Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,374
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidammada Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa ka hadlay war lagu baahiyay facebook been abuur ah oo lagu furtay magaca ciidanka booliska Somaliland, taliyihu waxa uu beeniyay warka lagu baahiyay facebook been abuur ah kaasi oo wax lagaga sheegay xaaladiisa caafimaad. Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga waxa uu ku yidhi sida tan: “Sidaan Horaba Warbixin idinkula Wadaagay Page Maaha Mid Ciidanka Police Leeyahay, Waa page Been Abuur ah Waxaana Qoraaya Qof Dano kale Leh. Anuu Waan Caafimaad Qabaa Balana ma Qabo Pagekana Dabo gal Ayaanu Ku haynaa. Wabilaahitawafiiq” Halkan hoose ka daawo Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman oo hore uga hadlaya bogga facebook ee been abuurka ah Source
  2. (SLT-Iran)-Dawlada Iran ayaa faahfaahin ka bixisay qaraxa gantaal ka dhacay saldhiga Imam Khomeini, kadib markii uu soo baxay muuqaal satellite ku qaaday oo muujinaya qaraxaasi dhacay todobaad ka hor. Afhayeen u hadlay dawlada oo magaciisa la yidhaa Cali Rabici ayaa maanta sharaxaad ka bixiyey in qaraxaasi uu ahaa markii dawlada Iran ay isku dayday inay satellite dirto, kaas oo dawlada Maraykankuna ay cambaaraysay. Qaraxa gantaalkan ay sababtay cilada farsamo ayaa noqonaya kii labaad ee Xarunta Hawada Sare ee dalka Iran ay ku doonaysay inay ku ganto, balse madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa jimcihii sheegay inay sii korodhay walaaca laga qabo barnaamijka hawada sare ee Iran. Inkasta oo Afhayeenka dawlada Iran Mr Rabiei uu diiday soo jeedintaasi, isla markaana uu tilmaamay in dhibaatadu ay tahay cilad farsamo oo dhacday. “Qaraxu waxa uu dhacay markii la ganay balse may jirin wax Satellite ah oo ilaa iyo hada la gudbiyey ama la diray,” ayuu yidhi Afhayeenku. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyey hadal kasoo yeeray taliyihii hore ee nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Sanbaloolshe ee la xiriiray xaaladda siyaasadda dalka iyo beelaha Mogadishu Clan. Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadalka Sanbaloolshe uusan matalin siyaasadda xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo sidoo kale Sanbaloolshe uu xubin ka yahay. Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Xasan Sheekh. Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneyso oo aan jihaysneyn, sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman. Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe). Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha. Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Wafdiga raiiusl wasaaraha waxaa soo dhaweyeey diyaaradaha Ugaas Nuur Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ay kamid yihiin Wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga,xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusa-mareeb uu qeyb ka yahay qorshaha dhameystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad goboleed loo dhanyahay. View the full article
  5. Nairobi (SMN) – Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa war waxay kasoo saartay xariga Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan]. Mas’uulkan oo Sabtidii laga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho isaga oo ka yimid Doolow kuna sii jeeda Addis Ababa ayaa la dhigay CID-da, halkaasi oo lagu waydiinayo su’aallo. War qoraal ah oo kasoo baxay Amnesty International ayaa lagu shaaciyey in Mr Janan loo haysto dambiyo caalami ah oo ay ku jiraan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida carqaladeynta kaalmo bini’aadanimo. Qaramada Midoobay iyo Monitoring Group ayaa intii u dhaxeysay 2014-kii iyo 2015-tii waxay ku eedeysay wasiirkan “dilal, jirdil, xarig sharci darro ah iyo tarxiil baalmarsan qaanuunka waddanka”. Seif Magango, agaasimaha hay’addan u qaabilsan Geeska Afrika kaasi oo ku booriyey garsoorka Soomaaliya in ay si degdeg ah maxkamad u soo taagan Janan ayaa tilmaamay in xarigiisa uu cadaalad u horseedo dhibaneyaasha. “Xariga Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday la xisaabtanka shaqsiyaadka xilalka ka qabtay Soomaaliya ee sameeyay xad-gudubyadda bini’aadanimo inta ay xukunka hayeen,” ayuu yiri Magango. Hadalka Amnesty International ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo maamulka Jubbaland uu xariga mas’uulkan ku tilmaamay “afduub baalmarsan dastuurka iyo shuruucda kale ee waddanka u taala”. View the full article
  6. More reports are coming out of an airstrike carried out in parts of Gedo region in southern Somalia on Monday. The strike is believed to have conducted by Kenyan military warplanes. Reports indicate that the raid targeted educational and medical facilities in Fafahdhun area of the region, the scene of frequent battles between Al-Shabaab and KDF. The area is under the control of al-Shabaab fighters. It is not yet clear the exact casualties caused by the bombing. There has been no word from government and al-Shabaab officials about the attack. View the full article
  7. Hargeysa (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa wuxuu aqbalay in uu miiska wada xaajoodka la fariisto dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo ay ku xireen shuruudo ka kooban shan qodob. Hoos ka akhriso shuruudaha 1) In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo. 2) In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan. 3) In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland. 4) In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Somaliland. 5) Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Haben-02092019.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa badalay go’aankiisii ku aadanaa inuu furi doono jidadka Muqdisho ee xiran waqti badan. Guddoomiyaha ayaa shardi culus ku xiray in jidadka Muqdisho ee xiran loo furo shacabka iyo ganacstada dhibaatada ku qabo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in furitaanka jidadka Muqdisho ay ku xiran tahay inay Shacabka kala shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka in uusan qarax ka dhicin Magaalada oo aan lasoo weerarin xarumaha Dowladda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii Shacabka Muqdisho ay kasoo baxaan doorkooda ah in Ciidamada Ammaanka usoo sheegaan meelaha lagu diyaariyo qaraxyada iyo dadka fulinayo ay iyagana furi doonaan jidadka xiran ee Muqdisho. Wuxuu sheegay in markii la waayo qarax ka dhaco Muqdisho ay iyagana ka shaqeyn doonaan furista jidadka, wuxuuna hadalkaas noqday mid si weyn u khilaafay hadalkii uu ka sheegay Xafladdii caleema saarkiisa oo ahaa inuu si deg deg ah u furi doono Jidadka xiran ee Muqdisho. Hadalkiisii hore ee ahaa inuu furi doono jidadka Muqdisho ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Shacabka Muqdisho, waxaana illaa hadda la ogeyn sababta keentay inuu is badalo go’aankii Guddoomiyaha. Lama ogo haddii uu Guddoomiye Cumar cadaadis kala kulmay madaxda ugu sareeyo Dalka oo ku qanacsan inay jidadka sii xirnaadaan maadaama ay u arkaan inay tahay qaabka kaliya ee looga hortagi karo qaraxyada Al-Shabaab. Halkaan hoose ka daawo isbadalka ku dhacay Guddoomiyaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Work on Dubai’s Al Maktoum Airport has stopped because the economies of the Gulf states are faltering, Bloomberg reported on Thursday. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Reer Kenya Ah Oo Shaaciyey In Somaliland Joogto Wakhtigii Ay Soomaaliya & Dunidu Aqoonsan Lahayd, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Following the arrest of the security minister of Jubaland in Somalia, Abdirashid Hassan Abdinur, also known as Abdirashid Janan, who is reasonably suspected of criminal responsibility for crimes under international law and other serious human rights violations, including obstructing humanitarian assistance, Amnesty International’s Deputy Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes, Seif Magango said: “The arrest of Abdirashid Janan is a significant step towards accountability for the serious human rights violations committed with impunity for years by powerful individuals in Somalia. “Abdirashid Janan is accused by the UN Somalia and Eritrea Monitoring Group of horrific crimes including killings, torture, unlawful detention and illegal renditions between 2014 and 2015. The authorities must immediately bring him before a civilian court to face trial in accordance with international fair trial standards. “The investigation and trial of Abdirashid Janan must usher in an era of justice for victims of human rights violations and their families in Somalia.” Background The UN Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG) accused Abdirashid Hassan Abdinur of serious human rights violations in their 2016 and 2017 reports, and of “conduct constituting obstruction of humanitarian assistance” between 2014 and 2017. Abdirashid Hassan Abdinur was arrested at Mogadishu airport on Saturday 31 August. On 1 September, the Deputy Police Commissioner of the Federal Republic of Somalia, Zakia Hussen, confirmed that the police had arrested the minister who is accused of “serious crimes”. The police are currently investigating his case. View the full article
  13. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kharye, ayaa galabta tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka dib u-heshiisiinta Galmudug. Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay kamid yihiin arrimaha gudaha iyo amniga gudaha, xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusamareeb uu qayb ka yahay qorshaha dhamaystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare khayre oo tegay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  14. Wafdi balaaran oo hoggaaminaayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa goordhow gaaray magaalad Hobyo ee gobalka Mudug. Safarkan ayaa waxaa guddoomiye Abshir Axmed ku wehlinaayo xildhibaanno labada gole ee baarlaamaanka federaalka ah oo dhammaantood laga soo doorto deegaanada Galmudug, waxaana ka mid ah Sanater Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid, Xildhibaan Axmed Fiqi, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye iyo mas’uuliyiin kale, waxaa kale oo ka dhexmuuqday Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo dhowaan isu soo tasgay murashaxnimada Galmudug. Wafdigaan Xildhibaanada ah ee gaaray magaalada Hobyo ayaa waxaa uu ka mid yahiin wufuud lagu casuumay xiritaanka shirka weynaha nabada iyo dib u-heshiisiinta qaar ka mid ah beelaha da Galmudug oo ka socda magaalada Hobyo lana filaayo inuu soo xirmo malainimada khamiista ah ee soo aadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Washington)-Sideed Markab oo kuwa dagaalka ah, diyaaradaha dagaalka iyo 1000 shaqaale ah ka socda Mareykanka iyo toban waddan oo dhaca koonfurta Aasiya ayaa maanta ka qeybgalaya dhoolatus ciidan oo ka bilaamay biyaha badda ee ku yaala koonfurta Shiinaha. Dhoolatuskaan oo ah kii ugu horreeyay ee dhexmara urur weynaha gobolka koonfurta Aasiya iyo xukkuumadda Washington waxa uu soconayaa muddo shan cisho ah, kaas oo ka bilaabanaaya saldhigga Maraakiibta Sattahip ee dalka Thailand wuxuuna ku dhammaanayaa biyaha badda ee dalka Singapore Howlgalladaan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan howlgalka Mareykanka ee gobolka iyo xiisadda u dhaxeysa Beijing iyo Koonfur-bari Aasiya, taas oo ku saabsan muranka Badda Koonfurta Shiinaha oo ay sheegtaan dalalka Brunei, Malaysia, Vietnam iyo Philippines. Xukuumadda Shiinaha ayaa lagu warramay inay heegan galisay ciidamada badda dalkaasi, inkastoo ayna jirin wax cabsi ah oo ay ka qabto dhuulatuskaasi ciidan ee ay wadaan Mareykanka iyo toban dal oo ka tirsan Aasiya, gaar ahan koonfurta. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Shaqaale Dawladeed Oo Shaqadoodi Looga Eryay Isticmaalka Qaadka Iyo Sigaarka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamtay xarrigii Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo loo heysto xadgudubyo dhanka baniaadanimad. Hey’adda ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg ah maxkamad loo soo taago Wasiirkii Amniga Cabdirashiid Janan oo Muqdisho lagu xiray. “Qabashada Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha ee ay geysteen, shaqsiyaadka awoodda badan ee Soomaaliya, iyadoo aan lala xisaabtamin sanado badan”Sidaas waxaa yiri Agaasime Kuxigeenka Bariga iyo Geeska Afrila ee Hey’adda Amnesty International Mr Seif Magango. Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa xaqiijisay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay xireen Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland. Taliyaha Ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Generaal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Wasiir janan uu yahay eedaysane isla markaana Boolisku baaritaan ku haayo kiisa loo haysto Wasiirka Amniga Gudaha Jubaland Cabdirashiid Janan. “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska” ayay tiri Zakiya Xuseen Axmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Soomaaliland ayaa soo dhoweysay wadahadal dhex Mara Soomaaliya iyo Soomaaliland kuna xirtay shuruudo dib ugu soo noqoshada wadahadalka iyaga iyo Soomaaliya. Kulan maanta golaha Wasiirada Soomaaliland ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa, oo uu shir guddominayay madaxweyne Muuse Biixii Cabdi goobjoogna uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi seylici, ayaa wasiiradu uga hadleen nooca uu noqonayo wada-hadallada ay Soomaaliya la galayaan. Bayaanka Somaliland ka soo baxay ayaa u qornaa sidatan: 1) In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo. 2) In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan. 3) In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland. 4) In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5) Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Caynaba)-Dadweynaha Ku Nool Magaalada Caynaba Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyey In Uu Kaga Baxay Balanqaadyo Uu U Sameeyey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. The campaign group Amnesty International has hailed the arrest of Jubbaland Security Minister Abdirashid Janan terming it a ‘significant step to accountability.’ Source: Hiiraan Online
  21. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkeysanaysa inay sifo sharci ah u martay sii deynta 19 maxbuus oo budhcad badeednimo ugu xidhnaa Hargeysa, kuwaas oo dhammaadkii bishii hore uu cafis u fidiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dowladda Seychelles ayaa hore u sheegtay in Somaliland ay si aan sax ahayn usii daysay maxaabiistaasi oo qaarkood ay ku xukunnaayeen sannado badan. Arrintan ayaa la sheegay in mar kale lagu soo qaaday kulankii waddamada Afrika iyo Japan ay toddobaadkii hore ku yeesheen magaalada Yokohama. Garyaqaanka guud ee Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa BBC u sheegay in sii deynta maxaabiista ay u mareen heshiiska ay kala saxiixdeen Seychelles iyo xeer wareejinta maxaabiista ee Somaliland. “Isfahamkan lagala saxeexday waxaa uu sheegaya qaabka ama maqaamka ay yeelanayaan maxaabiista lala soo wareegay…..markii ay iyagu gacanta ku hayeen xeerarkooda ayay ku dhaqayeen…waxay u madaxbanaanayeen inay ku qaadan xeerarkooda, markii lasoo wareejiyay mas’uuliyaddii iyo maamulkooda anaga ayay nagu soo wareegeen” ayuu yidhi Cabdisamad Cumar Maal oo uu warramayay weriyaha BBC Cabdullaahi Jaamac. Waxaa uu sidoo kale sheegay in xeerka wareejinta maxaabiista Somaliland uu dhigaya in madaxweynaha uu cafis u fidin karo. Source
  22. Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadalo ay galaan Xukumada Faderaalka Soomaaliya si looga hadlo arimaha ay isku hayaan ee labada ee la xariirta Madax banaanida ay doonayso Somaliland. Kal-fadhigii 40-aad ee golaha wasiirradda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxay dood dheer ka yeesheen arrimo la xidhiidha wadahadalada u dhexeeya Maamulka Somaliland iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo qodobo kale. Kulankooda kadib ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliland waxaa ay soo saareen War-Saxaafadeed ka kooban Shan qodob. 1) In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo. 2) In Soomaaliya ay qirato in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan. 3) In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland. 4) In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5) Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso. Ugu danbayn waxay golaha wasiiradu ku dheeraadeen ahmiyada qabsoomida doorashooyinku u leeyihiin dalka, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo in ay doorashooyinku qabsoomaan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  23. Bishan September 9keeda, dalkeenna Soomaaliya waxaa uu dood iyo difaac la hortagi-doonaa maxkamadda cadliga adduunka ee dalka Holland. Qareennada u doodaya Soomaaliya ayaa difaaci-doona dacwada badda ee Soomaaliya iyo iney Kenya kusoo xadgudubtay baddeena halka jawaabta Kenya ay isla maxkamaddaasi dhageysan-doonto 2 maalin kadib, oo ah September 11, 2019-ka. Inta aanan u gudbin salka iyo ujeedka dooddan cusub ee loo balansanyahay bishan, waxaa xusid mudan in horay Kenya looga adkaaday kadib markii ay diiday maxkamadda cadliga codsigii Nairobi ee ahaa in labada dal ay wada hadal galaan, isla markaana maxkamaddani aaney dhageysan karin dacwadda. Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Haddaba, dooddan cusub ee 9ka bishan bilaabaneysa waa kiiska dhabta ah ee muranka xadka ee badda, khariidado ayaa lala soo baxayaa 2-bada dhinac, qareennada Soomaaliya difaacaya waxaa ay meesha la tagi-doonaan caddeymaha xadgudubka ay Kenya ku sameysay dhul badeedka Soomaaliya, dhulkan oo baaxadda uu ku fadhiyo gaaraya ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Meelaha ugu muhiimsan ee biyo-dhaca doodda ah waxaa ka mid ah: Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo ee xariiqda toosan ee ka timid dhulka xadka dhulka ee Soomaaliya iyo Kenya halka Kenya ay dooneyso in xariiqda la weeciyo. Inkasta oo Kenya ay sheegtay in dhulbadeedka muranka gelisay ay maraakiib ku baartay, ilaalana ka aheyd muddo dheer, laakin waxaa la ogaaday in dhaqdhaqaaqa uu ahaa sanadkii 2014-kii, oo muranka kadib ah, dhammaan khariidada la hayo ilaa gumeystihii waxaa ay caddeynayaa in dhulkaasi badda ah ay leedahay umadda Soomaaliyeed. Taariikhda Cabirka Biyaha: Laga soo bilaabo 1952 waxaa mar walbo soo baxayey cabirro iyo sharciyo kala duwan oo lagu badbaadinayo dhulbadeedka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Biyo goboleedka(Territorial sea), Aaga dhaqaalaha(EEZ), Qalfoof qaaradeed(continental shelf) ilaa high sea, kuwaas oo ahaa 1958-1982. Waxaa kale oo jiray xeerar soo baxay 1969, 1972, 1977 iyo 1982, kuwaas oo qeexaya xuquuqdeena dhulka, biyaha, cidda iyo xataa agaagga xorta ah. Marka laga soo tago qareennada caalamiga ah, kiiskan badda waxaa 10-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqeynayey arrintan khubaro Soomaaliyeed oo habeen iyo maalin u soojeeday sidii loo heli lahaa dhammaan caddeymaha ay Soomaaliya u baahantahay si ay hesho xuquuqdeeda badda, waxaa la hayaa dhammaan khariidadaha, heshiisyadii iyo sharciyadii ay galeen labada dal iyo xataa sida la ahaa xilliga gumeystaha ee Angelo Italilan, taasi oo keentay in qareennada ajaanibta ee Soomaaliya garabkeeda taagan uu qalbigooda ku dagey iney guuleysan-doonaan. Haddaba, Wax Ka Baro Qareennada Difaaca Soomaaliya: Qareennada difaacaya dacwada badda ee Soomaaliya 9ka bishan waa 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag. Abuukatayaasha: 1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C, kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English. 2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah. 3. Prof. Alain Pellet: Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris. 3dan qareen ee Soomaaliya u matali-doona dacwada badda, waxaa ay horay ugu guuleysteen dacwo badan, heleen abaalmarinno caaalami ah, waxaa ay caan ka yihiin maxkamadaha caalamiga, waxaa ay hubaan guusha 100%. Denjiraha Soomaaliya ee Belgium, Netherlands, Luxembourg (Benelux) iyo Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, oo ka tirsan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee qeybta ah kiiskan ayaa sheegay in Soomaaliya ay 100% diyaar u tahay doodda dacwada badda isaga oo intaasi raaciyey iney jiraan 2 sabab oo tusinaya in Muqdisho ay guusha ku raaci-doonto kiiskan: 1. Qeylada Kenya: Kenya tan iyo markii ay Soomaaliya dacwada geysay Hague, waxaa ay wadaa dadaalo lagu doonayo wadahadal ay ula fureyso Muqdisho, oo ah in maxkamadda la iska daayo, waxaa ay adeegsatay diblomaasiyad, cadaadis iyo wax walbo, laakin Soomaaliya dheg jalaq uma siin, oo dacwada ayey sii waddey, taas oo caddeyn u ah cabsiga iyaga heysa iyo kalsoonida Soomaaliya. 2. Teeda kale: Abuukaatayaasha Soomaaliya u dooda ee ka socda hey’adda Foley Hoag, waa dad lagu bartay inay 100% ku guuleysteen dhammaan kiisaskii ay galeen, haddii uu shaki uga jiro ma jirteen. Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhammaan ku mideysan in la soo dhiciyo xuquuqda badda, isla markaana aan laga tanaasulin hal taako oo dhulka ah, dacwadan oo go’aankeeda la soo saari-doono 6 bil kadib ayaan la rajeynayaa iney noqoto mid ka farxisa dhammaan umadda Soomaaliyeed. International Court of Justice(ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka, maxkamaddan waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah. Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Cabdulqawi Axmed Yusuf. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye