-
Content Count
209,363 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Pakistan)-Ku xigeenka safiirka Hindiya u qaabilsan Pakistan, ayaa la kulmay Kulbhushan Jadhav, oo ah sargaal hore uga tirsanaa ciidanka Hindiya kaasi oo dowlada Pakistan ku xukuntay dil Toogasho. Arintaan ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Hindiya Raveesh Kumar, waxaana uu sheegay in kulanka uu qaatay muddo laba saacadood ah. Booqashada aan xabsiga ugu tagnay Jadhav maanta waxay la xidhiidhaa amarkii ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada, si aan ula socono xaaladda muwaadinkan hindiga ah ee ku xidhan Pakistan, ayuu yidhi Kumar. Hindiya ayaa dhanka kale sheegtay in maxbuuskan uu u muuqday mid saaran cadaadis kaga imaanaya ciidanka amniga Pakistan. Bishii hore ee Agoosto ayey aheyd markii saraakiisha Hindiya ay ku andacoodeen in Pakistan ay diiday in ay booqdaay Jadhav oo jaajuusnimo loo haysto waxaana ay intaa ku dareen in xukuumada Islamabad ay jabisay heshiiska maxaabiista ee Viana. Kulbhushan Jadhav oo hore uga mid ahaa ciidanka badda Hindiya ayaa bishii march laamaha amniga Pakistan ku xidheen gobolka dhaca dhanka koonfur galbeed ee Balochistan. Dowlada Pakistan ayaa intaa ku dartay in Jadhav uu ku safrayay sharci been abuur ah uu laheyn, kuna howlanaa weeraro Argagixiso. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya, Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar Filish). Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray howlaha horumarineed ee gobolka ka socda iyo kuwa horyaalla, iyada oo xoogga la saaray dardargelinta amniga, arrimaha bulshada iyo dib u dhiska goobaha danta guud. Agaasime Fuursade ayaa u ballan qaaday guddoomiye Filish in Villa Soomaaliya ay gacan muuqata ka geysaneyso dhammaan dedaallada lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah ee Bulshada. “Gobolka Banaadir waxaa ku yaal Caasimadii Ummadda Soomaaliyeed, waana muhiim in dhammaanteen aan iska kaashanno soo celinta heybaddii ay Muqdisho ku laheyd Caasimadaha Dunida”. ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada Qaranka. Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo talooyinka agaasinka madaxtooyada Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in maamul iyo shacaba ay xoogga saarayaan sidii loo heli lahaa Caasimad qurxoon oo amni ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa cusub ee Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Filish[ ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo lacagaha la siiyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, taasoo laga bixiyo qasnadaha gobalka Banaadir. Cumar Filish ayaa warqad uu shalay qoray ku amray in aysan jirin qof la siin karo lacag, kuwaasoo aan ka tirsaneen shaqaalaha gobalka Banaadir, wixii laga baxsan waayana ay ku baxaan saxiix iyo wada-tashi loo dhan yahay. Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa amray in balan la’aan aysan jirin qof xafiiskiisa iman karta, waxaana lagu wargeliyay gabi ahaan shaqaalaha in xildhibaanada, wasiirrada iyo saraakiisha kale ee danta ka leh xafiiskiisa ay ku yimaadaan ballan iyo ka warqab. Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Somalia ayaa horay lacago aan sharci ahayn uga qaadan jiray gobolka Banaadir, balse tallaabadan ayaa u muuqata mid cunaha lagu qabanayo xubnahaas. Guddoomiyihii geeriyooday ee gobolka Banaadir, Inj. Yariisow ayaa wuxuu horay u joojiyay lacago xubno ka tirsan Dowladda laga siin jiray Gobolka Banaadir, taasoo dhalisay muran iyo is-qabqabsi xoog leh, inkastoo goor dambe la xalliyay murankaas. Mas’uuliyiintii lacagaha laga joojiyay xilligaas ayaa dib loogu furay qoondo gaar ah, waxaana xubnaha laga joojiyay lacagaha ka mid ahaa xubno si aad ah u taageersan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana si hoose loo xalliyay murankaas, iyadoo loo fasaxay lacagahooda. Dhanka kale, Xubnaha hadda lagacaha weyn doona waxaa ka mid ah kuwo aan xilal u hayn dowladda oo la naas-nuujiyo, kuwaasoo ay ku jiraan xubno nabaddoono ah, kooxo taageersan dowladda iyo mas’uuliyiin looga baqay in DF ay mucaaradaan. PUNTLND POST The post Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo soo saaray amar horay loogu mur-muray appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisal wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa ku adkeysanaya in aanu rabin doorasho guud oo xilligan ka dhacda dalkiisa, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada in ayna u codeyn dib u dhigidda waqtiga ka bixitaanka Midowga Yurub. Balse BBC-da ayaa fahansan in ra’iisal wasaaraha uu isku dayi doono ku dhawaaqidda doorasho xilligeeda ka soo hormartay, dhici kartana 14-ka October, waa haddii xildhibaannada ay horjoogsadaan bixitaan heshiis la’aan ah. Wasiirro hore oo ka tirsan xisbul xaakimka ayaa ka gacan siinaya xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha ka hortagga in UK ay 31 October Midowga Yurub uga baxdo qaab heshiis la’aan. Mr Johnson oo warbaahinta kula hadlay banaanka xafiiskiisa No 10 ayaa sheegay in tallaabada noocaasi ah ay “mustaxiil” ka dhigi doonto wadahadallo dheeraad ah oo uu dalkiisa la galo Midowga Yurub si ay u gaaraan heshiis cusub. Waxa uu dhanka kale sheegay in haddii ay xildhibaannada taageeraan dadaalka dowladdiisa, uu ku guulaysan karo inuu wax ka bedelo heshiiska hadda u dhexeeya labada dhinac ee uu baarlamaanka saddexda jeer diidday. Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay inay korortay suuragalnimada ah in heshiis cusub laga gaaro arinta bixitaanka, maadaama buu yiri ay UK isu diyaarisay ka bixitaanka Midowga Yurub xilliga loo qabtay wax kasta oo dhacaba. Doorashada guud ee rasmiga ah ayay tahay inay dhacdo sanadka 2022. Sida uu dhigayo xeerka waqtiga go’an ee baarlamaanka, Mr Johnson ayaa u baahan taageerada saddex meeloodoo laba meel xildhibaannada oo tiradooda guud ay tahay 650 si doorasho xilligeeda ka soo hormartay ay u dhacdo. Haddii uu codkaasi helo waxa uu soo jeedin karaa taariikhda ay doorashada dhacayso, taasoo noqon karta arin muran badan dhalisa marka la eego waqtiga yar ee ka harsan xilliga loo qabtay ka bixitaanka. Doorasho Britain ka dhacda ka hor dhammaadka sanadkan ayaa noqon doonta tii saddexaad ee dalkaasi soo marta shantii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay doorashooyin guud dhaceen sanadihii 2015 iyo 2017. Source
-
(SLT- Afghanistan)-Danjiraha dowlada Mareykanka u qaabilsan wadahadallada nabada ee ururka Taliban Zalmay Khalilzad, ayaa sheegay in lagu heshiiyay in Milatariga Mareykanka ay ka baxaan shan saldhig oo ay ka dagan yihiin wadanka Afghanistan haddii uu dhaqan galo Heshiiska. Mr Zalmay oo u waramayay warbaahinta Tolo ayaa sheegay in 135 maalmood ay qaadan doonto marka uu heshiiskaan dhaqan galo lana helo Xasilooni Nabadeed. Madaxa wadahadalka Mareykanka ayaa dhanka kale tilmaamay in heshiiskaan uu wali u baahan yahay in si rasmi ah uu ansixiyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, deetana saraakiisha labada dhinac ay si rasmi ah ugu dhawaaqi Doonaan. Isniintii shalay ayaa xilli hore ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Khalilzad uu heshiiskan tusay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, oo dowladiisa ka hadhay wadahadalka u dhaxeeyay labada Dhinac. Sida ka muuqato heshiiskan marka ay ka baxaan milatariga Mareykanka saldhigyada ay ka joogaan Afghanistan, ayaa waxaa adeegsan doonin ciidanka Dowlada. Dhanka kale Ururka Taliban ayaa laga doonayaa in ayna weerar ku qaadin milatariga Mareykanka iyo Xulufadooda. Source
-
Muqdisho (SMN) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr; Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ugu hambalyeeyay xilka cusub ee uu Madaxweynaha JFS u magacaabay. Kulanka mas’uuliyiinta oo ka dhacay Xafiiska Agaasimaha ayaa diiradda lagu saaray howlaha horumarineed ee Gobolka ka socda iyo kuwa horyaalla, iyada oo xoogga lasaaray dardargelinta amniga, arrimaha Bulshada iyo dib u dhiska goobaha danta guud. Agaasimaha Madaxtooyada ayaa Guddoomiyaha cusub u ballanqaaday in ay Gacan muuqata ka geysanayaan dhammaan dedaallada lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah ee Bulshada. “Gobolka Banaadir waxaa ku yaal caasimaddii Ummadda Soomaaliyeed waana muhiim in dhammaanteen aan iska kaashanno soo celinta heybaddii ay Muqdisho ku lahayd caasimadaha Dunida”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo talooyinka muhiimka ah ee Agaasinka Madaxtooyada JFS, isaga oo Carrabka ku adkeeyay in maamul iyo Shacabba ay xoogga saarayaan sidii loo heli lahaa caasimad qurxoon oo amni ah. View the full article
-
Xukuumaddda Puntland ayaa balan-qaaday inay la wareegi doonto dhismayaal ku yaal degmada Taleex ee gobolka Sool si ay ugu qabato adeegyada bulshada degmadaasi iyo deegaamada hoos yimaada. Dhismayaasha dowladda hoose, saldhigga magaalada iyo xarumo kale oo ay dhaqaalohooda ku dhiseen ganacsato u dhalatay deegaanka oo balan-qaad ka haystay maamulka Somaliland ayaa waxa ay Puntland u heshay fursad ay kula wareegto kadib markii maamulka Somaliland ka baxay balan-qaadkii hore. Duqa degmada Taleex Iimaan Cali Shire ayaa u sheegay Puntland Post in xarumahaasi ay dhiseen ganacsato reer Taleex ah kadib markii maamulka Hargaysa uu u balan-qaaday inuu lacagta kaga baxda siin doono haseyeeshee uu uga baxay. Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in Puntland ay hadda u soo jeensatey degmada Taleex ayna ganacsatadu soo dhoweeyeen in lacagtii kaga baxday ay ka qaataan xukuumadda Puntland ayna noqdaan goobo loogu adeego shacabka. Dhanka kalena, bulshada Taleex ayaa si weyn u soo dhoweysey dhismaha waddo laami ah oo isku xiraysa Taleex iyo laamiga gobolada Waqooyi uga baxa Garoowe taasi oo uu horay u dhagax dhigay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas, haseyeeshee uu dhismeheeda balan-qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLAND POST The post Puntland oo ganacsatada Taleex u balan-qaaday lacagihii kaga baxay xarumaha dowliga ah oo Somaliland bixin weydey appeared first on Puntland Post.
-
Buulo-burte (PP) ─ Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, kaasoo u dhexeeyay ururka Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah. Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Qansaxle oo ka tirsan Buulo-burte oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkan la sheegay inuu socday muddo saacad ka badan. Sidoo kale, Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qarxay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka Buulo-burte, waxaana dagaalkan ka dhashalay khasaare aan illaa hadda la ogeyn cadadkiisa. Ciidamada dagaallamay ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen hubka kala duwan, waxaana shacabka ku nool deegaannada ku dhaw-dhaw halka uu ka dhacay dagaalka ay sheegeen inay maqlayeen hubka fudud iyo midka culus ee dagaalka loo adeegsanayay. Dhanka kale, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Buulo Burde ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay iska difaaceen weerarkii ay Al-shabaab la beegsatay saldhigyadooda. Ugu dambeyn, Dagaalkii xalay ayaa imaanaya xilli shalay lagu dagaallamay inta u dhaxeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burte, dagaalkaasoo ay ka sheegatay Al-shabaab guulo iyo inay ku dishay ciidammo ka tirsan kuwa DF. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ku dhex-maray Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Sawirro: Wasiir Cawad oo kulan gaar ah la qaatay James Swan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida, waxa kale oo ay isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu markale ku celiyay taageerrada dalkiisu u haayo dadaallada Wakiilka Gaarka ah iyo qorshaha howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Raiisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday Dhuusamareeb ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha magaaladaasi. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la kulmay madaxda Ahlu Sunna, iyagoo ka wada hadlay arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulka Galmudug. Sidoo kale waxaa saacadaha socda Ra’iisul wasaaruhu kulamo la leeyahay ergada ka qeyb galeysa shirweynaha dib u heshiisiinta ee beri ka furmaya halkaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ay sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulamadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Sabriye.mp3Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasiamda@live.com
-
Dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed, waxaa 24kii saac ee la soo dhaafay ka degay wufuud kala duwan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusa-mareeb uu qeyb ka yahay qorshaha dhameystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad goboleed loo dhan yahay. Dhanka kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad aqalka sare mudane Abshir Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ee xildhibaannada labada aqal ayaa iyaguna ku biiray shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada xeebeedka Mudug ee Hobyo. Guddoomiye Abshir Axmed ayaa lagu wadaa inuu soo xiro shirka, lama oga inuu u gudbi-doono Dhuusamareeb iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday Dhuusamareeb ayaa maanta kulamo ka bilaabayo gudaha magaaladaasi. Kulamadan oo ah kuwa xasaasi ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saarayaa arrimaha Galmudug, gaar ahaan shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi. Khayre ayaa si gaar ah ula shiraya ergada ka qeyb galeysa shirkaasi oo beri ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixiyey arrimahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-guuleed.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-03092019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa war cusub ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya, kaas oo ay haatan dacwaddiisu hortaallo maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ. Kenya ayaa dalbatay in dhageysiga kiiska Badda labada dal laga saaro garsoore Cabdi Qawi Axmed Yuusuf oo ah madaxweynaha ICJ, sidoo kalena ah Soomaali. David Matsanga oo ah guddoomiyaha hay’ad la magac baxday PAF, islamarkaana sheegata inay u doodo arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika ayaa tilmaamay in Kenya ay dooneyso in dhageysiga kiiska Badda laga reebo garsoore Cabdi Qawi. Hay’addan oo ay hoggaamiyaan koox Kenyaan ah ayaa sheegtay in Madaxweynaha maxkamadda ICJ uusan si dhex dhexaad ah u geli karin kiiskan, islamarkaana niyaddiisu ay la jirto Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay hay’addu ku eedeysay Cabdi Qawi in marar badan uu fagaare ka sheegay sida uu jecelyahay oo ah in Soomaaliya ay guuleysato.. Ugu dambeyn David Matsanga ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in aysan ka qeyb gelin dhegeysiga kiiskan, islamarkaana ay banaanka ka joogto. 9-ka illaa 13-ka bishan September ayaa lagu wadaa in ICJ ay dib u bilowdo dhageysiga dacwadda Badda, waxaana dooda ku horreyn doonto Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Mudane Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay ergooyinka ka qaybgelaya shirka dibu heshiisiinta maamulka Galmudug oo laga daahfuri doono magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in kulamada Ra’iisul Wasaaraha looga hadli mdoono dardar-gelinta Galmudug mideysan oo loo dhan yahay. Dhanka kalena, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu xalay kulamo la qaatay qaar kamid ah bulshada kunool magaalada Dhuusamreeb ee xarunta maamulka Galmudug. DAAWO PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo lakulmay ergooyinka shirka Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI – A case has been filed in the International Court of Justice (ICJ) against its President’s conduct in the Kenya-Somalia maritime dispute. The suit was filed Monday by David Matsanga….. Source: Hiiraan Online
-
His life has been threatened and he’s been charged with treason, but a Ugandan pop-star-turned-politician is on a mission to do what no one else has managed for more than 30 years: topple the president. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI,(Xinhua) -- East African bloc IGAD on Monday warned over the current deteriorating food insecurity driven by lack of rains, conflict and economic crisis. Source: Hiiraan Online
-
When Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed departed for his first official state visit outside Africa in May 2018, he did not travel to Washington, London or Beijing but to Riyadh, the Saudi capital, before heading to Abu Dhabi in the United Arab Emirates. That was followed by a trip to the Qatari capital, Doha, and return visits to Riyadh and Abu Dhabi, all within his first year in office. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan Muqdisho kula qaatay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan. Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Cawad iyo wakiilka Qaramada Midoobay ay kulankooda uga wada-hadleen iskaashiga u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida ayna isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu markale ku celiyay taageerada dalkiisu u hayo dadaallada Wakiilka Qaramada Midoobay iyo qorshaha howlgalka UNSOM. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku celisay taageeridda Qorshaha Hawlgalka UNSOM appeared first on Puntland Post.