-
Content Count
209,376 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka hoyga uu ka deggan yahay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay guddoomiyaha guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Kulanka ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii looga wada hadli lahaa arrimo ay culimada tabanayaan sida: Hirgelinta heshiiskii ay labada dhinac wada galeen iyo hubinta maqaamka ay Ahlus sunna ku yeelan doonto doorashada cusub ee madaxtinimada kadib. Warar kulanka ku dhow ayaa Goobjoog News u sheegay in labada dhinac isafgareen, isla markaana lagu balamay in kulamada la sii wado, shirka dib u heshiisiinta ay Ahlu sunna ka qaadato kaalin libaax. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa isniintii gaaray Dhuusmareeb, waxaa uuna kulankan dhacayaa todobaad kadib markii kooxda Ahlu sunna ay sheegeen inuu burburay heshiiskii ay la galeen dowladda federaalka ah. Arbacada waxaa lagu wadaa in Dhuusamareeb laga furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaas oo lagu dhisi-doono maamul loo dhan yahay oo ay yeelato dowlad goboleedkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti. Booqashadan oo aan la shaacin inta ay qaadan doonto ayaa waxa ay salka ku heysaa iskaashiga Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la xariiro xoojinta xiriirka labada dhinac. Xubnaha wafdigan qeybta ka ah ayaa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha dibadda, gaashaandhiga, xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluumeysiga ee Somaliland. Ma’ahan booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Biixi ku tegayo Jabuuti, isagoo horay ula kulmay Ismaaciil Cumar Geelle. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa war ka soo saaray safar uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ay saaka ugu baxeen dalka Jabuuti. Warkan ka soo baxay madaxtooyadda oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Somalilandtoday ayaa u dhignaa sida tan: WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta U Ambo-Baxay Dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay. Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen. Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Somalia: Wasiir Loo Haysto Hal Milyan Oo Dollar, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Dowladda Soomaaliya ayaa 9-ka bishaan aynu kujirno ee Sept waxa uu maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ horgeyn doonaa dood iyo difaac ku aadan kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Arrintaan ayaa waxaa war ka soo saartay dowladda Kenya oo dalbatay in dhegaysiga kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya laga saaro garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah madaxweynaha maxkamadda ICJ oo ah nin Soomaali ah. PAF oo ah hayad ay madax ka yihiin dad Kenyan ah una dooda arrimaha geeska iyo Bariga Africa ayaa sheegtay in Kenya ay doonayso in doodahaan laga saaro garsoore Cabdiqawi oo ay ku tuhunsan tahay inuu garab la yahay Soomaaliya. Hayadda PAF ayaa sheegtay in garsoorahaan Soomaaliga ah uusan dhex dhexaad ka ahayn kiiskaan isla markaana ay door bidayaan inay maamulayaan garsoorayaal aan labada dhinac xiriir la lahayn. PUNTLANDPOST The post Kenya oo codsanaysa in dhegaysiga kiiska badda laga reebo garsoore Cabdiqawi. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka u ambabaxaya dalka deriska ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Sida la sheegay wuxuu ku tagaya martiqaad rasmi ah laakiin, ma jirto wax faahfaahin ah oo laga helayo safarka waxaanay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibaddu ka gaabsadeen in ay wax tafaasiil ah bixiyaan. Madaxweyne Biixi ayaa la filaya in ay wehelin doonaan xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada maana cadda ujeedada safarkan laakiin, wargeyska Geeska Afrika oo safarka wax ka qoray ayaa tilmaamay in ay arrimaha Geeska ee xilligan qayb ka yihiin wada hadalka Biixi iyo Geelle. Madaxweyne Biixi oo socdaalkiisii labaad ku tagaya Jabuuti ayaa cilaaqaad saaxiibtinimo la leh dhiggiisa madaxweyne Geelle oo sidoo kale xidhiidh fiican la leh madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyada oo taas bedelkeeda loo arko in xidhiidhka Farmaajo iyo Biixi yahay kii ugu adka ee Somaliland iyo Somalia. Ma cadda in wada hadalka Biixi iyo Geelle ay qayb ka noqon doontu isu soo dhawaynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland oo dagaal siyaasadeed ka dhexeeyo. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Mustafe Habane oo ah soo saaraha barmaamijka dawlad wanaag ee ka baxa telefishanka Horn Cable ayaa ka jawaabay eedaha uga yimid wasiirka horumarinta jidadka iyo gaadiid Mudane Cabdillaahi Abokor oo si kulul uga jawaabay barmaamij lagu qaada dhigay wasaaraddiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weeraro culus ku qaadeen saldhigyo ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadagaalka oo ahaa mid foolka fool ah la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada huwanta ay iska difaaceen weerar ka yimid dhanka Al-Shabaab. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee Hiil-Walaal. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Bishan September 9-keeda dalka Soomaaliya waxaa uu dood iyo difaac la hortagidoonaa Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ oo ku taalla dalkan Holland, iyadoo lagu wado inay dib uga bilaamato dhegeysiga kiiska Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhexeeysa Soomaaliya, iyadoo Codsatay in dhageysiga kiiska Badda laga saaro Garsoore Cabdi Qawi Axmed Yuusuf oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ, isla markaana ah Nin Soomaali. Hay’add la magac baxay PAF oo sheegtay inay u doodo arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika ayna Madax ka yihiin dad Kenyan ah ayaa xustay in Kenya ay dooneyso in garsoore Cabdi Qawi laga reebo dhegeysiga kiiska Badda ee ka dhexeeya Soomaaliya. Sidoo kale Hay’adda PAF oo uu Guddoomiye uu ka yahay David Matsanga, isla markaana u dhashay Kenya ayaa waxaa uu sheegay Cabdi Qawi aanu si dhex dhexaad ah u geli karin kiiska Badda ee labada dal ayna niyaddiisu la jirto Soomaaliya, sidoo kalena dhowr jeer oo hore fagaare ka sheegay in uu jecel yahay Soomaaliya. Ugu dambeyntii Guddoomiye David Matsanga ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ayna ka qeyb gelin dhegeysiga kiiskan badda ee horyaalla Maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ. Source
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare. Sida wararku ay sheegayaan, Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-burde, gaar ahaan duleedka degmadaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Labada dhinac ay isku adeegsadeen hub aad u culus, iyadoo aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha dagaalka ka dhashay. Saraakiil ka tirsan ciidanka DFS ayaa sheegay iney iska difaaceen Al-shabaab, islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen. Xaaladda degmada Buulo-burde ayaa ah mid deggan, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Buulo-Burte (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in labada dhinac uu dhexmaray dagaalka foolka fool ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hunka nuucyadiisa kala duwan. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaasi, balse lama oga inta uu la’egyahay. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolkaasi. View the full article
-
(SLT-Lubnaan)-Diyaaradaha wax basaasa ee Millatariga Israa’iil ayaa bilaabay inay dul heehaabaan qeybo ka mid ah xadka dhanka koonfureed ee Lubnaan sida ay tabinayaan warbaahinta Lubnaan. Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa kadib dagaal maalintii shalay xadka labada dal ku dhaxmaray ciidanka Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa ururka Islaamiga ah ee Xusbullah. Wakaalada wararka Lubnaan oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha wax sawira lagu arkay tuulada Al-jabal ee dhacda degmada Marjiyoon, saacadihii hore ee shalay. Shalay ayey aheyd markii dagaalyahanada Xisbullah ay gantaalaha lagula dagaalamo gawaadhida dabaabaadka ee Tangiga loo yaqaan ku weerareen saldhig ay leeyihiin millatariga Israa’iil. Xusbullah ayaa sheegtay inay kaga jawaabeyso weerarkaan duqeyn laba dagaalyahan lagaga dilay oo todobaadkii hore ka dhacday gudaha Suuriya. Sida laga soo xigtay ururka Xisbullah dagaalkii shalay ayey sheegeen in ay ku gubeen mid ka mid ah taangiyada dagaalka oo ku sugnaa bar ciidan oo ku taal degaanka Avivim ee koonfurta Isreal ayna u badan in dhaawac iyo dhimasho ay ka Dhalatay. Source
-
(SLT-Pakistan)-Ku xigeenka safiirka Hindiya u qaabilsan Pakistan, ayaa la kulmay Kulbhushan Jadhav, oo ah sargaal hore uga tirsanaa ciidanka Hindiya kaasi oo dowlada Pakistan ku xukuntay dil Toogasho. Arintaan ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Hindiya Raveesh Kumar, waxaana uu sheegay in kulanka uu qaatay muddo laba saacadood ah. Booqashada aan xabsiga ugu tagnay Jadhav maanta waxay la xidhiidhaa amarkii ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada, si aan ula socono xaaladda muwaadinkan hindiga ah ee ku xidhan Pakistan, ayuu yidhi Kumar. Hindiya ayaa dhanka kale sheegtay in maxbuuskan uu u muuqday mid saaran cadaadis kaga imaanaya ciidanka amniga Pakistan. Bishii hore ee Agoosto ayey aheyd markii saraakiisha Hindiya ay ku andacoodeen in Pakistan ay diiday in ay booqdaay Jadhav oo jaajuusnimo loo haysto waxaana ay intaa ku dareen in xukuumada Islamabad ay jabisay heshiiska maxaabiista ee Viana. Kulbhushan Jadhav oo hore uga mid ahaa ciidanka badda Hindiya ayaa bishii march laamaha amniga Pakistan ku xidheen gobolka dhaca dhanka koonfur galbeed ee Balochistan. Dowlada Pakistan ayaa intaa ku dartay in Jadhav uu ku safrayay sharci been abuur ah uu laheyn, kuna howlanaa weeraro Argagixiso. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya, Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar Filish). Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray howlaha horumarineed ee gobolka ka socda iyo kuwa horyaalla, iyada oo xoogga la saaray dardargelinta amniga, arrimaha bulshada iyo dib u dhiska goobaha danta guud. Agaasime Fuursade ayaa u ballan qaaday guddoomiye Filish in Villa Soomaaliya ay gacan muuqata ka geysaneyso dhammaan dedaallada lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah ee Bulshada. “Gobolka Banaadir waxaa ku yaal Caasimadii Ummadda Soomaaliyeed, waana muhiim in dhammaanteen aan iska kaashanno soo celinta heybaddii ay Muqdisho ku laheyd Caasimadaha Dunida”. ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada Qaranka. Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo talooyinka agaasinka madaxtooyada Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in maamul iyo shacaba ay xoogga saarayaan sidii loo heli lahaa Caasimad qurxoon oo amni ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa cusub ee Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Filish[ ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo lacagaha la siiyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, taasoo laga bixiyo qasnadaha gobalka Banaadir. Cumar Filish ayaa warqad uu shalay qoray ku amray in aysan jirin qof la siin karo lacag, kuwaasoo aan ka tirsaneen shaqaalaha gobalka Banaadir, wixii laga baxsan waayana ay ku baxaan saxiix iyo wada-tashi loo dhan yahay. Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa amray in balan la’aan aysan jirin qof xafiiskiisa iman karta, waxaana lagu wargeliyay gabi ahaan shaqaalaha in xildhibaanada, wasiirrada iyo saraakiisha kale ee danta ka leh xafiiskiisa ay ku yimaadaan ballan iyo ka warqab. Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Somalia ayaa horay lacago aan sharci ahayn uga qaadan jiray gobolka Banaadir, balse tallaabadan ayaa u muuqata mid cunaha lagu qabanayo xubnahaas. Guddoomiyihii geeriyooday ee gobolka Banaadir, Inj. Yariisow ayaa wuxuu horay u joojiyay lacago xubno ka tirsan Dowladda laga siin jiray Gobolka Banaadir, taasoo dhalisay muran iyo is-qabqabsi xoog leh, inkastoo goor dambe la xalliyay murankaas. Mas’uuliyiintii lacagaha laga joojiyay xilligaas ayaa dib loogu furay qoondo gaar ah, waxaana xubnaha laga joojiyay lacagaha ka mid ahaa xubno si aad ah u taageersan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana si hoose loo xalliyay murankaas, iyadoo loo fasaxay lacagahooda. Dhanka kale, Xubnaha hadda lagacaha weyn doona waxaa ka mid ah kuwo aan xilal u hayn dowladda oo la naas-nuujiyo, kuwaasoo ay ku jiraan xubno nabaddoono ah, kooxo taageersan dowladda iyo mas’uuliyiin looga baqay in DF ay mucaaradaan. PUNTLND POST The post Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo soo saaray amar horay loogu mur-muray appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisal wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa ku adkeysanaya in aanu rabin doorasho guud oo xilligan ka dhacda dalkiisa, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada in ayna u codeyn dib u dhigidda waqtiga ka bixitaanka Midowga Yurub. Balse BBC-da ayaa fahansan in ra’iisal wasaaraha uu isku dayi doono ku dhawaaqidda doorasho xilligeeda ka soo hormartay, dhici kartana 14-ka October, waa haddii xildhibaannada ay horjoogsadaan bixitaan heshiis la’aan ah. Wasiirro hore oo ka tirsan xisbul xaakimka ayaa ka gacan siinaya xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha ka hortagga in UK ay 31 October Midowga Yurub uga baxdo qaab heshiis la’aan. Mr Johnson oo warbaahinta kula hadlay banaanka xafiiskiisa No 10 ayaa sheegay in tallaabada noocaasi ah ay “mustaxiil” ka dhigi doonto wadahadallo dheeraad ah oo uu dalkiisa la galo Midowga Yurub si ay u gaaraan heshiis cusub. Waxa uu dhanka kale sheegay in haddii ay xildhibaannada taageeraan dadaalka dowladdiisa, uu ku guulaysan karo inuu wax ka bedelo heshiiska hadda u dhexeeya labada dhinac ee uu baarlamaanka saddexda jeer diidday. Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay inay korortay suuragalnimada ah in heshiis cusub laga gaaro arinta bixitaanka, maadaama buu yiri ay UK isu diyaarisay ka bixitaanka Midowga Yurub xilliga loo qabtay wax kasta oo dhacaba. Doorashada guud ee rasmiga ah ayay tahay inay dhacdo sanadka 2022. Sida uu dhigayo xeerka waqtiga go’an ee baarlamaanka, Mr Johnson ayaa u baahan taageerada saddex meeloodoo laba meel xildhibaannada oo tiradooda guud ay tahay 650 si doorasho xilligeeda ka soo hormartay ay u dhacdo. Haddii uu codkaasi helo waxa uu soo jeedin karaa taariikhda ay doorashada dhacayso, taasoo noqon karta arin muran badan dhalisa marka la eego waqtiga yar ee ka harsan xilliga loo qabtay ka bixitaanka. Doorasho Britain ka dhacda ka hor dhammaadka sanadkan ayaa noqon doonta tii saddexaad ee dalkaasi soo marta shantii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay doorashooyin guud dhaceen sanadihii 2015 iyo 2017. Source
-
(SLT- Afghanistan)-Danjiraha dowlada Mareykanka u qaabilsan wadahadallada nabada ee ururka Taliban Zalmay Khalilzad, ayaa sheegay in lagu heshiiyay in Milatariga Mareykanka ay ka baxaan shan saldhig oo ay ka dagan yihiin wadanka Afghanistan haddii uu dhaqan galo Heshiiska. Mr Zalmay oo u waramayay warbaahinta Tolo ayaa sheegay in 135 maalmood ay qaadan doonto marka uu heshiiskaan dhaqan galo lana helo Xasilooni Nabadeed. Madaxa wadahadalka Mareykanka ayaa dhanka kale tilmaamay in heshiiskaan uu wali u baahan yahay in si rasmi ah uu ansixiyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, deetana saraakiisha labada dhinac ay si rasmi ah ugu dhawaaqi Doonaan. Isniintii shalay ayaa xilli hore ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Khalilzad uu heshiiskan tusay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, oo dowladiisa ka hadhay wadahadalka u dhaxeeyay labada Dhinac. Sida ka muuqato heshiiskan marka ay ka baxaan milatariga Mareykanka saldhigyada ay ka joogaan Afghanistan, ayaa waxaa adeegsan doonin ciidanka Dowlada. Dhanka kale Ururka Taliban ayaa laga doonayaa in ayna weerar ku qaadin milatariga Mareykanka iyo Xulufadooda. Source
-
Muqdisho (SMN) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr; Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ugu hambalyeeyay xilka cusub ee uu Madaxweynaha JFS u magacaabay. Kulanka mas’uuliyiinta oo ka dhacay Xafiiska Agaasimaha ayaa diiradda lagu saaray howlaha horumarineed ee Gobolka ka socda iyo kuwa horyaalla, iyada oo xoogga lasaaray dardargelinta amniga, arrimaha Bulshada iyo dib u dhiska goobaha danta guud. Agaasimaha Madaxtooyada ayaa Guddoomiyaha cusub u ballanqaaday in ay Gacan muuqata ka geysanayaan dhammaan dedaallada lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah ee Bulshada. “Gobolka Banaadir waxaa ku yaal caasimaddii Ummadda Soomaaliyeed waana muhiim in dhammaanteen aan iska kaashanno soo celinta heybaddii ay Muqdisho ku lahayd caasimadaha Dunida”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo talooyinka muhiimka ah ee Agaasinka Madaxtooyada JFS, isaga oo Carrabka ku adkeeyay in maamul iyo Shacabba ay xoogga saarayaan sidii loo heli lahaa caasimad qurxoon oo amni ah. View the full article
-
Xukuumaddda Puntland ayaa balan-qaaday inay la wareegi doonto dhismayaal ku yaal degmada Taleex ee gobolka Sool si ay ugu qabato adeegyada bulshada degmadaasi iyo deegaamada hoos yimaada. Dhismayaasha dowladda hoose, saldhigga magaalada iyo xarumo kale oo ay dhaqaalohooda ku dhiseen ganacsato u dhalatay deegaanka oo balan-qaad ka haystay maamulka Somaliland ayaa waxa ay Puntland u heshay fursad ay kula wareegto kadib markii maamulka Somaliland ka baxay balan-qaadkii hore. Duqa degmada Taleex Iimaan Cali Shire ayaa u sheegay Puntland Post in xarumahaasi ay dhiseen ganacsato reer Taleex ah kadib markii maamulka Hargaysa uu u balan-qaaday inuu lacagta kaga baxda siin doono haseyeeshee uu uga baxay. Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in Puntland ay hadda u soo jeensatey degmada Taleex ayna ganacsatadu soo dhoweeyeen in lacagtii kaga baxday ay ka qaataan xukuumadda Puntland ayna noqdaan goobo loogu adeego shacabka. Dhanka kalena, bulshada Taleex ayaa si weyn u soo dhoweysey dhismaha waddo laami ah oo isku xiraysa Taleex iyo laamiga gobolada Waqooyi uga baxa Garoowe taasi oo uu horay u dhagax dhigay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas, haseyeeshee uu dhismeheeda balan-qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLAND POST The post Puntland oo ganacsatada Taleex u balan-qaaday lacagihii kaga baxay xarumaha dowliga ah oo Somaliland bixin weydey appeared first on Puntland Post.
-
Buulo-burte (PP) ─ Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, kaasoo u dhexeeyay ururka Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah. Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Qansaxle oo ka tirsan Buulo-burte oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkan la sheegay inuu socday muddo saacad ka badan. Sidoo kale, Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qarxay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka Buulo-burte, waxaana dagaalkan ka dhashalay khasaare aan illaa hadda la ogeyn cadadkiisa. Ciidamada dagaallamay ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen hubka kala duwan, waxaana shacabka ku nool deegaannada ku dhaw-dhaw halka uu ka dhacay dagaalka ay sheegeen inay maqlayeen hubka fudud iyo midka culus ee dagaalka loo adeegsanayay. Dhanka kale, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Buulo Burde ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay iska difaaceen weerarkii ay Al-shabaab la beegsatay saldhigyadooda. Ugu dambeyn, Dagaalkii xalay ayaa imaanaya xilli shalay lagu dagaallamay inta u dhaxeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burte, dagaalkaasoo ay ka sheegatay Al-shabaab guulo iyo inay ku dishay ciidammo ka tirsan kuwa DF. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ku dhex-maray Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Sawirro: Wasiir Cawad oo kulan gaar ah la qaatay James Swan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida, waxa kale oo ay isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu markale ku celiyay taageerrada dalkiisu u haayo dadaallada Wakiilka Gaarka ah iyo qorshaha howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Raiisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday Dhuusamareeb ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha magaaladaasi. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la kulmay madaxda Ahlu Sunna, iyagoo ka wada hadlay arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulka Galmudug. Sidoo kale waxaa saacadaha socda Ra’iisul wasaaruhu kulamo la leeyahay ergada ka qeyb galeysa shirweynaha dib u heshiisiinta ee beri ka furmaya halkaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ay sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulamadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Sabriye.mp3Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasiamda@live.com
-
Dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed, waxaa 24kii saac ee la soo dhaafay ka degay wufuud kala duwan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusa-mareeb uu qeyb ka yahay qorshaha dhameystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad goboleed loo dhan yahay. Dhanka kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad aqalka sare mudane Abshir Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ee xildhibaannada labada aqal ayaa iyaguna ku biiray shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada xeebeedka Mudug ee Hobyo. Guddoomiye Abshir Axmed ayaa lagu wadaa inuu soo xiro shirka, lama oga inuu u gudbi-doono Dhuusamareeb iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com