Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,345
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobey Abuukar Daahir Cusmaan waraysi gaar ah bixinayey ayaa golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada golaha ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. “Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha”, ayuu yiri danjire Abuukar. Dhanka kalena, waxaa go’aankaan siweyn u soo dhoweeyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo boggiisa gaarka ah ku sheegay inay soo dhaweynayaan diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. “Qaraarka haatan la diiday oo ay dawlado kale dano gaar ah ku wateen, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Soomaaliya uu caalamku ku taageero kuwaasoo lagu bixiyo dhinacyada horumarinta, ammaanka iyo gargaarka ayaa wuxuu mudanyahay bogaadin”.Ayuu raaciyay Mudane Cabdi-nuur. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu markale waxa uu yiri,“Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLANDPOST The post Soomaaliya oo soo dhoweysey diidmada Qaramada Midoobey ee qaraarka 1267. appeared first on Puntland Post.
  2. Alabama GOP Senate candidate Roy Moore attacked Rep. Ilhan Omar on Twitter Wednesday — telling her to “go back to Somalia from whence she came” — after she referred to him in a tweet as a “child molester.” Source: Hiiraan Online
  3. With the support of FCA, psychotherapist Rowda Olad works in grassroots-level mental health care and participates in the reconciliation work in Somalia. Source: Hiiraan Online
  4. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan booqasho sagootin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay howl gallo gaar ah oo Al-Shabaab lagula dagaalamayo. Mudane Xasan Cali Khayre oo ciidamada uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in Al-Shabaab ay ka saaraan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada. DAAWO PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo sagootiyey ciidamo loo diray howlgal khaas ah. appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan booqasho sagootin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay howl gallo gaar ah oo argagaxisada la gula dagaalayo. Mudane Xasan Cali Khayre oo ciidamada uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in argagaxisada ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada. Ciidamada uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre sagootiyey ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed. Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay booqashada dardaaranka iyo sagootinta ah isugu jirtay ee lagu dhiirri gelinayay ciidamada. Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo kooxaha caadeystay daadinta dhiigga iyo boobka hantida ummadda Soomaaliyeed.
  6. Sidii dowladdaanu u timid dhib ayay ka bixi wayday. Wareerba mid ayuu dhiibay. Kii sii dhammaanayaba midbaa daba socda. Xaggee laga gaaray? Maxaa keenayo shiddadaan aan dhammaadka lahayn? Su’aalahaan madaxayga buuxiyay waxaan filayaa inay dad badan ila qabaan sidaa darteed ayaan is iri waa muhiim inaad akhristiyaasha la wadaagto waxa kaaga soo baxay falaqaynti ay gashay maskaxdaadu. Dhibaatooyinkaan oo ka koobnaa go’aanno iyo ficillo ayaa wada ahaa kuwo masiiri oo guushooda iyo guul-darradooduba mustaqbalka dalka saamayn weyn ku yeelan lahaa. Mowqifkii ay ka qaadatay khilaafkii waddamada Khaliijka, qabsashadii lacagta Imaaraatka iyo cayrintiisi daba socotay, weerarka Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, dagaalki ay la gashay maamul goboleedyada dib u habaynti ciidamada ee gedoodkii ciidamada eek u lammaanaa, midda hadda taagan ee Ahlu-sunna iyo iyada u dhaxeeya waa un qaar ka mid ah caqabadihi isdaba-joogga ah ee Nabad iyo Nolol faylka ugu jiro. Dhibkaan ma iyadaa abuurto? Ma aqoon darro iyo dadnimo xumaa u gaysay? Ma laga maarmi karaa? Waxtar iyo faaiido dalka ma u yahay yaase helayo miraha dhibaatooyinka haddiiba laga gurto miro macaan? Su’aalahaan ayaan isku dayi doonaa inaan wax ka iraahdo inta karaankayga ah. Dadku waa saddex. Taageerayaal daacad u ah Nabad iyo Nolol, mucaarad si dhab ah ooga soo horjeeda iyo dhexdhexaad falanqeeyo xaaladaha dalku marayo iyagoo isticmaalayo macluumaadka ay heli karaan, faaqida ka dibna macno macquul ah si daacad ah ooga dhalaaliyo. Kuwa danbe ayaan isku tirayaa inaan khaldanahayna way dhici kartaa. Dhiibaatooyinkaan dowladdu wajahayso, taageerayaasheedu waxay u arkaan khiyaamooyin ay maleegeen mucaarad oo lagu doonayo in dowladda waxqabadkeeda lagu mija-xaabiyo. Waxay ku doodaan dad horumarka diidan ayaa ka danbeeyo, mucaaradka ayaa abuuray, hadalka qalloociyay, dalal shisheeye ayaa ka danbeeyo IWM. Dhinaca kale, mucaaradku wuxuu isla markiiba lasoo boodi waa dadnimo xumo iyo talo la’aan. Waa xukun boob iyo awood jeceyl, waa dulqaad la’aan iyo madax adayg, waa doonid xukun kaligi talis ah, waa fudayd iyo hanfadenimo IWM. Kooxda saddexaad oo aan anigu ku jiro waxaan leenahay labadaasba midna maaha. Waxaan qabaa in dowladdu dhibka iyadu abuurto si ula kac ah ee aysan ahayn khiyaano loo maleegay. Go’aannada ay qaadatay intooda badan waxay ahaayeen kuwo ay baaqsan kartay haddii ay iyadu doonto. Qaar mujaamalayn iyo maslaxo ayay kaga gudbi kartay si fudud. Laakiin waxay go’aansatay inay si cad ugu bareerto oo iyadu bilowdo. Balse uma arko sida mucaaradka fududay iyo hanfadanimo ama xukun jeceyl iyo kaligi-talisnimo. Maxaa ku kallifay markaa? Madaxda hadda talada hayso waxay la socdeen xaaladihii uu dalku marayay tobanki sano ee ka horraysay. Waxay arkayeen go’aannadi ay qaateen madaxdi ka horraysay iyo natiijooyinki ka dhashay inay u badnaayeen kuwo ku salaysan faaiidada waqtiga dhow ee danta dowladda markaas xukunka haysay laakiin cawaaqib aan laga soo kaban karin dalka ku yeelanayeen. Tusaalahaan si dhug leh u dheeg. Dowladdi madaxweyne Shariif waxay aad isugu daalisay qancinta maamulka Puntland (PL) oo markaas ahaa maamul goboleedka kaliya ee dalka ka jiray. Laf dhuun gashay ayay PL ku noqotay. Cabasho, dacwo iyo sheegasho iyo faragin awoodda dowladda dhexe ayay ka dhmmaan waayeen madaxdi markaas haysay talada PL. Madexweyne Shariif inuu dabeec muujiyo ayuu ku dadaalay. Wuxuu qaaday tallaabo walba oo PL ku qanci karto ilaa uu aqbalay in guddigii loo saaray dhexdhexaadinta Dowladda federalka ah iyo Soomalilaan (SL) lagu daro dad matalayo maamula PL. Arrintaas waqtigaas Shariif culayski waa ka yaraysay laakiin waxay dhashay dhibka ilaa maanta ka imaanayo PL oo ah in lagu qancin waayo inay la siman tahay maamuullada kale ee dalka, inaysan xaq u lahayn xubin matasho iyada oo ka qayb qaato wada hadalka SL. Sidoo kale, dabacii uu Shariif tusay PL wuxuu tusaale u noqday maamulladi cusbaa ee la dhisay. Dhammaan waxay dooneen madaxda dowladda dhexe inay kursiga kula fadhiyaan. PL ayaa markiiba isku duwatay maamuulladi cusbaa si ay hormuudka u hayso, awood ay dowladda dhexe ku xukuntana u hesho. Waxay wadaanba waxay madexweyne Xasan ku qasbaan inuu sameeyo guddi ay maamul goboleeyadu u badan yihiin oo ka taliyo dalka. Safiir iyo wasiir booqasho ku yimid Villa Soomaaliya haddaan guddigaas lala socodsiin waxay noqotay xukun maroorsi iyo madax tag in lagu tilmaami. Dowladdi ayaa shaqadaydi qabsan wayday dhinaca kale madaxdi maamullada ayaa waqtigii ay ugu adeegi lahaayeen dadki doortay waxay galiyeen ilaalinta dhaqdhaqaaqa madaxda dowladda dhexe. Madexweyne Xasan isagoo arkaya khaladka siduu u weynyahay ayuu maslaxo u arkay samaynta guddigaas si xal loo helo balse dhib ma ogiye dheef ma keenin. Tusaale labaad waa qaabki ciidamadu aayeen. Waxaa qornaa kumannaan ciidan ah oo been ah. Taliyayaashooda ayaan ku qaadan jiray lacagta badan ee ciidanka magac ahaan un waraaqaha ugu qoran loo siiyo mushaar. Madaxdu waa arkayaan waase ka cabsanayeen inay tallaabo qaadaan. Sanadi 2014ki ayaan meel qado ah ku kulannay xildhibaan ka mid ah raggii madaxweyne Xasan aadka ugu dhawaa. Waxaan kusuoo qaaday arrinta ciidamada oo aan islahaa amuu madaxweyne Xasan farriinta gaarsiiyaa. Wuxuu igu yiri Xamar kaliya waxaa u qoran soddon kun oo isugu jiro boolis, militiri iyo nabada sugid. Laakiin inta dhabta ah kama badno shan kun waana ognahay. Waxaan ku iri maxaa diiday in arrintaan la saxo. Wuxuu igu jawaabay aad ayaan ooga fakernay. Dad aad u badan oo awood leh ayaa ku lug leh. Haddii la farogaliyo wareer aan kasoo kaban weyno ayaa nagu furmi. Sida halkaas nooga muuqato madaxdu waa u caddayd in isbaddal loo baahan yahay laakiin khatarta la socoto isbaddalka in loo bareero ayaan sahlanayn. Haddii maamul walba oo yimaado ka cabsado wajihidda khatarta ka imaanayso isbaddalka daruuriga ah sidee looga bixi dhibta? Madaxda hadda jirta iyagoo arkaya khatartaas ayay u bareereen isbaddal dhab ah oo ciidamada tiradooda lagu saxo. Waxaan xasuusanna hadalki Xasan Cali Kheyre ee ahaa “waxaa la igu yiri ka joog arrinta ciidamada wax kama qaban kartide. Waxaan iri haddii xataa aan shaqadayda ku waayayo joojin mahayo ilaa la helo tiro rasmi ah”. Taalloobooyinka iyo go’aannada adag ay dowladdu qaadday qaar waxay ahaayeen kuwo sax ah oo qof walba oo Soomaali oo dalkiisa jecel raalli ka ahaa. Tusaale, midkii ay ka qaadatay Imiaaraat. Haddaysan Imaaraat waddanka ka saarteen waxaa hubaal ah in maanta ay jiri lahayd jamhad la mid ah kuwa la dagaalamo Liibiya iyo yamen. Saas oo ay tahay dad badan ayaa u arkayay waalli iyo qar iska tuurnimo. Waayo cidna ma filanayn inay Imaaraat ka adkaan doonto. Ficilladu qaar waxay ahaayeen kuwo khaldan ayna qirteen inay khalad ahayd balse natiijada laga helay ay anfici doonto badbaadada dalka sida ay aniga ila tahay. Tusaale, weerarki Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur wuxuu ahaa khalad. Mu’waadin in la iska weeraro danbi la’aan cidna ma soo dhawayn iyaguna inay macluumaad aan jirin oo loo gudbiyay ka ficiltameen bay u muuqatay. Marki dhibki dhacay wixii la tuhmayayna laga waayay cudurdaar ayay dowladdu ka bixisay. Wasiir Ducaale Isloow waa isagii ku yiri odaayashii matalayay Jaallee Cabdiraxmaan Cabdishakuur “naga raalli ahaada wiilashiinni oo khalad galay ayaan nahaye”. Hasa yeeshee khaladkaas waxaa laga dhaxlay faaiido weyn. Wuxuu cashar u noqday raggii dowladaha shisheeye la shaqayn jiray ee sida nabadda ah Xamar danaha shisheeye ooga fulin jiray. Dhibkaas ka dib raggii aadka oo loo tuhmi jiray ee uu aabbaha u ahaa Cumar Cabdirashiid lug danbe Xamar masoo dhigin. Sidoo kale, shirarka ay abuubulaan dalalka shisheeye ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya waxaa qasab noqotay in dibadda lagu qabto. Ma lihi Cabdiraxmaan ayaa dal shisheeye u shaqayn jiray waayo cid ku caddaysay ma jirto. Ee waxaan u jeedaa natiijadi weerarkaas wixii laga dhaxlay. Cabsidaas waxaa keenay baan isleeyahay in la arkay inaysan dowladdu cidna ooga haybaysanayn wixii ay u aragto maslaxada dalka jidka loo marayo khaladba ha noqdee. Ma filayo n dadkii bixiyay amarki lagu weeraray Cabdiraxmaan uu ujeedkeedu ahaa farriin u dira ama quusiya kuwa shaqooyinka khatarta ku ah jiritaanka dalka hoos ka wado. Balse waxay ku socdeen macluumaad sirdoonku keenay oo gadaal laga ogaaday inuusan sugnayn. Shiddooyinka iyagoo ka maarmi karo ay gacantooda ku doonteen waxaa ka mid ah midda hadda ka taagan Dhuusamarreeb. Ahlu-sunna (AHS) iyo dowladdu waa isku fiicnaayeen. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay AHS rabto waxaa weeye in ciidankeeda sidooda loogu daayo, dowladdu mushaar siiso korna kala socoto. Laakiin halkooda loo daayo, madaxda AHS ay ka amar qaataan ciidan kalana aan lagu darin. Dabcan dowladdu intaan inay yeesho kuma cusla hadday danteeda kaliya eegayso, Dhuusomarreeb dhib iyo dheef midna dowaldda hadda kalam maqna. Inay maamul Galmudug dhisto, dhowr xubnood AHS laga siiyo ciidankoodana loo daayo way yeeli kartay. Laakiin taasi waxay khatar ku tahay horumarinta ciidamada iyo amniga dalka. Jamhad gooni u taagan oo aan ka amar qaadan taliyaha xoogga dalka in sideeda loo sharciyeeyo waa mid aan barri loo tag helayn. Intii cid iyaga danbayso ay ku hallayn lahaayeen waxay u bareereen inay iyagu foodda galiyaan guul iyo guul-darro key ku dhammaataba. Yaa ka faaiididayo go’aannada qaraar ee Nabad&Nolol? Waligeed isbaddal dadka keeno miraheeda ma gurtaan. Dhammaan kacdoonnadi adduunka soo maray dadkii hoggaaminayay iyagoo waxba ka helin ayay dhinteen ama taladi lagala wareegay. Sida dhabta ah isbaddallada socda waxay anfici doonaan dowladda tan ka danbayso. Tani dagaal unbay ku jiri oo kooxaha la saxayo si fudud isku dhiibi mahayaan. Waqtiga ay guusha rasmiga gaaraan iyo waxaa isku aadi marki doorashada la galo. Dadku waxay ka daaleen wareerki dowdalladaan ku jirtay iyo walwalka joogtada ee maalin walba horyaal. Yaa naga baddalo iyagoo leha ayaa doorasgho la gali. Sidaas ayaa maamulki isbaddalki ugu muhiimsanaa keenay looga codeen. Maamulka xilka la wareegay dal la islaaxiyay intiisi badnayd ayuu hanan. Wuxuu u imaan ciidamo si rasmi loo diiwaan galiyay oo tiro go’ah. Wuxuu heli maamul goboleedyo ka quustay inay madaxweynaha dalka kursiga kula fadhiistaan oo diyaar u ah xubinta ay xaqa u leeyihiin inay ku ekaadaan. Waxaa la macaamili dowlado shisheeye oo quusiyay markaasna diyaar u ah inay si gobonnimo ah wax ula qaybsadaan maamulka jiro. Warki oo kooban dowladdu waxay gashaa dagaal joogta. Dagaalku maaha mid ay ku qasbantahay ee mid ay iyadu doonatay. Sababtu waa in ay u aragto inay sidaasi mustaqbalka dalka dan ugu jirto. Dagaalku in badan jid sax ah ayuu hayaa qaarna meelo khaldan ayay u maraan. Natiijadu waa mid u hari doonto dalka iyo dadkiisa iyo dowladaha middaan ka danbeeyo. Shicibka welwalka qabo waxaa ugu wacan lexejeclo ka haysa dowladdooda iyo dalkooda. Waxay ka cabsi qabaan in dowladdaan curdanka ah dhaqso xiddidada loo siibo. Mucaaradku dhinicisa wax dhiba isma laha. Dhaleecayntoodu waxaa u badan inay helaan fursad ay ku duufsadaan dadka maankiisa si ay ugu guulaystaan hoggaanka dalka. Walwalka ugu badan ee I hayo maaha in dowladdu mucaarad leedahay ee waa inuusan jirin mucaaradki loo baahnaa ee dowladdaan la xisaabtami lahaa. Sababta aan u iri ka sugo qormada xigta hadduu Eebbe idmo. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Hay’adda sirdoonka iyo Nabad sugidda qaranka Soomaaliya ee “NISA” waxa ay soo martay burbur baahsan oo gaadhay heer la waayo magacii ay lahayd iyo weliba goobtii ay ku shaqaynjirtay xilligii ka hor burburkii soomaaliya, waxaa meesha ka baxay dhammaan farsamooyinkii shaqo iyo middii khibraddeed ee hay’addu lahayd, waxaa meesha ka baxay dhammaan wax kasta oo u eekaa hay’ad sirdoon. Hay’adda sirdoonku waxay noqotay wixii uugu horreeyay oo burburay burburkii soomaaliya, waxaa fiigay oo cararay dhammaan saraakiishii khibradda durugsan u lahaa arrimaha sirdoonka maaddaama ay ahayeen meelaha uugu muhiimsan ee indhaha lugu hayay taas oo ay in badan dadku aamminsanaayeen in ay ahayd hoygii laga soo guntay waxkasta oo ay xilligaas tabanayeen kuwii markaas dalka burburintiisa u soo guntaday. Soo laabashadii nidaamyadii u eekaa dawlad curdin ah waxa ay wateen magac iyo muuqaal loo eekaysiiyay hay’ad sirdoon, taas oo ah hay’adda hadda hawlgasha ee NISA. Sannadihii soo laabashada horumarka soomaaliya waxaa iyana dhinac ka soo laabanayay maqaamkii sirdoon ee NISA, waxaa soomaray dhawr sarkaal oo midba meel keenay, markhaantina aan ka ahay in ay dhammaantood wax wanaagsan ka qabteen dhismaha hay’adda. Waxaa jira dhowr sarkaal oo si fiican hay’adda meelo u keenay kana dhigay meel lugu soo hirto niyadna loo hayo soo gelisteeda, sameeyay nidaam hay’addeed, waloow ugu dambayntii raggaas aan xilka fursad loo sii siin. Raggaas waxaa ka mid ahaa Gen. Cabdiraxmaan Tuuryare oo ahaa nin dhalinyaro ah waxna ku soo bartay dalka dibaddiisa, inta uu hayay xilkaas waxa ay hay’addu noqotay mid soo laabata, samaysana dhammaan tallaabooyinkii looga baahnaa ee sirdoon Amni-qaran, balse muddo kadib nidaamka is-bedelka soomaaliya oo ah mid markasta la fisho ayaan u saamaxin sii wadista shaqadii hay’adda. Kaaca-kufka hay’addu soomartay iyo Qof-qof ku bedelkiiba dhammaan sarakiishii soomaray waxay ahayeen kuwo qabtay wax la taabankaro, waxay ku soo shaqeeyeen duurufo iyo wacyi la jaan-qaadayay wakhtigii cakirnaa. Iimaanshiyihii dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne farmaajo waxaad mooddaa in ay xoogga iska saartay laamaha amniga ee soomaaliya, iyada oo dhistay ciidan la taabankaro iyo weliba dib u habayn ku socota hay’adda sirdoonka ee NISA. Imaanshiyaha Fahad Yaasiin ayaa iyana wax ka bedeshay shaqadii sirdoon ee socotay, waxaa meesha ka baxay dhammaan raggii la aqoonsanaa ku jiritaankooda NISA iyo dhammaan ciidankii hubaysnaa ee ku howl-gelijiray magaca Sirdoonka. Waxaa hadda is-bedel wanaagsan ka muuqdaa hay’adda sirdoonka iyada oo ay meesha ka maqanyihiin qof aad u aqoonsanaysaa in uu yahay saaxiibka, waana hannaanka sirdoon ee ay ku hawl-galaan dhammaan sirdoonka caalam, waana tallabada muujinaysa in ay jirto soo laabasho ku yimi hannaankii sirdoon ee uu waddanku lahaanjiray. Aqoonsiyo la’aanta hawl-wadeennada sirdoonku waa kuwa sahlaya in la gaadho guulo badan oo amni iyo in la helo xogihii saxda ahaa ee loo baahnaa, tanna waa mid ay ka markhaanti kaceen dhammaan bulshada ku sugan deegannada ay ka hawl-gasho hay’adda NISA. Si loo helo bulsho ku nool waddan amni ah iyo waddan qurxoon waa in la dhiirigeliya lana dhisaa hay’adaha amniga qaranka, soo laabashada hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka soomaliya waa natiijo dhaxal ah oo bulshadu u baahnayd, waana rajaynayaa in ay halkaas hore uuga sii socoto ilaa laga gaadho, heerka sirdoonnada caalamka iyo amni sugayaasha uu waddan leeyahay. Si loo gaadho natiijada hay’addii awoodda lahayd waa in dib loogu yeedha dhammaan saraakiishii Nabad-sugidda burburkii ka hor iyo ka dibba. Halka ay joogto hay’addu hadda waa natiijo qurxoon oo loo baahnaa. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maanta si adag u naqdiyay hadal dhawaan ka soo yeeray Taliyaha ciidamada Somaliland, Nuux Taani, kaasi oo uu ku sheegay in uu ku faraxsan-yahay ciidamadii ka goostay Somaliland ee ku biiray maamulka Puntland. Xoghayaha guud ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa hadalka Taliyaha ku tilmaamay wax laga naxo, isla markaana ay xukuumada Biixi ku rabto inay dadka reer Somaliland labo ugu kala qeybiso. Xoghayaha oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Badhan waa dhul reer Somaliland ah, dadka badhan waa dad reer Somaliland ah askarta dhulkaas ka soo jeeda mushaharka qaadata mushaharkaas cid alle iyo cid ay marti uga yihiin ma jirto, madaxweynaana uma aha taliyaha ciidankana ugama aha waa mid ay qarankan ku leeyihiin, waxii kale ee gobalada bariga laga qabtaana ee cashuurta Somaliland lagu qabtaa maaha mid qofba qof marti uga yahay, waxa uu taliyuhu yidhi waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay inay tagaan waxaana wax aad iyo aad looga naxo ah inay isaga iyo Puntland isku wax ku farxaan”. “Waxa uu ku farxay inay ciidamadaasi ka tageen waanu ku sababeeyay shilimaan iyo dhaqaale qaranka uga badbaadaya, talihu cashuurta shuqul kuma laha shaqadiisana maaha sida loo qorshaynaayo iyo halka la marinaayaa waa arimo siyaasi ah taliyaha waxa laga doonayay ciidankiisa,akhlaaqdiisa iyo wadajirkiisa inuu ilaaliyo isaga oo ciidankiisii maalin walba ay xayni goosanayso iyada oo ciidanka maalin walba ay samacadiisu hoos u sii dhacayso”. “Waa wax laga xumaado halkii uu arimahaas xal uga raadin lahaa waxaynu aragnay ee aynu daawanay inuu ku sheekeeyo.Guray Cismaan Saalax waa gaashaanle dawlada Somaliland ayaa siisay darajada dhawr iyo toban sano ayuu taliye guuto ahaa inuu talihiisii guud uu yidhaahdo qaranka waxba umuu qabanayan inuu tagana waanu ku faraxsanahay kuwa joogaana ha tagaan macno kele oo fog ayaa ay yeelaynaysaa, macno ah in dadka Somaliland laba loo qaybinaayo oo la leeyahay dadka qaar waxaad tihiin muwaadinka labaad ayay samaynaysaa, shacabka Somaliland waa mid”. Wuxuuna intaas kusii daray “Isbaaradan uu nabada Nuux u dhigtay ma mid uu madaxweynuu dhig yidhibaa mise isbaaro uu isagu sidiisa u dhiganaayo oo uu u arkay in aanay dan iyo wanaag ku jirin inay halkaas wanaag ka aslaaxo way soo bixi doontaa, madaxweynaa fursad ayaanu siinaynaa inkasta oo aanu inkabadan 24 sugaynay inuu arintaas wax ka yidhaahdo oo ilaa hada dawlada hadalkaas Nuux Taani wax ka danbeeyay aanay ka soo bixin oo ay muujinayso inay siyaasad dawladeed ay tahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan casho sharaf ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Mr. Shimelis Kulankan Casho sharafta ah ee uu Madaxweynaha Oromada u sameeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka qabsoomay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ganacsiga ee labada dhinac. Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Shimelis ayaa kusoo dhammaaday guul sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo la kulmay madaxweynaha degaanka Oromada appeared first on Puntland Post.
  10. HARGEISA, Somaliland (CNN) – Three tiny balls of fur huddle together for warmth inside a cardboard box. The baby cheetahs are just a few weeks old, but they’ve had a traumatic start to life. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___Qubanaha-28082019.mp3 View the full article
  12. New York (Caasimada Online) – War hadda naga soo gaaray xarunta QM ee New York ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay si rasmi ah ugu fashilantay ololihii ay ka wadday halkaas ee ku aaddana qaraarka 1267 ee lagu beegsanayey Soomaaliya. Kenya ayaa dooneysay in ururka Al-Shabaab lagu diro qaraarka 1267, si ay taas uga faa’iideysato inay cunqabateyn ku saarto Soomaaliya, islamarkaana ku beegsato hantida ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale shaqsiyaadkii ay doonto. Qaraarkan oo golaha ammaanka uu ansixiyey 15-kii October ee sanaddii 1999-kii ayaa diidaya in wax gargaar ah la gaarsiiyo deegaanada ay maamulaan koox kasta oo qaraarkan lagu daro, taasi oo haddii ay dhici lahayd diidi lahayd in dad badan oo ku dhibaateysan deegaanda ay maamulaan Al-Shabaab gargaar la gaarsiiyo. Waxaa arrintaas si aad ah uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, iyo dalal kale oo dhowr ah. Sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, in Al-Shabaab lagu daro qaraarkan ayaa waxaa diiday lix ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka, oo laba ka mid ah ay yihiin xubnaha joogtada ah. Dalalka diiday ayaa kala ah: USA, France, Belgium, Germany, Poland iyo Kuwait. Waxaa loo baahnaa kaliya inuu diido hal dal, si qorshaha Kenya ee ku-darista Al-Shabaab uu u fashilmo, hase yeeshee dadaal aan kala joogsi lahayn oo uu sameeyey danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, ayaa lagu xaqiijiyey in ku-darista Al-Shabaab ee qaraarka 1267 ay diideen lix dal. Kenya marnaba daacad kama ahayn in qaraarkan ay u adeegsato Al-Shabaab, balse waxa uu ujeedkiisu ahaa in lagu cunaqabateeyo Soomaaliya, ayada oo laga xanibayo gargaarka. Al-Shabaab ayaa waxaa horey u saarnaa cunaqabateyn lagu saaray qaraar kale oo lagu magacaabo 751 oo lagu daray 2007, taasi oo caddeyn u ah inaysan marnaba daacad ka ahayn beegsiga Shabaab, ee ay ku jirtay dagaal kale, Kenya ayaa sidoo kale haddii qaraarkan lagu dari lahaa Al-Shabaab uga faa’iideysan lahayd in shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ku beegsato, haddii ay lacago gaarsiiyaan shacabka ku nool deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab. Waa guul-darro weyn oo taariikhi ah oo usoo hoyatay Kenya, iyo guul diblomaasiyeed kale oo ay Soomaaliya xaqiijisay, ugana adkaatay gardarrada iyo daan-daansiga Kenya. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulan aan loo kala kicin oo maanta ilaa galabta hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna uga socday Madaxtooyada Inji ee magaalada Dhuusamareeb ayaa goor dhaw lasoo gaba gabeeyey. Seddaxda wadaad ee ugu sareysa Ahlu-Sunna ayaa kulankooda uga arinsanayey waxa ay ka yeelayaan xaaladda cakiran ee Galmudug iyo khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay iyaga iyo dowladda federaalka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan uu tanaa-sulay, inla markaana uu hoggaamintii garabka Ahlu-Sunna ku wareejiyey Sheikh Cabdirisaaq Maxamed Cali Al-ashcari oo ka mid ah Seddaxda hoggamiye ee ugu sareysa Ahlu-Sunna. Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay in saacada nasoo aadan ay Ahlu-Sunna soo saari doonto war-saxaafadeed ay ku cadeynayaan tanaasulka hoggaamiyahooda Macalin Maxamuud. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  14. Kulanka labada dhinac Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay hadimo sharafeed qado sharaf ah oo uu u sameeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenkii jore ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey. Qodo sharafta ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Kulanka Qado Sharafta ah oo daaranaa soo dhoweyn iyo is-xog wareysi ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo si gaar ah Puntland, waxaana uu ku soo idlaaday kulaankaasi guul. PUNTLAND POST The post Deni oo Camey iyo Gaas kula kulmay dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa si rasmi ah u magacaabay taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka. Taliyaha cusub ee guutada 15-aad qeybta 21-aad ciidanka Militeriga ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay, Taliyihii ugu sareeyey ciidamadii Ahlu-Sunna ee dowladdu la wareegtay S/Guuto Mascuud Maxamed Warsame. Magacaabistan oo ah tii ugu horeysay ee uu sameeyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, ayaa kusoo aadeysa xili ay siyaasad cakiran ka dhex aloosantahay Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka. Halkaan ka akhriso warqadda
  16. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dhaqanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si wadajir ah garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay ergada degmada Ceeldheer ku meteleysa shir-weynaha looga tashanayo aayaha Galmudug. Nabadoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo hoggaaminayay ergada maanta soo gaartay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay guddiga dib-u-heshiisiinta, Madaxda Galmudug, dowladda federaalka iyo dhamaan inta gacanta ka geysatay dadaallada dib-u-dhiska Galmudug. Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa uga mahad celiyay ergada Ceeldheer aqbalaadda casuumaadii ay u fidiyeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan. Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa u rajeeyay in ay qaybta uga aadan ka qaadan doonaan shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furamaya magaaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug si loo laba jibbaaro shaqada balaaran ee horumarka deegaanka lagu baadi goobayo. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, oo sheegay inuu doonayo in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya lagu qabto Garowe. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliya iyo sababaha ilaa hadda hor raagan aqoonsiga Somaliland ee Caalamku u aqoonsan waayeen, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Madaxweynaha Puntland “Inagu Maamul ma nihin ee waxaynu nahay Dal iyo Dawlad, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waa ku khalad inuu inaga Maamul inagu sheego, marka uu leeyahay Somaliya iyo Somaliland ayaan wada hadashiinayaa, oo Garowe ayaan Shir ugu qabanayaa si loo dhamaystiro Dastuurka qabyada ah, waxaan leeyahay marka hore adigu waxaad ka mid tahay Somaliya, Maamulkoogu waa Maamul Goboleed ka tirsan Somaliya, markaas Shir Somaliland aad ugu qaban karto Garowe ma jiro, Dastuur qabyo ka ah Somaliya oo Somaliland u yaalana ma jiro, anagu Somaliland ahaanu waxaanu leenahay Dastuur noo gaar ah, markaas marka aad leedahay Somaliland iyo Somaliya ayaana wada hadashiinayaana waa aragti gaaban, Madaxweynaha Puntland dhex ma noqon karo, wuxuu ka hadlayanaa waa waxay awalba ku hadli jireen qolada Somaliya ee uu la midka yahay”. Wasiir Faratoon wuxuu sheegay inaanay Soomaaliya diyaar u ahayn wada hadalka Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliya diyaar uma aha wada hadalada, mana doonayso inay inala hadasho, daacadna kama ah, maxaa yeelay Somaliya waxay ogtahay inay wada hadalada Somaliland wax badan ku waayeyso iyo inaynu ka gar helayno, madaama aynu ka gar leenahay, dood kasta oo ay ku doodo, iyo si kasta oo ay noo sheegantana wax u suurtagalaya maaha, ee waxay ka baqaysaa inay si toos ah inoola hadasho”. Wasiirka ayaa la weydiiyay bal sababaha uu isleeyahay waa caqabado horyaala aqoonsiga Somaliland, wuxuu yidhi “Wadamo badani sababo kala duwan ayey aqoonsiga Somaliland u diidayaan, in badana xogogaal baanay ka ahayn xaqiiqooyinka jira, Wadamada og xaqiiqooyinka jira, sababo kale duwan ayey aqoonsiga u diidayaan, ama Wadamada Afrika ha noqodaan, ama Wadamo kale oo Caalamka ahba noqdaan, laakiin maaha in marnaba la iska indho tiro aqoonsiga jiritaanka dawladnimada iyo dalnimada Somaliland, inaguna dadaalkeena weynu wadaynaa, Wadamada Afrika iyo Wadamada kale ee Caalamkuba xaqiiqada wey wada ogaan doonaan, xaqeena inaga maqana weynu heli doonaa, inagana Somaliya ka hor qaadanay xoriyada iyo xorinimada, kadibna weynu midawnay, Wadan kastana waxaanu diyaar u nahayn in aanu ka dhaadhicino oo aanu u soo bandhigno jiritaankeena iyo qaranimadeena”. Source
  18. (SLT-London)-Boqoradda Britain, Queen Elizabeth ayaa aqbashay qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson uu ku codsay in howl-gab laga dhigo baarlamaanka. War qoraal ah oo kasoo baxay la-taliyayaasha rasmiga ah ee Boqoradda Britain eeloo yaqaano ‘The Privy Council’, ayaa sidaasi sheegay maanta oo arbaca ah. Warkan qoraalka ah ayaa lagu xaqiijiyay in baarlamanka Britain howl-gab laga dhigay inta u dhexeysa 9-ka September ilaa laga gaarayo 14-ka October. “Waxaa maanta boqoraddu ay amar ku bixisay in baarlamaanka uusan shaqeyn doonin inta ka horeysa 9-ka Spetember , 12-ka September ilaa laga gaarayo14-ka October 2019” Qoraalka kasoo baxay la taliyayaasha rasmiga ah ee Boqoradda ayaa sidaasi lagu yidhi. Baarlamanka Britain ayaa lagu waday in uu dib u furmo 2-da Sebtember marka mudanayaasha baarlamanku ay kasoo noqdaan fasaxa Talaabada ay boqoraddu ku dhaqaaqday ayaa doodo xoog badani ay ka dhasheen – in ay aqbashay codsigii Boris Johnson ee ahaa in baarlamaanka howlihiisa shaqo la joojiyo laga bilaabo bisha soo socta ilaa bartamaha October ayaa ka dhigan in Xildhibaanada laga hor istaagay in ay ka horyimaadaan qorshaha Britain ay doonayso in Midowga Yurub ay kaga baxdo heshiis la’aan. Dibad-baxyo ayaa hadda ka socda afaafka hore ee dhismaha baarlamanka Britain iyadoo dadku ay diidan yihiin in boqoraddu ay go’aan intaas le’eg gaadho kadib codsiga uga yimid Boris Johnson. Source
  19. (SLT-Sanca)-Millatariga dalka Yemen ee taageerada ka helaya caalamka ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta magaalada xeebta ah ee Cadan. Wasiirka warfaafinta Mucamar Al-Ceryani ayaa sheegay in saddex todobaad kadib ay ciidankooda ay ku geeleysteen in mucaaradka laga saaro magaalada oo ay kala wareegeen millatariga Imaaraadka. Mr Ceryani ayaa ku soo qoray bartiisa Twitterka in ciidanka yemen ay gacanta ku hayaan dhammaan degmooyinka Cadan. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale daba socday muuqaal yar oo muujinaya shacab wata sawirka madaxweyne Cabdu Rabbu Mansuur Haadi. Source
  20. Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa la dhisay 100 sano ka hor, waana dareemi kartaa tirada dadka xiligaas ku sugnaa Muqdisho. Burburkii Dowladii dhexe kadib oo aan la dayactirin ayaa waxaa uu ka dhigay mid ah xabsiyada ugu xun caalamka, sababtoo ah qolalka 5 mitir ah ayaa waxaa lagu xiraa 60 maxbuus, taas oo sababta inuu qofku mararka qaar uu waayo xataa meel uu salka dhigo iskaba daa inuu helo meel uu seexdo. Markii loo soo magacaabay Gen. Bashiir Maxamed Jamac “Goobe” hortaantii 2015-ka wuxuu isbadal deg-deg ah ku sameeyey nolosha maxaabiista. Wuxuu si fiican u mareeyey qoondada dowlagu ugu tala gashay maxaabiista taas oo ah 60 dollar bishii, maxaabiista ayaa durbadiiba ku wargaliyey ehelkooda inay iska dhaafaan cuntadii loo keeni jiray kadib isbadalka deg dega ah oo Gen. Bashiir ku sameeyye nolosha maxaabiista. Waxaa sidoo kale uu wax weyn ka qabtay biyo la’aantii ka jirtay xabsiga iyadoo markii hore maxbuusku loo qorsheeyey 24-kii saac in 3 liter oo biyo ah u isticmaalo qubaysa, weyso, cabitaan, iyo suuli, waxaana maxbuusku waqti badan galin jirey sida uu ilaanshan lahaa biyihiisa yarka ah. Gen. Bashiir ayaa meesha ka saaray dhamaan dhibaatooyinkaas, wuxuu islamarkiiba bilaabay inuu sameeyo dhismayaal si maxaabiista looga kala yareeyo culayska iyo ciriiriga ka jira qololka, wuxuuna xabsiga balaarintiisa iyo qalabayntiisa kala kaashaday shirkado Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay shirkada Hormuud, waxaana uu suurtagaliyey oo kale inuu kala saaro maxaabiista si kuwa danbiyada yar yar loo haysto madaxweynaha cafis u weydiiyo, halka kuwo kale oo u xirnaa lacago ay xadeen ama dayn lagu lahaa uu bixiyey lacagahaas kadibna la sii daayey. Waxaa sidoo kale ka soo saaray saraakiishii ciidanka Asluubta qolol yar yar oo jajabsan oo ay la dhex fadhidayeen Teebkii wax lagu qori jiray 30 sano kahor isagoona u sameeyey xafiisyo qalabkooda u dhan yahay una dayactiray qaybo ka mid ah xafiisyada Wasaarada Cadaalada oo wada shaqayn ay ka dhaxayso. Gen. Bashiir mudo ka yar lix bilood ayaa waxaa maxaabiistu heleen qolol ay seexdaan, telefishino ay daawadaan, cunto sadex waqti ah, barashada farsamooyin gacanta iyo barxado ay ku nastaan kuna cayaaran galabtii. Waxaa kale oo u howlgalay sidii xabsi weyn looga hirgalin lahaa xaruntii Asluubta ee ku taalay Ex-control Afgooyo, iyadoo dhawaan xariga laga jaray mid ka mid ah xabsiyada ugu casrisa qaarada, isagona ku soo siyaadiyey warshad samaysay qalabka guryaha iyo xafiisyada, gawaarida bullet proof-ka ah, warshada marmarka samaysay iyo dayactir uu ka sameeyey goobo taariikhi ah sida Dhagax Tuur iyo Xaawo Taako. Ciidanka Asluubta oo Gen. Bashiir ka hor ahaa kuwo maxaabiista uun la nool ayaa uu ka dhigay kuwa ka qayb qaata sugida Amniga qaybo kamid ah caasimadana ay la wareegeen amnigeeda, wuxuu uu keenay qalab, hub iyo gawaari, wuxuu ka mid noqday talayayaasha ku jira gudiga Amniga oo madaxweyne Farmaajo uu gudoomiye u yahay. Waxaan cabsi ka qabaa in dhamaan arrimhaas uu sameeyey Gen. Bashiir in dib u dhac ku yimaado lana higsan waayo qorshayaashii kale oo uu dagsanaa, sababtoo ah Gen. Bashiir waa nin dowlad yaqaan ah, bulshada xiriir dheer la leh, yaqaana sida caalamka loola shaqeeyo. Waxaan aad u rajaynaa in taliyaha cusub Gen. Mahad uu meeshaas kasii amba qaado horamrka muuqada oo maanta ay ku talaabsadeen Ciidanka Asluubtu. W/Q: Diraac Fagaase dhoodi222@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid