Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,358
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimahada guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta ka soo horjeestay go’aan xil ka qaadis iyo shaqo joojin ka soo baxday wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan. Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta qoraal uu soo saaray ku sheegay in aysan waxba ka jirin shaqo joojintii lagu sameeyay, islamarkaana uusan awood u laheyn wasiirka ganacsiga Soomaaliya in uu shaqo joojin iyo xil ka qaadis ku sameeyo agaasime guud oo ku yimid magacaabis madaxweyne. Waxa uu wasiirka ku eedeeyay ku takri-fal awoodeed iyo kala qaybinta shaqada iyo shaqaalaha, isagoo dalbaday in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka soo farageliyaan dhibaatooyinka ka jira wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya. Hoos ka akhriso warqaddii lagu magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya sanadkii 2012-kii, taas oo aheyd magacabis madaxweyne iyo warqadda uu uga soo horjeestay xil ka qaadis iyo shaqa joojintii lagu sameeyay ee uu soo gaarsiiyey Caasimada Online.
  2. (SLT-Hargeysa)- Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL ayaa maanta ka ruqseeyay Xubinimadii & Masuuliyadii ay Ciidanka Dabdemiska u hayeen Lix Xubnood oo ka tirsan Xarunta Ciidanka Dabdemiska ee Degmada Axmed Macallin Haaruun ee Magaalada Hargeysa. Hadaba gudida asluubta iyo anshax marinta Ciidanka dab-demiska qaranka oo u kuur galaya habsami socodka hawlaha shaqo iyo heeganka xarumaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka hawl gal qarsoodiya oo ay ku tageen Degmada Axmed Macallin Haaruun 27-29/8/2019 ayaa waxey ku soo xaqiijiyeen xubnahan oo meelo kala duwan si dhuumasho ah jaad iyo sigaar uugu cunayey xili ay ku guda jireen shaqada habeenimo ee heeganka xaruntaasi. Xubnahan la rusqeeyay ayaa loo cuskaday Xeer hoosaadka Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Qodobkiisa 19 aad Farqadiisa 1aad, Qodobkaas oo lidi ku ah falka ay ku kaceen isla markaana odhanaya “ Lama Ogola isticmaalka Balawadaha kala duwan cunitaankooda iyo Qaadashoodaba, Xubintii lagu arko isagoo Cunaya , Cabaya , Qiijinaya ama sita waa Eri Toosa. “ Magacyada xubnaha shaqada laga ruqsadeeyey:- ] 1)Amiin Ibraahim Cabidlaahi Taliye Xigeenkii xarunta Ciidanka Dab-demiska ee xarunta Axmed M/Haaruun. 2.Cawil Xaaji Ismaaciil Muuse Xubin 3.Cabdi Jirde Jaamac – Xubin 4.Mustafe Saleebaan Jaamac – Xubin 5.Cabdiwaaxid Faysal Axmed – Xubin 6.Maxamed Maxamuud Jaaquur – Xubin Guud ahaan Balwadaha ama Maandooriyaasha ayaan loo ogoleyn in ay isticmaalaan xubnaha Ciidanka Dab-demiska maadaama aan xubintu gudan Karin waajibaadka iyo hawlmaalmeedka shaqo. Dhanka kale maandooriyashan ayaa halis ku ah waddankeena, taasoo sabab u noqotay in dhaqaale burbur ku yimaado Qoysas badan, iyadoo laga duulayo dhibaatada iyo waxyeelada ay leeyihiin balwadahaasi oo laga mamnuucay xubnaha ka mid noqonaya Ciidanka Dab-demiska Somaliland inaanuu lahayn dhamaan balwadahaas aynu kor ku soo xusnay, Sidaa daraadeed xubinta lagu arko aanu ka sii mid ahaan Karin Ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland. Taliska Dhexe Ee Ciidanka Dab-demiska JSL Hargeysa Somaliland. Source
  3. Bishan September 9keeda, dalkeenna Soomaaliya waxaa uu dood iyo difaac la hortagi-doonaa maxkamadda cadliga adduunka ee dalka Holland. Qareennada u doodaya Soomaaliya ayaa difaaci-doona dacwada badda ee Soomaaliya iyo iney Kenya kusoo xadgudubtay baddeena halka jawaabta Kenya ay isla maxkamaddaasi dhageysan-doonto 2 maalin kadib, oo ah September 11, 2019-ka. Inta aanan u gudbin salka iyo ujeedka dooddan cusub ee loo balansanyahay bishan, waxaa xusid mudan in horay Kenya looga adkaaday kadib markii ay diiday maxkamadda cadliga codsigii Nairobi ee ahaa in labada dal ay wada hadal galaan, isla markaana maxkamaddani aaney dhageysan karin dacwadda. Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Haddaba, dooddan cusub ee 9ka bishan bilaabaneysa waa kiiska dhabta ah ee muranka xadka ee badda, khariidado ayaa lala soo baxayaa 2-bada dhinac, qareennada Soomaaliya difaacaya waxaa ay meesha la tagi-doonaan caddeymaha xadgudubka ay Kenya ku sameysay dhul badeedka Soomaaliya, dhulkan oo baaxadda uu ku fadhiyo gaaraya ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Meelaha ugu muhiimsan ee biyo-dhaca doodda ah waxaa ka mid ah: Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo ee xariiqda toosan ee ka timid dhulka xadka dhulka ee Soomaaliya iyo Kenya halka Kenya ay dooneyso in xariiqda la weeciyo. Inkasta oo Kenya ay sheegtay in dhulbadeedka muranka gelisay ay maraakiib ku baartay, ilaalana ka aheyd muddo dheer, laakin waxaa la ogaaday in dhaqdhaqaaqa uu ahaa sanadkii 2014-kii, oo muranka kadib ah, dhammaan khariidada la hayo ilaa gumeystihii waxaa ay caddeynayaa in dhulkaasi badda ah ay leedahay umadda Soomaaliyeed. Taariikhda Cabirka Biyaha: Laga soo bilaabo 1952 waxaa mar walbo soo baxayey cabirro iyo sharciyo kala duwan oo lagu badbaadinayo dhulbadeedka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Biyo goboleedka(Territorial sea), Aaga dhaqaalaha(EEZ), continental shelf ilaa high sea, kuwaas oo ahaa 1958-1982. Waxaa kale oo jiray xeerar soo baxay 1969, 1972, 1977 iyo 1982, kuwaas oo qeexaya xuquuqdeena dhulka, biyaha, cidda iyo xataa agaagga xorta ah. Marka laga soo tago qareennada caalamiga ah, kiiskan badda waxaa 10-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqeynayey arrintan khubaro Soomaaliyeed oo habeen iyo maalin u soojeeday sidii loo heli lahaa dhammaan caddeymaha ay Soomaaliya u baahantahay si ay hesho xuquuqdeeda badda, waxaa la hayaa dhammaan khariidadaha, heshiisyadii iyo sharciyadii ay galeen labada dal iyo xataa sida la ahaa xilliga gumeystaha ee Angelo Italilan, taasi oo keentay in qareennada ajaanibta ee Soomaaliya garabkeeda taagan uu qalbigooda ku dagey iney guuleysan-doonaan. Haddaba, Wax Ka Baro Qareennada Difaaca Soomaaliya: Qareennada difaacaya dacwada badda ee Soomaaliya 9ka bishan waa 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag. Abuukatayaasha: 1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C, kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English. 2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah. 3. Prof. Alain Pellet: Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris. 3dan qareen ee Soomaaliya u matali-doona dacwada badda, waxaa ay horay ugu guuleysteen dacwo badan, heleen abaalmarinno caaalami ah, waxaa ay caan ka yihiin maxkamadaha caalamiga, waxaa ay hubaan guusha 100%. Denjiraha Soomaaliya ee Belgium, Netherlands, Luxembourg (Benelux) iyo midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, oo ka tirsan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee qeybta ah kiiskan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Soomaaliya ay 100% diyaar u tahay doodda dacwada badda isaga oo intaasi raaciyey iney jiraan 2 sabab oo tusinaya in Muqdisho ay guusha ku raaci-doonto kiiskan: 1. Qeylada Kenya: Kenya tan iyo markii ay Soomaaliya dacwada geysay Hague, waxaa ay wadaa dadaalo lagu doonayo wadahadal ay ula fureyso Muqdisho, oo ah in maxkamadda la iska daayo, waxaa ay adeegsatay diblomaasiyad, cadaadis iyo wax wablo, laakin Soomaaliya dheg jalaq uma siin, oo dacwada ayey sii waddey, taas oo caddeyn u ah cabsiga iyaga heysa iyo kalsoonida Soomaaliya. 2. Teeda kale: Abuukaatayaasha Soomaaliya u dooda ee ka socda hey’adda Foley Hoag, waa dad lagu bartay inay 100% ku guuleysteen dhammaan kiisaskii ay galeen, haddii uu shaki uga jiro ma jirteen. Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhammaan ku mideysan in la soo dhiciyo xuquuqda badda, isla markaana aan laga tanaasulin hal taako oo dhulka ah, dacwadan oo go’aankeeda la soo saari-doono 6 bil kadib ayaan la rajeynayaa iney noqoto mid ka farxisa dhammaan umadda Soomaaliyeed. International Court of Justice(ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka, maxkamaddan waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah. Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Cabdulqawi Axmed Yusuf. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Kabul)-Ergeyga Mareykanka ee hoggaaminaya dadaallada heshiiska lagula galayo Taliban ayaa magaalada Kabul kula kulmay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, xilli heshiis taariikhi ah oo lala galayo kooxda muqaawamada uu aad u dhow yahay. Zalmay Khalilzad ayaa muddo sannad ah ku bixiyey inuu Taliban kula kulmo magaalada Doha, halkaasi oo uu kula yeeshay wada-hadallo dhowr ah oo looga gol leeyahay in lagu soo geba-gebeeyo dagaalka 18 sano jirsaday ee Mareykanka uu ka wado Afghanistan. Heshiiska ayaa waxaa xuddun u ah in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan, ayada oo taa beddelkeeda Taliban ay sameynayaan ballan-qaadyo dhowr ah oo amni, wada-hadallo nabadeed oo ay la yeeshaan dowladda dalkaasi, iyo ugu dambeyn xabad joojin. Sarkaal magaciisa qariyey ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Khalilzad uu habeenkii axadda yimid Kabul, uuna la kulmay Ghani, si uu ugala hadlo dhacdooyinkii ugu dambeeyey kadib wareegii sagaalaad ee wada-hadallada oo kusoo geba-geboobay caasimadda Qatar. Wada-hadallo kale oo dhowr ah ayaa la filayaa in maanta yeeshaan Ghani iyo Khalilzad. Wada-hadalladan ayaa muhiim ah, sababtoo ah dowladda Afghanistan ayaa tan iyo markan dibedda ka joogtay wada-hadallada, inkasta oo heshiis kasta oo lala gaaro Taliban uu u baahnaan doono in Taliban ay la hadasho Ghani oo ay u aragto “adeege Mareykan.” Source
  5. Somali military court sentenced officer to death in Mogadishu on Monday. Bashi Omar Dhaqane was found guilty by the martial court for killing a student by the name Sheikh Noor Mohamed in Hamar-Jajab district in July. Somali armed forces court judge, General Ismail Salad Mohamed who oversaw the case ruled out the argument by sentenced soldier lawyers that the officer was under the influence of drug abuse during the unfortunate incident. General Salad termed the action by the privacy officer, Bashir Omar Dhaqane as disrespect to the image of the armed forces. Somali National Army court chief judge, General Noor Shute announced the verdict following cross-examination of the evidence provided by both sides. The ruling is open for an appeal. Somali military court which is accused by human right advocacy groups for violations handles cases related to terror and murder within the armed forces in the country. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali (Khayre) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanada maamulka Galmudug. Kulanka oo ahaa mid xasaasi aha ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo shirka dib u heshiisiinta ee maamulkaasi. Sida ay ilo ku dhow shirkaasi u sheegeen Caasimada Online Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday xildhibaanadaasi inay door ka qaataan dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la wadaagay xubnaha labada gole dadaalada ay xukuumaddiisa ka wado magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Shala ayey aheyd markii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaanada mucaaradka, gaar ahaan kuwa xisbiga UPD, islamarkaana ka soo jeeda deegaanada Galmudug. Arbacada soo socota ayaa lagu wadaa inuu furmi shirweynaha dib u heshiisiinta, waxaana kadib ku xigi doono doorashada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Barnaamij Xasaasi Ah Oo Fashiliyay Miisaaniyadda Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Muqdisho)-Waraysigan hordhaciisa la baahiyay ayaa ka dambeeyay markii Sanbaloolshe oo xilal wasiirnimo, xildhibaannimo iyo guddoomiyaha NISA ka soo qabtay Soomaaliya si qayaxan u sheegay in ay haboon tahay in beel walba meesheeda ka taliso khudbad uu dhawaan jeediyay. “Nimankii Isaaq Hargeysa waa ka taliyaan, nimankii Majeerteena Garoowe way ka taliyaan, nimankii Ogaadeenna Kismaayo way ka taliyaan laakiin, Galmudug, Hiiraan iyo Xamar…,” ayaa hadalkiisa ka mid ah Source
  9. (SLT-Japan)-Safiirka Eritrea ee Japan ayaa shaaca ka qaaday inuu codsaday in dhalashadiisa Soomaaliya dib loogu soo celiyo Kadib kulan uu Madaxweyne Farmaajo kula yeeshay garoonka diyaaradaha ee Narita Tokyo. “Waxaan ka codsaday madaxweynaha FORMAJO maanta garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO inuu si naxariis leh iiga caawiyo dib-u-cusboonaysiinta jinsiyadda Soomaaliya ee la ii siiyay 1983” Source
  10. (SLT-Nairobi)-Labo qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen shan kalana waa la la’yahay ka dib markii daadad qaadeen koox dalxiiseyaal ah, iyadoo ay roobab mahiigaanno ah ka da’een goobta loo dalxiis tago ee Hell’s Gate National Park. Hay’adda ilaalada duurjoogta Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo KWS ayaa sheegtay in arrinta ka dhacday Hell’s Gate National Park ay asiibtay shan ruux oo Kenya u dhashay nin dalxiise yaasha haga oo deegaanka u dhashay iyo qof “ajnabi ah”. Labo mayd ayaa la helay intii la waday qorshaha baadigoobka iyo samato bixinta, kaas oo aan wali la soo gabogabayn. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay ka mid ahaayeen 12 qofoo booqanayay Hells Gate oo 100km u jirta waqooyiga galbeed ee magaalada Nairobi. Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in dadkii badbaaday ay arrinta dhacday ku wargaliyeen ilaaladii, intaas ka dibna la billaabay baadigoob ay ka qaybqaadanayso diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah. Qof ka tirsan booliiska Kenya oo dalbaday in aan magaciisa la sheegin ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dadka la’layahay “laga soo qaadayo in ay dhinteen” arrintaasna lagu salaynayo xogta ay dhiibeen dadkii soo badbaaday. Goobtan ayaa loo bixiyay Marinka Cadaabka sida ay cidhiidhiga u tahay awgeed. Hell’s Gate National Park waxaa la aasaasay 1984. Source
  11. Thee militants have carried out a car bomb blast in Somalia’s capital Mogadishu, according to reports by local media. The attackers also exchanged fire with security forces and some of the soldiers were injured. At least 2 civilians are feared dead and 6 others are injured, local media has reported. The attack comes just a few days Somali security agency has claimed to have arrested a senior al-Shabab leader. Al Shabaab controls swathes of territory and several towns in Jubbaland, an autonomous region in southern Somalia. The militants, who want to overthrow the Somali government, have killed thousands of Somalis, and hundreds of civilians across East Africa, and in a decade-long insurgency. Somalia is still trying to claw its way out of the embers of the civil war that engulfed it in 1991 when clan warlords overthrew a dictator and then turned on each other. View the full article
  12. Burco(SL-):Nuxurka Qodobada Ka Soo Baxay Shirka Beesha Jaamac Cali Abokor Oo lagu Soo Gabagabeeyey Deeganka Jaamac Liiban. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya wararka ka soo baxaya qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, islamarkaana ay la socdeen rag hubeysan Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa xafiis ku yaalla isgoyskaasi oo gaadiidka looga qaado Canshuurta, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhintay qaraxaasi oo uu mid ka mid ah yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda, halka labada kale ay yihiin shacab. Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay lix qof oo kale oo isugu jira dad rayid ah iyo askar sugneyd Koontaroolkaasi. Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in ay toogteen la labo nin oo uu mid ka mida ahaa darawalkii gaariga, halka midka saddexaadna uu baxsaday. Gaariga ayaa waxaa la sheegay in ay ka shakeeyeen ciidamada Boolisku, kadibna rasaas ay ku fureen ay dhalisay inuu qarxo. Illaa iyo hada ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxaasi ay ka hortageen ciidamad dowladda. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay inuu furi doono dhammaan waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. (SLT-Muqdisho)-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay isgoyska Afgooye kaddib markii booliska ay joojiyeen baabuurka. Booliska iyo dableydii weerarka soo qaaday ayaa rasaas isweedaarsaday. Wararka waxay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay khasaare balse ma kala cadda dhibaatada rasmiga ah ee uu geeystay qaraxa. Wixii warar dheeraad ah oo ku saabsan weerarkaas, halkan ayaan idiin kuugu soo gudbin doonaa Source
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Eng; Cabdi Maxamed Sabriye, oo xalay ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo Dhuusamareeb loogu sameeyay ergada ka qeyb geleysa shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa caddeeyay in September 04,2019 uu furmayo shir-weynaha reer Galmudug ay aayahooda uga tashanayaan. Eng; Cabdi Maxamed Sabriye oo dhammaan ergooyinka reer Galmudug uga mahad celiyay ka qayb galka shirka ayaa codsaday in guddiga dib-u-heshiisiinta gacan lagu siiyo ka guul gaaridda shir-weynaha si reer Galmudug ay ugu diyaar garoobaan dhismaha dowlad gobaleed dhameys ah oo ka shaqeyna danahooda. Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Macallim Cabdullaahi Baadiyow ayaa munaasabadda ka sheegay in dadaal badan ay guddigu geliyeen isu keenidda ergada iyo u diyaar garowga ka mira dhalinta shir-weynaha. Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, waxa uu sidoo kale sheegay inta laga gaarayo maalinta uu shirku furmayo in ergada loo sameynayo wacyi gelin, iyo kaararkii ay uga qayb geli lahaayeen shirka. Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro Magaalo Dhuusamarteeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shirka lagu wado in uu Saacadaha soo socda halkaasi ka furmo. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  16. Wasaarada Qorsheynta Soomaaliland ayaa diidan Mashruuc lagu dhisi lahaa Wadooyinka Berbera oo ay bixin lahaayeen Midowga Yurub. Mashruuca waxaa saxiixay Dowlada Federaalka Sooomaaliya, laakiin Soomaaliland [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari NOH ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo sidoo kale la sheegay inay la socdeen illaa saddex nin oo hubeysan. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidamada ammaanka ayaa ka shakiyey gaariga oo doonanyey inuu xoog ku soo dhaafo halkaasi, kadibna rasaas ay ku fureen ay dhalisay inuu qarxo. Wararka ayaa intaasi ku daraya in is rasaaseyn kooban ay dhexmartay ciidamada Booliska iyo raggii la socday gaarigaasi. Khasaaraha hor dhaca ah ayaa sheegay in la toogtay labo ka mid ah raggaasi oo uu mid ka mid aha ahaa darawalkii gaariga, halka midka saddexaad uu baxsaday, laguna raad joogo. Waxa kale oo la xaqiijiyey in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira khasare soo gaaray dad rayid ah iyo gawaarid iyo mootooyin nooca Bajaajka ah oo ku buburay qaraxaasi. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale sheegtay masuuliyada qaraxaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha gudaha fereraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ku dhowaaqay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu furmin doono Maalinta Arbacada ah oo ku beegan 4-ta Bishan Septembar. Mudane; Sabriye oo Dhuusamareeb kula hadlayay Ergada matalaysa degaannada Galmudug iyo guddiga qabanqaabada shirka ayaa intaa ku daray in ay idil yihiin xubnihii ka qeyb geli lahaa shirka, ayna filayaan in uu si habsami leh ugu billowdo uguna soo dhammaado. Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro Magaalo Dhuusamarteeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shirka lagu wado in uu Saacadaha soo socda halkaasi ka furmo. View the full article
  19. Two Somali-owned websites posted reports on made-up meetings in Galka’yo and Bosaso. The first report appeared in Radio Shabelle website associated with a Mogadishu-based radio notorious for fanning intra-clan hostilities. It alleged that a meeting was held in Galka’yo attended by elders purportedly to denounce UAE for its involvement in Puntland. The meeting did not take place. The other website, Somali Affairs, associated with a Somali politician, Abdirahman Abdishaskur, posted a report on a meeting that never took place in Bosaso city to “call out” UAE and its role in Puntland economy. Abdishakur, to be fair to him, is on the record for describing Qatar as a country that funds rebels but never genuine state-building endeavours. How Somali Affairs plugged in a fake news People working on the orders of the Qatari government have appointed some Somali website owners to post fake news in order to turn away attention from the Gulf country accused of masterminding bombing campaigns in Bosaso, according to New York Times. Radio Shabelle reinvents itself via fake news The latest campaign to wage disinformation against Puntland State will hardly succeed. It exposed the gullibility of Somali websites and how easy it is to trace who pays them to spread disinformation and for what purpose. If an award for purveyors of fake news were ever created, Somali Affairs and Radio Shabelle websites would vie for the first place. They may even share the award given how shamefully they stooped so low as to spread lies about their fellow countrymen. Hersi D. Gamadid Bosaso, Puntland State The post Disinformation Against Puntland Will Not Succeed appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax daqiiqado ka hor ka dhacay nawaaxiga isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca raaxada ah. Gaariga ayaa la sheegay inay ka shakiyeen ciidamada Booliska ee ku sugan halkaasi, kadibna uu qarxay. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan oo inta badan laga maqlay gudaha Caasimadda. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo xiray dhaq dhaqaaqa isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
  21. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta gaaraan Dhuusa-mareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee dowlad-goboleedka Galmudug. Socdaalka Khayre ayaa lagu sheegay inuu yahay fulinta heshiiskii dowladda Federaalka iyo Ahlusunna oo looga maarmi waayay RW Kheyre, si loo dhameystiro heshiiskaas, kaasoo ay hawshiisa horay u sii wadeen xubno ka tirsan xukuumadda Somalia. Amniga guud ee Dhuusa-mareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa DF oo isugu jira millateri iyo boolis iyo ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo dhawaan la geeyay. Dhanka kale, Waxaa magaalada laga dareemayaa qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga Khayre, waxaana wararku sheegayaa in ciidammada DF ay baaritaanno ku sameynayaan gaadiidka dhex-maraya waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaas. Sidoo kale, Socdaalka Khayre ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Muqdisho uu shalay kulammo kula qaatay xubno ka tirsan mucaaradka xukuumadda uu hoggaaminayo, kuwaasoo kasoo jeeda deegaannada Galmudug. Kulankaas ayaa lagu sheegay in loo hadlay xoojinta amniga guud ee dalka iyo sidii gacan looga wada-geysan lahaa dhismaha Galmudug cusub oo u horseedda shacabka ku nool deegaannadaas nabad iyo xasillooni waarta. Xubnaha uu Khayre shalay la kulmay ayaa waxaa ka mid ah; Mahad Salaad, C/raxmaan Odawaa oo u sharraxan xilka madaxweynaha Galmudug, Axmed Macallin Fiqi oo si weyn u dhaliila DF iyo xubno kale oo muhiim ah. Ugu dambeyn, Ahlusunna iyo Dowladda Somalia ayaa waxay dhawaan heshis ku gaareen in la dhiso maamul Galmudug mideeya, iyadoo Dhuusa-mareeb uu dhawaan ka furmayo shir dib u heshiisiineeda oo xudun u noqon doona dhismaha Galmudug-ta cusub. PUNTLAND POST The post Wafdi uu hor-kacayo Khayre oo ku wajahan Xarunta Galmudug ee Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  22. 26 july sanadkan ayuu dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheekh Nuur Maxamed Maxamuud, degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir. Sheekh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday dhiganayay School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay. Isla xilligii uu geystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen, waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta oo ah goobta laga dhaqaajiyo gal dacwadeedka. Maalin kadib ayay Garsoorayaasha u direen xabsiga dhexe Eedeysanaha garsuge ahaan. 19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane. Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka, warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47. Markaatiyaasha Maxkamadda hortaagnaa oo laba ahaa ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka geystay uu umuuqday mid isticmaalay wax yaabaha Maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha idilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane. Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah. Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan miirkiisa joogin. Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda ayaa ka furan rafcaan muddo la siman bil xukunka kadib. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (PP) ─ Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor-dhaw ku qarxay isgoyska ex-koontrool Afgooye ee magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in gaariga uu qarxay markii ciidamada Dowladdu ay rasaaseeyeen. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gaarigan oo noociisu ahaa NOAH ay saarnaayeen dhawr qof, kuwaasoo markii ay marayeen koontarool ay ciidamada DF ku sugnaayeen ay bambooyin dhawr ah ku tureen, taasoo keenay in ciidamaduna ay gaariga rasaaseeyaan. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan ayaa la sheegay inay ku dhinteen dhammaan xubnihii gaariga saarnaa, inkastoo la maqlay markii uu qaraxu ka dhacay kaddib rasaas xoog badan oo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ay geysatay. Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana loo maleynayaa in kooxaha gaarigan watay ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo sannado badan dagaal kula jirtay Dowladda Somalia ee uu caalamku taageero. Sidoo kale, Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku dhaw taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana ku yaalla gudaha xaruntaas xabsi weyn oo dhawaan la hir-geliyay kaasoo ay ku xiran yihiin maxaabiis laga soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Xamar. Dhanka kale, waxaa goobta ka socday dib u dhis lagu sameynayo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, taasoo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dowladda Qatar ayna dhismaha fulinayso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana dhismahan uu qayb ka yahay mashaariic ay Qatar ugu deeqday Soomaaliya. Ugu dambeyn, Hay’adaha amniga DF ayaan weli ka hadlin qaraxan iyo cidda la doonayo in lagu weeraro, waxaana dhawaanahan hoos u dhac weyn uu ku yimid qaraxyadii is-daba-joogga ahaa ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Qarax gaari oo ka dhacay Isgoys mashquul badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.