Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimadad Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay go’aankii ay Qaramada Midoobay ku diiday dalabkii Dowladda Kenya oo ahaa in ururka Al-Shabaab lagu diro qaraarka 1267. Dowladda Kenya ayaa muujisay sida ay uga xuntahay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ay ku joojiyeen inay cunaqabateyn adag ku soo rogaan kooxda xagjirka ah ee Soomaaliya ee Al Shabaab. Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Dibada Dowladda Kenya Macharia Kamau ayaa EastAfrican u sheegay in uu aad uga xunyahay in wadamada sida aadka ah ay u sameeyeen Al Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah aysan taageerin soojeedinta Kenya. “Waan ka xunahay go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay, sababtoo ah macquul ah in dowlad ka tirsan Qaramada Midoobay oo muwaadiniinteeda ku weysay weerarada Al-Shabaab ay diido tallaabooyinka laga qaadayo Ururkaan foosha xun” ayuu dhahay Macharia Kamau. “Waxaan Qaramada Midoobay ka rajeeneynaa inay arrintaan siiso dareen gaar ah sidii loola dagaalami lahaa ururada xagjirka ah sida Al-Shabaab oo Kenya iyo Soomaaliya ku dishay boqolaal qof oo aan waxba galabsan” ayuu sii raaciyey. Hadalka kasoo yeeray Kenya ayaa imaanayo xilli ay Qaramada Midoobay codeyn ku diiday soo jeedinta Dowladda Kenya. Kenya ayaa dooneysay in ururka Al-Shabaab lagu diro qaraarka 1267, si ay taas uga faa’iideysato inay cunqabateyn ku saarto Soomaaliya, islamarkaana ku beegsato hantida ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale shaqsiyaadkii ay doonto. Qaraarkan oo golaha ammaanka uu ansixiyey 15-kii October ee sanaddii 1999-kii ayaa diidaya in wax gargaar ah la gaarsiiyo deegaanada ay maamulaan koox kasta oo qaraarkan lagu daro, taasi oo haddii ay dhici lahayd diidi lahayd in dad badan oo ku dhibaateysan deegaanda ay maamulaan Al-Shabaab gargaar la gaarsiiyo. In Al-Shabaab lagu daro qaraarkan ayaa waxaa diiday lix ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka, oo laba ka mid ah ay yihiin xubnaha joogtada ah. Dalalka diiday ayaa kala ah: USA, France, Belgium, Germany, Poland iyo Kuwait. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  2. . Waxyar uun kadib salaadii casar ayaa waxa Guud ahaanba magaalada Hargeysa siigo cas oo qunyar socota oo aan wada dabaylo Iyo roobtoona, siigadani waxa ay aakhirkii magaalada ka dhigtay mugdi madow iyada oo qoraxdii qarisay. Taariikhda inta la ogyshay magaalada siigo noocani ahi lama sheegin. Sadex cisho ka hor ayay ahayd markii magaalada ay ka da’een roobab laxaadleh oo wata dabaylo kuwaasi oo gaystay khasaare bag Iyo maalba leh. Isbadalka cimilada ayaa loo sibir saarayaa isbadalka cimilada ee Somaliland badiba Ku habsatay Qaran News
  3. Qardho (Caasimadda Online) – Caasimadda Online ayaa ogaatay maalmihii dambe inuu khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay dowlad goboleedka Puntland iyo Imaaratka Carabta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Khilaafka oo markii hore salka ku hayay arrimo la xiriira mashaariic labada dhinac u dhexeysa ayaa iminka sii xoogeystay kadib markii la ogaaday in garoon ku yaalla magaalada Qardho ay ka soo degtay diyaarad sida saanad milateri, taas oo aysan ka war qabin Puntland. Waxaa shaki weyn dhalisay qaabka qarsoodiga ah ee Imaaratka Carabtu ay saanada milateri ugala soo degeen garoon cusub oo aysan horay u isticmaali jirin, iyadda oo la wada ogyahay in diyaaradaha Imaaratku isticmaali jireen garoonka diyaaradaha ee Boosaso. Saraakiisha ammaanka Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Qardho oo ka war helay diyaarada Imaaratka Carabtu leeyihiin ee ka soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho ayaa amray in la xanibo agabka ciidan ee diyaaradahu sidaan. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo markii horeba safarkiisu ku wajahnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa la gaarsiiyay warka la xiriira diyaarada hubka sida ee ka soo degtay Qardho. Madaxweyne Deni ayaa saraakiisha faray inaan la dejin saanada milateri ee diyaaradu sido ilaa iyo amar dambe. Waxaa Muuqata in qorshahaan uu yahay mid u gaar ah Imaaraadka Carabta oo aysan ka warqabin madaxda Puntland. Shaki weyn ayaa durba soo baxaya kaas oo ah halka ay ku wajahantahay, saanada ciidan ee Imaaraadka sida qarsoodiga ah u keenay isaga oo aan soo wargelin Puntland. Hab dhaqankan cusub ayaa sii xoojinaya tuhun ay mudooyinkii dambe qabeen madaxda Puntland, kaas oo ah in wada shaqeyn ka dhexeyso kooxaha ka dagaalama buuraha Puntland iyo Imaaraatka. Saraakiil ciidan oo aan la hadalnay, waxay aaminsan yihiin saanada milateri ee sida qarsoodiga ah uga soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho in ay tahay mid loo waday buuraha Galgala oo ay ka dagaalaman Al-Shabaab. Maalmo ka hor safarkii uu Madaxweyne Deni uga baxay Puntland ayaa si rasmi ah ugu wajahnaa magaalada Dubai, isaga oo transit ku sii noqday dalka Itoobiya, lamana oga saameynta dhacdadan cusub ay ku yeelan karto safarka Madaxweyne Deni. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  4. Dhawaan waxaa doorasho aysan raali ka aheyn Dowladda Soomaaliya kusoo baxay Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaweynaha Jubbalanad. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa arrintaas ka hor timid, kuna tilmaamatay inay tahay doorasho aan sharciga waafaqsaneyn. Doorashada uu sameystay Axmed Madoobe oo garab ka helayey Dowladda Kenya ayaa kusoo aadeyso xilli ay waqti yar ka dhiman tahay dacwadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Doorashadii Jubbaland ka dhacday ayaa waxaa ku kala aragti duwanaa dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeedo deegaanada uu maamulkaas ka taliyo. Dowladda Kenya ayaa si weyn u difaacday Axmed Madoobe si uu mar kale ugu soo baxo Doorashada Jubbaland, waxayna u aragtaa garab weyn oo ay u isticmaali karto boobitaanka Badda Soomaaliya. Difaacitaanka Dowladda Kenya ee Axmed Madoobe ayaa ujeedka ka dambeeyo waxay tahay sidii ay danaheeda uga fushato, maadaama ay dowladda Soomaaliya ka dhaga adeegtay dalabaadka Kenya ee ahaa in wada hadal lagu dhameeyo kiiska Badda. Dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa kaliya ka harsan muddo 11 Maalmood ah, waxayna qubarada sheegayaan inay u badan tahay inay guul gaarto Soomaaliya. Haddaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah Axmed Madoobe ma Kenya ayuu daacad u noqonayaa mise badda Soomaaliyeed ee ay boobayso ayuu ka difaaci doonaa? Waxaa qoray: Cabaas Cali Xasan Filimside@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen [Muungaab] ayaa ka codsaday madaxda dowladda in ay shaqadiisa u madax banaaneeyaan duqa cusub ee caasimadda. Muungaab oo ka hadlayey xafladda xil la wareegida Cumar Filish oo ka qabsoontay xarunta dowladda hoose ayaa soo jeediyay in hadii talaabadaasi la qaado uu wax badan qaban doono gudoomiyaha cusub. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sidoo kale ka dalbaday in ay si dhow ula shaqeeyaa mas’uulka cusub gaar ahaan dhinacyadda amniga, horumarka iyo bilicda magaala madaxda dalka. Gudoomiye Cumar Filish oo balanqaadey in dhowaan dib loo furi doono jidadka xiran ee magaaladda Muqdisho ayaa dadweynaha iyo siyaasiyiinta ku booriyey in ay garab istaagan maamulka cusub ee uu hogaamin doono. View the full article
  6. Kismaayo (SMN) – Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Jubbaland ayaa la wareegay gacan ku haynta degaano ka tirsan Jubada Hoose. Qabshadan tuulooyinkan oo hoostaga Jamaame ayaa ka dambeysay markii ciidamadda ay halkaasi ka sameeyeen howlgalo kala duwan. Ciidamadda xorreeyay goobahaasi ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxeen degaanka Baar Sanguuni ee gobolkaaasi. Dhinaca kale, saraakiisha ayaa sheegay in mudadii ay wadeen howlgaladaasi ay kusoo qabqabteen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab. Marka laga soo tago sheegashadda xoogaga dowladda ma jiro wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxay dhanka AlShabaab. View the full article
  7. Hindiya (SMN) – Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Marwoo Faadumo C/llahi Maxamuud (insaaniya)ayaa gudbisay warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo,iyadoo munasabad looga guddoomayay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee dalkaasi Hindiya. Munaasabadda oo si heer sara ah loo soo agaasimay waxaa safiirka ku wehlinayay diblomasiyiin ka tirsan safaaradda oo uu ugu horeyo lataliyaha kowaad ee safaaradda Axmed Maxamuud Maxamed(Axmed xiish) iyo xubno kale oo ka tirsan safaaradda. Marka ay gaareen aqalka madaxtooyada Dalkaasi Hindiya looga arrimiyo waxaa halkaasi ay ku mareen hannaanka habmaamuuseed oo ay maraan safiirada gudbinaya aqoonsiyada. Intaasi kadib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee dfalkaasi Hindiya Faadumo C/llaahi Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeelatay madaxweynaha dalka Hindiya Mr Ram Nath Kovind,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee Soomaliya iyo Hindiya, iyo sidii wadashaqeyn dhow ay u dhexmari lahayd safiirka cusub iyo madaxda dalkaasi Hindiya. Safiirka ayaa u faah faahisay madaxweynaha dalka Hindiya,xaaladaha Soomaaliya,horumarada lagu talaabsaday iyo muhiimadda ay leedahay in labada dal Hindiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan ilaqaadka diplimaasiyadeed ee labada dhinaca. Ugu dambeyntii Madaxweynaha dalkaasi Hindiya Ram Nath Kovind ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud(Insaaniya) oo ay u gudbisay warqadeheeda madaxtooyada Qaranka dalkaasi Hindiya. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaysatay dib u soo celinta xiriirkii diplomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeeyay dowladdo badan oo dunida kamid ah,dalka Hindiyana wuxuu kamid yahay wadamada xiriirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya,marka loo fiiriyo wadamada dhaca Qaaradda Assia,waxaana jira wadamo badan oo kale. View the full article
  8. Dhuusomareeb (SMN) – Taliyaha ciidanka Midowga Africa ee AMISOM Gen Tigabu Yilma ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Gal-mudug, halkaas oo lagu soo dhaweeyay. Markii uu gaarey caasimadda, sarkaalkan u dhashay Itoobiya ayaa wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta dowladda ee halkaasi ku sugan, isaga oo kala xaajoodey arrimo uu amniga ku jiro. Maxamed Abuukar Islow, wasiirka amniga Soomaaliya, oo kulanka kadib u waramay warbaahinta ayaa shaaciyey in ay isla afgareen doorka ay AMISOM ka qaadan karto sugitaanka ammaanka magaaladda inta lagu guda jiro shirka dib u heshiisiinta. Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa xusay in haatan magaaladda ay tahay mid nabad-gelyadeeda la isku haleyn karo, isla markaana shirka uu ku qabsoomi sida loogu talogalay iyo waqtiga loo qorsheeyay. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-30082019.mp3 View the full article
  10. Japan (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta wada hadallo wax ku ool ah kula yeeshay Magaalada Yokohama ee Dalka Japan Madaxweyne Ku xigeenka Bankiga Adduunka ee qeybta Afrika Mudane, Hafez Ghanem. Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dedaallada Xukuumadda ee la xiriira dib u habeynta maaliyadda, deyn cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka. Madaxweynaha Soomaaliya oo Shalay Khudbad ka jeediyay shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga Waddamada Afrika iyo Japan (TICAD), ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira guud ahaan Dalalka Geeska Afrika. View the full article
  11. A man from Alabama who was sentenced to life without parole after stealing $50.75 from a bakery in his 20s is to be released after more than three decades in prison. Source: Hiiraan Online
  12. Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Ticabu Yilma iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka dibu-heshiisiinta Galmudug. Ticabu Yilma ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay taliyaha Qaybta 21aad iyo Taliyaha DANAB ee 21aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, inkastoo ay la socdeen ilaalo gaar ah. Wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya, wasiirka amniga Galmudug, xubno katirsan Ahlusuna iyo madaxda dhaqanka ayaa kulamo kala duwan kuleh magaalada Dhuusamareeb, xilli XFS shaacisay in la xalliyey khilaafkii shirka Dhuusamareeb. PUNTLANDPOST The post Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM oo gaarey magaalada Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
  13. Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan Congress-ka Maraykanka aya sheegtay in loo soo diray farriin hanjabaad ah loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”. Waxa ay sheegtay in farriintaasi ay soo direen shaqsiyaad ka agdhaw madaxweynaha dalkaasi isla markaana ay is qarinayaan dadka noocaas oo kale ahna ay ku sababeen inay samaysato ilaalo gaar ah oo ku waardiyeysa gudaha Maraykanka. Ilhaan Cumar ayaa hadalkaan sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”. “Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale,” ayay Arbacadii qortay Ilhaan oo Maraykanka tagtay iyadoo 12 jir ah oo qaxooti ah. “Balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.” The post Ilhan Cumar oo ilaalo gaar ah samaysatay sheegtayna in dil loogu hanjabey. appeared first on Puntland Post.
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ay saaka uga sameeyeen gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciiamadu ka fuliyeen duleedka degmada Jamaame ee gobolkaasi. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in ciidamada huwanta howlgalkaasi ay ku dileen illaa shan ka tirsanaa Al-Shabab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen afar kale. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay la wareegeen tuulooyinka Heynerow, Soomarey, Janal Ajey iyo Yirey oo dhammaan hoostaga magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Xaaladda aya haatan ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari oo culus weli laga dareemayo halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Tigabu Yilma iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya iyo saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM ayaa ka dagay garoonka Ugaas Nuur, iyadoona halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey. Ujeedka safarka taliyaha AMISOM ayaa la xariira xoojinta amniga, maadaama dhowaan magaalada Dhuusamareeb ay marti galineysi shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug, kadibna lagu qaban doono doorashada guud ee maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in haatan taliye Yilma iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu kulan uga socda magaalaaasi. Kulankan ayaa lagu soo warramayaa in ay dibad joog ah ka tahay dhammaan warbaahinta. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeye, iyadoo ciidamada dheeraad ah lagu arkayo halkaasi. Safarka taliyaha AMISOM, ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe xiisado xoogan ay ka taagnaayeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeyey dowladda dhexe iyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta wadahadallo gaar ah magaaalada Yokohama ee dalka Japan kula yeeshay madax ka socotay Bangiga Adduunka. Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay mas’uuliyiin u hoggaaminayey, Hafez Ghanem oo ah ku xigeenka Bankiga Adduunka ee qeybta Afrika. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya, deyn cafinta iyo arrimo kale. ”Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dadaallada Xukuumadda ee la xiriira dib u habeynta maaliyadda, daynta cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka”sidaasi ayaa lagu yiri qoraak la soo galiyay barta Facebook ee Villa Soomaaliya. Shalay Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga Waddamada Afrika iyo Japan, ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xalay si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa sameeyey ballaan qaad farxad geliyey shacabka Caasimada. Filish ayaa sheegay in uu si deg deg ah ku furi doono jidadka xiran ee Muqdisho, islamarkaana uu muhiimada saarayo dhaq dhaqaaqa isku socodka dadka iyo gaadiidka. “Waxaan hortiina ka balan qaadayaa in maamulkaygu shaqadiisa mida ugu muhiimsan ay tahey in aan laamaha amaanka kala shaqayn amaanka Caasimada, waxaan si deg deg ah u furi doonaan wadooyinka kala xiran ee Magaalada Muqdisho.” ayuu yiri guddoomiye Filish. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu ku shaqayn doono lix tiir oo muhiim u ah horumarka gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan. “Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah.” ayuu intaasi ku daray guddoomiyuhu. Ugu dambeyn wuxuu shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka dalbaday inay la shaqeeyaan maaamulkiisa, kuna garbsiiyaan xoojinta nabad geylyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Kenya, Paul Njuguna oo la hadlay warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa beeniyey eedeyn culus oo ay horay ugu jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Paul Njuguna ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM aysan ku lug laheyn dhoofinta dhuxusha Soomaaliya. Afhayeenka ayaa tilmaamay u jeedka ciidamadooda kaliya uu yahay, sidii ay Soomaaliya ugu soo dabaali-lahaayeen nabad iyo xasilooni. “Eedeyn kasta oo la xiriirta ku lug lahaanshaha dhaqdhaqaaq kale waa mid aan sal lahayn. dadaal kasto oo lagu weji xumeynayo qeybtaas taariikheedna waa mid aan waxtar lahayn,” ayuu yiri Paul Njuguna. Ugu dambeyn afhayeenka ciidanka Kenya ayaa hoosta ka xariiqday inay sii wadayaan doorkooda ku aadan sidii looga guuleysan lahaa Al-Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadayaa, iyadoo marar badan ciidanka dowladda Kenya lagu eedeeyey in ay ku lug leeyihiin dhuxusha tirada badan ee laga dhoofiyo dekedda magaalada Kismaayo, taas oo la sheego inay dhaqaale ka hesho kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, haatana ah hoggaamiyaha xisbiga Cadaalada, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga sii dartay culeyska saaran dadka shacabka ee ku dhaqan gudaha magaalada Caasimada ah Muqdisho. Muugaab ayaa xusay in xirnaasha waddooyinka haatan looga sii daray, islamarkaana dhagxaantii waddooyinka la dhigay lagu bedaly Ganjeelo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaadiidka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan kuwa ka soo baxa dekedda Muqdisho ay ku qaadato in uu tago suuq Bacaad ama Bakaaraha mudo saddex maalmood ah,taasina ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka laga dhaxlay jidadka ay xirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Magaladaan dhagax in lagu xiro waa ay dhaaftay waxaa ay marayesaa in Ganjeelo lagu xiro,baabuurka dekadda ka soo baxa oo badeecadaha Bakaaraha ama suuq bacaad u sido saddex maalin ayay ku qaadaneysaa walba Canshuur xadhdaaf ahna waa laga qaadaa.” ayuu yiri Muungaab. Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo hadalkiis sii wata ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka in doorka nabadgelyada loo daayo Duqa cusub ee Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), si loo helo kala dambeyn iyo amni waara. “Guddoomiyaha gobolka asigaa ah Hoggaamiyaha Nabadgelyada Gobolkaan, laakiin waa inay madaxda qaranka ku dhiirataa in Guddoomiyaha doorkaas nabadgelyada loo daayo oo looga dambeeyo, Wasiirada ay qaataan siyaasadda guud ee Amniga, magaaladan amnigeeda iyo kala dambeynteena in la dabaqo xeerka nabadgelyada in la dabaqo oo Guddoomiyaha door la siiyo, laakiin haddii la yiraahdo amniga wax ka qabo, waxna aan loo dhiibeyn, waxba kama jirto waaye, marka in door la siiyo waa loo baahan yahay Guddoomiyaha”ayuu intaasi raaciyey guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir. Ugu dambeyn wuxuu cararbka ku dhiftay in guddoomiyaha cusub uu yahay nin wax qaban kara guud ahaan gobolka Banaadir, islamarkaaana ay si gaar ah ula shaqeyn doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Cabdulqaadir Cabdi Shamaay oo kamid ahaa kooxdii Musharixiinta ee isku bahaystay iney Xukunka kantuuraan Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegey inuu ka baxay kooxdaas ka dib [...] Source
  21. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud [Filish] ayaa xafladda xil-lawareegidiisa uu kaga dhawaaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furayo wadooyinka caasimada. “Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”. Cumar Filish ayaa xusay in dhaqaaluhu uu kamid yahay wax yaabaha mudnaanta u leh, isla markaana uu muhiimad siin doono Kobcinta dhaqalaaha caasimadda iyo abuuridda jawi iyo bii’ad soo jiidan karta maalgashiga dibadda iyo gudaha, Korna u qaadi doono bilicda Muqdisho, si ay ula tartanto caasimadaha kale ee adduunka. Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in la sii xoojinayo bixinta, ballaarinta iyo dardargelinta adeegyada bulsho ee maamulka gobolka iyo caasimaddu ay siiyaan dadweynaha iyo muwaadiniinta ku nool, isla markaana canshuurta la qaado si hufnaan leh loo maareyn doono, iyadoo loo adeegsanayo baahiyuhu mudnaanta ay kala leeyihiin, meel adagna looga soo wada jeedsan doono musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, si loo ilaaliyo ammaanada ummadda Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay gacan ku siiyaan maamulkiisu sidii uu u gaari lahaa hadafkiisa ku qotoma baahida shacabka Muqdisho. View the full article
  22. Tokyo (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa intii lagu guda-jiray kaltanka todobaad ee Shir Madaxeedka TICAD ayuu shir doceed la yeeshay dhiggiisa Japan Mudane Tarō Kōno, isaga oo kala hadlay habkii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka, waxa uuna bogaadiyay mowqifka Japan ee taageeridda Soomaaliya iyo tubteeda horrumarineed. Wasiir Cawad ayaa xubin ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka qeybgalaya Shir Madaxeedka todobaad ee TICAD ee ka furmay Magaalada Yokohama, Japan, oo soconaya inta u dhexeysa 28-30 August. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Japan ayaa waxa ay garwaaqsadeen muhiimadda weyn ee ay leedahay in la furo iskaashi sal ballaaran oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag u ah labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah. TICAD waa madal dhinacyo kala duwan oo hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dalalku leeyihiin, kana qeybgalaan wakiillada Ururrada caalamiga iyo kuwa gobolka, loogana hadlo horrumarinta Afrika, kulankiisii ugu horreeyay waxa uu ku qabsoomay Japan sanadkii 1993. View the full article
  23. Gaalkacyo (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay, saddex kelana waa ay ku dhaawacmeen markii rasaas lagu furay. Dhacdadan ayaa laga soo wariyey degaanka Godob, 40 KM u jira magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. Maxamuud Cilmi Gulaafe, taliye ku xigeenka ciidamada booliska gobolkaasi, ayaa Shabelle u sheegay in dadkan oo xoolo dhaqato ahaa ay yihiin qaraabo dhowr. Mr Gulaafe oo xusay in dableyda dhibaatada geystay ay dhanka Puntland ka yimaadeen ayaa ka gaabsaday ujeedada loo beegsaday. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxa dhinaca dowlad goboleedka Puntland. View the full article