-
Content Count
209,373 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-02092019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka horyimid heshiiskii 31-kii bishii hore dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub ay ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho, kaas oo loogu magac daray duqii hore ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho marxuum Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka aysan saxiixi karin heshiis ama mashruuc laga fulinayo deegaanadeeda. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in kaalmada beesha caalamka si toos ah iyaga loogala xaajoodo, islamarkaana aysan qaadan doonin mashruuc loo soo mariyey meelo kale. Waxa kale oo ay Somaliland ku goodisay in mashruuca Midowga Yurub uusan ka fuli doonin magaalada xeebta ku taalla ee Bebera. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo labo maaĺin ka hor xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay kala saxiixdeen heshiis la xariira dhismaha waddooyinka iyo horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Halkan hoose ka akhriso. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidamada Booliska Soomaliyeed oo dil u geystay allaha u naxariistee Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday wax ka baranayey magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. 26 july sanadkan ayuu dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir. Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday dhiganayay School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay. Isla xilligii uu geystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen, waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta oo ah goobta laga dhaqaajiyo gal dacwadeedka. Maalin kadib ayay Garsoorayaasha u direen xabsiga dhexe Eedeysanaha garsuge ahaan. 19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane. Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka, warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47. Markaatiyaasha Maxkamadda hortaagnaa oo laba ahaa ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka geystay uu umuuqday mid isticmaalay wax yaabaha Maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha I dilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane. Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah. Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan miirkiisa joogin. Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda ayaa ka furan rafcaan muddo la siman bil xukunka kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ay yeesheen wadahadal dhinaca Telephone-ka, ayna kawada hadleen Xaaladda Maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa soo wacay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ugu yaraan laba jeer todobaadkaan, markii ay Golaha Wasiirada amarka ku soo rogeen Socdaalka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay Xaaladda Jubbaland, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu Kheyre ka dalbaday in uu la kulmo islamarkaana uu soo dirsado wakiilo si loo xaliyo Khilaafka labada dhinac. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa la sheegay in uu ogolaaday in Xukuumadiisa ay wadahadal la gasho hogaanka Axmed Madoobe, islamarkaana ay dhawaan bilaaban doonto wadahadalka dhinacyada. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Kheyre u sheegay in magaalada Muqdisho u soo diri doono masuuliyiin ka socda maamulkaasi iyo Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo dhinaciisa ku matali doono wadahadalka Muqdishana lagu qaban doono. Dad badan ayaa aaminsan in Xasan Cali Kheyre, uu raali ka yahay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe, islamarkaana wadahadal Xiriir hoose ah u dhaxeeyo labadan hogaamiye. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa wada dedaalo ay ku doonayaan in ay isu keenaan madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ku kala aragti duwan doorashadii ka dhacday Kismaayo 22-kii bishii hore, taas oo uu ku soo baxay Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale Axmed Madoobe uu dhowaan warqad u qoray madaxweyne Farmaajo, balse aan weli looga soo jawaabin, ayada oo madaxweynaha uu aaminsan yahay in Axmed Madoobe uusan sharci ahayn, oo uusan mudneyn in lala hadlo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Critics have questioned the stand of Somalia on the fight against Al-Shabaab after Mogadishu made two decisions against Kenya, as a new report detailed continued revenue collection by the group under the nose of President Mohamed Abdullahi Mohamed’s - alias Farmaajo- government. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in Ururka Al-Shabaab ay saddaxdii bilood ee u dambeysay kordhiyeen Canshuurta ay ka qaadaan shacabka ku nool Muqdisho. Al-Shabaab ayaa hadda Canshuura goob kasta oo ganacsi oo ku taala Muqdisho, waxeyna toos ula socdaan waxa ku jira Kunteenar kasta oo laga dajiyo Dekedda weyn ee Muqdisho. Markii laga soo tago ganacsatada ay Al-Shabaab bil walba ka qaadaan Canshuurta, waxaa jira Xaafiisyo u diiwaan gashan dowladda oo si joogto ah ay dhaq-dhaqaaqooda ula socdaan Al-Shabaab. Xaafiisyadaas waxaa ka mid ah Notaayooyinka lagula kala wareego gaadiidka, guryaha, beeraha, dhulalka ama boosaska iyo hadii loo baahdo hubka, oo xili walba ay la socdaan Al-Shabaab hantida ay dadka u kala wareejinayaan. Marka laga soo tago saamiga ay ku leeyihiin Notaayada wax walba oo ay ku kala wareegaan labo dhinac, waxay Shabaab gaar ula xariiraan dhinacyadii wax kala iibsaday. Muqdisho xataa xarumaha Timaha lagu jarto waa Canshuuraan Al-Shabaab, qofka ganacsadaha ah ee Canshuurta ay ka qaadaan uma sheegi karo inta laga qaaday ruuxa ay shaqa wadaagta yihiin ee iska leh meheradda ku dhagan. Nin meherad timaha lagu jarto ku leh waddada Maka Al-mukaramah ee Muqdisho ayaan kasoo xiganay “Meheradaan dadkii lahaa waxey bishii iga ijaareen lacag dhan 300 oo dollar, dowladda ayaa iga qaada Canshuur, sidoo kale waxaan dhiibaa Canshuur kale oo ay iga qaado Arsenal.” Magaca Arsenal ayuu kala jeeday Al-Shabaab waxuusa ka gaabsaday inuu ila wadaago inta ay dhantahay lacagta uu dhiibo iyo halka uu u marsiiyo, ganacsadahaas sida kalsoonida ah iigu sheegtay inuu bixiyo canshuur ay ka qaadaan Al-Shabaab. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka hadlay doorashadii Axmed Madoobe loogu doortay madaxweynaha Jubbaland. Faysal Cali ayaa ugu horeyntii Axmed Madoobe ugu hambalyeey xilka uu markale ku guuleeystay ee hogaaminta Jubbaland, isagoona shuruud ku xidhay inuu ka qeyb-galo caleemo saarkiisa. Faysal ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay door weyn ka qaadan doonaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee soo socota, isagoona taasi ku micneeyay in ay ka hortagayaan waxyaabo socda oo uu ku sheegay in aan loo dulqaadan karin. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Axmed Madoobe waanu tahniyadeynayna, anigu ma jecli in Soomaaliya shan qabiilo loo qeybiyo, laakiin mar hadey ku heshiiyen in faro-gelinta laga daayo weeyi, weliba hadey meesha nabad-gelyadeedu ay fiicantahay caleemo saarkiisa wan tagayaa insha-allah”. Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliya waxay maanta gacanta ugu jirtaa gacmo shisheeye, waxaana ka talinaya waddamo aynu garaneyn. Inagay na sugeysa Soomaaliya, waxaana jecelnahay in aan gacan ka geysano doorashada soo socota, waxaana kala dagaalamayna in uu dagaal qabaa’iil ka dhicin, waayo waxa socda wax loo dulqaadan karo maaha, waadna aragteen wixii baydhabo ku dhacay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Safiirka Eritrea ee Japan ayaa shaaca ka qaaday inuu codsaday in dhalashadiisa Soomaaliya dib loogusoo celiyo Kadib kulan uu Madaxweyne Farmaajo kula yeeshay garoonka diyaaradaha ee Narita Tokyo. “Waxaan ka codsaday madaxweynaha FORMAJO maanta garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO inuu si naxariis leh iiga caawiyo dib-u-cusboonaysiinta jinsiyadda Soomaaliya ee la ii siiyay 1983” Qaran News
-
xiisadda ka dhex aloosan Puntland iyo Imaaraadka oo xoogaystay+Diyaaradii Hubka siday oo Xayiran iyo Cida ku qoran Hubka Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta, iyadda oo wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in Dowladda Imaaraadka Carabtu Mushaharkii ka jartay Taliyaha ciidamada Badda Puntland, Agaasimaha Ciidanka iyo ku xigeenka agaasimaha Ciidanka Badda. Kiiska mushaar jarida ayaa la xaqiijiyay inuu la xidhiidho diyaaradii lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Qardho ee siday saanada Milateri taas oo ay ku fashilmeen masuuliyiinta mushaaar joojinta lagu sameeyay in ay xaliyaan xiisada diyaarada la xanibay. Saannada Milateri ee saaran diyaaradda weli xaniban ayaa waxaa ku qoran nin u dhashay dalka Imaaraadka oo lagu magacaabo Abdalla Habib iyo ku xigeenka ciidamada agaasimaha Badda Axmed Qaloombi. Mushaharka laga jaray taliyayaasha ciidamada Badda Puntland iyo agaasinka ciidamada ayaa loo arkaa in ay tahay mid kor u sii qaadeysa fashilka danaha Imaaraadka Carabtu ka leeyahay deegaanada Puntland. Dhinaca kale, dareenka iyo hadal haynta ugu badan ee shacabku isla dhexmarayaan ayaa ah tuhunka laga qabo in wada shaqeyn ka dhexeyso Imaaraadka Carabta iyo kooxda Shabaab ee saldhiga ku leh Buuraha Galgala. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), ayaa lacag ku soo rogay Shirkadaha iyo shaqsiyaadka Gaadiidka leh islamarkaana dhigta qaybta Baakinka ee Airport-ka magaalada Muqdisho. Caasimada Online oo la hadashay qaar kamid ah darawaliinta ka shaqeeyo Garoonka Aadan Cadde ayaa waxay noo sheegeyn in saacad kasta oo kamid ah inta gaariga Baakinka ku jiro lacag laga rabo milkiilaha Gaarig, waxaana loo kala qaaday laba qayb oo kale ah. Gaadiidka ka diiwaan gashan Airport-ka isalmarkaana ka shaqeeyo Gudaha Garoonka ee dadka qaada nuuc kasta oo kamid ah Saacadiiba waxaa laga rabaa lacag dhan $2 dollar, mana jirto wax Saacad ka yar oo la kireeyo. Iyo gaadiidka aan ka shaqeynin garoonka balse ay wataan shaqsiyaadka katirsan Shaqaalaha Gobalka ama dad kalaba oo iyagana laga rabo lacag gaareysa $3, Saacadiiba. Sidoo kalane ma jirto wax Saacad ka yar oo la kireeyo. Qof ka tirsan shaqaalaha Airport-ka Muqdisho oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in haddii gaari la dhigo Baakinka Airport-ka ay ku waajibeyso lacagta aan soo sheegnay, xataa hadii uu 5 daqiiqo yaalo Baakinka. Qaybta Gaadiidka la dhigto ee Airport-ka magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga taagay Tabeelayaal ay ku qorantahay sharuudaha bixinta lacagta iyo qaababka loo bixin doono. Sidoo kale waxaa boorarka qaarkood ku qoran digniino loo jeedinayo qofkii bixin waayo lacagtaasi, waxaana la sheegay in Talaabo adag laga qaadi doono qofkii diida oo Islamarkaana gaari soo dhigta Baakinka. Gaadiidleyda ayaa hadii ay ka baaqsadaan Baakinkaas, heli doonin shaqooyinkii ay qabsan jireen oo ah in Garoonka gudahiisa laga soo qaado ama la geeyo dadka Safraya. Sharcigaan oo hadda ku cusub Soomaaliya ayaa dhanka kale ah Sharci si guud ugu jira wadamada Caalamka marka laga reebo kuwa aan badneen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo-(Caasimada Online) – Amarkii dowladda federaalka ee ahaa in diyaaradaha ka duulaya Kismaayo ama ka dagaya ay khasab tahay inay maraan Garoonka Aadan-Cadde ee Muqdisho ayaa saameeyey dhamaan degmooyinka garoomada leh ee uu ka arimiyo maamulka Jubbaland. Waxaa isi-soo taraya cabashooyinka ay jeedinayaan shacabka ku nool dhamaan degmooyinka Jubbaland iyo shirkadaha duulimaadyada, kuwaas oo si isku mid ah uga cabanaya amarka xukuumadda federaalku ay kusoo rogtay duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Cabashada xayiraadaan kuma koobna oo kaliya Kismaayo ee waxaa la qaba dhamaan degmooyinka Jubbaland sida, Garbahaarey, Doolow, Baar-dheere, Ceel-waaq, Dhoobley, Luuq iyo degmooyin kale oo dhaca dhulka uu ka arimiyo dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale caqabada ka dhex jirta degmooyinkaas ayaa ah in waddooyinka la iskugu socdaalo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, sidaas darteedna aysan dad badan safar dhulka ah wadooyinkaas ku gali karin. Hadii uu Kismaayo ka raaco diyaarad qofkii u socda mid kamid ah degmooyinka kale ee Jubbaland waxay diyaaraddu la aadeysaa Muqdisho, markii lagu baaro Aadan-Cadde ayeyna mar kale u duuleysaa degmooyinka kale ee Jubbaland, waxaana ruuxa safarka ah ka baxaya kharash Seddax ugu jubaarma kii hore. Shirkadaha diyaaradaha ee xaafiisyada ku leh magaalada Kismaayo ayaa iyaguna cabasho weyn ka muujiyey xayiraadda xukuumadda, iyagoo ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xal looga gaaro arintaan. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Somaliland ayaa albaabada isugu laabay isla markaana xabsiga dhigay shaqaale maqaayad ay leeyihiin muwaadiniin u dhashay dalka Itoobiya oo ku taal magaalada Burco. Shaqaalaha iyo milkiilaha maqaayadaan oo lagu magacaabo Warsan ayaa lagu eedeeyay waxyaabo anshaxa diinta Islaamka ka dhan ah ah, waxaana maqaayadaan ay caan ku tahay bunka iyo canjeero xabashiga. Maqaayadaan oo ay hirgeliyeen dumar u dhashay Itoobiya ayaa caan ku ah in macaashiisa ka cunteeynaayo loo skido music dabacsan, taasoo ay ka hor yimaadeen isla markaana anshax xumo u arkay culimada magaalada Burco. Ciidamo boolis ah ayaa gaadiid ku guracay shaqaalaha maqaayadaan oo dhamaantood ahaa Itoobiyaan. Culimada Burco ayaa cabasho iyo dacwo ka gudbiyay maqaayadaan iyagoo ku eedeeyay in ragga iyo dumarka is-dhex fariistaan isla markaana laga shido music dabacn. Magaalada Burco ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka culimada ay ku badan yihiin ee kasoo horjeeda waxyaabaha mungurka iyo diinta xanibtay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
In part one of the series of articles on past political elections in Somalia, (vide Hiiraan Online of August 19, 2019), we dealt with the 1956 parliamentary elections, the first in the country. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimadda Online )- Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta, iyadda oo wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in Dowladda Imaaraadka Carabtu Mushaharkii ka jartay Taliyaha ciidamada Badda Puntland, Agaasimaha Ciidanka iyo ku xigeenka agaasimaha Ciidanka Badda. Kiiska mushaar jarida ayaa la xaqiijiyay inuu la xiriiro diyaaradii lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Qardho ee siday saanada Milateri taas oo ay ku fashilmeen masuuliyiinta mushaaar joojinta lagu sameeyay in ay xaliyaan xiisada diyaarada la xanibay. Saanada Milateri ee saaran diyaaradda weli xaniban ayaa waxaa ku qoran nin u dhashay dalka Imaaraadka oo lagu magacaabo Abdalla Habib iyo ku xigeenka ciidamada agaasimaha Badda Axmed Qaloombi. Mushaharka laga jaray taliyayaasha ciidamada Badda Puntland iyo agaasinka ciidamada ayaa loo arkaa in ay tahay mid kor u sii qaadeysa fashilka danaha Imaaraadka Carabtu ka leeyahay deegaanada Puntland. Dhinaca kale, dareenka iyo hadal haynta ugu badan ee shacabku isla dhexmarayaan ayaa ah tuhunka laga qabo in wada shaqeyn ka dhexeyso Imaaraadka Carabta iyo kooxda Shabaab ee saldhiga ku leh Buuraha Galgala.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanha-____-Wararka-01092019.mp3 View the full article
-
Tokyo (Caasimada Online) – Talaabo naadir ah, diblumaasi sarre oo u dhashay waddanka Eritrea ayaa si furan wuxuu u codsaday in dib loogu soo celiyo dhalasho uu sheegtay in uu ka haystay Soomaaliya. Estifanos Afwerki, oo sidoo kale ah safiirka xukuumadda Casmara u fadhiya dalka Japan, ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in la siiyey dhalashadaasi sanadku markuu ahaa 1983-dii kahor burburkii. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu hoosta uga xariiqay in uu dalabkaan hordhigay madaxweyne Farmaajo oo ay ku kulmeen garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah ee Tokyo. Farmaajo oo galabnimadii Axadda dib ugu laabtay Muqdisho, magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika, ayaa waxa uu Japan uga qeybgalay shirka iskaashiga wadankaasi iyo qaaradda Afrika. “Waxaan madaxweyne Farmaajo maanta ku waydiistay garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO in uu si naxariisleh uga caawiyo in la ii cusbooneysiiyo dhalashadeyda Soomaaliya oo aan helay 1983-dii: Hal dad #Eritrea,” ayuu yiri. Ma cadda jawaabta uu Farmaajo siiyey danjiraha, walina Villa Soomaaliya kama jawaabin arrintan, inkasta oo isku dayo la doonayey in wax looga waydiiyo aysan ka jawaabin. Soomaaliya ayaa sooyaal u leh in ay dhalashooyin siiso ajaaniibta kasoo jeeda wadamada doorka firfircoon ka qaatay halgankii uu dalku xorriyadda kaga soo ceshtay isticmaarkii Talyaaniga iyo Britain. Isha: Garowe Online
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddiga u xil saaran wajiga labaad ee dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida kulanka dhex maray guddiga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay sida ay u socdaan howlaha guddiga iyo dardar-gelinta dib-u-habeynta ciidamada Qaranka, si loogu guuleysto howlaha dib-u-dhiska ciidamada. Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay shaqooyinka ay soo qabteen intii ay ku jireen wajiga labaad dib-u-qaabeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray in ay dardar-geliyaan howlaha ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Wejiga labaad dib-u-habeynta ciidamda ayaa ka kooban in ciidamada la diiwaan geliyay lagu hubiyo goobahii laga diiwaan geliyay, in la qiimeeyo baahiyaha ciidamada ee saanad iyo hub, in la qiimeeyo Dhismaha xeryaha ciidamada oo lagu saleynayo tirakoobkii la sameeyay, tayeyn ciidamda iyo qiimeynta dhanka tababarrada ay u baahan yihiin. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa hakad galay wadahadallo maalmihii la soo dhaafay Dhuusamareeb uga socday hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka oo ay matalayeen Wasiirrada Amniga iyo Arimaha Gudaha. Sababta ay hakadka u galeen wadahadalladaas ayaa sida ay xogta ku helso Caasimada Online waxey tahay in meelaha qaar heshiisyadii ay galeen dhinacyadu oo looga maarmi waayey inuu goobjoog ka noqdo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Arrimaha la’aantiis socon waayey Kheyre waxaa ka mid ah lacag aan la shaacin cadadkeeda oo ku jirta heshiiska ay wada galeen Ahlu-Sunna iyo xukuumadda federaalka iyo saamiga ay Ahlu-Sunna ku yeelaneyso maamulka cusub ee loo dhisayso Galmudug. Waxeyna Ahlu-Sunna ku adkeysatay inaysan jirin wax kulan ah oo sii socan kara hadii uusan Dhuusamareeb tagin Ra’iisul Wasaare Kheyre. Dhinaca kale cawaa ayaa xarunta Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb oo ah halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa waxaa munaasabad loogu qabanayaa Ergada beelaha Galmudug ku mataleysa shirka dib u heshiisiinta. Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo xubnaha guddiga dib u heshiisiinta ayaa kasoo qeyb galaya munaasabadda waxaana lagu wadaa in isla caawa la shaaciyo xiliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com