Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tokyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtidooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha wadajirka ah ee Afrika iyo Japan ee lagu jaangooyay muddada saddexda sanno ah ee soo socota iyo sidii maalgashadeyaasha u dhashay dalka Japan ay ugu soo dhiirran lahaayeen in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan guulaha muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen muddadii la soo dhaafay iyo doorka hoggaamineed ee ay ka qaadan karaan kobaca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalalka Gobolka. “Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo adiga iyo shacabka Japan soo dhaweynta diirran ee aad noo sameyseen aniga iyo wafdigayga muddadii aan halkan ku sugnayn. Waxaan abaal uga haynaa Japan taageerada tooska ah iyo midda dadban ee ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.” Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa xusay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay barnaamijka iskaashiga labo geesoodka ah ee Japan iyo Afrika isagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo qaybgalka madashan iyo qorsheyaasha wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen. Ra’iisul Wasaare Abe ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka gaartay dowlad wanaagga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida, wuxuuna ballan qaaday in Japan ay kaalin mug leh ka gaysanayso dadaallada dayn cafinta oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Maaliyadda oo ay Japan ka tahay xubin firfircoon.
  2. Si isla xisaabtan u yimaado, isla markaana mas’uulka Soomaaliyeed u ogaado in loo diwaangeliyey ballamihiisa, waxna laga weydiin-doono, Goobjoog News sida caadada ah waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa khubaddii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ka jeediyey xafladdii uu xilka kula wareegayey. Haddaba, Halkan Ka Akhriso: Khudbadda Cumar Filish oo Dhameystiran. Bismillaah, mas’uuliyiinta kala duwan caawa nagala soo qeyb gashaymunaasabddaan xil la wareegidda ah ee uu u horeeyo guddoomiye ku-xigeenka Aqalka sare mudane Mowliid, ee madaxda kala duwan ee goleyaasha baarlamaannada heer federaala iyo heer dowlad gobaleed, goleyaasha heer qaran, heer gobol iyo heer Baarlamaan, dhammaan ka soo qeyb galayaasha oo ay ka mid yihiin, madaxdii iiga horeysay ee gobalka Banaadir, intii dalka joogtay, duubabka, gabdhaha, madaxda ciidamada iyo dhammaan mas’uuliyiinta kala gadisan ee la midka ah ee aan ka gaari waayay inaan halkaan ku xuso, dhammaantiin wasalaama caleykum waraxma tullaahi wabarakaatuhu. Ee, Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan marka hore fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan u tacsiyeeyo dadkii kugee ku geeriyoodey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday xarunta gobalka Banaadir, oo ugu horeeyo guddoomiyihii hore ee gobalka Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Injineer Yariisoow, waxaana leeyahay Illaahey ha-u-naxariisto dhammaanteenna sammir iyo imaan hanaga siiyo, waxaan idiinka codsanayaa inaan hal daqiiqo wada istaagno, faataxada u marno in illlaahey raxmaddiisa siiyo. Sidoo kale, waxaan idiinka codsanayaa in dhammaanteen aan allaah caafimaad uga barino walaalaheennii ku dhaawacmay falkaas foosha xun. Midda kale, waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo howl wadeennadii soo abaabulay munaasabaddan oo uu ugu horeeyo ku simaha guddoomiyaha gobalkaiyo iyo mas’uuliyiinta kale ee gobalka , mudanayaal iyo marwooyin, waxaan sidoo kale fursaddan uga faa’iideysana inaan u mahad celiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Raii’salwasaaraha Xukuumadda mudane Xasan Cali Kheyre, oo ii gartay, oo ii gartay inaan qabto xilkaan culus, oo muhiimad weyn u leh dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dad weynaha ku dhaqan gobalka Banaadir, waxaana Illaahey ka baryayaa inuu iga dhigo mid guta waajibaadka shaqo ee loo idmaday. Mudanayaal iyo marwooyin, sida aad ogtihiin waxaa na sugaya ma’uuliyad ballaaran oo xasaasi ah guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan shacabka gobalka Banaadirba il-gaar ah nagu eegayaan, mudanayaal iyo marwooyin, waxaan hortiinna ka cadeynayaa, inaan ku dadaali doono in aan horay u siiwado, horay u siiwadno aan I raahdo, shaqooyinkii wanaagsanaa ee uu waday walaalkeen Injineer Cabdiraxmaan Yariisoow iyo guud ahaan howlihii ay bilaabeen maamulladii is xig xigay ee gobalka soo maray, aniga oo uga mahad celinay qof walba kaalintii uu ka soo qaatay hormarka uu gobalku gaaray. Barnaamijka lixda bilood, waa amniga caasimadda. Amniga caasimadda (ayaad Qur’aan ah,)mudanayaal iyo marwooyin, maamulka ee maamulka ee iyo dhammaan howl wadeennada gobalku waxaa ay ahmid gaar ah siin doonaan inaan laamaha amniga heer gobal iyo mid dowlad dhexeba kala shaqeynno sidii magaalada Muqdisho u noqon la heyd mid amnigeeda la isku haleyn karo, shacabkeenuna u helaan, amniga iyo nabadda ay xaqqa u leeyihiin oo ah mas’uuliyadaha ugu waaweyn oo shacabku naga filayaan, waxaan aaminsan nahay sugiddiisu iney tahay shaqo noowadataal shacab iyo dowladba, waxaana ku kalsoon nahay haddii aan is kaashanno inaan ka adkaan doonno cadawga, waa inaan dhammaanteen aanan sugin cadawgu inuu malin walba laayo dadkii indhaha bulshada ahaa, hase ahaatee taas badalkeeda waa inaan qaadanaa, talaabo kasto aan uga hortageyno waxyeeladooda, waxaan hortiina ka balan qaadayaa in aan intii karaankeena ah xoogga saari doonno amnigu inuu noqdo shaqo maalmeedka ugu muhiimsan oomaamulkeenu kala shaqeyn doono laama amniga, waxaan si dagdag ah u furi doonaa jidadka kala xiran ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan waliba aan adkeyn doonno ammaanka dad weynaha iyo goobaha ganacsiga. Bilicda Caasimadda (Xadiis), walaalayaal sida aad ogtihiin nadaafadda iyo bilicda magaalo ay umadi ku nooshahay waxaa ay ka mid tahay qiimaha dadnimo ee umaddaas, waxaa ayna kaalin muhiim ah ka qaadataa caafimadka iyo quruxda nolosha, sidaas darteed ayuu Rasuulku SCW waxaa uu nadaafadda ku tilmaamay Imaanka barkiis, sidoo kale haddaanan nadaafadda iyo bilicda magaalada si weyn wax uga badalin caasimaddeenu m anoqon karto mid la tartanta caasimadaha adduunka ee aan higsaneyno inaan la mid noqono, sidaa darteed waxaan xil gaar ah is ka saareynaa inaan la inaan labalaabno dadaalkii horay u socday ee lagu soo celinayey muuqaalka Caasimadda, waxaan arrinkaas ku darsan doonaa qorshe maalmeedka gobalka, sidoo kale waxaan dowladda iyo shacabka ugu baaqeynaa aniga iyo asxaabteyda intii la awoodo in qorshaha lagu daro dib u dhiska dhismayaasha burburay oo wax weyn u dhimay bilicda iyo quruxda magaalada, waxaan dayactir iyo dhismo aan ku sameyn doonnaa bulaacadaha qaada biyaha si loo baabi’iyo dhiiqada ka dhalata roobabka iyo nadaafad darrada u horseedi karta cudura dilaaca. Adeega dadweynaha (ayaad Qur’aan ah) in kastoo awooda dhaqaale ee gobalka ay xadidan tahay haddan waxaan dareensan nahay in maamulka gobalka mas’uuliyad ka saran tahay in dadweynaha gobalka Banaadir gaarsiiyo adeega iyo baahiyaha aas aasiga ah sida waxbarashada , caafimaadka, biyaha, korantada iyo adeegyada kale uu bixiyo, waxaan cid kasta oo naga caawin karta la kaashaneynaa sara u qaadidda adeegga iyo baahi tirka shacabku naga, naga sugayo, waxaan ku dadaali doonnaa inaan dhammaan degmooyinka gobalka gaarsiinno heer ay bixin karaan adeegga looga baahan yahay iyo danaha joogtada ah ee gobalka uga xiran bulshada, taasoo mararka qaar ay dadku meelo fogfog uga yimaadan, waxaana shacabka gobalka Banaadir ka codsaneynaa in ay naga shaqeeyaan oo waajibka saaran gutaan si aan u gudanno ma’uuliyadda ay nooga fadhiyaan. Mashaariicda Horumarinta (Xadiis), Walaalayaal waxaad la socotaan in gobalka ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo wax weyn ka badalaya muuqaalka iyo hormarka caasimadda, sida dib udhiska wadooyinka iyo xarumaha adeegga dad weynaha, sidaa darteed waxaan siiwadi doonnaa dhameystirka mashaariicdii horay u socotay waxaan abuuri doonnaa mashaariic kale oo horumarinneed, annaga oo gacan siindonna, soona dhowey doonna cid kasta oo nagala qeyb qaadaneysa horumarinta iyo dib u dhiska caasimadda, waxaan magaalada Muqdisho xaafadaheeda ka hirgelin doonnaa waddooyin isugu jira Laami iyo Jaay si uu u sahlanaado is ku socodka magaalada ee dad weynaha iyo gaadiidka. Cadaaladda ama Garsoorka (ayaad Qur’aan ah), Walaalayaal sida aad ogtihiin dhibaatada Soomaaliya in badan arrimaha loo tiiriyo in ay qeyb ka tahay waxaa ka mid ah cadaalad darrada, cadaalad darrada dhexdeenna ka dhacda, cadaaladdu waa sheyga kaliya ee umad u horseeda in ay nabad iyo is jeceyl kuwada noolaadaan. Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda qaranka Soomaaliyeed iyo magaalo umadda Soomaaliyeed kuwada nool yihiin waxay mar kale ku soo ceshan kartaa magacii iyo maamuuskii lagu yaqaanay in qof kasta oo Soomaali ah helo cadaaladda uu xaqqa u leeyahay, waxaan hortiinna caawa ka caddeynayaa intaan madax ka ahay magaaladaan inaan aqbali doonin intii awoodeyda ah in cadaalad darro iyo dulmi qof Soomaali ah lagula kaco, in qof Soomaali ah oo mawaadin ah, oo muslim ah uu qof kale oo Soomaali ah si bareer ah hanitidiisa u haysto, nuucey doonto ha ahaatee, ma aqbali doonno, dhibaatooyinka iyo khilaafyada dhulka waxay magaalada caasimadda Muqdisho ku hayaan amni darro iyo sumcad xumo, waxaan aaminsan nahay haddii cadaaladda laga shaqeeyo iney yaraanayaan khilaafyada hantida la is ku heysto, sidaa darteed, waxaan hey’adaha Garsoorka ugu baaqayaa in ay ku dadaalaan in mawaadiniita si cadaalad ah wax ugu kala xukumaan, sidoo kale hey’adaha sharci fulinta waxaa laga rabaa in ay kaalintooda ka qaataan hirgelinta cadaaladda. Muumul wanaagga (Xadiis ), Mudanayaal iyo marwooyin maamulku waxaa uu ku saleysnaan doonaa mabaadii’da maamul wanaagga, annaga oo la dagaalami doonna muuqaalada kala duwan ee musuqmaasuqa, waxaa kale oo maamulka gobalka banaadir ku saleysnaan doonaa daah furnaan, la xisaabtan iyo hufnaan. Gabangabo, Ugu danbeytii waxaan halkaan uga codsanayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya, dhammaan dad weynaha ku dhaqan gobalka Banaadir, howl wadeennada iyo dhammaan shaqaalaha gobalka Banaadir inaan is ka kaashanno sidii aan u dardargelin laheyn howlaha na hor yaala, sidoo kale shacabka gobalka Banaadir iyo dhammaan Soomaaliyeed ugu baaqayaa in laga wada qeyb qaato dib u- xoreynta iyo xasilinta dalka lana garab istaago dhammaan ciidamada kala duwan ee dalka, oo wada dadaal ay cadawka dalka uga cirib tirayaan, wabilaahu toowfiiq wasaalama caleykum waraxma tullaahi wa barakaatuhu. Goobjoog News W/ Q Dalmar Cabdulqaadir Daacad Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtidooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha wadajirka ah ee Afrika iyo Japan ee lagu jaangooyay muddada saddexda sanno ah ee soo socota iyo sidii maalgashadeyaasha u dhashay dalka Japan ay ugu soo dhiirran lahaayeen in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan guulaha muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen muddadii la soo dhaafay iyo doorka hoggaamineed ee ay ka qaadan karaan kobaca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalalka Gobolka. “Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo adiga iyo shacabka Japan soo dhaweynta diirran ee aad noo sameyseen aniga iyo wafdigayga muddadii aan halkan ku sugnayn. Waxaan abaal uga haynaa Japan taageerada tooska ah iyo midda dadban ee ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.” The post Madaxweynaha Soomaaliya oo lakulmay ra’iisul wasaaraha Japan. appeared first on Puntland Post.
  4. African Union peacekeepers from Djibouti contingent arrived Dhusamareb town on Saturday. The contingent is there to support Somali security forces recently deployed in the area in securing the venue of upcoming reconciliation conference before upcoming regional elections in Galmudug State. Cheering residents greeted Djibouti troops outside the town. Minister for Internal Security, Mohamed Abukar Islow told the media following a brief meeting with AMISOM officials that the peacekeeping force will help Somali security agencies maintain law and order in the state during elections. “Our brothers from Djibouti who are part of AMISOM peacekeepers are here to help us strengthen peace and stability in the state.” Somali National Army 21st Division commander, Abdulaziz Abdullahi Qooje has said. General Qooje who dismissed reports of opposition to the deployment of the Djibouti contingent added that Hiil Walaal “Brother’s keeper” will be responsible to secure key government installations in the Galmudug state. Security agencies from the Federal Government have fully taken the responsibility of security in Galmudug state following an agreement between Ahlu Suna religious movement and Federal government led by Prime Minister, Hassan Kheyre. A Reconciliation conference to unearth political differences among various communities in the state are expected to kick off in the administrative capital of Dhusamareb in forthcoming days before regional leadership elections are planned. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay labadiisa ku xigeen ee dhanka amniga iyo maaliyadda gobolka Banaadir. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo dardargalin lahaa howlaha dowladda hoose ee Xamar. Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xoojinta isla xisaabtanka iyo arrimaha la dagaalanka musuq maasuqa. Filish shirka uu la qaatay labadiisa ku xigeen ee Mahad Alle iyo Tuulax ayaa noqonaya kii ugu horreeyey, tan iyo markii uu xilka la wareegay 29-kii bishan August, kaddib munaasibad xilli Habeen ah ka dhacday gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Gobolka Banaadir ayaa waxaa tan iyo markii uu ka dhacay qaraxii lagu dilay Marxuum Injineer Yariisow waxaa gaabis ku yimid howlihii shaqo ee dowladda hoose Xamar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Kismaayo)-Dibadbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo go’aan ay dawladda Federalka Somalia ay ka qaadatay diyaaradaha taga magaalada Kismaayo ayaa ka bilaabmay Magaalada Kismaayo ee xarunta dawlad gobolleedka Jubbaland. Boqolaal dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaaladaasi, kuwaas oo dareenkooda ku muujinaya sida ay uga soo horjeedaan cunaqabataynta iyo xayiraadda diyaaradaha magaalada Kismaayo kaas oo ay dowladda Federaalka Soomalaiya ku soo rogtay deegaanada Jubbaland. Boqolaalkan Shacab ah ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Kismaayo, kuwaa oo sita boodhadh lagu soo xardhay ereyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Waxaa xayiran guud ahaan goobihii ganacsiga magaalada waxaana ay dadku ku qeylinayaan erayo ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa xidhiidhkooda uu xumaa mudooyinkii u dambeeyey, sidoo kale waxaa xiisad diblumaasiyadeed dowladda Soomaaliya ay kala dhaxeysa dalka Kenya oo ciidammada ugu badan ay ka joogaan magaalada Kismaayo. Source
  7. (SLT-Sanaag)-Wararka aanu ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Shil gaadhi oo sababay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka ka tirsan Gobolka Sanaag. Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu Rogmaday gaadhi ay la sodeen ku dhawaad 150 qof tahribyaal Itoobiyan ah, isla markaana kusoo waajahnaa Magaalada Boosaaso, hayeeshee xilli ay marayeen deegaan lagu magacaabo tawakal ayuu rogmaday gaadhigii ay la socdeen. Ugu yaraan 50 ruux oo kamid ah Tahriibayaasha Itoobiyanka ah ayaa ku dhaawacmay Shilka, halka weli aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimasho, balse ay jiran dad ku geeriyooday halkaas. Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa gaadhay dadka deegaanka oo gurmad deg deg ah u sameeyay dadkii halkaas ku waxyeeloobay,waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Cisbitaalka ku yaalla Sanaag. Source
  8. Mudahaar saaka ka bilowday Kismaayo ayaa loogasoo horjeedaa Xukuumada Federaalka oo lagu eedeeyey iney sivqaldan u isticmaaleen Awoodii Dowladnimo. Cabdikariin Xuseen Cali oo kamid ah [...] Source
  9. Waxaa soo kordhaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee diinta ka baxaya W/Q Cabdiraxmaan Cabdishakuur Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Maalmahan waxaa soo kordhaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee diinta ka baxaya, kuna dhiirranaya in ay warbaahinta xiriirka bulshada si furan uga doodaan. Dhallinyarada caddeysanaysa waxay u badan yihiin kuwa qurbaha, waxaase jira dhallinyaro badan oo diinta ka shakisan oo gudaha dalka ku nool, laakiin sababo amni darteed aan caddeysan karin fikirkooda. Waxay dood la xiriirta jiritaanka Eebbe iyo run ahaanshaha risaalada Nabiga (SCW) ina dhexmartay dhallinyaro iyo masuuliyiin xildhibaanno, wasiirro iyo safiirro ka mid yihiin. Markii arrinku dhowr ruux dhaafo waxaa loogu yeeraa (phenomena) ama (ظاهرة.), mana ah wax l qarsoomi kara. Waxaa iyana dhinac socota afkaarta diinta ee xagjirka ah ee kooxaha qarxiska iyo qoorgooyada sida Al-shabaab iyo Daacish ay wadaan ama kuwa aan gacan ka hadalka aheyn laakiin xagjirka ah sida Al-saaciduun Bil-xaq iyo kuwa la mid ka ah. Dhinaca kale waxaa soo baxay dhallinyaro aan aqoon badan diinta u lahayn oo isku deyaya in ay farriimo Koo-kooban oo dabacsan oo qosol iyo si maadaysi leh diinta u gudbiyaan. Natiijada Ilxaadka ama diin ka baxa, iyo in dadku u jabaan dhallinyarada farriimaha dabacsan ee maadeysiga leh la yimid waxaa qayb weyn ka ah fikirka gurracan iyo falalka argagixiso ee ay ku kacayaan kooxaha xagjirka ah oo dadkii diintii nacsiiyey. Waxaa kaloo qayb ka mid kooxaha Islaamiyiinta kala duwan ee Soomaaliya ka jiri jiray laakiin haatan nuxuusay sida: Al-itixaad, Al-islaax, Al-waxda, Aalu Sheekh iwm ee ka soo qalin daartay Ikhwaanul Muslimiinka Masar ama Salifiyada Sacuudiga. Kooxahaas waxay la yimaadeen hal ku dhigyo waaweyn, waxay abuureen baraarug cusub oo dhallinyarada lagu kalsooni gelinayo in Islaamku xal u yahay nolosha aduunka iyo dawladnimada. Waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, sidoo kale waxay isku dayeen in ay iska dhiciyaan ama ka hortagaan afkaarihii iyo aragtiyadii galbeedka ee ka soo burqanayey (Modernity, الحداثة), ama Aqoonta Casriga. Raggii waaweynaa ee afkaarta Islaamiyiinta keenay waxay taageerayaashoodii u sheegeen in ay aqoonta casriga qaybteeda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda qaataan, laakiin ay iska ilaaliyaan qaybta falsafada, fikirka iyo aqoonta aadanaha la xariirta. Dhallinyaradii ay fikirkaas ku abuureen markii ay u daaddageen falsafadii sayniska iyo Tiknoolajiyada ee ay Modernity ama Casriga , badwayn ayey ku dhexdhaceen, waxaana ka hor yimid su’aalo badan oo aan jawaab loo haynin oo maanwareer ku riday. Waxay kaloo xaraakaadkii Islaamiga ku fashilmeen in ay u jawaabaan nolosha iyo xaalada murugsan ee dalka ka taagan, taasoo hanjab ku riday dhalinyaradii ay gacanta ku hayeen. Culimadiina intoodii badnayd waxay noqdeen maadiyiin aduun bursi ku jira. Waxay galeen ganacsi, NGOs iyo qaar maamulada iyo dawladahii dalka soo maray isku dhiibay. Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay afkaartii iyo mabaadi’dii qurxoonayd oo ay dhalinyarada u sheegi jireen. Waxaa kaloo iyana soo baxday in dhallinyarada qurbaha ku dhalatay iyo waalidoontada ama cullimada Soomaaliyeed ee casrigan joogta aysan isla jaanqaadi karin. Waalidku haddii uu dadaalo wuxuu ubadkiisa geyn karaa malcamad iyo Masjid, balse waxaa soo baxday in dhallinyaradii aysan jawaabo u heli karin su’aalaha kaga imaanaya falsafada iyo climiga ay Iskuullada iyo jaamacadda ugu tegayaan, gaar ahaan kuwa liddiga ku ah diimaha. Falalka gurracan ee kooxaha argagixisada ah, u daaddegga falfasada aqoonta casriga ah iyo iyadoo aysan jirin culimo ama mufakiriin Soomaaliyeed oo arrinkaas dhallinyarada ka horreeya oo cullimadii ay u bateen wacdi iyo waano ku celcelis ah, waxay keentay in la waayo cid si caqli ah dhallinyaradii u qancisa, keliya habaar iyo aflagaaddana dusha looga rido. Imaam Abuu Xaamid Al-ghasaali ayaa xilligiisii waxay muslimiintu ku daateen barashada Falsafada. Taasi waxay dhashay in diintii la xaqiro hoosna loo fiiriyo cullimadii, cidii aan falfasafadda barana caamada lagu xisaabo. Al-ghasaali wuxuu billaabay in uu Falsafada u xeraysto, darso ka dibna naqdiyo oo dhaliilo. Wuxuu qoray buuggii caan baxay ee loo bixiyey (تهافت الفلاسفة), Macno darrida Falaasifada. Waxaa la oran jiray Al-ghassali Falsafadii ayuu cirka ka soo dejiyey oo uu dhulka keenay. انزل الفلسفة من السماء الي الأرض Waxaan maanta u baahanahay Al-Ghasaali yaal badan oo aqoonta casriga ah inta darsa, diintana yaqaan oo meel naga saara su’aalaha waaweyn ee jawaabaha waafiga ah u baahan. Source
  10. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah uga shaqo bilaabay xafiiska dowladda hoose ee Xamar Fiisho Governo( Ufficio Governo ). Mr. Filish ugu horeyntii, ayaa saaka waxaa uu kulan gaar ah la qaatay gudoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir oo shirka ka qeybgalay. Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish kala hadlayay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir in la dardargaliyo howlaha ay dowlada hoose Xamar ugu qidmeyneyso bulshada ku dhaqan caasimada jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho. Kulankani ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa xoojinta islaxisaabtanka iyo ladagaalanka musuq maasuqa taas oo qeyb ka ah siyaasada guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) oo 29-ka bishan August la wareegay xilkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka (UPD) ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe ay musharrax culus ugu sharaxanayaan doorashada Galmudug ee la filayo in ay dhowaan ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Musharraxa xisbiga UDP ayaa la sheegay inuu yahay wasiirkii arrimaha gudaha Soomaaliya, haatan ah xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa). Odawaa ayaa la filayaa in maanta uu Muqdisho uga dhawaaqo inuu yahay msharrax u taagan xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug. Xildhibaankan ayaa haddii uu ku dhawaaqo musharraxnimadiisa noqonaya musharraxii ugu horreeyey ee isku soo taaga hoggaanka Galmudug. Sidoo kale waxa uu ka mid noqon doona mid ka mid ah musharaxiinta ugu miisaanka culus ee doorashada maamulkaasi, Cabdiraxmaan Odawaa ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa doorkii uu ka soo qaatay dhismiha maamulkii hore Galmudug ee lagu dhisay magaalada Cadaado, intii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha arrimaha gudaham Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Dowladda dhexe ayaa sidoo kale galangal ku leh hanaanka doorashadan iyo dib u heshiisiinta Galmudug, taasoo ka dhigan in tartan culus loo geli doono doorashada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Ra’isal wasaaraha Mauritius Mr Pravind Jugnauth ayaa dawladda Somaliland ku cambaareeyay tallaabada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku sii daayay Maxaabiis Budhad Badeed ah oo ku xidhna xabsiyada Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa Maxaabiistan u dhashay Soomaaliya oo xukunkoodu gaadhayay 30 ilaa 42 sanno dhawaan ku sii daayay cafis madaxweyne. Maxaabiistan oo lagu xukumay dalka Seychelles ayaa Somaliland loogu soo wareejiyay in ay xabsigooda ku dhammaystaan kadib heshiis dhexmaray xukuumaddii Siilaanyo iyo dawladda Seychelles. Ra’isal wasaare Pravind ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada Madaxweyne Biixi ku sii daayay Maxaabiistan waxaanu tilmaamay in ay dhabar jab ku tahay dadaallada caalamiga ah ee la dagaalanka Budhcad Badeedda. Mr Pravind ayaa hadalkan sheegay kadib kulan uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres kula qaatay magaalada Yokohama ee dalka Japan waxaanu sheegay in aad uga walaacsan yahay sii daynta Maxaabiistan. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Mauritius Mr Nadcoomar Bodha ayaa kulan uu caasimadda dalkaas ee Port-louis ugu qabtay kooxda la dagaallanka Budhcad Badeeda ee xeebaha Soomaaliya waxa uu u sheegay in ay sharci jebin tahay sii daynta Maxaabiista, islamarkaana ay adhax jab ku tahay xidhxidhidda Budhcad Badeeda oo yaraysay falalka Budhcad Badeednimo. Waxa uu sheegay in ay Golaha Ammaanka iyo xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u gudbiyeen qaraar lagu adkaynayo in aan si sahlan loo sii dayn Maxaabiista loo xidho falal budhcad badeednimo. Dawladda Seychelles ayaa sidoo kale cambaaraysay sii daynta Maxaabiista Somaliland cafiday oo ay ku sheegtay in ay tahay jebin heshiis ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Seychelles. Source
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug saaka gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Jabuuti ee Hiil-Walaal. Ciidamadan ayaa ka soo ambabaxay dhanka gobolka Hiiraan, iyagoona xalay ku hoyday inta u dhexeesa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug, siyaasiyiin iyo saraakiil ayaa ciidankan ku soo dhoweeyay magaaladaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay fariisimo cusub ka sameysteen xarumaha dowladda ee ku yaalla Dhuusamareeb. Sidoo kale waxa ay dageen gudaha garoonka Ugaas Nuur ee magaaladaasi, si ay sugaan amniga garoonkaasi. Horay ayaa waxaa magaalada ugu sugnaa ciidamada badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo laga qaaday gudaha magaalada Muqdisho. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan shirka dib u heshiisiinta iyo doorshada Galmudug lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID ayaa sheegay in haddii doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland la qaban waayo, in taasi bedelkeeda la qaban doono doorasho madaxweyne oo xilligeeda ka soo hor marta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Ceel-Afweyn)-Madax-dhaqameed warbaahinta kula hadlay degmada Ceel-afweyn ayaa eedaymo u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Banaanbax ballàaran ayaa lagu soo warramayaa goor dhow ka bilowday gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dibadbaxa ayaa waxaa looga soo horjeedaa go’aankii dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya Kismaayo ay soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dadweynaha dhigaya dibadbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa hakad ku jira dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka guud ahaan magaaladaasi. Banaanbaxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu weli taagan yahay khilaaf xoogan oo uu dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  17. Dagaalka Hawada ee ka dhex bilowday Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wuxuu Dalka la galay in hanjabaadyo hor leh. Villa Soomaaliya ayaa shalay [...] Source
  18. Ciidamo Jabuutiyaan ah, kana mid ah howlgalka AMISOM ayaa saakay waxa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin Galmudug Ah, siyaasiyiin iyo dadweyne badan ayaa ciidankan kusoo dhoweeyay magaaladaasi. Ciidamadan ayaa kasoo baxay dhanka gobolka Hiiraan, waxaana ay fariisimo ka sameysteen xarumaha dowladda ee magaaladaasi, iyadoo sidoo kale ay degeen garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb. Ciidamada AMISOM ayaa ka qeybqaadan doona sugidda ammaanka magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dhowaan halkaasi lagu qaban doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo midka lagu dhisayo maamulka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Badhan)-Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha maamul goboleedka Puntland Wasiirk Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag. Weftigan Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland ayaa waxa socdaalkan ay ku yimaadeen Badhan ku wehelinaya xubno ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedkaasi Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaasi. Waxaana masuuliyiintan maamul goboleedka Puntland ka socota ku soo dhaweeyey magaalada Badhan masuuliyiin Puntland u jooga Badhan oo uu ka mid yahay duqa degmada Badhan, kaas oo tilmaamay inuu si diiran ugu soo dhaweynayo weftigan magaalada Badhan, isla markaana ay rajaynayaan in si fiican ay ugu hirgasho hawlaha iyo shaqada ay weftigani u yimaadeen Badhan. Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo isaguna soo dhaweyntiisii ka dib la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu yidhi “Gudoomiyaha gobolka Sanaag, gudoomiyaha degmada Badhan, saraakiisha ciidanka, waxgaradka dhamaantiin aadbaanu idiinka mahadcelinaynaa sida sharafta leh ee aad noogu soo dhaweyseen weftigan ka soo kicitimay magaalada Garoowe ee Puntland oo isugu jira Wasiiro, xildhibaan iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah dawladda. Anaga safarkayagani waa safar shaqo oo aanu rabno hawlaha iyo masuuliyaadka aad haysaan inaanu idinla qaybsano, waxa Illaahay mahadiis ah in deegaankan uu dhawaan ka da’ay roobab inkasta oo aanu badayn, waxa ilaahay mahadiis ah in aanu soo aragnay maanta xareed dhulka jiifta, Illaahayna waxaanu ka baryeynaa inuu inoo badiyo deegaanada kalena inuu ku baahiyo guud ahaan dalka.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha maamul goboleedka Puntland oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Badhan ee gobolka Sanaag oo uu socdaal ku yimid shalay. Source
  20. (SLT-London)-Madaxa siyaasada arimaha dibada midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in 28-da dal ee midowga ay sii wadi doonaan ilaalinta heshiiskii Nuclear-ka ee wadamada quwadaha la galeen Iiraan sanadkii 2015-ka. Xilli ay warfidiyeenada kula hadleysay intii lagu guda jiray kulan ay Jimcaha maanta ku yeesheen wasiirada arimaha dibada midowga Yurub, magaalada Helsinki ee caasimada u ah Finland ayaa waxay sheegtay in door muhiim ah ay ka cayaari doonto ilaalinta heshiisyada jira. Waa ku celinayaa markale hadii ay jirto wax kasta oo lagu hormarinayo ilaalinta heshiiska wadamada quwadaha iyo Iiraan ee loo yaqaan it [JCPOA], waan soo Dhaweyneynaa ayey tiri Mogherini. Hadalka ka soo yeeray madaxa siyaasada arimaha dibada midowga Yurub Federica Mogherini ayaa imaanaya iyadoo sare ay u sii kaceyso xiisada ka dhex aloosan Washington iyo Tehraan. Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore ee 2018-ka sheegay in Mareykanka uu ka baxay heshiiskaasi waxaana uu ugu baaqay si la mid ah dalalkii qeybta ka ahaa in ay ka Laabtaan. Source
  21. (SLT-Ciraaq)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ciraaq ayaa sheegay in xukuumada Baqdaad ay isku diyaarineyso dacwad ka dhan Israa’iil kadib markii baadhitaano amni oo la sameeyay lagu ogaaday inay ka dambeyso duqeymo ka dhacay toddobaadkii hore waqooyiga Dalkaasi. Diyaarado aan la aqoon cidda iska leh ayaa beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Xashaad Al-Shaabi oo gacan saar la leh xukuumada Baqdaad. Afhayeenka isbaheysiga Fatax Axmad Al-Assadi ayaa warbaahinta ugu sheegay xafiiska uu ku leeyahay bartamaha magaalada Baqdaad in qaramada midoobay ay u gudbinayaan dacwad ka dhan Israa’iil. Mr Axmed ayaa intaa ku daray in ay hayaan cadeymo muujinaya in Israa’iil ay ka dambeyso duqeymo ka dhacay waqooyiga Ciraaq. Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor laba diyaarad oo nuuca aan duuliyaha laheyn lagu soo riday kantaroolo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xashaad Al-Shaabi. Mas’uulkaan ayaa dhanka kale ka gaabsaday in duqeymahaan ay wax ka ogtahay dowlada Mareykanka iyo Inkale. Source
  22. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar gaadma ahaa oo lagu dili rabay mas’uu ka tirsanaa maamulka degmada Afgooye uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaaladaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey boggaga taageera ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda. Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkan ay la beegsatay Cali Xuseen Barqash oo ah guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmadaasi. Qoraalkan ayey sidoo kale Al-Shabaab ku sheegatay in dhaawac culus ay gaarsiisay mas’uulkaasi, sida hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan ka fulisan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  23. (SLT-New York)-Waxaa la muddeeyay waqtiga la maxkamadayn doono Khaalid Sheekh Maxamed, oo ku eedaysan inuu yahay ninka naqshadeeyay weerraradii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday. Mr Maxamed ayaa waxaa lala maxkamadayn doonaa afar nin oo kale, kuwaas oo maxkamadayntoodu ay 11 bisha Janaayo 2021 ka dhici doonto maxkamad milateri oo ku taal Guantánamo Bay. Raggan ayaa waxa ay ku eedaysan yihiin inay galeen dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin argagixisanimo iyo dilka ku dhawaad 3,000 oo qof. Raggan shanta ah ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee maxkamad la keeno ku dhawaad 20 sanadood kaddib markii ay dhaceen weerraradii burburka badan gaystay ee lagu qaaday New York, Washington iyo Pennsylvania. Haddii lagu helo dambiga kooxdan waxa ay wajahayaan dil. Khaalid Sheekh Maxamed ayaa waxaa 2003 laga soo qabtay waddanka Pakistan, waxaana lagu soo wareejiyay saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Guantánamo ee dalka Cuba halkaas oo markii dambe eedaha loogu soo jeediyay. Source
  24. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay in hanjabaad cunsurinimo ah loo soo diray loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”. Ilhaam Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in fariimo dadka soo diraya ay is qarinayaan oo noocaas oo kale ah ay sababeen in ay ilaalo samaysato. Waxay hadadalkaas sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”. Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ayaa ku baaqay in Ilhaan laga eryo aqalka Congress-ka. “Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale,” ayay qortay Ilhaan oo Maraykanka tagtay iyadoo 12 jir ah oo qaxooti ah. “Balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.” Xubanaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa inbadan duray Ilhaan iyaga oo dhaliishan meesha ay ka taagan tahay Israa’iil, waxayna ku eedeeyeen Yuhuud nacayb. Ihaan ayaa sidoo kale dhaleecayn kala kulantay xubno ka tirsan isla xisbigeeda Dimuqraadiga mar ay ka hadashay calaaqaadka Maraykanka iyo Israa’iil, balse way diiday in ay Yuhuudda neceb tahay. Waxay raali galin ka bixisay sida ay uga hadashay Yuhuudda iyadii soo qaadanaysay qolyaha Israa’iil u ol’oleeya. Xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Alabama ayaa meelmariyay qaraar ay ergada Congress-ka gobolka Alaba ugu baaqaya in la billaabo habkii lagu eryi lahaa Ilhaan iyadoo la eegayo hadalladii ay ka tidhi Israa’iil, arrintaas ayaana la sameeyay maalmahihii nasashada ee Maraykanka ama Sabtidii iyo Axaddii, sida uu ku warramay AL.com Waxay intaas ku sii dartay duritaan ay u jeedisay Moore, iyada oo soo qaadanaysa eedaynta ay soo jeediyeen saddexda dumar ah oo sheegay in uu arrimo galmo la xiriira kula kacay markay da’yarta ahaayeen. Ilahaan ayaa sheegtay inay hanjabaado dil ah oo dheeri ah la kulanto markaste oo ay dhaleecayn kala kulanto madaxweynaha. Xildhibaanaddan ayaa wajahaysa su’aalo ay gacata ku hayaan Guddiga Doorashada ee Faderaalka oo ka timid National Legal and Policy Center, kuwaas oo ku saabsan in Ilhaan ay lacagtii ol’olaha doorashada u adeegsatay inay siiso lataliye dhanka siyaasadda ah kaas lala xidhiidhiyay in uu dareen dhexmaray. Ilahaan ayaa diiday inay gogol dhaaf samaysay, iyada oo waraysi siisay CBS Minnesota ayayna diiday inay ka faalooto nolosheeda. Source