-
Content Count
209,345 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (SMN) – Golaha wasiirada Jubbaland ayaa shaaciyey in mas’uuliyiinta DFS, gaar ahaan wasiirada ay tagi karaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kulan ay maanta golaha wasiirada maamulkaasi ku yeesheen Kismaayo, islamarkaana uu guddoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe ayey ku sheegeen in haatan wixii ka dambeeya xayiraadii laga qaaday golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya. Jubbaland ayaa xiyaraadan saartay xukuumadda dhexe, kadib markii uu khilaaf ku saabsanaan hannaankii doorashada uu soo kala dhexgalay labada dhinac. Sidoo kale doorashada Jubbaland oo sababtay in la doorto illaa saddex Madaxweyne ayaa waxaa ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona haatan Kismaayo ay ku wada sugan yihiin C/rashiid Xidig, C/naasir Seeraar iyo Axmed Madoobe oo ah saddexda nin ee la doortay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Halkan ka akhriso Qodobada laga soo saaray Shirkii Garowe ee soo dhamaaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Taliska Africom ayaa beeniyey in dhowaan duqeymo dhanka cirka ah Mareykanka uu ka fuliyey gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Taliska Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyey in aysan jirin duqeymo ay fuliyeen 25-kii, iyo 26-kii bishan August oo ka dhacay gobolladaasi. War ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in warar la baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka aysan aheyn kuwa jira. “Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu ka geysanno Soomaaliya,iyo meelaha kaleba,waxaan ku baahinnaa Website-keenna iyo barteenna Twitter-ka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM. Mareykanka ayaa inta badan duqeymo xoogan ka fuliya gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xaaji oo ku sugan magaalada Baydhanbo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay xiriirka wasaaddiisa iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, wuxuuna sheegay inuu ka dhexeeyo iskaashi xoogan. Abuukaate Xasan Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inay adkeynayaan hay’adaha garsoorka heer federaal iyo heer dowlad goboleed intaba. Sidoo kale wuxuu xusay in wasaaradaha maamul goboleedyada uu kala shaqeyn doono, sidii loo hormarin lahaa hay’adaha cadaaladda. Dhanka kale wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inuu meel wanaagsan marayo qorshe la doonayo in lagu dhiso xabsi weyn oo ay dowladda Soomaaliya ka hirgelineyso gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedka K/Galbeed. Dowladda dhexe ayaa dadaal xoogan ugu jirta, sidii loo hormarin lahaa hay’adaha garsoorka dalka , si ay dadka Soomaaliyeed u helaan cadaalad iyo sinaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-28082019-sax.mp3 View the full article
-
Chifraye Bekele’s joke led to the cancellation of the Johannesburg-bound flight in April and to a three-hour shutdown of Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) in the capital, Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo uu ka socdo shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta qaar kamid ah beelaha Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada, Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha ee Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galaya shirka ka socda Magalada Hobyo. Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan degmada Hobyo waxaa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxaa inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka mid yahay madaxda lagu casuumay shirka Hobyo oo lagu wado inuu dhawaan soo xirmo, waxaana la filayaa in Hobyo ay gaari doonaan madax kale oo shirka xiritaankiisa ka qeyb galidoonaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kansas City Chamber of Commerce hosted their monthly Coffee on the Corridor event, this time at the Somali Mall. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaa maanta ka socda dibad baxyo iska soo horjeeda oo lagu kala taageeraayo Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-Sunna. Banaan baxyadaan ayaa ka socda bartamaha magaaladda Dhuusamareeb, waxaana mid kamid ah lagu taageerayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dadaaladda ay ku bixinayso dhismaha maamulka Galmudug ee bartahamaha Soomaaliya. Banaanbaxa labaad ayaa waxaa dhigaya dad ka caraysan in Dowladda Soomaaliya ay ciidamo gayso Magaaladda Dhuusamareeb, waxa ayna ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, iyaga oo taageeraya hadal shalay ka soo baxay madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Si taas lamid ah magaaladda Dhuusamareeb waxaa ka socda kulamo looga arrinsanaya khilaafka soo kala dhexgalay Hogaanka Ahlu-Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ee arimaha maamul u samaynta Galmudug iyo diidmada Ahlu-Sunna ee Ciidanka Dowlada Soomaaliya Gaysay Dhuusamareeb. Xarunta uu wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ka daganyahey Dhuusamareeb ayaa inta badan kulamo ugu socdaan waxgaradka deegaanka iyo ergooyinka ka qayb galayo Shirka dib u heshiinta beelaha Maamulka Galmudug. Sidoo kale xarunta uu ku shaqeeyo madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulamo ugu socdaan Hogaanka Ahlu-Sunna iyo waxgarad doonaya in ay xaliyaan khilaafka heerkii ugu sareeyay gaaray ee Dowladda iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha xilligiisii dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafti uu hogaaminayo ayaa safar aan horay loo shaacin ku tegey degma xeebeedda Hobyo ee gobolka Mudug. Gudoomiyaha degmada hobyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee ergooyinka ka qaybgelaya shirka ka socda magaalada Hobyo. Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Xaaf oo lagu soo dhoweeyey degmada Hobyo. appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta magaalada Kismaayo, xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ka dhacay shir ay yeesheen golaha wasiirrada maamulkaasi, waxaana shir guddoominayey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Shirka ayaa go’aamada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in xayiraadii laga qaaday Golaha Xukuumada Federaalka ah kaas oo kal hore golaha Wasiirada Jubbaland ay hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay labada dhinac. Bilihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka xukuumadda federaalka ah iyo Jubbaland, taas oo keentay in tan dambe oo ka cabsaneysa faragelin ay xuduudaha ka xirato xukuumadda federaalka ah, joojisana wada shaqeynta. Dhankeeda xukuumadda federaalka ah waxaa ay sheegtay in aaney aqoonsaneen natiijada ka soo baxday doorashooyinka Jubbaland, baarlamaan iyo madaxtinimadaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Qorigu” maanta ma talin karo, maangalna ma aha ee aynu caqli kale la nimaadno. Dulmiga iyo caddaalad darrada xukuumadda maanta jirtaa ay horseedka ka tahay waxa ugu horreeya ee laga la hor tegi karaa qori iyo rasaas ma aha. Wax badan baa ka horreeya in la isku dayo in baaruud lagu kala calaf qaado. Waa aynu aragnaa hoggaankii codka bulshada inteeda badan ku soo baxay in uu cagta saarayo jidkii hoogga iyo sharka. Waa kaas tubtii shalay adhaxda lagaga wada jabay taladii ummadda la qooranaya. Waxa uu sii kala qaybinayaa bulshadii awelba kala qaybsanayd. Iyada oo iska kala qaybsanayd ayuu marna mansabyo dawladeed oo awood-qaybsi miisaaman u baahnaa ku kala qaybiyey, maantana lifaaqyo qabali ah oo shaadh dawladeed xidhan ku sii kala qaybinayaa. Arrintu gadoodka Col Caarre waa ay ka fog tahay oo ka sii shishaysaa. Halka ay dorraato (Gen Taani) iyo shalayto (odayaashii West Burco Clan) ay arrinta gaadhsiiyeen waxa ay soo kicinaysaa ladh iyo doog xun oo gamaarsanaa. Fitno huruddey ayay sardhada ka soo kicin kartaa. Waa aynu aragnaa sida taban ee naaquska ah ee labadaas loo la kala safanayo ee dabkii in “biyo” lagu rusheeyo ay ahayd “gaasta” loogu sii darayo. “Gaas bay ku darayaan Meel daad u baahnayd”. Haddii aan la kala roonaan roob ma da’o. Godkii iyo dalluuntii shalay in lagu wada hoobtaa waa habaar. 1960 ayay tan oo kale afuuftay suurkii madaxbannaanidii gaarka noqon lahayd ama midnimadii talada wadajirka ah iyo qorshaha u baahnayd. Waa tii mar kale lagu hoogey ee kubka iyo bawdada lagaga wada jabay ee halasaha kulaylka dirireed ina gelisey 1994 – 1997. Waa tubtii iyo tabtii dib u dhaca iyo qoomammada badnaa naca maantana daramalka iyo durbaankiisu uu dusheenna ka darandoorri dhacayaa. Waa taas dusheenna la isku haysto ee weedhaha iyo hadallada dhiif iyo dhiillo-sideenka ah la isu marinayo ee carruur iyo cirrooleba ku dhegabarjoobeen. Muumin laba jeer isla god qudha laga ma wada qaniino, dab munaafaq shiday na Muumin baa ku gubta. Gurigii aad soo gasho iyo goobtii aad timaaddo ba waxa ka daaran oo ka baxaya sawaxanka iyo qaylada hadalladaas naxli abuurka ah ee hawada la isku marinayo ee labada dhinac iyo inta kala taageereysa. Labada dhinac ee sida tooska ah iyo sida dadban ba isugu dhoollo-tusanaya waa in ay jirtaa cid saddexaad oo taas ku diiddan oo kaga horjeeddaa, una gar qaadi karta, baajinna karta dirir iyo colaad kala daadisa wixii muddada dheer lagu soo tabcayey. Waa doqonniimo in aynu sidii shalay 1994 ula kala safanno oo dhinac ugu raacno ama ugu xuslinno. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Somaliland waxa u bannaan kaalin taariikhi ah oo baalasha sooyaalka soo aaddani u soo hamuumayaan, kaalintaas oo haddii ay ka soo dhalaalaan xuruuf dahabi ahi ku xardhami doonaan, haddii ay gefaanna guhaad iyo is ciilkaambi iyo taariikh xumo u kaydsami doonaan. Qolada aan ka dhashay ee East Burco Clan waxa horyaalla oo ay kala dooran kartaa guul iyo gobannimo isku sidkan iyo guuldarro iyo gunnimo isku tolan midkood. Waxa mudduci ku ah oo reerkaas faraqa haysta, waajib na ku ah, sida ay ila tahay, in qaataan doorka iyo kaalinta ladqabaynta, isu soo jiididda iyo dhexdhexaadinta labada dhinac, iyaga oo kaashanaya odayaasha samotaliska ah iyo waxgaradka beelaha kale ee Somaliland. Anigu, qof ahaan, waxa aan tallaabo qaabkaas leh u arkaa meel wax wanaagsani ka bilaabmi karaan, lagagana fursan karo dagaal dhaca iyo colaado soo hor yeesha oo Somaliland u nugleeya kala qubasho aan dib la isugu keeni karin. Waayo East Burco Clan? Waa reer weyn oo ka mid ah rukumada ay Somaliland ku taagan tahay ee horrayso iyo dambaysaba tacabka badan u huray Waa reer dhaqaale ahaan culayskaas qaadi kara maanta Waa reer xukuumadda jirta taageero weyn siiyey soo bixiddeedii xilligii doorashada Waa reer ay ool (degaan) iyo dhaqan wadaag yihiin dhinaca labaad, gaar ahaan Habar Yoonis min Sanaag, Sool, Togdheer ilaa dhulka Soomaalida ee Itoobiya Waxa jirtey surmaseegto hore oo 1994 dagaalladii bilaabmay ka soo jeedda oo in aanay maanta mar kale dhicin loo baahan yahay. Far keli ahi fool ma dhaqdo’e, haddii odayaasha dhaqanka, waxgaradka, culimada iyo ganacsatada East Burco Clan, iyaga oo kaashanaya beelaha kale odayaashooda samotaliska ah, min Sool iyo Sanaag ilaa Awdal iyo Selel, ay hormood u noqdaan dedaal hufan oo ay kartiyi riixayso, waxa ay iigu muuqataa, in wax badan tallaabadaas looga aayi doono dal, dad iyo dawladnimadiisaba, laguna baajin karo colaad baahda. Halkaas waxa ka abuurmi kara, ayay ila tahay, jawi siyaasadeed oo lagu sii ambaqaadi karo hirgelinta dawladnimo ay bulshadu leeyahay oo ka dhexaysa min daaf ilaa daanta kale. “Belo saacaddeed joogta Sabti nabad ah haw riixin”. W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Jubbaland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, siyaasadda, xiriirka mamaulkaas iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Kulankan oo uu shir guddoomiyey madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday go’aakii uu maamulkaasi horay uga mamnuucay mas’uuliyiinta dowladdda, gaar ahaan golaha wasiirada inay tegaan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Golaha wasiirada Jubbaland ayaa shaaciyey in haatan wixii ka dambeeya la qaaday xayiraadii saarneyd wasiirada Soomaaliya, islamarkaana ay tegi karaan magaaladaasi. Jubbaland ayaa go’aankan qaadatay inta aysan dhicin doorashada maamulkaasi oo dhalisay in la doorto illaa saddex Madaxweyne. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in aysan aqoonsaneen natiijada ka soo baxday doorashooyinkaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana sidoo kale jiray baaq ay soo saartay beesha caalamka, walow uu ku gacan seeray Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Somali National Security and Intelligence Agency ( NISA) revealed it apprehended the main suspect behind the attack that led to the murder of former official at Banadir regional administration. A former secretary at Banadir administration, Mohamed Amin Sheikh Elmi succumbed to injuries he sustained following an explosion that targeted his car on Sunday in Mogadishu. In a post published on its official twitter account on Wednesday, NISA said it arrested a man believed to be behind the attack during an operation conducted at Yaqshid district in the capital. NISA operatives submitted phones, batteries and other materials that were used by the suspect to facilitate the blast attack. Security officials did not disclose the details of the suspect or the membership of the armed group but al-Shabaab claimed the responsibility of the attack. Somali security forces backed by AU peacekeeping forces have intensified their operation against armed groups in Somalia. View the full article
-
The Prime Minister of the Federal Government of Somalia Hassan Ali Khaire visited Gordon military base, where units of the armed forces are undergoing training courses. The PM accompanied by the army chief thanked the trainers for their service and encouraged the soldiers to successfully complete the training to join the Armed Forces. After completing the training, these troops will become part of the country’s armed forces in the battlefield. The prime minister said that the government forces are the hope of the nation, and to strengthen the gains already achieved in the fight against Al-Shabaab. The Somali government is working hard to build a strong national army to maintain security in the country, and the country’s armed forces have been making significant gains in operations in southern and central Somalia. View the full article
-
The Minister of Interior, Federalism, and Reconciliation of the Somali government, Abdi Mohamed Sabriye who spoke to the media, denied that the federal government withdrew from an agreement with Ahlu Sunna. Minister Sabriye said the Somali government is still respecting the agreement between the two sides. He also stressed that the central government is striving to make Galmudug issue more inclusive. The agreement was signed by Somali Minister of Interior, Abdi Mohamed Sabriye and Galmudug Chief cabinet, Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, qeybteeda howlgallada dibadda ayaa soo saartay warbixinteeda la xiriirta “Hufnaanta Maaliyadeed ee Dalalka ee 2019”. Warbixintan waxaa lagu eegaa in dalalka ay ka soo baxeen ugu yaraan talaabooyinka hufnaanta maaliyadeed ee loo dejiyey, waxaa kale oo dalalka ka soo bixi waayey la siiyaa talooyin muhiim ah. Qiimeyntan la sameeyey sanadkan 2019-ka, Soomaaliya waxaa lagu daray liiska dalalka aaney ka jirin hufnaan maaliyadeed, inkasta oo la sheegay xoogaa horumar oo dhinacyada qaar ka jira, hadana waxaa la siiyey talooyin ku aadan qorsheyaal dhow iyo kuwoo fog oo ku saabsan sida ay u hagaajin karto hufnaanta dhaqaale. Waxyaabaha Soomaaliya lagu ammaanay waxaa ka mid ahaa in ay daabacday warbixin sanadeedka, weliba waqti macquul ah. Xilliga dib u eegista, xukuumadda federaalka ah waxaa ay daabacday miisaaniyadda iyo warbixinteeda, Internet-ka, weliba waqti macquul ah. Xukuumadda federaalka ah, Internet-ka kuma daabicin wax miisaaniyad ah ilaa sanadkan uu bilowday halka xukuumadihii 2013-2016 ay wasaaradda maaliyadda ku daabici jirtay Internet-ka. Wasaaradaha qaar ee xukuumadda hadda jirta waxaa ay isticmaalaan qarash aan ku jirin miisaaniyadda, isla markaana aaney jirin cid ku sameysa xisaab xir ama la socota. Waxaa intii loogu talo galay ka batay qarashka soo xarooda iyo midka baxaya intaba, sidaasi ay tahay xukuumadda waxaa ay baarlamaanka u keentay miisaaniyad kucelis ah, taas oo kor u qaadeysa aaminaada. Hanti dhowrka iyo hey’adaha kale ee la socda miisaaniyadda waxaa lagu eedeeyey in dadweynaha aaney u soo bandhigin warbixintooda ee keliya ay la wadaagaan baarlamaanka federaalka ah. Waxaa dowladda Soomaaliya lagu ammaanay heshiisyada la xiriira kheyraad qeybsiga ee ay la gashay dowlad goboleedyada iyo meelmarinta sharciga Batroolka. Xukuumadda waxaa lagu ammaanay sida ay u shaacisay heshiiska kaluumeysi iyo leysinada ay bixisay. Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda waxaa loo soo jeediyey in wax ka qabato: In miisaaniyadda ay dadweynaha la wadaagto marka ay u gudbineyso baarlamaanka federaalka ah. In dadweynaha lala wadaago deymaha gudaha ee xukuumadda qaadato, isla markaana lal socdo. In la soo bandhigo miisaaniyadaha dib u eegista lagu sameeyey iyo qarashyada baxa, oo dadweynaha lala wadaago. In aaney jirin xisaabaad ama qarash ka baxsan miisaaniyadda oo la isticmaalo, kuwaas oo aan lala socon. In warbixinnada hanti dhowrka iyo qarashka baxa lala wadaago dadweynaha In heshiisyada kheyraadka dabiiciga ah lagu bixiyo si waafaqsan heshiiska iyo xeerarka dalka. In dadweynaha lala wadaago arrin kasta. Liiska dalalka ka soo baxay hufnaanta maaliyadda: Afghanistan, Albania, Argentina, Armenia, Bosnia and Herzegovina, Botswana, Brazil, Bulgaria, Burkina Faso, Cabo Verde, Chile, Colombia, Costa Rica, Côte d’Ivoire, Croatia, Czech Republic, El Salvador, Estonia, Fiji, Georgia, Ghana, Greece, Guatemala, Guyana, Honduras, Hungary, India, Indonesia, Israel, Jamaica, Jordan, Kazakhstan, Kenya, Kosovo, Kyrgyz Republic, Latvia, Lithuania, Malaysia, Malta, Marshall Islands, Mauritius, Mexico, Micronesia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Morocco, Namibia, Nepal, North Macedonia (formerly Republic of Macedonia), Panama, Paraguay, Peru, Philippines, Poland, Portugal, Romania, Senegal, Serbia, Seychelles, Sierra Leone, Singapore, Slovakia, Slovenia, South Africa, Sri Lanka, Thailand, Timor-Leste, Tonga, Trinidad and Tobago, Tunisia, Turkey, Uganda, and Uruguay. Liiska dalalka ku guul dareystay hufnaanta maaliyadda: Algeria, Angola, Azerbaijan, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Belize, Benin, Burma, Burundi, Cambodia, Cameroon, Central African Republic, Chad, China, Comoros, Congo, Democratic Republic, Congo, Republic , Djibouti, Dominican Republic, Ecuador, Egypt, Equatorial Guinea, Eswatini (Swaziland), Ethiopia, Gabon, Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Haiti, Iraq, Laos, Lebanon, Lesotho, Liberia, Libya, Madagascar, Malawi, Maldives, Mali, Mauritania, Mozambique, Nicaragua, Niger, Nigeria, Oman, Pakistan, Palestinian Authority, Papua New Guinea, Rwanda, Samoa, Sao Tome and Principe, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Suriname, Tajikistan, Tanzania, Togo, Turkmenistan, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Yemen, Zambia iyo Zimbabwe. Xigasho: Goobjoog News Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Sanaag)-Jeneraal Saciid Cawil Jaamac ( Caarre) oo hore uga goostay ciidammada Somaliland, ayaa iska fogeeyay eedo uga yimid taliyaha guud ee ciidamada Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani. Taani ayaa ku eedayay Caarre inuu dad gaadhaya 10 qof ku laayay gobolka Sanaag sidoo kalana dhacay mushaarka ciidanka Somaliland. Jeneraal Saciid Cawil Jaamac ( Caarre) khadka telefoonka ugu warramay wariyaha VOA- ayaa eedaymo culus u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, qeybteeda howlgallada dibadda ayaa soo saartay warbixinteeda la xiriirta “Hufnaanta Maaliyadeed ee Dalalka ee 2019”. Warbixintan waxaa lagu eegaa in dalalka ay ka soo baxeen ugu yaraan talaabooyinka hufnaanta maaliyadeed ee loo dejiyey, waxaa kale oo dalalka ka soo bixi waayey la siiyaa talooyin muhiim ah. Qiimeyntan la sameeyey sanadkan 2019-ka, Soomaaliya waxaa lagu daray liiska dalalka aaney ka jirin hufnaan maaliyadeed, inkasta oo la sheegay xoogaa horumar oo dhinacyada qaar ka jira, hadana waxaa la siiyey talooyin ku aadan qorsheyaal dhow iyo kuwoo fog oo ku saabsan sida ay u hagaajin karto hufnaanta dhaqaale. Waxyaabaha Soomaaliya lagu ammaanay waxaa ka mid ahaa in ay daabacday warbixin sanadeedka, weliba waqti macquul ah. Xilliga dib u eegista, xukuumadda federaalka ah waxaa ay daabacday miisaaniyadda iyo warbixinteeda, Internet-ka, weliba waqti macquul ah. Xukuumadda federaalka ah, Internet-ka kuma daabicin wax miisaaniyad ah ilaa sanadkan uu bilowday halka xukuumadihii 2013-2016 ay wasaaradda maaliyadda ku daabici jirtay Internet-ka. Wasaaradaha qaar ee xukuumadda hadda jirta waxaa ay isticmaalaan qarash aan ku jirin miisaaniyadda, isla markaana aaney jirin cid ku sameysa xisaab xir ama la socota. Waxaa intii loogu talo galay ka batay qarashka soo xarooda iyo midka baxaya intaba, sidaasi ay tahay xukuumadda waxaa ay baarlamaanka u keentay miisaaniyad kucelis ah, taas oo kor u qaadeysa aaminaada. Hanti dhowrka iyo hey’adaha kale ee la socda miisaaniyadda waxaa lagu eedeeyey in dadweynaha aaney u soo bandhigin warbixintooda ee keliya ay la wadaagaan baarlamaanka federaalka ah. Waxaa dowladda Soomaaliya lagu ammaanay heshiisyada la xiriira kheyraad qeybsiga ee ay la gashay dowlad goboleedyada iyo meelmarinta sharciga Batroolka. Xukuumadda waxaa lagu ammaanay sida ay u shaacisay heshiiska kaluumeysi iyo leysinada ay bixisay. Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya waxaa loo soo jeediyey in wax ka qabato: In miisaaniyadda ay dadweynaha la wadaagto marka ay u gudbineyso baarlamaanka federaalka ah. In dadweynaha lala wadaago deymaha gudaha ee xukuumadda qaadato, isla markaana lal socdo. In la soo bandhigo miisaaniyadaha dib u eegista lagu sameeyey iyo qarashyada baxa, oo dadweynaha lala wadaago. In aaney jirin xisaabaad ama qarash ka baxsan miisaaniyadda oo la isticmaalo, kuwaas oo aan lala socon. In warbixinnada hanti dhowrka iyo qarashka baxa lala wadaago dadweynaha In heshiisyada kheyraadka dabiiciga ah lagu bixiyo si waafaqsan heshiiska iyo xeerarka dalka. In dadweynaha lala wadaago arrin kasta. Liiska Dalalka Kasoo Baxay Hufnaanta Maaliyadda: Afghanistan, Albania, Argentina, Armenia, Bosnia and Herzegovina, Botswana, Brazil, Bulgaria, Burkina Faso, Cabo Verde, Chile, Colombia, Costa Rica, Côte d’Ivoire, Croatia, Czech Republic, El Salvador, Estonia, Fiji, Georgia, Ghana, Greece, Guatemala, Guyana, Honduras, Hungary, India, Indonesia, Israel, Jamaica, Jordan, Kazakhstan, Kenya, Kosovo, Kyrgyz Republic, Latvia, Lithuania, Malaysia, Malta, Marshall Islands, Mauritius, Mexico, Micronesia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Morocco, Namibia, Nepal, North Macedonia (formerly Republic of Macedonia), Panama, Paraguay, Peru, Philippines, Poland, Portugal, Romania, Senegal, Serbia, Seychelles, Sierra Leone, Singapore, Slovakia, Slovenia, South Africa, Sri Lanka, Thailand, Timor-Leste, Tonga, Trinidad and Tobago, Tunisia, Turkey, Uganda, and Uruguay. Liiska Dalalka Ku Guuldareystay Hufnaanta Maaliyadda: Algeria, Angola, Azerbaijan, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Belize, Benin, Burma, Burundi, Cambodia, Cameroon, Central African Republic, Chad, China, Comoros, Congo, Democratic Republic, Congo, Republic , Djibouti, Dominican Republic, Ecuador, Egypt, Equatorial Guinea, Eswatini (Swaziland), Ethiopia, Gabon, Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Haiti, Iraq, Laos, Lebanon, Lesotho, Liberia, Libya, Madagascar, Malawi, Maldives, Mali, Mauritania, Mozambique, Nicaragua, Niger, Nigeria, Oman, Pakistan, Palestinian Authority, Papua New Guinea, Rwanda, Samoa, Sao Tome and Principe, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Suriname, Tajikistan, Tanzania, Togo, Turkmenistan, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Yemen, Zambia iyo Zimbabwe. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com