Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,358
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), ayaa lacag ku soo rogay Shirkadaha iyo shaqsiyaadka Gaadiidka leh islamarkaana dhigta qaybta Baakinka ee Airport-ka magaalada Muqdisho. Caasimada Online oo la hadashay qaar kamid ah darawaliinta ka shaqeeyo Garoonka Aadan Cadde ayaa waxay noo sheegeyn in saacad kasta oo kamid ah inta gaariga Baakinka ku jiro lacag laga rabo milkiilaha Gaarig, waxaana loo kala qaaday laba qayb oo kale ah. Gaadiidka ka diiwaan gashan Airport-ka isalmarkaana ka shaqeeyo Gudaha Garoonka ee dadka qaada nuuc kasta oo kamid ah Saacadiiba waxaa laga rabaa lacag dhan $2 dollar, mana jirto wax Saacad ka yar oo la kireeyo. Iyo gaadiidka aan ka shaqeynin garoonka balse ay wataan shaqsiyaadka katirsan Shaqaalaha Gobalka ama dad kalaba oo iyagana laga rabo lacag gaareysa $3, Saacadiiba. Sidoo kalane ma jirto wax Saacad ka yar oo la kireeyo. Qof ka tirsan shaqaalaha Airport-ka Muqdisho oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in haddii gaari la dhigo Baakinka Airport-ka ay ku waajibeyso lacagta aan soo sheegnay, xataa hadii uu 5 daqiiqo yaalo Baakinka. Qaybta Gaadiidka la dhigto ee Airport-ka magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga taagay Tabeelayaal ay ku qorantahay sharuudaha bixinta lacagta iyo qaababka loo bixin doono. Sidoo kale waxaa boorarka qaarkood ku qoran digniino loo jeedinayo qofkii bixin waayo lacagtaasi, waxaana la sheegay in Talaabo adag laga qaadi doono qofkii diida oo Islamarkaana gaari soo dhigta Baakinka. Gaadiidleyda ayaa hadii ay ka baaqsadaan Baakinkaas, heli doonin shaqooyinkii ay qabsan jireen oo ah in Garoonka gudahiisa laga soo qaado ama la geeyo dadka Safraya. Sharcigaan oo hadda ku cusub Soomaaliya ayaa dhanka kale ah Sharci si guud ugu jira wadamada Caalamka marka laga reebo kuwa aan badneen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Kismaayo-(Caasimada Online) – Amarkii dowladda federaalka ee ahaa in diyaaradaha ka duulaya Kismaayo ama ka dagaya ay khasab tahay inay maraan Garoonka Aadan-Cadde ee Muqdisho ayaa saameeyey dhamaan degmooyinka garoomada leh ee uu ka arimiyo maamulka Jubbaland. Waxaa isi-soo taraya cabashooyinka ay jeedinayaan shacabka ku nool dhamaan degmooyinka Jubbaland iyo shirkadaha duulimaadyada, kuwaas oo si isku mid ah uga cabanaya amarka xukuumadda federaalku ay kusoo rogtay duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Cabashada xayiraadaan kuma koobna oo kaliya Kismaayo ee waxaa la qaba dhamaan degmooyinka Jubbaland sida, Garbahaarey, Doolow, Baar-dheere, Ceel-waaq, Dhoobley, Luuq iyo degmooyin kale oo dhaca dhulka uu ka arimiyo dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale caqabada ka dhex jirta degmooyinkaas ayaa ah in waddooyinka la iskugu socdaalo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, sidaas darteedna aysan dad badan safar dhulka ah wadooyinkaas ku gali karin. Hadii uu Kismaayo ka raaco diyaarad qofkii u socda mid kamid ah degmooyinka kale ee Jubbaland waxay diyaaraddu la aadeysaa Muqdisho, markii lagu baaro Aadan-Cadde ayeyna mar kale u duuleysaa degmooyinka kale ee Jubbaland, waxaana ruuxa safarka ah ka baxaya kharash Seddax ugu jubaarma kii hore. Shirkadaha diyaaradaha ee xaafiisyada ku leh magaalada Kismaayo ayaa iyaguna cabasho weyn ka muujiyey xayiraadda xukuumadda, iyagoo ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xal looga gaaro arintaan. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Somaliland ayaa albaabada isugu laabay isla markaana xabsiga dhigay shaqaale maqaayad ay leeyihiin muwaadiniin u dhashay dalka Itoobiya oo ku taal magaalada Burco. Shaqaalaha iyo milkiilaha maqaayadaan oo lagu magacaabo Warsan ayaa lagu eedeeyay waxyaabo anshaxa diinta Islaamka ka dhan ah ah, waxaana maqaayadaan ay caan ku tahay bunka iyo canjeero xabashiga. Maqaayadaan oo ay hirgeliyeen dumar u dhashay Itoobiya ayaa caan ku ah in macaashiisa ka cunteeynaayo loo skido music dabacsan, taasoo ay ka hor yimaadeen isla markaana anshax xumo u arkay culimada magaalada Burco. Ciidamo boolis ah ayaa gaadiid ku guracay shaqaalaha maqaayadaan oo dhamaantood ahaa Itoobiyaan. Culimada Burco ayaa cabasho iyo dacwo ka gudbiyay maqaayadaan iyagoo ku eedeeyay in ragga iyo dumarka is-dhex fariistaan isla markaana laga shido music dabacn. Magaalada Burco ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka culimada ay ku badan yihiin ee kasoo horjeeda waxyaabaha mungurka iyo diinta xanibtay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. In part one of the series of articles on past political elections in Somalia, (vide Hiiraan Online of August 19, 2019), we dealt with the 1956 parliamentary elections, the first in the country. Source: Hiiraan Online
  5. Garoowe (Caasimadda Online )- Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta, iyadda oo wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in Dowladda Imaaraadka Carabtu Mushaharkii ka jartay Taliyaha ciidamada Badda Puntland, Agaasimaha Ciidanka iyo ku xigeenka agaasimaha Ciidanka Badda. Kiiska mushaar jarida ayaa la xaqiijiyay inuu la xiriiro diyaaradii lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Qardho ee siday saanada Milateri taas oo ay ku fashilmeen masuuliyiinta mushaaar joojinta lagu sameeyay in ay xaliyaan xiisada diyaarada la xanibay. Saanada Milateri ee saaran diyaaradda weli xaniban ayaa waxaa ku qoran nin u dhashay dalka Imaaraadka oo lagu magacaabo Abdalla Habib iyo ku xigeenka ciidamada agaasimaha Badda Axmed Qaloombi. Mushaharka laga jaray taliyayaasha ciidamada Badda Puntland iyo agaasinka ciidamada ayaa loo arkaa in ay tahay mid kor u sii qaadeysa fashilka danaha Imaaraadka Carabtu ka leeyahay deegaanada Puntland. Dhinaca kale, dareenka iyo hadal haynta ugu badan ee shacabku isla dhexmarayaan ayaa ah tuhunka laga qabo in wada shaqeyn ka dhexeyso Imaaraadka Carabta iyo kooxda Shabaab ee saldhiga ku leh Buuraha Galgala.
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanha-____-Wararka-01092019.mp3 View the full article
  7. Tokyo (Caasimada Online) – Talaabo naadir ah, diblumaasi sarre oo u dhashay waddanka Eritrea ayaa si furan wuxuu u codsaday in dib loogu soo celiyo dhalasho uu sheegtay in uu ka haystay Soomaaliya. Estifanos Afwerki, oo sidoo kale ah safiirka xukuumadda Casmara u fadhiya dalka Japan, ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in la siiyey dhalashadaasi sanadku markuu ahaa 1983-dii kahor burburkii. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu hoosta uga xariiqay in uu dalabkaan hordhigay madaxweyne Farmaajo oo ay ku kulmeen garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah ee Tokyo. Farmaajo oo galabnimadii Axadda dib ugu laabtay Muqdisho, magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika, ayaa waxa uu Japan uga qeybgalay shirka iskaashiga wadankaasi iyo qaaradda Afrika. “Waxaan madaxweyne Farmaajo maanta ku waydiistay garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO in uu si naxariisleh uga caawiyo in la ii cusbooneysiiyo dhalashadeyda Soomaaliya oo aan helay 1983-dii: Hal dad #Eritrea,” ayuu yiri. Ma cadda jawaabta uu Farmaajo siiyey danjiraha, walina Villa Soomaaliya kama jawaabin arrintan, inkasta oo isku dayo la doonayey in wax looga waydiiyo aysan ka jawaabin. Soomaaliya ayaa sooyaal u leh in ay dhalashooyin siiso ajaaniibta kasoo jeeda wadamada doorka firfircoon ka qaatay halgankii uu dalku xorriyadda kaga soo ceshtay isticmaarkii Talyaaniga iyo Britain. Isha: Garowe Online
  8. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddiga u xil saaran wajiga labaad ee dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida kulanka dhex maray guddiga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay sida ay u socdaan howlaha guddiga iyo dardar-gelinta dib-u-habeynta ciidamada Qaranka, si loogu guuleysto howlaha dib-u-dhiska ciidamada. Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay shaqooyinka ay soo qabteen intii ay ku jireen wajiga labaad dib-u-qaabeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray in ay dardar-geliyaan howlaha ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Wejiga labaad dib-u-habeynta ciidamda ayaa ka kooban in ciidamada la diiwaan geliyay lagu hubiyo goobahii laga diiwaan geliyay, in la qiimeeyo baahiyaha ciidamada ee saanad iyo hub, in la qiimeeyo Dhismaha xeryaha ciidamada oo lagu saleynayo tirakoobkii la sameeyay, tayeyn ciidamda iyo qiimeynta dhanka tababarrada ay u baahan yihiin. View the full article
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa hakad galay wadahadallo maalmihii la soo dhaafay Dhuusamareeb uga socday hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka oo ay matalayeen Wasiirrada Amniga iyo Arimaha Gudaha. Sababta ay hakadka u galeen wadahadalladaas ayaa sida ay xogta ku helso Caasimada Online waxey tahay in meelaha qaar heshiisyadii ay galeen dhinacyadu oo looga maarmi waayey inuu goobjoog ka noqdo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Arrimaha la’aantiis socon waayey Kheyre waxaa ka mid ah lacag aan la shaacin cadadkeeda oo ku jirta heshiiska ay wada galeen Ahlu-Sunna iyo xukuumadda federaalka iyo saamiga ay Ahlu-Sunna ku yeelaneyso maamulka cusub ee loo dhisayso Galmudug. Waxeyna Ahlu-Sunna ku adkeysatay inaysan jirin wax kulan ah oo sii socan kara hadii uusan Dhuusamareeb tagin Ra’iisul Wasaare Kheyre. Dhinaca kale cawaa ayaa xarunta Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb oo ah halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa waxaa munaasabad loogu qabanayaa Ergada beelaha Galmudug ku mataleysa shirka dib u heshiisiinta. Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo xubnaha guddiga dib u heshiisiinta ayaa kasoo qeyb galaya munaasabadda waxaana lagu wadaa in isla caawa la shaaciyo xiliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaya cusub ee gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa looga hadlay horumarinta gobalka, sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda. Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay howluhu u socdaan iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyneyso fulinta qorshayaasha horumarineed, ayaa guddoomiyaha faray in maamulka gobalku la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda dalka. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Magaalada Yokohama.ee Dalka Jabaan kaga soo qeyb galay shir weynaha 7-aad ee horumarinta Afrika (TICAD7). ‪Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Japan waxa uu wada hadallo miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas, Shinzo Abe, isagoo Madaxweynuhu ugu mahad celiyay soo dhoweyntii diirranayd ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa intii ay halkaasi ku sugnaayeen. Wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hooyay safarkii ay ku tageen Dalka Jabaan, iyagoo sidoo kale la kulmay intii ay halkaasi ku sugnaayeen madax ka tirsan Banggiga Adduunka qeybtiisa Afrika, iyagoo ka wada hadlay dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto dib u habaynta maaliyadda , deyn cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-01092019.mp3 View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Hadalkii Taliye Nuux Taani Oo Xaal Laga Bixiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Tel-aviva)-Raysal-wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali ayay Axadda Maanta Dalka Isreal uga bilaabantay booqasho laba Maalmood ah. Raysal-wasaare Abyi Axmed oo xilka Raysal-wasaaraha loo doortay bishii April ee sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii, ayaa Axadda gaadhay Magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Isreal, ayaa si toos ah kulan Xafiiskiisa ugula yeeshay Raysal-wasaaraha Isreal, Benjamin Netanyahu. Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa markii uu gaadhay Tel Aviv wuxuu Tacsi u diray ehelada Illaa Saddex Qof oo Isrealiyiin ah oo siyaabo kala duwan ugu Geeriyooday Itoobiya, waxaanu sheegay in dhimashada Dadkaasi oo midkood ku geeriyooday Diyaaraddii Itoobiya ee bishii March ee sannadkan burburtay ay si wada jir ah ugu muruuganayaan labada Dalba, maaddaama oo ay yihiin Walaalo, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb-galay Dad Isrealiyiin ah oo wakhti hore ku noolaa Itoobiya, sida uu baahiyey Wargeyska Jerusalem Post. Dhinaca kale, Raysal-wasaaraha Isreal oo si wanaagsan u soo dhaweeyay Dhiggiisa Itoobiya, ayaa bogaadiyey isbeddello lagu horumarinayo dhaqaalaha Itoobiya oo Raysal-wasaare Abyi sameeyay muddadii uu xilka hayey. Raysal-wasaaraha Isreal wuxuu sheegay inay dhiirigelinayaan Maalgeshi Dadka reer Isreal ku samaystaan, maaddaama oo Dad badan oo Isrealiyiin-Itoobiyaan ahi ku nool yihiin Itoobiya. Labada Masuul oo si wada jir ah u qabtay Shir-jaraa’id ayaa sidoo kale ka hadlay Arrimo khuseeya Xidhiidhka ka dhexeeya Dalalkooda. Raysal-wasaaraha Itoobiya oo Dalka Japan kaga qayb-galay Shirkii Horumarinta Afrika ee lagu qabtay Magaalada Yokohama ee Japan, ayaa isagoon dib ugu soo laaban Dalkiisa Itoobiya, wuxuu cagtiisii labaad ku gaadhay Isreal. Source
  15. (SLT-Yemen)-Deraasiin Dad ah ayaan ku dhintay Duqaymo ay Xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadku hoggaaminayaan la beegsadeen Xabsi ku yaaalla Galbeedka Dalka Yemen, sida laga xoo xigtay Jabhadda Xuutiyiinta. Yuusuf al-Hadri oo ah Afhayeenka Wasiirka Caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 60 Qof ay ku dhinteen Duqaymo diyaaradaha Xulafadu la beegsadeen goob Xabsi ahaan loo isticmaalo oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Dhamar. Wuxuu intaa ku daray inay dhaawacmeen illaa 50 Qof, sida uu u sheegay Afhayeenku, Telefiishanka Xuutiyiinta ee loo yaqaano Al Masirah TV. Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in goobta la duqeeyay lagu hayey Maxaabiis Dagaal oo gaadhaya 185. Laakiin, War ka soo baxay Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Xulafadu beegsadeen goob millateriga Xuutiyiintu leeyihiin oo ku taalla dhamar, isla-markaana burburiyeen goob ay ku kaydsanaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka iyo Gantaallo. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Dadweynaha Reer Hargeysa Oo Dareenka Celiyay Hadalkii Taliye Nuux Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaya cusub ee gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa looga hadlay horumarinta gobalka, sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda. Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay howluhu u socdaan iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyneyso fulinta qorshayaasha horumarineed, ayaa guddoomiyaha faray in maamulka gobalku la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda dalka. Kulanka maanta ayaa imanaya, ayada oo Kheyre iyo Filish uu ka dhaxeeyo khilaaf salka ku haya Ciidamada maamulaya Aqalka Dowladda Hoose iyo go’aanka amniga Muqdisho. Cumar Filish, duqa cusub ayaa dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir kadib markii Saadaq John iyo Cumar Filish isku maan dhaafeen Ciidamo uu Cumar Filish keensaday Aqalka Dowladda Hoose, taasi oo Kheyre uu diiday.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn uga soo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka ayaa si weyn u cambaareeyey falkii ay Dowladda ku xayirtay diyaaradaha tago Magaalada Kismaayo. Cabdiraxmaan ayaa si waydiiyey Bini’aadanimada ay Dowladda Soomaaliya ka fiirisay deegaanada Shabaabka ay joogaan ee aan laga fiirin Shacabka Jubbalanad. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook Dawlada Federaalka ah waxay diiday in Al- shabaab lagu daro liiska ururada argagixisada ah ee Al-Qaacida, Dhaaliban iyo Daacish ku jiraan ee hoos dhaca go’aanka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 1267. Waxay dawladu ku dooday sababo la xiriira bani’aadanimo. Waxaase la yaab leh in dawladu ay cunaqabatayso shacabka Jubbaland oo hawada iyo baddaba ka xirto. Kiiska bani’aadanimo ee deegaanada ay Alshabaab xukumaan loo fiiriyey ee aan shacabka Jubbaland loo tixgelin muxuu yahay? Halkaan waxaa ka cad in maamulka Villa Somalia ka arrimiyaahi uu Alshabaab cadaw u aqoon ee cadawgoodu yahay cidii ay aragtida siyaasadeed iyo xukunka isku qabtaan. Haddaba haddii xukuumadii dhaqankeedu sidaa yahay, aaway labadii aqal ee Baarlamaanka? Aaway guddoonkii Baarlamaanka labada aqal? Mise Waxay noqdeen shaabad lagu dhufsado wixii la doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo looga warbixiyay Kulanka ayaa lagu sheegay in mudane Khayre iyo guddoomiyaya cusub ay ka wada-hadleen horumarinta gobolka Banaadir iyo sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda Muqdisho. Guddoomiye Filish ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay u socdaan hawlaha gobolka iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isna guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyn doonto fulinta qorshayaasha horumarineed ee gobolka isagoo faray in uu la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  20. KISMAYO (HOL) - Jubbaland has protested the arrest of its Security Minister in Mogadishu terming it a violation of the constitution. Source: Hiiraan Online
  21. G/sare Dhool-gu’ Dowladda Puntland ayaa la xaqiijiyay in ay xabsiga magaalada Garoowe dhigtay taliyihii qeybta Booliiska gobolka Cayn ee Puntland G/sare Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu’). Taliyaha oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Garoowe ayaa xabsiga la dhigay kadib markii sida la sheegay uu diiday amar ay siiyeen taliska Booliiska Puntland oo la xiriiray in uu dib u-habayn ku sameeyo Booliiska gobolka Cayn islamarkaana shaqada ka cayriyo askarta aan sida joogtada ah u hawl-gelin. Warbaahinta Puntland Post ayaa la xiriirtay taliyaha Booliiska Puntland iyo ku xigeennadiisa si ay faahfaahin uga hesho xarigga sarkaalkaasi balse midkoodna kama jawaabin taleefonka. Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post The post Taliye ciidan oo lagu xiray magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dalsan Media Group oo ah Warbaahin ka kooban Idaacad iyo TV, oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogaysa wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Ducaale ayaa lagu eedeeyey in ilaaladiisa ay 24/8/2019 rasaas ku fureen gaari ay la socdeen ilaa afar ka mid ah shaqaalaha Dalsan Media. Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee wadadda Maka Al-mukarama, waxaana Dalsan Media Group ay sheegtay in rasaas si ku talagal ah loogu furay gaariga shirkadda Dalsan Media Group, taas oo dhalisay khasaaro soo gaaray gaarigga, iyadoo shaqaalihii la socday ay ka badbaadeen, balse ay la kulmeen dhaawac maskaxeed qaarkoodna ilaa iyo haatan ay la il daran yihiin maadaama ku dhawaad 40-Xabadood ay jaha kasta kaga dhacday Gaarigga. Qareenka u doodaya Dalsan Media Group Daahir Maxamed Cali (Daahir Carab) ayaa warqad Ogeysiin Sharci ah Maanta u diray Wasiirka amniga iyadoo la ogeysiiyey wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, taasoo ku saabsan dhacdadii 24-kii Agoosto. Qoraalka loo diray Wasiirka Islow ayaa looga dalbaday inuu xaliyo falkii lagu rasaaseeyey Gaarigga Dalsan TV isagoo mudeeyey inu ku xaliyo muddo 7-maalmood ah, wuxuuna intaas ku daray in Madaxda Dalsan Media Group ay dhowr jeer la xiriireen Wasiir Islow si ay arrintaas ay ugala hadlaan, hase’ahaatee aanu ka Jawaabin. Qareen Daahir Carab ayaa qoraalkiisa ku wargeliyey Wasiirka Amniga inuu muddo 7 maalmood ah xal uga gaaro arrintan lana xiriiro madaxda Dalsan Media Group, taas oo haddii aysan dhicin uu raadin doono dariiq sharci ah oo kale si loo difaaco xuquuqda wakiiladiisa. Halkaan Ka Akhriso Warqadda Qareenka Difaacaya Dalsan Media Group