Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,393
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Six al-Shabab militants were killed and nine others injured on Friday in a joint offensive by Somali army and Jubbaland state forces, a military official said on Saturday. Abdi Nur Ibrahim, Jubbaland security forces spokesman said the joint security operations were carried out in the north of Kismayo town and the south of Jamame town where the forces captured many villages in those areas. “Our forces inflicted severe casualties on the militants, killing six of them and injuring nine others. We captured Gubadle, Yeri, Jay, Leri villages,” Ibrahim said. He added that the allied forces also recovered weapons and detained members of the militants who were injured during the operation. Local inhabitants said an intense battle broke out in the town. “The army started wide offensives in Jamame town, there was fierce fighting between the militants and the forces in the town, the army is now in the town and the militants withdrew from it,” Safi Osman, a resident told Xinhua by phone. On Aug. 21, government forces killed 11 militants and injured 15 others in Jowhar town in Middle Shabelle region in southern Somalia. Southern regions of Somalia became the battleground of al- Shabab extremists and the government forces after the militants were chased out from the capital in August 2011 by AU forces and Somali army. Enditem View the full article
  2. The Federal of Somalia and the European Union have signed € 23 million to support sustainable development on Saturday. Minister for Planning, Gamal Mohamed and EU Director-General, Stefano Manservisi jointly signed the agreement in the presence of Prime Minister, Hassan Ali Kheyre and the new mayor of Mogadishu, Omar Mohamed Mohamud aka Omar Finish. The project dubbed EUR 23 million projects in honor of the late Mayor of Mogadishu Abdirahman Omar Osman will support the inclusive and sustainable development of coastal cities in Mogadishu and Berbera respectively. The project includes the construction of 17-kilometer road, capacity building for city local authorities and beautification. Planning Minister, Gamal Mohamed who spoke after the signing of the contract said the project implementation will start soon. On his part, Somali premier, Hassan Ali Kheyre who thanked his government International development partners vowed to complete the development of ambitious projects initiated by the late mayor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Markan kama hadleyno falalka ay geystaan ama sida ay u dhacaan, si kale hadaan u dhigno, qaabka loo qorsheeyo, waxaanse eegaynaa halka ay ka timaado lacagta lagu maalgeliyo howlgaladdaas. Al-Shabaab, joogitaan muuqda kuma lahan Muqdisho, haddana waxay sanad walba ka sameeyaan malaayiin dollar, iyaga oo maraya hal nidaam aad loo abaabulay inkasta oo cabsi gelin ay daaha gedaashiisa ku jirto. Maleyshiyaadkan argagixisada ah ayaa caasimada laga saarey 2011-kii kadib guluf balaaran oo ay qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika. Sanado kahor aad ayey u yareyd in ay dhaqaalo hesho markii ay dowladdu mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha oo il-dakhli u ahaa, wallow ay wali sii socoto dhoofinta dhuxusha oo meelo kala duwan laga qaado. Haatan, lacagaha uu ururkan ku maal-geliyo falalka ay rayidka ku naf-waayaan, inta badan, sida ku iibsashada hubka iyo saanadda, ayaa ka timaada ganacsada caasimadda oo 99% ay ka dhacaan weerarada. Tusaale ahaan, warbixin sanadkii 2018 kasoo baxday Monitor Group ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay meelo kamid yihiin Muqdisho, Hiiraan, Shabellaha Dhexe, Baay iyo Bakool ay uga soo xarootay 20-milyan oo Doollar. Wax u muuqda “dowlad kale” oo ay Al-Shabaab ka sameysatay Soomaaliya gaar ahaan magaala madaxda ayaa uruuriya lacagahaasi, taasi oo ah shabakad balaaran oo waaxyo/qaybo kala duwan leh. Macluumaadyo sirdoon oo la helay ayaa daaha ka rogaya in meelaha uu dakhligu kaga soo xaroodo laguna uruuriyo ay kamid tahay dekadda Muqdisho, iyagoo u kala qeybiyay wax ay ula baxeen Zako iyo Maaliyadda [canshuur]. Cabdi Abshir Dhoore, waa Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya, isaga oo qiraya in Al-Shabaab ay dakhli badan ka hesho Xamar, wuxuu ku adkeystay in ay u baahan tahay in loo diro baaris dheeri ah arrinta bartamaha marsadda. “In ay gudaha dekadda canshuur ka qaataan waa dhawaq cusub, laakiin lama xaqiijin karo. Balse, waa xaqiiqo in ay helaan xogta alaabta kusoo degtay, waqtiga iyo inta konteenar ee ay yihiin,” ayuu yiri Dhoore. Xogo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in Al-Shabaab ay konteenarka 20-ka feet ah ka qaado $100; kan 40-ka feet ahna ku canshuurto $160; alaabta caadiga ahna ay halkii tan ka hesho aduun lacageed ahna 20 Doollar. “Marka kan deriskaagii ah ku yiraahdo haddaan ka imid, adigana dhagahaaga waxaa u sahlanaaneysa in aad amarka qaadato, maxaa yeelay naf iyo maalba cid kaa celinayso malahan, dhamaan ganacsatada gobolka Banaadir qofaan tegin malahan,” ayuu yiri ganacsade codsaday in aan magaciisa la baahin. Warbixinadda ayaa intaasi ku daraya in ilaha dhaqaale ee kooxda soo kordhisay ay kamid yihiin lacago baad ah oo ay ka qado Gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gosha Muqdisho iyo gobolada, kuwa xamuulka ee dekadda iyo Iibka guryaha. Barnaamijka Bandhiga ee laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in kadib shir ka dhacay duleedka degmada Dayniile ay gadiidleyda kula soo heshiiyeen Al-Shabaab in ay siiyaan bil walba 500 illaa iyo 100 Doolar. Monitor Group ayaa intaasi raacineysa in lacagaha laga qaado gaadiidka iyo guraha ay ku kala badan yihiin hadba sida ay u kala weyn yihiin; tusaale ahaan gaadiidka Hoomeyda [Caasiga] waxay bixiyaan 200 oo Doollar, bil kasta. “Canshuurta ay qaado Wasaaradda Maaliyadda uma xarooto, waxaana suurtogal ah in aad ka dhuumato, laakiin tan Al-Shabaab kama dhuuman kartid, waxaana suurtogal ah in ay kusoo wacaan oo ay kuu sheegaan qiimaha aad ku iibsatay iyo bangiga laguugu shubay,” ayuu xusay. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in ganacsatada ay tagaan degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi ay qalinka kusoo jeedan heshiiska ay lacagta ku dhiibayaan. Gaadiidka geynaya tuuladaasi oo ka kala baxa gudaha iyo duleedka magaaladda ayaa ah mid uu ganacsade si gaar ah u kireysanayo, isaga oo bixinaya 100 Doolar, kadibna degaya qol yar oo afar dollar ah habeenkii. “Dadkan [AlShabaab] looma soo waxyoodo, dad baa la shaqeeya,” ayuu ku daray ganacsadaha, oo raaciyey “Tusaale ahaan, canshuurta iibka ama dhismaha guryaha ka qaadan waxaan u sheegaya Injineerka dhulka cabiraya iyo Nootaayooyinka oo ay xogta ugu badan kasoo helaan”. Shaqsiyaad iyagu bixiyey canshuurta ayaa dusiyey in Shabaabku guri walba oo la iibsanayo ama la dhisayo ay ku leeyihiin qoondo gaareysa 5%. “Darawalka gaariga wada iyo ninka la shaqeeya ayaaba ku oranaya soo diyaari maanafeestada alaabta saaran gaariga, maxaa yeelay waa ayba sii fududeynayaa si aanan loo xayirin oo aanan rarka lasoo dejin kadibna dib loo tirin, kadibna ay Shabaabku u raadsadaan ninka iska leh ugana qaatan lacagta ay ka rabaan,” ayuu hadalkiisu daba dhigay. Sida la ogyahay kaliya, wakiilada shirkadaha maraakiibta, shirkadaha dejinaya alaabta iyo maamulka dekadda, ay heli karaan maanafeestada ama qoraalka muujinaya waxa markabka saaran. Ganacsatada ayaa marka ay tagaan Mubaarak waxaa la geynayaa qol ay ku jiraan afar ruux kuwaasi oo haysta Labtop kadibna waydiinaya badeecadihiisa, iyaga oo isku dayeya in ay cabsi geliyaan si uu u sheego hantidiisa. Inkasto oo arrimo kale ay jiri karan, haddana waxaa la aaminsan yahay in sababta keentay in ganacsatadu lacag siiso urur Al-Shabaab oo kale ah, ayaa ah dowladda oo aanan damaanad qaadi karin badqabkooda. Korneyl Cabdullaahi Cali Macow, oo kamid ah saraakiisha ciidamadda Soomaaliya kana faalooda arrimaha ammaanka ayaa soo bandhigay waxyeebaha Al-Shabaab u sahlaya in ay dakhli ka sameyso Muqdisho. “Waxaa jira waxyaabo aanan aad looga feejignaan oo ah dhalinyaradda kasoo baxsada AlShabaab oo la sheegay in dhaqan-celin loo sameeyay kadib magaaladda lagu soo daayey, kuwaasi ayey howlgelinayaa kadibna bilaabaya in ay hadaad iyo ganacsatada cagajugleeyaan ama ay fuliyaan dilalka qorsheysan una uruuriyaan Shabaabka dhaqaalaha ay kolba AlShabaab u baahan tahay, waxaana sidoo kale sababay habac-sanaanta sirdoonka,” ayuu xusay. Xigasho: Garoowe Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaarahada magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Wasiir Janan oo Transit ku ahaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde kuna sii jeeday dalka Itoobiya ayaa sida la sheegayo waxaa halkaasi ku qabtay Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya inkastoo aan faahfaahin kale laga helin xarigiisa. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore wasiir Janan ugu eedaysay in uu galay dambiyo ka dhan ah banii’aadanimada waxaana maxkamad ku yaalla magaalada Muqdisho ay amartay in la soo qabto balse bishii April ee sannadkan ayaa maxkamadda gobolka Banaadir waxay burisay dacwadihii loo haystay. Sidoo kale xarigga mas’uulkan ayaa ku soo beegmay xilli uu aad u xunyahay xiriirka dowladda Federaalka iyo Jubaland kadib doorashadii dib loogu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Dowladda ayaa maalmo ka hor soo saartay go’aan diyaaradaha ka yimaada ama u socda magaalada kismaayo lagu amrayo in ay sii maraan magaalada Muqdisho iyadoo banaan-bax go’aankaasi looga horjeedo uu maanta ka dhacay magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Wasiirka Amniga Jubaland oo Muqdisho lagu xiray appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Pakistan)-Wasiirka Tareenada ee dalka Pakistan Sheekh Rashiid Axmed ayaa naxdin ay kala soo daristay kadib markii koronto ay qabsatay xili uu u khudbadaynayey dad ka soo horjeeda talaabada Raysal Wasaaraha India Narendra Modi uu kula kacay dadka Muslimiinta u badan ee degan Kashmir qaybta ay Hindiya maamusho. Muuqaal fiidiyoow ah oo ku faafay warbaahinta bulshada, ayaa Wasiir Rashiid Axmed, oo ka hadlayey isu imaatin uu ku qabtay hoygiisa Rawalpindi ‘Lal Haveli’ si uu u muujiyo midnimada waddankiisa ay la leedahay dadka reer Kashmir oo la soo abaabulay Jimcihii shalay (30-kii August), : ayaa markii uu yidhi Wasiirku “Hum tumhari Modi niyaton se vaqif hain (waanu ognahay ujeedadaada, Narendra Modi).” Ayaa naxdin uu kala kulmay dabka ka qabsaday gacanta midig kadib markii makarafoonka uu gacanta biddix ku hayey ay gaadhay gacantiisa kale. Kadib wuxuu isu diyaariyaa inuu sii wado. “Khair koi baat nahi, koi baat nahi ..” ayuu si qosol leh u yidhi, oo wuxuu sii wadaa inuu mikrofo maro yar ku haysto. “Modi waa jalse ko nakaam nahi kar sakta (Modi kama hor istaagi karo kulankan),” ayuu ku yidhi qoslaya. Laba maalmood ka hor, Wasiirka Tareenka ayaa saadaaliyay dagaal buuxa oo u dhexeeya Pakistan iyo India bilaha Ocotober iyo November. Isaga oo ka hadlayey dhacdo ka dhacday Rawalpindi, Axmed wuxuu sheegay in tani ay noqon doonto dagaalkii ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labada wadan, waxa uuna intaa raaciyay inuu kusii socdo wadada loo diyaar garoobo dagaalkan. Xiisadda laba geesoodka ah ee u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan ayaa sii kordhayay tan iyo markii Hindiya ay ka takhalustay maqaamka gaarka ah ee Jammu iyo Kashmir bishii August 5. Source
  6. Muqdisho (SMN) – Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Somaaliyeed Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan ayaa maanta xilka kala wareegay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe),ka dib markii xaflad lagu maamuusaayey xil wareejintaasi oo ay ka dhacday xarunta Taliska Guud ee ciidanka Asluubta ee magaalada Muqdisho. waxaa ka qeybgalay munaasabadda Wasiirka Caddaaladda Avv.Xasan Xuseen Xaaaji,Wasiirka Dhalinyarada iyo Sportiga Khadiijo Mazamed Diiriye,Xeer ilaaliyaha Guud Dr.Axmed Cali |Daahir iyo Madaxda maxkamadha dalka iyo marti sharaf kale. Sareeye Guur Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) ayaa taliyaha cusub faah faahin ka siiyaya waxqabada ciidanka Asluubta muddadii uu xilka hayay,isagoo xusay in ciidanka Asluubtu ay ku xuquuq yihiin qeybaha kale ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed. “Waxaan dib u dhis ku sameynay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo xarumihii ciidaNKA mudadii an xafiiska joogya,waxaan sidoo kale ciidamada Asluubtu ay dowr muuqda ka qaateen dib u dhiska goobaha taariikhiga ah ah,sida Daljirka Taalada SYL,Xaawa Taako,Dhagaxtuur iyo gooboo kale”. ayuu yiri Bashiir Goobe. Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay S/guud Bashiir Goobe mudadii uu xafiiska uu joogay waxyaabihii u qabsoomay,isagoo balanqaaday in uu dardar gelin doonon dhameystirka howlaha horyaala taliska. Ugu dambeyntii Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaaji iyo Xeer-ilaaliyaha guud e Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa u mahadceliyay taliyihii hore,iyagoo kula dardaarmay taliyaha cusub in uu si hufan u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. More than 200 young women graduated from different faculties at Somali International University (SIU) in Mogadishu this week, reflecting a major advancement overall in female education in Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo midaqga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada. Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir. Agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah Mr Stefano Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow. Wasiirka Qorsheynta XFS oo munaasabadda heshiiska ka sheegay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono si loo gaaro horumarka la hiigsanayo ayna ummadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in xaqiijinta mashruuca Eng. Yariisow ee diiradda lagu saarayo uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii Guddoomiyihii gobalka Banaaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo waddooyinka Muqdisho iyo Berbera appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Tokyo)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan ku sugan dalka Japan oo kaga qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 110 kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii gaari nooca loo yaqaan Waaraadka ah oo tahriibayaal Itoobiyaana sida uu maanta ku dhacay degaanka Tawakal ee galbeedka degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ku sugan degaanka Tawakal ayaa sheegay in gaariga rogmaday oo ka yimid dhanka Itoobiya uu tahriibayaasha u sida dhinaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari islamarkaana ay saarnaayeen dad ka badan 150 ruux oo Itoobiyaan ah gaar ahaanna Qomiyadda oromada. Dadka Dhaawacmay ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka degmada Xingalool waxaana xaalad halis ah ku sugan 15 kamid ah dhaawacyada sida uu sheegay gaasimaha cisbitaalka Xiingalool Cabdirisaaq Cabdullaahi. Qaar kamid ah sawirada dadka dhaawacmay PUNTLAND POST The post In ka badan 110 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil ka dhacay gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu ka yimid deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, waxaana uu ku socday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo Muqdisho ka raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines, sida aan xogta ku helnay. Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in diyaarad kasta oo ka baxeysa ama tageysa Kismaayo ay soo marto Muqdisho ayaa Janan ku qasbay inuu Muqdisho yimaado, maadaama haddii uu tagi lahaa Kismaayo oo uu halkaas ka bixi lahaa uu sidoo kale ku qasbanaan lahaa inuu Muqdisho soo maro. Cabdirashiid Janan ayaa waxaa loo haystaa xadgudubyo lagu eedeeyey inuu horey uga gaystay gobolka Gedo, oo ay ka mid yihiin xasuuqa shacabka, waxaana jirta dacwado ay horey ugu soo oogtay xeer ilaalinta qaranka balse aan la fulin oo hab siyaasadeed loo maareeyey. Wixii faah-faahin ah kala soco Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Wararka ka imanaya magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah iyo Wadaado wada-socdaa ay maanta xabsiga u taxaabay shaqaale Itoobiyaan ah. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in la xidho dadkan, mana jirto faaf faahin buuxda oo wadaadada iyo ciidanka hawsha fuliyay ay ka bixiyeen sababta loo xidhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. A man who posted racist tweets about the Liverpool footballer Mo Salah has been given a suspended jail sentence. Gary Hyland, 32, from Bootle in Merseyside, joked about the Egyptian striker praying to Mecca at half-time and sent altered images of the squad praying to Allah during an online chat. A supporter then asked him: “What’s the issue with Muslims lad? Can you even articulate it?” Hyland, who is thought to be a fan of rival club Everton, then sent a photograph of the player with a suicide vest superimposed onto the player’s body, as well as making racist remarks about Salah and sending more images that appeared to poke fun at people praying to Allah. The tweets from 6 August were reported to Merseyside Police, and two days later Hyland was arrested at his home. Hyland later said to officers: “I know I’ll get charged. It was me.” Earlier in August, he pleaded guilty to racially/religiously aggravated intentional harassment and obstructing an officer in the execution of his duty. On Friday, he was handed a six-week jail term suspended for 12 months, according to the Crown Prosecution Service. Sefton magistrates also told him to complete 200 hours of unpaid work in the community and a fortnight of Rehabilitiation Activity Requirement, which includes going on a Promoting Human Dignity course. LIVERPOOL, ENGLAND – FEBRUARY 09: Mohamed Salah of Liverpool celebrates scoring the third goal during the Premier League match between Liverpool FC and AFC Bournemouth at Anfield on February 9, 2019 in Liverpool, United Kingdom. (Photo by Visionhaus/Getty Salah plays for Liverpool and Egypt Angela Conlan, of Mersey Cheshire Crown Prosecution Service, said: “He pleaded guilty and admitted what he’d done was stupid. These sorts of remarks fuel racial hatred and are extremely offensive to people from the race or religion that they are aimed at. “Mohamed Salah does not deserve to be the object of abuse and neither does any person in a civilised society. The tweets were sent in the early hours of the morning and Hyland turned a discussion into a racist rant. “That is not acceptable. Let this be a lesson to everyone that words can hurt and society has standards that must be upheld.” Everton previously condemned the fan’s tweets “in the strongest terms”. Source SKY News Qaran News
  14. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoonka sare ee maamulka maamulka gobolka. Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir,ayaa la xiriiray dardargalinta howlaha ay dowlada hoose ee Xamar ugu qidmeyneyso bulshada ku dhaqan caasimada jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho. Kulankani ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta islaxisaabtanka iyo la dagaalanka musuq maasuqa taas oo qeyb ka ah siyaasada guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) oo kulankaasi hadallo ka jediyay ayaa maamulka gobolka kula dardaarmay in s dhab ah loogu shaqeeyo dadka iyo dalka.isla markaana lala yimaado howl karnimo iyo dadaal dheeraad ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  15. Dhuusamareeb (SMN) – Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee Hiil-Walaal ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ciidamadan ayaa ka soo ambabaxay dhanka gobolka Hiiraan, iyagoona xalay ku hoyday inta u dhexeysa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug, siyaasiyiin iyo saraakiil ayaa ciidankan ku soo dhoweeyay duleedka magaaladaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay fariisimo cusub ka sameysteen xarumaha muhiimka ee ku yaalla halkaasi. Horay ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb ugu sugnaa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo laga qaaday gudaha magaalada Muqdisho. Dhowaan ayaa lagu wadaa in la qabto shirweynaha dib u heshiisiinta iyo doorshada maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo Midowga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed oo loogu magac daray Eng. Yariisow, kaasi oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada. Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir. Agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah Mr Stefano Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow. Wasiirka Qorsheynta XFS oo munaasabadda heshiiska ka sheegay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono si loo gaaro horumarka la hiigsanayo ayna ummadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in xaqiijinta mashruuca Eng. Yariisow ee diiradda lagu saarayo uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii Guddoomiyihii gobalka Banaaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.
  17. Ceerigaabo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay deegaanka Tawalka oo hoostaga gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Gaariga oo noociisu ahaa Yuudhii ayaa rogmaday, kaas oo ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ku dhowaad lixdan qof oo la socota gaarigan ayaa la sheegay inay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay shilkaasi. Dadkan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen Tahriibayaal. Inta badan shilalka ayaa ku soo laa laabta gobollada Sool iyo Sanaag, waxaan loo sababeeyaa burburka jidadka iyo darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiidka. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo midaqga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada. Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir. Agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah Mr Stefano Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow. Wasiirka Qorsheynta XFS oo munaasabadda heshiiska ka sheegay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono si loo gaaro horumarka la hiigsanayo ayna ummadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in xaqiijinta mashruuca Eng. Yariisow ee diiradda lagu saarayo uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii Guddoomiyihii gobalka Banaaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan. Halkan hoose daawo Sawirrada: View the full article
  19. Kismaayo (SMN) – Dibadbax lagu taageerayey maamulka Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday go’aankii dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tegaya Kismaayo ay soo maraaan magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadweynaha la soo qasbay, si ay uga qeyb galaan dibadbaxaasi. Dhinaca kale waxaa isla maanta Kismaayo ka dhacay dibadbax kale oo ay dhigeen dad taageersan xubnaha isbedal doonka ee ku sugan magaaladaasi. Banaanbaxyadan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa guud ah magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dhowaan ayey aheyd markii doorashooyin iska soo horjeeda ay ka dhaceen halkaasi, kuwaas oo lagu doortay illaa saddex Madaxweyne. View the full article
  20. Tokyo (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtidooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha wadajirka ah ee Afrika iyo Japan ee lagu jaangooyay muddada saddexda sanno ah ee soo socota iyo sidii maalgashadeyaasha u dhashay dalka Japan ay ugu soo dhiirran lahaayeen in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan guulaha muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen muddadii la soo dhaafay iyo doorka hoggaamineed ee ay ka qaadan karaan kobaca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalalka Gobolka. “Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo adiga iyo shacabka Japan soo dhaweynta diirran ee aad noo sameyseen aniga iyo wafdigayga muddadii aan halkan ku sugnayn. Waxaan abaal uga haynaa Japan taageerada tooska ah iyo midda dadban ee ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.” Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa xusay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay barnaamijka iskaashiga labo geesoodka ah ee Japan iyo Afrika isagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo qaybgalka madashan iyo qorsheyaasha wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen. Ra’iisul Wasaare Abe ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka gaartay dowlad wanaagga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida, wuxuuna ballan qaaday in Japan ay kaalin mug leh ka gaysanayso dadaallada dayn cafinta oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Maaliyadda oo ay Japan ka tahay xubin firfircoon. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-31082019.mp3 View the full article