Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,358
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in uu sare u qaadi doono saraakiisha haweenka ee ku jira ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliye Xijaar ayaa ballan qaaday in muddada uu joogo uu ka shaqeyn doono sidii loo badin lahaa tirada gabdhaha ee saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya. “Waxaan xoojin doonaa Gender-ka Booliska oo aan ku soo dari doono tirada hadda gabdhaha ka joogta kuwa intaas ka sii badan marka aan xilka wareejinayo.” ayuu yiri taliyaha cusub ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dhanka kale wxuu ballan qaaday inuu ka war heyn doono caruurta agoonta ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si ay u helaan daryeel wanaagsan. Ugu dambeyn waxuu taliyu sheegay inuu xoojin doono wada shaqeynta shacabka iyo Booliska Soomalaiyeed. Taliye General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilkiisa, kadib munaabad ka dhacday gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-booliska.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabduqaadir (Hilaal) ayaa ka hadlay xariga wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo shalay lagu xiray garoonka magaalada Muqdisho. Hilaal oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Janan loo heysto dambiyo kala duwan oo uu ka ka geystay gobolka Gedo ee K/Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laanta dambi baarista ay CID ay baadi goobayeen in muddo ah, sida uu hadalka u dhigay. “Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG #Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer #Gedo iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baarista.” ayuu yiri wasiir Hilaal. Illaa iyo hadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ma shaacin sababaha rasmiga ee loo soo xiray wasiirkaasi oo ka mid ah xubnaha ku dhow Axmed Madoobe. View the full article
  3. Shir degdeg ah oo xalay ay yeesheen golaha wasiirrada Jubbaland ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aankii ay dowlada federalka ugu soo rogtay xayiraada diyaaradaha tooska u taga magaalada Kismaayo. “Go’aanada ka soo baxay Golaha Fulinta iyo Wasaarada gaadiidka dowlada federalka ee ku saabsanaa duulimaadyada diyaaradaha ee Jubbaland iyo doorashada lagu tilmaamay sharci darro waa mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Maamulka Jubbaland. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Qoraalka: Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-01092019.mp3 View the full article
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa eedeyn iyo cambaareyn culus la kulantay kadib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Yokahama ee dalalka Afrika iyo Japan. Dowladda Mauritius oo qeyb ka aheyd shirkaasi ayaa maamulka Somaliland ku eedeysay inuu ku xadgudbay heshiiskii maxaabiista Burcadbadeedda Soomaalida. Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Pravind Jugnauth oo si gaar ah ula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey go’aanka ay Somaliland ku siideysay maxaabiistaasi oo ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Maxaabiista oo gaarayey illaa 19 ayaa Somaaliland waxa ay sii deysay bishii hore ee Julay, kadib markii cafis uu u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Horay waxaa tallaabadaasi u cambaareysay Seychelles oo iyadu soo xukuntay maxaabiistani, looguna talagalay in ay xabsiga ku dhameystaan Hargeysa. Seychelles ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeysay inay jabisay heshiis dhexmaray dalalka dhaca Badweynta Hindiya, kaas oo ku aaddan habka loo wajahayo Burcadbadeedda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  6. (CNN)Yemen's government and the United Arab Emirates are supposedly on the same side in the country's long-running conflict. But the government is now accusing the UAE of killing dozens of its troops in a series of airstrikes this week. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU, Aug. 31 (Xinhua) -- Somalia's electoral body has kicked off an awareness campaign to have women participate in the 2020/2021 electoral process. Source: Hiiraan Online
  8. Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya ama ka baxaya Kismaayo maraan Muqdisho ay tahay ujeeddo ka dhan ah dowladda Kenya. Wargeysku waxaa uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay joogaan Ciidamo Kenyaan ah sidoo kalena joogaan Magaalada Dhoobley. Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ku amartay diyaaradaha ka dagaya Kismaayo ama ka duulaya in ay maraan Magaalada Muqdisho si hubin loogu sameeyo. Hayeeshee dowladda Kenya ayaa u aragta in go’aankaasi yahay mid iyada ka dhan ah. kenya waxa ay dadaal xoog leh ugu jirtaa sidii kiiska Badda loogu dhameyn lahaa meel aan maxkmad ahayn. Laakiin Maxkamadda kiiskaas gacanta ku heysa ee ICJ ayaa sheegtay in dhegeysiga wareegga ugu dambeeya uu bilaabanayo 9ka Bishan September kuna egyahay 13ka Bishan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Former Mandera Senator Billow Kerrow has urged the Somali community to stop consumption of miraa (khat). Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xarunta Dowladda Hoose ee G/Banaadir, ayaa durba wajahaya caqabado xoog leh oo uga imaanaya xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Maxamed Maxamuud Filish, uusan u dhaxeynin heshiis islamarkaana ay ku kala tageen kulamo ay ku yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya ka hor xil wareejinta Cumar Filish. Khilaafka oo salka ku haaya Ciidamada maamulaya Aqalka Dowladda Hoose iyo go’aanka amniga Muqdisho, ayaa sababay in labada masuul ay isku fahmi waayaan. Cumar Filish, duqa cusub ayaa dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir kadib markii Saadaq John iyo Cumar Filish isku maan dhaafeen Ciidamo uu Cumar Filish keensaday Aqalka Dowladda Hoose. Duqa cusub ayaa sheegay in uusan la shaqayn karin Saadaq John amniga Muqdishana lagala xisaabtami doono Gobalka Banaadir, dhamaan dadkii kala shaqayn lahaa amniga iyo horumarka Gobalka uu la imaanayo Guddoomiyaha, waana arinta sababtay kala tagga labadaan hogaamiye. Xildhibaano iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka la gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana hadda la sugayo Madaxweyne Farmaajo. “Aniga iima muuqato wadashaqayn dhaxmari karta Filish iyo Kheyre hadii aan Farmaajo nidaam u sameynin” ayuu yiri Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka oo la hadlay Caasimada Online oo naga codsaday in aanan adeegsan magaciisa iyo codkiisa. Khilaafka Filish iyo Kheyre waxay ka muuqatay munaasabadii Xil wareejinta oo la sheegay in loo diiday Golaha Wasiirada iyo in laga tabiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed kadib markii uu amray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay Kheyre. Xaflada oo aan laga tabin Telefishinka Qaranka ayaa maalin kadib Page-ka TV-ga la soo geliyay Khudbadii habeen hore waxaana la sheegayaa in ay aheyd cadaadis ka yimid dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya. Si guud magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa khilaafka u dhaxeeya labada dhinaca waana hadal heynta ugu wayn ee maalmahaan ka taagan Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Japan's Prime Minister Shinzo Abe and Somalia's President Mohamed Abdullahi Mohamed "Farmaajo" have agreed that the two countries will continue working together in maritime security. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Iftin Xasan Baasto iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhex dhexaadin ka bilaabay khilaafka u dhaxeeya Xildhibaan Cabadirashiid Maxamed Xidig iyo Axmed Maxamed Islaam, oo labadooduba sheegtay Madaxweynaha Jubbaland. Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Xubnahaan ay la kulmeen labada masuul islamarkaana lagu jiro gor gortan iyo doodo kulul. Axmed Madoobe ayaa guddiga u balan qaaday in uu bixin doono lacag iyo balan qaad ku saabsan soo laabashada kursiga Xildhibaanimo ee Xidig ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya ee la dhisayo 2020.. Cabdirashiid Maxamed Xidig oo 2 jeer kulan lala qaatay ayaa wali go’aan ka gaarin arrimaha loo soo bandhigay waxaase la sheegay in uu yiri “Axmed balan malahan iyo isku haleyn”. Dadka aan la hadalnay oo qaarkood ay ka tirsan yihiin Guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in maalmaha soo socda ay dhammeeyaan Khilaafka Jubbaland ee 3-da Madaxweyne, islamarkaana ay kadib u istaagi doonaan sidii loo dhameyn lahaa kan dowladda iyo Jubbaland. Axmed Maxamed Islaam, oo todobaadkii hore sheegtay inuu mar kale ku guuleestay hogaanka Jubbaland ayaa u muuqda mid ka sii dhaxbaxaya culeesyadii uu wajahayay, isagoo inta badan la heshiiyay xubnihii mucaaradka ku ahaa markii laga reebo kuwii ugu tunka weynaa ee Seeraar, iyo Xidig oo uu hadda wadahadal kula jiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fiidkii lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, ka dib markii ay qaybaha kore ee jirkiisa ka toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa. Dilka oo ka dhacay xaafadda Arjantiin ee Degmada Kaaraan, iyadoo ay dilkaasi gaysteen laba nin oo sida la sheegay ku hubeysnaa bastoolado. Raggan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin ayaa dilka ka dib waxaa u suurtagashay inay goobtaasi ka baxsadaan, lamana garanayo ujeedada ka dambeysa inay ninkaasi dhalinyarada ah dilaan. Marxuumka oo ka mid ahaa dhalinta ku dhaqan xaafadda Arjantiin ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cadaawe Cabdulle Farey. Ciidamada Booliska oo ku baxay halka uu dilku ka dhacay ayaa tagey goobtaasi, xilli ay baxsadeen dembiile-yaasha, lamana soo sheegin cid ay dilkaasi u soo qabteen. Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ka soo reynaayay, waxaana aad u yaraaday dilalka ay ka gaysanayan ragga bastooladaha ku hubeysan, ee sida dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Alla yeelo. Intaa kabacdi akhristoow; mar hadiiba muhiim eeysan u aheyn Axmed Madoobe in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, taasoo loo wada dhanyahay, dowlada federaalka, iyo beesha caalamkana goob-joog kawada yihiin, si cadaalad iyo hufnaan wax walba ugu dhacaan, ugu dambeyna natiijo ummada wada ogoshahay uga soo baxdo, hade waa su;aale, mala hurayaa foowdo, iyo in Jubbaland yeelato sadex madaxweyne iyo kabadanoo wado khaldan isku wada doortay? Mar hadiiba xaalku noqday in odayaashii dhaqanka, ee soojireenka ahaa, ee ab-ka-ab ahaa, ee ummadu wada taqaannay, uu Axmed Madoobe kawada dhigay, mid Kismaayo uu kasoo masaafuriyey, ama naftooda lasoo baxsadayoo isaga soo cararay, kadibna wiilal yaryaroo cimaamado uu u xiray, ugaasyo cusub ka dhigtay, iyo mid maalin cad lagu khaarijiyey magaalada Kismaayo dhexdeeda, cidii khaarajiseyba sida: Ugaaskii beesha Gaaljecel, iyo Ugaaskii beesha Jareer weyne. Hade waa yaab iyo amakaage, soow fidno iyo foowdo aan dhamaan dalka iyo dadkaba Axmed Madoobe uma horseedin? Doorasho ku-sheeg nuucaa ku dhacdeyse, soow ma aha, marnaba ineeysan aqbalin dowlada federaalka ah, beesha caalamka, iyo ummada Soomaaliyeedba meelkasteey joogaanba? Mar hadiiba odayaal-kusheegyo maqaar-saar ah, Axmed Madoobe urursaday, maadaama kuwii saxda ahaa, intoodii ugu badneyd lawada masaafuriyey,ama naftooda Kismaayo kalasoo baxsadeen, kadibna sida laga wada dharagsan yahay, kuwan maqaar-saarka ah, Axmed Madoobe ku yiri: Sadex qof iikeena, anigaana midka aan u arko, inuu aniga oo kaliya idooranayo kala baxayee, soow **********nimo cad iyo hogaamiye-Kooxeednimo aan geed loogusoo gamban maaha? Doorasho ku-sheeg nuucaa ku dhacdeyse, soow ma aha, marnaba ineeysan aqbalin dowlada federaalka ah, beesha caalamka, iyo ummada Soomaaliyeedba meelkasteey joogaanba? Mar hadii koox Xil-Dhibaano ku-Sheegyo ah Axmed Madoobe iska sameeystay, kuwaasoo dhamaantood wada ah, askartiisii, Xaasaskii qaar askartiisii ka mid ahaa ka dhinteen, wariyeyaasha Tv-ga Jubbaland, iyo shaqaalaha madaxtooyadiisa iyo gurigiisa martida, si isaga oo kaliya eey udoortaan, soow sax ma aha marna inaan la aqbalin natiijada kasoo baxday, foowdadaa cad? Mar haduu Axmed Madoobe sameeystey kuwo lagu sheegay “Malxiisayaal” iska dhiga ineey isaga la tartamayaan, qaarka ugu badanna dib iska casilaeen, inyaroo lajisha filimkaana lagasoo reebay, si isaga uu isku boqro. Sidaana uu Khamiistii “Madaxweyne” isugu boqray, iyadoo foolxumadaa uu sameeyey, aaneey cidiba ka qarsooneeynoo lawada ogyahay.Soow in lawada diido ma aha, si foowdadaa aan kuwa kaloo mustaqbalka ah ugu dhiiran? Mar hadii xaalku sidaa yahay, kuwa kaloo dhan, ee hore u damacsanaa ineey si hufan ula tartamaan, magaranayo waxa u diidaya, ineey iyagana sidaa wada sameeyaan. Illeen foowdo, waxeey dhashaa foowdo kalee. Mas’uuliyadaana soow qaadi mayaan Axmed Madoobaha wadadaa khaldan inuu xukun ku qabsato go’aansaday, iyo waliba intii foowdadaa qayaxan ku dhiiragaliyey, walibana ku taageeray? Talo soojeedin 1-Dowlada Federaalka iyo saaxiibadeena beesha caalamka, waa ineeysan marnaba ka daalin saarida Axmed Madoobe cadaadis joogta ah, si uu wadada saxda ah, dib ugu soo noqdo, ugana soo laabto wadada foowdada iyo is boqrida, taasoo uu u bilaabay siyaasiyiin badan, dhaliseyna ineey is wada boqraan, tiro kaloo wada sheegatay, ineey wada yihiin “Madaxweeynayaasha” maamulka Jubbaland. 2-Dowlada federaalka iyo saaxiibadeena beesha caalamka, waa ineeysan marnaba aqoonsan foowadaa Axmed Madoobe kaligii isku boqray, waana inaan marnaba la aqbalin tanaasul kastoo sharciyad siinaya is boqrida Axmed Madoone, si loowaayo cidkaloo ku dhiirata, ineey sidiisoo kale is boqorto. 3-Madaama Axmed madoobe markii horaba qorsheeynayey, inuu sida uu sameeyeyba ku shubto, kabacdina, xabad iyo xoog cidkastoo la tartameeysey kuwada maquuniyo, waxaa macquul ah, inuu dagaal ku qaado siyaasiyiinta kalee sidiisoo kale is boqray, isagoo hadafkiisu yahay, inuu Kismaayo xoog uga saaro, ama kasoo masaafuriyo, sidaa daraadeed, dowlada federaalka oo kaa shaneeysa beesha caalamka, waa ineey magaciisa u gudbisaa booliska caalamka, ee looyaqaan Interpol, waa hadii dagaal uu karido Kismaayo, dadna ku dhintaane. 4-Dowalda Federaalka iyadoo kaashaneeysa beesha caalamka, waa ineey ka dhiidhisaa, dacwadna ukala gudbisaa: UN, AU, EU, OIC, Al, ….iwm, faragalinta qaawane Kenya dalkeena ku heeyso, kana shaqeeysaa sidii baarlamaanka dalka u meel marin lahaa, mooshin ciidamada Kenya looga saarayo dalka, iyo waliba kasii mid ahaan shahooda ciidamada Amison ee dalka jooga. Gunaanad Malaha marka intaa oo dhan lawada sameeyey, waxa kaliya ee lagu kala duwanaandoono, ama ugu dambeyn lagu kala bixidoono, waa yaa ********, iyo hub badanoo, uwada awood sheegan kara inta kale, hadii dagaal dhacana xabad iyo qori caaradii, yaa waxkasta ku wada maquunin kara, illeen caqli kale majiree. Hadiise dadka qaar isku qancinayaan, in Jubbaland lagu kala adkaaday, ogaada xaalku waa faanoole farikama qodna’e, waxaana kasoo socda, wax aan wanaagsaneyne. Waxaan Allaah karajeeynayaa, inaan dhiig Soomaaliyeed meeshaas ku daadan. Waxaan Allaah karajeeynayaa in Axmed Madoobe iyo inta foowdadaa kudhiiragalineeysa, Allaah garadsiiyo, ineey dib ugu noqdaan nidaamka, iyo sharciga, dibna u garwaaqsadaan, in loo baahan yahay,doorasho xor iyo xalaal ah, ummaduna u wada dhan tahay, dowlada Federaalka iyo beesha caalamkana goobjoog kawada ahaadaan, si markaa natiijada ummada ugu wada qanacdo. Wa Billaahi Toowfiiq. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___Qubanaha-31082019.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog dheeri ah ka heshay xariga wasiirka aminiga Jubaland, Cabdirashiid Janan oo maanta ay ciidamada booliska Soomaaliya ka xireen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Janan ayaa markii la xirayey wuxuu ka yimid magaalada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo ku socday magaalada Addis-Ababa, balse transit ku ahaa Muqdisho. Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa Caasimada online u sheegay in Janan ay shalay u yeertay dowladda Itoobiya, si uu u yimaado magaalada Addis-Ababa, isaga oo la sheegay in lagala hadli lahaa arrimo ku saabsan Jubaland. Lama yaqaan waxa ay ahaayeen arrimahaas, hase yeeshee waxaa horey u jirtay in dowladda Itoobiya isku dayday inay isku soo dhoweyso Cabdirashiid Janan iyo dowladda federaalka Soomaaliya si loogu jebiyo Axmed Madoobe, ayada oo Janan oo Muqdisho yimid dabayaaqadii bishii June. Waxaa sidoo kale xusid mudan in Janan uu haysto baasaboorka dalka Itoobiya, sidaas darteed uu farsmo ahaan yahay muwaadin Itoobiyaan ah. Sida aan xogta ku helnay markii Janan Itoobiya u sheegtay inuu yimaado Addis-Ababa, wuxuu ku war-geliyey inaysan jirin diyaarad toos uga soo baxeysa Kismaayo, kadib xayiraaddii ay saartay dowladda federaalka. Waxaa kadib loo sheegay inuu dhulka soo maro, balse wuu diiday. Markaas kadib ayaa Itoobiya ay u sheegtay Janan inuu tago Muqdisho, kadibna kasoo raaco diyaaradda Ethiopian Airlines, taasi oo uu aqbalay balse markii uu yimid ay xiratay dowladda federaalka. Illaa iyo hadda ma cadda in tegista Janan ee Muqdisho ay ahayd shirqool Itoobiya u dhigtay, ayada oo caawineysa dowladda federaalka Soomaaliya si loo xiro, iyo in dowladda federaalka ay dhexda ka qabsatay oo aysan Itoobiya ku shaqo lahayn. Ilo-wareedyo ka tirsan Jubaland ayaa Caasimada Online u sheegay inay taasi kala caddaan doonto maalmaha soo socda, oo haddii ay noqoto in Itoobiya aysan ku lug lahayn xariga, ay ka dhaadhicin doonto dowladda federaalka ah inay kusoo wareejiso Janan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Saacadihii ugu dambeeyey waxaa laysla dhex marayey in diyaarad laga leeyahay oo hub siddey ay ka degtey garoonka diyaaradaha magaalada Qardho ee caasimadda gobolka Karkaar. Haddaba dowladda Puntland ayaa beenisey in ay jirto diyaarad hub ka dejisey garoonka Qardho ayna warkaasi ka dambeeyeen koox been abuurayaal ah. Taliyaha ciidanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho Sharma’arke Ismaaciil Mire oo waraysi siiyey idaacadda Garoowe ayaa sheegay inuusan jirin wax hub ah oo Qardho laga dejiyey. Taliyaha ayaa waraysigiisa ku sheegay in diyaaraddu ay ka mid ahayd duulimaadyadii caadig ahaa ee Puntland isla markaana uusan jirin wax hub ah oo Puntland qabatay maga laga soo dejiyey. PUNTLANDPOST The post Maxaa kajira in diyaarad hub sidda ka degtey garoonka Qardho. appeared first on Puntland Post.
  18. Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa garoonka diyaarada ee Aadan Cade, waxaa ay ku xireen wasiirka amniga ee dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan. Ciidamada ayaa wasiirka xiray xili uu la socday diyaarad ku sii-jeeday magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay laama ammaanka ee dowladda fderaalka oo ku aaday xarigga wasiirka amniga ee Jubbaland. Sidoo kale waraka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya golaha wasiirada dowlad goabaleedka Jubbaland ay hadda u fadhiyaan shir degdeg ah, kaas oo looga jawaabayo xariga dowladda federaalka ee Janan. Dhanka kale Xirigga wasiirka ayaa imaanaya aydoo uu jiro khilaaf xoogan oo dhashay doorashadii jubbaland oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedkada Jubaland ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku qasabtay diyaaradaha ka tagaya ama imanaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, iyo kii ay ku sheegtay inay maamul cusub ugu dhiseyso Jubaland. War-saxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayey ku sheegtay in aanay go’aamada xukuumadda Soomaaliya wax saameyn ah ku yeelan doonin dowlad goboleedka Jubbaland. “Waxaan caddeeneynaa in go’aanka arrimaha ku saabsan xayiraadda duulimaadyadda iyo isu socodka shacabka Soomaaliyeed ee deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland ay xadgudub ku tahay xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaqa u leeyihiin” ayaa lagu yiri qoraalka. Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay iska difaaceyso ficillada dowladda Soomaaliya, oo ay sheegtay inay maamulkaas ku beegsaneyso. “Dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabkeeda oo isku duuban waxay difaacayaan xuquuqdooda dastuuriga ah qiima kasta ha ugu kacdee, mana aqbali doonaan in la burburiyo nidaamkooda, amaankooda, horumarkooda iyo midnimadooda. Ayey tiri Jubaland. Jubaland ayaa ugu baaqday baarlamanka Soomaaliya inay wax ka qabtaan go’aanka dowladda Soomaaliya ay xanibaadda dhanka duuliimaad ku saartay magaalada Kismaayo. “Waxaan ka codsanaynaa wakiiladda golaha shacabka ee JFS oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed iyo aqalka sare oo ka wakiil ah Dowlad Goboleedyada dalka, golayaashaas oo codka kalsoonida siiyey xukuumadda ku tumanaysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, inay gutaan waajibaadkoodda la xisaabtanka xukuumadda xal deg-degana ka gaaraan ku tumashada dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala” ayaa lagu yiri qoraalka.
  20. The world order has become more volatile subsequent to the election of Donald Trump as a President of the United States. Since his election he is running a foreign policy that is inconsistent, incoherent and unpredictable. He is hostile to America’s most important alliance Source: Hiiraan Online