulting Engineers E.A, halkaasi war bixin ku siiyey Eng Mohammad Yahia iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/laahi abokor Cismaan oo waftiga ka mid ahaa waxaana ay sheegeen in habsami u socodka dhismaha waddadu meel fiican marayo oo hadda gacanta lagu hayo Wadadii ay mari lahaayen Gaadiidku inta ta cusub la dhisaayo, halkaa waxa ay waftigu uga sii gudbeen dekadda magaaladda Berbera oo ay warbixin kaga dhagaysteeen maareeye ku xigeenka dekadda Cabdi Cabdilaahi Mataan iyo sidoo kale masuuliyiin ka socotay shirkadda DP World waxaanay sheegeen in horumarka dekaddu meel fiican marayso sidoo kalena ay socoto hawlaha dhismaha lagu kordhinayo dekadda ee 400 Mitir ah. Guddoomiyaha gobolka Saaxil oo hadal kooban ka jeediyey kormeerka ayaa waxa uu yidhi “Waxqabadka iyo horumarku waa mid aad indhihiina ku aragteen kuna arki doontaan kumanaynaan kala maqnayn oo mar walba xogogaal ayaad dhamaantiin u tihiin oo inta badan Wasiir Sacad ha noogu badnaado oo ha nala joogo mudooyinkii u dambeeyey, wasiiraduna dhamaantood waa rag aanu isku xidhanahay oo og shaqada halkan ka socota iyo horumarkeeda” Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Halkan waxaanu ku soconaa guddida dhaqaalaha ee golaha wasiirrada oo ka kooban sagaal xubnood, ujeedada socdaalkayagu waa kormeer oo ah inaanu soo kormeero mashaariicda khaasatan kuwa waaweyn ee ka socda gobolka Saaxil iyo Gobolka Togdheer”. Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga oo ka hadlay kormeerka kawaanka xoolaha ee Berbera ayaa waxa uu yidhi “Kawaankan iyo wixii la mid ah waa waxa aynu u baahanahay mustaqbalka inaynu u guurno oo neef qalan oo helay baraf ku filan oo ka soo baxay warshad haysata ictiraaf caalamiya oo aynu dhoofino neef qalan” Isuduwaha wasaaradda xanaanada xoolaha ee gobolka Saaxil Axmed Xaaji Cabdilaahi oo kormeerka kawaanka xoolaha ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Kawaankan gawraca xoolaha waa cusub yahay walina shaqo ma bilaabin se wuu cusub yahay qaadkiisuna waxa weeyi 250 ilaa 300 oo adhi ah in maalintii lagu qali karo, talaagadiisuna waxa ay qaadi kartaa 50 ilaa 70 adhi ah” Weftiga ayaa intii ay kormeerkooda ku gudo jireen waxa ay booqdeen warshad samayn doonta daqiiqda iyo calafka xoolaha, warshadaasi oo noqonaysa warshadii ugu weynayd ee soo saaraysa daqiiqda oo laga hirgaliyey Somaliland, waxaana warbxiin ka siiyey weftiga masuuliyiin uu ka mid ahaa Axmed Faarax Xarbi oo ka mid ah mulkiileyaasha warshadaasi, waxaana ay sheegeen in warshadani wax weyn ka tari doonto wax soo saarka dalka. Weftigu sidoo kale waxa ay booqdeen warshadii soo saari jirtay Sibidhka oo ay soo kormeereen qaybaha ay warshadaasi ka kooban tahay. Dhanka kale, Weftigan waxa mid ah Wasiirrada Beeraha, Ganacsiga, Maalgeshiga, Gaashaandhigga, Isgaadhsiinta, Guddoomiyaha Baanka dhexe, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta iyo Masuuliyiin kale. Source
-
Qaran News
-
Hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba buray heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay iclaamiyeen daagal ka dhan ah dowladda. Af-hayeenka Ahlu-sunna Ibraahim Xaashi Cosoble oo warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay al gashay Ahlu-sunna islamarkaana ay dagaal qaawan ku soo qaadday degaannada Galmudug iyadoo adeegsanaysa ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsanaan jiray Al-shabaab. Sidoo kale Ahlu-sunna ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ay Beesha Caalamka la socod-siisay in Cawaaqibka dagaalkaasi ka yimaaday ay mas’uuliyaddiisa qaadayso dowladda Soomaaliya. Hoos ka daawo hadalka Bayaanka PUNTLAND POST The post Ahlu-sunna oo iclaamisay dagaal ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu-Sunna Waljamaac ayaa goordhow magaalada Dhuusomareeb uga dhowaaqay inuu buray heshiiskii u dhaxeeyey ayaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ahlu-Sunna ayaa ku eedeysay dowladda inay mas’uul ka tahay burburka ku yimid heshiiskii labada dhinac, kadib markii ay ciidamo kusoo daabushay magaalooyinka Galmudug. Sidoo kale Ahlu-Sunna ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay Dhuusamareeb kusoo daabuleyso saraakiil iyo ciidamo sida ay sheegeen Shabaab ah. Dhanka kale Ahlu-Sunna ayaa sheegtay inay AMISOM ka xaqiijisay inaysan ku lug yeelan doonin carqaladda ay sheegeen inay dowladdu ka wado gobolada dhexe gaar ahaan magaalada xarunta u ah Galmudug ee Dhuusamareeb. Ahlu-Sunna ayaa ugu baaqday ciidamadeeda iyo shacabka Galmudug inay u diyaar garoobaan inay difaacdaan naftooda, maalkooda iyo nabaddooda. Hoos ka aqriso qoraalka Alu-Sunna kasoo baxay
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo kulan la qaatay wasiir ku-xigeenka maaliyadda, guddoonka Baniga Dhexe iyo xisaabiyaha guud Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta Bangiga dhexe ee dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu kurmeerka ku jiray waxa uu kulan looga hadlay daddar-gelinta shaqooyinka hor tebinta leh ee bagiga la qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda, guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee dalka iyo xisaabiyaha guud. Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka. Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Doorashadii ugu dambaysay ee golaha wakiillada waxaa la qabtay 25/09/2005, iyada oo wakhtiga golaha wakiillada la doortay oo ahaa shan sano uu ku ekaa October 2010, hase ahaatee shan jeer ayaa loo sameeyey muddo kordhin kala duwan. Golaha Deegaanka waxaa doorashadii ugu horraysay la qabtay 15/12/2002, Golahaas oo la doortay muddo shan sano ah ayaa xilka ka degey December 2012, iyada oo ay xilka la wareegeen golaha deegaanka ee haatan dalka ka jira, kuwaas oo la doortay November 2012, waxaana wakhtigoodu ku ekaa December 2017, hase ahaatee hal mar ayaa xilka loo kordhiyey iyada oo muddo kordhintaasi ay ku ekayd 28/04/2019. 7 June 2018, Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaangelinta oo isku dhafan oo ay tahay in lagu maamulo doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, Wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee dalka iyo weliba diiwaangelinta codbixiyayaasha, ayaa la horgeeyey golaha wakiillada, waxaana xeerkaas qayb ka ah kuraasa kootada ah ee haweenka iyo dadka la haybsooco ay ka helayaan golaha wakiillada iyo saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka ee gobolladu kala helayaan, Xeerkaas ayaa golaha loo gudbiyey ka dib markii ay anixiyeen golaha Wasiirada ee Somaliland. Illaa haatan xeerkaas looma dhaqaaqin, golaha wakiilladuna weli kama doodin, iyaga oo sabab uga dhigaya, in marka hore ay tahay in go’aan laga gaadho arrinta saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka si xeerka loo ansixiyo. Xafiiska la socodka Arimaha Doorashada CPA Qaran News
-
Sarreeye Guuto Gubadle Taliyaha Qeybta 26-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in uu jiro wada-hadal u socda Taliyaha Ciidamada Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xiriira in Gen Taani loo dhiibo Abbaan-duulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Gen Gubadle ayaa soo dhoweeyay hadalkii ka soo yeeray Taliyaha Ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ee ahaa in aan loo baahneyn askarta iyo taliyaasha ka goostay Somaliland ee gobolka Sanaag waxaana uu xusay in Gen Taani uu kala diray ciidamadii Somaliland kadib markii isagu shaqa ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Gubadle ayaa ugu baaqay saraakiisha iyo askarta ka soo jeeda Sool iyo Cayn ee weli ku harsan ciidamada Somaliland in ay isaga soo baxaan oo ku soo biiraan dhanka Puntland maadaama sida uu sheegay lagu kala tegay ciidamadii Somaliland. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Taliyaha Ciidamada Somaliland oo la sheegay in uu shaqa ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka koowaad oo ka dhashay weerar ay soo qaadeen Al-Shabaab ayaa ka dhacay fariisimo ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolkaasi. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Dhinaca kale dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar jidgal ah ku qaaday ciidamada ka tirsan kuwa dowladda oo marayay deegaanka Warmaxan ee Sh/Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex labada dhinaca, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa sheegtay inay ku dishay illaa afar ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliyahay cusub ee ciidanka Xoogga, Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kadib munaasabad ka dhacday M/Muqdisho. Xafladda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale. Odawaa oo horay u ahaa tliyaha ciidanka Lugta, marna soo noqday abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka ayaa xilkan loo magacaabau Khamiistii la soo dhaafay. Taliyaha cusub ayaa bedalay Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) oo muddo hal sano ah hayey xilkaasi. View the full article
-
Nairobi (AFP) – Kenya is urging the UN to list Al-Shabaab under the same sanctions as Al-Qaeda and the Islamic State, but foreign donors say the move could leave millions in drought-stricken Somalia without aid. The proposed listing — which could take effect as soon as Thursday — comes at a critical time in Somalia, where 2.2 million people, or nearly 18 percent of the population, face the risk of severe hunger. Al-Shabaab is already targeted under broader sanctions imposed by the United Nations on Somalia, which is heavily aid-dependent after three decades of conflict and economic ruin. Right now, UN agencies and humanitarian organisations are exempt from these sanctions, which enables them to deliver urgent aid without prosecution when they venture into territory controlled by Al-Shabaab. But Kenya wants to tighten the screws on the jihadist group after several deadly attacks on its soil, and the sanctions regime it proposes would remove that safeguard. “A measure like this will have the effect of criminalising humanitarian aid,” Eric Schwartz, president of Refugees International, told AFP. “Any measure that would impact the current provision of aid would have extremely serious and substantial implications.” If no member state objects before August 29 the Al-Shabaab listing under Security Council resolution 1267 will take immediate effect. Hundreds of millions of aid dollars for Somalia will then be thrown into doubt. In some cases, foreign donors said they may need to freeze payments for up to a year as they consider how to comply with the new sanctions, said an aid source in New York liaising with the UN on the issue. – Grey area – “We would be operating in a huge grey area. As humanitarian actors, we would have this huge dilemma of carrying on providing aid, or we stop altogether,” the official working for a large global charity told AFP on condition of anonymity. Another concern is that banks, fearing repercussions, could limit financial services to humanitarian agencies working in Somalia — a process known as “de-risking” that makes it difficult to transfer money and fund programmes. The looming deadline has sparked a flurry of lobbying at Security Council headquarters in New York. Earlier this month, 20 former ambassadors, national security and humanitarian officials wrote to US Secretary of State Mike Pompeo, Treasury Secretary Steven Mnuchin and USAID administrator Mark Green urging them to reject the Kenyan proposal. Their decision “could either help sustain critical and life-saving relief to Somalia, or exacerbate the dire humanitarian situation and puts hundreds of thousands if not millions of people at grave risk”, the August 7 letter warned. “They (humanitarian groups) have worked carefully to develop systems to reach people while limiting aid diversion” to Al-Shabaab, it added. Exemptions from sanctions are extremely rare, the International Peace Institute pointed out in a June paper. Kenya sees Al-Shabaab as no different to extremist groups elsewhere and believes sanctions are a way to blunt their violence. On July 13, after 26 people were killed in Somalia’s south, Kenyan Foreign Minister Monica Juma said “this attack was another reminder to the international community of the imperative” to list Al-Shabaab under resolution 1267. The foreign ministry did not reply to queries from AFP before publication. Al-Shabaab violence has surged in 2019 with atrocities in Somalia and Kenya, including an attack in Nairobi in January that left 21 people dead. Kenya has applied considerable diplomatic leverage on its allies, notably lobbying the EU in May to list the Al-Shabaab as a “terrorism organisation”. – Bad timing – The timing could not be worse for Somalia, which is facing another hunger crisis after the rainy season failed this year. Nearly 18 percent of the population faces severe hunger, the UN’s Food and Agriculture Organization (FAO) has warned. The country is prone to devastating, frequent droughts. A famine between October 2010 and April 2013 killed almost 258,000 people, more than half of them children under five. Somalia has accused its larger neighbour of meddling that could worsen its domestic problems and have repercussions for regional stability. Somalia’s envoy to the UN, Abukar Dahir Osman, told the Security Council on August 21 that impeding aid efforts “will play into the Shabaab’s narrative and self-image as a de-facto government in areas where state reach is limited”. He reiterated the government’s “condemnation of any interference in the internal affairs of Somalia.” Kenya’s campaign on Al-Shabaab comes as it spars with Somalia on several diplomatic fronts including a battle over its marine borders, said Matt Bryden, director of Nairobi-based think tank Sahan. “There’s a range of thorny issues between the two governments that have strained their relations to the breaking point, and I think Kenya’s move must be understood in that wider context,” he told AFP. Source: AFP
-
Kampla (SMN) – Henry Okello, oo ah wasiiru dowlaha xiriirka caalamiga ee dowladda Uganda ayaa sheegay in ciidamada Midowga Africa u tababaro Soomaaliya qaarkood ay u goostaan dhanka Al-Shabaab. Isagoo la hadlayay wargeyska Independent, wasiirka ayaa tilmaamay in AMISOM ay siiso tababar ciidamada dowladda Soomaaliya, si ay mas’uuliyadda amMaanka dalka ugala wareegaan markii ay ka baxaan Soomaaliya. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dadaallada ay sameeyaan ay dhabar jAbinayaan askarta ku biiraysa Al-Shabaab, taasoo khatar gelinaysa in lagu aamino amaanka dalka. Dowlada Uganda ayuu sheegay inay tababarayaal u soo dirtay Soomaaliya kuwaasoo layliya askarta cusub ee dowladda, iyadoo ay sidoo kale siiyaan la-talin dhanka howlagalka. Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli QM ay sheegtay inay dhimayso askarta ilaalisa xarumaheeda Soomaaliya, iyadoo tirada AMISOM-na hoos loo dhigayo, taasoo qeyb ka ah ka bixitaanka Soomaaliya. View the full article
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has completed training of military officers from six regional countries to help stabilize the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online