-
Content Count
209,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Ururka haweenka ee NOW oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay dacwad ka gudbiyeen telefishanka Horyaal oo baahiyey Barnaamij ka hadlaya hablaha qayila, sida ay hadalka u dhigeen. Haweenkan ururka NOW ka tirsan oo sheegay inay aad uga xumaadeen Barnaamijkaasi ka baxay Horyaal TV oo ka mid ah telefishanada ka hawlgala Somaliland. Afhayeenka ururka NOW marwo Samsam Maxamed Cige iyo xubno tiro badan oo ka mid ah ururkaasi ayaa soo bandhigay dareenkooda ku aadan barnaamijkaasi, waxaanay tidhi “Dhacdadii dhacday ee maalmahan ee Telefishanka iyo baraha bulshada ku jirtay oo aan ahayn dhaqan ay Somaliland u leedahay iyo dadka afka Soomaaliga ku hadla oo dhami ay dhaqan u leeyihiin, oo diinta aan ku wanaagsanayn oo dhaqanka aan ku wanaagsanayn, dawladdnimada ku wanaagsanayn oo fajiciso nagu noqotay oo inta damiirka lihi ay aad uga damqadeen, hay’adihii dawliga ahaa ee aanu shalay soo wadamarnay ugu hambalyeynaynaa sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen ee ay gacanta noo siiyeen arinkayaga Maxkamada waanu u gudbinay, xeer-ilaalinta waanu u gudbinay, wasaarada Daakhiliga ayaanu u tagnay, Warfaafintaanu u tagnay, ka hadhi mayn,’ ayay tidhi Afhayeenka ururka NOW Marwo Samsam Maxamed Cige. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa maanta sheegay in Maalinta Axadda ah ee soo socota uu dalku yeelanayo Guddiga tacliinta sare ee dalka, kuwaas oo la socon doona heerka tayada Waxbarashada sare ee dalkaas. Dhinaca kale Wasiir Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in 30% oo kaliya ay ardayda Soomaaliyeed helaan Waxbarasho halka 70% ay guri joog iska yihiin. Waxaa uu sheegay in ardeydaas u nugul yihiin ka qeybgalka colaadaha Dalka loona baahanyahay in arrintaas wax laga qabto. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Imtixaan ay ka qaadeen Macalimiinta Hoose iyo dhexe 22% kaliya ay u qalmaan in ay macallimiin noqdaan isaga oo soo jeediyay in sidoo kale 78% Macallimiinta wax la baro. Cabdullahi Goodax Barre ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed bixiyaan Canshuurta haddii kalena dowladda tuugsan doonto taas oo ka dhigan in ciddii lacag siiya amarkeeda ay ku shaqeyn doonto. Waxa uu sheegay Wasiirka in ay tahay in ardayda dugsiga Hoose iyo Dhexe loo dhigo sanadkaan bugaagta manhajka dowladda,isla markaana iskuulkii kasoo horjeesta ay albaabada laabayaan. Waxa uu intaa kudaray in sanadkaan intaa uusan dhamaan ay soo dhameystirayaan buugaagta ka harsan manhajka ee lagu dhigo fasalada 9aad ilaa 12aad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
On Thursday last week, officers from the Anti-Terror Police Unit (ATPU) shot and killed 45-year-old Hamza Mohamed in Bombolulu, Mombasa. They claimed Mohamed was a terrorist. Source: Hiiraan Online
-
“Ma jirto aragti Kenya ku xireysa Axmed Madoobe marka laga reebo xaqiiqada ah in uu yahay qofka ugu wanaagsan ee dhinacaas ka dammaanad qaadi kara nabadgelyadeena, taasina waa danteena, Arrintu waxa ay xiriir la leedahay xasiloonideena, horumarkeena iyo Nabadgelyadeena” Peter Kagwanja-Jaamacadda Nairobi 22 Bishii August-2019 waxaa magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar ah u ah dowlad-goboleedka Jubbaland kadhacay doorashooyin kala duwan oo is khilaafsan kuwaas oo natiijadii kasoo baxday ay noqotay 3 madaxweyne, Axmed Madoobe oo 2013-2019 hoggaamiye iyo madaxweyne ka ahaa dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbland, Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo katirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Cabdinaasir Seeraar Maax Afhayeenkii hore ee Jubaland oo mar ay jaal ahaayeen Axmed Maxamed Islaan. Doorashadaas oo guddiga doorashada ee Jubbaland shaaciyey in uu ku guuleystay Axmed Madoobe waxa natiijadeedii diiday dowladda federalka ee Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo sheegay in hab-socodka doorashadu ahaa mid hal dhinac ah oo aan loo ogolaan dhinacyada kale in ay si furan ugu tartamaan, sidaas awgeedna aanay suuragal ahayn in ay hesho aqoonsi iyo sharciyad balse Kenya guusha Axmed Madoobe ayay u hambalyeeysay taas oo ahayd astaan yar oo kamid ah astaamaha muujinaya heerka faragelinta Kenya ee Arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo ay Qaanuun ahaan reebban tahay in dowladi faragelin ku sameyso arrimaha gudaha dowlad kale oo kamid ah QM. Faragelinta ciidan ee Kenya ku soo gashay Soomaaliya February 16-2011 laba Batalyan oo tiro ahaan u dhigmay 2400 oo askari ayaa kasoo gudbay xadka Soomaliya la leedahay Kenya iyaga oo taageero farsamo iyo mid xoog siinaya Jabhaddii Raaskaanbooni oo uu aas-aasay Sheekh Xasan Turki balse uu hoggaamiye dagaal ka ahaa Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) dabayaaqadii 2009 Jabhaddii Raaskaanbooni waxa ay la midowgii Jabhaddii Xisbul Islaam iyada oo ay hoggaamiyeyaal sare ka noqdeen Sheekh Cumar Imaan, Sheekh Xasan Dahir, Sheekh Xasan Turki iyo Axmed Madoobe Ujeedka waxa lagu sheegay in Kenya xakameyso dembiyada Afduubka iyo dilka isugu jira oo kadhaca gudaha iyo xudduudka Soomaaliya iyo Kenya hayeeshee October-2011 rag hubeysan oo galay gudaha Kenya ayaa dilay Nin dalxiis ah oo u dhashay Ingiriiska waxa ayna qabteen xaaskiisii iyaga oo afduubtay xaaskii dalxiisaha Ingiriiska ah, haweeney Faransiis ah iyo laba shaqaale gargaraar oo u dhashay Isbayn. Dhacdadaasi waxa ay welwel badan ku dhalisay dhaqaalaha Kenya kasoo gala dalxiiska iyo guud ahaan nabadgelyada gobolka NFD ee Kenya haysato oo xudduud la leh degmada Lamu balse falkaasi waxa uu Sabab macquul ah u sameeyey faragelinteeda ciidan ee Soomaaliya, 3 maalin kaddibna Kenya waxa ay shaacisay faragelinta Millateri ee ay ku sameynayso Soomaalia. Sameynta Dhul katirsan Jubbooyinka oo u go’an Kenya (Buffer zone) Sida ay shaacisay kooxda ka faaloota xasaradaha adduunka ICG xubno sare oo katirsan ciidanka KDF iyo siyaasiyiin uu kamid ahaa Wasiirkii difaaca ee Kenya Yuusuf Xaaji ayaa islagartay qorshe saddex af leh oo isugu jira Dagaal, dano Ganacsi iyo in Koofurta Webiga Jubba laga sameeyo dhul u gaar ah Kenya (Buffer zone) oo ciidanka KDF u maamulo si dhammeystiran iyada oo danta laga leeyahayna tahay in dhaqdhaqaaqa Alshabaab loo riixo Waqooyiga Webiga oo ah deegaan laga heli karo awood ciidan oo kadhan ah Alshabaab. Ujeedka dagaalka ayaa ahaa qabsashada dekedda Kismaayo iyo kasameynta dano-ganacsi iyada oo siyaasiyiinta Beesha Ogaden ee xiriirka wanaagsan la leh Kenya ay fududeeyaan sida ugu sahlan ee Jubbaland u geli karto gacanta ciidanka difaaca Kenya, taasna waxa kulammaansanaa in siyaasiyiinta beesha Ogaden la siiyo ballan-qaadka awood ciidan iyo mid farsamo oo ay ku qabsadaan Jubbaland halka beelaha kale la siin wax qiimeyn ah si khilaafku uga sii dhex taagnaado Soomaalida dhexdeeda. Diidmada Mareykanka ee sameynta Dhul u go’an Kenya oo kamid ah Jubbooyinka & Sababta Diblomaasiyiin Mareykan iyo Ingiriis ah ayaa diiday in ay taageeraan qorshaha Kenya iyaga oo taas beddelkeeda kulataliyey madaxweyne Mwai Kibaki in uu taageero kana mid noqoto Kenya howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya Amisom balse taladaas waxa ay Kenya qaadatay laba sano kaddib markii qorshiheedii qayb ahaan hirgalay balse ay ka maarmi weysay taageerada Mareykanka iyo Ingiriiska, balse waxa ay qorshaha kudartay kaddib diidmada labadaas awoodood in ay xiriir dhow la yeelato laba Maliishiyo oo kala ah Raaskaanbooni iyo ciidan daacad u ahaa maamulkii Azania oo hoggaaminayey Prof Gaandi iyada oo labadaas Maliishiyaba ay kadhinac dagaalamayeen ciidanka Kenya illaa si rasmi ah Kenya u shaacisay faragelinteeda Milateri ee Soomaaliya halkaas ayuuna kazoo baxay in Kenya Axmed Madoobe in uu yahay Saaxiibka ugu fiican ee xaqiijin kara danaha Nabadgelyo, kuwa ganacsi iyo kuwa dhuleed ee Kenya. Sida uu daabacay Wargeyska Standard Media wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya waxa ay sameysay Olole iyo dadaal diblomaasiyadeed oo intiisa badan kasocday daaha-gadaashiisa si Axmed Madoobe loo doorto mar kale iyada oo kafakareysa illaalinta Nabadgelyadeeda iyo danaheeda gobolka oo hadda si weyn isu soo taraya, taasina waa sababta keenta in ay kala boodaan danaha arrimaha dibadda ee Kenya oo hadda saaxiib weyn u aragta Axmed Madoobe iyo Itoobiya oo u aragta Madoobe saaxiib hore oo uu lahaa xukunkii hore ee Tigreegu. Waxa kale oo Kenya u muuqday in dib u doorashada Axmed Madoobe ay kaalin fiican kaqaadan karto dadaalka Kenya eek u wajahan Arrinta badda Soomaaliya ee Kenya gelisay muranka taas oo go’aankeedu horyaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (International Court of Justice (ICJ). In Kenya kadhex aragto danaheeda dib u doorashada Axmed Madoobe waxa ay keentay in Itoobiyana kadhex aragto danaheeda in Madoobe lumiyo kursiga, waxa uu si dhow ula shaqeeyey Itoobiya isaga oo xubin ka ahaa Maxkamadihii Midoobay balse waa is beddelay markii uu billaabay in uu Kenya kalashaqeeyo la dagaallanka Alshabaab si ay ugu taageerto in uu qabto hoggaanka Jubbland islamrakaana ku taageertay doorashdiisii muranka badan dhalisay ee 2013. Hindisaha Kenya ee hirgelinta dowlad u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya (Buffer state) Sida ay daabacday Africa Report Qorshaha hirgelinta dowlad gaar ah (Buffer state) oo deris la ah Kenya lana yiraahdo Jubbaland Kenyana u taqaan Koofurta Soomaaliya waxa uu soo billowday horraantii sanadkii 2009. Moses Masika Wetangula Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Kenya intii u dhexeysay 2008-2010 ayaa dadaal badan geliyey horumarinta aragtida hirgelinta dowlad go’doonsan oo u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, taas oo loogu talagalay in ay Mustaqbalka u babac-dhigto loollanka u dhexeeya labada dal iyada oo taageero farsamo iyo mid ciidan ka heleysa Kenya. Xaashiyo diblomaasiyadeed oo loo dusiyey Wikileaks ayaa muujiyey in sanadkii 2009 sargaal sare oo katirsan wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanku uu u sheegay Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetangula in Mareykunka si adag uga soo horjeesan doono hindisaha Kenya ee hirgelinta dowlad gaarka ah, isaga oo sababta kusheegay in hindisaha Kenya yahay mid xun oo uga sii daraya xaaladda nabadgelyada iyo xasiloona Soomaaliya, islamrkaana ay aragtidaasi lid ku tahay aragtida dejinta Soomaaliya oo Mareykanku qayb ka yahay. Laba sano kaddib hindisaha hirgelinta dowlad gaarka ah (Buffer state) oo ay Keynya dooneyso in ay kadhisto Koofurat Soomaaliya waxa ay billowday faragelinta ciidan ee Soomaaliya, iyada oo taageero ka heleysa Mucaskarkii Raaskaanbooni oo markan uu hoggaaminayo wadaaygeeda ugu habboon ee Axmed Madoobe waxa ay xoog saartay sidii ay Alshabaab uga saari lahayd Kismaayo oo ah meesha ay dhul ahaan ka hirgeleyso dowladdaasi, qorshuhu waxa uu ku billowday gacan ku haynta xarumaha muhiimka ah ee Kismaayo sida Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha kaddibna taageeridda dolwad awood leh oo kadhisanta gobolka. Xigasho: Mustaqbal Radio
-
Muqdisho (SMN) – Ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cali Guyo ayaa amaanay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhisida ka socda Galmudug. Wakiilka IGAD ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada in si nabdoon oo loo dhan yahay ay u dhacaan geedi socodka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka maamulka Galmudug. Guyo ayaa ugu baaqay dhinacyada Galmudug inay ka shaqeeyaan si wadajir ah xalinta khilaafka taagan iyo dhismaha maamul cusub, oo ku yimaada qaab dimuqraadi ah. Wuxuu xusay in doorashada nabad iyo dimoqraadi ah oo ka dhacda Galmudug ay abuuri doonto horumar la taaban karo oo ay kamid yihiin dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha taas oo gacan ka geysan doonta gaaritaanka qorshaha guud ee dib usoo celinta Soomaaliya. Ergeyga gaarka ah ee IGAD wuxuu u mahadceliyay saaxiibada beesha caalamka taageeradooda aan kala go ‘lahayn ee Soomaaliya oo hadda ka soo ka banaysa colaad muddo dheer socotay iyo dhibaatooyin kale. Ugu dambeyn Mudane Guyo ayaa markale ku celiyay sida ay uga go’antahay IGAD inay sii waddo wada-shaqeynta ay la leedahay Galmudug iyadoo ay weheliso dadaalkooda ku aadan dib-u-heshiisiinta iyo maamul loo dhan yahay oo wax ka beddeli doona Galmudug. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Rouhani ayaa si kastaba ka digay in Tehran ay diyaarineyo xadgudubyo kale oo dheeri ah oo ay ku sameyso heshiiska kuwaas oo yeelan doono “saameyn aan caadi ahayn” Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo saraakiisha Iran ay jawaabo is-khilaafsan ka bixiyeen yabooh ka yimid Faransiiska oo ah in la deyminayo 15 bilyan oo dollar illaa dhammaadka sanadka, haddii ay Iran si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska. Sarkala sare ayaa sheegay in Iran ay u hoggaansameyso heshiiska haddii lacagtaas dayn ahaan loo siiyeo, ama looga iibsado saliid, halka taleefishinka dowladda ee Press TV uu sheegay in Tehran ay diiday yabooha Midowga Yurub. Iran ayaa ka baxday sanado badan oo go’doon dhaqaale ah, kadib markii ay heshiiska la gaartay quwadaha caalamka, sanaddii 2015, ayada oo dhaafsaneysa in cunqabateenada laga qaado, hase yeeshee madaxweynaha Mareykanka ayaa ka baxay heshiiska sanadkii tagay, dibna usoo rogay cunaqabateenada. Rouhani ayaa ku hanjabay in Iran ay qaadi doonto tallaabooyin dheeri ah shanta bishan haddii Faransiiska iyo dalalka ee Yurub ee heshiiska qeybta ka ahaa ayasan in ku filan ka difaacin Iran xayiraadaha Mareykanka. Source
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Sare u kac xoog leh ayaa ku yimid Qiimaha lagu raaco Diyaaradaha rakaabka ee isaga kala goosho Magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi kadib amarkii kasoo baxay dhawaan Dowladda Soomaaliya ee lagu amray inay Diyaaradaha tagayo iyo kuwa ka baxayo Kismaayo ay soo maraan Magaalada Muqdisho. Go’aankaas kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo dhaqan galay ayaa sabab u noqday inuu sare u kaco qiimaha lagu raaco Diyaaradaha Kismaayo iyo Nairobi. Diyaaradaha Rakaabka ee labadaas Magaalo ayaa markii hore lagu raaci jiray ilaa lacag gaareyso 230 Dollar halka hadda lagu raaco 290 Dollar taasoo ka dhigan inuu jiro qiimo koror dhibaato ku ah dadweynaha. “Walaaca aan qabno wuxuu yahay in muddadii lagu safri jiray ay markii hore ahayd saacad iyo bar markii uu duulimaadka uu ahaa toos, hadana Muqdisho in la maro ayay noqotay oo wakhtiga wuu dheeraaday, dadka rakaabkana dhib ayay ku noqotay wayna iska dhaafeen safarka, anaguna dhibaato ayey nagu noqotay”, ayuu yiri Cabdi Macalin oo ah maamulaha shirkadda Freedom Airline . Wuxuu intaas ku daray inay yaraadeen Dadkii Diyaaradaha u raaci jiray Kismaayo iyo Nairobi maadaama waqti badan uu qaadanayo safarka. Go’aanka xayiraadda lagu saaray Diyaaradaha Kismaayo tago iyo kuwa ka imaado ayaa kusoo aadayo ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashadii Jubbaland oo ay ku tilmaamtay mid aan sharci aheyn. Tallaabada ay Dowladda qaaday ayaa la rumeysan yahay inay tahay mid culeys lagu saarayo Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qabsaday doorasho dib loogu soo doortay oo aysan door ku laheyn Dowladda Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) -Guddiga doorashooyinka Qaranka oo dalka Hindiya uga qeyb galay shirweynaha guddiyada doorashada adduunka ayaa loo doortay xubin ka mid ah guddiga fulinta ee ururkaasi. Ururkan ayaa waxaa ku jira illaa 106 dal iyo 140 Hay’adood, iyadoona ay muhiim u tahay inay ka mid noqoto gudigaasi. Halkan hoose ka aqriso war ka soo baxay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka. Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka wuxuu ka mid yahay ururo caalami ah iyo kuwa goboleed oo ay ku bahoobeen ururada doorashooyinku, kuwaas oo ay ka mid yihiin ururada Guddiyada doorashooyinka Africa, kan carabta iyo midka adduunka. Ujeeddooyinka ka mid noqoshada ururadan waxaa ugu muhiimsan in GMDQ Soomaaliyeed uu helo khibrad iyo aqoon ku filan oo uu howshiisa ku qabto iyadoo ururadani ay yihiin madal aqoon wadaag iyo mid khibrad kororsi, sidoo kale wuxuu Guddigan arrinkan ugu gol leeyahay in codka Soomaaliyeed gaarsiiyo daafaha caalamka, hay;adaha dowladeed ee Soomaaliyana ay noqdaan kuwa ka dhex muuqda ururadaas iyo shirarkaas caalamiga ah. Haddaba iyagoo ka duulaya ujeeddooyinkaas kor ku xusan ayuu GMQD oo ay hogaamineyso gudoomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibrahim waxay shirka Hay,adaha Doorashooyinka adduunka (Association of World Election Bodies)A-WEB, oo xaruntoodu tahay dalka kooriyada Koonfureed, uga qeyb galeen Bangaluru India. shirkan oo socon doono inta u dhaxeysa 2-3-4 Setember /2019, waxaa kulamo ku yeeshay Golaha Guud iyo Guddiyada Fulinta sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha adeegsiga baraha bulshada ee doorashooyinka (caqabadaha iyo fursadaha), waxaa halkaas bandhig ka soo jeedisay Gudoomiye Xaliimo oo muujisey sida Somaliya ay uga go’an tahay doorasho cod iyo qof ah dhamaadka 2020, isla markaana soo bandhigtey fursadaha baraha bulshada ee internetka ay ku yeelan doonaan doorashooyinka Soomaaliya. Intii uu shirku socdey waxaa Somaliya loo doortey inay noqoto xubin ka mid ah Guddiga Fulinta ee ururka Hay’addaha doorashooyinka adduunka. Arrinkan oo ah mid lagu farxo ayaa yimid ka dib markii waftiga Somalidu ku qancisay ka soo qeyb-galayaasha shirkan isbaddalka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadeed ee Somaaliya ka jira. Waxayna Somaliya noqotey xubinta Africa u matasha.golaha fulinta, wuxuuna arrinkani albaabka u furi doonaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya inay taageero aqooneed mid khibrad ka helaan Guddiyada la midka ah. A-WEB waa urur ku bahoobeen in ka badan 106 dowladood iyo 114 hay,adood oo ka shaqeeya doorashooyinka. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya , mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Odayaal iyo wax-garad ka socda degaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda Saddax Sano ah ay u dhexeysay colaad uu Dhiig badan ku daatay. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaannada degaannadaas ku matela Dowladda dhexe, ayaa qeyb ka ahaa dhammeystirka dedaallo uu Ra’iisul Wasaaruhu soo billaabay dhammaadkii Bishii June ee Sannadkan mar uu socdaal ku tagey Huurshe iyo Xeraale. Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa xilligaasi Labada dhinac kala hadlay soo Af-jaridda codaalla iyo furidda bog cusub oo ah mid nabadeed. Odayaasha Labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dedaalka hagar la’aaneed ee uu Galmudug ka wado, waxayna ballan qaadeen in ay ka shaqeynayaan nabadda, wada noolaanshaha, horumarinta degaanka iyo Bulsha ,si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ka Madax bannaan colaado iyo rabshado dib u sii dhiga horumarka ay ummaadda Soomaaliyeed hiigsaneyso. Ra’iisul Wasaare , Xasan Cali Khayre, ayaa Odayaasha Huurshe iyo Xeraale u ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay ka mira dhalinta dedaallada nabadda iyo horumarka, iyaguna laga doonayo in ay dowrkooda nabad-doonnimo qaataan oo ay daacad ka noqdaan dhismaha Mustaqbalka Dadka iyo degaanka, wixii horay u dhacayna laga barto casharro qeyb ka qaadanaya wadajirka iyo is-dhex galka Bulshada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyn xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeyntan ayaa lagu soo warramayaa in si gaar ah looga fuliyey inta u dhexeysa deegaanada Sablaale iyo Imbareesa ee gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyey. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Sidoo kale lama oga illaa iyo hadda heybta diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyey halkaasi. Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliya gobollada Sh/ Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Hobyo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah golihiis wasiirada, gaar ahaan kuwii muddooyinkan dambe ku sugnaa deegaanada Galmudug. Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la xariira sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka nabadda ee ka socda magaallo xeebeeda Hobyo ee gobolka Mudug. Shirkan oo muddo ka badan 50 cisho ka socda magaaladaasi, ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah beelaha daga maamulka Galmudug. Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho guud ay ka dhacdo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. View the full article
-
Madaxweyne Ku Xigeenka Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Ayaa Ka Qeyb Galay Xaflada Qalin jabinta 153 Arday Oo Ka Baxay Jaamacada Addis Ababa Medical University. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Xaflada qalin jabinta Dufcadii 9aad ee Jaamacada Addis Ababa Medical University ee Magaalada Hargeysa oo ay ka qalan jabiyeen 153 arday. Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba Hambalyo u diray dhammaan ardayda ka qalin jabisay Kuliyadaha kala duwan, sidoo kalena waxa uu Hambalyo balaadhan u diray waalidiinta dhalay ardaydaasi, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu u sheegay ardayda in Cilmigu yahay shay qaaliya oo dadka anfacaya. Waxaana uu ardayda kula dardaarmay inay ilaaliyaan dhaarta iyo anshaxa Caafimaadka ay barteen, islamarkaana ay noqdaan kuwo dadkooda iyo dalkooda wax kusoo kordhiya oo ka faaideeya aqoontooda caafimaad ee mudada baranayeen. Wa-bilaahi tawfiiq Source
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-04092019-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Faransiiska ayaa xalay howlgalo ka sameeyay degaano iyo degmooyin katirsan Gobalada Shabeelada Hoose iyo Jubada Dhexe, oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhanka Sirdoonka ah. Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Faransiiska ayaa lagu qaaday Saldhigyo Ciidan, Xarumo tababar iyo goobo kale oo muhiim u ahaa Al-Shabaab, waxaana ku dhintay Saraakiil iyo dagaalamayaal badan. Duqeynta ka dhacdey Shabeellada Hoose, gaar ahaan inta udhaxeysa Sablaale iyo Imbarayso ayaa la sheegey in lala beegsadey xaruun weyn oo lagu tababaro Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo loogu yeero Jabhada ama Ciidanka Jugta Culus, halkaas oo la sheegey in maalmihii dambe lagu aruurinayey ciidamo tira badan oo katirsan Kuwa Jugta culus ee gala dagaalada foolka foolka ah. Howlgalkan ayaa la aaminsan yahay in uu ku dhintey Saadaq Nuur Cabdi, oo loo yaqaano Xasan Nuur, islamarkaana ahaa Amiirka Guud ee Gobolka Galgaduud walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin geeridiisa, balse waxaa jira warar sheegaya in uu halkaasi ka khudbeynayay markii ay duqeynta dhaceysay. Goob joogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hubka daran dooriga udhaca iyo madaafiicda culus oo tirada badan. Dhinaca kale duqayn Xoog leh ayaa ka dhacday Gobolka Jubada dhexe, gaar ahaan duleedka Degmada Bu’aale waaxana bartilmaameedku ahaa Amiirkii Guud ee Tababarada Al-Shabaab Shekh Axmed Cumar oo caan ku ah Axmed Dhere iyo darawalkiisa, balse ma cadda in lala helay. Sidoo kale, Degmada Jilib ee Gobalka Jubada Dhexe waxa la duqeeyay 2 Talis oo ay kala daganayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jugta Culus iyo kuwa Xisbada, waxaana lagu duqeeyay 2 Saldhig ay ka daganaayeen degmada Jilib ee Koonfurta Soomaaliya. Saraakiil dhawac ah ayaa lasheegey in ay halkaasi ka baxsadeen waxaan kamid ah sida ay noo sheegeen Saraakiil katirsan Kumaandooska Soomaaliya- Macalim Mucaad, oo taliye u ah Xisbada Al-Shabaab Abuu-Sacad, oo ah madaxda Dacadaha Guud ee Jubbooyinka Iyo Abuu-Xamza Axmed, oo isagana ku magacaaban madaxa diiwaanka Jabhadda Al-Shabaab ama Ciidanka Jugta culus ee Al-Shabaab ka tirsan. Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee taageera ayaa kordhiyay beegsiga goobaha muhiimka ah ee Al-Shabaab kasoo qaadaan weerarada tooska ah sida aan ka soo xiganay Xubno muhiim ah oo katirsan Kumaandooska Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wareejiyey dawooyin ay qurba joog Soomaaliyeed ugu talagaleen agoonta ciidamada asluubta Soomaaliyeed ee Muqdisho. Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed sarreeye guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa uga mahadceliyay cidkasta oo ka qayb qaadatay deeqdaan loo keenay carruurta agoonta ah. Sarreeye guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dhowaan xilka la wareegey ayaa sheegay inay ku dedaali doonaan horumarinta carruurta agoonta ah si ay ugu buuxiyaan boosaskii aabayaashoodii la jeclaa. PUNTLANDPOST The post Taliye Mahad: Daryeelka agoonta Soomaaliyeed waa waajib cid walba saaran” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa la timid xeelado kala duwan, oo lagu marin habaabinayo kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyaga oo geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii dib loogu dhigi lahaa dhageysiga dacwada badda. Haddaba, xiriiro kala duwan oo aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, diblomaasiyiin, sharci-yaqaano iyo aqoonyahan kale ayaan halkan ku soo koobi-doonnaa xeeladaha ay Kenyaanku adeegsadaan. In aaney ICJ Go’aan Gaarin: Kenya tan iyo markii ay Soomaaliya dacwaddu geysay ICJ 5 sano ka hor, waxaa uu codsigoodu ahaa in maxkamaddaasi aaney qaadin dacwaddan muranka badda, laakin waa lagu diiday, waa tii maxkamadda cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Cillado Raadis: Kenya waxaa kale oo ay ku guuldareysatay in cilado ku hesho kiiska Soomaaliya, waxaa ka mid ah MOU oo in badan wadwadey, laakin la ogaaday in dal 3aad oo ah Norway uu qorshuhu lahaa, oo Soomaaliya ku qasbaneyd, waxaa laga diiday in goobta muranka ay roondo ku sameyn jirtay ama maamuli jiray iyo khariidado kale oo been abuur ahaa. Dib-u-dhigista Dhageysiga Kiiska: Iyada oo 5 maalin uun ka harsan tahay dhageysiga dacwada ayey Kenya qaaday tallaabo waali ah kadib markii ay maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loo dhiso dhageysiga dacwadda, in kasta oo Soomaaliya diiday dib u dhigista dhageysiga laakin qorshaha Kenya waa in ay kala dirto qareenadeeda, oo xataa haddii ay maxkamadda wax dhageysato ay hal dhinac dhageysato. Laakin Abuukaate Axmed Kheyre oo arrintaas aan kala hadlay waxaa uu sheegayaa in haddii qareenada Kenya ay iman waayaan ICJ ay Soomaaliya u furan tahay iney codsato, oo weliba dhahaan“noo xukmi”, maxkamduna ICJ-na ay sidaasi sameyn karto, oo aan loo xayirnaaneyn qof ama dal goobta ka maqan. Cadaadis Diblomaasiyadeed: Kenya sanadihii ugu dambeeyey waxaa ay wadey cadaadis nooc walbo ah, dhanka safarada, duulimaadyada, safiiro la kala qaatay iyo iney Kenyaanu la kulmeen madax badan oo Afrikaan iyo carab ah si Villa Somalia loogu cadaadiyo in muranka badda lagu dhammeeyo qaab wada hadal ah, oo ka fog maxkamado iyo isjiid-jiid, taasi oo Soomaaliya mar walbo diidaneyd. Beena-buur: Bishii July ee sanadkan, Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa gal-dacwadeedka kala dhaxeeya Soomaaliya ku tilmaamtay “mid daciif ah” kadib markii la waydiiyey in uu yahay mid “xoog badan”, “Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyay oo ah in Soomaaliya ay haysato dacwad xoog badan. Balse annaga waxaan haysanaa kiis dhan kasta ka xoogan balse ma doonaya in aan ka hor-dhaco go’aanka maxkamada,” ayay tiri. Hanjabaad: Kenya waxaa miiska u saaran mooshin lagu amrayo ciidamada Kenya iney tagaan furinta iyo xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, dabcan waxaa ku jira goobaha uu muranka ku jiro, si taasi looga jawaabo waxaa jiro xildhibaanno uu ka mid yahay Maxamed Cumar Dhalxa oo olole ugu jira mooshin kale oo ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya, ciidamada xoogga dalkana ay ku tagaan xadka. In Wada hadal Xal Lagu Gaaro: Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxaa uu dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo marar badan ka codsaday in wada hadal ku dhammeeyaan kiiska badda, intaas kuma ekaane waxaa uu la kaashaday Abiy Axmed iyo madax kale, laakin waxaa muuqato in Farmaajo aanu u babac dhigi karin cadaadiska shacabka Soomaaliyeed, oo ah daraf ilaa daraf cod qura ku leh “Hal Taako Kama Tanaasuleyno”. Iney Afrika Dhexgasho: Kenya dhinac kale ayey hadda soo martay, oo shalay waxaa ay codsi hordhigtay golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika iyada oo codsatay iney Afrikaanka dhexgalaan, isla markaana ay qeyb ka noqdaan kiiska muranka Soomaaliya iyo Kenya, Soomaaliya oo uu shirka u matalayey wasiir dowlaha arrimaha dibada ee Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Khayr, sida uu wasiirka ii sheegay waxaa ay ku celisay in 5 sano ay dacwo taalo maxkamadda ICJ, isla markaana iyada oo Soomaaliya Midowga Afrika ixtiraameysa, kana mid ah dalalkii aasaasay hadana ay doorbidayaan in laga war sugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka. 2021-ka Kadib: Kenya rajo weyn ayey ka qabtaa in ay meermeeriso dhageysiga maxkamadda cadliga adduunka, oo ugu yaraan ay hesho 12 bil oo dib u dhigis ah, haddii ay sidaasi dhacdo, Soomaaliya waxaa ay galeysaa marxalad kala guur ah iyo doorashada 2020-ka, waana adkaan doontaa in wax badan la qabto, ujeedka Kenya waa iney riixdo go’aanka maxkamadda ilaa 2021-ka si maamulka cusub ee Farmaajo ka dambeeya ay ula macaamilaan, kana dhaadhciyaan xeelado ay fulintooda hadda ku adkaatay . Si kataba ha ahaatee, Soomaaliya ilaa hadda kiiska badda waxaa ay ku wadaa sidii la rabay, xeelad kasta difaac ayey ka gashay, waxaana muuqato in aan dacwadda la tagi-doonno todobaadka soo socdo maxkamadda ICJ , oo tagista qareenada Kenya iyo maqnaanshiyahooda wax micno ah kuma leh in Soomaaliya la dhageysto ama xataa ay maxkamadda go’aan ka gaarto xadka badda ee muranku ka taagan yahay. Xigasho Goobjoog News Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Al-Shabab fighters have attacked an AU military base in central Somalia amid ongoing army operations against the Al-Qaeda-linked Militant group in the country. The militants targeted an outpost belonging to Djibouti peacekeepers located outside Bulo-burde town in Hiran region. The ambush sparked a heavy gunfight between the two sides. Following the attack, Djibouti soldiers rounded up 17 people on suspicion of having links with Al-Shabab, according to local residents who spoke to Radio Shabelle via phone. The Djibouti troops are part of African Union Mission in Somalia [AMISOM] which is made up of 22,000 soldiers from Kenya, Uganda, Burundi, and Ethiopia. View the full article
-
More details are coming out of a series of assassinations last night in Mogadishu, the Somali capital amidst tight security measures. Gunmen have shot and killed two Somali government soldiers in separate attacks in the capital, according to the sources. Al-Shabaab has claimed responsibility for the killings through a statement posted on its affiliated websites. Al-Shabaab said it assassinated two NISA officers in Mogadishu’s Shibis district. There has been no word from the Somali security agencies about the killings. View the full article