Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,351
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (SMN) – Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Jubbaland ayaa la wareegay gacan ku haynta degaano ka tirsan Jubada Hoose. Qabshadan tuulooyinkan oo hoostaga Jamaame ayaa ka dambeysay markii ciidamadda ay halkaasi ka sameeyeen howlgalo kala duwan. Ciidamadda xorreeyay goobahaasi ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxeen degaanka Baar Sanguuni ee gobolkaaasi. Dhinaca kale, saraakiisha ayaa sheegay in mudadii ay wadeen howlgaladaasi ay kusoo qabqabteen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab. Marka laga soo tago sheegashadda xoogaga dowladda ma jiro wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxay dhanka AlShabaab. View the full article
  2. Hindiya (SMN) – Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Marwoo Faadumo C/llahi Maxamuud (insaaniya)ayaa gudbisay warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo,iyadoo munasabad looga guddoomayay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee dalkaasi Hindiya. Munaasabadda oo si heer sara ah loo soo agaasimay waxaa safiirka ku wehlinayay diblomasiyiin ka tirsan safaaradda oo uu ugu horeyo lataliyaha kowaad ee safaaradda Axmed Maxamuud Maxamed(Axmed xiish) iyo xubno kale oo ka tirsan safaaradda. Marka ay gaareen aqalka madaxtooyada Dalkaasi Hindiya looga arrimiyo waxaa halkaasi ay ku mareen hannaanka habmaamuuseed oo ay maraan safiirada gudbinaya aqoonsiyada. Intaasi kadib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee dfalkaasi Hindiya Faadumo C/llaahi Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeelatay madaxweynaha dalka Hindiya Mr Ram Nath Kovind,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee Soomaliya iyo Hindiya, iyo sidii wadashaqeyn dhow ay u dhexmari lahayd safiirka cusub iyo madaxda dalkaasi Hindiya. Safiirka ayaa u faah faahisay madaxweynaha dalka Hindiya,xaaladaha Soomaaliya,horumarada lagu talaabsaday iyo muhiimadda ay leedahay in labada dal Hindiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan ilaqaadka diplimaasiyadeed ee labada dhinaca. Ugu dambeyntii Madaxweynaha dalkaasi Hindiya Ram Nath Kovind ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud(Insaaniya) oo ay u gudbisay warqadeheeda madaxtooyada Qaranka dalkaasi Hindiya. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaysatay dib u soo celinta xiriirkii diplomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeeyay dowladdo badan oo dunida kamid ah,dalka Hindiyana wuxuu kamid yahay wadamada xiriirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya,marka loo fiiriyo wadamada dhaca Qaaradda Assia,waxaana jira wadamo badan oo kale. View the full article
  3. Dhuusomareeb (SMN) – Taliyaha ciidanka Midowga Africa ee AMISOM Gen Tigabu Yilma ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Gal-mudug, halkaas oo lagu soo dhaweeyay. Markii uu gaarey caasimadda, sarkaalkan u dhashay Itoobiya ayaa wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta dowladda ee halkaasi ku sugan, isaga oo kala xaajoodey arrimo uu amniga ku jiro. Maxamed Abuukar Islow, wasiirka amniga Soomaaliya, oo kulanka kadib u waramay warbaahinta ayaa shaaciyey in ay isla afgareen doorka ay AMISOM ka qaadan karto sugitaanka ammaanka magaaladda inta lagu guda jiro shirka dib u heshiisiinta. Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa xusay in haatan magaaladda ay tahay mid nabad-gelyadeeda la isku haleyn karo, isla markaana shirka uu ku qabsoomi sida loogu talogalay iyo waqtiga loo qorsheeyay. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-30082019.mp3 View the full article
  5. Japan (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta wada hadallo wax ku ool ah kula yeeshay Magaalada Yokohama ee Dalka Japan Madaxweyne Ku xigeenka Bankiga Adduunka ee qeybta Afrika Mudane, Hafez Ghanem. Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dedaallada Xukuumadda ee la xiriira dib u habeynta maaliyadda, deyn cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka. Madaxweynaha Soomaaliya oo Shalay Khudbad ka jeediyay shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga Waddamada Afrika iyo Japan (TICAD), ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira guud ahaan Dalalka Geeska Afrika. View the full article
  6. A man from Alabama who was sentenced to life without parole after stealing $50.75 from a bakery in his 20s is to be released after more than three decades in prison. Source: Hiiraan Online
  7. Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Ticabu Yilma iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka dibu-heshiisiinta Galmudug. Ticabu Yilma ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay taliyaha Qaybta 21aad iyo Taliyaha DANAB ee 21aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, inkastoo ay la socdeen ilaalo gaar ah. Wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya, wasiirka amniga Galmudug, xubno katirsan Ahlusuna iyo madaxda dhaqanka ayaa kulamo kala duwan kuleh magaalada Dhuusamareeb, xilli XFS shaacisay in la xalliyey khilaafkii shirka Dhuusamareeb. PUNTLANDPOST The post Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM oo gaarey magaalada Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
  8. Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan Congress-ka Maraykanka aya sheegtay in loo soo diray farriin hanjabaad ah loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”. Waxa ay sheegtay in farriintaasi ay soo direen shaqsiyaad ka agdhaw madaxweynaha dalkaasi isla markaana ay is qarinayaan dadka noocaas oo kale ahna ay ku sababeen inay samaysato ilaalo gaar ah oo ku waardiyeysa gudaha Maraykanka. Ilhaan Cumar ayaa hadalkaan sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”. “Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale,” ayay Arbacadii qortay Ilhaan oo Maraykanka tagtay iyadoo 12 jir ah oo qaxooti ah. “Balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.” The post Ilhan Cumar oo ilaalo gaar ah samaysatay sheegtayna in dil loogu hanjabey. appeared first on Puntland Post.
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ay saaka uga sameeyeen gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciiamadu ka fuliyeen duleedka degmada Jamaame ee gobolkaasi. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in ciidamada huwanta howlgalkaasi ay ku dileen illaa shan ka tirsanaa Al-Shabab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen afar kale. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay la wareegeen tuulooyinka Heynerow, Soomarey, Janal Ajey iyo Yirey oo dhammaan hoostaga magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Xaaladda aya haatan ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari oo culus weli laga dareemayo halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Tigabu Yilma iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya iyo saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM ayaa ka dagay garoonka Ugaas Nuur, iyadoona halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey. Ujeedka safarka taliyaha AMISOM ayaa la xariira xoojinta amniga, maadaama dhowaan magaalada Dhuusamareeb ay marti galineysi shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug, kadibna lagu qaban doono doorashada guud ee maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in haatan taliye Yilma iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu kulan uga socda magaalaaasi. Kulankan ayaa lagu soo warramayaa in ay dibad joog ah ka tahay dhammaan warbaahinta. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeye, iyadoo ciidamada dheeraad ah lagu arkayo halkaasi. Safarka taliyaha AMISOM, ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe xiisado xoogan ay ka taagnaayeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeyey dowladda dhexe iyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta wadahadallo gaar ah magaaalada Yokohama ee dalka Japan kula yeeshay madax ka socotay Bangiga Adduunka. Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay mas’uuliyiin u hoggaaminayey, Hafez Ghanem oo ah ku xigeenka Bankiga Adduunka ee qeybta Afrika. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya, deyn cafinta iyo arrimo kale. ”Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dadaallada Xukuumadda ee la xiriira dib u habeynta maaliyadda, daynta cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka”sidaasi ayaa lagu yiri qoraak la soo galiyay barta Facebook ee Villa Soomaaliya. Shalay Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga Waddamada Afrika iyo Japan, ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xalay si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa sameeyey ballaan qaad farxad geliyey shacabka Caasimada. Filish ayaa sheegay in uu si deg deg ah ku furi doono jidadka xiran ee Muqdisho, islamarkaana uu muhiimada saarayo dhaq dhaqaaqa isku socodka dadka iyo gaadiidka. “Waxaan hortiina ka balan qaadayaa in maamulkaygu shaqadiisa mida ugu muhiimsan ay tahey in aan laamaha amaanka kala shaqayn amaanka Caasimada, waxaan si deg deg ah u furi doonaan wadooyinka kala xiran ee Magaalada Muqdisho.” ayuu yiri guddoomiye Filish. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu ku shaqayn doono lix tiir oo muhiim u ah horumarka gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan. “Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah.” ayuu intaasi ku daray guddoomiyuhu. Ugu dambeyn wuxuu shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka dalbaday inay la shaqeeyaan maaamulkiisa, kuna garbsiiyaan xoojinta nabad geylyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Kenya, Paul Njuguna oo la hadlay warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa beeniyey eedeyn culus oo ay horay ugu jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Paul Njuguna ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM aysan ku lug laheyn dhoofinta dhuxusha Soomaaliya. Afhayeenka ayaa tilmaamay u jeedka ciidamadooda kaliya uu yahay, sidii ay Soomaaliya ugu soo dabaali-lahaayeen nabad iyo xasilooni. “Eedeyn kasta oo la xiriirta ku lug lahaanshaha dhaqdhaqaaq kale waa mid aan sal lahayn. dadaal kasto oo lagu weji xumeynayo qeybtaas taariikheedna waa mid aan waxtar lahayn,” ayuu yiri Paul Njuguna. Ugu dambeyn afhayeenka ciidanka Kenya ayaa hoosta ka xariiqday inay sii wadayaan doorkooda ku aadan sidii looga guuleysan lahaa Al-Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadayaa, iyadoo marar badan ciidanka dowladda Kenya lagu eedeeyey in ay ku lug leeyihiin dhuxusha tirada badan ee laga dhoofiyo dekedda magaalada Kismaayo, taas oo la sheego inay dhaqaale ka hesho kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, haatana ah hoggaamiyaha xisbiga Cadaalada, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga sii dartay culeyska saaran dadka shacabka ee ku dhaqan gudaha magaalada Caasimada ah Muqdisho. Muugaab ayaa xusay in xirnaasha waddooyinka haatan looga sii daray, islamarkaana dhagxaantii waddooyinka la dhigay lagu bedaly Ganjeelo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaadiidka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan kuwa ka soo baxa dekedda Muqdisho ay ku qaadato in uu tago suuq Bacaad ama Bakaaraha mudo saddex maalmood ah,taasina ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka laga dhaxlay jidadka ay xirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Magaladaan dhagax in lagu xiro waa ay dhaaftay waxaa ay marayesaa in Ganjeelo lagu xiro,baabuurka dekadda ka soo baxa oo badeecadaha Bakaaraha ama suuq bacaad u sido saddex maalin ayay ku qaadaneysaa walba Canshuur xadhdaaf ahna waa laga qaadaa.” ayuu yiri Muungaab. Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo hadalkiis sii wata ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka in doorka nabadgelyada loo daayo Duqa cusub ee Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), si loo helo kala dambeyn iyo amni waara. “Guddoomiyaha gobolka asigaa ah Hoggaamiyaha Nabadgelyada Gobolkaan, laakiin waa inay madaxda qaranka ku dhiirataa in Guddoomiyaha doorkaas nabadgelyada loo daayo oo looga dambeeyo, Wasiirada ay qaataan siyaasadda guud ee Amniga, magaaladan amnigeeda iyo kala dambeynteena in la dabaqo xeerka nabadgelyada in la dabaqo oo Guddoomiyaha door la siiyo, laakiin haddii la yiraahdo amniga wax ka qabo, waxna aan loo dhiibeyn, waxba kama jirto waaye, marka in door la siiyo waa loo baahan yahay Guddoomiyaha”ayuu intaasi raaciyey guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir. Ugu dambeyn wuxuu cararbka ku dhiftay in guddoomiyaha cusub uu yahay nin wax qaban kara guud ahaan gobolka Banaadir, islamarkaaana ay si gaar ah ula shaqeyn doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Cabdulqaadir Cabdi Shamaay oo kamid ahaa kooxdii Musharixiinta ee isku bahaystay iney Xukunka kantuuraan Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegey inuu ka baxay kooxdaas ka dib [...] Source
  16. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud [Filish] ayaa xafladda xil-lawareegidiisa uu kaga dhawaaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furayo wadooyinka caasimada. “Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”. Cumar Filish ayaa xusay in dhaqaaluhu uu kamid yahay wax yaabaha mudnaanta u leh, isla markaana uu muhiimad siin doono Kobcinta dhaqalaaha caasimadda iyo abuuridda jawi iyo bii’ad soo jiidan karta maalgashiga dibadda iyo gudaha, Korna u qaadi doono bilicda Muqdisho, si ay ula tartanto caasimadaha kale ee adduunka. Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in la sii xoojinayo bixinta, ballaarinta iyo dardargelinta adeegyada bulsho ee maamulka gobolka iyo caasimaddu ay siiyaan dadweynaha iyo muwaadiniinta ku nool, isla markaana canshuurta la qaado si hufnaan leh loo maareyn doono, iyadoo loo adeegsanayo baahiyuhu mudnaanta ay kala leeyihiin, meel adagna looga soo wada jeedsan doono musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, si loo ilaaliyo ammaanada ummadda Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay gacan ku siiyaan maamulkiisu sidii uu u gaari lahaa hadafkiisa ku qotoma baahida shacabka Muqdisho. View the full article
  17. Tokyo (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa intii lagu guda-jiray kaltanka todobaad ee Shir Madaxeedka TICAD ayuu shir doceed la yeeshay dhiggiisa Japan Mudane Tarō Kōno, isaga oo kala hadlay habkii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka, waxa uuna bogaadiyay mowqifka Japan ee taageeridda Soomaaliya iyo tubteeda horrumarineed. Wasiir Cawad ayaa xubin ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka qeybgalaya Shir Madaxeedka todobaad ee TICAD ee ka furmay Magaalada Yokohama, Japan, oo soconaya inta u dhexeysa 28-30 August. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Japan ayaa waxa ay garwaaqsadeen muhiimadda weyn ee ay leedahay in la furo iskaashi sal ballaaran oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag u ah labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah. TICAD waa madal dhinacyo kala duwan oo hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dalalku leeyihiin, kana qeybgalaan wakiillada Ururrada caalamiga iyo kuwa gobolka, loogana hadlo horrumarinta Afrika, kulankiisii ugu horreeyay waxa uu ku qabsoomay Japan sanadkii 1993. View the full article
  18. Gaalkacyo (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay, saddex kelana waa ay ku dhaawacmeen markii rasaas lagu furay. Dhacdadan ayaa laga soo wariyey degaanka Godob, 40 KM u jira magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. Maxamuud Cilmi Gulaafe, taliye ku xigeenka ciidamada booliska gobolkaasi, ayaa Shabelle u sheegay in dadkan oo xoolo dhaqato ahaa ay yihiin qaraabo dhowr. Mr Gulaafe oo xusay in dableyda dhibaatada geystay ay dhanka Puntland ka yimaadeen ayaa ka gaabsaday ujeedada loo beegsaday. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxa dhinaca dowlad goboleedka Puntland. View the full article
  19. Japan’s prime minister on Thursday stressed Tokyo’s supportive stance for peace building in the Horn of Africa, highlighting the link between achieving peace and reaping economic fruits in the region and the neighboring regions. Source: Hiiraan Online
  20. HARGEISA, Aug 29 (Thomson Reuters Foundation) - When Mumtas Khadar turned nine she couldn’t wait for the ritual undertaken by every woman in her village in Somaliland in northeast Africa that she believed would make her more beautiful. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (SMN) – Dowladda Kenya ayaa waxay iska fogeysay eedeymaha la xiriira in ay ciidankeeda qayta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay lug ku leeyihiin dhoofinta dhuxusha Soomaaliya. Afhayeenka ciidamada Kenya, Paul Njuguna ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaasi in ay uga howlgalayaan Soomaaliya sidii ay ugu soo dabaali-lahaayeen nabadda iyo xasilin. “Eedeyn kasta oo la xiriirta ku lug lahaanshaha dhaqdhaqaaq kale waa mid aan sal lahayn. Dadaal kastoo lagu weji xumeynayo qeybtaas taariikheedna waa mid aan waxtar lahayn,” ayuu yiri. Paul Njuguna oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay sii wadayaan doorkooda ku aadan sidii Soomaaliya ay u heli lahayd barwaaqo, gargaar iyo kala dambeyn. Hadalka xukuumadda Nairobi ayaa kusoo aadaya iyadda oo Golaha Ammaanka UN-ka uu ka hor-yimaaday qaraar ay Kenya ka keentay Al-Shabaab oo ay dooneysay in lagu gelio liis-madow. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa sheegtay in qaraarkaas uu dhaawacayo gargaarka bini’aadanimo ee dalka. Talaabadaasi kadib, danjiraha Soomaaliya ee UN-ka, Abuukar Baalle, ayaa ku eedeeyay ciidanka Kenya in ay goobjoog ka yihiin dhuxusha laga dhoofiyo koonfurta waddanka, taasi oo ay dhaqaale ka hesho AlShabaab. Qaramada Midoobay, ayaa warbixin ay sannad kahor soo saartay waxay ku sheegtay in muddadii u dhexeysay 2011 illaa 2017, dhulka Soomaaliya laga jaray sideed milyan oo geed. Dawladda dhexe ee Soomaaliya oo soo saartay amar ay ku mamnuucayso dhuxusha sababtay in la xaalufiyo deegaanno badan ayaa sheegtay in ku sameynayso baaritaano iyada oo la kaashaneyso hay’addo caalami ah. View the full article
  22. A local youth-led organisation in Somalia which is working under the vision of “Make Somalia Green” has launched a tree planting project in the capital of Mogadishu Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-30082019.mp3 View the full article
  24. On Thursday, 45 Somali refugees returned to the Horn of African country from Dadaab Refugee Camp in Kenya as part of the voluntary repatriation program, the United Nations Refugee agency announced. Source: Hiiraan Online