-
Content Count
209,374 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Mahad Xasan Cabdi oo loo yaqaano Yaxbul, ayaa amar ku bixiyay in aysan Madaxtooyada Kismaayo soo geli karin ballan la’aan, dhamaan Madaxweynayaashii la tartamay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe.” Musharaxiintaan oo saaxiib dhaw la ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe, sidoo kalane qaarkood ahaa dad maqaar saar ah oo la tartamay Axmed Madoobe ayaa loo diiday in ay soo galaan Madaxtooyada Kismaayo sida ay noo sheegeen masuuliyiin katirsan Madaxtooyada magaalada Kismaayo. Dadka loo diiday in ay galaan Madaxtooyada Kismaayo waxaa ku jira Musharaxiin aan ka qaybgalin doorashada, kuwaas oo iscasilay ka hor doorashadii Kismaayo ama inta aan hoolka doorashada la tagin balse is diiwaan geliyay. Caasimada Online ayaa ogaatay in masuuliyiinta loo diiday gelitaanka Madaxtooyada Jubbaland in ay kamid yihiin Maxamed Cumar Geedi, Musharax Raabi iyo Haweeneydii la tartantay Axmed Madoobe ee Canabd Maxamed Daahir iyo mas’uuliyiin kale. Lama oga sababta ka dambeysay arrintaan, balse waxaa la aaminsan yahay in uu amarkaan ka soo baxay Axmed Madoobe islamarkaana uu doonayo in uu ku cadaadiyo siyaasiintaas oo doonaya in ay helaan xilal kale maadaama ay ka qayb-qaateen dhismaha iyo doorashadii Jubbaland ee ugu dambeysay iyadoo lagu dhagan yahay Axmed Madoobe. Masuuliyiintaan oo aan qaarkood la xariirnay ayaa noo sheegay in aysan dooneyn in arintaan ay ka hadlaan balse waxay qireen in ay jirto, waxayse ku micneeyeen in ay tahay amar Taliska ka soo baxay oo aan la gaarsiinin Axmed Madoobe ayna qabaan in ay dhamaato. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xasan Cumar Axmed “Xasan Mahdi” ayaa shalay ka soo muuqday Warbaahinta Al-Shabaab isagoo cod laga duubay uu ku sheegay in uu ka soo baxay wax uu ugu yeeray riddo, oo ula jeeday Maamulkii uu ka tirsanaa ee HirShabeelle. Xasan Mahdi, waxa uu ahaa Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada HirShabeelle waxaana la sheegay in bilooyinkii la soo dhaafay uu wajahayay xaalado aad u adag islamarkaana uu walaac ka qabay amaankiisa. Caasimada Online, ayaa shalay illaa xalay baaritaano ay sameysay ku ogaatay dhowr qodob oo quseeya Xaaladda Xasan Mahdi iyo waxyaabaha la maleysan karo in uu Al-shabaab ugu tagay. Waxyaabaha ay ogaatay Caasimada Online ayaa waxaa kamid ah:- In Xasan Mahdi, uu waligiis ka cabsan jiray Al-Shabaab ayna soo wici jireen masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo ay qaraabo yihiin kuwaas oo ugu hanjabi jiray in ay dili doonaan. In ay nolasha ku adkaatay markii xilka laga qaaday iyo intii uu haayayba, sababtoo ah HirShabeelle wax mushaar lagama bixiyo waxaana dadka u shaqeeya ay ku nool shaxaad iyo qaar is-dabara oo meelo kale wax kahela Iyo in Al-Shabaabkii u hanjabi jiray Xasan Mahdi ay la soo xariireen ayna ka dhaa-dhaaciyeen in uu Al-shabaab isu dhiibo oo uu heli doono amni iyo xorriyad. Xogtaan waxay Caasimada Online ka heshay qaar kamid ah Saraakiisha maamulka HirShabeelle, hase yeeshee dhamaantoodba ma ahan qodobo uu ku dooran karo kamid noqoshada Al-Shabaab markii loo eego waxa ay yihiin Al-Shabaab. Sababta ugu wayn ee ugu mid noqday Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay kaliya in ay tahay cabsi uu ka qabo Al-Shabaab iyo ballanqaad loo sameeyay oo ah in uu amni heli doono. Sidoo kale Xasan Mahdi waxaa lasheegay in xubno kamid ah Qoyskiisa ay ku noolyihiin degaanada Maamulka Al-shabaab uuna ka maarmi waayay in uu u tago qoyskisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maamulka Somaliland waxaa laga soo wariyay inay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan dawladda Somaliya. ka dibna waxay soo qoreen shuruudo aan la aqbali karin oo ay ku xireen wada hadalladaas. Shardiga 1aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka Somaliland waxay dalbatay in dawladda Somalia qirto in Somaliland ahayd dawlad madax banaan 26 June 1960. Shardigaan runna ma aha lamana aqbali karo. Waxaan la yaabay sababta Somaliland shuruudaha aan la aqbali karin ugu xirtay wada hadallada. Waxaan is waydiiyay sidee u dhici kartaa in dhamaan wax-garadka, culimada diinta, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, oday dhaqameedka, iyo madaxda maamulka Muse Biixi ay u fahmi waayeen in haddii xujooyinkooda la yeelayo aaban loo baahdeen in la wada hadlo oo ay mar horeba noqon lahayeen dal gaar ah oo Somalia ka madax banaan. Somaliland waligeed ma noqotay dal madax banaan oo la aqoonsan yahay? Jawaabtu waa MAYA. Dhulka Somalia oo dhan waligii wuxuu ahaa hal waddan oo qabaa’il Somali ah wada degaan amaba kala degaan. hayeeshee maadaama af laba daan leh uusan muran daynayn, taariikhda dib u milicso. Gobolladii waqooyiga Somalia ee la oran jiray British Somaliland waxay ahayeen dhul ay wada degaan qabaa’il kala duwan oo Somali ah oo isugu jira Isaaq, Gadabuursi, Ciisa, iyo Warsangali kuwaas oo 1890-aadkii oggolaaday in Ingiriis gumaysto, iyo Sool clan oo diiday inay Ingiriis la galaan heshiis uu ku gumaysanayo. Haddii shaki ku galo Internet-ka ka baar oo aqriso qoraalkan (The Illusory “SOMALILAND” Setting the Record Straight), haddii aad waydano ii so sheeg anaa ku so diree. Wixii intaa ka duwan wa riyo, maweelo iyo mari habaabin dhallinyarada aan taariikhda somalia waxba ka garanayn lagu marin habaabinayo. Tan kale, 1940-kii markii dagaalkii 2aad ee adduunka la jabiyay Germany iyo xulafadiisii (Italy, Japan, etc) ayaa waddamo Talyaanigu gumaysan oo Somalia ka mid ahayd la wareegay Ingiriiska. Ingiriiska oo Somalia oo dhan wada haysta baa Qaramada midoobay Somalia u oggolaadeen in la siiyo maamul Daakhiliya ah. Ingiriisku odayaashii Somalida Koonfurta bu u yimid oo ku yiri haddii aad Ingiriiska u doorataan inuu Daakhiliyada idin maamulo oo aydan Talyaani dooran waxaan idiin ballan qaadayaa inaan shanta Somalia mideeyo. Odayaashii Koonfurtu oo ay hoggaanka u hayaan Majeerten iyo Abgaal way diideen oo waxay dhaheen anagu af-Ingiriis ma naqaan sidaa awgeed Talyaanigeenan daysanayaa. Markaas ba Somalia oo dhan xukunkii loogu dhiibay Talyaani. Markii xukunkii Talyaaniga ee Daakhiliyada ahaa dhamaaday ba xorriyad la siiyay goballadii waqooyiga Somalia iyo kuwii koonfurtaba, ka dibna iyadoo uusan midna ahayn dal gaar ah bay magacoodii hore ee Soomaaliga ahaa dawlad ku dhisteen, iyagoo rajaynaya inay gobollada maqan ee Jibouti, Ogaden (Somali Galbeed), iyo NFD ay ku soo biiri doonaan markii ka xoroobaan gumaystihii Ingiriiska iyo Itoobiya. Xuduudihii gumaystuhu ka tagay Somaliland ma u xujaysan kartaa inay tahay dal jiray? Mar kale, jawaabtu wa MAYA. Sida aan kor ku soo xusnay waligeed lama arag, lamana maqal, ma jiri jirin waddan ama jamhuuriayd la yiraahdo Somaliland. Sidoo kale, u malayn mayo in Somaliland ay waligeed u suuragali doonto inay noqoto dal gaar ah. Waayo waa qabiil gadooday. Qabiilna qaran ma noqon karo. Tan kale, intaan Ingiriis iyo Talyaani imaan Somalia, yaa lahaa oo degi jiray geyiga Somalia. Ma xuduudaa u dhexayn jiray qabaa’ilka Somalida ee wada dega? Ingiriis horti yaa lahaan jiray dhulka hadda Somaliland xoogga ku haysato ee ay degaan ahaan u leeyihiin shucuub aaminsan midnimada Soomaaliya. Macne ma samaynayso in qiil laga dhigto oo dawladnimo laga raadiyo xuduudo ay sameeyeen gumaystihii Somalia gumaysan jirtay. Waxaa kaloo la yaab leh in Somaliland ku doodo waxaan rabnaa inaan ka go’no Somalia laakiin isla markaa waxaan ikhtiyaarka ka qaadaynaa oo xoog ku haysanaa gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo dadka dega badankiisu taageersan yihiim midnimada Somalia. Laakiin kaba soo qaad in loo raaco fikarkooda ah inay go’aan loona oggolaado inay aayahooda ka tashadaan, taasi miyaysan kallifayn in Somaliland u oggolaato gobollada dadkoodu aaminsan yhaay midnimada Somalia, gobolladaas oo iyada hadda hoos yimaada sow ma aha inay aayahooda ka tashadaan oo yeeshaan ikhtiyaar ay uga mid ahaadaan Somalia. Ma dhici karto in Somaliland tiraahdo sida anagu aan rabno oo qura waa in la yeelaa. Somaliland iskuma heli karto inay damacdo inay xoog uga go’do Somalia isla markaana xoog ku haysato dhul iyo dad raba midnimda somalia. Markii Somaliland oggolaato in dadka ay xoogga ku haysato ka tashadan aayahooda baa iyana lagala hadli karaa rabitaankooda. Shardiga 2aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka Haddii laba dhinac khilaaf soo kala dhex galo, waa muhiim in la wada hadlo oo la isku dayo in xal loo helo khilaafka taagan. Sidoo kale waxaa labada dhinac ka tashan karaan golaha la isugu imaanayo, ajendaha garta laga xaajoonayo, iyo in loo baahan yahay in gogol loo fidiyo ergo kale oo ka baxsan labada dhinac ee is haya. Laakiin ergada dhinac walba mathalaysa waxaa soo xulideeda xaq u leh cidda ay mathalayaan. Waa ayaan darro in maamulka Somaliland ay ku doodaan ergo anaga noo danaynaysa waa inay soo dirsato dawladda Soomaaliya. Haddii ay Somaliland xulayso ergada mathalaysa Soomaaliya khilaafba ma jireen wada hadalna looma baahdeen. Shardiga 4aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka Somaliland waxay rabtaa in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan. Taas horaan uga soo hadalnay oo Somaliland waligeed ma noqon, haddana ma aha dawalad madax bannaan. Waxaana habboon in Somaliland ay ka gudbaan maaweeladii iyo madadaaladii ay ku jireen ilaa iyo 1990-kii oo ay runta aqbalaan. Shardiga 5aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka Somaliland waxay dalbatay in dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah. Somaliland miyasan ogayn in Qaramada midoobay iyo hayadaha caalamiga ah ay khasab ku tahay inay dhowraan una hoggaansamaan qawaaniinta caalamiga ah. Somaliland wali Somalia bay ka mid tahay, ilaa taasi iska beddalaysana astaamaha hayadaha caalamiga ah ma isticmaali karaan astaamaha Somaliland. Deeqaha soo gaara Somaliland iyo mashaariicda laga fulinayo Somaliland waxay ku soo baxaan magaca Somalia. Dawladda Somaliana sida ay maamul goboleedyada kaleba ugu gudbiso qaybtooda ayay Somalilandna ugu gudbisaa qaybteeda. Jibouti miyaysan ahayn dal madax banaan Dad baa ku dooda miyaanay Jibouti ahayn gobol somaliyeed oo fransiis gumaysan jiary oo maanta ah dal jira oo caalamku aqoonsan yahay? Jibouti markii francisku xorriyadda siinayay ayuu dawladdi Somalia ku xiray oo ku yiri haddii aysan Soomaaliya ku biirayn wa siinayaa xorriyadooda. Dawladdi Somalia ee waagaas jirtay waxay is tustay inay haboon tahay in dadkas aan lagu sii hayn gumaysiga. Lakiin waqooyiga iyo koonfurta somalia duruufahas oo dhan ma khusayn lamana hor dhigin oo waxay aahaayen walina yihiin Somali dhisatay dawalad Soomaaliyeed. Gobollada kale ee maqan sida NFD iyo Kililka 5ad, waxay noqon lahaayeenba wali gacan laguma hayo lakiinse haddiiba ay xorriyad helaan oo ikhtiyaar la siiyo u malayn mayo inay gaar isu taagi lahaayen. Ha la waydiiyo Somaliland inay taageeraysaa in NFD iyo Somali-Galbeed ka go’aan Kenya iyo Ethiopia? Qofkii raba inuu wax ka ogaado taariikhda Somalia iyo sidii qabaa’ilku u kala deganaa ha akhriyo buugga the first foot steps in east Africa by Sir Richar Burton ( riix halkaan) or the scrample for africa, somalia waxay ka mid ahayd waddamo yar oo dadkoodu si walba isku mid yihiin haddana shan qaybood loo kala jaray. Ka dibna gobolladii Ingriiska iyo Talyaanigu gumaysan jireen xorriyadoodii dib u so ceshadeen. Waddaanka Kenya waxa dega 45 qawmiyadood oo kala AF, kala diin iyo kala dhaqan ah. Ethiopia waxa dega ku dhowaad 100 qowmiyadood oo iyana kala duwan. Nigeria iyo africada badankeedu wa sidaas oo kale, haddana waddamadas oo dhan waa midaysan yihiin oo waxaa u dhisan dawlado dadku u hoggaansan yahay dawladda. Wax midnimo lagu waayay bur-bur laguma heli karo Haddii aan dhanka diinta Islaamka ka eegno, midnimadu waa shay qaali ah oo ay tahay in la ilaaliyo. Bal u fiirso maalinti 5 jeer, usbuuci mar, sanadkiina mar ba la is faray in dadka islaamaka ah isu yimaado. Haddii roob da’ayo salaaddi waa la so hormarinayaa si midnimada loo dhowro. Saddex qof haddii ay safarto waxa faray inay hoggaamiye samaystan. Somaliland may hankeeda gaarsiiso inay Somali oo dhan xukunto Somaliland haddii ay dhihi lahayd dhulka somalia oo dhan baan rabnaa inaan xukuno ba dhaami lahayd go’itaan raadiska. Fursaddii way soo martay laakiin way faa’idaysan waayeen wayna fahmi waayeen inay hamigaas sare yeeshaan Jasiiradda yar ee U.K. baa mar addunka badanki xukuntay, hamigoodaa sidaas gaarsiiyay. Hamigeenu wa inu ka waynaado qabiil, gobol, iwm. Haddii Somaali midowno east Africa oo dhan bay hogaamin karaan. Midnimada Somalia waxay ku xiran tahay maamul u samaynta SSC Furaha midnimada Somaaliya waa in maamul loo sameeyo gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) ee ay degaan dadwayne taageero wayn u haya Dawladda dhexe ee Soomaaliya, aadna ay ugu wayn tahay midnimada Soomaaliya, laakiin ilaa iyo hadda aan ka helin dawladda dhexe ee Soomaaliya wax tageero ama ictiraaf ah. Sidaas oo ay tahay mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya kama galaan gor-gortan inkasta oo gobolladooda ay xoog ku haystaan Maamulka Somaliland oo raba inuu ka go’ Soomaaliya. Madaxwaynuhu miyuusan ogayn in iyada oo aan dhiig la daadin, dhaqaale bandanna aan la lumin inuu soo de-dejin karo dib u midaynta dadka iyo dalka Soomaaliya, keliya waxay ku xiran tahay inuu saxiixo in gobollada SSC ay yihiin maamul goboleed cusub oo ka tiran dawladda dhexe ee Soomaaliya, markaa ka dibna uu xal u raadiyo shacabka midnima doonka ah ee reer Awdal, iyo degaannada kaleba. Tusaale ahaan, haddii Sool, Sanaag, iyo Cayn maamul loo sameeyo, maamulka Hargeysa wuxu lumninyaa dhul badan oo uu hadda xoog ku haysto, shacabkooduna aaminsan yahiin midnimada dalkooda. Ka dib waxa Somaliland u so haraya dhul ka yar afar-meelood-oo-meel dhulka hadda ay haysato, dawladda dhexena waxa ka fududaanaya culayaska iyo shuruudaha Somaliland la timaaddo miiska wada hadalka, loomana baahanayo wax waan-waan ah oo macna wayn leh in lala galo maamulka Somaliland, waayo mar haddii Sool, Sanaag , iyo Cayn ay ka hoos baxaan maamulka Somaliland oo ay yeeshaan maamul gaar u ah iyaga waxaa wiiqmaya jiritaanka Somaliland, iyo ismoodsiiska ah inay dal gaar ah yihiin ama noqon karaan. Maxa Dhacaya Haddii Maamul Loo Saymayn Waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn? Haddii Madaxweyne Farmaajo maamul u samayn waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn waxa Soomaaliya soo gaarindoona fashilkii ugu waynaa taariikhdeeda, Farmaajana wxuu taariikhda ka gali doonaa baal madow haddii kala go’ dhaco xilli uu isagu Madaxweyne Soomaaliyeed aha, iyadoo shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba (gaar ahaan shacabka Awdal, Sool, Sanaag, iyo Cayn) ay u harraadan yihiin dawladnimo, midnimo, horuman, ammaan. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanaha-____-Warraka-03092019.mp3 View the full article
-
3rd September 2019 PRESS RELEASE Somali National Army Personnel graduate from UK led training in Baidoa This month, the Somali National Army celebrated the graduation of a further 98 soldiers from British military training in Baidoa, the capital of Southwest State in Somalia. The UK has built a training centre in Baidoa, including a state-of-the-art firing range that was opened by Southwest State’s President, Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, and the UK’s Africa Minister, Andrew Stephenson, on 21 August. Construction of 450 barracks for the Somali army has just started on the same site. The 16-week training, involving a mix of theory and practical lessons, covered defensive positions, vehicle check points, dealing with improvised explosive devices, first aid, safe weapon handling and leadership. The UK training has already shown its value. Attacks in Baidoa have fallen since the Somali army built defensive positions around the city as part of their course, and some of those on the course used their new skills in a successful attack against Al Shabaab in the area of Daynunay this month. Speaking during the graduation ceremony, the Commander of British Forces in Somalia, Colonel JL Baynham, said: “The training is being delivered by highly experienced specialists. It’s focused on building really strong infantry skills, which are what the Somali army most needs to defeat Al Shabaab. The Somali soldiers are very able and keen to learn. We are already seeing the benefits, for the individuals, their units and the security of the area.” The British Ambassador to Somalia, Ben Fender, said: “The Somalis are working to improve security after decades of conflict and terrorism. The UK is a major partner and the only country providing military training outside Mogadishu. Baidoa is a vital location in the fight against Al Shabaab. We need to stay the course, but over the last year, Somalia has made real progress towards building its future army, and in conducting operations. We’re delighted to support that.” The course is part of an on-going programme of support to the Somali National Army’s 60 Division. Graduates will now receive additional medical, planning and command training. The UK has delivered training to over 900 members of the Somali National Army since January 2017. The focus has been on medical skills, leadership development, intelligence, equipment care, logistics and the rule of law. Qaran News
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray goobaha ay magaalada Dhuusamareeb uga suganyihiin ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee qayb ka ah ciidamada ka shaqeynta adkeynta amniga xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay in uu ku faraxsanyahay in ciidamada booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ay yihiin ciidamo ka howl-gala meel kasta oo dalka kamid ah ee qaranku u diro in ay ka shaqeeyaan ayaa faray in ay laba jibbaaraan dadaallada ay uga qayb qaadanayaan amniga Dhuusamareeb si looga mira dhaliyo qorshaha dhismaha Galmudug loo dhanyahay. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xarunta lagu qabanayo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo deegaannada ergada shirka ka qayb geleysa ay magaalada ka deganyihiin. Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa shalay u yimid magaalada Dhuusamareeb dardar-gelinta dadaallada lagu dhammeystirayo qorshaha dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug iyo furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kenya ayaa dalbatay in dib loo dhigo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya ee ka furan ICJ,si ay u qorato qareenno cusub oo difaaca. Kulan Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika ku yeeshay Addis Ababa,ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda Badda Soomaaliya ee ay sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno xooggan oo difaaca. Soomaaliya ayaa dalbatay in dacwaddan loo daayo maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo dhageysigeeda u muddeysay 9-ka bishan. Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo. Kenya ayaa sheegatay qeyb ka mid ah xeebaha Soomaaliya oo uu shidaal ku jiro. Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ka dacweysay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, waxaana qorshuhu yahay in dacwadda la galo 9-ka bishan September. Kenya oo aan kalsooni ku qabin sheegashadeeda lahaanshaha biyaha Soomaaliya, ayaa xusul duub ugu jirta in dacwada dib loo dhigo ama wada hadal lagu dhammeeyo, taasoo muujineysa taag darrada dooddeeda ay ku sheeganeyso biyaha Soomaaliya. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seertay codsiga Kenya ay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ uga dalbatay in la hakiyo dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray waxa uu codsiga Kenya cudur daar uga dhigo in Kenya ay dooneyso inay qorato koox cusub oo ah qareeno difaaca, sidaas darteedna ay u baahan tahay waqti dheeri ah. Si kastaba, Soomaaliya ayaa diiday codsiga Kenya, waxaana la filayaa in berri ay warqad rasmi u dirto maxkamadda ICJ, kuna war-geliso go’aankeeda, iyo inay diyaar u tahay in kiiska uu sii socdo. Soomaaliya ayaa ku doodi doonto in haddii Kenya ay dooneyso inay qareeno cusub qoroto ay haystay in ka badan hal sanno, oo ay sidaas ku sameyso, sidaas darteedna cudur-daarkaas aan iminka la aqbali karin. Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa la qorsheeyey in u dhaco maalmaha Isniinta illaa jimcaha ee 9-ka illaa 13-ka bishan September. Diidmada Soomaaliya ayaa la macno ah, in Kenya ay ku qasbanaan doonto inay maxkamadda hor-timaado, haddii ay sidaas sameyn weysana kiiska uu socon doono la’aanteed. Go’aanka kasta oo dib loogu dhigayo kiiska ama lagu joojinayo waa inay isku racaan labada dhinac ay maxkamadda ay quseyso, waxaana diidmada Soomaaliya ay la macno tahay inuusan Kenya u furneyn albaab ay uga baxsan karto kiiska. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Dalka Kenya ayaa bishan bilowgeeda codsi dhib-u-dhigis ah xagga dhageysiga dacwada ah u diray maxkmadda cadliga adduunka. Warqad ku taariikheysan 2bada September oo loo diray maxkamadda ayey ku codsadeen in Dib loo dhigo dhageysiga dacwada Dhanka kale ilo xogogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenyaanku doonayaan talaabo kale oo waali ah, taas oo ay ku kala dirayaan dhammaan qareenadooda si dacwada dib loogu dhigo 12 bil oo kale. Haddii ay sidaasi sameeyaan waxaa dhaceyso : –In ay xilligaas wadahal raadiyaan iyo xal diblomaasiyadeed ula galaan Soomaaliya. – In dalalka Afrika iyo Midowga Afrika ka dhameeyaan in dacwada iyagu dhageystaan oo laga soo wareejiyo maxkamadda qaramada midoobey. – Iney ka shaqeeyaan iney isjiidjiidka gaaro marlaxadda kala guurka ee Soomaaliya kadib, oo ay la macaamiilaan maamulada iman doona Soomaaliya 2021ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ku codsaday in la hakiyo dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Kihara ayaa qoraalkiisa ugu cudur daartay in Kenya ay dooneyso inay qorato koox cusub oo ah qareeno difaaca, sidaas darteedna ay u baahan tahay waqti dheeri ah. Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa la qorsheeyey in u dhaco maalmaha Isniinta illaa jimcaha ee 9-ka illaa 13-ka bishan September. Hase yeeshee xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa qoraalkiisa ku sheegay “sababo la xiriira duruufo aan caadi ahayn” dartood in Kenya aysan tegi doonin maxkamadda. Qoraalka ayaa intaa ku daray inay arrin muhiim iyo cadaalad tahay in wakiilo ka socda Soomaaliya iyo Kenya ay joogaan dhageysiga. “Xeerarka maxkamadda ayaa ogolaanaya hakinta dhageysiga kiiska, si labada dhimnac loogu ogolaado furad lagu matalo” ayuu Kihara ku yiri qoraalkiisa. Qoraalka Kenya ayaa imanaya ayada oo Soomaaliya ay laba toddobaad ka hor diiday casuumad uga timid Midowga Afrika, si arrintan looga wada-hadlo, kadib markii ay sidaas dalbatay Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa iyana diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda u xaqiijiyeen Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka. Tababarka uu Ra’iisul Wasaaruhu maanta soo xiray oo saraakiisha lagu barayay hab maamulka, kala sarreynta iyo xeerarka uu ku dhaqmo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ujeedkiisu ahaa in kor loogu qaado aqoonta iyo garaarka iyo aqoonta ciidanka, si ay hannaanka ugu habboon ugu gutaan waajibaadka ka saaran badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed. Saraakiisha ciidamada ee tababarka loo soo xiray oo qayb ka ah ciimadadii dhawaan la qarameeyay ee lagu dhafay ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in ay aad uga faa’iideysteen intii uu socday, ayna dhaqan geli doonaan. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in dowladdu ay muhiimad gaar ah siineyso hagaajinta xaquuqda ciidanka, ayaa saraakiisha uu tababarka u soo xiray kula dardaarmay faray in ay ka shaqeeyeen ilaalinta nabad-gelyada iyo xoreynta deegaannada ay cadawgu uga suganyahaya Galmudug. Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa sidii ciidanka xoogga dalku ay guud ahaan u hanan lahaayeen amniga dalka, ayaa wadda qorshe ballaaran oo dib loogu dhisayo ciidanka, lagu tayeynayo, laguna qalabeynayo si ay u soo celiyaan sharafka iyo karmaamada ummadda Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-03092019.mp3 View the full article
-
Jilib (Caasimadda Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa shaaciyey in Weerar duqeyn ah ay ku qaadeen degmada Jilib, iyadoo lagu beegsaday Argagixisada Alshabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay AFRICOM. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay Maanta oo ku beegan 3/9/2019 weerar dhinaca cirka ah ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaas lagu dilay xubin ka mida Alshabaab isla markaasna uu weerarkaan ka mid yahay qorshaha lagu carqaladeenayo isku socodka iyo howlaha argagixiso ee Alshabaab. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay inay weli socoto qiimeynta lagu sameenayo khasaaraha ka dhashay weerarka duqeynta ahaa. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gudaha iyo Dibadda Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 sare u qaaday weerarada iyo duqeymaha ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab ee laga fulinayo gudaha Soomaaliya. Dowldda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin duqeyntaan ay sheegtay Mareykanka inay ka fulisay Magaalada Jilib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali KHEYRE, ayaa maanta figeeyay islamarkaana muddo saacad ka badan ah xiray askar ilaalo u aheyd madaxa xukuumadda Galmudug iyo hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macalim Maxamuud Sheekh Xasan. Arrintaan ayaa ka dhacday madaxtooyada magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, waxaana ka dhashay doodo badan oo aad looga hadal hayo magaalada. Arrintaan ayaa waxaa sababay kadib markii hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macalim Maxamuud iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ay damceen in ay galaan madaxtooyada Galmudug si ay kulan ula yeeshaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana ilaaladooda lagu amray in ay hubka dhigaan oo aysan hub lageli karin halka uu joogo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Sheekh Shaakir iyo Macalim Maxamuud ayaa u galay ra’iisul wasaaraha waxayna la qaateen kulan gaar ah, iyagoo ka dhaqaajiyay ilaaladooda oo garba duub u xiran sida ay noo sheegeyn goobjoogeyaal. Labadaan hogaamiye ayaa markii hore si caadi ah ilaaladooda ula geli jiray halka uu joogo ra’iisul wasaaraha, balse markaan sidii hore waa iska badashay xaaladda iyadoo ay muuqato in la wiiqay awooddii Ahlu-Sunna ee Galgaduud. Ciidankii la xiray ee ilaalada u ahaa madaxda Ahlu-Sunna ee gobalada dhexe ayaa la soo sheegayaa in markii dambe uu amray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in la sii daayo balse aysan soo gelin gudaha madaxtooyada inta uu joogo ra’iisul wasaaraha. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxa Galmudug iyo hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macalim Maxamuud oo arrintaan ku saabsan. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa iminka u fadhiya arrimo la xiriira muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Golahan ayaa ka hadlaya soojeedin ka timid dalka Kenya oo la xiriira in Afrika dhexgasho oo heer Afrikaan ah lagu xaliyo khilaafka iyo muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. Goobjoog News ayaa ogaatay in Soomaaliya ay diiday soojeedinta Kenya, kuna adkeysatay in laga warsugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka. Wararka aanu helnay waxaaa ay intaasi ku darayaan in Soomaaliya ay shirka ka baxday iyada oo muujineysa sida aaney raali uga aheyn doodda socota, loona baahneyn. Golahan waa 15 dal, waxaa bariga Afrika uga jira Rwanda, Kenya iyo Djiboti. Horay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa midowga Afrika ugu gudbiyey qoraal ah: in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay maxkamadda cadliga, isla markaana ka war sugayaan. Kenya ayaa waxaa ay wadaa cadaadis walbo oo looga hortagayo in doodda ay ka bilaabato ICJ 9ka bishan, laakin Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in halkaas la tago, laguna qanco natiijada. Dhanka kale ilo xogogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenyaanku doonayaan talaabo kale oo waali ah, taas oo ay ku kala dirayaan dhammaan qareenadooda si dacwada dib loogu dhigo 12 bil oo kale. Haddii ay sidaasi sameeyaan waxaa dhaceyso : – In ay xilligaas wadahal raadiyaan iyo xal diblomaasiyadeed ula galaan Soomaaliya. – In dalalka Afrika iyo Midowga Afrika ka dhameeyaan in dacwada iyagu dhageystaan oo laga soo wareejiyo maxkamadda qaramada midoobey. – Iney ka shaqeeyaan iney isjiidjiidka gaaro marlaxadda kala guurka ee Soomaaliya kadib, oo ay la macaamiilaan maamulada iman doona Soomaaliya 2021ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
One Al Shabab militant has been killed on Tuesday as a result of new airstrike in Jilib town area of Somalia. The United States Africa Command conducted the airstrike in coordination with the Federal Government of Somalia targeting an al-Shabaab terrorist in the vicinity of Jilib. The director of operations at US Africa Command, US Army Major General William Gayler said in a statement, “We continue to place pressure on terrorist networks at the same time our Somali partners are making progress on the ground.” “These strikes certainly disrupt the network and remove terrorists from causing further harm,” he further added. The US Africa Command said that strikes near Jilib disrupt al-Shabaab’s freedom of maneuver. According to the current assessment of US Africa Command, no civilians were injured or killed as a result of this airstrike. View the full article
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has held a meeting the top leadership of Ahlu Sunna group in Dhusamareb town in central Somalia on Tuesday. The PM who arrived in the central town of Dhusamareb, the capital of Galmudug state, on Sunday evening is expected to open a long-delayed reconciliation conference. Government ministers, including ministers of interior and security, members of the two Houses of the Federal Parliament, Galmudug state officials, military officials and members of the public welcomed the prime minister at Ugas Nur Airport in Dhusamareb. Prime Minister Kheyre, who is visiting Dhusamareb for his second time in two months, is expected to open the Galmudug reconciliation conference in which delegates will discuss the formation of an inclusive regional government in Galmudug state. View the full article
-
A case has been filed in the International Court of Justice (ICJ) against its President’s conduct in the Kenya-Somalia maritime dispute. The suit was filed Monday by David Matsanga, the Chairperson of the Pan African Forum, who wants the presiding judge in the case, Abdulqawi Ahmed Yusuf, to recuse himself. In his application, Matsanga wants the judge cited for subjudice for allegedly commenting about the Kenya-Somalia case outside court and conflict of interest because he is a Somali national. Matsanga is apprehensive of a ‘risk of an unbalanced and a biased outcome’ in the case. “We have interest in the Kenya/Somali case as regional natives of the East and the Horn of Africa,” he said. On the judges’ nationality, Matsanga said, “As a Somali national, his heart falls near Somali,” adding that the judge had been addressing matters pending before the court in forums outside the court. “As a Pana African Forum, we view these statements as roadside shows that makes the President of the ICJ not fit to preside over the matter between Kenya and Somalia,” he said. He urged Kenya not to take part in the ICJ proceedings, in sentiments shared by petitioners in a case filed in Nairobi, where a lobby group moved to court seeking to compel Kenya to keep off the matter, in favour of an alternative dispute resolution process. “We call upon the government of Kenya not to take part in the proceedings on September 9, 2019 if the President of ICJ will be on the panel because this will create a miscarriage of justice,” he said. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland oo dhowaan Madaxweyne u doortay Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay xayiraada ka diyaaradaha ka qaado garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo. Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa ay xildhibaanada ku sheegeen in dadka rayidka ah ay dhibaato kasoo gaartay xayiraadda diyaaradaha Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaado duulimaadka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. “Xildhibaanada oo si qoto dheer uga hadlay dhibaatada ay dadka rayidka ah kasoo gaartay xayiraadda diyaaradaha Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaaddo duulimaadka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri war laga soo saaray kulanka Xildhibaanada. “Xildhibaanada ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu daran ee ka dhashay xayiraadda ay gaareen dadka rayidka ah, sida dadka xanuusan oo ay adag tahay in dhaqso lagu gaarsiiyo goobaha Isbitaalada maadaama xayiraad la saaray diyaaradahii tooska ahaa”. Sidoo kale Xildhibaanada baarlamaanka Jubbland ayaa “afduubka” ku tilmaamay Xariga Ciidanka Booliska Soomaaliya ay magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay ugu geysteen Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo wajahaya eedo loo heysto. Ugu dambeyn Xildhibaannada ayaa dowladda ay ka dalbadeen in xurriyadiisa la siiyo Wasiirka.