-
Content Count
209,358 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cabdirashiid Janan wasiirka Amniga Jubaland Dowlad goboleedka Jubaland ayaa xaqiijisay in wasiirkoodi Amniga Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku xirtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay guddiga Amniga dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Sabtidii shalay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka af-duubtay wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan xilli uu halkaasi safar ku marayay. Jubaland waxay sheegtay in xarigga loo gaystay wasiirka uu ka horjeedo shuruucda dalka iyo xuquuqda mas’uuliyiinta xasaanadda leh waxaana ay walaac ka muujisay ammaanka iyo bed-qabka mas’uulkaasi la xiray. Sidoo kale Jubaland waxay hay’adaha Garsoorka heer Federaal iyo heer dowlad goboleedka Jubaland-ba ka codsatay in ay caddeeyaan xad-gudubka lagula kacay muwaaddinka xasaanadda leh islamarkaana u soo bandhigaan sharciga dalka. waxay kaloo ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara in lagu dhaqmi waayo xeerarka iyo shuruucda dalka u yaalla taaso sida ay Jubaland sheegtay wiiqi doonta midnimada iyo wada-noolaanshaha Qaranka Soomaaliyeed. Dhinaca kalena Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay Sabtidii shalay xabsiga dhigeen wasiirka Amniga Jubaland oo sida ay sheegeen ku eedaysan dembiyo culus balse aysan faahfaahin. Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidanka Booliiska Soomaliyeed ay shalay soo xireen eedaysane C/Rashiid Xassan Nuur (Janan) oo ku eedaysan dembiyo culus waxaana ay xustay in baaritaan ku socdo. Hoos ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Jubaland oo war ka soo saartay xarigga wasiir Janan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa markale war cusub ka soo saartay tirada ergada soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee illaa iyo hadda iska diiwaangelisay deegaanada ay maamusho. Warka ka soo baxay Al-Shababa ayaa lagu sheegay in bayaankoodii ay ka jawaabeen 635 oday, kuwaas oo is diiwaangeliyey. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in illaa iyo hadda deegaanadooda ay ku sugan yihiin in ka badna 263 ergo oo Towbadkeenayaal ah, sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa kale ay warkan ku sheegtay in diiwaanka ay ku jiraan 213 ruux oo kale, kuwaas oo loo qabtay ballantii ay ku imaan lahaayeen deegaanada Al-Shabaab. Dhanka kale Al-Shabaab ayaa muddo kordhin u sameysay ergada illaa iyo hadda anaan isa soo diiwangelin, maadaama muddadii loo qabtay ay ku ekeyd shalay oo Axad aheyd . Saraakiisha Al-Shabaab ayaa markale go’aamiyey in 10 cisho oo dheeraad ah loogu daro ergooyinka kale ee aan weli tagin goobaha looga yeeray. Bayaankan ka dhanka ah ergada ayaa soo baxay 15 kii bishii hore ee July, waxaana fuliyey odayaal badan oo tegay deegaanada Al-Shabaab, iyagoo ka cabsanayo in la beegsado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in aanu iscasilayn, waxaanu beeniyay warar sheegaya in uu gudbiyay warqadda iscasilaadda. Wargeyska Geeska Afrika ayaa wasiir Faratoon waydiiyay in ay jirto warqadda istaqaalada oo uu gudbiyay waxaanu sheegay in aanu iscasilin, islamarkaana aanu iscasilayn. Waxa uu been abuur ku tilmaamay wararka ku saabsan iscasilaaddiisa. Wargeyska ayaa ku warramay in warar soo baxay sheegayeen in wasiirku arrimo gaar ah isu casilayo iyada oo ay jirto hadal hayn ku saabsan in madaxweyne Biixi samayn doono isku shaandhayn ay ku jirto in masuul kale loo dhiibo wasaaradda arrimaha dibadda. Dhawaan ayay soo baxday in wasaaradda arrimaha dibadda uu maamulo wasiirka maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyada oo wasiir Faratoon dibadda ku maqan yahay inkasta oo ay joogeen masuuliyiinta kale ee wasaaraddu. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa warbixin ka qortay halista Gudniinka fircooniga ahi ku hayo haweenka Somaliland iyo dedaaalka loogu jiro sidii loo dabar-goyn lahaa FMG-ka. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa soo turjuntay warbixinta Reuters oo ay diyaarisay Mrs. Belinda Goldsmith oo ka mid madaxda sarsare ee Wakaaladda Reuters oo dhawaan booqasho ku timid Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa warbixintaas si qoto-dheer loogu sharraxay halista caafimaad iyo xanuunnada maskaxeed iyo jidheed ee gudniinka fircooniga ahi u waxyeeleeyo haweenka Somaliland, waxaanay waraysiyo kala duwan ka qaaday qaar ka mid ah haweenkii lagu sameeyey gudniinta fircooniga ah, Waalidiin iyo Dhakhaatiir ka digay halista caaddada gudniinka fircooniga ah, kuwaasi oo sheegay inay ku taamayaan in caadadaas maalin uun laga cidhibtiro Somaliland. Wakaaladda Reuters waxay soo xigatay Hay’adda UNICEF oo shaacisay in Boqolkiiba 98 ka mid ah haweenka reer Somaliland ee da’doodu gaadhay 15 jir, 49 ka mid ah lagu sameeyey gudniinka fircooniga ah. Waxa kaloo ay intaas ku dartay in kal-hore Dawladda JSL ay soo saartay fatwo diineed oo lagu mamnuucayey isticmaalka gudniinka fircooniga ah. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa Wakaaladda Reuters u sheegay in Xukuumadda Somaliland ay mudnaanta koowaad siisay cidhibtirka gudniinka fircooniga ah, waxaanu caddeeyey in la joojinayo isticmaalka Gudniinkaas. “Waxa naga go’an inaanu joojinno adeegsiga gudniinka Fircooniga ah,”ayuu yidhi Mukhtaar Maxamed Cali, waxaannu intaas raaciyey; “Gudniinka fircooniga ahi waa caaddo soo socotay muddo dheer oo ay adag tahay in si fudud loo wada joojiyaa.” Source
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ergada beesha Cadaado ku mataleysa shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta gaaray M/ Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ergadan ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirkaasi, Cabdiraxmaan Baadiyow, ergadii horay u tegay Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka. Xubnaha guddiga ayaa uga mahadceliyey waxgaradka Cadaado, sida ay u aqbaleen ka qeyb galka shirka iyo casuumada loo fidiyey. Dhowaan ayaa la filayaa inuu furmo shirka dib u heshiisiinta waxaana amniga sugaya ciidanka DF iyo kuwa AMISOM oo la wareegay xarumaha muhiimka ee magaaladaasi. Hakan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
(SLT-Wajaale)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Maanta kormeeray Banka Wajaale oo Wasaaraddu ka beertay 1200 Higtar oo Qamadin iyo Hadhuudh ah. Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale, Eng. Mowliid Xasan Cabdi oo Wasiirka halkaa ku soo dhaweeyay ayaa faahfaahiyey Dalagyada ay ka beereen Wajaale “Sannadkani wuu nooga duwan yahay sannadkii hore, waxaanu Banka wajaale ka beernay 1200 Higtar, halkii sannadkii hore aanu ka beernay 750 Hiktar, waxay isugu jiraan dalagga Qamadinka, Hadhuudhka, boqolkiiba 85 waa Qamadin, inta soo hadhayna waa Hadhuudhka..” Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Gabiley ayaa isaguna sheegay “Maanta waxaanu sugaynaa haddii Allaah yidhaahdo, annaga oo Qarankan ugu idman Sugidda Cuntada inaanu wax badan ka tari doono..” ayuu yidhi. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seed oo isaguna gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maaddaama oo Cimiladii is-beddeshay waxaanu go’aansanay inaanu ka wareegno khadki hore ee Wasaaraddu ku shaqayn jirtay ee hadhuudhka oo aanu u wareegno Dalagyada hore u baxaya bilowno. Dalagyada aanu beernay waxa barbar socda Cilmi baadhis.” Wasiirku wuxuu sheegay oo kale “Dalagyada aanu beernay Sannadkan 1050 Hiktar waa Qamadin, waayo? wuu ka munaafacaad badan yahay hadhuudhka, 150 Higtarna waa hadhuudh..”ayuu yidhi. Source
-
The newly appointed Somali Police, General Abdi Hassan (Hijaar) promised that he will increase the number of women officers in the police force. The police boss made the announcement during a hand-over ceremony held in Mogadishu, in which he took the office on Saturday. He also said he would take care of the orphans of the Somali Police soldiers who sacrificed their lives serving for the nation. The Somali police force is the backbone of the Nation’s first line of defense. View the full article
-
Somalia’s Deputy Minister of Petroleum and Mineral Resources, Mohamud Abdikadir Hilaal confirmed that police at Mogadishu airport arrested Jubbaland security minister, Abdirashid Janan on Saturday. “Janan is wanted by Interpol for “committed crimes” against the people of Gedo and neighboring zones,” said the Minister on his social media accounts. The arrest follows strained relations between the Government and Jubbaland over the disputed regional leadership elections which Ahmed Madobe was re-elected on 22nd August for the third term in office. The government warned that the selection process of the regional assembly members was not in line with the election guidelines as per the federal government. A Letter from Ahmed Mohamed Islam office on Friday urged the government of President Farmajo and Prime Minister Kheyre to embark on reconciliation efforts to resolve the difference. President Madobe letter also condemned what it termed as the unnecessary restricts of flights to the interim regional state capital. Somali aviation authorities directed all international flights mainly from the regional neighboring countries to pass Mogadishu before they continue their journey to Kismayo for clearance. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud gaaray ergada beesha Saleebaan ku mataleysa shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan ka furmaya gudaha magaaladaasi. Ergadan ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirkaasi, Cabdiraxmaan Baadiyow, ergadii horay u tegay Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka. Ugu horreeyn xubnaha guddiga ayaa uga mahadceliyey waxgaradka Cadaado, siada ay u aqbaleen ka qeyb galka shirka iyo casuumada loo fidiyey. Horay beesha degta Cadaado ayaa uga biyo diiday shirkan iyo dadaallada uu uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ka wado deegaanada maamulka Gamuudg, taasoo hadda u muuqata inay meesha ka baxday. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu furmo shirweynaha dib u heshiisiinta waxaana amniga sugaya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay xarumaha muhiimka ah magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Texas)-Booliska ayaa sheegay in rasaas lagu furay dad badan oo joogay magaalooyink ku yaalla gobolka Texas ee Maraykanka ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof kuwo kale oo badani na ku dhaawacmeen. Nin dabley ah oo baabuur watay ayaa isagoon u kala aabo-yeelayn rasaas ku furay dad joogay dhanka galbeed ee magaalooyinka Odessa iyo Midland gelintii dambe . Bas yar oo ay leedahay Boostada Maraykanku ayaa sidoo kale uu af-duub ku kaxaystay. Boolisku waxay sheegeen in ninka falkaa geystay ahaa nin cadaan ah oo isna toogasho lagu dilay, laakiin waxa jira warar kale oo sheegay in ay dabley kale baxsadeen oo lagu raad joogo. Af-hayeen u hadlay booliska ayaa xaqiijiyey in shan qof lagu dilay dhacdadaa 21 kalena lagu dhaawacay. Waxaana dadka wax yeelloobay ku jira buu yidhi askar boolis ah. Boolisku waxay intaa ku dareen in ilaa haatan aan la ogaan sababta ay dableydaasi dadka u toogteen. Toogashadani waxay dhacday afar todobaad uun ka dib markii nin dabley ahi magaalada kale ee El Paso oo ku taal isla gobolka Texas uu toogasho ku dilay 22 qof 24 kalena ku dhaawacay. Boolisku waxa isla markii shilku dhacay ba ay fariimo ku baahiyeen Facebook ” gacan ku dhiigle (lagna yaaba inay laba yihiin e) ayaa haatan baabuur dhex wata magaalada Odesa oo dadka rasaas ku furaya” ayay ahayd fariimaha boolsika midkood. Booliska magaalada kale ee u dhaw ee Midland ayaa iyaguna Facebook ku qoray fariintan “Waxaanu aaminsannahay in laba nin oo dadka tooganayaa ay laba baabuur kala wataan. Labada baabuur ee aan sheegaynaa waxay kala yidhiin Xaajiyad Toyota ah oo midabkeedu dahabi iyo cadaan yahay, iyo ka kale oo ah bas ay Boostu leedahay. Fadlan ka fogaada meelaha lagu sheegay oo guryahiina ha ka bixina” Mar dabe ayay hadana qoreen “waxaa la xaqiijiyey in ninkii dableyda ahaa lagu toogtay oo lagu dilay aagga Cinergy ee magaalada Odessa. Haatan nin dab wata oo rasaas furayaa ma jiro. Waaxyaha nabadgelyada oo dhan ayaa baadhay warar sheegaya in ay dhici karto in dabley kale magaalada wareegayso” Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray ayaa Madaxweyne Donald Trump-ka Maraykanku ku sheegay in lagu wargeliyey dhacadaa toogashada ah ee gobolka Texas. Source
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay fiidkii ka dhacay xaafadda Arjantiin, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in ay dileen wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dhallinyarada aadka looga yaqaan Kaaraan, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cadaawe Cabdulle Fareey. Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood, raggii dilka ka dambeeyey ayaa isaga baxsaday halkaasi, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka. Ciidamadan ayaa sameeyey howlgal ballaaran, waxaana lagu qabtay dhallinyaro badan oo saldhigga degmada su’aallo lagu weydiinayo. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe ahaa mid soo hagaagayey, waxaana aad u yaraa dilalka sidan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
July 29, 2018, ayaa Ra’iisul-wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ‘Khadar’ oo Khudbeynayay uu sheegay in ay soo wadaan Xisbi weyn oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo. Waxaa uu tilaamay in Xisbigaas uu noqon doono Xisbiga Xisbiyada waxaana guddoomiye ka ahaan doona, ayuu yiri, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Mahdi oo la hadlayey Axsaabta, ayaa waxa uu yiri “Xisbiyada qaar waxa ay ka dhawaajiyeen in xukuumadda looga fadhiyo iney dhisato xisbi, xisbi weyn, Illaaheybaa weyne ayaan soo wadnaa, oo xisbigii xisbiyada ah, oo madaxweynaheennu hormuud u yahay, siyasaddii guushii Febraayo uu ku hoggaaminaayo, marka hala iska jiro, yaan la is dhiganin xisbiyada is-diiwaan geliyay , yaan la idin gaadin goor barqo ah adinka oo waaberiistey!.” Sanad iyo labo bilood ka hor ayey baalaxooftadaasi(booto) ahayd, illaa iyo hadda maxaa xisbigii loo sameyn waayey? Siyaasiyiinta mucaaradka maxaa loo laab kiciyey oo axsaab siyaasadeed iney sameeyaan lacago farabadanna ay ku bixiyaan loogu kallifay, haddii aaney Nabad iyo Nolol daacad ka ahayn in doorasho qof iyo cod ah dalkan ka dhacdo 2020? Halkey sartu ka qurun san tahay? Mise waxaa jira xeelado qarsoon iyo muddo korors aan tabaheeda lagu baraarugsaneyn? Markii aan fakaray oo xaajada dhan walba aan ka rogrogay waxaa ii soo baxday 5-sababood oo Nabad iyo Nolol u diiddan iney ku dhawaaqaan xisbi matala ayna la yimaaddaan saaxadda siyaasadda dalka: Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaarihiisa Xasan Kheyrre oo Aan Isku Waafaqsaneyn nooca Xisbi iyo Cidda Madax Ka noqoneysa Cidna kama qarsana hamiga iyo hanka ku jira Ra’iisul-wasaare Kheyrre inuu dalka Madaxtinimadiisa u tartamo 2020, socdaalkii uu ku gaaray Galmudug, habeen uu dhalinarayada Gaalkacyo kula hadlayey xaflad lagu soo dhaweynayey Juley 10, 2019, ayaa afku soo xaday waxa uurkiisa ku jira, dhacdo aan dad badani ku baaraarugsaneyn laakiin anigu aan si gaar ah hoosta uga xariiqday, wiil dhalinyaro ah oo farshaxamiiste ah ayaa waxa uu guddoonsiiyey, sawirka Kheyrre oo gacan ku sameysa oo loo sameeyay si farshaxan leh oo aad u heersarreysa, Ra’iisul-wasaaruhu farxad ayuu kala badbatay, makarafoonka ayuu qabsaday hadal kooban ayaa isagoo sawirkiisa kor u haya uu yiri: “Hadiyadda waad ku mahadsanihiid reer Gaalkacyo, madaxweynaha Mustaqbalka iska fiiriya.”, marlabaad ayuu hadalkii kusoo noqday isagoo farta ku tilmaamaya oo hadalkii ka dhigaya in wiilkan dhalinyarada ah ee farshaxamiista ah uu noqon karo madaxweynaha mustaqalka. Dhanka madaxweyne Farmaajo shaki kuma jiro inuu doonayo inuu xilli kale isku soo sharraxo xilka madaxweyne, waxaa tusaale kuugu filan; inuu August 1, 2019, iska kansalay dhalashadiisii Mareykan, taas oo ka dhigan inaanuu dalka dhinacna uga socon. Muddo Kororsi Ka Dhex Guuxaya Xilligan waxey ahayd in waxyaabo badan la dardargeliyo, dastuurka la dhammeystiro, afti dadweyne loo diyaariyo, axsaabta si rasmi ah loo kala xulo, sharciga doorashooyinka oo baarlamaanka laga meel mariyo, amniga la dardargeliyo oo goobo badan oo dalka ka tirsan loo diyaaro iney doorasho ka qabsoomi karto, arrimahaas oo dhan gaabis ayaa ku jira, oo si caga jiid ah ay waxwalbaa u socdaa, haddii sidaa lagu sii socdo, xaalku waxa uu imaanayaa labo arrimood in sidii Nabad iyo Nolol ay ku yimaaddeen wax loo doorto iyo in muddo kororsi ugu yaraan labo sanno ah baarlaamaanka la marsiiyo, arrintan dambe ayaana u fudud sida muuqata, oo awoodda ay isku halleynayaan waa xildhibaannada ay sida gaarka ah gacanta ugu hayeen ee samaan iyo xumaan aan marnba caasin ee golaha wasiirrada u badan, waxaana hubaal ah haddii aan la helin awood siyaasadeed iyo mid maamul goboleedyadu ka midaysan yihiin oo ka dhiidhiya isku day kasta oo muddo kororsi ah. Muquuninta Maamul Goboleedyada oo Ulajeeddo Leh Nabad iyo Nolol waxey dhibaato u arkaan jirintaan maamul goboleedyo xooggan oo amarkooda diidi kara, maadama doorasho kasta oo dalka ka dhacada ay dowlad gaboleedyadu asal u yihiin, haddii muddo korosi la sameyn lahaa ay lagama maarmaan ah in marka hore ogolaanshiyo laga helo dowlad goboleedyada lagana dhaadhiciyo xaalka oo aaney diidmo kala horimaan, sidaa darteed; waxaa lagama maarmaan noqotay iney dagaal toos ah oo aan gambasho lahayn ku qaadaan is bahaysiga awoodda badan ee dowlad goboleedyada oo qaar ka mid ah ay hadda gacanta ku dhigeen, kuwana ay ku fashilmeen, kuwo kalana ay hadda u hanqal taagayaan oo waxwalba ay u hurayaan maadama mustaqbalkooda siyaasadeed ay ku xireen kolba sida ay gacanta ugu dhigaan maamul goboleedyadaasi. Siyaasiyiinta Hibada leh ee waxgalka ah oo Axsaab Mug iyo Miisaan Leh Furtay Mararka qaar in runta la sheegaa wey fiican tahay, axsaabta hadda dalka ka jirta, waa kuwo awoodooda aan la iska indho tiri Karin, haddii maanta doorasho loo dhaqaaqo waxaa hubaal ah in xukuumadda Nabad iyo Nolol dharaar cad banaanka lagu diyaro, maxaa yeelay; siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee mucaaradka ah waxey u badan yihiin qaran joog, haddii doorasho loo dareero waxey heli karaan dadka ugu badan ee codeynaya oo si toos ah iyo si dadbanba u garab taagan, gaar ahaa marka aad hadda ognahay sumcaddii iyo xiisihii madaxweyne Farmaajo iyo xumaddeediisa loo hayay ay si weyn u luntay, hadda waxey dadku doonayaa oo qura qof ay yaqaannaan oo qaranka la joogay baahidoodana si wanaagsan u fahmi kara. Fashilka Xukuumadda Khayrre ee Ammaanka Dalka Kadib qaraxyadii is xigxigay ee ay dadku ku dhammaadeen iyo qarixii weynaa ee Soobbe ee October, 2017 iyo deegaanno badan oo weli ka maqan caganta dowladda ayaa keentay in shay looga garaaabo oo dadku ay wanaag uga sheegi karaan xukuumadda Nabad iyo Nolol aaney jirin, marka laga yimaaddo mushaar bixin oo wax sidaa u sii buuran ah aan ahayn. Haddii aan eegno guulaha xukuumadihii ka horreyay Nabad iyo Nolol waa kuwo waaweyn oo ishu ay qaban karo, tusaale ahaan; xukuumadihii sheikh Shariif dalka waxey ka hirgeliyeen doorasho si nabad ah uga dhacda gudaha dalka, halka xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh la gaaray guulihii ugu waaweyna oo la dhisay maamul goboleedyada hadda uu dalku ku dhisan yahay intooda badan waqtigiisii la hirgeliyay. Si kastaba, dalkan waxa uu u baahan yahay in la isku run sheego, madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa waxaa looga fadhiyaa xisbigii mudada sanadka ah iyo labada bilood la sugayay, si loo hubiyo in xukuumadda ay daacad ka tahay in doorasho xor iyo xalaal ah ay dalkan ka dhacaan marka la gaaro 2020. W/Q: Khadar Xuseen Maxamed khadarhalgan@gmail.com Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Wararka aanu ka heleyno Xeebta Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka lagu arkay Meydka Wiil dhalinyaro ah. Wiilka dhalinyarada ahaa ee Meydkiisa laga helay Xeebta Jaziira ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay la’laa, isla markaana ay qaaday Badda xilli uu ku dabaalanayay, hayeeshee saaka ay soo tuftay. Allaha u naxariistee Wiilka dhintay ee Badda soo tuftay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Naasir Cabdullahi oo loo yaqaanay Shuute Cadde, waxaana uu ahaa mid kamid ah Dhalinyarada aad u firfircoonaa oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Muqdisho Qaar kamid ah Ehelada Shuute Cadde ayaa tegay Xeebta Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyagoona halkaas ka soo qaaday qaaday Meydkiisa. Source
-
(SLT-London)-Kumaan qof ayaa iskugu soo baxay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay wadanka UK, kuwaasi oo ka dhan ah go’aanka raysal wasaare Boris Johnson’ ku mamnuucay kulamada baarlamaanka, iyadoo dhowr toddobaad ay ka hadhsan tahay ka bixitaanka UK ee midowga Yurub. Magaalada London ayaa waxaa iskugu yimid kumanaan qof cadheysan Sabtida shalay, waxaana ay hor dhoobteen aqalka madaxtooyadda ee ku yaalla wadada lagu magacaabo Downing Street. Waxa uu sameynayo Boris Johnson ma aha go’aan ay raacsan yihiin shacabka UK, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Andrew Russell oo ka soo jeeda degmada Kent. Mr Andrew oo 40 jir ah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay difaaca Baarlamaanka kana soo horjeedaan wax walba oo ka hor imaanaya dimuquraadiyada UK. Siyaasiyiinta iyo xubnaha baarlamaanka ayaa doonaya in 31 bisha October ay UK heshiis la’aan kaga baxdo midowga Yurub, inkastoo ra’isul wasaare Boris uu doonayo in wada xaajood cusub la bilaabo midowga si wax looga badalo heshiiska labada dhinac. Source
-
(SLT-Muqdish)-Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu xidhay wasiirkii wasaarada Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, wasiirka oo safar u ahaa dalka Itoobiya ayaa kusii hakaday Garoonka diyaarada ee Magaaalada Muqdisho. Waxaana halkaas ka xidhay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya. Sababta keentay Xadhiga wasiirka waxaa si kooban uga hadlay Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Tamarta Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada booliska Caalamiga ah ee Interpol iyo kuwa Soomaaliya ay xadhigiisa iska kaashadeen. “Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer Gedo iyo degaanada la dariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baadhista Booliska Soomaaliyeed ( CID)ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Cidna kama baxsan karto Cadaaladda” ayuu yidhi wasiirku. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa shaaciyey in xukuumadda federaalka aysan ka hortagi karin dakhliga ay Al-Shabaab ka hesho magaalada Muqdisho. Beyle oo la hadlayey wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa qiray in dowladdu aysan laheyn awood ay ku joojiso dhaqaalaha faraha badan ee kooxda Al-Shabaab ka hesho gudaha Caasimada. “Waa xaalad cabsi ah, ma heyno awood aan ku wajanho arrinaasi” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle), isagoo ku sugan dalka Japan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalyahannadooda ay joogaan meel kasto, iyaga oo isku ekeysiinaya shacabka, sida uu hadalka u dhigay. “Dhibaatada waa mid hal nooc ah Al-Shabaab waa Soomaali, sida aniga ama qof kale meel walba ayey joogaan, waana naga mid yihiin” ayuu hadalkiis sii raaciyey. Sida ay horay Caasimada Online u baahisay Al-Shabaab ayaa malaayiin Doller sanadkii ka hesha Muqdisho, iyadoona canshuur ka qaada dekedda iyo ilo kale oo muhiim ah. Sdioo kale waxay lacago Zakawaat ah iyo Canshuur ka qaadaa ganastada oo tegay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose. Hadalka ka soo baxay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus xukuumadda Soomaaliya ayaa dhabar jab ku ah dowladda federaalka, sidoo kale wuuxuu niya-jab ku sii ridayaa ganasatada Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda Puntland ayaa wadda qorshe cusub oo ay ku soo xero gelinayso saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland kana soo jeeda gobolka Sanaag. Xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni, xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland iyo maamulka gobolka ayaa doonaya inay sii xoojiyaan soo xero gelinta shaqsiyaadka huray gacanta Somaliland. Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo katirsan barlamaanka Puntland lagana soo doorto gobolka Sanaag oo wax laga waydiiyey joogitaanka guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Badhan ayaa sheegay in uu kuyimid arrin qoys. Dhoore waxa uu sheegay in ay horay u soo xero geliyeen rag katirsanaa Somaliland haddana aysan doonayn inay xabad iyo xoog wax walba ku wajahaan arrinta guddoomiyahana uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Sanaag. The post Puntland oo wadda qorshe ay ku soo xero gelinayso xubno katirsan Somaliland. appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka hadashay waxa ka jira wararka sheegaya in diyaarad hub sida ay saacadihii la soo dhaafay ka degtay garoonka magaalada Qardho ee maamulkaasi. Taliyaha ciidanka ilaalada garoonka magaaladaasi Sharma’arke Ismaaciil Mire oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey in ay jirto diyaarad hub ka dejisey halkaasi. Sharma’arke ayaa sidoo kale sheegay in diyaaraddu ay aheyd mid rakaab ah oo duulimaad caadi ah ku tegtay garoonka Qardho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in laga war hayo dhammaan diyaaradaha tegaya deegaanada Puntland Ugu dambeyn wuxuu taliye Sharma’arke Ismaaciil Mire uga digay dadka inay faafiyaan warar been abuur ah oo aan la hubin. Hadalkan ayaa kusoo aadayaa, iyadoo baraha bulshada si aad ah loogu faafiyey in diyaarad hub sida ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ciidammo cusub oo ka tirsan kuwa AMISOM, kana socda dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaasoo ay shalay gaareen qaar ka mid ah ciidammo ka socda Jabuuti. Wararka ayaa sheegaya in ciidankan cuusb ay ka mid noqon doona kuwii ka socday AMISOM ee horay u joogay magaaladaas si ay u adkeeyaan amniga guud ee goobaha lagu qabanayo shirarka iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo degmadaas. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in maanta ay ciidammo itoobiyaan ah gaarayaan Dhuusa-mareeb oo xarun u ah maamulka Galmudug, si ay amniga u sugaan, inkastoo uu sheegay inaysan jirin cabsi laga qabo qas iyo qalaan-qal ka dhaca halkaas. Dowladda Somalia ayaa qosheynaysa inay magaaladaas ku qabato shir ay isugu keenyaso dhammaan beelaha wada-dhistay Galmudug, shirkaasoo la sheegay inuu yahay mid lagu dhameynayo khilaafyo ka dhex-jira dadka iska leh Galmudug. Sidoo kale, Waxaa lagu wadaa in magaaladaas lagu qabto doorasho lagu soo xulanyo xildhibaannada cusub ee maamulkaas, kuwaasoo iyaguna dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay saldhigan doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug eek a furmaya Dhuusa-mareeb. Ugu dambeyn, Ciidammo ka tirsan kuwa socda Jabuuti ee ka tirsan kuwa AMISOM ayaa shalay lagu wareejiayay goobo muhiim ah, iyadoo madaxda Ahlusunna ay ku kala qaybsan yihiin shirka lagu qabanayo degmadaas. PUNTLAND POST The post Ciidammo hor leh oo ka tirsan AMISOM oo ku wajahan Magaalada Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maaliyadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle oo u warramayay wargeyska Washington Post ayaa sheega in DF aysan wax ka qaban karin dhibaatooyinka ay Al-shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Bayle ayaa sheegay in Somalia ay xilligan ka jirto cabsi weyn, isagoo xusay in kooxaha Al-shabaab canshuuraha ka qaada ganacsatada aysan DF waxba ka qaban karin, iyaguna ay si nabad-galyo ah isaga dhex mushaaxaan dalka gudihiisa. “Somalia waxaa ka jira cabsi weyn,” ayuu yiri wasiirka oo u wargeyska hadal siinayay, wuxuuna intaas ku daray. “Dowladda Somalia ma lahan awood ay uga joojiso Al-shabaab inay dhaqaale ka qaataan ganacsatada Soomaaliyeed.” Al-shabaab ayaa waxay dhawaan ganacsatada Soomaaliyeed ku qasabtay in ay bixiyaan lacago canshuur ah, iyadoo ganacatada looga digay haddii ay bixin waayaan lacagtaas laga qaadi doono tallaabo aan la sheegin cawaaqibka ka dhalan doona. Wasiirka ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in Al-shabaab aysan shacabka ka duwanayn, isla markaana aan laga dhex aqoonsan karin shacabka, taasna ay tahay dhibaatada ugu weyn ee ay ka geysanayaan dalka. Dhanka kale, Wareysigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu wargeysku daabacay in Al-shabaab ay si toos ah lacago uga qaadaan cid walba oo ay doonayaan, gaar ahaan ganacsatada si ay hawlahooda ugu sii wataan. Ururka Al-shabaab ayuu wageysku sheegay inay dhaqaalaha ku helaan dhawr ha boo kala duwan, kuwaasoo ay ka mid yihiin in si toos ah loogu geeyo, in loogu gudbiyo bangiyo, xawaalado ama lacgaha taleefoonnada la isaga diro. Hadalka Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Al-shabaaba ay dhawaan sheegtay ku qasabtay ganacatada Soomaaliyeed inay lacago canshuur ah siiyaan inta aysan alaabooyinkooda kasoo bixin dekedda Muqdisho, taasoo dhaqan gashay. Ugu dambeyn, Wareysiga uu biiyay wasiir Bayle ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo ay Dowladda Federaalka Somalia qirato inaysan Al-shabaab ka difaaci karin shacabka Soomaaliyeed, dowladduna ay shacabka ka rabto inay canshuur bixiyaan. PUNTLAND POST The post Wasiir sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan shacabka ka difaaci karin Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in muddada uu jooga taliska uu sare u qaadi doono tirada saraakiisha haweenka ee ku jira ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliye Xijaar oo khudbad ka jeediyey munaasabadda uu xilka kula wareegay ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo badin lahaa tirada gabdhaha ee saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka war heyn doono caruurta agoonta ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si ay u helaan daryeel wanaagsan. Taliye cusub ee ciidanka Booliska ayaa shalay xilka kala wareegay taliyihii hore ee Ameeriko, kadib munaabad ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-booliska.mp3 View the full article