-
Content Count
209,393 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 40-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxay dood dheer ka yeesheen arrimo la xidhiidha wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, safiirada iyo ergooyinka beesha caalamka ee Somaliland hawlaha shaqo u yimaada iyo hay’adaha UN-ka, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee ka hawlgala dalka Somaliland. Golaha Wasiiradu waxay is-dultaageen muhiimadda ay wadahadaladu u leeyihiin nabadgelyada mandaqada geeska Afrika iyo wada noolaanshaha labada shacab ee Somaliland iyo Soomaaliya, sidoo kale waxay lafa-gureen heshiisyadii ka soo baxay wadahadaladii hore u dhexmaray labada dhinac ee ay dawladda Soomaaliya ka gaabisay hirgalintooda. waxaanay goluhu ka hadleen wada shaqaynta dawladda Somaliland iyo safiirada iyo ergooyinka beesha caalamka, iyagoo bogaadiyey taageerada baaxadda weyn ee ay beesha caalamku Somaliland la barbartaagan tahay muddada 28-ka sanno ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, waxayna go’aamiyeen; 1) In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo. 2) In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan. 3) In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. 4) In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5) Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso. Ugu danbayn waxay golaha wasiiradu ku dheeraadeen ahmiyada qabsoomida doorashooyinku u leeyihiin dalka, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo in ay doorashooyinku qabsoomaan. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta ee maamulka Puntland Col, Cali Sabareey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay amar kusiiyeen shirkadaha Isgaarsiinta ee ka jira deegaanadaas in ay hawada ka saaraan oo ay khadkooda internetka ka mamnuucaan mareegta-ta Puntlandtimes.com oo kamid ah websiyada wax ka qora arrimaha Puntland. Wasiirka ayaa sheegin sababta rasmiga ah ee ay talaabadan u qaadeen, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu maamulkaas dhibsaday warbixin la xariirta wasaaradda warfaafinta oo ah inay gadood sameyeen shaqaalaha wasaaradda. Ma jirto wax wado sharci ah oo loo maray talaabada ay qaadayso Puntland ee ku wajahan xanibaadda website-kan, taas oo ka dhigan in xoriyada hadalka la diidan yahay, sida ay sheegeen maamulka website-ka. Tifaftiraha guud ee warbaahinta Puntlandtimes.com Faarax Cabdulqaadir oo aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan jirin wax war ah oo ay ka hayeen arrimahan, wuxuuna sheegay in wararka maalinlaha ee latabiyaa ay yihiin kuwa la hubiyey, isagoo ku tilmaamay talaabadan mid ka soo horjeeda sharciga Saxaafadda iyo xoriyadda hadalka. “Talaabada Puntland ay qaadayso waxay sharaf darro iyo jabin cad ku tahay dastuurka iyo xeerarka Xoriyada hadalka, waxaanu marnay wadada sharciga ah oo aanu maxkamad rasmi ah ka dacweynay maamulka Puntland, taas oo aan rajeynayo in ay u hogaansami doonaan” ayuu yiri Tifaftiraha. Wararka qaar ayaa sheegay in mareegtan ay qortay xog la xariirta diyaarad waday saanad ciidan oo ka dagtay magaalada Qardho, taas oo ay beenisay Puntland ayna sheegtay in ay tahay mid aan waxba ka jirin.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha fereraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ku dhawaaqay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu furmin doono maalinta Arbacada ah oo ku beegan 4-ta Bishan Septembar. Mudane Sabriye oo Dhuusamareeb kula hadlayay Ergada matalaysa degaannada Galmudug iyo guddiga qabanqaabada shirka ayaa intaa ku daray in ay idil yihiin xubnihii ka qeyb geli lahaa shirka, ayna filayaan in uu si habsami leh ugu billowdo uguna soo dhammaado. Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shirka lagu wado in uu saacadaha soo socda halkaasi ka furmo. Ammaanka Magalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri iyo Boolis iyo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo dhawaan la geeyay. Waxaa sidoo kale haatan Magalada Dhuusamareeb laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya,waxaana wararku sheegayaa in Ciidamada Dowladda ay baaritaano ku sameynayaan Gaadiidka dhexmaraya wadooyinka Magalada Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Johannesburg (SMN) – Kooxo burcad ah ayaa maanta boob xoogan u geystay goobo ganacsi oo ay dhalinyaro Soomaaliyeed ku lahaayeen gudaha dalka Koonfur Afrika. Burcada ayaa dhac iyo boob kula dhaqaaqday Dukaamo ay Soomaali lahaayeen oo ku yaalla xaafadda Tembisa oo ah deegaanka 2-aad ee ugu weyn magaalada Johannesburg. Goobaha la boobay ayaa waxaa iska lahaa ganacsato isugu jirta Soomaali iyo kuwo kale oo u dhashay dalka Hindiya. Sidoo kale kooxahan burcada ayaa dab qabadsiiyey goobahaasi, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey dhibaatooyinka ay ganacsatada Soomaaliyeed kala kulmaan gudaha dalka Koonfur Afrika. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa dhawaan mamnuucday in goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay lagu iibiyo dawada qaaxada oo iibkeeda loo arkay khatar bulshada waxyeelayn karta. Xarunta caafimaadka ee Xergeeye oo ah xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay mulkiilana uu ka yahay Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa waxaa lagu iibiyaa daawada qaaxada taas oo ay hore u mamnuucday Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland in lagu iibiyo xarumaha cafimaad gaarka loo leeyahay. Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa isaga oo adeegsanaya awoodda qaranka kuna takrifalaya mas’uuliyadda uu u hayo wasaaradda caafimaadka ku iibiyaan xaruntiisa caafimaadk Hergeye clinic oo ku taalla magaalada Hargeysa. Tallaabadda uu ku kacay Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka ayaa waxa ay burinaysaa go’aankii wasaaradda cafimaadku ku mamnuucday in dwaad lagu iibiyo xarumaha cafimaadka ee gaar ka loo leeyahay, Go’aanka Wasaaradda harumarinta caafimaadka ee lagu mamnuucay iibka dawada qaaxada ayaa waxa markii hore lagu sababeeyay sidii loo yarayn lahaa la qabsiga is ticmaal ka dawada Qaaxada oo halis ku bulshada ku nool caalamka gaar ahaan ku nool qaaradda afrika ee aynu ka mid nahay oo ay la daaladhacayaan kumanaan qof oo ku nool Somaliland kuwaas oo qaadsiin kara dadka kale ee ay ku dhex nool yihiin si fudud, haddii aynu sii wadno sharaada xanuunka laqabsiga dawda qaaxada oo ah xanuu aan loo hayn dawo rasmi ah oo lagudaweeyo isa oo sababi kara xanuun ba’an oo dagdag loogu dhiman karo. Ugu dambayntii haddii aan wax laga qaban tallaabadan uu ku kacay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadku waxa ay dhiiri-galin u noqon kartaa in xarumaha kale gaar loo leeyahay ay iibiyaan dawadan iyo dawooyin kale oo mamnuuc ah iyo in go’aamada wasaaraddu ay socon waayaan. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ahaa Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa bixiyey wareysi xasaasi ah oo uu baaq ugu dirayey Beelaha Mogadishu Clan. Sanbaloolshe ayaa sheegay dowladnimada ay ku dhisan tahay qaab qabiileysan, isla markaana Baarlamaanka iyo Xukuumadda lagu qeybsado hannaanka 4.5 ee Beelaha wax ku qeybsadaan, sidaas darteedna loo baahan yahay in Beelaha Mogadishu Clan ay nabadeeyaan Meelaha ay ku nool yihiin. Taliyaha ayaa sheegay inay tahay in Beelaha Mogadishu Clan ay hoggaanka u qabtaan deegaanada ay iyaga ka taliyaan, isla markaasna ay ku daydaan Puntland iyo Somaliland oo ah Qabiilo kasoo qeyb qaatay dagaalkii lala galay Siyaad Barre. Wuxuu Carabka ku dhuftay in Urururadii kala duwanaa ee lasoo dagaalamay Siyaad Barre ay dhammaatood nabad ka dhigeen deegaanadooda balse Mogadishu Clan illaa hadda taas laga la’yahay sida uu hadalka u dhigay . Wuxuu sheegay in Mogadishu Clan ay aheyd middii Siyaad Barre ka bixisay Muqdisho loona baahnaa inay Magaalada ka dhigto mid nabad ah oo hoggaanka u heyso Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuu farriin toos ah u dirayo Mogadishu Clan uuna doonayo in Galmudug loo mideeyo sida ay u mideysan yihiin Puntland . “Dowladnimada hadda noo dhisan qaabka ay ku dhisan tahay, shucuub ahaan waa dad qabiileysan oo qabyaaladeysan ayaa nahay, dowladeena haddii madaxweyne la dhisaayo, haddii RW la dhisaayo, haddii wasiiro la dhisaayo, haddii baarlamaan la dhisaayo horta 4.5 ayaa lagu fadhiyaa, nin walba qabiil ku soo galaa, qabaa’ilka odayaashooda, xildhibaanadooda iyo waxgaradkooda marka ay jago raadsanayaan ayagoo qabiil ah ayay raadsanayaan, mana fiicno wax markii la qabanayo la qariyo, waxa waa in sidii ay yihiin lagu dhaqmo” ayuu yiri Cabdulalahi Sanbaloolshe. “Siyaasadda Soomaaliyeed intay afar arrimood taagan yahay, madax banaanida AMISOM ilaalineyso, Somaliland maqan tahay, Shabaab dalka heysto, qof qurbaha ka yimid mulkiile uu leeyahay, waxaan rabaa inuu madaxweyne Mogadishu Clan ah fadhiyo Villa Somalia.” Sanbaloolshe ayaa ku dhawaaqay in siyaasadda wixii hadda ka dambeeyo laga dhaafo munaafaqnimada isla markaasna wax kasta loo abaaro sida ay yihiin oo la iska daayo wax qarinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari NOHA oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana ay la socdeen Rag hubeysan. Gaariga ayaa waxaa markii hore ka shakiyey ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo israsaaseyn kooban ay dhexmarya iyaga iyo raggii la socday. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa ka warbixyey khasaaraha uu sabababay qaraxaasi. Tuux ayaa sheegay in iska hor imaadka koowaad lagu dilay mid ka mid ahaa raggii saarnaa gaariga qarxay, halka mid kalena uu baxsaday, kaas oo uu tilmaamay in lagu raad-joogo. Waxaa kale oo uu hoosta xariiqay inay dhinteen illaa labo of oo shacab ahaa, sidoo kalena ay dhaawacmeen 7 kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada Booliska. Dhanka kale warar madax banan ayaa sheegaya in khasaaraha uu ka badan intaasi, islamarkaana uu dhaawaca askarta uu gaarayo illaa afar qof. Sidoo kale waxa uu burbur xoogan soo gaaray gaadiid u badan kan dadweynaha, mootooyin nooca Bajaajka ah iyo goobo ganacsi oo ka agdhawaa halkaasi. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe amaanka Muqdisho uu ahaa mid degan, islamarkaan ay howlgallo ka wadeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-02092019.mp3 View the full article
-
A military tribunal in Somali sentenced a police officer to death Monday for killing a teenager in the capital Mogadishu in July, an official said. Source: Hiiraan Online
-
A suicide car bomb blast targeted a security check point in Somalia’s capital Mogadishu Monday, leaving at least three people dead, four others wounded, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimahada guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta ka soo horjeestay go’aan xil ka qaadis iyo shaqo joojin ka soo baxday wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan. Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta qoraal uu soo saaray ku sheegay in aysan waxba ka jirin shaqo joojintii lagu sameeyay, islamarkaana uusan awood u laheyn wasiirka ganacsiga Soomaaliya in uu shaqo joojin iyo xil ka qaadis ku sameeyo agaasime guud oo ku yimid magacaabis madaxweyne. Waxa uu wasiirka ku eedeeyay ku takri-fal awoodeed iyo kala qaybinta shaqada iyo shaqaalaha, isagoo dalbaday in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka soo farageliyaan dhibaatooyinka ka jira wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya. Hoos ka akhriso warqaddii lagu magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya sanadkii 2012-kii, taas oo aheyd magacabis madaxweyne iyo warqadda uu uga soo horjeestay xil ka qaadis iyo shaqa joojintii lagu sameeyay ee uu soo gaarsiiyey Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)- Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL ayaa maanta ka ruqseeyay Xubinimadii & Masuuliyadii ay Ciidanka Dabdemiska u hayeen Lix Xubnood oo ka tirsan Xarunta Ciidanka Dabdemiska ee Degmada Axmed Macallin Haaruun ee Magaalada Hargeysa. Hadaba gudida asluubta iyo anshax marinta Ciidanka dab-demiska qaranka oo u kuur galaya habsami socodka hawlaha shaqo iyo heeganka xarumaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka hawl gal qarsoodiya oo ay ku tageen Degmada Axmed Macallin Haaruun 27-29/8/2019 ayaa waxey ku soo xaqiijiyeen xubnahan oo meelo kala duwan si dhuumasho ah jaad iyo sigaar uugu cunayey xili ay ku guda jireen shaqada habeenimo ee heeganka xaruntaasi. Xubnahan la rusqeeyay ayaa loo cuskaday Xeer hoosaadka Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Qodobkiisa 19 aad Farqadiisa 1aad, Qodobkaas oo lidi ku ah falka ay ku kaceen isla markaana odhanaya “ Lama Ogola isticmaalka Balawadaha kala duwan cunitaankooda iyo Qaadashoodaba, Xubintii lagu arko isagoo Cunaya , Cabaya , Qiijinaya ama sita waa Eri Toosa. “ Magacyada xubnaha shaqada laga ruqsadeeyey:- ] 1)Amiin Ibraahim Cabidlaahi Taliye Xigeenkii xarunta Ciidanka Dab-demiska ee xarunta Axmed M/Haaruun. 2.Cawil Xaaji Ismaaciil Muuse Xubin 3.Cabdi Jirde Jaamac – Xubin 4.Mustafe Saleebaan Jaamac – Xubin 5.Cabdiwaaxid Faysal Axmed – Xubin 6.Maxamed Maxamuud Jaaquur – Xubin Guud ahaan Balwadaha ama Maandooriyaasha ayaan loo ogoleyn in ay isticmaalaan xubnaha Ciidanka Dab-demiska maadaama aan xubintu gudan Karin waajibaadka iyo hawlmaalmeedka shaqo. Dhanka kale maandooriyashan ayaa halis ku ah waddankeena, taasoo sabab u noqotay in dhaqaale burbur ku yimaado Qoysas badan, iyadoo laga duulayo dhibaatada iyo waxyeelada ay leeyihiin balwadahaasi oo laga mamnuucay xubnaha ka mid noqonaya Ciidanka Dab-demiska Somaliland inaanuu lahayn dhamaan balwadahaas aynu kor ku soo xusnay, Sidaa daraadeed xubinta lagu arko aanu ka sii mid ahaan Karin Ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland. Taliska Dhexe Ee Ciidanka Dab-demiska JSL Hargeysa Somaliland. Source
-
Bishan September 9keeda, dalkeenna Soomaaliya waxaa uu dood iyo difaac la hortagi-doonaa maxkamadda cadliga adduunka ee dalka Holland. Qareennada u doodaya Soomaaliya ayaa difaaci-doona dacwada badda ee Soomaaliya iyo iney Kenya kusoo xadgudubtay baddeena halka jawaabta Kenya ay isla maxkamaddaasi dhageysan-doonto 2 maalin kadib, oo ah September 11, 2019-ka. Inta aanan u gudbin salka iyo ujeedka dooddan cusub ee loo balansanyahay bishan, waxaa xusid mudan in horay Kenya looga adkaaday kadib markii ay diiday maxkamadda cadliga codsigii Nairobi ee ahaa in labada dal ay wada hadal galaan, isla markaana maxkamaddani aaney dhageysan karin dacwadda. Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Haddaba, dooddan cusub ee 9ka bishan bilaabaneysa waa kiiska dhabta ah ee muranka xadka ee badda, khariidado ayaa lala soo baxayaa 2-bada dhinac, qareennada Soomaaliya difaacaya waxaa ay meesha la tagi-doonaan caddeymaha xadgudubka ay Kenya ku sameysay dhul badeedka Soomaaliya, dhulkan oo baaxadda uu ku fadhiyo gaaraya ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Meelaha ugu muhiimsan ee biyo-dhaca doodda ah waxaa ka mid ah: Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo ee xariiqda toosan ee ka timid dhulka xadka dhulka ee Soomaaliya iyo Kenya halka Kenya ay dooneyso in xariiqda la weeciyo. Inkasta oo Kenya ay sheegtay in dhulbadeedka muranka gelisay ay maraakiib ku baartay, ilaalana ka aheyd muddo dheer, laakin waxaa la ogaaday in dhaqdhaqaaqa uu ahaa sanadkii 2014-kii, oo muranka kadib ah, dhammaan khariidada la hayo ilaa gumeystihii waxaa ay caddeynayaa in dhulkaasi badda ah ay leedahay umadda Soomaaliyeed. Taariikhda Cabirka Biyaha: Laga soo bilaabo 1952 waxaa mar walbo soo baxayey cabirro iyo sharciyo kala duwan oo lagu badbaadinayo dhulbadeedka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Biyo goboleedka(Territorial sea), Aaga dhaqaalaha(EEZ), continental shelf ilaa high sea, kuwaas oo ahaa 1958-1982. Waxaa kale oo jiray xeerar soo baxay 1969, 1972, 1977 iyo 1982, kuwaas oo qeexaya xuquuqdeena dhulka, biyaha, cidda iyo xataa agaagga xorta ah. Marka laga soo tago qareennada caalamiga ah, kiiskan badda waxaa 10-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqeynayey arrintan khubaro Soomaaliyeed oo habeen iyo maalin u soojeeday sidii loo heli lahaa dhammaan caddeymaha ay Soomaaliya u baahantahay si ay hesho xuquuqdeeda badda, waxaa la hayaa dhammaan khariidadaha, heshiisyadii iyo sharciyadii ay galeen labada dal iyo xataa sida la ahaa xilliga gumeystaha ee Angelo Italilan, taasi oo keentay in qareennada ajaanibta ee Soomaaliya garabkeeda taagan uu qalbigooda ku dagey iney guuleysan-doonaan. Haddaba, Wax Ka Baro Qareennada Difaaca Soomaaliya: Qareennada difaacaya dacwada badda ee Soomaaliya 9ka bishan waa 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag. Abuukatayaasha: 1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C, kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English. 2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah. 3. Prof. Alain Pellet: Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris. 3dan qareen ee Soomaaliya u matali-doona dacwada badda, waxaa ay horay ugu guuleysteen dacwo badan, heleen abaalmarinno caaalami ah, waxaa ay caan ka yihiin maxkamadaha caalamiga, waxaa ay hubaan guusha 100%. Denjiraha Soomaaliya ee Belgium, Netherlands, Luxembourg (Benelux) iyo midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, oo ka tirsan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee qeybta ah kiiskan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Soomaaliya ay 100% diyaar u tahay doodda dacwada badda isaga oo intaasi raaciyey iney jiraan 2 sabab oo tusinaya in Muqdisho ay guusha ku raaci-doonto kiiskan: 1. Qeylada Kenya: Kenya tan iyo markii ay Soomaaliya dacwada geysay Hague, waxaa ay wadaa dadaalo lagu doonayo wadahadal ay ula fureyso Muqdisho, oo ah in maxkamadda la iska daayo, waxaa ay adeegsatay diblomaasiyad, cadaadis iyo wax wablo, laakin Soomaaliya dheg jalaq uma siin, oo dacwada ayey sii waddey, taas oo caddeyn u ah cabsiga iyaga heysa iyo kalsoonida Soomaaliya. 2. Teeda kale: Abuukaatayaasha Soomaaliya u dooda ee ka socda hey’adda Foley Hoag, waa dad lagu bartay inay 100% ku guuleysteen dhammaan kiisaskii ay galeen, haddii uu shaki uga jiro ma jirteen. Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhammaan ku mideysan in la soo dhiciyo xuquuqda badda, isla markaana aan laga tanaasulin hal taako oo dhulka ah, dacwadan oo go’aankeeda la soo saari-doono 6 bil kadib ayaan la rajeynayaa iney noqoto mid ka farxisa dhammaan umadda Soomaaliyeed. International Court of Justice(ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka, maxkamaddan waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah. Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Cabdulqawi Axmed Yusuf. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Kabul)-Ergeyga Mareykanka ee hoggaaminaya dadaallada heshiiska lagula galayo Taliban ayaa magaalada Kabul kula kulmay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, xilli heshiis taariikhi ah oo lala galayo kooxda muqaawamada uu aad u dhow yahay. Zalmay Khalilzad ayaa muddo sannad ah ku bixiyey inuu Taliban kula kulmo magaalada Doha, halkaasi oo uu kula yeeshay wada-hadallo dhowr ah oo looga gol leeyahay in lagu soo geba-gebeeyo dagaalka 18 sano jirsaday ee Mareykanka uu ka wado Afghanistan. Heshiiska ayaa waxaa xuddun u ah in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan, ayada oo taa beddelkeeda Taliban ay sameynayaan ballan-qaadyo dhowr ah oo amni, wada-hadallo nabadeed oo ay la yeeshaan dowladda dalkaasi, iyo ugu dambeyn xabad joojin. Sarkaal magaciisa qariyey ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Khalilzad uu habeenkii axadda yimid Kabul, uuna la kulmay Ghani, si uu ugala hadlo dhacdooyinkii ugu dambeeyey kadib wareegii sagaalaad ee wada-hadallada oo kusoo geba-geboobay caasimadda Qatar. Wada-hadallo kale oo dhowr ah ayaa la filayaa in maanta yeeshaan Ghani iyo Khalilzad. Wada-hadalladan ayaa muhiim ah, sababtoo ah dowladda Afghanistan ayaa tan iyo markan dibedda ka joogtay wada-hadallada, inkasta oo heshiis kasta oo lala gaaro Taliban uu u baahnaan doono in Taliban ay la hadasho Ghani oo ay u aragto “adeege Mareykan.” Source
-
Somali military court sentenced officer to death in Mogadishu on Monday. Bashi Omar Dhaqane was found guilty by the martial court for killing a student by the name Sheikh Noor Mohamed in Hamar-Jajab district in July. Somali armed forces court judge, General Ismail Salad Mohamed who oversaw the case ruled out the argument by sentenced soldier lawyers that the officer was under the influence of drug abuse during the unfortunate incident. General Salad termed the action by the privacy officer, Bashir Omar Dhaqane as disrespect to the image of the armed forces. Somali National Army court chief judge, General Noor Shute announced the verdict following cross-examination of the evidence provided by both sides. The ruling is open for an appeal. Somali military court which is accused by human right advocacy groups for violations handles cases related to terror and murder within the armed forces in the country. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali (Khayre) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanada maamulka Galmudug. Kulanka oo ahaa mid xasaasi aha ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo shirka dib u heshiisiinta ee maamulkaasi. Sida ay ilo ku dhow shirkaasi u sheegeen Caasimada Online Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday xildhibaanadaasi inay door ka qaataan dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la wadaagay xubnaha labada gole dadaalada ay xukuumaddiisa ka wado magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Shala ayey aheyd markii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaanada mucaaradka, gaar ahaan kuwa xisbiga UPD, islamarkaana ka soo jeeda deegaanada Galmudug. Arbacada soo socota ayaa lagu wadaa inuu furmi shirweynaha dib u heshiisiinta, waxaana kadib ku xigi doono doorashada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Waraysigan hordhaciisa la baahiyay ayaa ka dambeeyay markii Sanbaloolshe oo xilal wasiirnimo, xildhibaannimo iyo guddoomiyaha NISA ka soo qabtay Soomaaliya si qayaxan u sheegay in ay haboon tahay in beel walba meesheeda ka taliso khudbad uu dhawaan jeediyay. “Nimankii Isaaq Hargeysa waa ka taliyaan, nimankii Majeerteena Garoowe way ka taliyaan, nimankii Ogaadeenna Kismaayo way ka taliyaan laakiin, Galmudug, Hiiraan iyo Xamar…,” ayaa hadalkiisa ka mid ah Source
-
(SLT-Japan)-Safiirka Eritrea ee Japan ayaa shaaca ka qaaday inuu codsaday in dhalashadiisa Soomaaliya dib loogu soo celiyo Kadib kulan uu Madaxweyne Farmaajo kula yeeshay garoonka diyaaradaha ee Narita Tokyo. “Waxaan ka codsaday madaxweynaha FORMAJO maanta garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO inuu si naxariis leh iiga caawiyo dib-u-cusboonaysiinta jinsiyadda Soomaaliya ee la ii siiyay 1983” Source
-
(SLT-Nairobi)-Labo qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen shan kalana waa la la’yahay ka dib markii daadad qaadeen koox dalxiiseyaal ah, iyadoo ay roobab mahiigaanno ah ka da’een goobta loo dalxiis tago ee Hell’s Gate National Park. Hay’adda ilaalada duurjoogta Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo KWS ayaa sheegtay in arrinta ka dhacday Hell’s Gate National Park ay asiibtay shan ruux oo Kenya u dhashay nin dalxiise yaasha haga oo deegaanka u dhashay iyo qof “ajnabi ah”. Labo mayd ayaa la helay intii la waday qorshaha baadigoobka iyo samato bixinta, kaas oo aan wali la soo gabogabayn. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay ka mid ahaayeen 12 qofoo booqanayay Hells Gate oo 100km u jirta waqooyiga galbeed ee magaalada Nairobi. Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in dadkii badbaaday ay arrinta dhacday ku wargaliyeen ilaaladii, intaas ka dibna la billaabay baadigoob ay ka qaybqaadanayso diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah. Qof ka tirsan booliiska Kenya oo dalbaday in aan magaciisa la sheegin ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dadka la’layahay “laga soo qaadayo in ay dhinteen” arrintaasna lagu salaynayo xogta ay dhiibeen dadkii soo badbaaday. Goobtan ayaa loo bixiyay Marinka Cadaabka sida ay cidhiidhiga u tahay awgeed. Hell’s Gate National Park waxaa la aasaasay 1984. Source
-
Thee militants have carried out a car bomb blast in Somalia’s capital Mogadishu, according to reports by local media. The attackers also exchanged fire with security forces and some of the soldiers were injured. At least 2 civilians are feared dead and 6 others are injured, local media has reported. The attack comes just a few days Somali security agency has claimed to have arrested a senior al-Shabab leader. Al Shabaab controls swathes of territory and several towns in Jubbaland, an autonomous region in southern Somalia. The militants, who want to overthrow the Somali government, have killed thousands of Somalis, and hundreds of civilians across East Africa, and in a decade-long insurgency. Somalia is still trying to claw its way out of the embers of the civil war that engulfed it in 1991 when clan warlords overthrew a dictator and then turned on each other. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya wararka ka soo baxaya qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, islamarkaana ay la socdeen rag hubeysan Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa xafiis ku yaalla isgoyskaasi oo gaadiidka looga qaado Canshuurta, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhintay qaraxaasi oo uu mid ka mid ah yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda, halka labada kale ay yihiin shacab. Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay lix qof oo kale oo isugu jira dad rayid ah iyo askar sugneyd Koontaroolkaasi. Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in ay toogteen la labo nin oo uu mid ka mida ahaa darawalkii gaariga, halka midka saddexaadna uu baxsaday. Gaariga ayaa waxaa la sheegay in ay ka shakeeyeen ciidamada Boolisku, kadibna rasaas ay ku fureen ay dhalisay inuu qarxo. Illaa iyo hada ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxaasi ay ka hortageen ciidamad dowladda. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay inuu furi doono dhammaan waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com