Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,363
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Following the arrest of the security minister of Jubaland in Somalia, Abdirashid Hassan Abdinur, also known as Abdirashid Janan, who is reasonably suspected of criminal responsibility for crimes under international law and other serious human rights violations, including obstructing humanitarian assistance, Amnesty International’s Deputy Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes, Seif Magango said: “The arrest of Abdirashid Janan is a significant step towards accountability for the serious human rights violations committed with impunity for years by powerful individuals in Somalia. “Abdirashid Janan is accused by the UN Somalia and Eritrea Monitoring Group of horrific crimes including killings, torture, unlawful detention and illegal renditions between 2014 and 2015. The authorities must immediately bring him before a civilian court to face trial in accordance with international fair trial standards. “The investigation and trial of Abdirashid Janan must usher in an era of justice for victims of human rights violations and their families in Somalia.” Background The UN Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG) accused Abdirashid Hassan Abdinur of serious human rights violations in their 2016 and 2017 reports, and of “conduct constituting obstruction of humanitarian assistance” between 2014 and 2017. Abdirashid Hassan Abdinur was arrested at Mogadishu airport on Saturday 31 August. On 1 September, the Deputy Police Commissioner of the Federal Republic of Somalia, Zakia Hussen, confirmed that the police had arrested the minister who is accused of “serious crimes”. The police are currently investigating his case. View the full article
  2. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kharye, ayaa galabta tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka dib u-heshiisiinta Galmudug. Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay kamid yihiin arrimaha gudaha iyo amniga gudaha, xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusamareeb uu qayb ka yahay qorshaha dhamaystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare khayre oo tegay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  3. Wafdi balaaran oo hoggaaminaayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa goordhow gaaray magaalad Hobyo ee gobalka Mudug. Safarkan ayaa waxaa guddoomiye Abshir Axmed ku wehlinaayo xildhibaanno labada gole ee baarlaamaanka federaalka ah oo dhammaantood laga soo doorto deegaanada Galmudug, waxaana ka mid ah Sanater Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid, Xildhibaan Axmed Fiqi, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye iyo mas’uuliyiin kale, waxaa kale oo ka dhexmuuqday Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo dhowaan isu soo tasgay murashaxnimada Galmudug. Wafdigaan Xildhibaanada ah ee gaaray magaalada Hobyo ayaa waxaa uu ka mid yahiin wufuud lagu casuumay xiritaanka shirka weynaha nabada iyo dib u-heshiisiinta qaar ka mid ah beelaha da Galmudug oo ka socda magaalada Hobyo lana filaayo inuu soo xirmo malainimada khamiista ah ee soo aadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Washington)-Sideed Markab oo kuwa dagaalka ah, diyaaradaha dagaalka iyo 1000 shaqaale ah ka socda Mareykanka iyo toban waddan oo dhaca koonfurta Aasiya ayaa maanta ka qeybgalaya dhoolatus ciidan oo ka bilaamay biyaha badda ee ku yaala koonfurta Shiinaha. Dhoolatuskaan oo ah kii ugu horreeyay ee dhexmara urur weynaha gobolka koonfurta Aasiya iyo xukkuumadda Washington waxa uu soconayaa muddo shan cisho ah, kaas oo ka bilaabanaaya saldhigga Maraakiibta Sattahip ee dalka Thailand wuxuuna ku dhammaanayaa biyaha badda ee dalka Singapore Howlgalladaan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan howlgalka Mareykanka ee gobolka iyo xiisadda u dhaxeysa Beijing iyo Koonfur-bari Aasiya, taas oo ku saabsan muranka Badda Koonfurta Shiinaha oo ay sheegtaan dalalka Brunei, Malaysia, Vietnam iyo Philippines. Xukuumadda Shiinaha ayaa lagu warramay inay heegan galisay ciidamada badda dalkaasi, inkastoo ayna jirin wax cabsi ah oo ay ka qabto dhuulatuskaasi ciidan ee ay wadaan Mareykanka iyo toban dal oo ka tirsan Aasiya, gaar ahan koonfurta. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Shaqaale Dawladeed Oo Shaqadoodi Looga Eryay Isticmaalka Qaadka Iyo Sigaarka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamtay xarrigii Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo loo heysto xadgudubyo dhanka baniaadanimad. Hey’adda ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg ah maxkamad loo soo taago Wasiirkii Amniga Cabdirashiid Janan oo Muqdisho lagu xiray. “Qabashada Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha ee ay geysteen, shaqsiyaadka awoodda badan ee Soomaaliya, iyadoo aan lala xisaabtamin sanado badan”Sidaas waxaa yiri Agaasime Kuxigeenka Bariga iyo Geeska Afrila ee Hey’adda Amnesty International Mr Seif Magango. Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa xaqiijisay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay xireen Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland. Taliyaha Ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Generaal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Wasiir janan uu yahay eedaysane isla markaana Boolisku baaritaan ku haayo kiisa loo haysto Wasiirka Amniga Gudaha Jubaland Cabdirashiid Janan. “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska” ayay tiri Zakiya Xuseen Axmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Soomaaliland ayaa soo dhoweysay wadahadal dhex Mara Soomaaliya iyo Soomaaliland kuna xirtay shuruudo dib ugu soo noqoshada wadahadalka iyaga iyo Soomaaliya. Kulan maanta golaha Wasiirada Soomaaliland ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa, oo uu shir guddominayay madaxweyne Muuse Biixii Cabdi goobjoogna uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi seylici, ayaa wasiiradu uga hadleen nooca uu noqonayo wada-hadallada ay Soomaaliya la galayaan. Bayaanka Somaliland ka soo baxay ayaa u qornaa sidatan: 1) In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo. 2) In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan. 3) In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland. 4) In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5) Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Caynaba)-Dadweynaha Ku Nool Magaalada Caynaba Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyey In Uu Kaga Baxay Balanqaadyo Uu U Sameeyey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. The campaign group Amnesty International has hailed the arrest of Jubbaland Security Minister Abdirashid Janan terming it a ‘significant step to accountability.’ Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkeysanaysa inay sifo sharci ah u martay sii deynta 19 maxbuus oo budhcad badeednimo ugu xidhnaa Hargeysa, kuwaas oo dhammaadkii bishii hore uu cafis u fidiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dowladda Seychelles ayaa hore u sheegtay in Somaliland ay si aan sax ahayn usii daysay maxaabiistaasi oo qaarkood ay ku xukunnaayeen sannado badan. Arrintan ayaa la sheegay in mar kale lagu soo qaaday kulankii waddamada Afrika iyo Japan ay toddobaadkii hore ku yeesheen magaalada Yokohama. Garyaqaanka guud ee Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa BBC u sheegay in sii deynta maxaabiista ay u mareen heshiiska ay kala saxiixdeen Seychelles iyo xeer wareejinta maxaabiista ee Somaliland. “Isfahamkan lagala saxeexday waxaa uu sheegaya qaabka ama maqaamka ay yeelanayaan maxaabiista lala soo wareegay…..markii ay iyagu gacanta ku hayeen xeerarkooda ayay ku dhaqayeen…waxay u madaxbanaanayeen inay ku qaadan xeerarkooda, markii lasoo wareejiyay mas’uuliyaddii iyo maamulkooda anaga ayay nagu soo wareegeen” ayuu yidhi Cabdisamad Cumar Maal oo uu warramayay weriyaha BBC Cabdullaahi Jaamac. Waxaa uu sidoo kale sheegay in xeerka wareejinta maxaabiista Somaliland uu dhigaya in madaxweynaha uu cafis u fidin karo. Source
  11. Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadalo ay galaan Xukumada Faderaalka Soomaaliya si looga hadlo arimaha ay isku hayaan ee labada ee la xariirta Madax banaanida ay doonayso Somaliland. Kal-fadhigii 40-aad ee golaha wasiirradda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxay dood dheer ka yeesheen arrimo la xidhiidha wadahadalada u dhexeeya Maamulka Somaliland iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo qodobo kale. Kulankooda kadib ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliland waxaa ay soo saareen War-Saxaafadeed ka kooban Shan qodob. 1) In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo. 2) In Soomaaliya ay qirato in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan. 3) In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland. 4) In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5) Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso. Ugu danbayn waxay golaha wasiiradu ku dheeraadeen ahmiyada qabsoomida doorashooyinku u leeyihiin dalka, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo in ay doorashooyinku qabsoomaan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  12. Bishan September 9keeda, dalkeenna Soomaaliya waxaa uu dood iyo difaac la hortagi-doonaa maxkamadda cadliga adduunka ee dalka Holland. Qareennada u doodaya Soomaaliya ayaa difaaci-doona dacwada badda ee Soomaaliya iyo iney Kenya kusoo xadgudubtay baddeena halka jawaabta Kenya ay isla maxkamaddaasi dhageysan-doonto 2 maalin kadib, oo ah September 11, 2019-ka. Inta aanan u gudbin salka iyo ujeedka dooddan cusub ee loo balansanyahay bishan, waxaa xusid mudan in horay Kenya looga adkaaday kadib markii ay diiday maxkamadda cadliga codsigii Nairobi ee ahaa in labada dal ay wada hadal galaan, isla markaana maxkamaddani aaney dhageysan karin dacwadda. Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Haddaba, dooddan cusub ee 9ka bishan bilaabaneysa waa kiiska dhabta ah ee muranka xadka ee badda, khariidado ayaa lala soo baxayaa 2-bada dhinac, qareennada Soomaaliya difaacaya waxaa ay meesha la tagi-doonaan caddeymaha xadgudubka ay Kenya ku sameysay dhul badeedka Soomaaliya, dhulkan oo baaxadda uu ku fadhiyo gaaraya ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Meelaha ugu muhiimsan ee biyo-dhaca doodda ah waxaa ka mid ah: Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo ee xariiqda toosan ee ka timid dhulka xadka dhulka ee Soomaaliya iyo Kenya halka Kenya ay dooneyso in xariiqda la weeciyo. Inkasta oo Kenya ay sheegtay in dhulbadeedka muranka gelisay ay maraakiib ku baartay, ilaalana ka aheyd muddo dheer, laakin waxaa la ogaaday in dhaqdhaqaaqa uu ahaa sanadkii 2014-kii, oo muranka kadib ah, dhammaan khariidada la hayo ilaa gumeystihii waxaa ay caddeynayaa in dhulkaasi badda ah ay leedahay umadda Soomaaliyeed. Taariikhda Cabirka Biyaha: Laga soo bilaabo 1952 waxaa mar walbo soo baxayey cabirro iyo sharciyo kala duwan oo lagu badbaadinayo dhulbadeedka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Biyo goboleedka(Territorial sea), Aaga dhaqaalaha(EEZ), Qalfoof qaaradeed(continental shelf) ilaa high sea, kuwaas oo ahaa 1958-1982. Waxaa kale oo jiray xeerar soo baxay 1969, 1972, 1977 iyo 1982, kuwaas oo qeexaya xuquuqdeena dhulka, biyaha, cidda iyo xataa agaagga xorta ah. Marka laga soo tago qareennada caalamiga ah, kiiskan badda waxaa 10-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqeynayey arrintan khubaro Soomaaliyeed oo habeen iyo maalin u soojeeday sidii loo heli lahaa dhammaan caddeymaha ay Soomaaliya u baahantahay si ay hesho xuquuqdeeda badda, waxaa la hayaa dhammaan khariidadaha, heshiisyadii iyo sharciyadii ay galeen labada dal iyo xataa sida la ahaa xilliga gumeystaha ee Angelo Italilan, taasi oo keentay in qareennada ajaanibta ee Soomaaliya garabkeeda taagan uu qalbigooda ku dagey iney guuleysan-doonaan. Haddaba, Wax Ka Baro Qareennada Difaaca Soomaaliya: Qareennada difaacaya dacwada badda ee Soomaaliya 9ka bishan waa 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag. Abuukatayaasha: 1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C, kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English. 2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah. 3. Prof. Alain Pellet: Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris. 3dan qareen ee Soomaaliya u matali-doona dacwada badda, waxaa ay horay ugu guuleysteen dacwo badan, heleen abaalmarinno caaalami ah, waxaa ay caan ka yihiin maxkamadaha caalamiga, waxaa ay hubaan guusha 100%. Denjiraha Soomaaliya ee Belgium, Netherlands, Luxembourg (Benelux) iyo Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, oo ka tirsan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee qeybta ah kiiskan ayaa sheegay in Soomaaliya ay 100% diyaar u tahay doodda dacwada badda isaga oo intaasi raaciyey iney jiraan 2 sabab oo tusinaya in Muqdisho ay guusha ku raaci-doonto kiiskan: 1. Qeylada Kenya: Kenya tan iyo markii ay Soomaaliya dacwada geysay Hague, waxaa ay wadaa dadaalo lagu doonayo wadahadal ay ula fureyso Muqdisho, oo ah in maxkamadda la iska daayo, waxaa ay adeegsatay diblomaasiyad, cadaadis iyo wax walbo, laakin Soomaaliya dheg jalaq uma siin, oo dacwada ayey sii waddey, taas oo caddeyn u ah cabsiga iyaga heysa iyo kalsoonida Soomaaliya. 2. Teeda kale: Abuukaatayaasha Soomaaliya u dooda ee ka socda hey’adda Foley Hoag, waa dad lagu bartay inay 100% ku guuleysteen dhammaan kiisaskii ay galeen, haddii uu shaki uga jiro ma jirteen. Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhammaan ku mideysan in la soo dhiciyo xuquuqda badda, isla markaana aan laga tanaasulin hal taako oo dhulka ah, dacwadan oo go’aankeeda la soo saari-doono 6 bil kadib ayaan la rajeynayaa iney noqoto mid ka farxisa dhammaan umadda Soomaaliyeed. International Court of Justice(ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka, maxkamaddan waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah. Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Cabdulqawi Axmed Yusuf. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye
  13. Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee deegaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa xaringa wasiirka amniga ee maamulkaasi Cabdirashid Janan ee Muqdisho kala hadlay Goobjoog News, isaga oo sheegay in ay nasiib darro tahay xarigiisa. Xildhibaan Idiris oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri“Xarigga wasiirka oo xukuumadda federaalka la sheegtay in ay xirtay oo aan arkaayay booliska twitter ay leeyihiin oo leeyihiin C ID danbi barista ayaa xirtay fal danbiyeed culusna uu u xiran yahay, waxaan rabaa inaan halkaas ka daba raaco taariikhdu markii ay aheyd 30-kii bishii afaraad 2019 ka waxaa jirtay waraaq sumadeedu aheyd MGP oo dhigantay gobalka Banaadir/ DPN/59/2015 oo ku socotay qeybta barista danbiyada ee Interpol, waxaa ogaay ayaa la yiri waraaqda xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka, ujeedka waraaqda loo dirayna waxaa ay aheyd burin amar soo qabasho eedeysane maxkamadda gobalka Banaadir markii ay fiirisay galka sumaddiisu uu ahaa MGP/ MPL ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha waxaa ay go’aamisay in la buriyey soo qabashadii hare ee ninkaas lagu soo eedeeyay markii la fiiriyay qodabka 72-aad ee xeerka, markii la fiiriyey danta guud iyo cadaaladda, waxaa cafin loo fidiyay Cabdirashiid Xasan nuur Janan, marka ninka cafita loo fidiyay waa ninka hadda la xiray, walina aan la cadeyn sababihii looga laabtay”. Warqadda uu Xildhibaan Idris ka hadlayo: Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Idiris waxaa uu qabaa iney nasiib darro tahay isaga oo yiri “Lakiin waxaa nasiib darro ah doorashadii Jubbaland oo markii diyaar garowgeeda lagu jiray in lagu majaxaabiyo la rabay oo fashilantay ayeey aheyd, nidaamka dowladnimo ma ahan inuu qof waliba sida uu rabo uu u hadlo lakiin waa dastuur iyo qawaaniin dalka u taala”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Cadaado (SMN) – Ciidamada ammaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay nin waday lacago Doller oo False ah kadib howlgallo ay ka sameyeen gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Saraakiisha Booliska ee Galmudug ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qabteen illaa 10 kun oo Doller-ka Mareykanka ah oo la doonayey in la galiyo gudaha magaladaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu tilmaameen inay ku raad joogan ninkii loo waday Lacagtaasi Waxa kale oo ay sheegeen in lacagahan Dollerka laga keenay magaalooyinka Beledweyne iyo Gaalkacyo, sida ay hadalka u dhigeen. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay Galmudug gacanta ku dhigto lacago been abuur ah la doonayey in la geeyo deegaanada maamulkaasi. View the full article
  15. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan M/Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Qaban qaabo iyo soo dhaweyn loogu jiro wadiga Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan si xoogan looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa daah-furi doono shiweynaha dib u heshiisinta Galmudug oo Arbacada soo socota ka furmaya gudaha magaalada Dhuusamareeb ee G/ Galgaduud. Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii loo heli lahaa dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Barmaamij ka baxa Telefishanka Horyaal ayaa lagu soo bandhigay marfash ama madal ay fadhiistaan haween qayilaya kuwaas oo ka xog waramaya waayahooda qaadka iyo sida ay ku helaan lacagta kaga baxda, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=Jp_c-o38Vzw Source
  17. Baardheere (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqen maanta ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la rumeysan yahay inay fulisay diyaarad ay leedahay dowladda Kenya. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday goobo waxbasho iyo kuwa caafimaad oo ku yaalla deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolkaasi. Deegaankan ayaa waxaa gacanta ku haya, islamarkaana ka arrimiya dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi diyaaradeed. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 40-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxay dood dheer ka yeesheen arrimo la xidhiidha wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, safiirada iyo ergooyinka beesha caalamka ee Somaliland hawlaha shaqo u yimaada iyo hay’adaha UN-ka, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee ka hawlgala dalka Somaliland. Golaha Wasiiradu waxay is-dultaageen muhiimadda ay wadahadaladu u leeyihiin nabadgelyada mandaqada geeska Afrika iyo wada noolaanshaha labada shacab ee Somaliland iyo Soomaaliya, sidoo kale waxay lafa-gureen heshiisyadii ka soo baxay wadahadaladii hore u dhexmaray labada dhinac ee ay dawladda Soomaaliya ka gaabisay hirgalintooda. waxaanay goluhu ka hadleen wada shaqaynta dawladda Somaliland iyo safiirada iyo ergooyinka beesha caalamka, iyagoo bogaadiyey taageerada baaxadda weyn ee ay beesha caalamku Somaliland la barbartaagan tahay muddada 28-ka sanno ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, waxayna go’aamiyeen; 1) In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo. 2) In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan. 3) In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. 4) In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5) Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso. Ugu danbayn waxay golaha wasiiradu ku dheeraadeen ahmiyada qabsoomida doorashooyinku u leeyihiin dalka, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo in ay doorashooyinku qabsoomaan. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  19. Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta ee maamulka Puntland Col, Cali Sabareey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay amar kusiiyeen shirkadaha Isgaarsiinta ee ka jira deegaanadaas in ay hawada ka saaraan oo ay khadkooda internetka ka mamnuucaan mareegta-ta Puntlandtimes.com oo kamid ah websiyada wax ka qora arrimaha Puntland. Wasiirka ayaa sheegin sababta rasmiga ah ee ay talaabadan u qaadeen, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu maamulkaas dhibsaday warbixin la xariirta wasaaradda warfaafinta oo ah inay gadood sameyeen shaqaalaha wasaaradda. Ma jirto wax wado sharci ah oo loo maray talaabada ay qaadayso Puntland ee ku wajahan xanibaadda website-kan, taas oo ka dhigan in xoriyada hadalka la diidan yahay, sida ay sheegeen maamulka website-ka. Tifaftiraha guud ee warbaahinta Puntlandtimes.com Faarax Cabdulqaadir oo aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan jirin wax war ah oo ay ka hayeen arrimahan, wuxuuna sheegay in wararka maalinlaha ee latabiyaa ay yihiin kuwa la hubiyey, isagoo ku tilmaamay talaabadan mid ka soo horjeeda sharciga Saxaafadda iyo xoriyadda hadalka. “Talaabada Puntland ay qaadayso waxay sharaf darro iyo jabin cad ku tahay dastuurka iyo xeerarka Xoriyada hadalka, waxaanu marnay wadada sharciga ah oo aanu maxkamad rasmi ah ka dacweynay maamulka Puntland, taas oo aan rajeynayo in ay u hogaansami doonaan” ayuu yiri Tifaftiraha. Wararka qaar ayaa sheegay in mareegtan ay qortay xog la xariirta diyaarad waday saanad ciidan oo ka dagtay magaalada Qardho, taas oo ay beenisay Puntland ayna sheegtay in ay tahay mid aan waxba ka jirin.
  20. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha fereraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ku dhawaaqay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu furmin doono maalinta Arbacada ah oo ku beegan 4-ta Bishan Septembar. Mudane Sabriye oo Dhuusamareeb kula hadlayay Ergada matalaysa degaannada Galmudug iyo guddiga qabanqaabada shirka ayaa intaa ku daray in ay idil yihiin xubnihii ka qeyb geli lahaa shirka, ayna filayaan in uu si habsami leh ugu billowdo uguna soo dhammaado. Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shirka lagu wado in uu saacadaha soo socda halkaasi ka furmo. Ammaanka Magalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri iyo Boolis iyo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo dhawaan la geeyay. Waxaa sidoo kale haatan Magalada Dhuusamareeb laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya,waxaana wararku sheegayaa in Ciidamada Dowladda ay baaritaano ku sameynayaan Gaadiidka dhexmaraya wadooyinka Magalada Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  21. Johannesburg (SMN) – Kooxo burcad ah ayaa maanta boob xoogan u geystay goobo ganacsi oo ay dhalinyaro Soomaaliyeed ku lahaayeen gudaha dalka Koonfur Afrika. Burcada ayaa dhac iyo boob kula dhaqaaqday Dukaamo ay Soomaali lahaayeen oo ku yaalla xaafadda Tembisa oo ah deegaanka 2-aad ee ugu weyn magaalada Johannesburg. Goobaha la boobay ayaa waxaa iska lahaa ganacsato isugu jirta Soomaali iyo kuwo kale oo u dhashay dalka Hindiya. Sidoo kale kooxahan burcada ayaa dab qabadsiiyey goobahaasi, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey dhibaatooyinka ay ganacsatada Soomaaliyeed kala kulmaan gudaha dalka Koonfur Afrika. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  22. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa dhawaan mamnuucday in goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay lagu iibiyo dawada qaaxada oo iibkeeda loo arkay khatar bulshada waxyeelayn karta. Xarunta caafimaadka ee Xergeeye oo ah xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay mulkiilana uu ka yahay Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa waxaa lagu iibiyaa daawada qaaxada taas oo ay hore u mamnuucday Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland in lagu iibiyo xarumaha cafimaad gaarka loo leeyahay. Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa isaga oo adeegsanaya awoodda qaranka kuna takrifalaya mas’uuliyadda uu u hayo wasaaradda caafimaadka ku iibiyaan xaruntiisa caafimaadk Hergeye clinic oo ku taalla magaalada Hargeysa. Tallaabadda uu ku kacay Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka ayaa waxa ay burinaysaa go’aankii wasaaradda cafimaadku ku mamnuucday in dwaad lagu iibiyo xarumaha cafimaadka ee gaar ka loo leeyahay, Go’aanka Wasaaradda harumarinta caafimaadka ee lagu mamnuucay iibka dawada qaaxada ayaa waxa markii hore lagu sababeeyay sidii loo yarayn lahaa la qabsiga is ticmaal ka dawada Qaaxada oo halis ku bulshada ku nool caalamka gaar ahaan ku nool qaaradda afrika ee aynu ka mid nahay oo ay la daaladhacayaan kumanaan qof oo ku nool Somaliland kuwaas oo qaadsiin kara dadka kale ee ay ku dhex nool yihiin si fudud, haddii aynu sii wadno sharaada xanuunka laqabsiga dawda qaaxada oo ah xanuu aan loo hayn dawo rasmi ah oo lagudaweeyo isa oo sababi kara xanuun ba’an oo dagdag loogu dhiman karo. Ugu dambayntii haddii aan wax laga qaban tallaabadan uu ku kacay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadku waxa ay dhiiri-galin u noqon kartaa in xarumaha kale gaar loo leeyahay ay iibiyaan dawadan iyo dawooyin kale oo mamnuuc ah iyo in go’aamada wasaaraddu ay socon waayaan. Source