-
Content Count
209,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Sanaag)-Wararka aanu ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Shil gaadhi oo sababay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka ka tirsan Gobolka Sanaag. Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu Rogmaday gaadhi ay la sodeen ku dhawaad 150 qof tahribyaal Itoobiyan ah, isla markaana kusoo waajahnaa Magaalada Boosaaso, hayeeshee xilli ay marayeen deegaan lagu magacaabo tawakal ayuu rogmaday gaadhigii ay la socdeen. Ugu yaraan 50 ruux oo kamid ah Tahriibayaasha Itoobiyanka ah ayaa ku dhaawacmay Shilka, halka weli aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimasho, balse ay jiran dad ku geeriyooday halkaas. Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa gaadhay dadka deegaanka oo gurmad deg deg ah u sameeyay dadkii halkaas ku waxyeeloobay,waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Cisbitaalka ku yaalla Sanaag. Source
-
Mudahaar saaka ka bilowday Kismaayo ayaa loogasoo horjeedaa Xukuumada Federaalka oo lagu eedeeyey iney sivqaldan u isticmaaleen Awoodii Dowladnimo. Cabdikariin Xuseen Cali oo kamid ah [...] Source
-
Waxaa soo kordhaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee diinta ka baxaya W/Q Cabdiraxmaan Cabdishakuur Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Maalmahan waxaa soo kordhaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee diinta ka baxaya, kuna dhiirranaya in ay warbaahinta xiriirka bulshada si furan uga doodaan. Dhallinyarada caddeysanaysa waxay u badan yihiin kuwa qurbaha, waxaase jira dhallinyaro badan oo diinta ka shakisan oo gudaha dalka ku nool, laakiin sababo amni darteed aan caddeysan karin fikirkooda. Waxay dood la xiriirta jiritaanka Eebbe iyo run ahaanshaha risaalada Nabiga (SCW) ina dhexmartay dhallinyaro iyo masuuliyiin xildhibaanno, wasiirro iyo safiirro ka mid yihiin. Markii arrinku dhowr ruux dhaafo waxaa loogu yeeraa (phenomena) ama (ظاهرة.), mana ah wax l qarsoomi kara. Waxaa iyana dhinac socota afkaarta diinta ee xagjirka ah ee kooxaha qarxiska iyo qoorgooyada sida Al-shabaab iyo Daacish ay wadaan ama kuwa aan gacan ka hadalka aheyn laakiin xagjirka ah sida Al-saaciduun Bil-xaq iyo kuwa la mid ka ah. Dhinaca kale waxaa soo baxay dhallinyaro aan aqoon badan diinta u lahayn oo isku deyaya in ay farriimo Koo-kooban oo dabacsan oo qosol iyo si maadaysi leh diinta u gudbiyaan. Natiijada Ilxaadka ama diin ka baxa, iyo in dadku u jabaan dhallinyarada farriimaha dabacsan ee maadeysiga leh la yimid waxaa qayb weyn ka ah fikirka gurracan iyo falalka argagixiso ee ay ku kacayaan kooxaha xagjirka ah oo dadkii diintii nacsiiyey. Waxaa kaloo qayb ka mid kooxaha Islaamiyiinta kala duwan ee Soomaaliya ka jiri jiray laakiin haatan nuxuusay sida: Al-itixaad, Al-islaax, Al-waxda, Aalu Sheekh iwm ee ka soo qalin daartay Ikhwaanul Muslimiinka Masar ama Salifiyada Sacuudiga. Kooxahaas waxay la yimaadeen hal ku dhigyo waaweyn, waxay abuureen baraarug cusub oo dhallinyarada lagu kalsooni gelinayo in Islaamku xal u yahay nolosha aduunka iyo dawladnimada. Waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, sidoo kale waxay isku dayeen in ay iska dhiciyaan ama ka hortagaan afkaarihii iyo aragtiyadii galbeedka ee ka soo burqanayey (Modernity, الحداثة), ama Aqoonta Casriga. Raggii waaweynaa ee afkaarta Islaamiyiinta keenay waxay taageerayaashoodii u sheegeen in ay aqoonta casriga qaybteeda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda qaataan, laakiin ay iska ilaaliyaan qaybta falsafada, fikirka iyo aqoonta aadanaha la xariirta. Dhallinyaradii ay fikirkaas ku abuureen markii ay u daaddageen falsafadii sayniska iyo Tiknoolajiyada ee ay Modernity ama Casriga , badwayn ayey ku dhexdhaceen, waxaana ka hor yimid su’aalo badan oo aan jawaab loo haynin oo maanwareer ku riday. Waxay kaloo xaraakaadkii Islaamiga ku fashilmeen in ay u jawaabaan nolosha iyo xaalada murugsan ee dalka ka taagan, taasoo hanjab ku riday dhalinyaradii ay gacanta ku hayeen. Culimadiina intoodii badnayd waxay noqdeen maadiyiin aduun bursi ku jira. Waxay galeen ganacsi, NGOs iyo qaar maamulada iyo dawladahii dalka soo maray isku dhiibay. Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay afkaartii iyo mabaadi’dii qurxoonayd oo ay dhalinyarada u sheegi jireen. Waxaa kaloo iyana soo baxday in dhallinyarada qurbaha ku dhalatay iyo waalidoontada ama cullimada Soomaaliyeed ee casrigan joogta aysan isla jaanqaadi karin. Waalidku haddii uu dadaalo wuxuu ubadkiisa geyn karaa malcamad iyo Masjid, balse waxaa soo baxday in dhallinyaradii aysan jawaabo u heli karin su’aalaha kaga imaanaya falsafada iyo climiga ay Iskuullada iyo jaamacadda ugu tegayaan, gaar ahaan kuwa liddiga ku ah diimaha. Falalka gurracan ee kooxaha argagixisada ah, u daaddegga falfasada aqoonta casriga ah iyo iyadoo aysan jirin culimo ama mufakiriin Soomaaliyeed oo arrinkaas dhallinyarada ka horreeya oo cullimadii ay u bateen wacdi iyo waano ku celcelis ah, waxay keentay in la waayo cid si caqli ah dhallinyaradii u qancisa, keliya habaar iyo aflagaaddana dusha looga rido. Imaam Abuu Xaamid Al-ghasaali ayaa xilligiisii waxay muslimiintu ku daateen barashada Falsafada. Taasi waxay dhashay in diintii la xaqiro hoosna loo fiiriyo cullimadii, cidii aan falfasafadda barana caamada lagu xisaabo. Al-ghasaali wuxuu billaabay in uu Falsafada u xeraysto, darso ka dibna naqdiyo oo dhaliilo. Wuxuu qoray buuggii caan baxay ee loo bixiyey (تهافت الفلاسفة), Macno darrida Falaasifada. Waxaa la oran jiray Al-ghassali Falsafadii ayuu cirka ka soo dejiyey oo uu dhulka keenay. انزل الفلسفة من السماء الي الأرض Waxaan maanta u baahanahay Al-Ghasaali yaal badan oo aqoonta casriga ah inta darsa, diintana yaqaan oo meel naga saara su’aalaha waaweyn ee jawaabaha waafiga ah u baahan. Source
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah uga shaqo bilaabay xafiiska dowladda hoose ee Xamar Fiisho Governo( Ufficio Governo ). Mr. Filish ugu horeyntii, ayaa saaka waxaa uu kulan gaar ah la qaatay gudoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir oo shirka ka qeybgalay. Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish kala hadlayay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir in la dardargaliyo howlaha ay dowlada hoose Xamar ugu qidmeyneyso bulshada ku dhaqan caasimada jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho. Kulankani ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa xoojinta islaxisaabtanka iyo ladagaalanka musuq maasuqa taas oo qeyb ka ah siyaasada guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) oo 29-ka bishan August la wareegay xilkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka (UPD) ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe ay musharrax culus ugu sharaxanayaan doorashada Galmudug ee la filayo in ay dhowaan ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Musharraxa xisbiga UDP ayaa la sheegay inuu yahay wasiirkii arrimaha gudaha Soomaaliya, haatan ah xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa). Odawaa ayaa la filayaa in maanta uu Muqdisho uga dhawaaqo inuu yahay msharrax u taagan xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug. Xildhibaankan ayaa haddii uu ku dhawaaqo musharraxnimadiisa noqonaya musharraxii ugu horreeyey ee isku soo taaga hoggaanka Galmudug. Sidoo kale waxa uu ka mid noqon doona mid ka mid ah musharaxiinta ugu miisaanka culus ee doorashada maamulkaasi, Cabdiraxmaan Odawaa ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa doorkii uu ka soo qaatay dhismiha maamulkii hore Galmudug ee lagu dhisay magaalada Cadaado, intii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha arrimaha gudaham Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Dowladda dhexe ayaa sidoo kale galangal ku leh hanaanka doorashadan iyo dib u heshiisiinta Galmudug, taasoo ka dhigan in tartan culus loo geli doono doorashada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Ra’isal wasaaraha Mauritius Mr Pravind Jugnauth ayaa dawladda Somaliland ku cambaareeyay tallaabada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku sii daayay Maxaabiis Budhad Badeed ah oo ku xidhna xabsiyada Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa Maxaabiistan u dhashay Soomaaliya oo xukunkoodu gaadhayay 30 ilaa 42 sanno dhawaan ku sii daayay cafis madaxweyne. Maxaabiistan oo lagu xukumay dalka Seychelles ayaa Somaliland loogu soo wareejiyay in ay xabsigooda ku dhammaystaan kadib heshiis dhexmaray xukuumaddii Siilaanyo iyo dawladda Seychelles. Ra’isal wasaare Pravind ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada Madaxweyne Biixi ku sii daayay Maxaabiistan waxaanu tilmaamay in ay dhabar jab ku tahay dadaallada caalamiga ah ee la dagaalanka Budhcad Badeedda. Mr Pravind ayaa hadalkan sheegay kadib kulan uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres kula qaatay magaalada Yokohama ee dalka Japan waxaanu sheegay in aad uga walaacsan yahay sii daynta Maxaabiistan. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Mauritius Mr Nadcoomar Bodha ayaa kulan uu caasimadda dalkaas ee Port-louis ugu qabtay kooxda la dagaallanka Budhcad Badeeda ee xeebaha Soomaaliya waxa uu u sheegay in ay sharci jebin tahay sii daynta Maxaabiista, islamarkaana ay adhax jab ku tahay xidhxidhidda Budhcad Badeeda oo yaraysay falalka Budhcad Badeednimo. Waxa uu sheegay in ay Golaha Ammaanka iyo xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u gudbiyeen qaraar lagu adkaynayo in aan si sahlan loo sii dayn Maxaabiista loo xidho falal budhcad badeednimo. Dawladda Seychelles ayaa sidoo kale cambaaraysay sii daynta Maxaabiista Somaliland cafiday oo ay ku sheegtay in ay tahay jebin heshiis ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Seychelles. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug saaka gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Jabuuti ee Hiil-Walaal. Ciidamadan ayaa ka soo ambabaxay dhanka gobolka Hiiraan, iyagoona xalay ku hoyday inta u dhexeesa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug, siyaasiyiin iyo saraakiil ayaa ciidankan ku soo dhoweeyay magaaladaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay fariisimo cusub ka sameysteen xarumaha dowladda ee ku yaalla Dhuusamareeb. Sidoo kale waxa ay dageen gudaha garoonka Ugaas Nuur ee magaaladaasi, si ay sugaan amniga garoonkaasi. Horay ayaa waxaa magaalada ugu sugnaa ciidamada badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo laga qaaday gudaha magaalada Muqdisho. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan shirka dib u heshiisiinta iyo doorshada Galmudug lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Banaanbax ballàaran ayaa lagu soo warramayaa goor dhow ka bilowday gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dibadbaxa ayaa waxaa looga soo horjeedaa go’aankii dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya Kismaayo ay soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dadweynaha dhigaya dibadbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa hakad ku jira dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka guud ahaan magaaladaasi. Banaanbaxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu weli taagan yahay khilaaf xoogan oo uu dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Ciidamo Jabuutiyaan ah, kana mid ah howlgalka AMISOM ayaa saakay waxa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin Galmudug Ah, siyaasiyiin iyo dadweyne badan ayaa ciidankan kusoo dhoweeyay magaaladaasi. Ciidamadan ayaa kasoo baxay dhanka gobolka Hiiraan, waxaana ay fariisimo ka sameysteen xarumaha dowladda ee magaaladaasi, iyadoo sidoo kale ay degeen garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb. Ciidamada AMISOM ayaa ka qeybqaadan doona sugidda ammaanka magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dhowaan halkaasi lagu qaban doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo midka lagu dhisayo maamulka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Badhan)-Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha maamul goboleedka Puntland Wasiirk Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag. Weftigan Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland ayaa waxa socdaalkan ay ku yimaadeen Badhan ku wehelinaya xubno ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedkaasi Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaasi. Waxaana masuuliyiintan maamul goboleedka Puntland ka socota ku soo dhaweeyey magaalada Badhan masuuliyiin Puntland u jooga Badhan oo uu ka mid yahay duqa degmada Badhan, kaas oo tilmaamay inuu si diiran ugu soo dhaweynayo weftigan magaalada Badhan, isla markaana ay rajaynayaan in si fiican ay ugu hirgasho hawlaha iyo shaqada ay weftigani u yimaadeen Badhan. Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo isaguna soo dhaweyntiisii ka dib la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu yidhi “Gudoomiyaha gobolka Sanaag, gudoomiyaha degmada Badhan, saraakiisha ciidanka, waxgaradka dhamaantiin aadbaanu idiinka mahadcelinaynaa sida sharafta leh ee aad noogu soo dhaweyseen weftigan ka soo kicitimay magaalada Garoowe ee Puntland oo isugu jira Wasiiro, xildhibaan iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah dawladda. Anaga safarkayagani waa safar shaqo oo aanu rabno hawlaha iyo masuuliyaadka aad haysaan inaanu idinla qaybsano, waxa Illaahay mahadiis ah in deegaankan uu dhawaan ka da’ay roobab inkasta oo aanu badayn, waxa ilaahay mahadiis ah in aanu soo aragnay maanta xareed dhulka jiifta, Illaahayna waxaanu ka baryeynaa inuu inoo badiyo deegaanada kalena inuu ku baahiyo guud ahaan dalka.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha maamul goboleedka Puntland oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Badhan ee gobolka Sanaag oo uu socdaal ku yimid shalay. Source
-
(SLT-London)-Madaxa siyaasada arimaha dibada midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in 28-da dal ee midowga ay sii wadi doonaan ilaalinta heshiiskii Nuclear-ka ee wadamada quwadaha la galeen Iiraan sanadkii 2015-ka. Xilli ay warfidiyeenada kula hadleysay intii lagu guda jiray kulan ay Jimcaha maanta ku yeesheen wasiirada arimaha dibada midowga Yurub, magaalada Helsinki ee caasimada u ah Finland ayaa waxay sheegtay in door muhiim ah ay ka cayaari doonto ilaalinta heshiisyada jira. Waa ku celinayaa markale hadii ay jirto wax kasta oo lagu hormarinayo ilaalinta heshiiska wadamada quwadaha iyo Iiraan ee loo yaqaan it [JCPOA], waan soo Dhaweyneynaa ayey tiri Mogherini. Hadalka ka soo yeeray madaxa siyaasada arimaha dibada midowga Yurub Federica Mogherini ayaa imaanaya iyadoo sare ay u sii kaceyso xiisada ka dhex aloosan Washington iyo Tehraan. Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore ee 2018-ka sheegay in Mareykanka uu ka baxay heshiiskaasi waxaana uu ugu baaqay si la mid ah dalalkii qeybta ka ahaa in ay ka Laabtaan. Source
-
(SLT-Ciraaq)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ciraaq ayaa sheegay in xukuumada Baqdaad ay isku diyaarineyso dacwad ka dhan Israa’iil kadib markii baadhitaano amni oo la sameeyay lagu ogaaday inay ka dambeyso duqeymo ka dhacay toddobaadkii hore waqooyiga Dalkaasi. Diyaarado aan la aqoon cidda iska leh ayaa beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Xashaad Al-Shaabi oo gacan saar la leh xukuumada Baqdaad. Afhayeenka isbaheysiga Fatax Axmad Al-Assadi ayaa warbaahinta ugu sheegay xafiiska uu ku leeyahay bartamaha magaalada Baqdaad in qaramada midoobay ay u gudbinayaan dacwad ka dhan Israa’iil. Mr Axmed ayaa intaa ku daray in ay hayaan cadeymo muujinaya in Israa’iil ay ka dambeyso duqeymo ka dhacay waqooyiga Ciraaq. Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor laba diyaarad oo nuuca aan duuliyaha laheyn lagu soo riday kantaroolo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xashaad Al-Shaabi. Mas’uulkaan ayaa dhanka kale ka gaabsaday in duqeymahaan ay wax ka ogtahay dowlada Mareykanka iyo Inkale. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar gaadma ahaa oo lagu dili rabay mas’uu ka tirsanaa maamulka degmada Afgooye uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaaladaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey boggaga taageera ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda. Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkan ay la beegsatay Cali Xuseen Barqash oo ah guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmadaasi. Qoraalkan ayey sidoo kale Al-Shabaab ku sheegatay in dhaawac culus ay gaarsiisay mas’uulkaasi, sida hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan ka fulisan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
(SLT-New York)-Waxaa la muddeeyay waqtiga la maxkamadayn doono Khaalid Sheekh Maxamed, oo ku eedaysan inuu yahay ninka naqshadeeyay weerraradii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday. Mr Maxamed ayaa waxaa lala maxkamadayn doonaa afar nin oo kale, kuwaas oo maxkamadayntoodu ay 11 bisha Janaayo 2021 ka dhici doonto maxkamad milateri oo ku taal Guantánamo Bay. Raggan ayaa waxa ay ku eedaysan yihiin inay galeen dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin argagixisanimo iyo dilka ku dhawaad 3,000 oo qof. Raggan shanta ah ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee maxkamad la keeno ku dhawaad 20 sanadood kaddib markii ay dhaceen weerraradii burburka badan gaystay ee lagu qaaday New York, Washington iyo Pennsylvania. Haddii lagu helo dambiga kooxdan waxa ay wajahayaan dil. Khaalid Sheekh Maxamed ayaa waxaa 2003 laga soo qabtay waddanka Pakistan, waxaana lagu soo wareejiyay saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Guantánamo ee dalka Cuba halkaas oo markii dambe eedaha loogu soo jeediyay. Source
-
(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay in hanjabaad cunsurinimo ah loo soo diray loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”. Ilhaam Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in fariimo dadka soo diraya ay is qarinayaan oo noocaas oo kale ah ay sababeen in ay ilaalo samaysato. Waxay hadadalkaas sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”. Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ayaa ku baaqay in Ilhaan laga eryo aqalka Congress-ka. “Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale,” ayay qortay Ilhaan oo Maraykanka tagtay iyadoo 12 jir ah oo qaxooti ah. “Balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.” Xubanaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa inbadan duray Ilhaan iyaga oo dhaliishan meesha ay ka taagan tahay Israa’iil, waxayna ku eedeeyeen Yuhuud nacayb. Ihaan ayaa sidoo kale dhaleecayn kala kulantay xubno ka tirsan isla xisbigeeda Dimuqraadiga mar ay ka hadashay calaaqaadka Maraykanka iyo Israa’iil, balse way diiday in ay Yuhuudda neceb tahay. Waxay raali galin ka bixisay sida ay uga hadashay Yuhuudda iyadii soo qaadanaysay qolyaha Israa’iil u ol’oleeya. Xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Alabama ayaa meelmariyay qaraar ay ergada Congress-ka gobolka Alaba ugu baaqaya in la billaabo habkii lagu eryi lahaa Ilhaan iyadoo la eegayo hadalladii ay ka tidhi Israa’iil, arrintaas ayaana la sameeyay maalmahihii nasashada ee Maraykanka ama Sabtidii iyo Axaddii, sida uu ku warramay AL.com Waxay intaas ku sii dartay duritaan ay u jeedisay Moore, iyada oo soo qaadanaysa eedaynta ay soo jeediyeen saddexda dumar ah oo sheegay in uu arrimo galmo la xiriira kula kacay markay da’yarta ahaayeen. Ilahaan ayaa sheegtay inay hanjabaado dil ah oo dheeri ah la kulanto markaste oo ay dhaleecayn kala kulanto madaxweynaha. Xildhibaanaddan ayaa wajahaysa su’aalo ay gacata ku hayaan Guddiga Doorashada ee Faderaalka oo ka timid National Legal and Policy Center, kuwaas oo ku saabsan in Ilhaan ay lacagtii ol’olaha doorashada u adeegsatay inay siiso lataliye dhanka siyaasadda ah kaas lala xidhiidhiyay in uu dareen dhexmaray. Ilahaan ayaa diiday inay gogol dhaaf samaysay, iyada oo waraysi siisay CBS Minnesota ayayna diiday inay ka faalooto nolosheeda. Source
-
Dhuusamareeb (SMN) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyey ujeedada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loo geeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Taliyaha qeybta 21-aad ee deegaanada Galmudug, Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee la geeyey Dhuusamareeb ay ka caawin doonaan nabad gelyada magaalooyinka maamulkaasi. “Ciidamadan Hiil-Walaal ee ka socda Jabuuti kana tirsan AMISOM waxey halkan u yimaadeen in ay naga caawiyaan Amniga dhibaato kale ma jirto, waa been abuur wararka la leeyahay ee ah halkan lagama jecla, waa walaalaheen gacan ayeeyna na siinayaan.” ayuu yiri taliyaha. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la wareegay xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lagu qaban doono doorashada Galmudug. View the full article
-
(SLT-Dubai)-Imaaraadka carabta ayaa shaaca ka qaaday in duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ay ka geesteen gudaha dalka Yemen, iyadoo weerarkaan ay cambaareysay dowladda uu hoggaamiyo Abdu Rabbu Mansuur Haadi. Warsaxaafadeed ka soo baxay xilli dambe wasaarada arimaha dibada Imaaraadka ayaa lagu sheegay in duqeymahan lala beegsaday saldhigyo ay leeyihiin kooxaha Argagixisada. Dagaalyahanada la weeraray ayaa la sheegay in ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga oo Imaaraadka qeybta ka Yahay ee ku sugan waqooyiga Yemen. Maamulka Dubai ayaa dhanka kale ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca dagaalyahanada la Duqeeyay. Dhanka kale duqeyntan ayaa si xoogan waxaa ugu hadlay wasiirka warfaafinta ee dowlada dibad jooga ah ee Yemen, mr Mucamar Al-Ceryani waxaana uu sheegay in 300 oo rayid ah ay ku dhaawacmeen. Mucamar ayaa intaa raaciyay in dadka waxyeelada ka soo gaadhay ay ku jiraan 40 askari oo ka mid ah milatariga Yemen. Meelaga duqeynta ay ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah magaalada Zinjibar ee caasimada u ah gobolka Abyan. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey sababta ciidamada AMISOM loo geeyey deegaanada mamaulka Galmudug. Qooje ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee la geeyey Dhuusamareeb iyo Guriceel ay ka caawin doonaan howlaha nabad gelyada. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in aysan jirin dhibaato kale, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan horumarka xasiloonida Galmudug. “Ciidamadan Hiil-Walaal ee ka socda Jabuuti kana tirsan AMISOM waxey halkan u yimaadeen in ay naga caawiyaan Amniga dhibaato kale ma jirto, waa been abuur wararka la leeyahay ee ah halkan lagama jecla, waa walaalaheen gacan ayeeyna na siinayaan.” ayuu yiri taliyaha. Dhinaca kale taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa intaasi ku daray in ciidamadani ay ka qeyb qaadaan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dhowaan ayaala filayaa in Galmudug uu ka dhaco isbedal, iyadoo doorashada guud ee maamulkaasi lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa weli howlgallo ka wada qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan deegaano hoostaga degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolkaasi. Afhayeenka wasaaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahin oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi. Cabdinuur ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ciidamada huwanta ay guullo ka gaareen, islamarkaana ay Al-Shabaab ka saareen deegaano hor leh. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cabdiqani.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS ayaa shaacisay in shaqaalaha DF & kuwa gaarka ay fasax yihiin Beri oo Sabti ah,31-8 2019,ama 01-01-1441H,curashada sannadka cusub ee islaamka dartiisa,sidoo kale ku beegan maalintii uu nabigeena Suuban NNKHA ka hijroodey Magaalada Maka una hijroodey Madiina. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan ciidamada ay dowladda geystay halkaasi. Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladdu meel nabad ah ay u daabushay ciidamo Boolis ah oo sugi waayay amniga Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in arrintan ay abuuri karto dhibaato hor leh, islamarkaana ay tahay mid aan maskaxda geli karin. “Ciidamo Boolis ah oo sugi waayay amniga Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, oo aan tagi karin Suuqa Xoolaha iyo 17ka degmo aan amnigooda sugi karin in maanta loo daabulo Dhuusamareeb oo ah meel nabad ah waa wax lala yaabo.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris . Dhanka kale Xildhibaan Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in waxa ka socda Dhuusamareeb ay yihiin afduub, islamarkaana wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan dib u heshiisin wadin, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in qalqal amni iyo mid siyaasadeed ay ka wado magaaladaasi. “Waxa ka socda Dhuusamareeb waa afduub, Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax dib u heshiisiin ah kama wado deegaanka, taas bedelkeed isku dir ayay ka wadaa, maalin hore magaalada waxaa halis u gasho in la isku fara saaro.”ayuu intaasi raaciyey xildhibaanku. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo maalimihii dambe dowladda dhexe dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka waday gudaha Dhuusamareeb, iyadoo geysay ciidamo badan oo laga qaaday magaalada Muqdisho, kuwaas oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com