-
Content Count
209,358 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
DEG DEG: Ciidamo Itoobiyaan ah oo laga dajiyey Dhuusamareeb
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in halkaas laga dajiyey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM. Ciidamada Dhuusamareeb laga dajiyey ayaa ah ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Diyaaradahaan ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 6 Diyaraadood oo siday Saanad Milatari iyo Ciidamo kamida ah Kuwa AMISOM gaarahaan kuwa Dowlada Itoobiya. Horay waxaa Magaalada Dhuusamreeb u gaaray Ciidamada Dalka Jabuuti oo ka tirsan Ciidmada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee howl gala Soomaaliya. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa fariisimo ka sameystay Gudaha iyo Banaanka Magaalada Dhuusamareeb waxayna la midoobeen kuwa Jabuuti oo horey halkaas u gaaray. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM ee la geeyey Dhuusamareeb ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug maadaama Doorasho dhawaan ka dhacayso. Awoodii Ciidamada Ahlu Sunna ayaa guud ahaan meesha ka baxday waxayna Dhuusamareeb marti u tahay Ciidamo AMISOM ah oo dhawr jeer oo hore ay diideen Madaxda Ahlu Sunna. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada mucaaradka ah ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto Galmudug ayaa maanta la kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, kaasi oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida uu shaaca ka qaaday xildhibaan Axmed Macallin Fiqi. Xubnaha Kheyre la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed Macallin Fiqi, Cabdullaahi Sambaloolshe, Mahad Salaad, Saadaq Macalin Cabdi Kariim, Cabdiraxmaan Odowaa, Saabir Shuuriye, iyo xildhibaano kale. “Kulan muhiim ah oo ka dhacay xafiiskiisa Raysulwasaaraha xukuumadda Xasan Khayre, oo nagu wehliyey musharaxa madaxweynaha Galmudug xildhibaan Cabdiraxman Odowaa.” Waxaa sidaas yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay facebook. “Kulanka waxaa diiradda lagu saaray si qoto dheerna looga wadahadlay dhismaha dowlad goboleedka Galmudug loo dhan yahay, Geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo loo maro dhismaha dawlad goboleedka.” Ayuu sii raaciyey Fiqi. Fiqi ayaa si yaab leh oo aan laga fileyn u sheegay in kulankaas ay xildhibaanada mucaaradka ku ammaaneyn ra’iisul wasaare Kheyre. “Waxaa la bogaadiyey hawsha uu hormuudka ka ahaa Raysul wasaare Khayre ee xooggan lagu saarayey gogol u xaarka dhismaha Galmudugta cusub ee doorashadeedu ay ka dhacayso caasimadda Dhuusamareeb.” “Gabagabadii Raysulwasaaraha iyo saaxiibadii kulankaas ka qeybgalay waxaa lagu heshiiyey dhismaha Galmduug loo dhan yahay oo loo maro hanaan cad, oo dhasha hogaan hanan kara hawlaha hortabinta u leh Galmudug xilligan la joogo.”
-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Shibis oo dib-u-dhis iyo ballaarin lagu sameynayo, si loogu adeego bulshada Caasimadda. Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay dib-u-dhiska lagu sameeynayo xarunta degmada Shibis, shacabka ku noolna ay ka heli doonaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladda Hoose,Isagoo xusay in ay ka go’an tahay daadejinta maamulka si loogu dhaweeyo shacabka. “Si shacabka loogu dhaweeyo dawladnimada waxaa mar walba naga go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, idinka waxaa la idinka rabaa kaalintiina inaad qaadataan oo dib-u-dhiska dalkiina u istaagtaan ”. Sidoo kale Maamulka Degmada Shibis ayaa sheegay in ay ka go’an tahay gaarsiinta shacabka adeegyadii kala duwanaa ee laga heli jiray degmada, isla markaana xarunta loo dhisi doono qaab casri ah. Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta heer Gobol, heer Qaran iyo dadweynaha ku nool degmada Shibis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
As bizarre as it might sound, al Shabaab militants seem to now find a short cut to legally take over reins of power secretly through the ballot, with help from clan chiefs rather than with the violence often associated with them. As if wanting to prove its influence, the militants recently summoned elders involved in the 2016 election to go and repent. Those elders who heeded the call for fear of reprisals were literally held hostage for 20 days in secret locations around the country. The meeting became an al Shabaab civic engagement plan, plotting a silent takeover of power. “They gave us clothes and money and even promised to pay us $300 every month on one condition which is that we do what they order us to do. They told us the country is being taken over by infidels and that we have to salvage it. We are still waiting for their order,” a clan chief who did not wish to be named said. Considering there are three parliamentary elections coming up in Galmudug and South West State in September and October and of course the countrywide presidential and parliamentary elections in 2020. The latest revelation makes many people wonder the influence the militants can have on the elections, if indeed the elders, just like before, are involved. ELDERS INFLUENCE Subject to change, under Somali’s current electoral system, elders choose MPs, who in turn elect the president. In previous election models, the clans directly nominated the MPs. We can never dismiss the influence of elders in Somalia politics. Some of the elders who took part in the ‘al Shabaab civic education’ say the militants plan to use force and persuasion to convince the elders to nominate their own to parliament in 2020. The only way these elders will be rendered invaluable is if Somalia succeeds in organising a one-person-one-vote election. However, that depends on several factors, including the adoption of the interim charter, the liberation of areas still controlled by al Shabaab and preparing the country for the vote. Recent events such as the Jubaland elections show cracks in national unity, which are likely to be used by the militants to further their agenda. One year before the next election, al Shabaab continues to destabilise peace at will. Just recently, they claimed responsibility for a suicide attack inside the office of the late Mogadishu mayor Eng Abdirahman Omar Osman “Yarisow”, who died from the attack. Such sad incidents make people wonder how Somalia plans to secure its next election. As a benefactor, am sure al Shabaab will do everything in its power to disrupt the election, playing dirty politics of bribing, threatening officials as it often does or even going out to kill their targets to silence their critics just to clear the way for their candidates of choice. STATUS QUO It is highly likely that come next year, the status quo will remain, making it almost impossible for national elections to be conducted. Al Shabaab is now likely preparing itself for a scenario where the elders will be needed for the nomination of clan delegates who elect MPs. Al Shabaab must have realised the value of these elders, no wonder they treated them so well and fed them like kings. However, little or much they spend on their upkeep is an investment they are likely to demand something in return. “They gave us first-class treatment. They used to feed us like kings. They made us renew our Islamic vows as if we were non-Muslims before meeting them. They bought us clothes, shoes and head turbans. They paid us $200 each when we were leaving and promised to give us a $300 salary every month,” the elder added. As much as we loathe them, the question now seems to be how many al Shabaab MPs they will get and not if because they have already proved their ingenuity and strategic thinking. Time and again they are ahead of us in implementing their evil plots. Following the cold-blooded murder of Yarisow, President Mohamed Abdullahi Farmaajo reportedly admitted the possibility of al Shabaab moles in government and ordered security agencies to flush them out. Some of those elders who heeded the al Shabaab invite have reportedly been arrested in some parts of the country. My biggest worry is the level of corruption in Somalia elections. Recent news of the increased al Shabaab revenue from their extortion rackets shows the group has lots of cash and could easily buy off parliamentary seats. This is why the Somalia National Independence Election Commission and the government need to quickly develop strategies curtailing al Shabaab members or even sympathizers from becoming MPs, or worse, president. Let us hope not. The writer is a Somalia expert and former war correspondent Source: Somali Star
-
Muqdisho (SMN) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska, Soomaaliyeed, Generaal Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka hadashay kiiska wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo shalay ay xireen ciidamada ammaanka Soomaaliya. Zakiyo oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa sheegtay in dambiyo culus uu ku eedeysan yahay wasiir Janan. “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus.”ayey tiri taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in haataan mas’uulkaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Jubbaland ayaa si xoogan u cambaareysay xariga wasiirkeeda amniga loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta soo bandhigtay ardayda ku guuleystay imtixaan ay dhowaan ka qaaday illaa 300 oo arday, kuwaas oo soo dhameystay dugsiyada sare ee ku yaalla magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Sida ay shaaciyeen madaxda hay’adda soddon arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa ku soo baxay imtixaankaasi, kuwaas oo helay deeq waxbarasho oo gudaha ah. Hormuud Foudation oo ah hay’ad hoostagta Hormuud Telecom Soomaaliya ayaa ardaydaasi ka bixin doonto lacagta Jaamacadda. Halkan hoose ka dhageyso Wrabixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/War-mutawakil-Hormuud.mp3 View the full article
-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Shibis oo dib-u-dhis iyo ballaarin lagu sameynayo, si loogu adeego bulshada Caasimadda. Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay dib-u-dhiska lagu sameeynayo xarunta degmada Shibis, shacabka ku noolna ay ka heli doonaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladda Hoose,Isagoo xusay in ay ka go’an tahay daadejinta maamulka si loogu dhaweeyo shacabka. “Si shacabka loogu dhaweeyo dawladnimada waxaa mar walba naga go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, idinka waxaa la idinka rabaa kaalintiina inaad qaadataan oo dib-u-dhiska dalkiina u istaagtaan ”. Sidoo kale Maamulka Degmada Shibis ayaa sheegay in ay ka go’an tahay gaarsiinta shacabka adeegyadii kala duwanaa ee laga heli jiray degmada, isla markaana xarunta loo dhisi doono qaab casri ah. Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta heer Gobol, heer Qaran iyo dadweynaha ku nool degmada Shibis. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Guddiga amniga ee Jubbaland ayaa war ka soo saaray xariga wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland, Mudane C/rashiid Janan oo shalay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay ku xireen gudaha garoonka magaalada Muqdisho. Warka ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in xariga uu yahay mid aan raad ku laheyn sharciga, xuquuqda muwaadinka iyo xasaanada mas’uuliyiinta. Halkan hoose ka Akhriso: u View the full article
-
Kulan balaaran ayaa goordhow waxaa uu Villa Somaaliya ku dhexmaray ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo murashaxa madaxtinimada Galmudug Cabdiraxmaan Odowaa. Xildhibaan Odowaa oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka ayaa Kheyre iyo xukuumaddiisa ka dalbaday in Galmudug ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana aan dadka deegaanka la duudsiin xuquuqdooda ah iney doortaan qofka ay rabaan. Mudane Cabdiraxmaan Odowaa waxaa uu ka digay in faragelin lagu sameeyo hannaanka doorashada Galmudug, lana garba duubo rabitaanka shacabka, laguna qasbso dad kor looga keenay. Dhankiisa ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa balanqaaday hufnaanta doorashada Galmudug iyo in dowladda ku ekaandoonto korjoogteyn, isla markaana reer Galmudug leeyihiin cidda ay dooranayaan. Kulan oo yimid maalin kadib markii Odowaa uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisa ayaa ku dhamaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo sidii Galmudug u yeelan laheyd nidaam dowli ah oo wax ka qabto baahida dadka dowlad goboleedkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Guddiga Amniga Jubbaland ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xariggii Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, kaasoo shalay Ciidamada Booliska ay ku xireen Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday Addis Ababa. Shirkaasi kadib War-Saxaafadeed laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay walaac weyn ka qabto Nolasha, Ammaanka iyo badqabka Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur. Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay cid kasta oo ku lug leh xarigaas inay si deg deg ah xurriyadiisa u siiyaan Wasiirka, waxaana Hay’adaha Garsoorka Dowladda & Jubbaland laga codsaday inay soo farageliyaan. Waxa ay sheegeen Guddiga Amniga Jubbaland sidoo kale inay ka digayaan cawaaqib xumo ka dhalata xarigga Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wasiirka amniga Jubbaland. Dowladda Soomaaliya ayaa Wasiirka Amniga Jubbaland uu ku eedeysay in uu geystay falal ka dhan ah Bani’aadanimada, isla markaana uu galay dambiyo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Howlgallo miino baaris ah oo laga sameeyey Shabeelaha Dhexe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Balcad (SMN) – Faah faahinno ka soo baxaya howlgallo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay maanta ka sameeyeen inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamada huwanta si gaar ah uga fuliyeen agagaarka deegaanka Qalimow ee gobolkaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya waxa ay ku sheegeen Miino baaris. Sidoo kale ciidamada ayaa howlgalladan ku soo qab qabtay illaa 20 Qof oo u badan dad Beerayley ah. Mid ka ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cod-goobjooge.mp3 View the full article -
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-01092019.mp3 View the full article
-
As bizarre as it might sound, al Shabaab militants seem to now find a short cut to legally take over reins of power secretly through the ballot, with help from clan chiefs rather than with the violence often associated with them. Source: Hiiraan Online
-
Gudiga amniga dowlad goboleedka Jubbaland, Oo kulan degdeg ah iskugu yimid ayaa war saxaafadeed Ka soo saaray xariga loogu geystay Muqdisho Wasiirka Amniga Jubbaland. Halkaan ka akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa xaqiijisay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay shalay xireen Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland. Taliyaha Ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Generaal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Wasiir janan uu yahay eedaysane isla markaana Boolisku baaritaan ku haayo kiisa loo haysto Wasiirka Amniga Gudaha Jubaland Cabdirashiid Janan. “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska” ayay tiri Zakiya Xuseen Axmed. Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Kiiska loo heysto C/rashiid Janan ay haatan baarayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa shalay waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ku Xiray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya Xili safar u ahaa Dalka Itoobiya. C/rashiid Janan ayaa horay Xeer Ilaalinta u jartay ruqsad xarig ah, inkastoo warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir bishii April lagu buriyay amarkii soo qabashada iyo horkeenid Maxkamadeed ee ka yaallay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowlada Jubbaland ayaa ka digtet cawaaqi xumada ka imaan karat Xariga Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Xasan Cabdinuur Janan Loogu heystay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Shir deg [...] Source