Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,363
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka walacsan in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay waddo qorshe ballaaran oo ay ku qabsaneyso Jubaland, xilli ay sare u kacday xiisdda labada dhinac. Agaasimihii hore ee mashruuca Geeska Arika ee hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee ICG (International Crisis Group) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku sheegay in Axmed Madoobe uu aad uga carreysan yahay xariga dowladda federaalka ee wasiirkiisa amniga Cabdirashiid Janan. Rahsiid Cabdi, oo sida uu sheegay Janan ay shirqooleen ciidamada Itoobiya, islamarkaana u gacan geliyeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayuu Axmed Madoobe u arkaa inay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo Itoobiyaanka ay kusoo weerarayaan kuna qabsanayaan Jubaland. Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu dhowaan u bixi doono magaalada Naiorbi ee dalka Kenya, isaga oo dowladda dalkaas ka codsan doona inay gacan siiso. Booliiska Soomaaliya ayaa 31-kii August garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, isaga oo ka yimid deegaanka Doolow ee gobolka Gedo una socday magaalada Addis Ababa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasiamda@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shalay amray in la joojiyo dhamaan lacagaha la siiyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, taas oo laga bixiyo qoondada Gobalka Banaadir. Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ku dhow Cumar Filish, Warqad uu shalay soo saaray ayuu ku amray in aysan jirin qof la siin karo lacag, kuwaas oo aan ka tirsaneen Shaqaalaha Gobalka Banaadir, wixii laga baxsan waayana ay ku baxaan saxiix iyo wadatashi. Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa amray in balan la’aan aysan jirin qof Xafiiskiisa iman karta, waxaana Shaqaalaha lagu wargeliyay in Xildhibaanada, Wasiirada iyo Saraakiisha kale ee u socda Xafiiskiisa ay ku yimaadaan ballan iyo ka warqab. Dadka aan heli doonin lacagaha Gobalka oo markii hore joogto u qaadan jiray waxaa kamid ah, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xarumo kale. Sidoo kale waxaa lacagta wayn doono mas’uuliyiin aan dowladda xil ka heynin oo ahaa tagaarayaal Nabad iyo Nolal ah, kuwaas oo deggan hoteellada magaalada Muqdisho, lacag ku qaata kaliya inaysan dowladda mucaaradin ama taageeraan. Qaar kamid ah dadkaan ayaa dalka ka soo qabtay Xilal sare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Al-Shabaab waxay qaadeen talaabo aad u qaraar in la maqlo balse markaan weyba dabaqayaan waxayna tahay hanaan sharci inay maraan sidii ay xildhibaano ugu yeelan lahaayeen doorashooyinka lagu balansan yahay in sanadka 2020 gudaha Soomaaliya ka dhacdo laguna soo doorto hogaanka dowladda dhexe. Al-Shabaab ayaa saameyn ku yeelanayaan haatan odayaasha soo xulayaan ergada qabiilada u matalayaan kuraasta barlaamaanka ayagoo Al Shabaab hanjabaad iyo laaluush bixin isku darayaan sidii ay ergo ugu yeelan lahaayeen xildhibaanada cusub ee lasoo xulaayo. Odayaasha wicitaanka Al-Shabaab ka jawaab celiyeen ee Shabaab la kulmeen 20-maalmood ayaa lagu heestay meel aan la aqoonin oo gudaha dalka ah. Waxayna qaateen kulan ay Al Shabaab u arkeen inuu ahaa mid ay odayaasha kula fal galayaan waxayna dajiyeen qorshe dagan oo aan dhiig ku daadaneyn oo ay tallada dalka kula wareegayaan. “Waxay nasiiyeen dhar iyo lacag waxayna inoo balan qaadeen bil walbo $300 inay nasiinayaan haddii aan amaradooda qaadano. Waxay inoo sheegeen in dalka gaalo qabsadeen sidoo kalena ay naga rabaan inaan garab ku siino sidii aan tallada dalka dib ugu soo celin laheyn gacanta Islaamka.” Sidaas waxaa dhahay odey dhaqameed aan rabin in magaciisa la xuso. Ayadoo la wada ogyahay in seddex hanaan Baarlamaan doorasho la qaban doono kuwaas oo kala ah Galmadug oo bishan September lagu madalsan yahay, Koonfur Galbeed oo October la qabanaayo iyo dooraashada guud ee madaxweyne lagu soo dooranayo iyo labada aqal 2020, waxay rabaan Al-Shabaab sedexda doorasho muhiimka ah ee harsan inay ku yeeshaan ergo iyaga matalaan oo xildhibaano loogu doorto barlamaanada si ay siyaasada Soomaaliya awood muuqato ugu yeeshaan. Waa Maxay Saameynta Ay Odayaasha Leeyihiin? Haddii aan wax isbadal ah lagu sameynin hab raaca nidaamka doorashada Soomaaliya u dagsan odayaasha iyaga ayaa soo xulaan ergada u tartameyso xildhibanaada Beelaha kala duwan kadibna waxay soo doortaan madaxweynaha. Waagii hore waxay ahaan jirtay Beelaha ama Qabiilada iyagaa toos usoo dooran jireen xildhibaanada kadibna waxay dooran jireen madaxweynaha sidaa darteed marnaba saameynta odayaasha dhaqanka meesha lagama saari karo. Odayaasha qaar waxay ka qayb qaateen cashirada Al Shabaab ay shacabka ugu tala galeen si ay fikirkooda uga gadaan waxayna odayaashaas sheegeen in mintidaanta Shabaab ay xoog adeegsan doonaan si ay odayaasha ugu qasbaan inay soo xulaan ergo Al-Shabaab ah oo barlamaanka Soomaaliya loo dooran doono sanada 2020. Habka kaliya ee Al Shabaab odayaashaas ku dhaafi karaan waxay tahay haddii Soomaaliya laga hirgaliyo nidaamka doorashada hal qof iyo hal cod haddii ay midaas dhici weyso Al Shabaab waxaa go’aan u ah oo ay u sheegeen odayaasha inay soo xulaan ragga Al Shabaab ka tirsan si ay kuraasta baarlamaanka aqlibiyad ugu yeeshaan. Si loo helo nidaamka hal qof iyo hal cod waxaa loo baahan yahay Dastuurka qabyada ah in la dhameestiro, in la xureeyo weli dhulalka ama deegaanada Al-Shabaab ka taliyaan kadibna dalka loo diyaariyo doorooshinka hal cod iyo hal qof laakiin waa howlo culus oo qabashadooda suurtagal ahayn waqtiga harsan marka loo eego. Dhawaan doorashooyinkii ka dhaceen Jubballand waxaa kasoo baxday kala qeybsanaan ku aadan inay jirin midnimo dhex taalo dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada waana arin fursad u ah Al-Shabaab oo ay ka faa’iideesan karaan madaama khilaaf walbo oo maamul dowli ah ku saleesan uu sii kordhin karo fursada mintidiinta. Ayadoo hal sano ka harsan tahay doorashooyinka guud Al-Shabaab waxay rabaan inay sii wadaan xasilooni darrada ay dalka ku hayaan waxayna dhawaan sheegteen weerarkii ismiidaamin ee lagu dilay duqii hore ee Muqdisho Eng Abdirahman Omar Osman “Yarisow” weliba aydoo weerarkan uu ka dhacay xarunta Dowlada Hoose ee Gobolka Benaadir. Aqbaartan naxdinta weyn abuurtay ee masuuliyin badan lagu dilay waxay dad badan galisay rajo beel iyo dood ku aadan sida suurta gal u tahay doorashada xigta in la qabto. Waana hubaal in Al-Shabaab sameyn doonaan wax walbo oo ay tallada dalka ku qabsan karaan ama saameyn ugu yeelan karaan waxayna sameyn doonaan laaluush bixin dhanka xulushada ergada, hanjabaad iyo cabsi galin odayaasha ku aadan ama xitaa qaarijin haddii ay amarada Shabaab diidaan si ay dadka ay iyaga rabaan loogu soo xulo. Qoondeynta Xulista Ergada Wey Tagnaan Doontaa: Sida hadda muuqato waxay aad ugu badan tahay sanadka dambe doorashada guud ee dhici doonto in loo mari doono hanaanka odayaasha ay soo xulayaan xildhibanaada waxayna Al-Shabaab ku dadaali doonaan juhdi iyo wax walbo ku bixin doonaan fursada hortaalo inaysan ka qasaarin ayagoo odayaasha cadaadis walbo ku saari doonaan si ay ergada lasoo xulaayo kaalin muuqato ugu yeeshaan. Al Shabaab hadda ayey ogaadeen muhiimada ay odayaasha dhaqanka leeyihiin ayagoo horey u dili jiray markaana waxay rabaan inay si wanagsan ula dhaqmaan ayagoo sameyn doonaan wax walbo oo ay ku kasbanayaan meeshana lagama saarayo kuwa amarada Shabaab qaadan waayo in dilal qorsheesan lala beegsan doono sida dhaqanka u ah Al-Shabaab qofkii amarkooda diido ma dhaafaan si walbo oo u muhiim ugu yahay. “Waxay noo sooreen si heer sare ah, waxay cunno inoo siin jireen sida boqorada oo kale. Waxay inoo qabteen shahaadada sida inaan nahay kuwa qaadashada diinta islaamka ku cusub. Waxay inoo soo iibiyeen dhar, kabo cimaamadaha madaxa lagu xirto. Sidoo kale odey kasto waxaa la siiyay $200 markii aan kasoo tageenay waxayna inoo balan qaadeen inay bil walbo na siin doonaan $300” Sidaas waxaa dhahay odey diidan in magaciisa la xuso. Su’aasha waxaa haatan loo dhigi karaa dadaalka ay Al Shabaab bixinayaan imisa xildhibaan ayay ku kasban karaan ama ku heli karaan madaama ay mar hore soo bandhigeen qorshahooda ku aadan sidii ay door ugu yeelan lahaayeen xulista ergada doorashada 2020 madaxweynaha soo dooran doonto. Waxaa muuqato inay in badan dhanka qorshaha iyo talaabo qaadista kaga horeeyaan dowlada dhexe oo weli arimo badan ay qabyo ka yihiin. Kadib markii duqii hore Yariisoow la dilay madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo wuxuu qirtay in halista Al Shabab aad u sareyso wuxuuna amray in duulaan lagu aado sidii dalka looga sifeyn lahaa xitaa waxaa dhacday qaar ka mid ah odayaashii Al Shabaab u tageen in meelo kala duwan oo dalka ka tirsan lagu xiray. Walaaca ugu weyn ee la qabo waxay tahay heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqa Soomaaliya taasi oo hubaal ahaan saameyn xoogan ku yeelan doonto xulista ergada iyo doorashada madaxweynaha, sidaa darteed Al-Shabaab oo dhawaanahan dhaqaalo ku filan aruursanayeen waxaa hubaal ah lacagtaas inay ku maamuli doonaan xulista ergada iyo doorashooyinka dhici doonaan si ay u helaan xildhibaano ay ku yeeshaan barlamaanada kala duwan. Sidaa darteed gudiga doorashooyinka qaranka qaabilsan iyo Dowladda Dhexe waxaa laga rabaa inay si deg deg ah u sameeyaan istaraatiijiyad ku aadan sidi Shabaab looga hor istaagi lahaa inay xulista xildhibaanada saameyn ku yeeshaan, waxayna kasii xumaan doontaa sheekada marka ay helaan madaxweyne dhankooda ah balse sidaas inaysan dhacin ayaa wanaagsan! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay kula kulmay Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan. Cawad ayaa Swan kala hadlay iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida, waxa kale oo ay isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu markale ku celiyay taageerrada dalkiisu u haayo dadaallada Wakiilka Gaarka ah iyo qorshaha howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ayaa markii la soo magacaabay wuxuu tagay Maamul Goboledyada dalka ka jira xarumahooda isaga oo kulamo kala duwan la soo qaatay madaxda Maamuladaasi. Qaramada Midoobay ayaa door muuqda oo taageero ah ka qaadata Hanaanka Siyaasadda Somaliya & dib u kabashada dalka.
  5. Wasiir Lugatuur Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay maalada Badhan ayaa ka hadlay warar qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ka qortay garoonka diyaaradaha Qardho iyo sidoo kale shaqaale dhawaan Somaliland shaqo joojin ku sameysay. Wasiir Lugatuur ayaa beeniyay in garoonka diyaaradaha Qardho laga dajiyay hub, wuxuuna tilmaamay in garoomada diyaaradaha Puntland yihiin kuwo laysku halayn karo oo maamul wanaagsan leh. Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in intii ay diyaarada Ethiopian Airlines duulimaadka ka bilowday Puntland ay cadow yeesheen garoomada diyaaradaha Puntland. Dhanka kale Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa sheegay in ay shaqo siinayaan 42 shaqaale ah oo ka shaqaynayay garoonka diyaaradaha Hargeysa, kuwaas oo dhawaan Somaliland ku sameysay shoqo joojin, markii hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulumaadka hawada ee ICAO ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Lugatuur ayaa dowladda Federaalka iyo ICAO ka codsaday in shaqaalahaas ay u soo wareejiyaan Puntland oo sheegay in ay u heyso mid ka wanaagsan shaqodoodii hore. Hoos ka daawo shirka j. ee wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland oo shaqo u balan-qaaday shaqaale ay cayrisay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanaha-Wararka-02092019.mp3 View the full article
  7. Macalimad 102 Sanno jir ah labada gellina shaqysa Cajiib!!!. Diyaarintii iyo Tujumidii Cabdi Caawiye Agnes Zhelesnik waxa ay macalimad ka tahay dugsi ku yaala Maraykanka oo la yidhaahdo The Sundance School in North Plainfield, N.J., waxa lagu tilmaamaa macalimada ugu da’da weyn dunnida. Waxa aad la yaab iila noqotay anigoo ah qoraaga ahna macalim ka hawlgala ah in macalimadani ay shaqayso labada gellin iyada oo ay da’deedu tahay 102 sanno. Waxa ay wax bartaa ardeyda dugsiyada hoose (primary) iyo kuwa barbaarinta ( preschool). Waxa aan aad ula dhacay waxa ay shaqaysaa labada galinba iyada oo 102 Sano jirta, waliba maadooyinka ay ardeyda bartaa maaha maadooyin sahlan, waxa ay ardeyda bartaa maadada toliinka ( sewing) iyo cunto karinta (cooking). Macalin Agnes Zhelesnik oo u waramaysay warbaahiyaha la yidhaahdo Courier News of Bridgewater waxay tidhi ” aad baan ugu faraxasanahay in aan carruurta wax baro inta uu waqtigu ii saamaxaayo in kasta oo aanu gabowgu kuu ogolaanayn inaad noloshaada oo dhan aad shaqayso oo ay da’ kaa daba imanayso haddii aanad dhimanin. Aad ayaan u jecelahay shaqadayda waanan ku faraxsanahay inaan macalimad ahay”. Maamule Benjamin Fox oo ah hor joogaha ama maamula dugsiga The Sundance school waxa uu yidhi ” Agnes Zhelesnik waa macalimada noogu firfircoon xaqiiqdii dhamaan dugsiga oo dhammi waa ay jecelyihiin waxa aanu ugu yeedhnaa (granny) oo macnaheedu tahay ayeeyo ama duqda iskuulka qiimayn iyo ixtiraam aanu u hayno. Waxa ay shaqaysaa labada gellinba. Ma yeesho haddii aanu ku nidhaahno iska naso waayo iyada ayaaba naga shaqo badan”. Waxyaabaha layaabka leh waxaa ka mida ah iyada oo xiisadeeda cunto karinta ay ardeyda iyo shaqaalaha dugsiguba isoo kala dheereeyaan dhadhamada cuntada ay samaysay. Wuxuu yidhi maamule Benjamin Fox “waa macalinka loogu jecelyahay dugsiga, waa ay u sheekaysaa carruurta, waa ay ka qoslisaa, xaqiiqdii aad ayaanu u jecenahay. Agnes Zhelesnik oo mar kale waramaysaa waxa ay tidhi ” waxa aan ku raaxaystaa marka aan xiisada ku jiro waxa aanan iska soo qaadaa ama ismoodsiiyaa inaan madaxwehne ama boqor ahay waayo waxaan hor joogaa dad ii haysta madaxweynaha ugu sareeya dunnida. Taasaa ah sababta aanan u door bidin inaan gurigayga iska fadhiyo oo aan lacag bilaasha dawlada ka qaato sida qayrkay iyo dadka gaboobay ku dhacda. “Anigoo ah boqorad dadka wax baraysa maxaa iga dhigaya duq malqaacad wax lagu siiyo”. Macalinmadu waa sharaf aan cid goyn kartaa karin. Agnes Zhelesnik waxa aynu ka baranaynaa in ayna shaqadu da’ iyo awood ku xidhnayan laakiin ay ku xidhan tahay aaminaada aad shaqada aad aaminsantahay ama jacaylka aad u hayso shaqadayda. Lasoco qaybo kale … Turjumidii iyo diyaatintii Cabdi Caawiye Shaywaal12@gmail.com +252634115877 Qaran News
  8. Beledweyne-(Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa galabta Shan ruux ku dilay deegaan lagu magacaabo Duufaamo oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gabal dhicii galabta deegaankaas oo ay maamulaan dagaalyahanada Macawiisley oo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Hir-Shabeelle. Shanta qof oo ay dileen Al-Shabaab Seddax ka mid ah ayaa ahaay Macawiisley halka labada kalana ay ahaayeen dad shacab ah. Maamulidda deegaankaas ayaa muddo kooban gacanta u gashay Al-Shabaab, balse wararka ay caawa ka heleyso Caasimada Online ayaa sheegaya inay iskaga baxeen, kaddib dhaq-dhaqaaqyo kasoo wajahay dhinaca dagaalyahanada Macawiisley. Weerarka ay Al-Shabaab ku dileen dadkaas gaaraya shanta ruux ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta gobolka Hiiraan ay iskaga baxeen Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM qeybtooda Itoobiya oo la sheegay inuu u dhamaaday waqtigii howlgalkooda Soomaaliya. Ciidamadaas ayaa baneeyay saldhigyo ay ku la haayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, mana jiraan ciidamo lagu badalay oo dagay saldhigyadii ay ka guureen, waxaana maanta xaflad sagootin ah ciidamadaas loogu sameeyay magaalada Beledweyne. Taliya guud ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Tigabu Yilma oo ah nin Itoobiyaan ah, Taliyaha qeybta 4-aad ee Ciidanka AMISOM, iyo sidoo kale madaxa Hey’adda Miina Baarista Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  9. Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kharye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug. Kheyre ayaa waxaa Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka, xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Galmudug u tagay dhameystirka heshiiska hoggaanka Ahlu-Sunna oo maalin kahor hakad galay kaddib mar Ahlu-Sunna ay dalbatay inuu soo hor fariirsto RW Kheyre. Ahlu-Sunna ayaa Kheyre uga maarmi weysay nuqullo ka mid ah heshiiska ay la galeyso Xukuumadda waxaana ka mid ah lacag iyo sidoo kale saami siyaasadeed oo Ahlu-Sunna ay dooneyso inay ku yeelato golayaasha maamulka cusub ee laga yagleelayo Galmudug. Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa Afarta bishan oo ay naga xigto labo maalin Dhuusamareeb ka furaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Seddaxda hoggaamiye ee Ahlu-Sunna oo kala ah Sheikh Maxamed Shaakir, Macalin Maxamuud iyo Sheikh Cabdirisaaq Al-ashcari iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo caawa u bilaabanayaan magaalada Dhuusamareeb. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  10. (SLT-Muqdisho)-Hay’adda Xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa ku tilmaantay xadhiga wasiirkii amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca la xisaabtanka dadka gaystay dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha. War-saxaafadeed ka soo baxay Amnesty ayaa lagu sheegay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaano Cabdirashiid Janan loo haysto dambiyo ka dhan ah bini’aadmanimada, iyo in uu kaalmada iyo muwacaanada samaflka ah is-hortaagay. Agaasimaha ku xigeenka xafiiska Afrikada Bari iyo haraha waawayn ee Amnesty, Seif Magango ayaa sheegay In guddiga qaramada u qaabilsan dabagalka cunaqabataynta hubka ee Eritrea iyo Somalia warbixin ay soo saareen ku sheegeen in Cabdirashiid Janan ku eedaysan yahay falal dhacay intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2015 kuwaasi oo sida warbixintu sheegtay isugu jiray, dil, jidh-dil, iyo xadhig sharci darro ah. Amnesty ayaa ku baaqday in maxkamad la soo taago laguna xukumo sida ay dhigayaan sharciyada caalamiga ah. Cabdirashid Janan ayaa sabtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyada oo taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ay xaqiijisay xadhiga sarkaalkaasi. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidammada Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa ka hadlay war lagu baahiyay facebook been abuur ah oo lagu furtay magaca ciidanka booliska Somaliland, taliyihu waxa uu beeniyay warka lagu baahiyay facebook been abuur ah kaasi oo wax lagaga sheegay xaaladiisa caafimaad. Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga waxa uu ku yidhi sida tan: “Sidaan Horaba Warbixin idinkula Wadaagay Page Maaha Mid Ciidanka Police Leeyahay, Waa page Been Abuur ah Waxaana Qoraaya Qof Dano kale Leh. Anuu Waan Caafimaad Qabaa Balana ma Qabo Pagekana Dabo gal Ayaanu Ku haynaa. Wabilaahitawafiiq” Halkan hoose ka daawo Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman oo hore uga hadlaya bogga facebook ee been abuurka ah Source
  12. (SLT-Iran)-Dawlada Iran ayaa faahfaahin ka bixisay qaraxa gantaal ka dhacay saldhiga Imam Khomeini, kadib markii uu soo baxay muuqaal satellite ku qaaday oo muujinaya qaraxaasi dhacay todobaad ka hor. Afhayeen u hadlay dawlada oo magaciisa la yidhaa Cali Rabici ayaa maanta sharaxaad ka bixiyey in qaraxaasi uu ahaa markii dawlada Iran ay isku dayday inay satellite dirto, kaas oo dawlada Maraykankuna ay cambaaraysay. Qaraxa gantaalkan ay sababtay cilada farsamo ayaa noqonaya kii labaad ee Xarunta Hawada Sare ee dalka Iran ay ku doonaysay inay ku ganto, balse madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa jimcihii sheegay inay sii korodhay walaaca laga qabo barnaamijka hawada sare ee Iran. Inkasta oo Afhayeenka dawlada Iran Mr Rabiei uu diiday soo jeedintaasi, isla markaana uu tilmaamay in dhibaatadu ay tahay cilad farsamo oo dhacday. “Qaraxu waxa uu dhacay markii la ganay balse may jirin wax Satellite ah oo ilaa iyo hada la gudbiyey ama la diray,” ayuu yidhi Afhayeenku. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyey hadal kasoo yeeray taliyihii hore ee nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Sanbaloolshe ee la xiriiray xaaladda siyaasadda dalka iyo beelaha Mogadishu Clan. Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadalka Sanbaloolshe uusan matalin siyaasadda xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo sidoo kale Sanbaloolshe uu xubin ka yahay. Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Xasan Sheekh. Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneyso oo aan jihaysneyn, sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman. Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe). Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha. Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Wafdiga raiiusl wasaaraha waxaa soo dhaweyeey diyaaradaha Ugaas Nuur Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ay kamid yihiin Wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga,xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusa-mareeb uu qeyb ka yahay qorshaha dhameystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad goboleed loo dhanyahay. View the full article
  15. Nairobi (SMN) – Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa war waxay kasoo saartay xariga Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan]. Mas’uulkan oo Sabtidii laga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho isaga oo ka yimid Doolow kuna sii jeeda Addis Ababa ayaa la dhigay CID-da, halkaasi oo lagu waydiinayo su’aallo. War qoraal ah oo kasoo baxay Amnesty International ayaa lagu shaaciyey in Mr Janan loo haysto dambiyo caalami ah oo ay ku jiraan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida carqaladeynta kaalmo bini’aadanimo. Qaramada Midoobay iyo Monitoring Group ayaa intii u dhaxeysay 2014-kii iyo 2015-tii waxay ku eedeysay wasiirkan “dilal, jirdil, xarig sharci darro ah iyo tarxiil baalmarsan qaanuunka waddanka”. Seif Magango, agaasimaha hay’addan u qaabilsan Geeska Afrika kaasi oo ku booriyey garsoorka Soomaaliya in ay si degdeg ah maxkamad u soo taagan Janan ayaa tilmaamay in xarigiisa uu cadaalad u horseedo dhibaneyaasha. “Xariga Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday la xisaabtanka shaqsiyaadka xilalka ka qabtay Soomaaliya ee sameeyay xad-gudubyadda bini’aadanimo inta ay xukunka hayeen,” ayuu yiri Magango. Hadalka Amnesty International ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo maamulka Jubbaland uu xariga mas’uulkan ku tilmaamay “afduub baalmarsan dastuurka iyo shuruucda kale ee waddanka u taala”. View the full article
  16. More reports are coming out of an airstrike carried out in parts of Gedo region in southern Somalia on Monday. The strike is believed to have conducted by Kenyan military warplanes. Reports indicate that the raid targeted educational and medical facilities in Fafahdhun area of the region, the scene of frequent battles between Al-Shabaab and KDF. The area is under the control of al-Shabaab fighters. It is not yet clear the exact casualties caused by the bombing. There has been no word from government and al-Shabaab officials about the attack. View the full article
  17. Hargeysa (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa wuxuu aqbalay in uu miiska wada xaajoodka la fariisto dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo ay ku xireen shuruudo ka kooban shan qodob. Hoos ka akhriso shuruudaha 1) In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo. 2) In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan. 3) In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland. 4) In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Somaliland. 5) Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Haben-02092019.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa badalay go’aankiisii ku aadanaa inuu furi doono jidadka Muqdisho ee xiran waqti badan. Guddoomiyaha ayaa shardi culus ku xiray in jidadka Muqdisho ee xiran loo furo shacabka iyo ganacstada dhibaatada ku qabo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in furitaanka jidadka Muqdisho ay ku xiran tahay inay Shacabka kala shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka in uusan qarax ka dhicin Magaalada oo aan lasoo weerarin xarumaha Dowladda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii Shacabka Muqdisho ay kasoo baxaan doorkooda ah in Ciidamada Ammaanka usoo sheegaan meelaha lagu diyaariyo qaraxyada iyo dadka fulinayo ay iyagana furi doonaan jidadka xiran ee Muqdisho. Wuxuu sheegay in markii la waayo qarax ka dhaco Muqdisho ay iyagana ka shaqeyn doonaan furista jidadka, wuxuuna hadalkaas noqday mid si weyn u khilaafay hadalkii uu ka sheegay Xafladdii caleema saarkiisa oo ahaa inuu si deg deg ah u furi doono Jidadka xiran ee Muqdisho. Hadalkiisii hore ee ahaa inuu furi doono jidadka Muqdisho ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Shacabka Muqdisho, waxaana illaa hadda la ogeyn sababta keentay inuu is badalo go’aankii Guddoomiyaha. Lama ogo haddii uu Guddoomiye Cumar cadaadis kala kulmay madaxda ugu sareeyo Dalka oo ku qanacsan inay jidadka sii xirnaadaan maadaama ay u arkaan inay tahay qaabka kaliya ee looga hortagi karo qaraxyada Al-Shabaab. Halkaan hoose ka daawo isbadalka ku dhacay Guddoomiyaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Work on Dubai’s Al Maktoum Airport has stopped because the economies of the Gulf states are faltering, Bloomberg reported on Thursday. Source: Hiiraan Online
  21. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Reer Kenya Ah Oo Shaaciyey In Somaliland Joogto Wakhtigii Ay Soomaaliya & Dunidu Aqoonsan Lahayd, Halkan hoose ka DAAWO Source