-
Content Count
209,343 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Africa ayaa beeniyey in saddexdii maalin ee la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen gobollada Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland. AFRICOM ayaa shaacisay in aysan jirin duqeymo ay fuliyeen 25-kii, iyo 26-kii bishan August oo la sheegay in ay ka dambeysay dowladda Mareykanka. Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in wararka la baahiyey aysan aheyn kuwa jira. “Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu ka geysanno Soomaaliya,iyo meelaha kaleba,waxaan ku baahinnaa Website-keenna iyo barteenna Twitter-ka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu duqeymo xoogan oo dhanka cirka a ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir ayaa madaxda dowladda Soomaaliya la wadaagay go’aan lagama maarmaan ah oo ku saabsan Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir kadib weerarkii ka dhacay xarunta gobolka. Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan “Saadaq John” ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo dhamaan Shaqaalaha Dowladda Hoose iyo sida ay shaqada ay ku soo galeen. Booliiska ayaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobalka u jeediyay in shaqaalaha oo dhan la marsiiyo nidaamka saxda ah ee Shaqaaleysiinta, sidoo kalane dhamaantood loo diro qof damiin buuxa ka noqon kara oo loo raacdo wax kasta oo ka yimaada qofka la damiintay. Booliiska Gobalka waxay sheegeen in aysan bilaaban karin shaqada dowladda Hoose islamarkaana adag tahay sida lagu helo kalsooni amni iyadoo aan dib u eegis lagus sameynin Shaqaalaha oo dhan oo intooda badan nidaam aan sax aheyn lagu qortay. Boqolaal qof oo waxaa jira ana wax shaqo ah qaban balse gobolka looga shaqaaleeyey hab qaraabanimo, si ay mushahar un uga qaataan. “Kaliya amniga gobalka saameyn maayaan shaqaalaha laakiin waxayn saameyn ku yeelanayaan dhamaan amniga mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqaalaha kalaba haddii aan dib u eegis lagu sameynin Shaqaalaha Dowladda Hoose oo dhan” ayuu yiri qof ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. “Al-Shabaab waxay gobalku ku leeyihiin xidido adag oo u baahan in la siibo, hadii aan wax laga qaban-na waxaa halis ku jira nolasha dad badan iyo dowladnimada Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalkaan kat irsan Booliiska Soomaaliya ee la hadlay Caasimada Online. Cumar Finish, Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa dalbaday in Booliiska Soomaaliya ee Gobalka Banaadir kala shaqeeyaan sidii uu u hagaajin lahaa Shaqada iyo Shaqaalaha Gobalka isagoo dalbaday in mudada dib u eegista ka horeysana aad loo adkeeyo ammaanka Gobalka. Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa hadda wada dedaal lagu xaqiijinayo amniga masuuliyiinta Gobalka Banaadir iyadoo sidoo kale shaqaalaha iyo dadka kalaba aad loo baarayo. Baaritaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu sameynayaa agabyada uu qofka wato sida kabaha IWM ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho ayaa lagu daaweynayaa askari ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas oo todobaadkaan lagu dhaawacay degmada Waabari ee Gobalka Banaadir. Askariga ilaalada u ah Prof Jawaari, oo hadda ku maqan dalka Canada, ayaa waxaa dhaawacay Askari ka tirsan Ciidamada dhar cadka ah ee bilo ka hor laga aas aasay magaalada Muqdisho, kaas oo isagana sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay askariga uu dili rabay ee ilaalada u ah guddoomiye Jawaari. Labadaan Askari oo midkood ka tirsan yahay Al-Shabaab, halka midka kale ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee amniga Soomaaliya ayaa iyagoo dhaawac ah oo is dhaawacay la dhigay Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho, iyadoo ay arintaasi dhalisay hadal heyn Xoog leh. Ilo-wareedyo ka tirsan ciidamada amniga ayaa Caasimada Online u sheegay in kadib markii ay dhacdadan dhacday baaritaan lagu ogaaday askariga dhar cadka ah uu si hoose uga tirsanaa Shabaab Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo la wareegay dhaawaca labada Askari ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan dhab ah oo ku saabsan sababta keentay in ninkaan uu weerar ku qaado askarigan ka tirsan Ciidamada Soomaaliya sidoo kalane ilaalo gaar ah u ah guddoomiye Jawaari iyo inta uu la ekaa xiriirkiisa kooxda Shabaab, iyo haddii ay jiraan falal kale oo uu gaystay. Caasimada Online waxay ka gaabsatay baahinta magacyada labada qof ee dhaawaca ah balse waxaan akhristiyaasheena la wadaageynaa in labadooduba la dhiga Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho oo ay maamusho dowladda Soomaaliya. Askariga Ilaalada u ah Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, islamarkaana uu soo gaaray dhaawac aan aad u darneen ayaa markii la wareerayay ka yimid Iskuul lagu barto luqadda English-ka oo uu Galabtii ka dhigto degmada Waabari ee Gobalka Banaadir. Hore ayaa Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya waxay dilal ka fuliyeen degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir, kuwaas oo markii dambe la ogaaday in ay sidoo kale ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa si qota dheer uga hadlay arinta Badda Soomaaliya ee Kenya ay muranka galisay. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Sagaalka bisha nasoo aadan ee Sebtember uu dhageysiga kiiska Badda ka bilaabanayo Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Afar maalin ayuu sheegay inuu socanayo dhageysiga kiiskaas. Labo maalmood oo kamid ah Afartaas maalin ayaa la dhageysa doonaa, dooda Soomaaliya ay ku cadeynayso la haansheheeda badda la isku heysto. Kenya ayaa sidoo kale labo maalin fursad u heysata inay soo bandhigida cadeymeheeda ku aadan lahaanshaha biyaha la isku heysto. 13-ka bisha Sagaalaad ee nasoo aadan ayuu sheegay Xeer ilaaliyaha Soomaaliya inay Maxkamaddu soo gaba gabeyneyso dhageysiga kiiska Badda. Wixii intaas ka dambeeya ayuu sheegay inay Maxkamaddu u fariisa doonto xukunka kama dambeysta ah ee cidda iska leh Biyaha muranka badan ka dhex dhaliyey wadamada Kenya iyo Soomaaliya. Lama shaacin xiliga kama dambeysta ah ee uu soo baxayo xukunka Maxkamadda, balse waxaan gabi ahaanba jirin wax Racfaan ah oo ka furan kiiskaas. Dadka Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday Xeer ilaaliye Axmed inay u midoobaan kana qeyb qaataan difaaca iyo soo dhicinta dhulkooda. Isagoo rajada Soomaaliya ay ka leedahay guusha kiiskaas ku tilmaamay inay tahay 99% in loo xugmi doono dhulkooda muranka la galiyey. Halkaan ka dhageyso Codka Xeer ilaaliyaha:- https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Xeer-Ilaaliyaha-guud-ee-Qaranka-oo-ka-hadlay-kiiska-dacwada-Badda-ee-9-Septem.mp3Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo tababarayo ka qayb qaadashada howl gallada argagaxisada dalka looga saarayo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay macallimiinta Xerada Gen. Goordan ee diyaarinaya ciidamada oo tababarku heer gebagebo ah u marayo, ayaa askarta ku dhiirri geliyay in ay si wanaagsan u dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidamada dalka cadawga ka difaacaya. Ciidamadaan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxa ay qayb ka noqonayaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin rajada ummadda Soomaaliyeed, lagana doonayo in ay xoojiyaan guulihii ay horay u soo hooyeen ciidamda Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhismaha ciimada xoogga dalka si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka, waxaana ciidamada xoogga dalka oo gudanaya waajibaadka ka saaran qarannimada ay guulo wax ku ool ah kasoo hooyeen howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo kooxaha caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw soo gaba gaboobay kulan ay yeesheen Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb. Wasiir Sebriye ayaa Bulshada Dhuusamareeb uga war bixiyey waxa uu ku saabsanaay iyo qodobada uu ka koobnaay heshiiskii ay bil ka hor wada galeen hoggaanka Ahlu-Sunna iyo Xukuumadda Federaalka. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay hir galisay dhamaan qodobadii lagu heshiiyey, markii laga reebo hal qodob. Halkaas qodob ayuu ka gaabsaday Wasiir Sebriye inuu la wadaago Bulshada, balse waxa uu sheegay inaan wali la gaarin dhaqan galinta qodobkaas. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayuu ku eedeeyey inay caqabad ku yihiin dhismaha maamulka Galmudug, isu keenida Ergada ka qeyb galeysa shirka Dhuusamareeb iyo soo xulidda Xildhibaanada cusub ee Galmudug, oo sida uu sheegay ay ku gor-gortamayaan. Hadalka uu caawa Dhuusamareeb ka jeediyey Wasiirka arimaha gudaha ayaa laga cabsi qabaa inuu kasii daro carada Ahlu-Sunna oo galabta ku dhawaaqday inay iska difaaceyso dowladda. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caadimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar____-Qumanaha-___-Wararka-27082019.mp3-ok.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Finish uu la yimid shuruudo ku aadan sida loo sugayo amaanka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa madaxda sare ee dowladda, si gaar ah Madaxweyne Farmaajo waxa uu hor dhigay dalab ah in la badalo dhamaan mas’uuliyiinta ammaanka gobolka Banaadir. Mas’uuliyiinta uu doonayo in labadalo Cumar Filish ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Maxamed Cabullahi Tuulax iyo dhamaan saraakiisha iyo ciidamada gacanta ku haya ammaanka xarunta gobolka Banaadir iyo xarumo kale oo muhiim ah. Sidoo kale Guddoomiye Cumar Filish ayaa madaxda dowladda shuruud uga dhigay inuu isagu la imaanayo cida sugeysa ammaanka xarunta gobolka ee dowladda hoose, islamarkaana uusan aamini karin ciidamada hadda gacanta ku haya xarunta. Guddoomiyaha ayaa si gaar ah shaki uga muujiyay ciidamada ilaalada u ah xarunta gobolka Banaadir oo bishii hore lagu dhex qarxiyey guddoomiyihii isaga ka horeeyay Eng. Yariisow. Wararka ana helnay ayaa sheegaya in Cumar Finish doonayo inuu keensado ciidamo horey ilaalo ugu ahaan jiray oo hadda ka tirsan militariga Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
East Burco Clan: Maalinba Awr Baa Dhaansha “Qorigu” maanta ma talin karo, maangalna ma aha ee aynu caqli kale la nimaadno. Dulmiga iyo caddaalad darrada xukuumadda maanta jirtaa ay horseedka ka tahay waxa ugu horreeya ee laga la hor tegi karaa qori iyo rasaas ma aha. Wax badan baa ka horreeya in la isku dayo in baaruud lagu kala calaf qaado. Waa aynu aragnaa hoggaankii codka bulshada inteeda badan ku soo baxay in uu cagta saarayo jidkii hoogga iyo sharka. Waa kaas tubtii shalay adhaxda lagaga wada jabay taladii ummadda la qooranaya. Waxa uu sii kala qaybinayaa bulshadii awelba kala qaybsanayd. Iyada oo iska kala qaybsanayd ayuu marna mansabyo dawladeed oo awood-qaybsi miisaaman u baahnaa ku kala qaybiyey, maantana lifaaqyo qabali ah oo shaadh dawladeed xidhan ku sii kala qaybinayaa. Arrintu gadoodka Col Caarre waa ay ka fog tahay oo ka sii shishaysaa. Halka ay dorraato (Gen Taani) iyo shalayto (odayaashii West Burco Clan) ay arrinta gaadhsiiyeen waxa ay soo kicinaysaa ladh iyo doog xun oo gamaarsanaa. Fitno huruddey ayay sardhada ka soo kicin kartaa. Waa aynu aragnaa sida taban ee naaquska ah ee labadaas loo la kala safanayo ee dabkii in “biyo” lagu rusheeyo ay ahayd “gaasta” loogu sii darayo. “Gaas bay ku darayaan Meel daad u baahnayd”. Haddii aan la kala roonaan roob ma da’o. Godkii iyo dalluuntii shalay in lagu wada hoobtaa waa habaar. 1960 ayay tan oo kale afuuftay suurkii madaxbannaanidii gaarka noqon lahayd ama midnimadii talada wadajirka ah iyo qorshaha u baahnayd. Waa tii mar kale lagu hoogey ee kubka iyo bawdada lagaga wada jabay ee halasaha kulaylka dirireed ina gelisey 1994 – 1997. Waa tubtii iyo tabtii dib u dhaca iyo qoomammada badnaa naca maantana daramalka iyo durbaankiisu uu dusheenna ka darandoorri dhacayaa. Waa taas dusheenna la isku haysto ee weedhaha iyo hadallada dhiif iyo dhiillo-sideenka ah la isu marinayo ee carruur iyo cirrooleba ku dhegabarjoobeen. Muumin laba jeer isla god qudha laga ma wada qaniino, dab munaafaq shiday na Muumin baa ku gubta. Gurigii aad soo gasho iyo goobtii aad timaaddo ba waxa ka daaran oo ka baxaya sawaxanka iyo qaylada hadalladaas naxli abuurka ah ee hawada la isku marinayo ee labada dhinac iyo inta kala taageereysa. Labada dhinac ee sida tooska ah iyo sida dadban ba isugu dhoollo-tusanaya waa in ay jirtaa cid saddexaad oo taas ku diiddan oo kaga horjeeddaa, una gar qaadi karta, baajinna karta dirir iyo colaad kala daadisa wixii muddada dheer lagu soo tabcayey. Waa doqonniimo in aynu sidii shalay 1994 ula kala safanno oo dhinac ugu raacno ama ugu xuslinno. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Somaliland waxa u bannaan kaalin taariikhi ah oo baalasha sooyaalka soo aaddani u soo hamuumayaan, kaalintaas oo haddii ay ka soo dhalaalaan xuruuf dahabi ahi ku xardhami doonaan, haddii ay gefaanna guhaad iyo is ciilkaambi iyo taariikh xumo u kaydsami doonaan. Qolada aan ka dhashay ee East Burco Clan waxa horyaalla oo ay kala dooran kartaa guul iyo gobannimo isku sidkan iyo guuldarro iyo gunnimo isku tolan midkood. Waxa mudduci ku ah oo reerkaas faraqa haysta, waajib na ku ah, sida ay ila tahay, in qaataan doorka iyo kaalinta ladqabaynta, isu soo jiididda iyo dhexdhexaadinta labada dhinac, iyaga oo kaashanaya odayaasha samotaliska ah iyo waxgaradka beelaha kale ee Somaliland. Anigu, qof ahaan, waxa aan tallaabo qaabkaas leh u arkaa meel wax wanaagsani ka bilaabmi karaan, lagagana fursan karo dagaal dhaca iyo colaado soo hor yeesha oo Somaliland u nugleeya kala qubasho aan dib la isugu keeni karin. Waayo East Burco Clan? 1. Waa reer weyn oo ka mid ah rukumada ay Somaliland ku taagan tahay ee horrayso iyo dambaysaba tacabka badan u huray 2. Waa reer dhaqaale ahaan culayskaas qaadi kara maanta 3. Waa reer xukuumadda jirta taageero weyn siiyey soo bixiddeedii xilligii doorashada 4. Waa reer ay ool (degaan) iyo dhaqan wadaag yihiin dhinaca labaad, gaar ahaan Habar Yoonis min Sanaag, Sool, Togdheer ilaa dhulka Soomaalida ee Itoobiya 5. Waxa jirtey surmaseegto hore oo 1994 dagaalladii bilaabmay ka soo jeedda oo in aanay maanta mar kale dhicin loo baahan yahay. Far keli ahi fool ma dhaqdo’e, haddii odayaasha dhaqanka, waxgaradka, culimada iyo ganacsatada East Burco Clan, iyaga oo kaashanaya beelaha kale odayaashooda samotaliska ah, min Sool iyo Sanaag ilaa Awdal iyo Selel, ay hormood u noqdaan dedaal hufan oo ay kartiyi riixayso, waxa ay iigu muuqataa, in wax badan tallaabadaas looga aayi doono dal, dad iyo dawladnimadiisaba, laguna baajin karo colaad baahda. Halkaas waxa ka abuurmi kara, ayay ila tahay, jawi siyaasadeed oo lagu sii ambaqaadi karo hirgelinta dawladnimo ay bulshadu leeyahay oo ka dhexaysa min daaf ilaa daanta kale. “Belo saacaddeed joogta Sabti nabad ah haw riixin”. Maxamed Baashe X Xasan HYPERLINK “mailto:mohamedbashe@hotmail.com” mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
Hobyo (SMN) – Guddiga Farsamadda ee Shirka Nabadda ee magaaladda Hobyo ayaa waxaa la shaaciyey goorta lasoo gabagabeyo kulankaasi. Afhayeenka guddigaasi, Cabdullaahi Siyaad Yarow ayaa warbaahinta u sheegay in shirka lasoo afmeeri doono 5-ka bisha dambe ee September. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka Galmudug iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu martiqaaday xeritaanka shirka. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Hobyo.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulan ay iskugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beesha degta Gurceel iyo Dhuusamareeb ayaa hadda lagu soo gaba gabeeyey magaalada Dhuusamareeb. Kulan ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay doorka ay odayaasha deegaanku ka qaada karaan xal ka gaarista xiisadda siyaasadeed ee kasoo dhex cusboonaatay Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka. Odayaasha dhaqanka ayaa carabka ku adkeeyay inaan la aqbali karin in dagaal ka dhaco magaalada Dhuusamareeb, iyagoo isku dhaarsaday inay dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadda cakiran ee Ahlu-Sunna iyo dowladda. Ugu dambeyntii odayaasha ayaa iska xulay guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaas oo waajibaadkoodu yahay inay soo ogaadaan qodobada heshiiskii ay horay u wada gaareen hoggaanka Ahlu-Sunna iyo Xukuumadda Soomaaliya, iyo waxa la isku fahmi waayey. Intaas kaddib ayey sheegeen odayaashu inay u kuur gali doonaan cidda uu dhankeeda ka fuli la’ayahay heshiiskaas, si loogu cadaadiyo garabkaas inuu dhaqan galiyo heshiiska. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-27082019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa qaybo ka mid ah waxa galabta ka da’ay roob xooggan oo wata dabayl culayskeeda leh, islamarkaana khasaare xoog leh gaysatay oo naf iyo maal ah sababay. Roobkan sida weyn magaalada Hargeysa looga dareemay ayaa ku xooggana qaybaha Waqooyi ilaa Galbeedka magaalada waxaanu da’ayay muddo ku siman nus saac. Saddex qof ayaa ku geeriyooday 11 kalena way ku dhaawacmeen roob galabta ka da’ay Hargeysa sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Maroodi-jeex Jaamac Axmed, Halkan hoose ka DAAWO muuqaal laga duubay roobka. Source
-
Dhuusa-mareeb (PP) ─ Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug, ayaa waxaa ka taagan jahawareer ka dhashay muran soo dhex-galay ciidamada Dowladda Somalia iyo ururka Ahlusunna. Muranka ayaa wuxuu ka dhashay ciidammo ay dowladda Somalia halkaas ku daabulaysay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana mas’uuliyiinta Ahlusunna ay ku dhawaaqeen inuu burburay heshiis ay la galeen Dowladda Somalia, iyagoo ku dhawaaqay dagaal. Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidammada Dowladda Somalia ayaa isagoo la hadlayay BBC-da wuxuu sheegay in xiisad u dhaxeey ciidamada DF ay geysay Dhuusa-mareeb iyo kuwa Ahlusunna ay ka taagan tahay Dhuusa-mareeb. Sidoo kale, Galaal oo ku sugan Guriceel ayaa sheegay in Ahlusunna ay ka careysan tahay heshiiskii ay la galeen Dowladda oo Qodobbada qaar aan la fulin iyo ciidamada ay Dowladda Soomaaliya ku daad-gureyneyso halkaas. Isagoo sii hadlaya ayuu hadalkiisa ku daray inay soo gaartay war la xiriira in ciidamo iyo saraakiil ka tirsanaa Ahlusunna ee la doonayay in Muqdisho loo qaado saakay ay diideen, isla markaana ay xeryahooda dib ugu laabteen. Dhanka kale, Labada dhinac ayuu ugu baaqay inay xaaladda dajiyaan, si ay uga baaqsadaan dagaal, wuxuuna xusay in madaxda dowladda Somalia ay Dhuusa-mareeb u wajahayaan qorsho la xiriira sidii ay ku soo noqon lahaayeen doorashada soo socota. Ugu dambeyn, Weli ma cadda sababta Dowladda Somalia ay ciidanka faraha badan u geystay Dhuusa-mareeb, iyadoo hay’adaha DF aysan weli ka hadlin ciidamadaan iyo hawsha ay halkaas u joogaan, waxaana jirta cabsi xoog leh. PUNTLAND POST The post JEN. GALAAL: Xaalad Colaadeed ayaa xilligan ka taagan Magaalada Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Iyadoo lagu waday in caawa xarunta gobolka Banaadir lagu qabto xaflad uu xilka kul wareegi lahaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud [Filish] ayaa la sheegay in loo baajiyay sababo dhanka amniga ah. Saraakiil ka tirsan kuwa hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay in sabab amni darteed loo joojiyay kulankaas, inkastoo aysan jirin faahfaahin intaas ka badan oo ay bixiyeen, sidoo kalena lama sheegin xilliga la xafladda la qaban doono. Madaxweyne Farmaajo ayaa Toddobaadkii hore xilka guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir u magacaabay Cumar Filish, kaddib markii qarax lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow]. Qaraxa lagu dliay Yariisow iyo xubno kale oo gobolka ka tirsan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, inkastoo ha’yadaha amniga dowladda ay sheegeen in qaraxaas intiisa badan laga abaabulay gudaha xarunta gobollka Banaadir, isla markaana loo xirxiray dhawr qof. Taliyaha booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Joon ayaa dhismaha gobolka Banaadir kala baxay shalay agaasime ku xigeen iyo laba xubnood oo kale oo ay midi haweeney tahay, kuwaasoo la sheegay in looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay xarunga gobolka Banaadir. Warbaahinta ayaa lagu wargeliyay in kulankii caawa dhici lahaa la baajiyay, iyadoo la diiday in la sheego xilliga uu dhici doono, waxaana tani ay caddeyn u tahay inuu jiro shaki weyn oo ah in waxyeello laga geysan karo mar kale xarunta dowladda Hoose ee Xamar. Ugu dambeyn, Duqa cusub ee Muqdisho ayaa maalmahan waday kulammo gaar-gaar ah oo uu ugu kuur-galayo hawlaha ka socda gobolka Banaadir, iyadoo la sheegay inay jiraan muranno ku saabsan shaqada oo u dhexeeya isaga iyo ku xigeenadiisa. PUNTLAND POST The post Xaflad uu Caawa Xilka kula Wareegi lahaa Duqa cusub ee Muqdisho oo la baajiyay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Caqabadda ugu weyn ee haysatay magaalada Muqdisho muddo sannado ah ayaa ah amni la’aanta. Waa mowduuca Barnaamijka Galka Baadhista idaacada VOA-da, waxaana soo jeedinaya Haaruun Macruuf ee halkan hoose kaga boggo Source
-
Maamulka Ahlu Sunna ee bartamaha Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ah ku eedeeyey iney ka baxday dhammaan heshiisyada ay galeen, iyaga oo taa badalkeeda ciimado keenay gobolka. Qoraal kasoo baxay maamulka oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa ku xusan in kooxda ay diyaar u tahay difaac iyo dagaal ka dhan duulaanka cad ee dowladda federaalka ah Haddaba. Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Ahlu Sunna Goobjoog News Source: goobjoog.com