-
Content Count
209,351 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa si rasmi ah u magacaabay taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka. Taliyaha cusub ee guutada 15-aad qeybta 21-aad ciidanka Militeriga ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay, Taliyihii ugu sareeyey ciidamadii Ahlu-Sunna ee dowladdu la wareegtay S/Guuto Mascuud Maxamed Warsame. Magacaabistan oo ah tii ugu horeysay ee uu sameeyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, ayaa kusoo aadeysa xili ay siyaasad cakiran ka dhex aloosantahay Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka. Halkaan ka akhriso warqadda
-
Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dhaqanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si wadajir ah garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay ergada degmada Ceeldheer ku meteleysa shir-weynaha looga tashanayo aayaha Galmudug. Nabadoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo hoggaaminayay ergada maanta soo gaartay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay guddiga dib-u-heshiisiinta, Madaxda Galmudug, dowladda federaalka iyo dhamaan inta gacanta ka geysatay dadaallada dib-u-dhiska Galmudug. Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa uga mahad celiyay ergada Ceeldheer aqbalaadda casuumaadii ay u fidiyeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan. Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa u rajeeyay in ay qaybta uga aadan ka qaadan doonaan shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furamaya magaaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug si loo laba jibbaaro shaqada balaaran ee horumarka deegaanka lagu baadi goobayo. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, oo sheegay inuu doonayo in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya lagu qabto Garowe. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliya iyo sababaha ilaa hadda hor raagan aqoonsiga Somaliland ee Caalamku u aqoonsan waayeen, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Madaxweynaha Puntland “Inagu Maamul ma nihin ee waxaynu nahay Dal iyo Dawlad, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waa ku khalad inuu inaga Maamul inagu sheego, marka uu leeyahay Somaliya iyo Somaliland ayaan wada hadashiinayaa, oo Garowe ayaan Shir ugu qabanayaa si loo dhamaystiro Dastuurka qabyada ah, waxaan leeyahay marka hore adigu waxaad ka mid tahay Somaliya, Maamulkoogu waa Maamul Goboleed ka tirsan Somaliya, markaas Shir Somaliland aad ugu qaban karto Garowe ma jiro, Dastuur qabyo ka ah Somaliya oo Somaliland u yaalana ma jiro, anagu Somaliland ahaanu waxaanu leenahay Dastuur noo gaar ah, markaas marka aad leedahay Somaliland iyo Somaliya ayaana wada hadashiinayaana waa aragti gaaban, Madaxweynaha Puntland dhex ma noqon karo, wuxuu ka hadlayanaa waa waxay awalba ku hadli jireen qolada Somaliya ee uu la midka yahay”. Wasiir Faratoon wuxuu sheegay inaanay Soomaaliya diyaar u ahayn wada hadalka Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliya diyaar uma aha wada hadalada, mana doonayso inay inala hadasho, daacadna kama ah, maxaa yeelay Somaliya waxay ogtahay inay wada hadalada Somaliland wax badan ku waayeyso iyo inaynu ka gar helayno, madaama aynu ka gar leenahay, dood kasta oo ay ku doodo, iyo si kasta oo ay noo sheegantana wax u suurtagalaya maaha, ee waxay ka baqaysaa inay si toos ah inoola hadasho”. Wasiirka ayaa la weydiiyay bal sababaha uu isleeyahay waa caqabado horyaala aqoonsiga Somaliland, wuxuu yidhi “Wadamo badani sababo kala duwan ayey aqoonsiga Somaliland u diidayaan, in badana xogogaal baanay ka ahayn xaqiiqooyinka jira, Wadamada og xaqiiqooyinka jira, sababo kale duwan ayey aqoonsiga u diidayaan, ama Wadamada Afrika ha noqodaan, ama Wadamo kale oo Caalamka ahba noqdaan, laakiin maaha in marnaba la iska indho tiro aqoonsiga jiritaanka dawladnimada iyo dalnimada Somaliland, inaguna dadaalkeena weynu wadaynaa, Wadamada Afrika iyo Wadamada kale ee Caalamkuba xaqiiqada wey wada ogaan doonaan, xaqeena inaga maqana weynu heli doonaa, inagana Somaliya ka hor qaadanay xoriyada iyo xorinimada, kadibna weynu midawnay, Wadan kastana waxaanu diyaar u nahayn in aanu ka dhaadhicino oo aanu u soo bandhigno jiritaankeena iyo qaranimadeena”. Source
-
(SLT-London)-Boqoradda Britain, Queen Elizabeth ayaa aqbashay qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson uu ku codsay in howl-gab laga dhigo baarlamaanka. War qoraal ah oo kasoo baxay la-taliyayaasha rasmiga ah ee Boqoradda Britain eeloo yaqaano ‘The Privy Council’, ayaa sidaasi sheegay maanta oo arbaca ah. Warkan qoraalka ah ayaa lagu xaqiijiyay in baarlamanka Britain howl-gab laga dhigay inta u dhexeysa 9-ka September ilaa laga gaarayo 14-ka October. “Waxaa maanta boqoraddu ay amar ku bixisay in baarlamaanka uusan shaqeyn doonin inta ka horeysa 9-ka Spetember , 12-ka September ilaa laga gaarayo14-ka October 2019” Qoraalka kasoo baxay la taliyayaasha rasmiga ah ee Boqoradda ayaa sidaasi lagu yidhi. Baarlamanka Britain ayaa lagu waday in uu dib u furmo 2-da Sebtember marka mudanayaasha baarlamanku ay kasoo noqdaan fasaxa Talaabada ay boqoraddu ku dhaqaaqday ayaa doodo xoog badani ay ka dhasheen – in ay aqbashay codsigii Boris Johnson ee ahaa in baarlamaanka howlihiisa shaqo la joojiyo laga bilaabo bisha soo socta ilaa bartamaha October ayaa ka dhigan in Xildhibaanada laga hor istaagay in ay ka horyimaadaan qorshaha Britain ay doonayso in Midowga Yurub ay kaga baxdo heshiis la’aan. Dibad-baxyo ayaa hadda ka socda afaafka hore ee dhismaha baarlamanka Britain iyadoo dadku ay diidan yihiin in boqoraddu ay go’aan intaas le’eg gaadho kadib codsiga uga yimid Boris Johnson. Source
-
(SLT-Sanca)-Millatariga dalka Yemen ee taageerada ka helaya caalamka ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta magaalada xeebta ah ee Cadan. Wasiirka warfaafinta Mucamar Al-Ceryani ayaa sheegay in saddex todobaad kadib ay ciidankooda ay ku geeleysteen in mucaaradka laga saaro magaalada oo ay kala wareegeen millatariga Imaaraadka. Mr Ceryani ayaa ku soo qoray bartiisa Twitterka in ciidanka yemen ay gacanta ku hayaan dhammaan degmooyinka Cadan. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale daba socday muuqaal yar oo muujinaya shacab wata sawirka madaxweyne Cabdu Rabbu Mansuur Haadi. Source
-
Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa la dhisay 100 sano ka hor, waana dareemi kartaa tirada dadka xiligaas ku sugnaa Muqdisho. Burburkii Dowladii dhexe kadib oo aan la dayactirin ayaa waxaa uu ka dhigay mid ah xabsiyada ugu xun caalamka, sababtoo ah qolalka 5 mitir ah ayaa waxaa lagu xiraa 60 maxbuus, taas oo sababta inuu qofku mararka qaar uu waayo xataa meel uu salka dhigo iskaba daa inuu helo meel uu seexdo. Markii loo soo magacaabay Gen. Bashiir Maxamed Jamac “Goobe” hortaantii 2015-ka wuxuu isbadal deg-deg ah ku sameeyey nolosha maxaabiista. Wuxuu si fiican u mareeyey qoondada dowlagu ugu tala gashay maxaabiista taas oo ah 60 dollar bishii, maxaabiista ayaa durbadiiba ku wargaliyey ehelkooda inay iska dhaafaan cuntadii loo keeni jiray kadib isbadalka deg dega ah oo Gen. Bashiir ku sameeyye nolosha maxaabiista. Waxaa sidoo kale uu wax weyn ka qabtay biyo la’aantii ka jirtay xabsiga iyadoo markii hore maxbuusku loo qorsheeyey 24-kii saac in 3 liter oo biyo ah u isticmaalo qubaysa, weyso, cabitaan, iyo suuli, waxaana maxbuusku waqti badan galin jirey sida uu ilaanshan lahaa biyihiisa yarka ah. Gen. Bashiir ayaa meesha ka saaray dhamaan dhibaatooyinkaas, wuxuu islamarkiiba bilaabay inuu sameeyo dhismayaal si maxaabiista looga kala yareeyo culayska iyo ciriiriga ka jira qololka, wuxuuna xabsiga balaarintiisa iyo qalabayntiisa kala kaashaday shirkado Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay shirkada Hormuud, waxaana uu suurtagaliyey oo kale inuu kala saaro maxaabiista si kuwa danbiyada yar yar loo haysto madaxweynaha cafis u weydiiyo, halka kuwo kale oo u xirnaa lacago ay xadeen ama dayn lagu lahaa uu bixiyey lacagahaas kadibna la sii daayey. Waxaa sidoo kale ka soo saaray saraakiishii ciidanka Asluubta qolol yar yar oo jajabsan oo ay la dhex fadhidayeen Teebkii wax lagu qori jiray 30 sano kahor isagoona u sameeyey xafiisyo qalabkooda u dhan yahay una dayactiray qaybo ka mid ah xafiisyada Wasaarada Cadaalada oo wada shaqayn ay ka dhaxayso. Gen. Bashiir mudo ka yar lix bilood ayaa waxaa maxaabiistu heleen qolol ay seexdaan, telefishino ay daawadaan, cunto sadex waqti ah, barashada farsamooyin gacanta iyo barxado ay ku nastaan kuna cayaaran galabtii. Waxaa kale oo u howlgalay sidii xabsi weyn looga hirgalin lahaa xaruntii Asluubta ee ku taalay Ex-control Afgooyo, iyadoo dhawaan xariga laga jaray mid ka mid ah xabsiyada ugu casrisa qaarada, isagona ku soo siyaadiyey warshad samaysay qalabka guryaha iyo xafiisyada, gawaarida bullet proof-ka ah, warshada marmarka samaysay iyo dayactir uu ka sameeyey goobo taariikhi ah sida Dhagax Tuur iyo Xaawo Taako. Ciidanka Asluubta oo Gen. Bashiir ka hor ahaa kuwo maxaabiista uun la nool ayaa uu ka dhigay kuwa ka qayb qaata sugida Amniga qaybo kamid ah caasimadana ay la wareegeen amnigeeda, wuxuu uu keenay qalab, hub iyo gawaari, wuxuu ka mid noqday talayayaasha ku jira gudiga Amniga oo madaxweyne Farmaajo uu gudoomiye u yahay. Waxaan cabsi ka qabaa in dhamaan arrimhaas uu sameeyey Gen. Bashiir in dib u dhac ku yimaado lana higsan waayo qorshayaashii kale oo uu dagsanaa, sababtoo ah Gen. Bashiir waa nin dowlad yaqaan ah, bulshada xiriir dheer la leh, yaqaana sida caalamka loola shaqeeyo. Waxaan aad u rajaynaa in taliyaha cusub Gen. Mahad uu meeshaas kasii amba qaado horamrka muuqada oo maanta ay ku talaabsadeen Ciidanka Asluubtu. W/Q: Diraac Fagaase dhoodi222@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-28082019.mp3 View the full article
-
Kismaayo-(Caasimada Online) – Kulan aan caadi ahaayn oo maanta ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Jubbaland, lix maalin kaddib dib u doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu iclaamiyay waqtiga la qabanayo Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland. Golaha Wasiirrada oo kulankooda ku gorfeeyay arimo badan oo ay ka mid tahay xayiraadii xukuumadda federaalka ka saarneed magaalada Kismaayo ayaa soo hadal qaaday arimaha caleemo saarka Madaxweynaha. Golaha ayaa guddi qaban qaabo u magacaabay xafladda caleemo saarka, waxaana guddoomiye looga dhigay Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere). Kulankii golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa lagu iclaamiyey waqtiga ay dhaceyso xafladda caleemo saarka, iyadoo loo asteeyey inay dhacdo Munaasadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland 26/9/2019. Guddiga loo xilsaaray qaban qaabada xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axnmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la faray inay dar-dar galiyaan howlaha loo igmaday. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Xaaf oo Hobyo ka degay Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo loo arkayay in uu ka huleelay Galmudug, kadib heshiiskii uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u soo rogaal celiyey. Xaaf oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka degay degmada Hubyo ee gobolka Mudug, oo ka socdo shir beeleed dib u heshiisiin ah, oo ka madax bannaan dowladda Federaalka Soomaaliya. Xaaf ayaa markii uu ka degay Hobyo, soo saaray war-saxaafadeed ku taariikhaysan 22-kii bishan oo ku taageerayo doorashadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadda laga joogo todobaad. Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Jubbaland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhexeeya, dibna u soo celiyaan wada shaqeyntoodii. Bishii July 4-teedii ee sanadkan ayay ahayd markii, Axmed Ducaale Geelle Xaaf sheegay in uu Geeddi-socodka dib u-heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug u wakiishay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta, waxaa ka horeeyay hadlka Xaaf heshiis uu Cadaado kula galay Ra’iisul Wasaare Kheyre, ilaa xilligaasna wuxuu ka ag-dhawaa madaxda Federaalka. Balse hadda waxaa muuqada in khilaaf soo kala dhexgalay Xaaf iyo dowladda Federaalka oo doonaysa in ay Galmudug madax uga dhigto dad taageero u ah. Arrintan waxay ku soo aadaysa, iyadoo shalay Ahlu-sunna Waljamaaca sheegtay inuu gebi ahaanba buray heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya, halka federaalku sheegtay in Ahlu-sunna ka baxday heshiiskii labada dhinac. Sidoo kale Xaaf iyo Ahlu-sunna ayaa horey khilaaf uga dhexeeyay, balse hadda lama oga waxa ka dhexeeya, waxayse u muuqataa in Xaaf uu dib ula midoobayo saaxiibadiis Puntland iyo Jubbaland. Xaaladda Galmudug ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareysa, waxaana ragaadiyay khilaaf siyaasadeed oo la aaminsan yahay in ay ku lug leeyihiin dalal shisheeye. PUNTLAND POST The post Xaaf ma xabsi buu ku jiray? appeared first on Puntland Post.
-
Ugu horrayn, madaxweynaha Jaamacaddu waxa uu idiin sheegi doonaa intan, “Dhammaantiin istaaga, Maanta oo bishu tahay 29, ogoos, 2019, markii guddida jaamacada, iyo dhammaan horjoogayaasha kulliyaduhu ay eegeen shuruucda jaamacadda u taala, waxay ku qanceen in aad maanta qalinjebiseen–oo aad buuxiseen shuruudihii qalinjebita, dhammaantiin waxaan idin leeyahay hambalyo, hambalyo hambalyo”. Warkaasi waa warka ugu fiican ee aad maqli dontaan intaad xarunta qalinjebinta fadhidaan. Intaas kadib waxaa bilaabmi doona tirsiga iyo wararka dhiilada leh ee ay is-waydaarsan doonaan nimanka Somaliland xilalka ka haya iyo kuwa u soo mici dhabanayaa. Waxaa dhegahiina sida danabka dhexqaadi doona hadalo aan loo meeldeyin oo xukuumaddu si’ badheedha idiinku sheego doonto in aanay waxba idiin haynin. Waxaa idinka hor daldalmi doona madaxweynaha Somaliland, Muse Bixi. Isaga oo ku fashilmay hoggaaminta waddanka iyo ilaalinta nabadgelyada, waxa uu munaasibaddiina ku hafin doonaa hadalo siyaasadeed oo aan idinka waxba idiinka cabbin. Waxa uu idinka hor sheegi doonaa hadalo uu ka xishooday xilligii uu madaxtooyada dhexjoogay in uu warbaahinta ka tebiyo. Iyana waxaa la wareegi doona siyaasiyiin mucaarid sheegta oo ka faa’iidaysanaya warbaahintan bilaa qarashka ah iyo madashan cammiran. Xukuumadda iyo mucaaridkuba waxay sida bullaacadda idin ka wasakhayn doonaana maskaxda wanaagsan ee aad la soo kallahdeen. Munaasabaddii kal hore, 2018. Waxay ahayd munaasibaddaydii, waxay ahayd maalintaydii, balse, sidii wax waliba ugu socdeen si’ wanaag iyo farxadi ku jirto waxaa hadalo aanan u bogin meesha la soo galay laba masuul, waa Buunigii UCID masuulka ka ahaa iyo Madaxweyne, Muse. Labadooduba hadalo wanaagsan mayjeedin oo aan ka ahayn hadalo ay ka muuqato jeesjees. Ugu danbayn, qofkasta oo berri jooga Xafladda Qalinjebinta waxaan kula talin lahaa in uu niyad ahaan is-dejiyo oo aanu u fiirsan hadalada waxashnimada ah ee ka soo buxtaaci doona xukuumadda oo dhinac ah iyo mucaaridka oo dhinac ah. Xilli kasta waayahiisa leh. Halkii aad uga kallahdeen farxad, dabbaal deg iyo maalin bilan oo boqran, waxaa idinka hor imaan doona hadallo aydaan jeclaysanayn. Waxaa idin ku hor hunqaaci doona shakhsiyaad wanaagiina iyo waxtarkiina aan jeclayn weligoodna aan dadaalkiina waxba ku darsan. Hadaladaasi waxay maskaxdiina ku reebi doonaan dhaawac aydaan ugu talo gelin. Idinkoo farxad kusoo toosay ayaa dib laydinku celin doonaa siyaasadda rifanka iyo lisanka ah ee sii saqiiraysa. Sadam Osman Kaabash Biomedical Scientist Hargeisa, Somaliland Qaran News
-
Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo 22-kii bishan loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Warqada hambalyada ee kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xaaf oo maanta la shaaciyay ayaa Axmed Madoobe loo diray 22-kii bishaan oo ku beegneyd maalintii loo doortay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaf ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo maamulka jubaland inay wada-hadal ku xaliyaan khilaafka ka dhex-jira dibna loo soo celiyo wadashaqeyntii ka dhaxeya labada dhinac. Hambalyadaan uu madaxweyne Xaaf u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland oo maanta la shaaciyay ayaa kusoo aadeysa xilli uu Xaaf maanta gaaray magaalada Hobyo kadib ku dhowaad laba bi loo uu ku sugnaa Muqdisho.
-
“Arinta Caare Waa Gantaal Badhida Inaga Yaala hadii aynu Reer Somaliland nahay,, hadii Maanta uu Caare yidhi Waar Hubkaygii iyo Anigaba I Hooya, Maaha Inay Dadka Qaar Yidhaahdaan Waa Dambiile Iyo Waa Kan…” Guddo. Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si mug leh uga hadlay Xaaladda Siyaasaddeed ee wakhtigan Jamhuuriyadda Somaliland marayso waxaanu si gaara u dul istaagay arimaha Qabsoomida Doorashooyinka iyo Carqaladdaha ku Xeeran, Xaaladda Goboladda Bariga Somaliland gaar ahaan Jabhadda Kornayl Caare ee G. Sanaag iyo Ciidamada Qaranka Somaliland ka tirsanaa ee G/Sool ka tirsanaa ee Putland u goostay. Guddo. Eng. Faysal Cali Waraabe oo Maanta Magaaladda Burco kaga qaybgalay ku Shirkii 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID oo Burco uga furmay, waxa uu halka ka jeediyey Khudbad muhiima oo dhinacyo badan oo Xaaladda Siyaasaddeed iyo Amni ee Wakhtigan Jamhuuriyadda Somaliland marayso kaga hadlay isaga oo arin nasibi daro ah ku tilmaamay in Jabhadda Kornayl Caare oo u diyaara inay Somaliland isku soo dhiibto lagu tilmaamu dambiile qaran lana faro geliyo Ergadii Odayaasha ahayd ee arinta isku Xilqaantay, waxaanu dhinaca kale ka hadlay arimaha Qabsoomida doorashooyinka golayasha deegaanka iyo Wakiiladda iyo Carqaladdaha hortaagan ee Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa looga baahan yahay inay wax ka qabtaan. https://www.youtube.com/watch?v=7gPOuUES8YQ&feature=youtu.be Virus-free. www.avast.com Qaran News
-
Shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Garowe,iyadoo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah. Shirkan waxaa kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan waxaa uu socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal. Halkan ka akhriso Qodobada laga soo saaray Shirkii Garowe ee soo dhamaaday. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Geele Xaaf ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe. Mudane Xaaf ayaa sidoo kale hambalyo u diray shacabka Jubbaland iyo guddiga doorashada ee maamul goboleedka. Ugu dambeyntii waxaa uu madaxweynaha Galmudug ku taliyey in DF iyo Jubbaland ka wada shaqeeyaan sidii Loo xalin lahaa khilaafaadka jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama. Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika. Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada,xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika. Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan. View the full article
-
Marodijeh governor, Ahmed Jam’a, told Radio Ergo that heavy rains caused the deaths of three people and injured 18 others on Tuesday 27 August. Source: Hiiraan Online
-
Taageerayaasha Ahlu Sunna ayaa maanta dibadbax ka dhigay waddooyinka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug Dibadbaxan oo saacado socdey ayey ka qeybgalayaashu wateen boorar ay ku diidan yihiin saraakiil amni oo dhowaan dowladda halkaasi u magacawday, waxaa kale oo ku qeylinayeen “Culimo diid doonimeyno”, “Khawaajir doonimeyno” iyo erayo kale. Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna oo dibadbaxa kadib la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dibadbaxoodu ahaa mid nabad ah, lagu diidanaa in Dhuusamareeb dagaal ka dhaco iyaga oo intaasi raaciyey in laga rabo dowladda federaalka ah iney dhageysato rabitaanka shacabka Dhuusamareeb. Dhanka kale isla Dhuusamareeb waxaa ka dhacay dibadbax kan Ahlu sunna ka yaraa oo lagu taageeray ra’iusul wasaare Kheyre, waxaana ku qornaa boorarka“dowlad diid doonimeyno”, “daneyste doonimeyno”. Maamulka Ahlu Sunna ayaa shalay talaadadii sheegay inuu burburay Heshiiskii ay la galeen DF iyaga oo sheegay in diyaar u yihiin difaac iyo dagaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama. Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika. Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika. Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan. The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka iskaashiga Africa iyo Japan. appeared first on Puntland Post.
-
Yokohama (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama. Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika. Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada,xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika. Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan.