Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,351
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga Trump oo doonaya inay xilka kala wareegaan Walsh ayaa noqday siyaasigii labaad ee kasoo dhex baxa xisbiga Jamhuuriga Joe Walsh, oo horay u ahaa xildhibaan, haddana soo tabiya barnaamij ka baxa raadiyaha ayaa noqday ninkii labaad ee usoo istaaga inuu madaxweyne Trump loollan ku galiyo xisbiga jamhuuriga gudihiisa. Siyaasigan ku dhawaaqay inuu damacsan yahay musharraxnimada madaxweynaha ayaa doonaya inuu Donald Trump kula hardamo soo magacaabista musharraxnimada xisbiga talada haya ee dhici doonta sanadka 2020-ka. Labada xisbi ee ugu waawyeyn Mareykanka, ee kala ah Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga ayaa marka ay doorashada soo dhawaato kala xulan doona shakhsiyaadka doonaya inay u tartamaan jagada ugu sarreysa dalka. Sidee loo noqon karaa Madaxweynaha Maraykanka? Ololaha doorashada Mareykanka oo weji cusub yeeshay Iyadoo la ogyahay in Trump uu sugayo siyaasiga xisbiga mucaaradka ee lasoo ansixin doono, ayaa haddana waxaa laga doonayaa inuu kasoo guuleysto siyaasiyiin isla xisbigiisa gudihiisa jagadaas ugu ciriirinaya. “Waddanku wuxuu u xanuunsan yahay ficillada uu sameeyay ninkan, waa ciyaal”, sidaas waxaa yiri Mr Walsh, oo ay da’diisu tahay 57 sano, mar uu isbuucan la hadlayay warbaahinta ABC. Hadalkaas ayaa loo arkaa inuu yahay madfac xoog badan oo uu ku riday Mr Tump. Ma jirto wax jawaab ah oo uu madaxweyne Trump arrintan ka bixiyay ilaa hadda. Mr Walsh ma aha qofka kaliya ee u faruuryo qaniinsanaya sidii uu booska uga wareejin lahaa Mr Trump, inta aan xilliga doorashada la gaarin. Barasaabkii hore ee gobolka Massachusetts Bill Weld, oo isla xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ayaa bishii Abriil ku dhawaaqay inuu loollan galin doono Donald Trump. Labada ninba waxay wajihi doonaan dagaal iyaga qudhooda ku dhex mara qaadashada booska Trump, waxayna doonayaan in madaxweynaha aan mar labaad loo oggolaanin inuu xilka u tartamo. Hase ahaatee, taariikhda casriga ah ee Mareykanka, ma jiro madaxweyne xilka haya oo ay ka guuleysteen siyaasiyiin kasoo ifbaxay isla xisbiga uu ka tirsan yahay. Jimmy Carter, oo madaxweyne ahaa sanadkii 1980-kii iyo George Bush Snr, oo madaxweyne ahaa sanadkii 1992-kii ayaa la kulmay loollan adag oo ay ku sigteen inay waayaan soo magacaabista musharraxnimada xisbigooda gudihiisa. Maxaa kale oo uu yiri Joe Walsh? “Xilka inaan u tartamo ayaan rabaa, sababtoo ah isagu uma qalmo – ma jiro qof doonaya inuu isxilqaamo, sidaas darteedna waa in la helo waddo kale”, ayuu ku yiri warbaahinta ABC. Mr Walsh ayaa kursiga aqalka wakiillada loo doortay sanadkii 2011-kii, xilligaasna wuxuu ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Tea Party. Tea Party waa garab siyaasadeed oo asal raac ah, oo ka tirsan isla xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareylkanka. Yaa Trump kula loollami doona doorashada 2020? Siyaasiyiinta xisbiga dimuqraaddiga ee raba inay wajahaan Trump Maalinta ay dhaceyso doorashada xigta ee madaxweynaha Mareykanka waxaa hadda ka harsan muddo 1 sano ah, laakiin tartanka dhinaca xisbiga Dimuqraaddiga ee loogu jiro qofkii wajihi lahaa Trump ayaa horayba u billowday. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden iyo Bernie Sanders oo horay isugu dayay loollanka xilka madaxweynaha, ayaa goor sii horreysayba sheegay inay diyaar u yihiin dagaalka siyaasadeed ee doorashada lagula galayo madaxweyne Trump. Siyaasiyiinta kale ee safka ku jira ayaa ah kuwo aan si weyn loo aqoonin. bbcsomali Qaran News
  2. (SLT-Hargeysa)-Weerarka dhanka afka iyo warbaahinta loo adeegsado ee u dhexeeya Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo galay qaddiyadda citiraaf raadinta ee Somaliland. Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Trump waxa dhex maray dagaal dhanka weedhaha iyo warbaahinta ah oo aanay waxba iskula hadhin, islamarkaana is xajiimayn iyo dhinac walba in uu dhanka kale arrimo kala duwan ku eedeeyo ah. Qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka oo u muuqata in ay u janjeedho dhanka Trump ayaa ka warramay in Ilhaan Cumar ka soo horjeedo qaddiyadda Somaliland, islamarkaana dhabarka u jeedisay dadaallada citiraaf raadinta iyada oo qalbiga ka jecel Soomaaliya oo ay tilmaameen in ay ka soo barakacday. Warbixinta ayaa si weyn loogu ammaanay Somaliland waxaana si weyn loogu celceliyay dhalliilidda Soomaaliya iyada oo si weyn loo adeegsaday waddanka fashilmay ee Soomaaliya, waddan musuqmaasuq ragaadiyay iyo meel dagaallo halakeeyeen in ay tahay. Waxa Ilhaan lagu eedeeyay in ay neceb tahay Israa’iil oo ah dalkii u horeeyay ee Somaliland aqoonsaday 26 June 1960 markii Ingiriisku xorriyadda siiyay, islamarkaana ay jeceshahay Falastiin iyada oo sidoo kalena neceb Somaliland. Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay si la mid ah Ilhaan u neceb tahay Israa’iil waxaana tusaale loo soo qaatay masuul ka tirsana wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo boggiisa ku qoray qoraal kooban oo uu ku taageerayo xidhiidh diblamaasiyadeed oo dhex mara Somalia iyo Israaiil laakiin, arrintaasi awgeed shaqada looga eryay. Waxa warbixinta lagu gabogabeeyay in Soomaaliya iyo Ilhaan ka soo horjeedaan madax bannaanida Somaliland sidoo kalena ka soo horjeedaan Israa’iil. Halkan hoose ka akhriso warbixintan: https://www.frontpagemag.com/fpm/274739/omar-turns-her-back-somalilands-aspiration-freedom-joseph-klein?fbclid=IwAR29-NWEqhE4ezvloV_Us1iwdpKW08eAc-n91l4nPFDxmtUq93PXDDHMBSY#.XWY0oGfLN0k.facebook Source
  3. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid oo katirsan xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waxa uu si adag uga hadlay dhammaystir la’aanta dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo khilaafka madaxda Soomaaliya. Cabdi Qayb-diid ayaa waxa uu sheegay in madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah looga baahan yahay inay dayacaadda iyo danaysiga ka daayaan dastuurka dalka oo ah mustaqbalkii umadda Soomaaliyeed kana shaqeeyaan dhammaystirkiisa. Dhanka kalena, Qaybdiid wuxuu tilmaamay inaysan jirin sabab ay madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah u kala maqnaadaan ayna waajib tahay inay miiska isugu yimaadaan xalliyaana kala aragti duwanaantooda. DAAWO PUNTLANDPOST The post Senator Cabdi Qayb-diid,”Majirto sabab madaxda federalka & dowlad goboleedyadu u kala maqnaadaan”. appeared first on Puntland Post.
  4. Dhuusamareeb (SMN) – Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta dibadbax ka dhigay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa lagu taageerayey dadaalka ay dowladdu ka wado gudaha magaaladaasi ee lagu doonayo in lagu dhiso Galmudug oo loo dhan yahay. Dibadbaxayaasha aya ku qeylinayey arayo ay ku taageerayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Shalay ayey aheyd markii ay Ahlu Sunna ay shaacisay inuu burburay heshiiskii ay la gashay xukuumadda Soomaaliya, walow ay dowladda federaalka ay iska fogeysay eedeyntaasi. View the full article
  5. Garowe (SMN) – Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Halkan hoose ka akhriso qodobada. View the full article
  6. Kismaayo (SMN) – Golaha wasiirada Jubbaland ayaa shaaciyey in mas’uuliyiinta DFS, gaar ahaan wasiirada ay tagi karaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kulan ay maanta golaha wasiirada maamulkaasi ku yeesheen Kismaayo, islamarkaana uu guddoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe ayey ku sheegeen in haatan wixii ka dambeeya xayiraadii laga qaaday golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya. Jubbaland ayaa xiyaraadan saartay xukuumadda dhexe, kadib markii uu khilaaf ku saabsanaan hannaankii doorashada uu soo kala dhexgalay labada dhinac. Sidoo kale doorashada Jubbaland oo sababtay in la doorto illaa saddex Madaxweyne ayaa waxaa ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona haatan Kismaayo ay ku wada sugan yihiin C/rashiid Xidig, C/naasir Seeraar iyo Axmed Madoobe oo ah saddexda nin ee la doortay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. The people of Puntland are convinced beyond doubt that the President and Prime Minister Hassan Kheyre are conspiring to destabilize Puntland State of Somalia. In an autocratic approach that has echoes of a bygone era Source: Hiiraan Online
  8. Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Halkan ka akhriso Qodobada laga soo saaray Shirkii Garowe ee soo dhamaaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Kismaayo (SMN) – Taliska Africom ayaa beeniyey in dhowaan duqeymo dhanka cirka ah Mareykanka uu ka fuliyey gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Taliska Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyey in aysan jirin duqeymo ay fuliyeen 25-kii, iyo 26-kii bishan August oo ka dhacay gobolladaasi. War ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in warar la baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka aysan aheyn kuwa jira. “Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu ka geysanno Soomaaliya,iyo meelaha kaleba,waxaan ku baahinnaa Website-keenna iyo barteenna Twitter-ka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM. Mareykanka ayaa inta badan duqeymo xoogan ka fuliya gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  10. Baydhabo (SMN) – Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xaaji oo ku sugan magaalada Baydhanbo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay xiriirka wasaaddiisa iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, wuxuuna sheegay inuu ka dhexeeyo iskaashi xoogan. Abuukaate Xasan Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inay adkeynayaan hay’adaha garsoorka heer federaal iyo heer dowlad goboleed intaba. Sidoo kale wuxuu xusay in wasaaradaha maamul goboleedyada uu kala shaqeyn doono, sidii loo hormarin lahaa hay’adaha cadaaladda. Dhanka kale wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inuu meel wanaagsan marayo qorshe la doonayo in lagu dhiso xabsi weyn oo ay dowladda Soomaaliya ka hirgelineyso gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedka K/Galbeed. Dowladda dhexe ayaa dadaal xoogan ugu jirta, sidii loo hormarin lahaa hay’adaha garsoorka dalka , si ay dadka Soomaaliyeed u helaan cadaalad iyo sinaan. View the full article
  11. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-28082019-sax.mp3 View the full article
  12. Chifraye Bekele’s joke led to the cancellation of the Johannesburg-bound flight in April and to a three-hour shutdown of Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) in the capital, Nairobi. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo uu ka socdo shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta qaar kamid ah beelaha Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada, Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha ee Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galaya shirka ka socda Magalada Hobyo. Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan degmada Hobyo waxaa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxaa inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka mid yahay madaxda lagu casuumay shirka Hobyo oo lagu wado inuu dhawaan soo xirmo, waxaana la filayaa in Hobyo ay gaari doonaan madax kale oo shirka xiritaankiisa ka qeyb galidoonaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Uganda’s national airline has launched commercial operations with a flight to the Kenyan capital. Source: Hiiraan Online
  15. Kansas City Chamber of Commerce hosted their monthly Coffee on the Corridor event, this time at the Somali Mall. Source: Hiiraan Online
  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaa maanta ka socda dibad baxyo iska soo horjeeda oo lagu kala taageeraayo Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-Sunna. Banaan baxyadaan ayaa ka socda bartamaha magaaladda Dhuusamareeb, waxaana mid kamid ah lagu taageerayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dadaaladda ay ku bixinayso dhismaha maamulka Galmudug ee bartahamaha Soomaaliya. Banaanbaxa labaad ayaa waxaa dhigaya dad ka caraysan in Dowladda Soomaaliya ay ciidamo gayso Magaaladda Dhuusamareeb, waxa ayna ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, iyaga oo taageeraya hadal shalay ka soo baxay madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Si taas lamid ah magaaladda Dhuusamareeb waxaa ka socda kulamo looga arrinsanaya khilaafka soo kala dhexgalay Hogaanka Ahlu-Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ee arimaha maamul u samaynta Galmudug iyo diidmada Ahlu-Sunna ee Ciidanka Dowlada Soomaaliya Gaysay Dhuusamareeb. Xarunta uu wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ka daganyahey Dhuusamareeb ayaa inta badan kulamo ugu socdaan waxgaradka deegaanka iyo ergooyinka ka qayb galayo Shirka dib u heshiinta beelaha Maamulka Galmudug. Sidoo kale xarunta uu ku shaqeeyo madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulamo ugu socdaan Hogaanka Ahlu-Sunna iyo waxgarad doonaya in ay xaliyaan khilaafka heerkii ugu sareeyay gaaray ee Dowladda iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb Caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha xilligiisii dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafti uu hogaaminayo ayaa safar aan horay loo shaacin ku tegey degma xeebeedda Hobyo ee gobolka Mudug. Gudoomiyaha degmada hobyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee ergooyinka ka qaybgelaya shirka ka socda magaalada Hobyo. Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Xaaf oo lagu soo dhoweeyey degmada Hobyo. appeared first on Puntland Post.
  18. Mid kamida Beelaha ugu Tunka weyn Gobolka Galgaduud ayaa Taliye Fahad Yaasiin waxay ku eedeeyeen inuu Gadaal kasoo riixayo Dagaal lagusoo qaadey Dhuusamareeb. Qaar ka [...] Source
  19. Laga bilaabo maanta madaxda Federaalku Way soo gali karaan Jubbaland, maadaama laga baxay xiligii Doorashada, waxaa Sidaas Go’aamoyey Golaha Wasiirada Jubbaland, waxaana Ciidamada lagu amray [...] Source
  20. Waxaa maanta magaalada Kismaayo, xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ka dhacay shir ay yeesheen golaha wasiirrada maamulkaasi, waxaana shir guddoominayey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Shirka ayaa go’aamada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in xayiraadii laga qaaday Golaha Xukuumada Federaalka ah kaas oo kal hore golaha Wasiirada Jubbaland ay hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay labada dhinac. Bilihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka xukuumadda federaalka ah iyo Jubbaland, taas oo keentay in tan dambe oo ka cabsaneysa faragelin ay xuduudaha ka xirato xukuumadda federaalka ah, joojisana wada shaqeynta. Dhankeeda xukuumadda federaalka ah waxaa ay sheegtay in aaney aqoonsaneen natiijada ka soo baxday doorashooyinka Jubbaland, baarlamaan iyo madaxtinimadaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. “Qorigu” maanta ma talin karo, maangalna ma aha ee aynu caqli kale la nimaadno. Dulmiga iyo caddaalad darrada xukuumadda maanta jirtaa ay horseedka ka tahay waxa ugu horreeya ee laga la hor tegi karaa qori iyo rasaas ma aha. Wax badan baa ka horreeya in la isku dayo in baaruud lagu kala calaf qaado. Waa aynu aragnaa hoggaankii codka bulshada inteeda badan ku soo baxay in uu cagta saarayo jidkii hoogga iyo sharka. Waa kaas tubtii shalay adhaxda lagaga wada jabay taladii ummadda la qooranaya. Waxa uu sii kala qaybinayaa bulshadii awelba kala qaybsanayd. Iyada oo iska kala qaybsanayd ayuu marna mansabyo dawladeed oo awood-qaybsi miisaaman u baahnaa ku kala qaybiyey, maantana lifaaqyo qabali ah oo shaadh dawladeed xidhan ku sii kala qaybinayaa. Arrintu gadoodka Col Caarre waa ay ka fog tahay oo ka sii shishaysaa. Halka ay dorraato (Gen Taani) iyo shalayto (odayaashii West Burco Clan) ay arrinta gaadhsiiyeen waxa ay soo kicinaysaa ladh iyo doog xun oo gamaarsanaa. Fitno huruddey ayay sardhada ka soo kicin kartaa. Waa aynu aragnaa sida taban ee naaquska ah ee labadaas loo la kala safanayo ee dabkii in “biyo” lagu rusheeyo ay ahayd “gaasta” loogu sii darayo. “Gaas bay ku darayaan Meel daad u baahnayd”. Haddii aan la kala roonaan roob ma da’o. Godkii iyo dalluuntii shalay in lagu wada hoobtaa waa habaar. 1960 ayay tan oo kale afuuftay suurkii madaxbannaanidii gaarka noqon lahayd ama midnimadii talada wadajirka ah iyo qorshaha u baahnayd. Waa tii mar kale lagu hoogey ee kubka iyo bawdada lagaga wada jabay ee halasaha kulaylka dirireed ina gelisey 1994 – 1997. Waa tubtii iyo tabtii dib u dhaca iyo qoomammada badnaa naca maantana daramalka iyo durbaankiisu uu dusheenna ka darandoorri dhacayaa. Waa taas dusheenna la isku haysto ee weedhaha iyo hadallada dhiif iyo dhiillo-sideenka ah la isu marinayo ee carruur iyo cirrooleba ku dhegabarjoobeen. Muumin laba jeer isla god qudha laga ma wada qaniino, dab munaafaq shiday na Muumin baa ku gubta. Gurigii aad soo gasho iyo goobtii aad timaaddo ba waxa ka daaran oo ka baxaya sawaxanka iyo qaylada hadalladaas naxli abuurka ah ee hawada la isku marinayo ee labada dhinac iyo inta kala taageereysa. Labada dhinac ee sida tooska ah iyo sida dadban ba isugu dhoollo-tusanaya waa in ay jirtaa cid saddexaad oo taas ku diiddan oo kaga horjeeddaa, una gar qaadi karta, baajinna karta dirir iyo colaad kala daadisa wixii muddada dheer lagu soo tabcayey. Waa doqonniimo in aynu sidii shalay 1994 ula kala safanno oo dhinac ugu raacno ama ugu xuslinno. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Somaliland waxa u bannaan kaalin taariikhi ah oo baalasha sooyaalka soo aaddani u soo hamuumayaan, kaalintaas oo haddii ay ka soo dhalaalaan xuruuf dahabi ahi ku xardhami doonaan, haddii ay gefaanna guhaad iyo is ciilkaambi iyo taariikh xumo u kaydsami doonaan. Qolada aan ka dhashay ee East Burco Clan waxa horyaalla oo ay kala dooran kartaa guul iyo gobannimo isku sidkan iyo guuldarro iyo gunnimo isku tolan midkood. Waxa mudduci ku ah oo reerkaas faraqa haysta, waajib na ku ah, sida ay ila tahay, in qaataan doorka iyo kaalinta ladqabaynta, isu soo jiididda iyo dhexdhexaadinta labada dhinac, iyaga oo kaashanaya odayaasha samotaliska ah iyo waxgaradka beelaha kale ee Somaliland. Anigu, qof ahaan, waxa aan tallaabo qaabkaas leh u arkaa meel wax wanaagsani ka bilaabmi karaan, lagagana fursan karo dagaal dhaca iyo colaado soo hor yeesha oo Somaliland u nugleeya kala qubasho aan dib la isugu keeni karin. Waayo East Burco Clan? Waa reer weyn oo ka mid ah rukumada ay Somaliland ku taagan tahay ee horrayso iyo dambaysaba tacabka badan u huray Waa reer dhaqaale ahaan culayskaas qaadi kara maanta Waa reer xukuumadda jirta taageero weyn siiyey soo bixiddeedii xilligii doorashada Waa reer ay ool (degaan) iyo dhaqan wadaag yihiin dhinaca labaad, gaar ahaan Habar Yoonis min Sanaag, Sool, Togdheer ilaa dhulka Soomaalida ee Itoobiya Waxa jirtey surmaseegto hore oo 1994 dagaalladii bilaabmay ka soo jeedda oo in aanay maanta mar kale dhicin loo baahan yahay. Far keli ahi fool ma dhaqdo’e, haddii odayaasha dhaqanka, waxgaradka, culimada iyo ganacsatada East Burco Clan, iyaga oo kaashanaya beelaha kale odayaashooda samotaliska ah, min Sool iyo Sanaag ilaa Awdal iyo Selel, ay hormood u noqdaan dedaal hufan oo ay kartiyi riixayso, waxa ay iigu muuqataa, in wax badan tallaabadaas looga aayi doono dal, dad iyo dawladnimadiisaba, laguna baajin karo colaad baahda. Halkaas waxa ka abuurmi kara, ayay ila tahay, jawi siyaasadeed oo lagu sii ambaqaadi karo hirgelinta dawladnimo ay bulshadu leeyahay oo ka dhexaysa min daaf ilaa daanta kale. “Belo saacaddeed joogta Sabti nabad ah haw riixin”. W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Maayrika Magaalada Burco oo lagu Eedeyey inuu Carqaladeeyey Shirkii golaha dhexe Xisbiga UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Jubbaland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, siyaasadda, xiriirka mamaulkaas iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Kulankan oo uu shir guddoomiyey madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday go’aakii uu maamulkaasi horay uga mamnuucay mas’uuliyiinta dowladdda, gaar ahaan golaha wasiirada inay tegaan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Golaha wasiirada Jubbaland ayaa shaaciyey in haatan wixii ka dambeeya la qaaday xayiraadii saarneyd wasiirada Soomaaliya, islamarkaana ay tegi karaan magaaladaasi. Jubbaland ayaa go’aankan qaadatay inta aysan dhicin doorashada maamulkaasi oo dhalisay in la doorto illaa saddex Madaxweyne. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in aysan aqoonsaneen natiijada ka soo baxday doorashooyinkaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana sidoo kale jiray baaq ay soo saartay beesha caalamka, walow uu ku gacan seeray Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  24. Somali National Security and Intelligence Agency ( NISA) revealed it apprehended the main suspect behind the attack that led to the murder of former official at Banadir regional administration. A former secretary at Banadir administration, Mohamed Amin Sheikh Elmi succumbed to injuries he sustained following an explosion that targeted his car on Sunday in Mogadishu. In a post published on its official twitter account on Wednesday, NISA said it arrested a man believed to be behind the attack during an operation conducted at Yaqshid district in the capital. NISA operatives submitted phones, batteries and other materials that were used by the suspect to facilitate the blast attack. Security officials did not disclose the details of the suspect or the membership of the armed group but al-Shabaab claimed the responsibility of the attack. Somali security forces backed by AU peacekeeping forces have intensified their operation against armed groups in Somalia. View the full article