Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,393
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. July 29, 2018, ayaa Ra’iisul-wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ‘Khadar’ oo Khudbeynayay uu sheegay in ay soo wadaan Xisbi weyn oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo. Waxaa uu tilaamay in Xisbigaas uu noqon doono Xisbiga Xisbiyada waxaana guddoomiye ka ahaan doona, ayuu yiri, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Mahdi oo la hadlayey Axsaabta, ayaa waxa uu yiri “Xisbiyada qaar waxa ay ka dhawaajiyeen in xukuumadda looga fadhiyo iney dhisato xisbi, xisbi weyn, Illaaheybaa weyne ayaan soo wadnaa, oo xisbigii xisbiyada ah, oo madaxweynaheennu hormuud u yahay, siyasaddii guushii Febraayo uu ku hoggaaminaayo, marka hala iska jiro, yaan la is dhiganin xisbiyada is-diiwaan geliyay , yaan la idin gaadin goor barqo ah adinka oo waaberiistey!.” Sanad iyo labo bilood ka hor ayey baalaxooftadaasi(booto) ahayd, illaa iyo hadda maxaa xisbigii loo sameyn waayey? Siyaasiyiinta mucaaradka maxaa loo laab kiciyey oo axsaab siyaasadeed iney sameeyaan lacago farabadanna ay ku bixiyaan loogu kallifay, haddii aaney Nabad iyo Nolol daacad ka ahayn in doorasho qof iyo cod ah dalkan ka dhacdo 2020? Halkey sartu ka qurun san tahay? Mise waxaa jira xeelado qarsoon iyo muddo korors aan tabaheeda lagu baraarugsaneyn? Markii aan fakaray oo xaajada dhan walba aan ka rogrogay waxaa ii soo baxday 5-sababood oo Nabad iyo Nolol u diiddan iney ku dhawaaqaan xisbi matala ayna la yimaaddaan saaxadda siyaasadda dalka: Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaarihiisa Xasan Kheyrre oo Aan Isku Waafaqsaneyn nooca Xisbi iyo Cidda Madax Ka noqoneysa Cidna kama qarsana hamiga iyo hanka ku jira Ra’iisul-wasaare Kheyrre inuu dalka Madaxtinimadiisa u tartamo 2020, socdaalkii uu ku gaaray Galmudug, habeen uu dhalinarayada Gaalkacyo kula hadlayey xaflad lagu soo dhaweynayey Juley 10, 2019, ayaa afku soo xaday waxa uurkiisa ku jira, dhacdo aan dad badani ku baaraarugsaneyn laakiin anigu aan si gaar ah hoosta uga xariiqday, wiil dhalinyaro ah oo farshaxamiiste ah ayaa waxa uu guddoonsiiyey, sawirka Kheyrre oo gacan ku sameysa oo loo sameeyay si farshaxan leh oo aad u heersarreysa, Ra’iisul-wasaaruhu farxad ayuu kala badbatay, makarafoonka ayuu qabsaday hadal kooban ayaa isagoo sawirkiisa kor u haya uu yiri: “Hadiyadda waad ku mahadsanihiid reer Gaalkacyo, madaxweynaha Mustaqbalka iska fiiriya.”, marlabaad ayuu hadalkii kusoo noqday isagoo farta ku tilmaamaya oo hadalkii ka dhigaya in wiilkan dhalinyarada ah ee farshaxamiista ah uu noqon karo madaxweynaha mustaqalka. Dhanka madaxweyne Farmaajo shaki kuma jiro inuu doonayo inuu xilli kale isku soo sharraxo xilka madaxweyne, waxaa tusaale kuugu filan; inuu August 1, 2019, iska kansalay dhalashadiisii Mareykan, taas oo ka dhigan inaanuu dalka dhinacna uga socon. Muddo Kororsi Ka Dhex Guuxaya Xilligan waxey ahayd in waxyaabo badan la dardargeliyo, dastuurka la dhammeystiro, afti dadweyne loo diyaariyo, axsaabta si rasmi ah loo kala xulo, sharciga doorashooyinka oo baarlamaanka laga meel mariyo, amniga la dardargeliyo oo goobo badan oo dalka ka tirsan loo diyaaro iney doorasho ka qabsoomi karto, arrimahaas oo dhan gaabis ayaa ku jira, oo si caga jiid ah ay waxwalbaa u socdaa, haddii sidaa lagu sii socdo, xaalku waxa uu imaanayaa labo arrimood in sidii Nabad iyo Nolol ay ku yimaaddeen wax loo doorto iyo in muddo kororsi ugu yaraan labo sanno ah baarlaamaanka la marsiiyo, arrintan dambe ayaana u fudud sida muuqata, oo awoodda ay isku halleynayaan waa xildhibaannada ay sida gaarka ah gacanta ugu hayeen ee samaan iyo xumaan aan marnba caasin ee golaha wasiirrada u badan, waxaana hubaal ah haddii aan la helin awood siyaasadeed iyo mid maamul goboleedyadu ka midaysan yihiin oo ka dhiidhiya isku day kasta oo muddo kororsi ah. Muquuninta Maamul Goboleedyada oo Ulajeeddo Leh Nabad iyo Nolol waxey dhibaato u arkaan jirintaan maamul goboleedyo xooggan oo amarkooda diidi kara, maadama doorasho kasta oo dalka ka dhacada ay dowlad gaboleedyadu asal u yihiin, haddii muddo korosi la sameyn lahaa ay lagama maarmaan ah in marka hore ogolaanshiyo laga helo dowlad goboleedyada lagana dhaadhiciyo xaalka oo aaney diidmo kala horimaan, sidaa darteed; waxaa lagama maarmaan noqotay iney dagaal toos ah oo aan gambasho lahayn ku qaadaan is bahaysiga awoodda badan ee dowlad goboleedyada oo qaar ka mid ah ay hadda gacanta ku dhigeen, kuwana ay ku fashilmeen, kuwo kalana ay hadda u hanqal taagayaan oo waxwalba ay u hurayaan maadama mustaqbalkooda siyaasadeed ay ku xireen kolba sida ay gacanta ugu dhigaan maamul goboleedyadaasi. Siyaasiyiinta Hibada leh ee waxgalka ah oo Axsaab Mug iyo Miisaan Leh Furtay Mararka qaar in runta la sheegaa wey fiican tahay, axsaabta hadda dalka ka jirta, waa kuwo awoodooda aan la iska indho tiri Karin, haddii maanta doorasho loo dhaqaaqo waxaa hubaal ah in xukuumadda Nabad iyo Nolol dharaar cad banaanka lagu diyaro, maxaa yeelay; siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee mucaaradka ah waxey u badan yihiin qaran joog, haddii doorasho loo dareero waxey heli karaan dadka ugu badan ee codeynaya oo si toos ah iyo si dadbanba u garab taagan, gaar ahaa marka aad hadda ognahay sumcaddii iyo xiisihii madaxweyne Farmaajo iyo xumaddeediisa loo hayay ay si weyn u luntay, hadda waxey dadku doonayaa oo qura qof ay yaqaannaan oo qaranka la joogay baahidoodana si wanaagsan u fahmi kara. Fashilka Xukuumadda Khayrre ee Ammaanka Dalka Kadib qaraxyadii is xigxigay ee ay dadku ku dhammaadeen iyo qarixii weynaa ee Soobbe ee October, 2017 iyo deegaanno badan oo weli ka maqan caganta dowladda ayaa keentay in shay looga garaaabo oo dadku ay wanaag uga sheegi karaan xukuumadda Nabad iyo Nolol aaney jirin, marka laga yimaaddo mushaar bixin oo wax sidaa u sii buuran ah aan ahayn. Haddii aan eegno guulaha xukuumadihii ka horreyay Nabad iyo Nolol waa kuwo waaweyn oo ishu ay qaban karo, tusaale ahaan; xukuumadihii sheikh Shariif dalka waxey ka hirgeliyeen doorasho si nabad ah uga dhacda gudaha dalka, halka xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh la gaaray guulihii ugu waaweyna oo la dhisay maamul goboleedyada hadda uu dalku ku dhisan yahay intooda badan waqtigiisii la hirgeliyay. Si kastaba, dalkan waxa uu u baahan yahay in la isku run sheego, madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa waxaa looga fadhiyaa xisbigii mudada sanadka ah iyo labada bilood la sugayay, si loo hubiyo in xukuumadda ay daacad ka tahay in doorasho xor iyo xalaal ah ay dalkan ka dhacaan marka la gaaro 2020. W/Q: Khadar Xuseen Maxamed khadarhalgan@gmail.com Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Muqdisho)-Wararka aanu ka heleyno Xeebta Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka lagu arkay Meydka Wiil dhalinyaro ah. Wiilka dhalinyarada ahaa ee Meydkiisa laga helay Xeebta Jaziira ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay la’laa, isla markaana ay qaaday Badda xilli uu ku dabaalanayay, hayeeshee saaka ay soo tuftay. Allaha u naxariistee Wiilka dhintay ee Badda soo tuftay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Naasir Cabdullahi oo loo yaqaanay Shuute Cadde, waxaana uu ahaa mid kamid ah Dhalinyarada aad u firfircoonaa oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Muqdisho Qaar kamid ah Ehelada Shuute Cadde ayaa tegay Xeebta Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyagoona halkaas ka soo qaaday qaaday Meydkiisa. Source
  3. (SLT-London)-Kumaan qof ayaa iskugu soo baxay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay wadanka UK, kuwaasi oo ka dhan ah go’aanka raysal wasaare Boris Johnson’ ku mamnuucay kulamada baarlamaanka, iyadoo dhowr toddobaad ay ka hadhsan tahay ka bixitaanka UK ee midowga Yurub. Magaalada London ayaa waxaa iskugu yimid kumanaan qof cadheysan Sabtida shalay, waxaana ay hor dhoobteen aqalka madaxtooyadda ee ku yaalla wadada lagu magacaabo Downing Street. Waxa uu sameynayo Boris Johnson ma aha go’aan ay raacsan yihiin shacabka UK, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Andrew Russell oo ka soo jeeda degmada Kent. Mr Andrew oo 40 jir ah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay difaaca Baarlamaanka kana soo horjeedaan wax walba oo ka hor imaanaya dimuquraadiyada UK. Siyaasiyiinta iyo xubnaha baarlamaanka ayaa doonaya in 31 bisha October ay UK heshiis la’aan kaga baxdo midowga Yurub, inkastoo ra’isul wasaare Boris uu doonayo in wada xaajood cusub la bilaabo midowga si wax looga badalo heshiiska labada dhinac. Source
  4. (SLT-Muqdish)-Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu xidhay wasiirkii wasaarada Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, wasiirka oo safar u ahaa dalka Itoobiya ayaa kusii hakaday Garoonka diyaarada ee Magaaalada Muqdisho. Waxaana halkaas ka xidhay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya. Sababta keentay Xadhiga wasiirka waxaa si kooban uga hadlay Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Tamarta Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada booliska Caalamiga ah ee Interpol iyo kuwa Soomaaliya ay xadhigiisa iska kaashadeen. “Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer Gedo iyo degaanada la dariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baadhista Booliska Soomaaliyeed ( CID)ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Cidna kama baxsan karto Cadaaladda” ayuu yidhi wasiirku. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa shaaciyey in xukuumadda federaalka aysan ka hortagi karin dakhliga ay Al-Shabaab ka hesho magaalada Muqdisho. Beyle oo la hadlayey wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa qiray in dowladdu aysan laheyn awood ay ku joojiso dhaqaalaha faraha badan ee kooxda Al-Shabaab ka hesho gudaha Caasimada. “Waa xaalad cabsi ah, ma heyno awood aan ku wajanho arrinaasi” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle), isagoo ku sugan dalka Japan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalyahannadooda ay joogaan meel kasto, iyaga oo isku ekeysiinaya shacabka, sida uu hadalka u dhigay. “Dhibaatada waa mid hal nooc ah Al-Shabaab waa Soomaali, sida aniga ama qof kale meel walba ayey joogaan, waana naga mid yihiin” ayuu hadalkiis sii raaciyey. Sida ay horay Caasimada Online u baahisay Al-Shabaab ayaa malaayiin Doller sanadkii ka hesha Muqdisho, iyadoona canshuur ka qaada dekedda iyo ilo kale oo muhiim ah. Sdioo kale waxay lacago Zakawaat ah iyo Canshuur ka qaadaa ganastada oo tegay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose. Hadalka ka soo baxay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus xukuumadda Soomaaliya ayaa dhabar jab ku ah dowladda federaalka, sidoo kale wuuxuu niya-jab ku sii ridayaa ganasatada Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Dowladda Puntland ayaa wadda qorshe cusub oo ay ku soo xero gelinayso saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland kana soo jeeda gobolka Sanaag. Xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni, xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland iyo maamulka gobolka ayaa doonaya inay sii xoojiyaan soo xero gelinta shaqsiyaadka huray gacanta Somaliland. Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo katirsan barlamaanka Puntland lagana soo doorto gobolka Sanaag oo wax laga waydiiyey joogitaanka guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Badhan ayaa sheegay in uu kuyimid arrin qoys. Dhoore waxa uu sheegay in ay horay u soo xero geliyeen rag katirsanaa Somaliland haddana aysan doonayn inay xabad iyo xoog wax walba ku wajahaan arrinta guddoomiyahana uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Sanaag. The post Puntland oo wadda qorshe ay ku soo xero gelinayso xubno katirsan Somaliland. appeared first on Puntland Post.
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka hadashay waxa ka jira wararka sheegaya in diyaarad hub sida ay saacadihii la soo dhaafay ka degtay garoonka magaalada Qardho ee maamulkaasi. Taliyaha ciidanka ilaalada garoonka magaaladaasi Sharma’arke Ismaaciil Mire oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey in ay jirto diyaarad hub ka dejisey halkaasi. Sharma’arke ayaa sidoo kale sheegay in diyaaraddu ay aheyd mid rakaab ah oo duulimaad caadi ah ku tegtay garoonka Qardho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in laga war hayo dhammaan diyaaradaha tegaya deegaanada Puntland Ugu dambeyn wuxuu taliye Sharma’arke Ismaaciil Mire uga digay dadka inay faafiyaan warar been abuur ah oo aan la hubin. Hadalkan ayaa kusoo aadayaa, iyadoo baraha bulshada si aad ah loogu faafiyey in diyaarad hub sida ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  8. Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ciidammo cusub oo ka tirsan kuwa AMISOM, kana socda dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaasoo ay shalay gaareen qaar ka mid ah ciidammo ka socda Jabuuti. Wararka ayaa sheegaya in ciidankan cuusb ay ka mid noqon doona kuwii ka socday AMISOM ee horay u joogay magaaladaas si ay u adkeeyaan amniga guud ee goobaha lagu qabanayo shirarka iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo degmadaas. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in maanta ay ciidammo itoobiyaan ah gaarayaan Dhuusa-mareeb oo xarun u ah maamulka Galmudug, si ay amniga u sugaan, inkastoo uu sheegay inaysan jirin cabsi laga qabo qas iyo qalaan-qal ka dhaca halkaas. Dowladda Somalia ayaa qosheynaysa inay magaaladaas ku qabato shir ay isugu keenyaso dhammaan beelaha wada-dhistay Galmudug, shirkaasoo la sheegay inuu yahay mid lagu dhameynayo khilaafyo ka dhex-jira dadka iska leh Galmudug. Sidoo kale, Waxaa lagu wadaa in magaaladaas lagu qabto doorasho lagu soo xulanyo xildhibaannada cusub ee maamulkaas, kuwaasoo iyaguna dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay saldhigan doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug eek a furmaya Dhuusa-mareeb. Ugu dambeyn, Ciidammo ka tirsan kuwa socda Jabuuti ee ka tirsan kuwa AMISOM ayaa shalay lagu wareejiayay goobo muhiim ah, iyadoo madaxda Ahlusunna ay ku kala qaybsan yihiin shirka lagu qabanayo degmadaas. PUNTLAND POST The post Ciidammo hor leh oo ka tirsan AMISOM oo ku wajahan Magaalada Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maaliyadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle oo u warramayay wargeyska Washington Post ayaa sheega in DF aysan wax ka qaban karin dhibaatooyinka ay Al-shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Bayle ayaa sheegay in Somalia ay xilligan ka jirto cabsi weyn, isagoo xusay in kooxaha Al-shabaab canshuuraha ka qaada ganacsatada aysan DF waxba ka qaban karin, iyaguna ay si nabad-galyo ah isaga dhex mushaaxaan dalka gudihiisa. “Somalia waxaa ka jira cabsi weyn,” ayuu yiri wasiirka oo u wargeyska hadal siinayay, wuxuuna intaas ku daray. “Dowladda Somalia ma lahan awood ay uga joojiso Al-shabaab inay dhaqaale ka qaataan ganacsatada Soomaaliyeed.” Al-shabaab ayaa waxay dhawaan ganacsatada Soomaaliyeed ku qasabtay in ay bixiyaan lacago canshuur ah, iyadoo ganacatada looga digay haddii ay bixin waayaan lacagtaas laga qaadi doono tallaabo aan la sheegin cawaaqibka ka dhalan doona. Wasiirka ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in Al-shabaab aysan shacabka ka duwanayn, isla markaana aan laga dhex aqoonsan karin shacabka, taasna ay tahay dhibaatada ugu weyn ee ay ka geysanayaan dalka. Dhanka kale, Wareysigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu wargeysku daabacay in Al-shabaab ay si toos ah lacago uga qaadaan cid walba oo ay doonayaan, gaar ahaan ganacsatada si ay hawlahooda ugu sii wataan. Ururka Al-shabaab ayuu wageysku sheegay inay dhaqaalaha ku helaan dhawr ha boo kala duwan, kuwaasoo ay ka mid yihiin in si toos ah loogu geeyo, in loogu gudbiyo bangiyo, xawaalado ama lacgaha taleefoonnada la isaga diro. Hadalka Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Al-shabaaba ay dhawaan sheegtay ku qasabtay ganacatada Soomaaliyeed inay lacago canshuur ah siiyaan inta aysan alaabooyinkooda kasoo bixin dekedda Muqdisho, taasoo dhaqan gashay. Ugu dambeyn, Wareysiga uu biiyay wasiir Bayle ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo ay Dowladda Federaalka Somalia qirato inaysan Al-shabaab ka difaaci karin shacabka Soomaaliyeed, dowladduna ay shacabka ka rabto inay canshuur bixiyaan. PUNTLAND POST The post Wasiir sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan shacabka ka difaaci karin Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in muddada uu jooga taliska uu sare u qaadi doono tirada saraakiisha haweenka ee ku jira ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliye Xijaar oo khudbad ka jeediyey munaasabadda uu xilka kula wareegay ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo badin lahaa tirada gabdhaha ee saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka war heyn doono caruurta agoonta ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si ay u helaan daryeel wanaagsan. Taliye cusub ee ciidanka Booliska ayaa shalay xilka kala wareegay taliyihii hore ee Ameeriko, kadib munaabad ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-booliska.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in uu sare u qaadi doono saraakiisha haweenka ee ku jira ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliye Xijaar ayaa ballan qaaday in muddada uu joogo uu ka shaqeyn doono sidii loo badin lahaa tirada gabdhaha ee saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya. “Waxaan xoojin doonaa Gender-ka Booliska oo aan ku soo dari doono tirada hadda gabdhaha ka joogta kuwa intaas ka sii badan marka aan xilka wareejinayo.” ayuu yiri taliyaha cusub ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dhanka kale wxuu ballan qaaday inuu ka war heyn doono caruurta agoonta ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si ay u helaan daryeel wanaagsan. Ugu dambeyn waxuu taliyu sheegay inuu xoojin doono wada shaqeynta shacabka iyo Booliska Soomalaiyeed. Taliye General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilkiisa, kadib munaabad ka dhacday gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-booliska.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabduqaadir (Hilaal) ayaa ka hadlay xariga wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo shalay lagu xiray garoonka magaalada Muqdisho. Hilaal oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Janan loo heysto dambiyo kala duwan oo uu ka ka geystay gobolka Gedo ee K/Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laanta dambi baarista ay CID ay baadi goobayeen in muddo ah, sida uu hadalka u dhigay. “Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG #Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer #Gedo iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baarista.” ayuu yiri wasiir Hilaal. Illaa iyo hadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ma shaacin sababaha rasmiga ee loo soo xiray wasiirkaasi oo ka mid ah xubnaha ku dhow Axmed Madoobe. View the full article
  13. Shir degdeg ah oo xalay ay yeesheen golaha wasiirrada Jubbaland ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aankii ay dowlada federalka ugu soo rogtay xayiraada diyaaradaha tooska u taga magaalada Kismaayo. “Go’aanada ka soo baxay Golaha Fulinta iyo Wasaarada gaadiidka dowlada federalka ee ku saabsanaa duulimaadyada diyaaradaha ee Jubbaland iyo doorashada lagu tilmaamay sharci darro waa mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Maamulka Jubbaland. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Qoraalka: Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-01092019.mp3 View the full article
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa eedeyn iyo cambaareyn culus la kulantay kadib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Yokahama ee dalalka Afrika iyo Japan. Dowladda Mauritius oo qeyb ka aheyd shirkaasi ayaa maamulka Somaliland ku eedeysay inuu ku xadgudbay heshiiskii maxaabiista Burcadbadeedda Soomaalida. Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Pravind Jugnauth oo si gaar ah ula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey go’aanka ay Somaliland ku siideysay maxaabiistaasi oo ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Maxaabiista oo gaarayey illaa 19 ayaa Somaaliland waxa ay sii deysay bishii hore ee Julay, kadib markii cafis uu u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Horay waxaa tallaabadaasi u cambaareysay Seychelles oo iyadu soo xukuntay maxaabiistani, looguna talagalay in ay xabsiga ku dhameystaan Hargeysa. Seychelles ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeysay inay jabisay heshiis dhexmaray dalalka dhaca Badweynta Hindiya, kaas oo ku aaddan habka loo wajahayo Burcadbadeedda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  16. (CNN)Yemen's government and the United Arab Emirates are supposedly on the same side in the country's long-running conflict. But the government is now accusing the UAE of killing dozens of its troops in a series of airstrikes this week. Source: Hiiraan Online
  17. MOGADISHU, Aug. 31 (Xinhua) -- Somalia's electoral body has kicked off an awareness campaign to have women participate in the 2020/2021 electoral process. Source: Hiiraan Online
  18. Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya ama ka baxaya Kismaayo maraan Muqdisho ay tahay ujeeddo ka dhan ah dowladda Kenya. Wargeysku waxaa uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay joogaan Ciidamo Kenyaan ah sidoo kalena joogaan Magaalada Dhoobley. Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ku amartay diyaaradaha ka dagaya Kismaayo ama ka duulaya in ay maraan Magaalada Muqdisho si hubin loogu sameeyo. Hayeeshee dowladda Kenya ayaa u aragta in go’aankaasi yahay mid iyada ka dhan ah. kenya waxa ay dadaal xoog leh ugu jirtaa sidii kiiska Badda loogu dhameyn lahaa meel aan maxkmad ahayn. Laakiin Maxkamadda kiiskaas gacanta ku heysa ee ICJ ayaa sheegtay in dhegeysiga wareegga ugu dambeeya uu bilaabanayo 9ka Bishan September kuna egyahay 13ka Bishan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Former Mandera Senator Billow Kerrow has urged the Somali community to stop consumption of miraa (khat). Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xarunta Dowladda Hoose ee G/Banaadir, ayaa durba wajahaya caqabado xoog leh oo uga imaanaya xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Maxamed Maxamuud Filish, uusan u dhaxeynin heshiis islamarkaana ay ku kala tageen kulamo ay ku yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya ka hor xil wareejinta Cumar Filish. Khilaafka oo salka ku haaya Ciidamada maamulaya Aqalka Dowladda Hoose iyo go’aanka amniga Muqdisho, ayaa sababay in labada masuul ay isku fahmi waayaan. Cumar Filish, duqa cusub ayaa dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir kadib markii Saadaq John iyo Cumar Filish isku maan dhaafeen Ciidamo uu Cumar Filish keensaday Aqalka Dowladda Hoose. Duqa cusub ayaa sheegay in uusan la shaqayn karin Saadaq John amniga Muqdishana lagala xisaabtami doono Gobalka Banaadir, dhamaan dadkii kala shaqayn lahaa amniga iyo horumarka Gobalka uu la imaanayo Guddoomiyaha, waana arinta sababtay kala tagga labadaan hogaamiye. Xildhibaano iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka la gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana hadda la sugayo Madaxweyne Farmaajo. “Aniga iima muuqato wadashaqayn dhaxmari karta Filish iyo Kheyre hadii aan Farmaajo nidaam u sameynin” ayuu yiri Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka oo la hadlay Caasimada Online oo naga codsaday in aanan adeegsan magaciisa iyo codkiisa. Khilaafka Filish iyo Kheyre waxay ka muuqatay munaasabadii Xil wareejinta oo la sheegay in loo diiday Golaha Wasiirada iyo in laga tabiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed kadib markii uu amray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay Kheyre. Xaflada oo aan laga tabin Telefishinka Qaranka ayaa maalin kadib Page-ka TV-ga la soo geliyay Khudbadii habeen hore waxaana la sheegayaa in ay aheyd cadaadis ka yimid dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya. Si guud magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa khilaafka u dhaxeeya labada dhinaca waana hadal heynta ugu wayn ee maalmahaan ka taagan Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Japan's Prime Minister Shinzo Abe and Somalia's President Mohamed Abdullahi Mohamed "Farmaajo" have agreed that the two countries will continue working together in maritime security. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Iftin Xasan Baasto iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhex dhexaadin ka bilaabay khilaafka u dhaxeeya Xildhibaan Cabadirashiid Maxamed Xidig iyo Axmed Maxamed Islaam, oo labadooduba sheegtay Madaxweynaha Jubbaland. Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Xubnahaan ay la kulmeen labada masuul islamarkaana lagu jiro gor gortan iyo doodo kulul. Axmed Madoobe ayaa guddiga u balan qaaday in uu bixin doono lacag iyo balan qaad ku saabsan soo laabashada kursiga Xildhibaanimo ee Xidig ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya ee la dhisayo 2020.. Cabdirashiid Maxamed Xidig oo 2 jeer kulan lala qaatay ayaa wali go’aan ka gaarin arrimaha loo soo bandhigay waxaase la sheegay in uu yiri “Axmed balan malahan iyo isku haleyn”. Dadka aan la hadalnay oo qaarkood ay ka tirsan yihiin Guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in maalmaha soo socda ay dhammeeyaan Khilaafka Jubbaland ee 3-da Madaxweyne, islamarkaana ay kadib u istaagi doonaan sidii loo dhameyn lahaa kan dowladda iyo Jubbaland. Axmed Maxamed Islaam, oo todobaadkii hore sheegtay inuu mar kale ku guuleestay hogaanka Jubbaland ayaa u muuqda mid ka sii dhaxbaxaya culeesyadii uu wajahayay, isagoo inta badan la heshiiyay xubnihii mucaaradka ku ahaa markii laga reebo kuwii ugu tunka weynaa ee Seeraar, iyo Xidig oo uu hadda wadahadal kula jiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com