-
Content Count
209,376 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) -Guddiga doorashooyinka Qaranka oo dalka Hindiya uga qeyb galay shirweynaha guddiyada doorashada adduunka ayaa loo doortay xubin ka mid ah guddiga fulinta ee ururkaasi. Ururkan ayaa waxaa ku jira illaa 106 dal iyo 140 Hay’adood, iyadoona ay muhiim u tahay inay ka mid noqoto gudigaasi. Halkan hoose ka aqriso war ka soo baxay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka. Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka wuxuu ka mid yahay ururo caalami ah iyo kuwa goboleed oo ay ku bahoobeen ururada doorashooyinku, kuwaas oo ay ka mid yihiin ururada Guddiyada doorashooyinka Africa, kan carabta iyo midka adduunka. Ujeeddooyinka ka mid noqoshada ururadan waxaa ugu muhiimsan in GMDQ Soomaaliyeed uu helo khibrad iyo aqoon ku filan oo uu howshiisa ku qabto iyadoo ururadani ay yihiin madal aqoon wadaag iyo mid khibrad kororsi, sidoo kale wuxuu Guddigan arrinkan ugu gol leeyahay in codka Soomaaliyeed gaarsiiyo daafaha caalamka, hay;adaha dowladeed ee Soomaaliyana ay noqdaan kuwa ka dhex muuqda ururadaas iyo shirarkaas caalamiga ah. Haddaba iyagoo ka duulaya ujeeddooyinkaas kor ku xusan ayuu GMQD oo ay hogaamineyso gudoomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibrahim waxay shirka Hay,adaha Doorashooyinka adduunka (Association of World Election Bodies)A-WEB, oo xaruntoodu tahay dalka kooriyada Koonfureed, uga qeyb galeen Bangaluru India. shirkan oo socon doono inta u dhaxeysa 2-3-4 Setember /2019, waxaa kulamo ku yeeshay Golaha Guud iyo Guddiyada Fulinta sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha adeegsiga baraha bulshada ee doorashooyinka (caqabadaha iyo fursadaha), waxaa halkaas bandhig ka soo jeedisay Gudoomiye Xaliimo oo muujisey sida Somaliya ay uga go’an tahay doorasho cod iyo qof ah dhamaadka 2020, isla markaana soo bandhigtey fursadaha baraha bulshada ee internetka ay ku yeelan doonaan doorashooyinka Soomaaliya. Intii uu shirku socdey waxaa Somaliya loo doortey inay noqoto xubin ka mid ah Guddiga Fulinta ee ururka Hay’addaha doorashooyinka adduunka. Arrinkan oo ah mid lagu farxo ayaa yimid ka dib markii waftiga Somalidu ku qancisay ka soo qeyb-galayaasha shirkan isbaddalka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadeed ee Somaaliya ka jira. Waxayna Somaliya noqotey xubinta Africa u matasha.golaha fulinta, wuxuuna arrinkani albaabka u furi doonaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya inay taageero aqooneed mid khibrad ka helaan Guddiyada la midka ah. A-WEB waa urur ku bahoobeen in ka badan 106 dowladood iyo 114 hay,adood oo ka shaqeeya doorashooyinka. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya , mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Odayaal iyo wax-garad ka socda degaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda Saddax Sano ah ay u dhexeysay colaad uu Dhiig badan ku daatay. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaannada degaannadaas ku matela Dowladda dhexe, ayaa qeyb ka ahaa dhammeystirka dedaallo uu Ra’iisul Wasaaruhu soo billaabay dhammaadkii Bishii June ee Sannadkan mar uu socdaal ku tagey Huurshe iyo Xeraale. Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa xilligaasi Labada dhinac kala hadlay soo Af-jaridda codaalla iyo furidda bog cusub oo ah mid nabadeed. Odayaasha Labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dedaalka hagar la’aaneed ee uu Galmudug ka wado, waxayna ballan qaadeen in ay ka shaqeynayaan nabadda, wada noolaanshaha, horumarinta degaanka iyo Bulsha ,si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ka Madax bannaan colaado iyo rabshado dib u sii dhiga horumarka ay ummaadda Soomaaliyeed hiigsaneyso. Ra’iisul Wasaare , Xasan Cali Khayre, ayaa Odayaasha Huurshe iyo Xeraale u ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay ka mira dhalinta dedaallada nabadda iyo horumarka, iyaguna laga doonayo in ay dowrkooda nabad-doonnimo qaataan oo ay daacad ka noqdaan dhismaha Mustaqbalka Dadka iyo degaanka, wixii horay u dhacayna laga barto casharro qeyb ka qaadanaya wadajirka iyo is-dhex galka Bulshada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyn xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeyntan ayaa lagu soo warramayaa in si gaar ah looga fuliyey inta u dhexeysa deegaanada Sablaale iyo Imbareesa ee gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyey. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Sidoo kale lama oga illaa iyo hadda heybta diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyey halkaasi. Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliya gobollada Sh/ Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Hobyo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah golihiis wasiirada, gaar ahaan kuwii muddooyinkan dambe ku sugnaa deegaanada Galmudug. Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la xariira sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka nabadda ee ka socda magaallo xeebeeda Hobyo ee gobolka Mudug. Shirkan oo muddo ka badan 50 cisho ka socda magaaladaasi, ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah beelaha daga maamulka Galmudug. Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho guud ay ka dhacdo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. View the full article
-
Madaxweyne Ku Xigeenka Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Ayaa Ka Qeyb Galay Xaflada Qalin jabinta 153 Arday Oo Ka Baxay Jaamacada Addis Ababa Medical University. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Xaflada qalin jabinta Dufcadii 9aad ee Jaamacada Addis Ababa Medical University ee Magaalada Hargeysa oo ay ka qalan jabiyeen 153 arday. Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba Hambalyo u diray dhammaan ardayda ka qalin jabisay Kuliyadaha kala duwan, sidoo kalena waxa uu Hambalyo balaadhan u diray waalidiinta dhalay ardaydaasi, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu u sheegay ardayda in Cilmigu yahay shay qaaliya oo dadka anfacaya. Waxaana uu ardayda kula dardaarmay inay ilaaliyaan dhaarta iyo anshaxa Caafimaadka ay barteen, islamarkaana ay noqdaan kuwo dadkooda iyo dalkooda wax kusoo kordhiya oo ka faaideeya aqoontooda caafimaad ee mudada baranayeen. Wa-bilaahi tawfiiq Source
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-04092019-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Faransiiska ayaa xalay howlgalo ka sameeyay degaano iyo degmooyin katirsan Gobalada Shabeelada Hoose iyo Jubada Dhexe, oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhanka Sirdoonka ah. Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Faransiiska ayaa lagu qaaday Saldhigyo Ciidan, Xarumo tababar iyo goobo kale oo muhiim u ahaa Al-Shabaab, waxaana ku dhintay Saraakiil iyo dagaalamayaal badan. Duqeynta ka dhacdey Shabeellada Hoose, gaar ahaan inta udhaxeysa Sablaale iyo Imbarayso ayaa la sheegey in lala beegsadey xaruun weyn oo lagu tababaro Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo loogu yeero Jabhada ama Ciidanka Jugta Culus, halkaas oo la sheegey in maalmihii dambe lagu aruurinayey ciidamo tira badan oo katirsan Kuwa Jugta culus ee gala dagaalada foolka foolka ah. Howlgalkan ayaa la aaminsan yahay in uu ku dhintey Saadaq Nuur Cabdi, oo loo yaqaano Xasan Nuur, islamarkaana ahaa Amiirka Guud ee Gobolka Galgaduud walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin geeridiisa, balse waxaa jira warar sheegaya in uu halkaasi ka khudbeynayay markii ay duqeynta dhaceysay. Goob joogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hubka daran dooriga udhaca iyo madaafiicda culus oo tirada badan. Dhinaca kale duqayn Xoog leh ayaa ka dhacday Gobolka Jubada dhexe, gaar ahaan duleedka Degmada Bu’aale waaxana bartilmaameedku ahaa Amiirkii Guud ee Tababarada Al-Shabaab Shekh Axmed Cumar oo caan ku ah Axmed Dhere iyo darawalkiisa, balse ma cadda in lala helay. Sidoo kale, Degmada Jilib ee Gobalka Jubada Dhexe waxa la duqeeyay 2 Talis oo ay kala daganayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jugta Culus iyo kuwa Xisbada, waxaana lagu duqeeyay 2 Saldhig ay ka daganaayeen degmada Jilib ee Koonfurta Soomaaliya. Saraakiil dhawac ah ayaa lasheegey in ay halkaasi ka baxsadeen waxaan kamid ah sida ay noo sheegeen Saraakiil katirsan Kumaandooska Soomaaliya- Macalim Mucaad, oo taliye u ah Xisbada Al-Shabaab Abuu-Sacad, oo ah madaxda Dacadaha Guud ee Jubbooyinka Iyo Abuu-Xamza Axmed, oo isagana ku magacaaban madaxa diiwaanka Jabhadda Al-Shabaab ama Ciidanka Jugta culus ee Al-Shabaab ka tirsan. Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee taageera ayaa kordhiyay beegsiga goobaha muhiimka ah ee Al-Shabaab kasoo qaadaan weerarada tooska ah sida aan ka soo xiganay Xubno muhiim ah oo katirsan Kumaandooska Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wareejiyey dawooyin ay qurba joog Soomaaliyeed ugu talagaleen agoonta ciidamada asluubta Soomaaliyeed ee Muqdisho. Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed sarreeye guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa uga mahadceliyay cidkasta oo ka qayb qaadatay deeqdaan loo keenay carruurta agoonta ah. Sarreeye guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dhowaan xilka la wareegey ayaa sheegay inay ku dedaali doonaan horumarinta carruurta agoonta ah si ay ugu buuxiyaan boosaskii aabayaashoodii la jeclaa. PUNTLANDPOST The post Taliye Mahad: Daryeelka agoonta Soomaaliyeed waa waajib cid walba saaran” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa la timid xeelado kala duwan, oo lagu marin habaabinayo kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyaga oo geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii dib loogu dhigi lahaa dhageysiga dacwada badda. Haddaba, xiriiro kala duwan oo aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, diblomaasiyiin, sharci-yaqaano iyo aqoonyahan kale ayaan halkan ku soo koobi-doonnaa xeeladaha ay Kenyaanku adeegsadaan. In aaney ICJ Go’aan Gaarin: Kenya tan iyo markii ay Soomaaliya dacwaddu geysay ICJ 5 sano ka hor, waxaa uu codsigoodu ahaa in maxkamaddaasi aaney qaadin dacwaddan muranka badda, laakin waa lagu diiday, waa tii maxkamadda cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Cillado Raadis: Kenya waxaa kale oo ay ku guuldareysatay in cilado ku hesho kiiska Soomaaliya, waxaa ka mid ah MOU oo in badan wadwadey, laakin la ogaaday in dal 3aad oo ah Norway uu qorshuhu lahaa, oo Soomaaliya ku qasbaneyd, waxaa laga diiday in goobta muranka ay roondo ku sameyn jirtay ama maamuli jiray iyo khariidado kale oo been abuur ahaa. Dib-u-dhigista Dhageysiga Kiiska: Iyada oo 5 maalin uun ka harsan tahay dhageysiga dacwada ayey Kenya qaaday tallaabo waali ah kadib markii ay maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loo dhiso dhageysiga dacwadda, in kasta oo Soomaaliya diiday dib u dhigista dhageysiga laakin qorshaha Kenya waa in ay kala dirto qareenadeeda, oo xataa haddii ay maxkamadda wax dhageysato ay hal dhinac dhageysato. Laakin Abuukaate Axmed Kheyre oo arrintaas aan kala hadlay waxaa uu sheegayaa in haddii qareenada Kenya ay iman waayaan ICJ ay Soomaaliya u furan tahay iney codsato, oo weliba dhahaan“noo xukmi”, maxkamduna ICJ-na ay sidaasi sameyn karto, oo aan loo xayirnaaneyn qof ama dal goobta ka maqan. Cadaadis Diblomaasiyadeed: Kenya sanadihii ugu dambeeyey waxaa ay wadey cadaadis nooc walbo ah, dhanka safarada, duulimaadyada, safiiro la kala qaatay iyo iney Kenyaanu la kulmeen madax badan oo Afrikaan iyo carab ah si Villa Somalia loogu cadaadiyo in muranka badda lagu dhammeeyo qaab wada hadal ah, oo ka fog maxkamado iyo isjiid-jiid, taasi oo Soomaaliya mar walbo diidaneyd. Beena-buur: Bishii July ee sanadkan, Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa gal-dacwadeedka kala dhaxeeya Soomaaliya ku tilmaamtay “mid daciif ah” kadib markii la waydiiyey in uu yahay mid “xoog badan”, “Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyay oo ah in Soomaaliya ay haysato dacwad xoog badan. Balse annaga waxaan haysanaa kiis dhan kasta ka xoogan balse ma doonaya in aan ka hor-dhaco go’aanka maxkamada,” ayay tiri. Hanjabaad: Kenya waxaa miiska u saaran mooshin lagu amrayo ciidamada Kenya iney tagaan furinta iyo xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, dabcan waxaa ku jira goobaha uu muranka ku jiro, si taasi looga jawaabo waxaa jiro xildhibaanno uu ka mid yahay Maxamed Cumar Dhalxa oo olole ugu jira mooshin kale oo ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya, ciidamada xoogga dalkana ay ku tagaan xadka. In Wada hadal Xal Lagu Gaaro: Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxaa uu dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo marar badan ka codsaday in wada hadal ku dhammeeyaan kiiska badda, intaas kuma ekaane waxaa uu la kaashaday Abiy Axmed iyo madax kale, laakin waxaa muuqato in Farmaajo aanu u babac dhigi karin cadaadiska shacabka Soomaaliyeed, oo ah daraf ilaa daraf cod qura ku leh “Hal Taako Kama Tanaasuleyno”. Iney Afrika Dhexgasho: Kenya dhinac kale ayey hadda soo martay, oo shalay waxaa ay codsi hordhigtay golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika iyada oo codsatay iney Afrikaanka dhexgalaan, isla markaana ay qeyb ka noqdaan kiiska muranka Soomaaliya iyo Kenya, Soomaaliya oo uu shirka u matalayey wasiir dowlaha arrimaha dibada ee Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Khayr, sida uu wasiirka ii sheegay waxaa ay ku celisay in 5 sano ay dacwo taalo maxkamadda ICJ, isla markaana iyada oo Soomaaliya Midowga Afrika ixtiraameysa, kana mid ah dalalkii aasaasay hadana ay doorbidayaan in laga war sugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka. 2021-ka Kadib: Kenya rajo weyn ayey ka qabtaa in ay meermeeriso dhageysiga maxkamadda cadliga adduunka, oo ugu yaraan ay hesho 12 bil oo dib u dhigis ah, haddii ay sidaasi dhacdo, Soomaaliya waxaa ay galeysaa marxalad kala guur ah iyo doorashada 2020-ka, waana adkaan doontaa in wax badan la qabto, ujeedka Kenya waa iney riixdo go’aanka maxkamadda ilaa 2021-ka si maamulka cusub ee Farmaajo ka dambeeya ay ula macaamilaan, kana dhaadhciyaan xeelado ay fulintooda hadda ku adkaatay . Si kataba ha ahaatee, Soomaaliya ilaa hadda kiiska badda waxaa ay ku wadaa sidii la rabay, xeelad kasta difaac ayey ka gashay, waxaana muuqato in aan dacwadda la tagi-doonno todobaadka soo socdo maxkamadda ICJ , oo tagista qareenada Kenya iyo maqnaanshiyahooda wax micno ah kuma leh in Soomaaliya la dhageysto ama xataa ay maxkamadda go’aan ka gaarto xadka badda ee muranku ka taagan yahay. Xigasho Goobjoog News Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Al-Shabab fighters have attacked an AU military base in central Somalia amid ongoing army operations against the Al-Qaeda-linked Militant group in the country. The militants targeted an outpost belonging to Djibouti peacekeepers located outside Bulo-burde town in Hiran region. The ambush sparked a heavy gunfight between the two sides. Following the attack, Djibouti soldiers rounded up 17 people on suspicion of having links with Al-Shabab, according to local residents who spoke to Radio Shabelle via phone. The Djibouti troops are part of African Union Mission in Somalia [AMISOM] which is made up of 22,000 soldiers from Kenya, Uganda, Burundi, and Ethiopia. View the full article
-
More details are coming out of a series of assassinations last night in Mogadishu, the Somali capital amidst tight security measures. Gunmen have shot and killed two Somali government soldiers in separate attacks in the capital, according to the sources. Al-Shabaab has claimed responsibility for the killings through a statement posted on its affiliated websites. Al-Shabaab said it assassinated two NISA officers in Mogadishu’s Shibis district. There has been no word from the Somali security agencies about the killings. View the full article
-
Galmudug reconciliation conference which was expected to open today in Dhusamareb, the capital of Galgadud region has been postponed for the third time. Some members of the organizing committee said the meeting had been delayed due to technical issues. They also said they are hopeful that the conference will open on 5th September 2019. Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire and some members of his cabinet are in the city on a mission to be part of the reconciliation process. Meanwhile, security has been tightened in the town, with government and AMISOM troops deployed there. View the full article
-
Somalia sidestepped Kenya’s latest push to have the maritime boundary case withdrawn or deferred to allow an African Union-led mechanism for an alternative solution. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirweynaha ururka guddiyada doorashada adduunka oo sanadkan ka dhacay gudaha magaalada Bangaluru ee dalka Hindiya ayaa loo doortay xubin ka mid ah guddiga fulinta ee ururkaas oo ay ku jiraan 106 dal iyo 140 Hay’adood. War ka soo baxay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa lagu faah faahiyey arrintaas iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay ka mid noqoshada gudigaasi. Halkan hoose ka aqriso: Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka wuxuu ka mid yahay ururo caalami ah iyo kuwa goboleed oo ay ku bahoobeen ururada doorashooyinku, kuwaas oo ay ka mid yihiin ururada Guddiyada doorashooyinka Africa, kan carabta iyo midka adduunka. Ujeeddooyinka ka mid noqoshada ururadan waxaa ugu muhiimsan in GMDQ Soomaaliyeed uu helo khibrad iyo aqoon ku filan oo uu howshiisa ku qabto iyadoo ururadani ay yihiin madal aqoon wadaag iyo mid khibrad kororsi, sidoo kale wuxuu Guddigan arrinkan ugu gol leeyahay in codka Soomaaliyeed gaarsiiyo daafaha caalamka, hay;adaha dowladeed ee Soomaaliyana ay noqdaan kuwa ka dhex muuqda ururadaas iyo shirarkaas caalamiga ah. Haddaba iyagoo ka duulaya ujeeddooyinkaas kor ku xusan ayuu GMQD oo ay hogaamineyso gudoomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibrahim waxay shirka Hay,adaha Doorashooyinka adduunka (Association of World Election Bodies)A-WEB, oo xaruntoodu tahay dalka kooriyada Koonfureed, uga qeyb galeen Bangaluru India. shirkan oo socon doono inta u dhaxeysa 2-3-4 Setember /2019, waxaa kulamo ku yeeshay Golaha Guud iyo Guddiyada Fulinta sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha adeegsiga baraha bulshada ee doorashooyinka (caqabadaha iyo fursadaha), waxaa halkaas bandhig ka soo jeedisay Gudoomiye Xaliimo oo muujisey sida Somaliya ay uga go’an tahay doorasho cod iyo qof ah dhamaadka 2020, isla markaana soo bandhigtey fursadaha baraha bulshada ee internetka ay ku yeelan doonaan doorashooyinka Soomaaliya. Intii uu shirku socdey waxaa Somaliya loo doortey inay noqoto xubin ka mid ah Guddiga Fulinta ee ururka Hay’addaha doorashooyinka adduunka. Arrinkan oo ah mid lagu farxo ayaa yimid ka dib markii waftiga Somalidu ku qancisay ka soo qeyb-galayaasha shirkan isbaddalka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadeed ee Somaaliya ka jira. Waxayna Somaliya noqotey xubinta Africa u matasha.golaha fulinta, wuxuuna arrinkani albaabka u furi doonaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya inay taageero aqooneed mid khibrad ka helaan Guddiyada la midka ah. A-WEB waa urur ku bahoobeen in ka badan 106 dowladood iyo 114 hay,adood oo ka shaqeeya doorashooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliska qaybta booliska ee gobolka Bari ayaa warbaahinta u soo bandhigay tiro dhalinyaro ah oo ay ciidanku qabteen xilli loo wadey magaala beexeedda Qandala ee gobolka Bari. Kooxdaan ayaa ciidanku gacanta ku soo dhigeen kadib markii waalidiintoodu ku soo wargeliyeen inay ka maqan yihiin iyadoona baaritaan la sameeyey kadib lagu soo qaqabtay iyaga iyo nin safrinayey. Dhalinyarada la soo qaqabtay ayaa sheegay in nin uu u sheegay inuu doonayo inay u shaqeeyaan waxaana ay dowladda ka codsadeen in cafis loo fidiyo. Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamed ayaa waalidiinta uga mahad celiyey sidii ay u soo wargeliyeen isagoona sheegay inay baaritaano dheeraad ah samayn doonaan. MAQAL CODKA PUNTLANDPOST The post Ciidanka ammaanka gobolka Bari oo soo bandhigay dhalinyaro loo wadey Qandala. appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay nin illaa saddex caruur ah ka afduubtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Caruurtan oo ay muddo ah baadi goobayeen Ehelladooda ayaa laga soo qabtay xilli ninkaasi Dooni uu ku waday ay uga halaawday xeebaha Qanadala ee gobolkaasi. Taliyaha Booliska gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninka afduubka geystay uu maskaxiyan xanuunsan yahay, islamarkaana uu waxba dhaamin caruurta, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu beeniyey in la doonayey in caruurtaasi loo askareeyo Al-Shabaab iyo kooxda Daacish. Dhankiisa ninka lagu soo qabtay afduubkaasi oo la wareystay ayaa qirtay falkan, wuxuuna Waalidiinta caruurta iyo Puntland ka dalbaday in la cafiyo. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay ciidanka Puntland gacanta ku soo dhigaan caruur afduub ahaan loogu hayey deegaano ka tirsan maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Cod-Booliska-Gobolka-Bari.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Dowladda Kenya ayaa la timid xeelado kala duwan, oo lagu marin habaabinayo kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyaga oo geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii dib loogu dhigi lahaa dhageysiga dacwada badda. Haddaba, xiriiro kala duwan oo aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, diblomaasiyiin, sharci-yaqaano iyo aqoonyahan kale ayaan halkan ku soo koobi-doonnaa xeeladaha ay Kenyaanku adeegsadaan. 1. In aaney ICJ Go’aan Gaarin: Kenya tan iyo markii ay Soomaaliya dacwaddu geysay ICJ 5 sano ka hor, waxaa uu codsigoodu ahaa in maxkamaddaasi aaney qaadin dacwaddan muranka badda, laakin waa lagu diiday, waa tii maxkamadda cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. 2. Cillado Raadis: Kenya waxaa kale oo ay ku guuldareysatay in cilado ku hesho kiiska Soomaaliya, waxaa ka mid ah MOU oo in badan wadwadey, laakin la ogaaday in dal 3aad oo ah Norway uu qorshuhu lahaa, oo Soomaaliya ku qasbaneyd, waxaa laga diiday in goobta muranka ay roondo ku sameyn jirtay ama maamuli jiray iyo khariidado kale oo been abuur ahaa. 3. Dib-u-dhigista Dhageysiga Kiiska: Iyada oo 5 maalin uun ka harsan tahay dhageysiga dacwada ayey Kenya qaaday tallaabo waali ah kadib markii ay maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loo dhiso dhageysiga dacwadda, in kasta oo Soomaaliya diiday dib u dhigista dhageysiga laakin qorshaha Kenya waa in ay kala dirto qareenadeeda, oo xataa haddii ay maxkamadda wax dhageysato ay hal dhinac dhageysato. Laakin Abuukaate Axmed Kheyre oo arrintaas aan kala hadlay waxaa uu sheegayaa in haddii qareenada Kenya ay iman waayaan ICJ ay Soomaaliya u furan tahay iney codsato, oo weliba dhahaan“noo xukmi”, maxkamduna ICJ-na ay sidaasi sameyn karto, oo aan loo xayirnaaneyn qof ama dal goobta ka maqan. 4. Cadaadis Diblomaasiyadeed: Kenya sanadihii ugu dambeeyey waxaa ay wadey cadaadis nooc walbo ah, dhanka safarada, duulimaadyada, safiiro la kala qaatay iyo iney Kenyaanu la kulmeen madax badan oo Afrikaan iyo carab ah si Villa Somalia loogu cadaadiyo in muranka badda lagu dhammeeyo qaab wada hadal ah, oo ka fog maxkamado iyo isjiid-jiid, taasi oo Soomaaliya mar walbo diidaneyd. 5. Beena-buur: Bishii July ee sanadkan, Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa gal-dacwadeedka kala dhaxeeya Soomaaliya ku tilmaamtay “mid daciif ah” kadib markii la waydiiyey in uu yahay mid “xoog badan”, “Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyay oo ah in Soomaaliya ay haysato dacwad xoog badan. Balse annaga waxaan haysanaa kiis dhan kasta ka xoogan balse ma doonaya in aan ka hor-dhaco go’aanka maxkamada,” ayay tiri. 6. Hanjabaad: Kenya waxaa miiska u saaran mooshin lagu amrayo ciidamada Kenya iney tagaan furinta iyo xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, dabcan waxaa ku jira goobaha uu muranka ku jiro, si taasi looga jawaabo waxaa jiro xildhibaanno uu ka mid yahay Maxamed Cumar Dhalxa oo olole ugu jira mooshin kale oo ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya, ciidamada xoogga dalkana ay ku tagaan xadka. 7. In Wada hadal Xal Lagu Gaaro: Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxaa uu dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo marar badan ka codsaday in wada hadal ku dhammeeyaan kiiska badda, intaas kuma ekaane waxaa uu la kaashaday Abiy Axmed iyo madax kale, laakin waxaa muuqato in Farmaajo aanu u babac dhigi karin cadaadiska shacabka Soomaaliyeed, oo ah daraf ilaa daraf cod qura ku leh “Hal Taako Kama Tanaasuleyno”. 8. Iney Afrika Dhexgasho: Kenya dhinac kale ayey hadda soo martay, oo shalay waxaa ay codsi hordhigtay golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika iyada oo codsatay iney Afrikaanka dhexgalaan, isla markaana ay qeyb ka noqdaan kiiska muranka Soomaaliya iyo Kenya, Soomaaliya oo uu shirka u matalayey wasiir dowlaha arrimaha dibada ee Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Khayr, sida uu wasiirka ii sheegay waxaa ay ku celisay in 5 sano ay dacwo taalo maxkamadda ICJ, isla markaana iyada oo Soomaaliya Midowga Afrika ixtiraameysa, kana mid ah dalalkii aasaasay hadana ay doorbidayaan in laga war sugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka. 9. 2021-ka Kadib: Kenya rajo weyn ayey ka qabtaa in ay meermeeriso dhageysiga maxkamadda cadliga adduunka, oo ugu yaraan ay hesho 12 bil oo dib u dhigis ah, haddii ay sidaasi dhacdo, Soomaaliya waxaa ay galeysaa marxalad kala guur ah iyo doorashada 2020-ka, waana adkaan doontaa in wax badan la qabto, ujeedka Kenya waa iney riixdo go’aanka maxkamadda ilaa 2021-ka si maamulka cusub ee Farmaajo ka dambeeya ay ula macaamilaan, kana dhaadhciyaan xeelado ay fulintooda hadda ku adkaatay . Si kataba ha ahaatee, Soomaaliya ilaa hadda kiiska badda waxaa ay ku wadaa sidii la rabay, xeelad kasta difaac ayey ka gashay, waxaana muuqato in aan dacwadda la tagi-doonno todobaadka soo socdo maxkamadda ICJ , oo tagista qareenada Kenya iyo maqnaanshiyahooda wax micno ah kuma leh in Soomaaliya la dhageysto ama xataa ay maxkamadda go’aan ka gaarto xadka badda ee muranku ka taagan yahay. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka gaashaan dhigga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa magacaabay ku-simaha agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaan dhigga Soomaaliya. Wasiir Amar-dambe ayaa waxa uu Jihaan Cabdullaahi Xasan u magacaabay ku-simaha agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaan dhigga Soomaaliya, kadib markii shaqada laga joojiyey agaasimihii hore. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Wasiir Amar-dambe oo haweeney u magacaabay ku-simaha agaasimaha wasaaradda gaashaan dhigga. appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumnadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xali Khayre oo la hadlayey warbaahinta ayaa digniin adag u diray ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca, gaar ahaan kuwii dhowaan la Qarameeyey. Khayre oo khudbad u jeedinayey ciidamadaasi oo tababar loo soo xiray ayaa sheegay in aan la aqbali doonin ciidan ka wada tirsan dowladda & Ahlu Sunna. Sidoo kale wxuu ballan in dowladdu ay muhiimad gaar ah siineyso hagaajinta iyo xaquuqda dhammaan ciidamadii Ahlu Sunna ee lagu biiriyey kuwa Xoogga dalka. “Dowladda waxaa waajib ku ah inaad ka heshaan xaquuqdiina,saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee deegaannada Galmudug waxaa ay ku amran yihiin inay ciidamada faraanwaajibkooda, idinku waxaad ka soo wareegteen Ahlu Sunna, laakin laga bilaabo saacadan waa la idinla xisaabtamayaa mana aqbaleyno in aad ka wada tirsanaantaan meeshaad ka tirsanaan jirteen iyo dowladda federaalka.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in dhismaha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed aan loo mari karin qabiil iyo jabhad, islamarkaana laga soo gudbay dhibaatooyinkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda dhexe iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ay xal ka gaareen khilaafkii ka dhashay heshiiskii ay horay ugu daareen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Waxaa la soo gaadhay Xiligii ay Labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Jabuuti ay si Rasmi ah ay u Furan lahaayeen Bog cusub oo Iskaashi kaasi oo ku salaysan Is-tixgelin iyo wax wada-qabsi u khidmeeya labada Ummadood iyo labada Dal. Waxaa kale oo la soo gaadhay xiligii ay Dawlada Jabuuti garawsan lahayd in Jamhuuriyada Somaliland ay tahay mid Waligeed Jiri doonta ahaana doonta Jaarka ugu dhow dhinac kasta. Sidaas daraadeed ay haboon tahay inay Jabuuti ku dhiirrato inay Aqoonsato Qaranimada Somaliland inta aanay Dalal kale ugu horrayn. Haddii ay Dawlada Jabuuti ku dhiirrato Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland waxaa hubaal ah inay Ummada reer Somaliland ka heli doonaan Abaal aan weligii duugoobin oo ay u aayaan Jiilalka soo socda ee reer Jabuuti. Waxaa Hubaal ah in ay Ummada reer Somaliland gaadhi doonaan Himiladooda maalin maalmaha ka mid ah, sidii ay horeba ugu gaadheen Himiladoodii ay iskaga tuureen Taliskii Maxamed Siyaad Barre, sidoo kalana ay u gaadheen himiladoodii ahayd inay la soo noqdaan Madaxbanaanidoodii una dhisteen Nidaam Dawladnimo oo dhamays tiran. Hadaba haddii uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhiirrado inuu Aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland waxaa hubaal ah inuu dhaxal ma guuraan ah iyo abaal taariikhi ah uu uga tegi doono Shacbiga reer Jabuuti kaasoo ay guran doonaan midhihiisa inta Dunida guudkeeda la joogo. Shacbiga reer Somaliland waa Ummad aan waligood iloobin cidii Abaal u gasha, sidaas daraadeed maanta ayay tahay maalintii Abaal la gashan lahaa Ummada reer Somaliland ee geesiyaasha ah ee Dalkooda dhistay iyaga oo aan cidna taageero buuran ka helin. W/Q: Wasiir ku-Xigeenka hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Mud. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Soomaaliya ayaa Kenya xalay mar kale kaga adkaatay codeyn ka dhacday golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo la xidhiidhay muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Golahan ayaa ka hadlayey soojeedin ka timid dalka Kenya oo la xidhiidha in Afrika dhexgasho oo heer Afrikaan ah lagu xaliyo khilaafka iyo muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. Warbaahinta ayaa ogaatay in Soomaaliya ay diiday soo jeedinta Kenya, kuna adkeysatay in laga warsugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka. Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda xilligaan in golaha la horkeenana ay tahay wax lagu mushquulinaayo doodda maxkamada. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in marnaba ayna dowlada Soomaaliya ka laaban doonin dacwadda Badda ee hortaalla Maxkamadda Caddaalladda adduunka ee ICJ. Golahan oo ka kooban 15 dal, ayaa codbixin ay qaadeen oo ku saabsan in ururka Midowga Afrika uu dhex-galo xiisaddan iyo in kale, ayaa Kenya waxaa ka raacay fashil weyn kadib markii ay guul ku gaadhi weyday codeynta. Kenya ayaa u baahneyd inay raacaan 8 dal, hase yeeshee waxa ay heshay 6 cod, halka Soomaaliya ay ka heshay 7 cod. Hal dal ayaa ka maqnaa, halka dalka Morocco uu go’aan dhex-dhexaad qaatay. Source
-
Dhuusamareb (Caasimada Online) – Waxaa markale uu dib u dhac ku yimid shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo la filayey in maanta uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Xubno ka mid ah guddiga qaban qaabada ayaa Caasimada Online u sheegay in arrimo farsamo darteed uu u baaqday shirkaasi. Sidoo kale waxa ay xunahani sheegeen inay ku rajo weyn yihiin in shirka uu furmo maalinta bari ah oo ku beegan 5/09/2019-ka. Dhuusamareeb waxaa ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kahyre iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada. Ra’iisul wasaaraha ayaa daah-furi doono shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo in muddo ah diyaarintiisu ay watay xukuumadda Soomaaliya. Dhanka kale ammaanka ayaa la adkeeyey, iyadoo ay si weyn u xaqiijinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee la geeyey halkaasi. Waa markii saddexaad oo uu dib dhac ku imaanayo shirkan oo ay weli tabasho ka qabto beesha Saleebaan ee degta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com