Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,358
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Tokyo)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan ku sugan dalka Japan oo kaga qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 110 kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii gaari nooca loo yaqaan Waaraadka ah oo tahriibayaal Itoobiyaana sida uu maanta ku dhacay degaanka Tawakal ee galbeedka degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ku sugan degaanka Tawakal ayaa sheegay in gaariga rogmaday oo ka yimid dhanka Itoobiya uu tahriibayaasha u sida dhinaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari islamarkaana ay saarnaayeen dad ka badan 150 ruux oo Itoobiyaan ah gaar ahaanna Qomiyadda oromada. Dadka Dhaawacmay ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka degmada Xingalool waxaana xaalad halis ah ku sugan 15 kamid ah dhaawacyada sida uu sheegay gaasimaha cisbitaalka Xiingalool Cabdirisaaq Cabdullaahi. Qaar kamid ah sawirada dadka dhaawacmay PUNTLAND POST The post In ka badan 110 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil ka dhacay gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu ka yimid deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, waxaana uu ku socday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo Muqdisho ka raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines, sida aan xogta ku helnay. Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in diyaarad kasta oo ka baxeysa ama tageysa Kismaayo ay soo marto Muqdisho ayaa Janan ku qasbay inuu Muqdisho yimaado, maadaama haddii uu tagi lahaa Kismaayo oo uu halkaas ka bixi lahaa uu sidoo kale ku qasbanaan lahaa inuu Muqdisho soo maro. Cabdirashiid Janan ayaa waxaa loo haystaa xadgudubyo lagu eedeeyey inuu horey uga gaystay gobolka Gedo, oo ay ka mid yihiin xasuuqa shacabka, waxaana jirta dacwado ay horey ugu soo oogtay xeer ilaalinta qaranka balse aan la fulin oo hab siyaasadeed loo maareeyey. Wixii faah-faahin ah kala soco Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Wararka ka imanaya magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah iyo Wadaado wada-socdaa ay maanta xabsiga u taxaabay shaqaale Itoobiyaan ah. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in la xidho dadkan, mana jirto faaf faahin buuxda oo wadaadada iyo ciidanka hawsha fuliyay ay ka bixiyeen sababta loo xidhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. A man who posted racist tweets about the Liverpool footballer Mo Salah has been given a suspended jail sentence. Gary Hyland, 32, from Bootle in Merseyside, joked about the Egyptian striker praying to Mecca at half-time and sent altered images of the squad praying to Allah during an online chat. A supporter then asked him: “What’s the issue with Muslims lad? Can you even articulate it?” Hyland, who is thought to be a fan of rival club Everton, then sent a photograph of the player with a suicide vest superimposed onto the player’s body, as well as making racist remarks about Salah and sending more images that appeared to poke fun at people praying to Allah. The tweets from 6 August were reported to Merseyside Police, and two days later Hyland was arrested at his home. Hyland later said to officers: “I know I’ll get charged. It was me.” Earlier in August, he pleaded guilty to racially/religiously aggravated intentional harassment and obstructing an officer in the execution of his duty. On Friday, he was handed a six-week jail term suspended for 12 months, according to the Crown Prosecution Service. Sefton magistrates also told him to complete 200 hours of unpaid work in the community and a fortnight of Rehabilitiation Activity Requirement, which includes going on a Promoting Human Dignity course. LIVERPOOL, ENGLAND – FEBRUARY 09: Mohamed Salah of Liverpool celebrates scoring the third goal during the Premier League match between Liverpool FC and AFC Bournemouth at Anfield on February 9, 2019 in Liverpool, United Kingdom. (Photo by Visionhaus/Getty Salah plays for Liverpool and Egypt Angela Conlan, of Mersey Cheshire Crown Prosecution Service, said: “He pleaded guilty and admitted what he’d done was stupid. These sorts of remarks fuel racial hatred and are extremely offensive to people from the race or religion that they are aimed at. “Mohamed Salah does not deserve to be the object of abuse and neither does any person in a civilised society. The tweets were sent in the early hours of the morning and Hyland turned a discussion into a racist rant. “That is not acceptable. Let this be a lesson to everyone that words can hurt and society has standards that must be upheld.” Everton previously condemned the fan’s tweets “in the strongest terms”. Source SKY News Qaran News
  6. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoonka sare ee maamulka maamulka gobolka. Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir,ayaa la xiriiray dardargalinta howlaha ay dowlada hoose ee Xamar ugu qidmeyneyso bulshada ku dhaqan caasimada jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho. Kulankani ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta islaxisaabtanka iyo la dagaalanka musuq maasuqa taas oo qeyb ka ah siyaasada guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) oo kulankaasi hadallo ka jediyay ayaa maamulka gobolka kula dardaarmay in s dhab ah loogu shaqeeyo dadka iyo dalka.isla markaana lala yimaado howl karnimo iyo dadaal dheeraad ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. Dhuusamareeb (SMN) – Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee Hiil-Walaal ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ciidamadan ayaa ka soo ambabaxay dhanka gobolka Hiiraan, iyagoona xalay ku hoyday inta u dhexeysa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug, siyaasiyiin iyo saraakiil ayaa ciidankan ku soo dhoweeyay duleedka magaaladaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay fariisimo cusub ka sameysteen xarumaha muhiimka ee ku yaalla halkaasi. Horay ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb ugu sugnaa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo laga qaaday gudaha magaalada Muqdisho. Dhowaan ayaa lagu wadaa in la qabto shirweynaha dib u heshiisiinta iyo doorshada maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo Midowga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed oo loogu magac daray Eng. Yariisow, kaasi oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada. Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir. Agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah Mr Stefano Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow. Wasiirka Qorsheynta XFS oo munaasabadda heshiiska ka sheegay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono si loo gaaro horumarka la hiigsanayo ayna ummadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in xaqiijinta mashruuca Eng. Yariisow ee diiradda lagu saarayo uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii Guddoomiyihii gobalka Banaaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.
  9. Ceerigaabo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay deegaanka Tawalka oo hoostaga gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Gaariga oo noociisu ahaa Yuudhii ayaa rogmaday, kaas oo ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ku dhowaad lixdan qof oo la socota gaarigan ayaa la sheegay inay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay shilkaasi. Dadkan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen Tahriibayaal. Inta badan shilalka ayaa ku soo laa laabta gobollada Sool iyo Sanaag, waxaan loo sababeeyaa burburka jidadka iyo darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiidka. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo midaqga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada. Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir. Agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah Mr Stefano Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow. Wasiirka Qorsheynta XFS oo munaasabadda heshiiska ka sheegay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono si loo gaaro horumarka la hiigsanayo ayna ummadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in xaqiijinta mashruuca Eng. Yariisow ee diiradda lagu saarayo uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii Guddoomiyihii gobalka Banaaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan. Halkan hoose daawo Sawirrada: View the full article
  11. Kismaayo (SMN) – Dibadbax lagu taageerayey maamulka Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday go’aankii dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tegaya Kismaayo ay soo maraaan magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadweynaha la soo qasbay, si ay uga qeyb galaan dibadbaxaasi. Dhinaca kale waxaa isla maanta Kismaayo ka dhacay dibadbax kale oo ay dhigeen dad taageersan xubnaha isbedal doonka ee ku sugan magaaladaasi. Banaanbaxyadan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa guud ah magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dhowaan ayey aheyd markii doorashooyin iska soo horjeeda ay ka dhaceen halkaasi, kuwaas oo lagu doortay illaa saddex Madaxweyne. View the full article
  12. Tokyo (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtidooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha wadajirka ah ee Afrika iyo Japan ee lagu jaangooyay muddada saddexda sanno ah ee soo socota iyo sidii maalgashadeyaasha u dhashay dalka Japan ay ugu soo dhiirran lahaayeen in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan guulaha muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen muddadii la soo dhaafay iyo doorka hoggaamineed ee ay ka qaadan karaan kobaca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalalka Gobolka. “Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo adiga iyo shacabka Japan soo dhaweynta diirran ee aad noo sameyseen aniga iyo wafdigayga muddadii aan halkan ku sugnayn. Waxaan abaal uga haynaa Japan taageerada tooska ah iyo midda dadban ee ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.” Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa xusay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay barnaamijka iskaashiga labo geesoodka ah ee Japan iyo Afrika isagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo qaybgalka madashan iyo qorsheyaasha wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen. Ra’iisul Wasaare Abe ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka gaartay dowlad wanaagga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida, wuxuuna ballan qaaday in Japan ay kaalin mug leh ka gaysanayso dadaallada dayn cafinta oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Maaliyadda oo ay Japan ka tahay xubin firfircoon. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  13. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-31082019.mp3 View the full article
  14. Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray olole lagu tallaalayo in ka badan 3 Million oo kamid ah xoolaha Puntland. Wasiir wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dowladdda Puntland Siciid Cismaan Aadan oo wasaaraddiisu fulinayso ololahaan ayaa takhaatiirta kula dardaarmay inay dulqaad u yeeshaan shaqada ay hayaan latallina siiyaan dadka reer guuraaga ah. Ugu dambayntiina madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan oo daahfuray tallaalka ayaa dalbaday in meesha ay leedahay lamariyo dawadaan dhaqaalaha badan ku fadhida isagoona sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii si qaldan u khasaarisa dawooyinka. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka digey in la khasaariyo tallaalka xoolaha Puntland. appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdsho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed ka dalbaday in ay furan Wadooyinka Xiran ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Filish oo kaqayb galayay munaasabadda uu xilka kula wareegayay Taliyha cusub ee Ciidanka Booliska soomaliyeed ayaa waxa u kacodsaday Taliska Ciidanka booliska in ay furaan wadooyinka muqdisho ee xeran. Cumar Finish ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay dhib badan ku qabaan wadooyinka Xiran isaga taliska ka dalbaday in ay si deg deg ah u furaan. Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sidokale waxa uu shacabka kadalbaday in ay lashaqeeyaan ciidamda amaanka si looga horta waxa uu ugu yeeray nabad diidka. Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo maanta Xilka la wareegay Cabdi Xasan Xijaar oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in isiga iyo Gudoomiyaha Cusub ay qaadi doonaan Dhagxaan ku xiran wadooyinka Magaalada Muqdisho. Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay la kaashan doonaan furitaanka Wadooyinka si loo xoojiyo wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo maamulka gobolka Banaadir. Waxaa uu sidoo kale shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Habeen kahor ayay aheed markii Gudoomiyaha Cusub uu Xil la wareegay waxa uuna sheegay in uu si deg deg ah u firidoono wadooyinka Xiran ee Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Cutubyo ka tirsan Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya sugida amniga Shirweynah Dib u heshiisiinta Galmudug iyo howlaha dhismaha Maamulka Galmudug. Ciidamada Jabuuti oo safar dhinaca dhulka ah uga soo baxay magaalada Beledweyne ayaa soo maray degmada Matabaan iyo Guriceel, waxaana ay si nabdoon ku yimaadeen Dhuusamareeb. Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ciidamadan ku soo dhoweeyay afaafka hore ee magaalada. Gawaarida gaashaaman iyo kuwa xamuulka ah ee ay Ciidamada Jabuuti ay wateen ayaa lagu arkayay bartamaha magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay saldhig ka sameysteen Garoonka diyaaradaha iyo xarumo ku yaalla gudaha Magaalada. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha, Ujeedada Ciidamada AMISOM loo geeyey Magaalada Dhuusamareeb ayaa ah cabsi laga qabo Ahlu Sunna Wal-Jameeca inay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka sameyso Magaaladaas. Dowladda Soomaaliya ayaa afgambi farsameysan ku sameysay Awoodii Ciidan ee Ahlu Sunna taasoo hadda u muuqato inay meesha ka baxday. Dowladda ayaa la wareegtay Saraakiishii Ahlu Sunna daacadda u ahaa oo uu ugu horreeyey Taliyaha hadda loo magacaabay qeybta 15-aad ee Mascuud kaasoo hadda daacad u noqday Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  17. Ka Hadalka Maqaam uu yeesho Gobalka Banaadir, kuma koobna Siyaasiyiinta ama Odayaasha Deegaanka oo kaliya ee sidoo kale Dhallinyarada Qurbajoogta Soomaalida, ayaa dhankooda ka dalbanaya sidii loo heli lahaa Xaqii uu Gobalka Banaadir lahaa. Boqolaal Soomaali ah, ayaa xalay isugu soo baxay Munaasabad lagu Dalbanayey Maqaamka Gobalka Banaadir oo lagu qabtay Magaalo-xeebeedka Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika, iyadoo codkii ugu dheeraa Madaxda Dowladda uga codsaday in si deg deg ah ay Shacabka reer Banaadir u helaan Xaqii ay Gobal ahaan lahaayeen sida Adeegyada Bulshada oo ay aad uga liitaan sida muuqata. Gudoomiyaha Jaaliyadda Galbaash ee ay ku midaysan yihiin Dhallinta Gobalka Banaadir ee ku nool K/Afrika, Mudane Cali Qadaaye, ayaa Hogaanka Qaranka hor dhigay waxa hor taagan in Maqaamka uu leeyahay Gobalka Banaadir la cadeeyo, lagana qaado Qodobka 9aad ee Xayiraya ee ku qoran Dastuurka KMG, iyaguna ka dhallinyaro ahaan dal iyo dibadba aysan siyaasiyiin kaliya ku haleen doonin raadinta Maqaamka Muqdisho. Sidoo kale, Ugaas Khadar oo ah Gudoomiye K/xigeenka Galbaash, ahna Gudoomiyaha Dhallinyarada reer Banaadir ee K/Afrika, ayaa ugu horeyn u mahadceliyey kasoo qeybgalayaasha muujiyey raadinta Maqaamka Muqdisho inay tahay mid Muqadas ah, isagoona Dowladda ka dalbatay inaysan iska indho iyo dhego tirin, sida Dowladihii hore xaqa aan Gobalka u raadinayno. Intii ay Xafladda socotay, ayaa waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Madax iyo Marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Shire Xundhureey, Sh C/raxmaan Al-Falaax, Yaasiin Cali Qawaar, Muuse Muude Afrax, Bootaale Cali Muuse, C/raxmaan Cali Kaar, waxaana sidoo kale khadka Telefoonka uga qeyb qaatay Wabar Socdaal oo ku sugan Caasimadda Dalka. Waxaan meesha ka marneyn Ruwaayad Murti iyo maad badan Xambaarsaneyd oo ay Jileen Fanaaniinta Caan baxay ee Kooxda Gurmad Group ee ka dhisan Dalka Koonfur Afrika. Goobjoog News W/ Q Abdulrazak IndhaJaceyl Cape Town, South Africa Source: goobjoog.com
  18. Tokyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtidooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha wadajirka ah ee Afrika iyo Japan ee lagu jaangooyay muddada saddexda sanno ah ee soo socota iyo sidii maalgashadeyaasha u dhashay dalka Japan ay ugu soo dhiirran lahaayeen in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan guulaha muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen muddadii la soo dhaafay iyo doorka hoggaamineed ee ay ka qaadan karaan kobaca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalalka Gobolka. “Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo adiga iyo shacabka Japan soo dhaweynta diirran ee aad noo sameyseen aniga iyo wafdigayga muddadii aan halkan ku sugnayn. Waxaan abaal uga haynaa Japan taageerada tooska ah iyo midda dadban ee ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.” Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa xusay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay barnaamijka iskaashiga labo geesoodka ah ee Japan iyo Afrika isagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo qaybgalka madashan iyo qorsheyaasha wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen. Ra’iisul Wasaare Abe ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka gaartay dowlad wanaagga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida, wuxuuna ballan qaaday in Japan ay kaalin mug leh ka gaysanayso dadaallada dayn cafinta oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Maaliyadda oo ay Japan ka tahay xubin firfircoon.
  19. Si isla xisaabtan u yimaado, isla markaana mas’uulka Soomaaliyeed u ogaado in loo diwaangeliyey ballamihiisa, waxna laga weydiin-doono, Goobjoog News sida caadada ah waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa khubaddii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ka jeediyey xafladdii uu xilka kula wareegayey. Haddaba, Halkan Ka Akhriso: Khudbadda Cumar Filish oo Dhameystiran. Bismillaah, mas’uuliyiinta kala duwan caawa nagala soo qeyb gashaymunaasabddaan xil la wareegidda ah ee uu u horeeyo guddoomiye ku-xigeenka Aqalka sare mudane Mowliid, ee madaxda kala duwan ee goleyaasha baarlamaannada heer federaala iyo heer dowlad gobaleed, goleyaasha heer qaran, heer gobol iyo heer Baarlamaan, dhammaan ka soo qeyb galayaasha oo ay ka mid yihiin, madaxdii iiga horeysay ee gobalka Banaadir, intii dalka joogtay, duubabka, gabdhaha, madaxda ciidamada iyo dhammaan mas’uuliyiinta kala gadisan ee la midka ah ee aan ka gaari waayay inaan halkaan ku xuso, dhammaantiin wasalaama caleykum waraxma tullaahi wabarakaatuhu. Ee, Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan marka hore fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan u tacsiyeeyo dadkii kugee ku geeriyoodey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday xarunta gobalka Banaadir, oo ugu horeeyo guddoomiyihii hore ee gobalka Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Injineer Yariisoow, waxaana leeyahay Illaahey ha-u-naxariisto dhammaanteenna sammir iyo imaan hanaga siiyo, waxaan idiinka codsanayaa inaan hal daqiiqo wada istaagno, faataxada u marno in illlaahey raxmaddiisa siiyo. Sidoo kale, waxaan idiinka codsanayaa in dhammaanteen aan allaah caafimaad uga barino walaalaheennii ku dhaawacmay falkaas foosha xun. Midda kale, waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo howl wadeennadii soo abaabulay munaasabaddan oo uu ugu horeeyo ku simaha guddoomiyaha gobalkaiyo iyo mas’uuliyiinta kale ee gobalka , mudanayaal iyo marwooyin, waxaan sidoo kale fursaddan uga faa’iideysana inaan u mahad celiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Raii’salwasaaraha Xukuumadda mudane Xasan Cali Kheyre, oo ii gartay, oo ii gartay inaan qabto xilkaan culus, oo muhiimad weyn u leh dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dad weynaha ku dhaqan gobalka Banaadir, waxaana Illaahey ka baryayaa inuu iga dhigo mid guta waajibaadka shaqo ee loo idmaday. Mudanayaal iyo marwooyin, sida aad ogtihiin waxaa na sugaya ma’uuliyad ballaaran oo xasaasi ah guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan shacabka gobalka Banaadirba il-gaar ah nagu eegayaan, mudanayaal iyo marwooyin, waxaan hortiinna ka cadeynayaa, inaan ku dadaali doono in aan horay u siiwado, horay u siiwadno aan I raahdo, shaqooyinkii wanaagsanaa ee uu waday walaalkeen Injineer Cabdiraxmaan Yariisoow iyo guud ahaan howlihii ay bilaabeen maamulladii is xig xigay ee gobalka soo maray, aniga oo uga mahad celinay qof walba kaalintii uu ka soo qaatay hormarka uu gobalku gaaray. Barnaamijka lixda bilood, waa amniga caasimadda. Amniga caasimadda (ayaad Qur’aan ah,)mudanayaal iyo marwooyin, maamulka ee maamulka ee iyo dhammaan howl wadeennada gobalku waxaa ay ahmid gaar ah siin doonaan inaan laamaha amniga heer gobal iyo mid dowlad dhexeba kala shaqeynno sidii magaalada Muqdisho u noqon la heyd mid amnigeeda la isku haleyn karo, shacabkeenuna u helaan, amniga iyo nabadda ay xaqqa u leeyihiin oo ah mas’uuliyadaha ugu waaweyn oo shacabku naga filayaan, waxaan aaminsan nahay sugiddiisu iney tahay shaqo noowadataal shacab iyo dowladba, waxaana ku kalsoon nahay haddii aan is kaashanno inaan ka adkaan doonno cadawga, waa inaan dhammaanteen aanan sugin cadawgu inuu malin walba laayo dadkii indhaha bulshada ahaa, hase ahaatee taas badalkeeda waa inaan qaadanaa, talaabo kasto aan uga hortageyno waxyeeladooda, waxaan hortiina ka balan qaadayaa in aan intii karaankeena ah xoogga saari doonno amnigu inuu noqdo shaqo maalmeedka ugu muhiimsan oomaamulkeenu kala shaqeyn doono laama amniga, waxaan si dagdag ah u furi doonaa jidadka kala xiran ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan waliba aan adkeyn doonno ammaanka dad weynaha iyo goobaha ganacsiga. Bilicda Caasimadda (Xadiis), walaalayaal sida aad ogtihiin nadaafadda iyo bilicda magaalo ay umadi ku nooshahay waxaa ay ka mid tahay qiimaha dadnimo ee umaddaas, waxaa ayna kaalin muhiim ah ka qaadataa caafimadka iyo quruxda nolosha, sidaas darteed ayuu Rasuulku SCW waxaa uu nadaafadda ku tilmaamay Imaanka barkiis, sidoo kale haddaanan nadaafadda iyo bilicda magaalada si weyn wax uga badalin caasimaddeenu m anoqon karto mid la tartanta caasimadaha adduunka ee aan higsaneyno inaan la mid noqono, sidaa darteed waxaan xil gaar ah is ka saareynaa inaan la inaan labalaabno dadaalkii horay u socday ee lagu soo celinayey muuqaalka Caasimadda, waxaan arrinkaas ku darsan doonaa qorshe maalmeedka gobalka, sidoo kale waxaan dowladda iyo shacabka ugu baaqeynaa aniga iyo asxaabteyda intii la awoodo in qorshaha lagu daro dib u dhiska dhismayaasha burburay oo wax weyn u dhimay bilicda iyo quruxda magaalada, waxaan dayactir iyo dhismo aan ku sameyn doonnaa bulaacadaha qaada biyaha si loo baabi’iyo dhiiqada ka dhalata roobabka iyo nadaafad darrada u horseedi karta cudura dilaaca. Adeega dadweynaha (ayaad Qur’aan ah) in kastoo awooda dhaqaale ee gobalka ay xadidan tahay haddan waxaan dareensan nahay in maamulka gobalka mas’uuliyad ka saran tahay in dadweynaha gobalka Banaadir gaarsiiyo adeega iyo baahiyaha aas aasiga ah sida waxbarashada , caafimaadka, biyaha, korantada iyo adeegyada kale uu bixiyo, waxaan cid kasta oo naga caawin karta la kaashaneynaa sara u qaadidda adeegga iyo baahi tirka shacabku naga, naga sugayo, waxaan ku dadaali doonnaa inaan dhammaan degmooyinka gobalka gaarsiinno heer ay bixin karaan adeegga looga baahan yahay iyo danaha joogtada ah ee gobalka uga xiran bulshada, taasoo mararka qaar ay dadku meelo fogfog uga yimaadan, waxaana shacabka gobalka Banaadir ka codsaneynaa in ay naga shaqeeyaan oo waajibka saaran gutaan si aan u gudanno ma’uuliyadda ay nooga fadhiyaan. Mashaariicda Horumarinta (Xadiis), Walaalayaal waxaad la socotaan in gobalka ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo wax weyn ka badalaya muuqaalka iyo hormarka caasimadda, sida dib udhiska wadooyinka iyo xarumaha adeegga dad weynaha, sidaa darteed waxaan siiwadi doonnaa dhameystirka mashaariicdii horay u socotay waxaan abuuri doonnaa mashaariic kale oo horumarinneed, annaga oo gacan siindonna, soona dhowey doonna cid kasta oo nagala qeyb qaadaneysa horumarinta iyo dib u dhiska caasimadda, waxaan magaalada Muqdisho xaafadaheeda ka hirgelin doonnaa waddooyin isugu jira Laami iyo Jaay si uu u sahlanaado is ku socodka magaalada ee dad weynaha iyo gaadiidka. Cadaaladda ama Garsoorka (ayaad Qur’aan ah), Walaalayaal sida aad ogtihiin dhibaatada Soomaaliya in badan arrimaha loo tiiriyo in ay qeyb ka tahay waxaa ka mid ah cadaalad darrada, cadaalad darrada dhexdeenna ka dhacda, cadaaladdu waa sheyga kaliya ee umad u horseeda in ay nabad iyo is jeceyl kuwada noolaadaan. Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda qaranka Soomaaliyeed iyo magaalo umadda Soomaaliyeed kuwada nool yihiin waxay mar kale ku soo ceshan kartaa magacii iyo maamuuskii lagu yaqaanay in qof kasta oo Soomaali ah helo cadaaladda uu xaqqa u leeyahay, waxaan hortiinna caawa ka caddeynayaa intaan madax ka ahay magaaladaan inaan aqbali doonin intii awoodeyda ah in cadaalad darro iyo dulmi qof Soomaali ah lagula kaco, in qof Soomaali ah oo mawaadin ah, oo muslim ah uu qof kale oo Soomaali ah si bareer ah hanitidiisa u haysto, nuucey doonto ha ahaatee, ma aqbali doonno, dhibaatooyinka iyo khilaafyada dhulka waxay magaalada caasimadda Muqdisho ku hayaan amni darro iyo sumcad xumo, waxaan aaminsan nahay haddii cadaaladda laga shaqeeyo iney yaraanayaan khilaafyada hantida la is ku heysto, sidaa darteed, waxaan hey’adaha Garsoorka ugu baaqayaa in ay ku dadaalaan in mawaadiniita si cadaalad ah wax ugu kala xukumaan, sidoo kale hey’adaha sharci fulinta waxaa laga rabaa in ay kaalintooda ka qaataan hirgelinta cadaaladda. Muumul wanaagga (Xadiis ), Mudanayaal iyo marwooyin maamulku waxaa uu ku saleysnaan doonaa mabaadii’da maamul wanaagga, annaga oo la dagaalami doonna muuqaalada kala duwan ee musuqmaasuqa, waxaa kale oo maamulka gobalka banaadir ku saleysnaan doonaa daah furnaan, la xisaabtan iyo hufnaan. Gabangabo, Ugu danbeytii waxaan halkaan uga codsanayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya, dhammaan dad weynaha ku dhaqan gobalka Banaadir, howl wadeennada iyo dhammaan shaqaalaha gobalka Banaadir inaan is ka kaashanno sidii aan u dardargelin laheyn howlaha na hor yaala, sidoo kale shacabka gobalka Banaadir iyo dhammaan Soomaaliyeed ugu baaqayaa in laga wada qeyb qaato dib u- xoreynta iyo xasilinta dalka lana garab istaago dhammaan ciidamada kala duwan ee dalka, oo wada dadaal ay cadawka dalka uga cirib tirayaan, wabilaahu toowfiiq wasaalama caleykum waraxma tullaahi wa barakaatuhu. Goobjoog News W/ Q Dalmar Cabdulqaadir Daacad Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtidooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha wadajirka ah ee Afrika iyo Japan ee lagu jaangooyay muddada saddexda sanno ah ee soo socota iyo sidii maalgashadeyaasha u dhashay dalka Japan ay ugu soo dhiirran lahaayeen in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan guulaha muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen muddadii la soo dhaafay iyo doorka hoggaamineed ee ay ka qaadan karaan kobaca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalalka Gobolka. “Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo adiga iyo shacabka Japan soo dhaweynta diirran ee aad noo sameyseen aniga iyo wafdigayga muddadii aan halkan ku sugnayn. Waxaan abaal uga haynaa Japan taageerada tooska ah iyo midda dadban ee ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.” The post Madaxweynaha Soomaaliya oo lakulmay ra’iisul wasaaraha Japan. appeared first on Puntland Post.
  21. African Union peacekeepers from Djibouti contingent arrived Dhusamareb town on Saturday. The contingent is there to support Somali security forces recently deployed in the area in securing the venue of upcoming reconciliation conference before upcoming regional elections in Galmudug State. Cheering residents greeted Djibouti troops outside the town. Minister for Internal Security, Mohamed Abukar Islow told the media following a brief meeting with AMISOM officials that the peacekeeping force will help Somali security agencies maintain law and order in the state during elections. “Our brothers from Djibouti who are part of AMISOM peacekeepers are here to help us strengthen peace and stability in the state.” Somali National Army 21st Division commander, Abdulaziz Abdullahi Qooje has said. General Qooje who dismissed reports of opposition to the deployment of the Djibouti contingent added that Hiil Walaal “Brother’s keeper” will be responsible to secure key government installations in the Galmudug state. Security agencies from the Federal Government have fully taken the responsibility of security in Galmudug state following an agreement between Ahlu Suna religious movement and Federal government led by Prime Minister, Hassan Kheyre. A Reconciliation conference to unearth political differences among various communities in the state are expected to kick off in the administrative capital of Dhusamareb in forthcoming days before regional leadership elections are planned. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay labadiisa ku xigeen ee dhanka amniga iyo maaliyadda gobolka Banaadir. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo dardargalin lahaa howlaha dowladda hoose ee Xamar. Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xoojinta isla xisaabtanka iyo arrimaha la dagaalanka musuq maasuqa. Filish shirka uu la qaatay labadiisa ku xigeen ee Mahad Alle iyo Tuulax ayaa noqonaya kii ugu horreeyey, tan iyo markii uu xilka la wareegay 29-kii bishan August, kaddib munaasibad xilli Habeen ah ka dhacday gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Gobolka Banaadir ayaa waxaa tan iyo markii uu ka dhacay qaraxii lagu dilay Marxuum Injineer Yariisow waxaa gaabis ku yimid howlihii shaqo ee dowladda hoose Xamar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com