-
Content Count
209,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeisa, Somaliland (CNN)– Three tiny balls of fur huddle together for warmth inside a cardboard box. The baby cheetahs are just a few weeks old, but they’ve had a traumatic start to life. A smuggler was attempting to spirit the cubs out of Somaliland, a breakaway state from Somalia, when he was caught red-handed by the authorities. The cubs, who will soon be taken to a safehouse, are the lucky ones. Some 300 young cheetahs are trafficked out of Somaliland every year — around the same number as the entire population of adult and adolescent cheetahs in unprotected areas in the Horn of Africa, according to the Cheetah Conservation Fund (CCF). The trend is of “epidemic proportions,” according to CCF, an organization devoted to saving cheetahs in the wild. At the current rates of trafficking, the cheetah population in the region could soon be wiped out. “If you do the math, the math kind of shows that it’s only going to be a matter of a couple of years [before] we are not going to have any cheetahs,” said Laurie Marker, an American conservation biologist biologist and founder of CCF. Somaliland is the main transit route for cheetah-trafficking in the Horn of Africa. The animals are smuggled across Somaliland’s porous border, then stowed away in cramped crates or cardboard boxes on boats and sent across the Gulf of Aden towards their final destination: the Arabian Peninsula. There are less than 7,500 cheetahs left in the wild, according to CCF. Another 1,000 cheetahs are being held captive in private hands in Gulf countries, CCF estimated, where many are bought and sold in illegal online sales. While many of these states — including the United Arab Emirates and Saudi Arabia — ban the private ownership and sale of wild animals, enforcement is lax. The overwhelming majority of these cheetahs end up in Gulf Arab mansions, where Africa’s most endangered big cats are flaunted as status symbols of the ultra-rich and paraded around in social media posts, according to CCF and trafficking specialists. In one such post, a video shows a “pet” cheetah watching a National Geographic show and becoming visibly agitated when it sees one of its own on the screen. “She’s fixated on her family,” reads the caption. Other posts show cheetahs laying on luxury cars, being shoved into pools, getting force-fed ice cream and lollipops, and being taunted by a group of men. One cheetah is seen getting declawed; another is dying on camera Qaran News
-
Duruufihii ama xaaladihii ku gadaanaa doorashadii Jubaland, ayaa muujinaya baahida loo qabo qabyatirka dastuurka iyo wadahadal ku saabsan mustaqbalka dimuqraadiyadda maamul-goboleedyada, si loo xadido saameynta awoodaha qarsoon oo khalkhal gelinaya dimuqraadiyadda curdunka ah ee dalka. Siyaasiyiintii ku loolamayey, ma aysan helin hanaan doorasho loo siman yahay, laguna kalsoon yahay. Jawiga sharci darrada waxaa albaabada u furay, maqnaashaha hay’addo dastuuri ah oo la isku halleyn karo. Dhinaca kale, ujeeddadii Kenya ay u soo gashay Soomaaliya 2011kii, waxay ahayd dhismaha maamul-goboleed xuduudeed “buffer state” oo Nairobi laga hago. Maamul noocaas ah, waxaa loo adeegsadaa xijaab amni iyo xujo joogta ah, waana hadafka guud ee dowladda Kenya ay ka leedahay Kismaayo. Sida muuqata, Kenya waxay ka faa’iideysata: (1) khilaafka awood qaybsiga siyaasadda; (2) qaranimo xumadda siyasadda qabyaaladda; iyo (3) qiimo darrada khaa’inu wadanka. Ma aha markii ugu horeysay ee Axmed Maxamed Islaam – Madoobe uu boobayo awoodda amase uu carqaladeynayo geedi socodka dimuqraadiyad nabdoon, asagoo kaashanaya cadowga. Darsiga laga qaadan karo dhacdooyinkii Jubaland ayaa ah, in laga digtoonaado guddi doorasho hoos taga awood fulin. Taariikhda Soomaaliya waxay si weyn u xustaa, in doorasho lagu shubto ay salfatay dowladdii rayadka ahayd (1960-69), halka codka dadka oo la quursadana ay dumisay digtatooriyadii askarta (1969-1991). Falsafi Fransiis ah – Roger Garaudy, ayaa hore u sheegay in cadawgaaga oo laysku jibiyo uu yahay “dagaal qiima jaban.” Haddaba, su’aashu u baahan in meel leysla dhigo, iyadoo maanka lagu hayo falsafadaas waxay tahay, gaboodfalida Madoobe ma loo dulqaataa danta guud (nabadgeliyada) awgeed, mise qaanuunka ayaa lala tiigsadaa? Ergeyga QM u fadhiya Soomaaliya – Danjire James Swan oo August 21, 2019 u warbixiyay Golaha Ammaanka ayaa sheegay, in Soomaaliya ku talaabsatay horumar dhinacyo badan. Xaq uma laha Kenya, inay soo farageliso arrimaha Soomaaliya (gudo iyo dibedba) marka la eego shuruucda caalamiga ah, weliba iyadoo ciidamadeedu dalka ku joogaan axdiga nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM). Dhinaca kale, faragelinta doorasho loo siman yahay, waa tacadi xadgudub ku ah qaranka Soomaaliya. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay, in dib loo qiimeeyo faa’iidada iyo khasaaraha hawlgalka ciidamada Kenya ee AMISOM. Waxaa la soo gaaray waqtigii lagala wareegi lahaa ciidamada shisheeyaha, gaar ahaan kuwa Kenya nabad ilaalinta, loona guuri lahaa nabadaynta guud, ayadoo laga tusaale qaadanayo habka qarameynta miliishiyada maamul-goboleedka Galmudug. Tan iyo markii Soomaaliya ay dacwadii badda horgeysay Maxkamadda ICJ, Kenya, shirkadaha shidaalka ee qandaraaska kula jiray aaga badda Soomaaliyeed, banuugta maalgashatay iyo dowladahoodaba waxaa murugo iyo walbahaar ka heestaa garta halka ay u iilan doonto. Kenya waxay taagan tahay quus, waxayna khasbaysaa in dib loogu laabto wadaxajood ay muddo dheer meermeerineysay, weliba iyadoo ku fashilantay diblomaasiyadda caalamka, gaar ahaan tan deriska. Muqdisho, waxay go’doon diblomaasiyadeed ku riday Nairobi, taas oo sababtay inay maciin bido Ururka Midowga Afrika iyo cunaqabateen hor leh, kadib markii IGAD ay ku agoontooday. Xisbiga “Jubilee” ayaa baarlamaanka Kenya horgeeyay “bayaan dagaal,” oo ay doonayaa, haddii cunaqabateen 1267 u mariweydo Golaha Ammanka QM, inay Soomaaliya duulaan ku qaadaan. Jilalkii dhawaa dood ka dhacday Casmara (Eritrea), oo ujeeddadeedu ahayd – sidee khilaafka Soomaaliya iyo Kenya looga ilaalin karaa inuusan saamayn ku yeelan nabadda iyo xasiloonida gobolka, ayaa Kenya looga digay “colaad oogida,” (03/13/2019). Sidoo kale, Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, oo la hadlayay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in, nabadgelyada Soomaaliya ay xaqiijin doonto ammaanka iyo amniga Itoobiya, Kenya iyo dhammaan dalalka deriska ah (Goobjoog – March 9, 2019). Sidaas oo ay tahay, haddana Kenya kama waantoobin inay ololeyso – 1267 oo ah cunaqabateynta ugu hasita badan caalamka, ilaa lagu jibiyo. Abuukar Carmaan ayaa qoray, “[Kenya] waxay rabtaa inay xurnimo u hesho cadaadinta iyo majiijinta hoggamiyaasha siyaasadda iyo ganacsata hantida ku leh dalkeeda.” Ergeyga Soomaaliya u fadhiya QM – Danjire Abuukar Dahir Cusmaan – Abuukar-baale, oo la hadlayay Golaha Ammaanka August 21, 2019 ayaa xusuusiyay in cunaqabateentii 751 (1992) la geliyay Shabaab 2007kii ay ilaa hadda taagan tahay. Intaas wuxuu raaciyay, in Kenya u baahan tahay inay ka hirgeliso cunaqabateenta (751) Kismaayo iyo Buur Gaabo, joojisana dhoofinta dhuxusha ay ciidamadeeda ku lug leeyihiin. Hay’addaha samafalka ayaa aaminsan, in cunaqabateen 1267, ay dhibaateen doonto dadka abaaraha ku aafoobi, iyadoo beesha caalamkana ka fiigi doonto inay u gargaarto dalka Soomaaliya. In mudda ah, waxaa walwal ka taagnaa itijaaha siyaasadda Abu Dhabi, oo ay muuqato inay ka hor imaanayso siyaasadda Afrika ee Washington. Iskhilaafkaas, wuxuu ku soo shaac baxay dhacdadii dalka Libiya iyo kacdoonkii Sudan. Danjire Donald Yamamoto, ayaa hore u yiri, “Waxaan dooneynaa ‘Mareykanka ahaan,’ in aan hubinno in cid kale aysan ku yeelan kaalin xun ama talo bixin [Soomaaliya],” (Goobjoog – March 9, 2019). Si kastaba ha ahaate, Kenya waxay ka didsan tahay ciidamada Soomaaliya ee ay dhisayaan Maraykanka iyo Turkiga. Waxaan sir ahayn, in Soomaaliya ay Turkiga la leedahay iskaashiga difaaca badda. Heshiiskaas, waxaa lagu tababarayaa ciidamada badda, laguna ilaalinayaa badweynta ilaa Soomaaliya ay awood u yeelato difaaca qarankeeda. Haddii haddaba, “Kenya ay rabto inay ku duusho badda Soomaaliya, ayadaa cidka wax ku og,” ayuu yiri Yuusuf Gaandi oo wax ka qora arrimaha Geeska Afrika. War iyo dhammaantii, Nairobi waxay aamini la’dahay in waxa la dabaaqaya ay yihiin Soomaali. Taas ayaa keentay, inay ka argaggaxdo Iskaashiga Geeska Afrika, kuna tilmaanto inuu yahay gashaanbuursi “Kushitic,” ah oo haddana lid ku ah. Guul darrada diblomaasiyadeed ee Kenya ka soo raacday Golaha Ammanka ee QM, waxay marqaati u tahay in xaqu kol kaste ka gacan sareyo xaq darrada. Taas waxay kor u qaaday kalsoonida ummadda Soomaaliya ay ku qabaan qadiyadda dacwada badda ee hor taal Maxkamadda ICJ. Dhinaca Kale, faragelinta Kenya iyo xulufadeeda, waa tillaabo aan u wanaagsaneyn xasilloonida gobolka, siina kordhin doonto khatarta xagjirta, oo haddii labada dal ay iskaashtaan kaga guuleysan kari lahaayen. W/Q: CabdulQadir Cariif Qassim Jamhuriyada.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya iyo kuwa kasoo baxaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho. Hoos ka aqriso qoraal uu Fiqi soo dhigay bartiisa facebook. Siyaasadda waa lagu kala aragti duwanaan karaa waana arrin ka dhexeysa siyaasiyiinta laakin macquul ma ahan in dawladda Soomaaliya magaceeda lagu ciqaabo dad Soomaaliyeed. Go’aanka madaxda Dawaldda Soomaaliya oo ka caraysan doorashadii Jubaland ee loogaga awood roonaaday ee leh muuqaalka aargoosiga ma ahan wax qabta shacabka Soomaaliyeed ee Jubaland ku dhaqan iyo kuwa halkaas u safraya, diyaaradaha Kismaayo tagaya ama ka imaanaya MUQDISHO ha soo maraan ma ahan go’aan xilkasnimo ama saldhig sharci leh, waana isla caqliyaddii wadooyinka Xamar lagu xiray iyo midda aan looga hadlayn laguna cunaqabataynayn shabaabka canshuuraha ka qaadanaya dekedda Muqdisho iyo ganacsiga dalka. Go’aanka Villa Somalia saakay ka soo baxey Waa mid dhibaato ku ah xuquuqda isu-socodka iyo dhaqdhaqaaqa dadka Soomaaliyeed, kamana bixi karaan dadkeenu culeyska ka dhalan kara go’aankaas. Hey’adihii dalku waxey noqdeen kuwo go’aanno siyaasadaysan la soo dhex marsiisto, kana gudbaya xayndaabkii shaqeed ee loo igmaday. Hey’adda duulista hawadu marnaba kama aysan hadlin diyaaraddii ciidamada Itoobiyaanka ah waday ee isku dayday In ay ka degto Kismaayo todobaadkii hore, laakin go’aanada shacabkeena lagu dhibaataynayo waa soo saaraysaa. Waa wax laga xumaado. Inkastoo aan aaminsanahay inuusan go’aankani hirgali doonin, haddana Guddiga Wadooyinka Dekkadaha, Garoomada, Tamarta iyo Gaadiidka labada aqal ee barlamaanka Federaalka waxaa looga fadhiyaa In ay soo faragaliyaan go’aankan sharciga dalka hareermarsan, laguna ciqaabayo shacabkeena u kala socdaalaya gobolada dalka. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi Caasimada Online xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta aqalka D/Hoose, si rasmiya xilka uga la wareegay Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ibrahim Cumar Mahad-Alle. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda sida uu ugu aaminay masuuliyadda culus iyo kalsoonida uu siiyey, waxuna sheegay in isbadel dhinacyo badan leh uu maamulkiisu ka sameyn doono Caasimadda. Duqa cusub ayaa ballanqaaday in uu xoogga saarayo ka shaqaynta iyo xoojinta arrimaha mudnaanta leh ee ay ugu horrayso sugidda amniga Caasimadda Muqdisho, caddaaladda iyo weliba la imaansho qorshe amni oo gobol, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha amniga qaranka Sidoo kale ayuu tilmaamay in jidadka xiran la furi doono, si isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimaddu u sahlanaato, isla markaana inta uu xilka hayo aan muwaadin Soomaaliyeed xaqiisa la duudsiin doonin. “Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”. Mudane Cumar Filish ayaa xusay in dhaqaaluhu uu kamid yahay wax yaabaha mudnaanta u leh, isla markaana uu muhiimad siin doono Kobcinta dhaqalaaha caasimadda iyo abuuridda jawi iyo bii’ad soo jiidan karta maalgashiga dibadda iyo gudaha, Korna u qaadi doono bilicda Muqdisho, si ay ula tartanto caasimadaha kale ee adduunka. Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in la sii xoojinayo bixinta, ballaarinta iyo dardargelinta adeegyada bulsho ee maamulka gobolka iyo caasimaddu ay siiyaan dadweynaha iyo muwaadiniinta ku nool, isla markaana canshuurta la qaado si hufnaan leh loo maareyn doono, iyadoo loo adeegsanayo baahiyuhu mudnaanta ay kala leeyihiin, meel adagna looga soo wada jeedsan doono musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, si loo ilaaliyo ammaanada ummadda Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay gacan ku siiyaan maamulkiisu sidii uu u gaari lahaa hadafkiisa ku qotoma baahida shacabka Muqdisho. Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dawladda, diblumaasiyiin, saraakiil ciidan, odayaal dhaqan, qaar kamid ah Guddoomiyeyaashii hore ee Muqdisho iyo qeybaha bulshada kala duwan ee ku nool Caasimadda.
-
Somali people everywhere across Somalia and the diaspora are aware the Kenyan government has instituted a series of political and diplomatic action/moves aimed at destabilising the current Somali government, our fragile politics and businesses. Our people and the international community can see this with their open eyes. All these dubious actions by Kenya are intended to compel Somalia to settle the “maritime dispute” outside the jurisdiction of ICJ. Kenya has been blowing the trumpet for over six months to bully, compel and destabilise Somali politics locally and internationally. Their greed driven efforts/actions has been fruitless and as the ICJ’s decision on the “maritime dispute” is expected early September 2019, Kenya’s government has become desperate. To this end, they have recently applied to the UN Security Council to enlist Alshabaab as a terrorist organisation under UN resolution 1267 with far-reaching consequences for our society, businesses and day to day survival for our internally displaced refugees in Somalia. While our number enemy remains Alshabaab, this was not about preventing/fighting terrorism, but a legal pretext that would have given Kenyan authorities international approval to arrest, seize assets and harass innocent Somali citizens for their own political ends. At the basic level, the implications of this move would have prevented any Somali, in Somalia or otherwise, sending financial support to their families who are living in places under the control of A/S. This would have indiscriminately criminalised large number of innocent Somali/foreign citizens, businesses and humanitarian aid agencies. It is with great pride and appreciation that the UN Security Council has this morning formally rejected the dubious ill-conceived request of the Kenyan government. The message was loud and clear from the international community. “As a Kenyan government, you do not need further legal instruments to fight terrorism. You have all you need; you just need to stop your troops selling/buying charcoal to /from Alshabaab. The Somali people everywhere appreciate and applaud the action of the international community. By calling Kenyan’s bluff, they have shown commitment to international justice and proportionality – as we are all too aware the issue of terrorism has been/could be abused by States for political ends. I would like to give a special congratulation and mention to our outstanding Somali Permanent Representative to the UN, AMB Abukar Osman who has worked tirelessly/diplomatically over the past months to stifle Kenya’s disproportionate and unwarranted actions. His stewardship, capacity and share diplomatic skills to thwarts these misguided efforts through lobbying/careful diplomacy has been exemplary to see and a worthy of statesmanlike. We owe great debt to this remarkable diplomat, the Somali Foreign Ministry, and by extension our political leaders for making our future easier and less troublesome. It is these valuable diplomatic measures behind the scenes that count for our everyday lives/needs. It will no doubt prove a vital step for humanitarian aid, our human rights as citizens for our place in the world and beyond. Make no mistake. Today is a watershed moment for our people to live, travel and engage in business in a dignified way without fear of being labelled Alshabaab unjustly in these precarious times in our history. Our Somali media/journalist everywhere should recognise these efforts in unified way – because ultimately, such measures/efforts are also intended to protect their own rights as media professionals and citizens. AMB Abukar Osman, we appreciate your valuable contribution and enhancement of Somali diplomacy. These steps may not seem important to others, but their immediate impact will be felt everywhere by our people, businesses and international humanitarian aid agencies. One key step for Somalia, but a blue-print for justice and dignity for all. It is also re-assuring the UN Security Council is tune with reality in Somalia and its challenges. Abdihafid Mahamud Jama London England Twitter @Abdihafidunivtv Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Representative Ilhan Omar (D-Minn.) responded to the Alabama Republican Party this week after it passed a resolution calling on the state’s congressional delegation to begin the process of expelling her from Congress. “Sorry, [Alabama GOP], but this is a representative democracy.... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar-____-Qumanaha-___-Wararka-29082019.mp3 View the full article
-
Waxa laga joogaa mudo sanad ah kolkii la doortay gudiga beesha West Burco Clan ee lagu soo doortay deegaanka Gacanlibaax, gudigani oo loo doortay sidii xal waara loogu heli lahaa tabasho kasta oo ay beesha West Burco Clan tirsanayso, loona mari lahaa wada saxda ah iyada oo aan laga qayb noqon wax alaale Iyo wixii kala fogaynaaya umadda Somaliland. Hadaba waxa xaqiiq ah in gudigaasi ku hasasha magaca beesha West Burco Clan ay ku fashilmeen in ay ku guulaystaan wixii loo doortay, sidoo kale xubno ka mid ah gudigaasi ayna haysanin xiligani kalsoonida deegaanada ay ka soo jeedaan, Isla markaasina ayna wax wada Rashi ah la samaynin dadka ay matalayaan waxana la gaadhay xiligii ay gudigaasi ay talada dadka ay matalayaan ay dib ugu soo celiyaan si loo doorto gudi ka haboon gudigani oo kasban kara dhamaan umadda ay matalayaan Iyo cidkasta oo ay Dani kaga xidhanyahay. La soco qaybta labaad Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Hawlaha Guud ee Xisbiga Waddani Cabdi Haybe Maxamed, kana mid ah Hogaanka sare ee Xisbigan, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan, waxaanu tilmaamay in dalka aan la kala lahayn, ee la wada leeyahay, Shacabka reer Somaliland u siman yahay, reer iyo ciidan laga saari karaana aanay jirin, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in aanu ka aamusin hadalkan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Qaranka ee uu ka hadlo. Xoghayaha Hawlaha Guud ee Xisbiga Waddani Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Ciidanka Qaranku wuxuu ka kooban yahay Somaliland oo dhan, Beri ilaa Galbeed,Waqooyi ilaa Koonfur, markaas Ciidan la odhan karo iska taga iyo reer la odhan karo Ciidankaaga looma baahnana ma jiro, reer iyo Ciidankiisaba lama odhan karo irida ka baxa, Taliyaha Ciidankuna si fool xun buu u hadlay, ee haddii aanu Madaxweynuhu hadalkaas Taliyaha la qabin waa inuu shaqada ka fadhiisiyaa, haddii uu se ka aamuso waxay noqonaysaa amar uu isagu siiyey,hadalkan Taliyuhuna ciyaar maaha ee waa inuu Madaxweynuhu aanu ka aamusin ee uu ka hadlaa” Mar uu ka hadlaayey arinta Caare ayaa yidhi “Taliyaha Ciidanka Qaranku wuu ku khaldan yahay hadaladan uu ku hadlay, xilalka Qarankuna maaha shaadh nin leeyahay ee waa inay wareegto noqdaan, arintii Caare ee ay Odayaashu soo dhamayeen, Taliyuhu uu ku tuntay, si reerka wadanka laga saarayaba, markaas Salaadiinta iyo Odayaashu arinta Caare wey soo dhammeeyeen, waxaana la sugayey Madaxweynaha oo Xajka ku maqan, markaas may ahayn inuu Taliyuhu iska maroorsado oo uu iska hadlo Madaxweynaha oo aan la ogeyn, arintan Caare waa la dhammeeyey, ee imikana waa in arinta si wanaagsan loo xaliyaa, cidna wadanka lagama saari karo, cidna lama odhan karo waa dambiile, ilayn Maxkamaddi may xukumin, mar haddii Odayashu arinta Caare soo dhammeeyeena, waa in wanaag iyo samaxad lagu dhammeeya, laakiin hadal qalafsan looma baahna, dadaalkaas ay Odayasha iyo Salaadiintu sameeyeena aad baan ugu mahadnaqayaa, waana in dadaalkooda lagu taageera, oo lagu garab istaaga, laakiin maaha in waxba laga soo qaadi waayo” Mar uu baaq u diraayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweyne dadka reer Somaliland wadanka wey wada leeyihiin, ee waa in la isku hayaa reer iyo ciidanba, waa in cadaalad loo qaybiyaa dhaqaalaha dalka ka soo baxaya, imika dhinaca ayuu dhaqaalihii dalku u janjeedha ee waa in cadaalad lagu qaybiyaa, waa waxaan caqliga galaynin, Mashaariicaha horumarinta ee dalkana waxaa jira Gobolo badan oo ilaa imika aan waxba helin, todobaadii sanadood ee hore ee Xisbiga Kulmiye iyo imikaba, Galbeed ayuun baa lagu sii wadaa dhaqaalaha dalka ee waa in Hawad, Bari iyo Deeganada kale ee dalkana la gaadhsiiya, dalka waa la wada leeyahay iyo dooga soo baxayba, ee waa in dhaqaalaha iyo doogaba la wada daaqa” Source
-
(SLT-Hargeysa)- Somaliland Oo Muujisay Awooddeeda Badhan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirraada Soomaaliya ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22-kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii ka dhacay Jubaland. Qoraal kasoo baxay golaha wasiirada oo maanta ku shiray Muqdisho, ayaa lagu sheegay in doorashooyinkaas “aan loo marin habraaca saxda ah.” Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland, sida lagu sheegay qoraalka golaha. Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Xasan Cali Khayre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, waxaana lagu go’aamiyey in Jubaland loo dhiso maamul cusub. “Waxaa la isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland.” Ayaa lagu yiri qoraalka golaha wasiirada. Ma cadda tallaabada xigta ee ay dowladdu qaadi doonta, hase yeeshee go’aanka ah in la dhiso maamul cusub, iyo in wasaaradda arrimaha gudaha la timaado habraacii lagu dhisi lahaa, ayaa kasii daray xaaladda Jubaland iyo xiriirka xumaaday ee dowladda iyo Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Golaha Wasiirraada Xukuumadda Federaalka ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22-kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay Kismaayo. Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland. Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Xasan Cali Khayre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, iyaga oo isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland. View the full article
-
Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u sameeyay isku aadka heerka guruubyada tartanka kubbada cagta ugu xiisaha badan ee UEFA Champions League waxayna haddaba 32 ka kooxood ee tartankan u soo baxay ogyihiin halka y loolanka xili ciyaareedkan ka bilaaban doonaan. PUNTLANDPOST The post Isku aadka Group-yada ee koobka kooxaha Yurub oo la soo saaray. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kormeer ku tagey xafiisyada kala duwan ee ku shaqeeyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Xamar. Kormeerka Guddoomiyaha ayaa ujeedkiisu ahaa mid uu ugu kuur galayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isagoo ammaanay hannaanka shaqo ee qeybaha kala duwan ee kormeerka uu ku sameeyey. Guddoomiye Filish ayaa warbixino la xiriirta howlmaalmeedka ay bulshada u hayaan ka dhageystay maamulka dhinacyadii uu la kulmay, isagoo kula dar-daarmay in lasii xoojiyo adeegyada shacabka loo hayo. “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta soo booqday xarumaha kala duwan ee Dowladda Hoose iyo maamulka gobolka banaadir oo igu soo dhaweeyeen maamulka iyo shaqaalaha, waxaana rajeynayaa in dhowaan aan guda gali doono shaqooyinka muhiimka ah ee ina hor-yaalla,” ayuu yiri Cumar Filish. Sidoo kale, kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan la baajiyay xaflad uu xilka kula wareegi lahaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, kaddib markii la sheegay in cabsi dhanka amniga ah la dareemay, waxaana la xiray xubno ka tirsan shaqaalaha gobolka Banaadir. Dhanka kale, Guddoomiyaha cusub ayaan sheegin xilliga la qaban doono xafladda lagu caleemo-saarayo, iyadoo cabsi weyn ay jirto xilligaan, waxaana laga baqdin qabaa inay dhacdo dhacdo la mid ah middii lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, C/raxmaan Yariisow. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka iyo Xoghayaha Gobolka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Kormeeray Xafiisyada Dowlada Hoose, Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Yokohama (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika ee qaybta ka ah fadhiyada madasha Iskaashiga dalalka Afrika iyo Japan ee TICAD ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo midda maalgashi ee ka jira guud ahaan dalalka Geeska Afrika. Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. “Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay bilow fiican kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dadaalladii dib u heshiisiineed iyo iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya,” ayuu Farmaajo ku yiri khudbaddiisa. Sidoo kale, Farmaajo ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo kasoo qayb-galay shirka ku saabsanaa arrimaha geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka. Ugu dambeyn, Fadhigan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, sidoo kalena waxaa goobjoog ka ahaa; Raiisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen; Guddoomiyaha Midoowga Afrika Mussa Faqi, Xoghayaha QM Antonio Guterres iyo xubno kale. PUNTLAND POST The post Madaxeynaha Somalia oo khudbo ka jeediyay shirka Geeska Afrika ee Madasha TICAD appeared first on Puntland Post.
-
Beledwayne (SMN) – AlShabaab ayaa sheegtay in ay qarax Miino oo ka dhacay gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi ay ku dileen gudoomiye ku xigeenkii degmadaasi. Nuur Cumar ayaa halkaasi wuxuu ugu magacownaa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, ee xaruntiisu tahay Jowhar. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Al-Shabaab oo kasoo baxay dhanka mas’uuliyiinta gobolka iyo kan degmadda. Jalalaqsi ayaa waxay ku taalaa meel u dhaxaysa Wabiga Shabeelle, magaalooyinka Buuloburde iyo Jowhar. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku naf-waayey, laba kelana waa ay ku dhaawacmeen ka gedaal markii qarax Miino uu maanta ka dhex-dhacay maqaaxi ku taala degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka wax ku noqday qaraxan ayaa dhamaantooda ahaa dad shacab ah xili goobta ay wax ka dhaceen oo burbur xoogan uu soo gaarey ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, wallow uusan khasaaro gaarin. Askar kale oo ka tirsan maamulka degmada ayaa soo gaarey meesha, iyaga oo sameeyay baaritaano aanan la ogeyn hadii dad lagu soo qabqbatay. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falkan, oo mas’uuliyiinta degmada aysan wali wax war ah kasoo saarin, illaa iyo hadda. Qoryooley, waa magaalo kutaala koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Shabeellaha Hoose. Degmadaan waxay ka kooban saddex xaafadood oo kala ah Hodan, Xalane iyo Wadajir, waxeyna caan ku tahay xoolaha beeraha. View the full article
-
(SLT-Florida)-Shirkadda Facebook ayaa soo bandhigtay shuruuc cusub oo khusaysa xayaysiimaha siyaasadeed, arrintan ayaa timid ka hor doorashada madaxweynenimada Maraykanka, iyadoo laga cabsi qabo in shirkadda loo adeegsado si aan habboonayn. Dadka raba inay xayaysiimo u sameeyaan siyaasadda ayaa hadda ka dib laga dalban doonaa in ay aqoonsigooda soo gudbiyaan, ka hor inta aan la siinin calaamad “xaqiijinaysa in ururkaasi yahay mid sax ah”. Waxay qayb ka tahay isku dayo badan oo lagu doonayo in wax looga qabto dad hore u sameeyay xayaysiimo ay ku gudbinayaan macluumaad khalad ah ama marin habaabin ah iyaga oo oga gol leh in ay ku saameeyaan codbixiyeyaasha. Xayaysiimaha lacagta lagu siiyo Facebook ayaa caan ka dhex noqday ol’oleyaasha siyaasadda iyo ururrada kale si loo bartilmaameedsado codbixiyeyaasha. Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in Ol’olihii Trump ee 2016 xayaysiimaha lagu bixiyay 70 milyan oo doollar. Facebook ayaa dhaqan galinaya hanaan daah furnaan oo dal-dal ah, arrintaas oo billaabatay tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in qolyo uu fadhigoodu yahay Ruushka ay Facebook soo galiyeen macluumaad ay ugu talo galeen in ay ku saameeyaan codayntii doorashadii madaxweynenimada Maraykanka ee 2016. Facebook ayaa tan iyo sannadkii 2018 xayaysiimaha siyaasadda Maraykanka ku laraysay “lacag ayaa lagu bixiyay” balse sharcigaasi ma xaddidayn si xun u adeegsashada. Shirkadda ayaa dhawaan sheegtay in ay mamnuucday Falun Gong oo lala xidhiidhiyay Epoch News ka dib markii warbixin ka soo baxday NBC lagu shegay in si been ah astaantooda loogu adeegsaday si dad badan loo gaadhsiiyo xayaysiimaha Trump. Source
-
TICAD 7: Japan, South Africa and the African Development Bank unveil priorities to accelerate Africa’s technology transformation journey “Let’s be visionary. Let’s be bold. Let’s support concrete initiatives to boost science, technology, and innovation in Africa,”- Akinwumi Adesina Yokoyama, Japan, 29 August 2019 – Science, technology and innovation as well as human resource development are critical in Africa, a continent, which has the biggest potential on earth, Prime Minister Shinzo Abe said at the Science and Technology in Society (STS) forum held in Yokohama, on Wednesday, as part of TICAD 7. The Science and Technology in Society forum (STS forum) is one of the largest and most influential nonprofit organizations established in 2004 by Mr. Koji Omi, a former Japanese Minister of Finance. The Forum aims at strengthening cooperation between Japan and Africa in science, technology, and innovation. In his address, Prime Minister Abe also noted the important role that science and technology played in the history of Japan’s modernization. In attendance were Mr. Yasutoshi Nishimura, Deputy Chief Cabinet Secretary, President of the Republic of South Africa Cyril Ramaphosa, Akinwumi Adesina, president of the African Development Bank Group, Koji Omi, founder and chairman of the STS forum, and Asako Omi, member of Japan’s House of Representatives. “South Africa endorses the focus on science, technology, and innovation as a priority theme for TICAD 7, given its great potential to accelerate African development through mutually beneficial partnerships with Japan, President Ramaphosa told participants. “The STS forum has successfully changed global discourse on the role of science in development, we seek the forum’s support in changing the discourse on the role of Africa in science and innovation,” Ramaphosa concluded. Adesina shared insights on the Bank’s work and support to train and develop the next generation of scientists. Since 2005 the Bank has provided financing of over $2 billion to support education, resulting in educational opportunities for 6 million students. “We are proud of our investment in supporting the establishment of the Regional Center of Excellence in Kigali in conjunction with the Carnegie Mellon University, which is providing world-class Masters degree training in ICT. I am delighted that all the students that have graduated from the university have 100% employment, including setting up their businesses,” Adesina said in his keynote remarks. The Bank has supported the establishment of ICT digital parks in Senegal and Cape Verde and is working with the Rockefeller Foundation, Microsoft, Facebook, LinkedIn and Safaricom to establish coding centers in several countries. Adesina offered some key areas to prioritize in science and technology, including the establishment of regional centers of excellence; the urgent need to increase the share of GDP devoted to science and technology and close the gender gap in higher education. “Let’s be visionary. Let’s be bold. Let’s support concrete initiatives to boost science, technology, and innovation in Africa,” he concluded. Ministers for Science and Technology, Ambassadors, executives of international and national Agencies and business in Africa and Japan attended the Forum. TICAD 7 runs from 28-30 August in Yokohama, Japan. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaacisay in ay degmada Howladaag ee Muqdisho ay ku qabteen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab. War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa waxaa nan lagu soo bandhigin magaca shaqsigan. NISA ayaa baahisay sawirro laga soo qaadey ruuxan, oo la tilmaamay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta. Qoraalka NISA ayaa u qornaa: “NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta AS, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan”. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashada Sirdoonka Soomaaliya oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab. View the full article