Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,376
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT- Finland)-Wasiirka arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto ayaa xaqiijiyay in warar soo baxay maalmihii la soo dhaafay oo ahaa in Iiraan ay u furan tahay in dib ay u bilowdo shidaalka ay u dhoofin jirtay Finland. Arintaan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay wado dowlada Faransiiska, si loo badbaadiyo heshiiskii Nuclear-ka oo wadamada quwadaha ay la galeen Iiraan. Mr Haavisto oo u waramayay majalada Financial Times ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida wadamada Yurub ay uga go’antahay badbaadinta heshiiskii Nuclear-ka ee loogu magac daray JCPOA. Todobaadkii hore ayay aheyd markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, uu kulan kula qaatay magaalada Paris wasiirka arrimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif. Kulankaan ayaa lagaga hadlay sare u qaadida heshiis ka ganacsi ee wadamada Yurub iyo Iiraan. Dowlada Tehran ayaa maalin walba la filayaa in 700,000 oo barmiil oo shidaal ah in ay u dhoofiso dalalka Yurub, oo qiimo ahaan dhan 15 billion oo Doolar ka Mareykanka. Source
  2. Waxaa dib u dhac uu ku yimid furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaasi oo lagu waday inuu ka furmo maanta magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Goobjoog News u sheegay in maanta uu dib uga dhacay shirka, balse lama shaacin waqtiga kale ee sida rasmiga ah u furmi doono. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa halkaasi u jooga furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyadoo halkaasi sidoo kale ay joogaan qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Galmudug. Sababta ugu weyn ee shirkan uu dib ugu dhacay ayaa waxay tahay, shirka ka socda magaalada Hobyo, waxaana waxgaradka ku sugan halkaasi laga sugayaa Dhuusamareeb si ay shirka qeyb uga noqdaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amardambe) ayaa markii ugu horreysay haweeney u magacaabay in y xil sare ka qabato wasaaradddaasi. Wasiir Amardambe ayaa Jihaan Cabdullaahi Xasan u magacaabay in ay si KMG ah u sii heyso xilka agaasimaha guud ee wasaarada gaashaandhigga. Digreetada oo ku taariikheysnen 1/09/2019-ka ayaa waxaa looga dalbaday hay’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan sii haya agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jihaan Cabdullaahi Xasan. “Waxaa maanta oo ay taariikhudu tahay 1/09/2019 si si kumeel gaar ah xilka agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga u magacaabay, Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan, taas oo bedaleysa agaasimihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga,Warsame Maxamuud Xasan oo si KMG ah u soo haayey xilkaasi.”ayaa lagu yiri qoraalka wasiir Amardambe. Halkan hoose ka akhriso Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Washington)-Arday reer Falastiin ah oo si muran dhalisay loogu diiday galitaanka Maraykanka bishii hore markii uu u tagay in uu billaabo jaamacadda Harvard ayaa hadda la aqbalay. Ismail Ajjawi ayaa sheegay in loo diiday galitaanka Maraykanka ka dib markii hay’addaha qaabilsan arrimaha xadka ay muddo saacado ah su’aalo ku waydiinayeen garoonka Boston Airport, arrintaas ayaana daaranayd qoraal uu baraha bulshada soo dhigay saaxiibkii. Wiilkan 17 jirka ah ayaa Isniintii xarooday jaamacadda Harvard, isaga oo ka gaadhay wakhtigii loogu talagalay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa bishii Juunyo ku dhawaaqday in dadka dal ku galka soo dalbanaya la waydiin doono macluumaad la xiriira barahooda bulshada. Waaxda canshuuraha iyo ilaalinta xadka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo CBP ayaa BBC-da u sheegtay Talaadadii in Ismaaciil uu ka soo baxay waxyaabihii horseeday in loo diido galitaanka dalka Maraykanka haddana loo ogolaaday in uu galo Maraykanka isaga oo adeegsanaya fiisaha ardayda ee F1 loo yaqaanno. Waaxdaasi faahfaahin kama aysan sii bixinin sababta markii hore loogu diiday, haddana loogu ogolaaday. CBP ayaa diiday in ay faahfahin ka bixiso arrinta Ismaaciil oo markii u horraysay laga warramay bishii hore. Waxayna ku gaabsadeen in loo diiday in uu galo dalka “arrintaasina ay salka ku hayso xog la helay intii baaritanka ay wadday CBP. Qoyska Ismaaciil oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in ay nafis dareemayaan mar haddii wiilkooda loo ogolaaday in uu jaamacadda billaabo. “Tobankii maalmood ee la soo dhaafay waxay ahaayeen kuwo adag oo kurbo nagu hayay, balse hadda waxaan aad ugu mahadcelinaynaa kumannaanka fariimood ee tageerada ah”, ayay qoraalkaas ku dhaheen. Waxay intaas ku dareen in ay hadda rajaynayaan in Ismaaciil uu “diiradda saari doono fariisashada koleejka iyo hawsha muhiimka ah ee fasalka. Hamzah Raza oo ay jaamacadda Harvard wada dhigtaan ayaa Twitterka soo dhigay isaga oo jaamacadda la jooga Ismaaciil. Ismaaciil ayaa sheegay in masuuliyiinta waaxda socdaalku ay dal ku galkii kala laabteen ka dib markii ay garoonka Boston ku baareen taleefankiisa iyo laabtoobkiisa taariikhdu markay ahayd 23 Agoosto. Wuxuu sheegay in loo diiday in uu galo Maraykanka inkastoo uu sheegay in uusan wax shuqul ah ku lahayn fariimaha ku jira baraha bulshada ee ay cuskadeen CBP. Bishii Juunyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay billawday in dadka dal ku galka codsanaya ay waydiiso Magaca uu baraha bulshada ku isticmaalo e-mail-lo uu shan sano isticmaalayay iyo lambar taleefan. Maamulka madaxweyne Trump ayaa sharcigaas oo hindise ah soo bandhigay bishii Maarso ee sannadkii 2018. Masuuliyiinta ayaa markaas qiyaasay in sharciga cusub uu saamayn doono 14.7 milyan oo ruux sannad walba. Codsiyada qaar ka mid ah fiisooyinka dublamaasiyadeed iyo kuwa rasmiga ah ee dawladaha ayaa laga saamaxay shuruudahan cusub. Source
  5. (SLT-Nairbi)-Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa qoray in dowladda Kenya ay si rasmi ah u dalbatay in la hakiyo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya, kaasi oo la qorsheeyey in la dhageysto Isniinta soo sococta. Kenya ayaa codsigeeda qiil uga dhigtay inay dooneyso in la siiyo wakhti ay ku qoroto qareeno cusub. Dhinaca kale, warar diblomaasiyeed oo ay heshay warbaahintu ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda. Dhageysiga dacwada ayaa waxaa qorshuhu yahay inay dhacdo 9-ka illaa 13-ka bishan oo ku beegan Isniin illaa Jimce. Source
  6. Buulo-burte (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen xero ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwaJabuuti ay ku leeyihiin duleedka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu xigay iska hor imaad toos ah oo dhex maray labada dhinac. Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Al-Shabaab iyo ciidamada Jabuuti ka soo gaaray weerarkaasi. Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa weerarka kadib howlgallo lagu soo qab qabtay 17 qof oo u badan dhalinyaro ka sameeyey agagaarka degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dhalinyaradaasi qaarkood lagala dagay gaari ay la socdeen, islamarkaana la geeyey xerada uu dagaalku ka dhacay. Xaaladda ayaa saaka degan, welina wax hadal ah kama soo bixin maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  7. Moulid Ali Dukow, 25, a paraplegic, is looking forward to changing the world after graduating in public administration from Mogadishu’s Somali International University (SIU) last week. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qoorsheysan oo xalay ka dhacay degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Dilalkaasi ayaa waxaa loo geystay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhanka kale waxaa masuuliyadda dilalkan ayaa sheegtay Al-Shabaab, kadib war ku baahiyeen boggagooda Internet-ka. Al-Shabaab ayaa sheegtay in labo sarkaal oo ka tirsanaa hay’adda NISA ay ku dishay gudaha degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, sida ay hadalka u dhigtay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ah ka soo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadamn dilkaasi. View the full article
  9. Dhuusamareeb (SMN) – Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug. Guddiga qaban qabaada shirkaasi ayaa sheegayin dhammaan ergada beelaha ka qeyb galaya shirlaasi ay ku sugan yihiin magaaladaasi. Sidoo kale waxaa Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kahyre iyo qaar ka mid ah golihihiisa wasiirada. Ra’iisul wasaaraha ayaa daah-furi doono shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo in muddo ah diyaarintiisu ay watay xukuumadda Soomaaliya. Ammaanka ayaa sidoo kale aad ah loo adkeeyey, iyadoo ay si weyn u xaqiijinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. View the full article
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo tabarteeda isugu geysay arrinta kiiska Badda ee kala dhexeey Soomaaliya ayaa ceyrisay qaar ka mid ah Qareenadii ku matalayey maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ. Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Kihara Kariuki, ayaa isku raacay in la bedalo lix qareen oo caalami ah, iyaga oo qaadanaya kuwa cusub. Sidoo kale waxa ay maxkamadda ICJ, ka dalbadeen in dib loo dhigo dhageysiga kiiskaasi, waxaana ay sababta ku sheegeen inay doonayaan inay qaataan Qareeno kale. Qareennada la ceyriyey ayaa waxaa ay kala yihiin, Payam Akhavan oo u dhashay Mareykanka, Vaughan Lowe oo u dhashay UK, Alan Boyle oo u dhashay UK, Mathias Forteau oo u dhashay France, Mr Karim Khan UKand iyo Amy Sanders oo u dhashay UK. Arrintan ayaa ku soo aadeysay, iyadoo xalay Soomaaliya ay Kenya kaga adkaatay codeyn ka dhacday golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ee Addis Ababa, taas oo la xiriirtay muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. ICJ ayaa la filayaa in todobaadla dambe ay dib u bilowdo dhageysiga dacwadda Badda, waxaan dooda ku horeyn doonto Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  11. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa tababar u soo xiray ciidamo horay uga tirsanaa kuwa Ahlusuna oo hadda ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Xasanm Cali Khayre ayaa sheegay in ciidanka looga baahan yahay waajibaadkooda dastuuriga ah ayna bixin doonaan wixii ay xuquuq leeyihiin xilligaan kadib. Khayre, wuxuu ka digey isku dhex yaaca cidiamada isagoona sheegay inaysan aqbali doonin mushaharna siin doonin ciidamo kawada tirsan DFS iyo Ahlusuna Wal-jameeca. DAAWO PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo shuruud ku xiray mushahar siinta ciidanka Ahlusuna. appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Muqdisho ) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan la qaatay madaxda Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha Rugta ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Gabeyre. Kulanka Guddoomiyaha iyo madaxda ka socotay Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda, isla markaana loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta maamulka iyo ganacsatada. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Filish ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dib u dhiska dalka, sidaas darteedna maamulkiisu uu ku dhiirigelinayo bulshada kuwooda dhaqaalaha haystaa inay doorkooda ka qaataan horumarka Caasimadda. Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa xusay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u istaagaan sidii kaabayaasha Caasimadda loo dhisi lahaa, si ay ula tartanto Caasimadaha adduunka ee horumaray. Ganacsatada kulanka la qaatay Guddoomiyaha ayaa balanqaaday in ay sii dardargelin doonaan doorkooda ku addan horumarinta Caasimadda, horey iyo hadana ay diyaar u yihiin kaalinta kaga aaddan. Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Duqa Muqdisho, Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-04092019.mp3 View the full article
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa lagu wadaa in saaka uu si rasmi ah uga furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Guddiga qaban qabaadashirkaasi ayaa shaaciyey in dhammaan ergada beelaha ka qeyb galaya shirlaasi ay ku sugan yihiin gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxaa Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kahyre iyo qaar ka mid ah golihihiisa wasiirada. Ra’iisul wasaaraha ayaa daah-furi doono shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo in muddo ah diyaarintiisu ay watay xukuumadda Soomaaliya. Dhanka kale ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo ay si weyn u xaqiijinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee la geeyey halkaasi. Shirkan waxaa xigi doono arrimaha doorashada maamulkaasi, waxaana musharraxii ugu horreeyey noqoday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  15. The right to follow one's religion and support for animal rights are going head to head in Belgium. Source: Hiiraan Online
  16. Kenya is seeking to delay a highly anticipated hearing of a territorial dispute with Somalia, less than a week before it’s scheduled to begin. Source: Hiiraan Online
  17. Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa qaadacday qorshihii ay dowladda Kenya ku doonaysey in la hakiyo dhegaysiga kiiska dacwadda ee badda Soomaaliya. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Kheyr oo ka hadlayay Kulanka golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay inaysan aqbali karin codsiga Kenya maadaama dacwaddu ay muddo 5 sano ah hortaal maxkamadda ICJ. Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ku kalsoon tahay qaadista dacwada Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayna rajaynayaan inay guul ka soo hoyiyaan dacwaddaan oo muddo soo jiitamaysey. Muran badeedkaan oo dacwaddiisu jiitamaysay muddo 10 sano ah ayaa dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay July 2016 geysey maxkamadda ICJ kiis ka dhan ah Kenya. PUNTLANDPOST The post Dowladda Soomaaliya oo diidey dalabkii Kenya ee ahaa dibu dhigista dhegaysiga dacwadda badda. appeared first on Puntland Post.
  18. MOGADISHU, Sept. 3 (Xinhua) -- The U.S. Army said it killed an al-Shabab militant in an airstrike in southern Somalia on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  19. After fleeing to Canada, Fartuun Adan returned to Mogadishu to continue the mission started by her husband, peace activist Elman Ali Ahmed, prior to his assassination. She now heads up intervention initiatives with the goal of rehabilitating former child soldiers Source: Hiiraan Online
  20. PRESS RELEASE Chevening Scholarships – applications now open! Do you want study a master’s course at a top British university? If so, you can apply for the British Government’s flagship scholarship programme – Chevening – any time between now and 5 November. Chevening offers full financial support for a year’s study on one of 14,000 eligible master’s degree courses at UK universities. In addition to furthering their academic studies, Chevening scholars also benefit from access to a wide range of exclusive academic, professional, and cultural events and experiences. The British Ambassador to Somalia, Ben Fender, said: “The scheme is for people who have already started their careers. We are looking for leaders of the future, people with talent and ambition who want to make Somalia the best it can be, and who we can help on their way by giving them a world-class education.” “Since we started the scheme in Somalia, over 50 Somalis have won awards.This year we have doubled the number of scholars. In the next few weeks, eleven more will be heading to the UK. Many past scholars now play leading roles in Somali public life. “ “We’re now opening the application process for 2020/21. I would strongly encourage people to apply.You of course need a excellent academic background and English, but also initiative, leadership skills and a strong commitment to public service. We’re especially keen on applications from women and members of groups who are under-represented in public life.” The Head of Scholarships at the Foreign & Commonwealth Office, Ben Coates, said: “Chevening represents the very best of the UK, welcoming exceptional people from across the world to study, grow, and thrive at some of the world’s best universities. Chevening can be a transformative experience, not just for the scholars, but for their communities and countries as they return and use the benefit of their UK experience to make a positive difference in their chosen field.” “Our universities promote the creation and exchange of information and ideas, as well as the building of knowledge and networks. Chevening Scholars find themselves immersed in that world, and leave the UK after their studies having grown academically, professionally, and personally as a result.” Anyone interested in applying should visit www.chevening.org/apply Qaran News
  21. South Africa's President Cyril Ramaphosa has condemned a wave of looting and violence that has mostly targeted foreign nationals. Source: Hiiraan Online
  22. ZURICH - Africa's lesser-known soccer teams will enjoy worldwide exposure in the next week after FIFA announced that their opening World Cup qualifying matches would be live-streamed on its website and Youtube. Source: Hiiraan Online
  23. Addis Ababa (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa Kenya xalay mar kale kaga adkaatay codeyn ka dhacday golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo la xiriirtay muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Golahan ayaa ka hadlayey soojeedin ka timid dalka Kenya oo la xiriira in Afrika dhexgasho oo heer Afrikaan ah lagu xaliyo khilaafka iyo muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in Soomaaliya ay diiday soo jeedinta Kenya, kuna adkeysatay in laga warsugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka. Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr oo kullanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda xilligaan in golaha la horkeenana ay tahay wax lagu mushquulinaayo doodda maxkamada. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in marnaba aysan dowlada Soomaaliya ka laaban doonin dacwadda Badda ee hortaalla Maxkamadda Caddaalladda adduunka ee ICJ. Golahan oo ka kooban 15 dal, ayaa codbixin ay qaadeen oo ku saabsan in ururka Midowga Afrika uu dhex-galo xiisaddan iyo in kale, ayaa Kenya waxaa ka raacay fashil weyn kadib markii ay guul ku gaari weysay codeynta. Kenya ayaa u baahneyd inay raacaan 8 dal, hase yeeshee waxa ay heshay 6 cod, halka Soomaaliya ay ka heshay 7 cod. Hal dal ayaa ka maqnaa, halka dalka Morocco uu go’aan dhex-dhexaad qaatay. Horay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa midowga Afrika ugu gudbiyey qoraal ah: in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay maxkamadda cadliga, isla markaana ka war sugayaan. Kenya ayaa waxaa ay wadaa cadaadis walbo oo looga hortagayo in doodda ay ka bilaabato ICJ 9-ka bishan, laakin Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in halkaas la tago, laguna qanco natiijada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka JSL Oo Kooto Ugu Xidhay Xarun Caafimaad Oo Uu Leeyahay Dawooyin Iibkooda Laga Mamnuucay Dalka Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa dhawaan mamnuucday in goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay lagu iibiyo dawada qaaxada oo iibkeeda loo arkay khatar bulshada waxyeelayn karta. Xarunta caafimaad ka ee Xergeeye waxaa oo ah xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay mulkiilana uu ka yahay Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu iibiyaa dawada qaaxada taas oo ay hore u mamnuucday Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeey in lagu iibiyo xarumaha cafimaad gaarka loo leeyahay. Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa isaga oo adeegsanaya awoodda qaranka kuna takrifalaya mas’uuliyadda uu u hayo wasaaradda caafimaadka ku iibiyaan xaruntiisa caafimaadk Hergeye clinic oo ku taalla magaalada Hargeysa. Tallaabadda uu ku kacay Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka ayaa waxa ay burinaysaa go’aankii wasaaradda cafimaadku ku mamnuucday in dwaad lagu iibiyo xarumaha cafimaadka ee gaar ka loo leeyahay, Go’aanka Wasaaradda harumarinta caafimaadka ee lagu mamnuucay iibka dawada qaaxada ayaa waxa markii hore lagu sababeeyay sidii loo yarayn lahaa la qabsiga is ticmaal ka dawada Qaaxada oo halis ku bulshada ku nool caalamka gaar ahaan ku nool qaaradda afrika ee aynu ka mid nahay oo ay la daaladhacayaan kumanaan qof oo ku nool Somaliland kuwaas oo qaadsiin kara dadka kale ee ay ku dhex nool yihiin si fudud, haddii aynu sii wadno sharaada xanuunka laqabsiga dawda qaaxada oo ah xanuu aan loo hayn dawo rasmi ah oo lagudaweeyo isa oo sababi kara xanuun ba’an oo dagdag loogu dhiman karo. Ugu dambayntii haddii aan wax laga qaban tallaabadan uu ku kacay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadku waxa ay dhiiri-galin u noqon kartaa in xarumaha kale gaar loo leeyahay ay iibiyaan dawadan iyo dawooyin kale oo mamnuuc ah iyo in go’aamada wasaaraddu ay socon waayaan. Qaran News