Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,345
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-28082019.mp3 View the full article
  2. Kismaayo-(Caasimada Online) – Kulan aan caadi ahaayn oo maanta ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Jubbaland, lix maalin kaddib dib u doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu iclaamiyay waqtiga la qabanayo Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland. Golaha Wasiirrada oo kulankooda ku gorfeeyay arimo badan oo ay ka mid tahay xayiraadii xukuumadda federaalka ka saarneed magaalada Kismaayo ayaa soo hadal qaaday arimaha caleemo saarka Madaxweynaha. Golaha ayaa guddi qaban qaabo u magacaabay xafladda caleemo saarka, waxaana guddoomiye looga dhigay Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere). Kulankii golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa lagu iclaamiyey waqtiga ay dhaceyso xafladda caleemo saarka, iyadoo loo asteeyey inay dhacdo Munaasadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland 26/9/2019. Guddiga loo xilsaaray qaban qaabada xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axnmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la faray inay dar-dar galiyaan howlaha loo igmaday. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  3. Xaaf oo Hobyo ka degay Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo loo arkayay in uu ka huleelay Galmudug, kadib heshiiskii uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u soo rogaal celiyey. Xaaf oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka degay degmada Hubyo ee gobolka Mudug, oo ka socdo shir beeleed dib u heshiisiin ah, oo ka madax bannaan dowladda Federaalka Soomaaliya. Xaaf ayaa markii uu ka degay Hobyo, soo saaray war-saxaafadeed ku taariikhaysan 22-kii bishan oo ku taageerayo doorashadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadda laga joogo todobaad. Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Jubbaland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhexeeya, dibna u soo celiyaan wada shaqeyntoodii. Bishii July 4-teedii ee sanadkan ayay ahayd markii, Axmed Ducaale Geelle Xaaf sheegay in uu Geeddi-socodka dib u-heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug u wakiishay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta, waxaa ka horeeyay hadlka Xaaf heshiis uu Cadaado kula galay Ra’iisul Wasaare Kheyre, ilaa xilligaasna wuxuu ka ag-dhawaa madaxda Federaalka. Balse hadda waxaa muuqada in khilaaf soo kala dhexgalay Xaaf iyo dowladda Federaalka oo doonaysa in ay Galmudug madax uga dhigto dad taageero u ah. Arrintan waxay ku soo aadaysa, iyadoo shalay Ahlu-sunna Waljamaaca sheegtay inuu gebi ahaanba buray heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya, halka federaalku sheegtay in Ahlu-sunna ka baxday heshiiskii labada dhinac. Sidoo kale Xaaf iyo Ahlu-sunna ayaa horey khilaaf uga dhexeeyay, balse hadda lama oga waxa ka dhexeeya, waxayse u muuqataa in Xaaf uu dib ula midoobayo saaxiibadiis Puntland iyo Jubbaland. Xaaladda Galmudug ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareysa, waxaana ragaadiyay khilaaf siyaasadeed oo la aaminsan yahay in ay ku lug leeyihiin dalal shisheeye. PUNTLAND POST The post Xaaf ma xabsi buu ku jiray? appeared first on Puntland Post.
  4. Ugu horrayn, madaxweynaha Jaamacaddu waxa uu idiin sheegi doonaa intan, “Dhammaantiin istaaga, Maanta oo bishu tahay 29, ogoos, 2019, markii guddida jaamacada, iyo dhammaan horjoogayaasha kulliyaduhu ay eegeen shuruucda jaamacadda u taala, waxay ku qanceen in aad maanta qalinjebiseen–oo aad buuxiseen shuruudihii qalinjebita, dhammaantiin waxaan idin leeyahay hambalyo, hambalyo hambalyo”. Warkaasi waa warka ugu fiican ee aad maqli dontaan intaad xarunta qalinjebinta fadhidaan. Intaas kadib waxaa bilaabmi doona tirsiga iyo wararka dhiilada leh ee ay is-waydaarsan doonaan nimanka Somaliland xilalka ka haya iyo kuwa u soo mici dhabanayaa. Waxaa dhegahiina sida danabka dhexqaadi doona hadalo aan loo meeldeyin oo xukuumaddu si’ badheedha idiinku sheego doonto in aanay waxba idiin haynin. Waxaa idinka hor daldalmi doona madaxweynaha Somaliland, Muse Bixi. Isaga oo ku fashilmay hoggaaminta waddanka iyo ilaalinta nabadgelyada, waxa uu munaasibaddiina ku hafin doonaa hadalo siyaasadeed oo aan idinka waxba idiinka cabbin. Waxa uu idinka hor sheegi doonaa hadalo uu ka xishooday xilligii uu madaxtooyada dhexjoogay in uu warbaahinta ka tebiyo. Iyana waxaa la wareegi doona siyaasiyiin mucaarid sheegta oo ka faa’iidaysanaya warbaahintan bilaa qarashka ah iyo madashan cammiran. Xukuumadda iyo mucaaridkuba waxay sida bullaacadda idin ka wasakhayn doonaana maskaxda wanaagsan ee aad la soo kallahdeen. Munaasabaddii kal hore, 2018. Waxay ahayd munaasibaddaydii, waxay ahayd maalintaydii, balse, sidii wax waliba ugu socdeen si’ wanaag iyo farxadi ku jirto waxaa hadalo aanan u bogin meesha la soo galay laba masuul, waa Buunigii UCID masuulka ka ahaa iyo Madaxweyne, Muse. Labadooduba hadalo wanaagsan mayjeedin oo aan ka ahayn hadalo ay ka muuqato jeesjees. Ugu danbayn, qofkasta oo berri jooga Xafladda Qalinjebinta waxaan kula talin lahaa in uu niyad ahaan is-dejiyo oo aanu u fiirsan hadalada waxashnimada ah ee ka soo buxtaaci doona xukuumadda oo dhinac ah iyo mucaaridka oo dhinac ah. Xilli kasta waayahiisa leh. Halkii aad uga kallahdeen farxad, dabbaal deg iyo maalin bilan oo boqran, waxaa idinka hor imaan doona hadallo aydaan jeclaysanayn. Waxaa idin ku hor hunqaaci doona shakhsiyaad wanaagiina iyo waxtarkiina aan jeclayn weligoodna aan dadaalkiina waxba ku darsan. Hadaladaasi waxay maskaxdiina ku reebi doonaan dhaawac aydaan ugu talo gelin. Idinkoo farxad kusoo toosay ayaa dib laydinku celin doonaa siyaasadda rifanka iyo lisanka ah ee sii saqiiraysa. Sadam Osman Kaabash Biomedical Scientist Hargeisa, Somaliland Qaran News
  5. Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo 22-kii bishan loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Warqada hambalyada ee kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xaaf oo maanta la shaaciyay ayaa Axmed Madoobe loo diray 22-kii bishaan oo ku beegneyd maalintii loo doortay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaf ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo maamulka jubaland inay wada-hadal ku xaliyaan khilaafka ka dhex-jira dibna loo soo celiyo wadashaqeyntii ka dhaxeya labada dhinac. Hambalyadaan uu madaxweyne Xaaf u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland oo maanta la shaaciyay ayaa kusoo aadeysa xilli uu Xaaf maanta gaaray magaalada Hobyo kadib ku dhowaad laba bi loo uu ku sugnaa Muqdisho.
  6. Burco(SL-T):Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Mucaaradkaa Ee Ucid Oo Ka Furmay Magalada Burco Iyo Nuxurka Khudbadaha Laga Jeediyey. Source
  7. “Arinta Caare Waa Gantaal Badhida Inaga Yaala hadii aynu Reer Somaliland nahay,, hadii Maanta uu Caare yidhi Waar Hubkaygii iyo Anigaba I Hooya, Maaha Inay Dadka Qaar Yidhaahdaan Waa Dambiile Iyo Waa Kan…” Guddo. Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si mug leh uga hadlay Xaaladda Siyaasaddeed ee wakhtigan Jamhuuriyadda Somaliland marayso waxaanu si gaara u dul istaagay arimaha Qabsoomida Doorashooyinka iyo Carqaladdaha ku Xeeran, Xaaladda Goboladda Bariga Somaliland gaar ahaan Jabhadda Kornayl Caare ee G. Sanaag iyo Ciidamada Qaranka Somaliland ka tirsanaa ee G/Sool ka tirsanaa ee Putland u goostay. Guddo. Eng. Faysal Cali Waraabe oo Maanta Magaaladda Burco kaga qaybgalay ku Shirkii 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID oo Burco uga furmay, waxa uu halka ka jeediyey Khudbad muhiima oo dhinacyo badan oo Xaaladda Siyaasaddeed iyo Amni ee Wakhtigan Jamhuuriyadda Somaliland marayso kaga hadlay isaga oo arin nasibi daro ah ku tilmaamay in Jabhadda Kornayl Caare oo u diyaara inay Somaliland isku soo dhiibto lagu tilmaamu dambiile qaran lana faro geliyo Ergadii Odayaasha ahayd ee arinta isku Xilqaantay, waxaanu dhinaca kale ka hadlay arimaha Qabsoomida doorashooyinka golayasha deegaanka iyo Wakiiladda iyo Carqaladdaha hortaagan ee Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa looga baahan yahay inay wax ka qabtaan. https://www.youtube.com/watch?v=7gPOuUES8YQ&feature=youtu.be Virus-free. www.avast.com Qaran News
  8. Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Halkan ka akhriso Qodobada laga soo saaray Shirkii Garowe ee soo dhamaaday. View the full article
  9. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Geele Xaaf ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe. Mudane Xaaf ayaa sidoo kale hambalyo u diray shacabka Jubbaland iyo guddiga doorashada ee maamul goboleedka. Ugu dambeyntii waxaa uu madaxweynaha Galmudug ku taliyey in DF iyo Jubbaland ka wada shaqeeyaan sidii Loo xalin lahaa khilaafaadka jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama. Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika. Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada,xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika. Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Ciidammada Somaliland Oo Xukun Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Hal Askari, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Madax-Dhaqameed Uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Si Adag Uga Xaaladda Ka Taagan Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Marodijeh governor, Ahmed Jam’a, told Radio Ergo that heavy rains caused the deaths of three people and injured 18 others on Tuesday 27 August. Source: Hiiraan Online
  14. Taageerayaasha Ahlu Sunna ayaa maanta dibadbax ka dhigay waddooyinka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug Dibadbaxan oo saacado socdey ayey ka qeybgalayaashu wateen boorar ay ku diidan yihiin saraakiil amni oo dhowaan dowladda halkaasi u magacawday, waxaa kale oo ku qeylinayeen “Culimo diid doonimeyno”, “Khawaajir doonimeyno” iyo erayo kale. Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna oo dibadbaxa kadib la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dibadbaxoodu ahaa mid nabad ah, lagu diidanaa in Dhuusamareeb dagaal ka dhaco iyaga oo intaasi raaciyey in laga rabo dowladda federaalka ah iney dhageysato rabitaanka shacabka Dhuusamareeb. Dhanka kale isla Dhuusamareeb waxaa ka dhacay dibadbax kan Ahlu sunna ka yaraa oo lagu taageeray ra’iusul wasaare Kheyre, waxaana ku qornaa boorarka“dowlad diid doonimeyno”, “daneyste doonimeyno”. Maamulka Ahlu Sunna ayaa shalay talaadadii sheegay inuu burburay Heshiiskii ay la galeen DF iyaga oo sheegay in diyaar u yihiin difaac iyo dagaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama. Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika. Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika. Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan. The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka iskaashiga Africa iyo Japan. appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag Uga Hadlay Arrinta Kornayl Caarre Iyo Hadalkii Taliye Nuux Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Yokohama (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama. Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika. Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada,xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika. Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan.
  18. Siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga Trump oo doonaya inay xilka kala wareegaan Walsh ayaa noqday siyaasigii labaad ee kasoo dhex baxa xisbiga Jamhuuriga Joe Walsh, oo horay u ahaa xildhibaan, haddana soo tabiya barnaamij ka baxa raadiyaha ayaa noqday ninkii labaad ee usoo istaaga inuu madaxweyne Trump loollan ku galiyo xisbiga jamhuuriga gudihiisa. Siyaasigan ku dhawaaqay inuu damacsan yahay musharraxnimada madaxweynaha ayaa doonaya inuu Donald Trump kula hardamo soo magacaabista musharraxnimada xisbiga talada haya ee dhici doonta sanadka 2020-ka. Labada xisbi ee ugu waawyeyn Mareykanka, ee kala ah Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga ayaa marka ay doorashada soo dhawaato kala xulan doona shakhsiyaadka doonaya inay u tartamaan jagada ugu sarreysa dalka. Sidee loo noqon karaa Madaxweynaha Maraykanka? Ololaha doorashada Mareykanka oo weji cusub yeeshay Iyadoo la ogyahay in Trump uu sugayo siyaasiga xisbiga mucaaradka ee lasoo ansixin doono, ayaa haddana waxaa laga doonayaa inuu kasoo guuleysto siyaasiyiin isla xisbigiisa gudihiisa jagadaas ugu ciriirinaya. “Waddanku wuxuu u xanuunsan yahay ficillada uu sameeyay ninkan, waa ciyaal”, sidaas waxaa yiri Mr Walsh, oo ay da’diisu tahay 57 sano, mar uu isbuucan la hadlayay warbaahinta ABC. Hadalkaas ayaa loo arkaa inuu yahay madfac xoog badan oo uu ku riday Mr Tump. Ma jirto wax jawaab ah oo uu madaxweyne Trump arrintan ka bixiyay ilaa hadda. Mr Walsh ma aha qofka kaliya ee u faruuryo qaniinsanaya sidii uu booska uga wareejin lahaa Mr Trump, inta aan xilliga doorashada la gaarin. Barasaabkii hore ee gobolka Massachusetts Bill Weld, oo isla xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ayaa bishii Abriil ku dhawaaqay inuu loollan galin doono Donald Trump. Labada ninba waxay wajihi doonaan dagaal iyaga qudhooda ku dhex mara qaadashada booska Trump, waxayna doonayaan in madaxweynaha aan mar labaad loo oggolaanin inuu xilka u tartamo. Hase ahaatee, taariikhda casriga ah ee Mareykanka, ma jiro madaxweyne xilka haya oo ay ka guuleysteen siyaasiyiin kasoo ifbaxay isla xisbiga uu ka tirsan yahay. Jimmy Carter, oo madaxweyne ahaa sanadkii 1980-kii iyo George Bush Snr, oo madaxweyne ahaa sanadkii 1992-kii ayaa la kulmay loollan adag oo ay ku sigteen inay waayaan soo magacaabista musharraxnimada xisbigooda gudihiisa. Maxaa kale oo uu yiri Joe Walsh? “Xilka inaan u tartamo ayaan rabaa, sababtoo ah isagu uma qalmo – ma jiro qof doonaya inuu isxilqaamo, sidaas darteedna waa in la helo waddo kale”, ayuu ku yiri warbaahinta ABC. Mr Walsh ayaa kursiga aqalka wakiillada loo doortay sanadkii 2011-kii, xilligaasna wuxuu ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Tea Party. Tea Party waa garab siyaasadeed oo asal raac ah, oo ka tirsan isla xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareylkanka. Yaa Trump kula loollami doona doorashada 2020? Siyaasiyiinta xisbiga dimuqraaddiga ee raba inay wajahaan Trump Maalinta ay dhaceyso doorashada xigta ee madaxweynaha Mareykanka waxaa hadda ka harsan muddo 1 sano ah, laakiin tartanka dhinaca xisbiga Dimuqraaddiga ee loogu jiro qofkii wajihi lahaa Trump ayaa horayba u billowday. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden iyo Bernie Sanders oo horay isugu dayay loollanka xilka madaxweynaha, ayaa goor sii horreysayba sheegay inay diyaar u yihiin dagaalka siyaasadeed ee doorashada lagula galayo madaxweyne Trump. Siyaasiyiinta kale ee safka ku jira ayaa ah kuwo aan si weyn loo aqoonin. bbcsomali Qaran News
  19. (SLT-Hargeysa)-Weerarka dhanka afka iyo warbaahinta loo adeegsado ee u dhexeeya Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo galay qaddiyadda citiraaf raadinta ee Somaliland. Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Trump waxa dhex maray dagaal dhanka weedhaha iyo warbaahinta ah oo aanay waxba iskula hadhin, islamarkaana is xajiimayn iyo dhinac walba in uu dhanka kale arrimo kala duwan ku eedeeyo ah. Qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka oo u muuqata in ay u janjeedho dhanka Trump ayaa ka warramay in Ilhaan Cumar ka soo horjeedo qaddiyadda Somaliland, islamarkaana dhabarka u jeedisay dadaallada citiraaf raadinta iyada oo qalbiga ka jecel Soomaaliya oo ay tilmaameen in ay ka soo barakacday. Warbixinta ayaa si weyn loogu ammaanay Somaliland waxaana si weyn loogu celceliyay dhalliilidda Soomaaliya iyada oo si weyn loo adeegsaday waddanka fashilmay ee Soomaaliya, waddan musuqmaasuq ragaadiyay iyo meel dagaallo halakeeyeen in ay tahay. Waxa Ilhaan lagu eedeeyay in ay neceb tahay Israa’iil oo ah dalkii u horeeyay ee Somaliland aqoonsaday 26 June 1960 markii Ingiriisku xorriyadda siiyay, islamarkaana ay jeceshahay Falastiin iyada oo sidoo kalena neceb Somaliland. Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay si la mid ah Ilhaan u neceb tahay Israa’iil waxaana tusaale loo soo qaatay masuul ka tirsana wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo boggiisa ku qoray qoraal kooban oo uu ku taageerayo xidhiidh diblamaasiyadeed oo dhex mara Somalia iyo Israaiil laakiin, arrintaasi awgeed shaqada looga eryay. Waxa warbixinta lagu gabogabeeyay in Soomaaliya iyo Ilhaan ka soo horjeedaan madax bannaanida Somaliland sidoo kalena ka soo horjeedaan Israa’iil. Halkan hoose ka akhriso warbixintan: https://www.frontpagemag.com/fpm/274739/omar-turns-her-back-somalilands-aspiration-freedom-joseph-klein?fbclid=IwAR29-NWEqhE4ezvloV_Us1iwdpKW08eAc-n91l4nPFDxmtUq93PXDDHMBSY#.XWY0oGfLN0k.facebook Source
  20. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid oo katirsan xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waxa uu si adag uga hadlay dhammaystir la’aanta dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo khilaafka madaxda Soomaaliya. Cabdi Qayb-diid ayaa waxa uu sheegay in madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah looga baahan yahay inay dayacaadda iyo danaysiga ka daayaan dastuurka dalka oo ah mustaqbalkii umadda Soomaaliyeed kana shaqeeyaan dhammaystirkiisa. Dhanka kalena, Qaybdiid wuxuu tilmaamay inaysan jirin sabab ay madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah u kala maqnaadaan ayna waajib tahay inay miiska isugu yimaadaan xalliyaana kala aragti duwanaantooda. DAAWO PUNTLANDPOST The post Senator Cabdi Qayb-diid,”Majirto sabab madaxda federalka & dowlad goboleedyadu u kala maqnaadaan”. appeared first on Puntland Post.
  21. Dhuusamareeb (SMN) – Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta dibadbax ka dhigay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa lagu taageerayey dadaalka ay dowladdu ka wado gudaha magaaladaasi ee lagu doonayo in lagu dhiso Galmudug oo loo dhan yahay. Dibadbaxayaasha aya ku qeylinayey arayo ay ku taageerayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Shalay ayey aheyd markii ay Ahlu Sunna ay shaacisay inuu burburay heshiiskii ay la gashay xukuumadda Soomaaliya, walow ay dowladda federaalka ay iska fogeysay eedeyntaasi. View the full article
  22. Garowe (SMN) – Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Halkan hoose ka akhriso qodobada. View the full article