Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,351
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Hawlaha Guud ee Xisbiga Waddani Cabdi Haybe Maxamed, kana mid ah Hogaanka sare ee Xisbigan, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan, waxaanu tilmaamay in dalka aan la kala lahayn, ee la wada leeyahay, Shacabka reer Somaliland u siman yahay, reer iyo ciidan laga saari karaana aanay jirin, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in aanu ka aamusin hadalkan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Qaranka ee uu ka hadlo. Xoghayaha Hawlaha Guud ee Xisbiga Waddani Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Ciidanka Qaranku wuxuu ka kooban yahay Somaliland oo dhan, Beri ilaa Galbeed,Waqooyi ilaa Koonfur, markaas Ciidan la odhan karo iska taga iyo reer la odhan karo Ciidankaaga looma baahnana ma jiro, reer iyo Ciidankiisaba lama odhan karo irida ka baxa, Taliyaha Ciidankuna si fool xun buu u hadlay, ee haddii aanu Madaxweynuhu hadalkaas Taliyaha la qabin waa inuu shaqada ka fadhiisiyaa, haddii uu se ka aamuso waxay noqonaysaa amar uu isagu siiyey,hadalkan Taliyuhuna ciyaar maaha ee waa inuu Madaxweynuhu aanu ka aamusin ee uu ka hadlaa” Mar uu ka hadlaayey arinta Caare ayaa yidhi “Taliyaha Ciidanka Qaranku wuu ku khaldan yahay hadaladan uu ku hadlay, xilalka Qarankuna maaha shaadh nin leeyahay ee waa inay wareegto noqdaan, arintii Caare ee ay Odayaashu soo dhamayeen, Taliyuhu uu ku tuntay, si reerka wadanka laga saarayaba, markaas Salaadiinta iyo Odayaashu arinta Caare wey soo dhammeeyeen, waxaana la sugayey Madaxweynaha oo Xajka ku maqan, markaas may ahayn inuu Taliyuhu iska maroorsado oo uu iska hadlo Madaxweynaha oo aan la ogeyn, arintan Caare waa la dhammeeyey, ee imikana waa in arinta si wanaagsan loo xaliyaa, cidna wadanka lagama saari karo, cidna lama odhan karo waa dambiile, ilayn Maxkamaddi may xukumin, mar haddii Odayashu arinta Caare soo dhammeeyeena, waa in wanaag iyo samaxad lagu dhammeeya, laakiin hadal qalafsan looma baahna, dadaalkaas ay Odayasha iyo Salaadiintu sameeyeena aad baan ugu mahadnaqayaa, waana in dadaalkooda lagu taageera, oo lagu garab istaaga, laakiin maaha in waxba laga soo qaadi waayo” Mar uu baaq u diraayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweyne dadka reer Somaliland wadanka wey wada leeyihiin, ee waa in la isku hayaa reer iyo ciidanba, waa in cadaalad loo qaybiyaa dhaqaalaha dalka ka soo baxaya, imika dhinaca ayuu dhaqaalihii dalku u janjeedha ee waa in cadaalad lagu qaybiyaa, waa waxaan caqliga galaynin, Mashaariicaha horumarinta ee dalkana waxaa jira Gobolo badan oo ilaa imika aan waxba helin, todobaadii sanadood ee hore ee Xisbiga Kulmiye iyo imikaba, Galbeed ayuun baa lagu sii wadaa dhaqaalaha dalka ee waa in Hawad, Bari iyo Deeganada kale ee dalkana la gaadhsiiya, dalka waa la wada leeyahay iyo dooga soo baxayba, ee waa in dhaqaalaha iyo doogaba la wada daaqa” Source
  2. (SLT-Hargeysa)- Somaliland Oo Muujisay Awooddeeda Badhan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirraada Soomaaliya ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22-kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii ka dhacay Jubaland. Qoraal kasoo baxay golaha wasiirada oo maanta ku shiray Muqdisho, ayaa lagu sheegay in doorashooyinkaas “aan loo marin habraaca saxda ah.” Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland, sida lagu sheegay qoraalka golaha. Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Xasan Cali Khayre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, waxaana lagu go’aamiyey in Jubaland loo dhiso maamul cusub. “Waxaa la isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland.” Ayaa lagu yiri qoraalka golaha wasiirada. Ma cadda tallaabada xigta ee ay dowladdu qaadi doonta, hase yeeshee go’aanka ah in la dhiso maamul cusub, iyo in wasaaradda arrimaha gudaha la timaado habraacii lagu dhisi lahaa, ayaa kasii daray xaaladda Jubaland iyo xiriirka xumaaday ee dowladda iyo Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti Ee Somaliland Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Sheekh Caan Ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (SMN) – Golaha Wasiirraada Xukuumadda Federaalka ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22-kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay Kismaayo. Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland. Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Xasan Cali Khayre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, iyaga oo isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland. View the full article
  6. Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u sameeyay isku aadka heerka guruubyada tartanka kubbada cagta ugu xiisaha badan ee UEFA Champions League waxayna haddaba 32 ka kooxood ee tartankan u soo baxay ogyihiin halka y loolanka xili ciyaareedkan ka bilaaban doonaan. PUNTLANDPOST The post Isku aadka Group-yada ee koobka kooxaha Yurub oo la soo saaray. appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kormeer ku tagey xafiisyada kala duwan ee ku shaqeeyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Xamar. Kormeerka Guddoomiyaha ayaa ujeedkiisu ahaa mid uu ugu kuur galayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isagoo ammaanay hannaanka shaqo ee qeybaha kala duwan ee kormeerka uu ku sameeyey. Guddoomiye Filish ayaa warbixino la xiriirta howlmaalmeedka ay bulshada u hayaan ka dhageystay maamulka dhinacyadii uu la kulmay, isagoo kula dar-daarmay in lasii xoojiyo adeegyada shacabka loo hayo. “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta soo booqday xarumaha kala duwan ee Dowladda Hoose iyo maamulka gobolka banaadir oo igu soo dhaweeyeen maamulka iyo shaqaalaha, waxaana rajeynayaa in dhowaan aan guda gali doono shaqooyinka muhiimka ah ee ina hor-yaalla,” ayuu yiri Cumar Filish. Sidoo kale, kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan la baajiyay xaflad uu xilka kula wareegi lahaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, kaddib markii la sheegay in cabsi dhanka amniga ah la dareemay, waxaana la xiray xubno ka tirsan shaqaalaha gobolka Banaadir. Dhanka kale, Guddoomiyaha cusub ayaan sheegin xilliga la qaban doono xafladda lagu caleemo-saarayo, iyadoo cabsi weyn ay jirto xilligaan, waxaana laga baqdin qabaa inay dhacdo dhacdo la mid ah middii lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, C/raxmaan Yariisow. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka iyo Xoghayaha Gobolka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Kormeeray Xafiisyada Dowlada Hoose, Xamar appeared first on Puntland Post.
  8. Yokohama (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika ee qaybta ka ah fadhiyada madasha Iskaashiga dalalka Afrika iyo Japan ee TICAD ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo midda maalgashi ee ka jira guud ahaan dalalka Geeska Afrika. Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. “Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay bilow fiican kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dadaalladii dib u heshiisiineed iyo iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya,” ayuu Farmaajo ku yiri khudbaddiisa. Sidoo kale, Farmaajo ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo kasoo qayb-galay shirka ku saabsanaa arrimaha geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka. Ugu dambeyn, Fadhigan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, sidoo kalena waxaa goobjoog ka ahaa; Raiisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen; Guddoomiyaha Midoowga Afrika Mussa Faqi, Xoghayaha QM Antonio Guterres iyo xubno kale. PUNTLAND POST The post Madaxeynaha Somalia oo khudbo ka jeediyay shirka Geeska Afrika ee Madasha TICAD appeared first on Puntland Post.
  9. Beledwayne (SMN) – AlShabaab ayaa sheegtay in ay qarax Miino oo ka dhacay gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi ay ku dileen gudoomiye ku xigeenkii degmadaasi. Nuur Cumar ayaa halkaasi wuxuu ugu magacownaa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, ee xaruntiisu tahay Jowhar. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Al-Shabaab oo kasoo baxay dhanka mas’uuliyiinta gobolka iyo kan degmadda. Jalalaqsi ayaa waxay ku taalaa meel u dhaxaysa Wabiga Shabeelle, magaalooyinka Buuloburde iyo Jowhar. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku naf-waayey, laba kelana waa ay ku dhaawacmeen ka gedaal markii qarax Miino uu maanta ka dhex-dhacay maqaaxi ku taala degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka wax ku noqday qaraxan ayaa dhamaantooda ahaa dad shacab ah xili goobta ay wax ka dhaceen oo burbur xoogan uu soo gaarey ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, wallow uusan khasaaro gaarin. Askar kale oo ka tirsan maamulka degmada ayaa soo gaarey meesha, iyaga oo sameeyay baaritaano aanan la ogeyn hadii dad lagu soo qabqbatay. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falkan, oo mas’uuliyiinta degmada aysan wali wax war ah kasoo saarin, illaa iyo hadda. Qoryooley, waa magaalo kutaala koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Shabeellaha Hoose. Degmadaan waxay ka kooban saddex xaafadood oo kala ah Hodan, Xalane iyo Wadajir, waxeyna caan ku tahay xoolaha beeraha. View the full article
  11. (SLT-Florida)-Shirkadda Facebook ayaa soo bandhigtay shuruuc cusub oo khusaysa xayaysiimaha siyaasadeed, arrintan ayaa timid ka hor doorashada madaxweynenimada Maraykanka, iyadoo laga cabsi qabo in shirkadda loo adeegsado si aan habboonayn. Dadka raba inay xayaysiimo u sameeyaan siyaasadda ayaa hadda ka dib laga dalban doonaa in ay aqoonsigooda soo gudbiyaan, ka hor inta aan la siinin calaamad “xaqiijinaysa in ururkaasi yahay mid sax ah”. Waxay qayb ka tahay isku dayo badan oo lagu doonayo in wax looga qabto dad hore u sameeyay xayaysiimo ay ku gudbinayaan macluumaad khalad ah ama marin habaabin ah iyaga oo oga gol leh in ay ku saameeyaan codbixiyeyaasha. Xayaysiimaha lacagta lagu siiyo Facebook ayaa caan ka dhex noqday ol’oleyaasha siyaasadda iyo ururrada kale si loo bartilmaameedsado codbixiyeyaasha. Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in Ol’olihii Trump ee 2016 xayaysiimaha lagu bixiyay 70 milyan oo doollar. Facebook ayaa dhaqan galinaya hanaan daah furnaan oo dal-dal ah, arrintaas oo billaabatay tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in qolyo uu fadhigoodu yahay Ruushka ay Facebook soo galiyeen macluumaad ay ugu talo galeen in ay ku saameeyaan codayntii doorashadii madaxweynenimada Maraykanka ee 2016. Facebook ayaa tan iyo sannadkii 2018 xayaysiimaha siyaasadda Maraykanka ku laraysay “lacag ayaa lagu bixiyay” balse sharcigaasi ma xaddidayn si xun u adeegsashada. Shirkadda ayaa dhawaan sheegtay in ay mamnuucday Falun Gong oo lala xidhiidhiyay Epoch News ka dib markii warbixin ka soo baxday NBC lagu shegay in si been ah astaantooda loogu adeegsaday si dad badan loo gaadhsiiyo xayaysiimaha Trump. Source
  12. TICAD 7: Japan, South Africa and the African Development Bank unveil priorities to accelerate Africa’s technology transformation journey “Let’s be visionary. Let’s be bold. Let’s support concrete initiatives to boost science, technology, and innovation in Africa,”- Akinwumi Adesina Yokoyama, Japan, 29 August 2019 – Science, technology and innovation as well as human resource development are critical in Africa, a continent, which has the biggest potential on earth, Prime Minister Shinzo Abe said at the Science and Technology in Society (STS) forum held in Yokohama, on Wednesday, as part of TICAD 7. The Science and Technology in Society forum (STS forum) is one of the largest and most influential nonprofit organizations established in 2004 by Mr. Koji Omi, a former Japanese Minister of Finance. The Forum aims at strengthening cooperation between Japan and Africa in science, technology, and innovation. In his address, Prime Minister Abe also noted the important role that science and technology played in the history of Japan’s modernization. In attendance were Mr. Yasutoshi Nishimura, Deputy Chief Cabinet Secretary, President of the Republic of South Africa Cyril Ramaphosa, Akinwumi Adesina, president of the African Development Bank Group, Koji Omi, founder and chairman of the STS forum, and Asako Omi, member of Japan’s House of Representatives. “South Africa endorses the focus on science, technology, and innovation as a priority theme for TICAD 7, given its great potential to accelerate African development through mutually beneficial partnerships with Japan, President Ramaphosa told participants. “The STS forum has successfully changed global discourse on the role of science in development, we seek the forum’s support in changing the discourse on the role of Africa in science and innovation,” Ramaphosa concluded. Adesina shared insights on the Bank’s work and support to train and develop the next generation of scientists. Since 2005 the Bank has provided financing of over $2 billion to support education, resulting in educational opportunities for 6 million students. “We are proud of our investment in supporting the establishment of the Regional Center of Excellence in Kigali in conjunction with the Carnegie Mellon University, which is providing world-class Masters degree training in ICT. I am delighted that all the students that have graduated from the university have 100% employment, including setting up their businesses,” Adesina said in his keynote remarks. The Bank has supported the establishment of ICT digital parks in Senegal and Cape Verde and is working with the Rockefeller Foundation, Microsoft, Facebook, LinkedIn and Safaricom to establish coding centers in several countries. Adesina offered some key areas to prioritize in science and technology, including the establishment of regional centers of excellence; the urgent need to increase the share of GDP devoted to science and technology and close the gender gap in higher education. “Let’s be visionary. Let’s be bold. Let’s support concrete initiatives to boost science, technology, and innovation in Africa,” he concluded. Ministers for Science and Technology, Ambassadors, executives of international and national Agencies and business in Africa and Japan attended the Forum. TICAD 7 runs from 28-30 August in Yokohama, Japan. Qaran News
  13. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaacisay in ay degmada Howladaag ee Muqdisho ay ku qabteen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab. War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa waxaa nan lagu soo bandhigin magaca shaqsigan. NISA ayaa baahisay sawirro laga soo qaadey ruuxan, oo la tilmaamay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta. Qoraalka NISA ayaa u qornaa: “NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta AS, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan”. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashada Sirdoonka Soomaaliya oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay in sarkaalkii maanta ay hadda NISA sheegtay in lagu qabtay magaalada Muqdisho, uu ka tirsanaa qeybta warbaahinta ee kooxdaas. Sarkaal sare oo ka tirsan warfaafinta Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta kooxdaas ayaa sheegay in ninka sawirradiisa lasoo bandhigay uusan weligiis ka mid noqon weybta warfaafinta Al-Shabaab. “Ninka ay sirdoonka Soomaaliya sawirkiisa kusoo bandhigeen baraha internet-ka ee ay ku sheegayaan inuu yahay sarkaal ka tirsan warbaahinta Al-Shabaab ma ahan waxa ay ku sheegayaan kama tirsana weligiisna kama mid noqonin xafiiska warfaafinta Al-Shabaab, wax xiriir ah oo kala dhexeeya xafiiska wafaafintana haba yaraatee ma jiro” ayuu yiri sarkaalka ay soo xigteen warbaahinta taageerta Al-Shabaab. Sarkaalkan ayaa sidoo kale intaas ku daray in ninka la sheegay in uu xafiiskooda ka tisan yahay uusan wligiis kamid noqon hawlwadeenada xafiiskaas, wax aqoon ah oo ay uleeyihiina haba yaraatee aysan jirin. Al-Shabaab ayaan inta badan ka hadal saraakiisha laga qabto, waxaana warkan kasoo baxay uu yahay mid aan laga fileyn, Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in sarkaalkan oo ka tirsanaa warbaahinta Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Howlwadaag. NISA ma aysan shaacin xilliga la qabtay iyo magaca sarkaalka, hase yeeshee qoraalka ay soo saartay ayaa waxaa la socday sawirrada ninka la qabtay, ayada oo qiyaas ahaan ay da’diisa u muuqato soddon dhammaad ama afartan horraad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-29082019.mp3 View the full article
  16. (SLT-Tehran)-Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in haddii Mareykanka ay wada-hadallo doonayaan, ay marka hore qasab tahay inay u hoggaansamaan heshiiskii sannaddii 2015 laga gaadhay barnaamijka Nukliyeerka Iran. Isaga oo maanta ka hadlayey dalka Malaysia, oo uu booqasho ku joogo, ayaa Zarif waxa uu Mareykanka ku eedeeyey inay “ku lug leeyihiin argagixisanimo dhaqaale oo ka dhan ah shacabka Iran.” Waxa uu tusaale usoo qaatay go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uga baxay heshiiskii 2015, kaasi oo Iran ay ogolaatay kadib wada-hadallo socday laba sano oo ay la gashay dalalka Mareykanka, Britain, Shiinaha, France, Russia, Jarmalka iyo ururka Midowga Yurub. “Kama aynan tagin heshiiskaas. Waxaan weli miis la fadhinaa shan dal oo kale iyo Midowga Yurub, Mareykanka wuxuu ahaa dalkii lixaad ee go’aansaday inuu ka baxo.” Ayuu yidhi Zarif. “Sidaas darteed, haddii ay doonayaan inay kusoo noqdaan qolka, waxaa jira tikit ay tahay inay iibsadaan, tikit-kana waa u hoggaansamidda heshiiska.” Trump ayaa aad u dhalleeceeyey heshiiskaas, wuxuuna sheegay inuu ahaa mid aad ugu wanaagsan Iran, islamarkaana uu furay waddo ay si fududd ugu sameysan karto hub Nukliyeer. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxa xarunta Dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac ayaa sheegay in aanay aqoon u lahayn, islamarkaana ogayn in Mr Donal Molosi oo ay ku marti qaadeen Bandhigga Buugaagta Hargeysa u ololeeyo dadka isku jinsiga ah. waxa uu ku dooday in ay muhiimadda siiyaan dadka iyo dalalka kala duwan ee Somaliland imanaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Riyadh)-Gantaal ay Yemen ka soo rideen Kooxda Xuutiyiintu ayaa ku dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Abha ee Dalka Sucuudiga, Arbacadii Xalay. Gantaalka oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee Xuutiyiintu la beegsadaan Garoonka diyaaradaha ee Abha ayaan sababin dhimasho iyo dhaawac ah, sida uu ku warramay Wargeyska The National. Col Turki Al Malki oo ah Afhayeenka Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaallada ka wada Yemen, ayaa sheegay in gantaalku uu Garoonka ku dhacay Xalay 11:30. Kooxda Xuutiyiinta ayaa iyaguna xaqiijiyey inay Gantaal ku weerarreen garoonka diyaaradaha ee Abha. “Ficilladan socdaa waa Dambi dagaal..” ayuu yidhi, Afhayeenka Xulafada oo Maanta hadlay Afhayeen u hadlay Jabhadda Xuutiyiinta ayaa isaguna sheegay inay Gantaalka la beegsadeen goob Madaarka Abha ka mid ah oo Diyaaradaha lagu xereeyo, hase-ahaatee ma sheegin inay bartilmaameedkoodii la heleen. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Eng Faysal Cali Waraabe hoggaamiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa sheegay in uu tagayo caleemo saarka madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), haddii uu ammaanku u saamaxo. “Axmed Madoobe Caleemo Saarkiisa Waan Tagayaa hadii Nabad Galyada Meeshu Wanaagsan tahay,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal oo ka hadlayay shirka golaha Dhexe ee xisbiga UCID ugu soo dhammaaday Burco. Eng Faysal ayaa muddooyinkii u dambeeyay sheegayay in mucaaradka Farmaajo uu taageerayo, islamarkaana doonayo in Somaliland faro geliso siyaasadda Soomaaliya iyada oo cid kasta oo Farmaajo iyo xukuumaddiisa iska caabiyaysa gacan siinayso. Source
  20. (SLTHargaysa) Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Gudida Qandaraasyada Qaranka Ku Ammaanay Shaqada Ay Qaranka Uhayaan. Source
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkii uu Madaxweynaha maamulka Puntland uu ku sheegay in uu wada heshiisinayo Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa hore u sheegay in uu maamulkiisu diyaar u yahay in magaalada Garoowe ay martigeliso shirar looga hadlayo maqaamka Muqdisho iyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu si adag uga hadlay baaqaasi ka soo yeedhay Madaxweyne Deni, isagoona dowladda federaalkana eedeymo u jeediyey, wuxuuna yiri “Inagu Maamul ma nihin ee waxaynu nahay Dal iyo Dawlad, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waa ku khalad inuu inaga Maamul inagu sheego, marka uu leeyahay Soomaaliya iyo Somaliland ayaan wada hadashiinayaa, oo Garowe ayaan Shir ugu qabanayaa si loo dhamaystiro Dastuurka qabyada ah, waxaan leeyahay marka hore adigu waxaad ka mid tahay Soomaaliya, Maamulkoogu waa Maamul Goboleed ka tirsan Soomaaliya”. “Shir Somaliland aad ugu qaban karto Garowe ma jiro, Dastuur qabyo ka ah Soomaaliya oo Somaliland u yaalana ma jiro, anagu Somaliland ahaanu waxaanu leenahay Dastuur noo gaar ah, markaas marka aad leedahay Somaliland iyo Soomaaliya ayaana wada hadashiinayaana waa aragti gaaban, Madaxweynaha Puntland dhex ma noqon karo, wuxuu ka hadlayanaa waa waxay awalba ku hadli jireen qolada Soomaaliya ee uu la midka yahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliya diyaar uma aha wada-hadalada, mana doonayso inay inala hadasho, daacadna kama ah, maxaa yeelay Soomaliya waxay ogtahay inay wada-hadalada Somaliland wax badan ku waayeyso iyo inaynu ka gar helayno, madaama aynu ka gar leenahay, dood kasta oo ay ku doodo, iyo si kasta oo ay noo sheegantana wax u suurtagalaya maaha, ee waxay ka baqaysaa inay si toos ah inoola hadasho”. “Wadamo badani sababo kala duwan ayey aqoonsiga Somaliland u diidayaan, in badana xogogaal baanay ka ahayn xaqiiqooyinka jira, Wadamada og xaqiiqooyinka jira, sababo kale duwan ayey aqoonsiga u diidayaan, ama Wadamada Afrika ha noqodaan, ama Wadamo kale oo Caalamka ahba noqdaan, laakiin maaha in marnaba la iska indho tiro aqoonsiga jiritaanka dawladnimada iyo dalnimada Somaliland”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Madaxweyne Ku-xigeenkad Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay arrimo muhiim ah. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Puntland oo golayaal deegaan u dhisaysa in ka badan 8 degmo & nuxurka shirkii golaha xukuumadda. appeared first on Puntland Post.
  23. Munaasabad tababar loogu soo xireyey Ciidamo gaaraya laba boqol oo Askari oo qeyb ah Booliska gaarka ah ee dawlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta ka dhacday Magaaladda Jowhar, waxaana ka soo qeyb galay madaxweynaha maamulka Maxamed Cabdi Waare, Taliyeyaasha Ciidamada Hirshabeelle, saraakiil ka socota Booliska Federaalka, Amisom Boliis, UN iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle C/qaadir Aadan Jeelle ayaa sheegey in Ciidanka maanta tababarka loo soo xeray ay yihiin Dufcadii labaad ee Ciidanka gaarka ah ee Booliska Hirshabeelle. Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu sheegey in dawlad goboleedka Hirshabeelle ay u suurta gashay inuu yeeshaan Ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono howllgalada Iyo Xaqiijinta Amniga deegaanada HIrshabeelle. Dhanka kale wasiir C/qaadir jeelle ayaa sheegey iney dufacadaan tii ka horeysey ay ka qeyb qaateen isku-furka wadada xiriirisa Muqdisho iyo jowhar, iyaddoo dufacadaan ay ugu tala galeeen xoreynta degmooyinka ka maqan gacanta maamulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Hobyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Mudug ayaa sheegayo inuu dhaawac soo gaaray madaweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin. Dhaawaca soo gaaray madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa la sheegay inuu ahaa shil gaari oo ka dhacay Gobolka Mudug sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug. Shirka Gaari ee uu ku dhaawacmay Caalin ayaa la sheegay inuu ka dhacay Deegaanka Gawaan oo u dhaxeeyo Wasil iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug. Faahfaahin dheeraad ah lagama helin nooca dhaawaca ah ee soo gaaray madaxweynihii hore ee Galmudug. Caalin ayaa horey usoo noqday madaxweynihii Galmudug ka hor inta aan la sameyn maamul Goboleedyada. Wuxuu hadda kamid ahaa xubnihii ka qeyb galayey shirka Beelaha Habargidir uga socdo Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug. Wixii kusoo kordha xaaladda Caalin waxaad ku akhrisan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com