-
Content Count
209,376 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay Dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku guda jira hawlihii shaqo ayaa maanta oo arbaca ah booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan (Freezone)ka Jabuuti, iyadoo lagu soo wareejiyey dhismaha freezone ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado. Sidoo kale weftiga madaxweynuhu isla maanta waxa uu booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta. Ugu danbayntiina waxa madaxweynaha iyo weftigiisu booqdeen deegaanka Weeca oo u dhaw carta waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali). waxaana kormeerkaa ku wehelinaayey masuuliyiin kala duwan iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti. Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ujeedada safarka uu ku joogo dalka Jabuuti iyo Goobaha muhiimka ah oo uu booqday, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hobyo (SMN) – Shirkii mudooyinkii u dambeeyay ka socday magaaladda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa lagu doortay hogaanka cusub ee Beesha Habar-gadiir. Laba murashax ayaa ku tartantay xilka gudoomiyaha guud ee Beeshaasi, kuwaasi oo ay u coddeynayeen 52 xubnood. Prof Cabdullaahi Maxamed Shirac ayaa helay 41 cod, halka Jeneraal Maxamed Nuur Galaal uu helay 8; waxaana xumaadey 3 kale, sida uu guddigu shaaciyey. Xubno kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay doorashadan, iyaga oo u hambalyeeyay murashaxa guuleystay. Shirka Nabadda Hobyo oo labadii bilood ee lasoo dhaafey socday ayaa waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo berri oo Khamiis ah, 5-ta bisha August 2019. Mas’uuliyiin sar-sarre oo dowladeeda sida ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu waramayaa in uu ka qeybgelayo furitaanka shirkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-04092019.mp3 View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa markii 3-aad dib u dhacay shirka dib u heshiisiinta beelaha daga Galmudug oo ay bilooyin ka hor iclaamiyay dowladda Soomaaliya kadib markii ay heshiis la gashay Ahlu-Sunna iyo madaxweyne Xaaf. Shirkaan ayaa wajahaya hal caqabad oo kaliya taas oo sababtay in uu dib u dhac ku yimaado muddo dhan 3 jeer, waxaana inta jeerba uu baqaanayay hal sabab oo ay diidan tahay dowladda Soomaaliya in ay shaaciso. Caasimada Online, ayaa ogaatay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug sababta kaliya uu u qabsoomi la’yahay in ay tahay in la sugayo inta uu ka dhamaanayo shirka ka socda magaalada Hobyo ee gobalka Mudug. Qaar kamid ah madaxda shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta noo xaqiijiyay in uusan qabsoomi doonin shirka dhuusamareeb ilaa uu ka dhaamado shirka Hobyo ka socda kaas oo ay yeelanayaan shantata beel ee ugu saameenta badan beelaha daga Galmudug. Dhinaca kale, waxaa la filayaa in maanta ilaa caawa waqti dheeraad ah lagu daro shirka beelaha Habar-Gidir ee ka socda magaalada Hobyo ee gobalka Mudug, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ka qaybgalayaasha shirka. Odayaasha iyo siyaasiinta Habar-Gidir ayaa u muuqada kuwa diidan sida ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso shirka dib u hehsiisiinta Galmudug, islamarkaana ay isku dayayaan in ay ku curyaamiyaan shirka Hobyo ka socda sida aan ka soo xiganay saraakiil xog ogaal ah. Caasimada Online ayaa heshay xog dhameestiran oo sheegeysa in uusan qabsoomi doonin shirka Dhuusamareeb ilaa uu ka soo dhamaado kan ka socda magaalo xeebeedka Hobyo ee gobalka Mudug, kaas oo u muuqda in uu qaadan karo waqti kale oo dheeraad ah. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Maayarka Magaalada Burco, Maxamed Cabdiraxmaan Muraad ayaa ka hadlay Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE oo ay weli su’aali ka taagan tahay Siyaasiga loo dhiibi doono, maaddaama oo loolan arrintaa la xidhiidhaa uu si hoose uga dhex socdo Xisbiga KULMIYE. Maayarka Magaalada Burco oo la waydiiyey su’aal u dhignayd inaan weli Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi aanu Xilka Guddoomiye-nimo ee xisbiga Kulmiye ku wareejin Beesha uu Maayarku ka soo jeedo, ayaa sheegay in aanay sax ahayn in la yidhaahdo ‘Beel Heblaayo ama Shaqsi hebel ayaa Guddoomiyaha xisbiga lagu wareejiyey’, maaddaama oo qofka doonaya inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu xaq u leeyahay inuu u ololeeyo ee aanay ahayn inuu Beel dabada geliyo. Maayarka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE maaha Haydh tuule la isku wareejinayo, maaha Haydh Tuule la odhanayo Hebeloow ku wareeji hebel ama uu odhanayo waxaan ku wareejiyey hebel, wakhti bay leedahay, Olole ayay leedahay, Ninkii doonaya inuu Xisbiga Guddoomiye ka noqdo ha soo ciyaaro, Reer baa lagu wareejinayaa ama Qof baa lagu wareejinayaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waa wax aan jirin..” Maayarka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Cidda Rabta (Guddoomiye-nimada Kulmiye) iyadoon Reerna dabada ku hayn ha soo abaabusho kooxdiisa, Xildhibaannadiisa, marka Shirka Golaha dhexe la isugu yimaaddo ee Guddoomiyaha la dooranayo ololihiisa ha ciyaaro, laakiin wax reerka Aan Anigu ka soo jeedo uu leeyahay Annagaa leh ee keena sax maaha..” ayuu yidhi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maamulka Dugsiyada Nuuradiin ayaa waxaa ay maanta hadiyado qaali ah ay siyeen 10 ardey ee ugu sareeyey dusiyada Nuuradiin . Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudomiyaha xisbiga UCID , hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani , aqoon yahan iyo marti sharaf kale, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan Hassan Rouhani ayaa muddo labo bilood ah u qabtay dalalka reer Yurub si ay u bad-baadiyaan heshiiskii 2015-kii laga gaaray Nukliyeerka dalkiisa. Hassan Rouhani ayaa sheegay in Iiraan aysan marnaba u dulqaadan doonin xad gudubyo dheeraad ah oo lagu sameeyo heshiiskaasi kuwaasi oo uu sheegay inay keeni karaan “saameyn aan caadi ahayn”. Xukuumadda Tehraan ayaa diidey Yabooha dalal Yurub waxaana ay dalbatay in heshiiska lacag ahaan loo siiyo ama looga iibsado saliidda ceeriin ee ay hodonka kutahay Iiraan. Muddaynta Iiraan waxa ay imaanaysaa ayada oo saraakiisha Iran ay jawaabo is-khilaafsan ka bixiyeen yabooh ka yimid Faransiiska oo ah in la deyminayo 15 bilyan oo dollar illaa dhammaadka sanadka, haddii ay Iran si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska. PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Iiraan oo Laba bilood u qabtay wadamada Reer Yurub. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka hadlay ciidamada ay Dowlada federaalka Soomaaliya ay geyso deegaano kamid ah maamul goboleedyada dalka. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan maamul goboleedyadu u baahneyn ciidamo Muqdisho laga diro, balse ay u baahanyihiin dhismaha ciidan amniga deegaannadooda sugi kara. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in ciidamada DF Soomaaliya ay Muqdisho ka dirto si ay howl-galo uga fuliyaan deegaano ka tirsan maamuul goboleedyada dalka, ay horseedi karaan bur-bur ku imaada dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Cabdiraxmaan ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Ciidan Soomaaliyeed oo Muqdisho laga soo diro oo gobollada dalka hawla kasoo fuliya waxey ka mid ahayd sababihii horseeday burburka dalka. Dawlad Gobaleedyadu uma baahnin ciidan kor looga keeno ee waxay u baahan yihiin dhismaha ciidan amniga deegaannadooda sugi kara. Waxaan loo baahan yahay ciidan dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansan ee looma baahna ciidan damaca siyaasadeed ee madaxda markaas joogta ku shaqeeya. Inta aanan meel kale loo dirin, ciidanka Muqdisho laga dirayo waa in ay shacabka Muqdisho ka badbaadiyaan canshuurta ay Al-shabaab Dekedda iyo ganacsiyada kale ka qaadaan. Nidaam xukun oo xarun dhexe ka talis ah, ciidan hawada siyaasadeed ee madaxda talada heysa ku shaqeeya iyo hab dhaqan ka guul wadeynta ah waa tijaabo horay loogu soo hoogay, waana tan aan ku diiddanahay kooxda Nabad iyo Nolol la baxday”. Hadalkan ka soo baxay Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame , ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay magaalada Dhuusamareeb geysay ciidamo, kuwaasi oo ku biiri doono kuwa kale oo ka tirsan dowladda oo ku sugan magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Raysal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa dalbaday doorasho baarlaman oo waqtigeda laga soo hormariyo, taasi oo dhici doonta 15-ka October. Johnson ayaa dalabkan doorashada deg degga ah waxa uu maanta ka hor jeeediyey baarlamanka, maalin kadib markii ay xildhibaannada dusha u saareen guul-darro taariikhi ah, ayaga oo diiday in Britain ay heshiis la’aan ka baxdo Midowga Yurub. “Dowladdan waxay dalkan ka saari doontaa Midowga Yurub 31-ka October, waxaana na hortaagan hal shey oo kaliya, oo ah sharciga is-dhiibitaanka ee uu soo jeediyey hoggaamiyaha mucaaradka” ayuu yidhi Johnson. Johnson ayaa sheegay in codbixintii shalay ay siineyso hal ikhtiyaar oo kaliya, kaasi oo ah doorasho soo hormarta. Waxa uu sheegay in hanjabaaddiisa ah inuu Britain ka saarayo Midowga Yurub heshiis la’aan 31-ka October, ay 27-ka dal ee kale ee xubnaha ka ah ururka ku qasbeyso inay ogolaadaan heshiis ay doorbideyso Britain. Xildhibaanadda mucaaradka ayaa la filayaa inay maanta baarlamanka horgeeyaan sharci mar kale dib u dhigaya ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, si heshiis looga gaaro xeerarka lagu kala tagayo. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID ayaa qorshaynaya hab kuraasta looga kicin karo Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa oo wakhtigii ka dhamaaday isla-markaana muddo dheer si Sharci-darro ah u sii shaqeeya. Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI, Yoonis Axmed Yoonis iyo Xoghayaha xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID Cabdiqani Salaf (Kabtanka) oo Maanta si wada-jir ah ula hadlay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay inay doonayaan inay 5 kun Qof saxeexaan Qoraal ay ku codsanayaan inay kuraasta banneeyaan Xildhibaannada Golaha deegaanka Hargeysa, maaddaama oo ay waxba ka qaban waayeen Bilic-xumada sii kordhaysa ee Hargeysa, codsigaana loo gudbin doono Maxkamadda. Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI, Yoonis Axmed Yoonis oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi “Ramadaan illaa Maalintan aynu joogno Roobku wuu soo noqnoqdaa oo llaahay Raxmaadkiisa si wanaagsan ayuu ugu soo noqnoqdaa, laakiin waxaad mooddaa in Magaalada Hargeysa bilaa Maayar tahay, Dadweynaha Caasimadda waxaanu leenahay Hargeysa waa bilaa Maayar, markaan sidaa leeyahay waa wuu joogaaye waa Magac u yaal.” Yoonis wuxuu sheegay oo kale “Waxaanu doonaynaa in Shanta Degmo ee Caasimaddu nagala qayb-qaataan Codsi Golaha deegaanka ee Caasimadda lagaga tuurayo meesha, degmo walbana waxaanu ka doonaynaa kun Qof, 5 kun Qof haddaynu hello waxaynu iska tuuraynaa heeryada Dulmiga iyo Golahaa deegaanka ee aan Sharciga ahayn ee Caasimadda fadhiya..”ayuu yidhi. Xoghayaha xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID Cabdiqani Salaf (Kabtanka) ayaa isaguna yidhi “Hargeysa waa Magaalada ugu qashinka badan Magaalooyinka Somaliland, Roobku markuu da’o meel kasta Qashin baa xidha, Waddooyinkii suuqa waxa fadhiya dhiidhi iyo biyo Bakteeriyo ka buuxdo..” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ururka haweenka ee NOW oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay dacwad ka gudbiyeen telefishanka Horyaal oo baahiyey Barnaamij ka hadlaya hablaha qayila, sida ay hadalka u dhigeen. Haweenkan ururka NOW ka tirsan oo sheegay inay aad uga xumaadeen Barnaamijkaasi ka baxay Horyaal TV oo ka mid ah telefishanada ka hawlgala Somaliland. Afhayeenka ururka NOW marwo Samsam Maxamed Cige iyo xubno tiro badan oo ka mid ah ururkaasi ayaa soo bandhigay dareenkooda ku aadan barnaamijkaasi, waxaanay tidhi “Dhacdadii dhacday ee maalmahan ee Telefishanka iyo baraha bulshada ku jirtay oo aan ahayn dhaqan ay Somaliland u leedahay iyo dadka afka Soomaaliga ku hadla oo dhami ay dhaqan u leeyihiin, oo diinta aan ku wanaagsanayn oo dhaqanka aan ku wanaagsanayn, dawladdnimada ku wanaagsanayn oo fajiciso nagu noqotay oo inta damiirka lihi ay aad uga damqadeen, hay’adihii dawliga ahaa ee aanu shalay soo wadamarnay ugu hambalyeynaynaa sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen ee ay gacanta noo siiyeen arinkayaga Maxkamada waanu u gudbinay, xeer-ilaalinta waanu u gudbinay, wasaarada Daakhiliga ayaanu u tagnay, Warfaafintaanu u tagnay, ka hadhi mayn,’ ayay tidhi Afhayeenka ururka NOW Marwo Samsam Maxamed Cige. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa maanta sheegay in Maalinta Axadda ah ee soo socota uu dalku yeelanayo Guddiga tacliinta sare ee dalka, kuwaas oo la socon doona heerka tayada Waxbarashada sare ee dalkaas. Dhinaca kale Wasiir Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in 30% oo kaliya ay ardayda Soomaaliyeed helaan Waxbarasho halka 70% ay guri joog iska yihiin. Waxaa uu sheegay in ardeydaas u nugul yihiin ka qeybgalka colaadaha Dalka loona baahanyahay in arrintaas wax laga qabto. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Imtixaan ay ka qaadeen Macalimiinta Hoose iyo dhexe 22% kaliya ay u qalmaan in ay macallimiin noqdaan isaga oo soo jeediyay in sidoo kale 78% Macallimiinta wax la baro. Cabdullahi Goodax Barre ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed bixiyaan Canshuurta haddii kalena dowladda tuugsan doonto taas oo ka dhigan in ciddii lacag siiya amarkeeda ay ku shaqeyn doonto. Waxa uu sheegay Wasiirka in ay tahay in ardayda dugsiga Hoose iyo Dhexe loo dhigo sanadkaan bugaagta manhajka dowladda,isla markaana iskuulkii kasoo horjeesta ay albaabada laabayaan. Waxa uu intaa kudaray in sanadkaan intaa uusan dhamaan ay soo dhameystirayaan buugaagta ka harsan manhajka ee lagu dhigo fasalada 9aad ilaa 12aad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
On Thursday last week, officers from the Anti-Terror Police Unit (ATPU) shot and killed 45-year-old Hamza Mohamed in Bombolulu, Mombasa. They claimed Mohamed was a terrorist. Source: Hiiraan Online
-
“Ma jirto aragti Kenya ku xireysa Axmed Madoobe marka laga reebo xaqiiqada ah in uu yahay qofka ugu wanaagsan ee dhinacaas ka dammaanad qaadi kara nabadgelyadeena, taasina waa danteena, Arrintu waxa ay xiriir la leedahay xasiloonideena, horumarkeena iyo Nabadgelyadeena” Peter Kagwanja-Jaamacadda Nairobi 22 Bishii August-2019 waxaa magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar ah u ah dowlad-goboleedka Jubbaland kadhacay doorashooyin kala duwan oo is khilaafsan kuwaas oo natiijadii kasoo baxday ay noqotay 3 madaxweyne, Axmed Madoobe oo 2013-2019 hoggaamiye iyo madaxweyne ka ahaa dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbland, Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo katirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Cabdinaasir Seeraar Maax Afhayeenkii hore ee Jubaland oo mar ay jaal ahaayeen Axmed Maxamed Islaan. Doorashadaas oo guddiga doorashada ee Jubbaland shaaciyey in uu ku guuleystay Axmed Madoobe waxa natiijadeedii diiday dowladda federalka ee Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo sheegay in hab-socodka doorashadu ahaa mid hal dhinac ah oo aan loo ogolaan dhinacyada kale in ay si furan ugu tartamaan, sidaas awgeedna aanay suuragal ahayn in ay hesho aqoonsi iyo sharciyad balse Kenya guusha Axmed Madoobe ayay u hambalyeeysay taas oo ahayd astaan yar oo kamid ah astaamaha muujinaya heerka faragelinta Kenya ee Arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo ay Qaanuun ahaan reebban tahay in dowladi faragelin ku sameyso arrimaha gudaha dowlad kale oo kamid ah QM. Faragelinta ciidan ee Kenya ku soo gashay Soomaaliya February 16-2011 laba Batalyan oo tiro ahaan u dhigmay 2400 oo askari ayaa kasoo gudbay xadka Soomaliya la leedahay Kenya iyaga oo taageero farsamo iyo mid xoog siinaya Jabhaddii Raaskaanbooni oo uu aas-aasay Sheekh Xasan Turki balse uu hoggaamiye dagaal ka ahaa Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) dabayaaqadii 2009 Jabhaddii Raaskaanbooni waxa ay la midowgii Jabhaddii Xisbul Islaam iyada oo ay hoggaamiyeyaal sare ka noqdeen Sheekh Cumar Imaan, Sheekh Xasan Dahir, Sheekh Xasan Turki iyo Axmed Madoobe Ujeedka waxa lagu sheegay in Kenya xakameyso dembiyada Afduubka iyo dilka isugu jira oo kadhaca gudaha iyo xudduudka Soomaaliya iyo Kenya hayeeshee October-2011 rag hubeysan oo galay gudaha Kenya ayaa dilay Nin dalxiis ah oo u dhashay Ingiriiska waxa ayna qabteen xaaskiisii iyaga oo afduubtay xaaskii dalxiisaha Ingiriiska ah, haweeney Faransiis ah iyo laba shaqaale gargaraar oo u dhashay Isbayn. Dhacdadaasi waxa ay welwel badan ku dhalisay dhaqaalaha Kenya kasoo gala dalxiiska iyo guud ahaan nabadgelyada gobolka NFD ee Kenya haysato oo xudduud la leh degmada Lamu balse falkaasi waxa uu Sabab macquul ah u sameeyey faragelinteeda ciidan ee Soomaaliya, 3 maalin kaddibna Kenya waxa ay shaacisay faragelinta Millateri ee ay ku sameynayso Soomaalia. Sameynta Dhul katirsan Jubbooyinka oo u go’an Kenya (Buffer zone) Sida ay shaacisay kooxda ka faaloota xasaradaha adduunka ICG xubno sare oo katirsan ciidanka KDF iyo siyaasiyiin uu kamid ahaa Wasiirkii difaaca ee Kenya Yuusuf Xaaji ayaa islagartay qorshe saddex af leh oo isugu jira Dagaal, dano Ganacsi iyo in Koofurta Webiga Jubba laga sameeyo dhul u gaar ah Kenya (Buffer zone) oo ciidanka KDF u maamulo si dhammeystiran iyada oo danta laga leeyahayna tahay in dhaqdhaqaaqa Alshabaab loo riixo Waqooyiga Webiga oo ah deegaan laga heli karo awood ciidan oo kadhan ah Alshabaab. Ujeedka dagaalka ayaa ahaa qabsashada dekedda Kismaayo iyo kasameynta dano-ganacsi iyada oo siyaasiyiinta Beesha Ogaden ee xiriirka wanaagsan la leh Kenya ay fududeeyaan sida ugu sahlan ee Jubbaland u geli karto gacanta ciidanka difaaca Kenya, taasna waxa kulammaansanaa in siyaasiyiinta beesha Ogaden la siiyo ballan-qaadka awood ciidan iyo mid farsamo oo ay ku qabsadaan Jubbaland halka beelaha kale la siin wax qiimeyn ah si khilaafku uga sii dhex taagnaado Soomaalida dhexdeeda. Diidmada Mareykanka ee sameynta Dhul u go’an Kenya oo kamid ah Jubbooyinka & Sababta Diblomaasiyiin Mareykan iyo Ingiriis ah ayaa diiday in ay taageeraan qorshaha Kenya iyaga oo taas beddelkeeda kulataliyey madaxweyne Mwai Kibaki in uu taageero kana mid noqoto Kenya howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya Amisom balse taladaas waxa ay Kenya qaadatay laba sano kaddib markii qorshiheedii qayb ahaan hirgalay balse ay ka maarmi weysay taageerada Mareykanka iyo Ingiriiska, balse waxa ay qorshaha kudartay kaddib diidmada labadaas awoodood in ay xiriir dhow la yeelato laba Maliishiyo oo kala ah Raaskaanbooni iyo ciidan daacad u ahaa maamulkii Azania oo hoggaaminayey Prof Gaandi iyada oo labadaas Maliishiyaba ay kadhinac dagaalamayeen ciidanka Kenya illaa si rasmi ah Kenya u shaacisay faragelinteeda Milateri ee Soomaaliya halkaas ayuuna kazoo baxay in Kenya Axmed Madoobe in uu yahay Saaxiibka ugu fiican ee xaqiijin kara danaha Nabadgelyo, kuwa ganacsi iyo kuwa dhuleed ee Kenya. Sida uu daabacay Wargeyska Standard Media wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya waxa ay sameysay Olole iyo dadaal diblomaasiyadeed oo intiisa badan kasocday daaha-gadaashiisa si Axmed Madoobe loo doorto mar kale iyada oo kafakareysa illaalinta Nabadgelyadeeda iyo danaheeda gobolka oo hadda si weyn isu soo taraya, taasina waa sababta keenta in ay kala boodaan danaha arrimaha dibadda ee Kenya oo hadda saaxiib weyn u aragta Axmed Madoobe iyo Itoobiya oo u aragta Madoobe saaxiib hore oo uu lahaa xukunkii hore ee Tigreegu. Waxa kale oo Kenya u muuqday in dib u doorashada Axmed Madoobe ay kaalin fiican kaqaadan karto dadaalka Kenya eek u wajahan Arrinta badda Soomaaliya ee Kenya gelisay muranka taas oo go’aankeedu horyaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (International Court of Justice (ICJ). In Kenya kadhex aragto danaheeda dib u doorashada Axmed Madoobe waxa ay keentay in Itoobiyana kadhex aragto danaheeda in Madoobe lumiyo kursiga, waxa uu si dhow ula shaqeeyey Itoobiya isaga oo xubin ka ahaa Maxkamadihii Midoobay balse waa is beddelay markii uu billaabay in uu Kenya kalashaqeeyo la dagaallanka Alshabaab si ay ugu taageerto in uu qabto hoggaanka Jubbland islamrakaana ku taageertay doorashdiisii muranka badan dhalisay ee 2013. Hindisaha Kenya ee hirgelinta dowlad u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya (Buffer state) Sida ay daabacday Africa Report Qorshaha hirgelinta dowlad gaar ah (Buffer state) oo deris la ah Kenya lana yiraahdo Jubbaland Kenyana u taqaan Koofurta Soomaaliya waxa uu soo billowday horraantii sanadkii 2009. Moses Masika Wetangula Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Kenya intii u dhexeysay 2008-2010 ayaa dadaal badan geliyey horumarinta aragtida hirgelinta dowlad go’doonsan oo u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, taas oo loogu talagalay in ay Mustaqbalka u babac-dhigto loollanka u dhexeeya labada dal iyada oo taageero farsamo iyo mid ciidan ka heleysa Kenya. Xaashiyo diblomaasiyadeed oo loo dusiyey Wikileaks ayaa muujiyey in sanadkii 2009 sargaal sare oo katirsan wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanku uu u sheegay Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetangula in Mareykunka si adag uga soo horjeesan doono hindisaha Kenya ee hirgelinta dowlad gaarka ah, isaga oo sababta kusheegay in hindisaha Kenya yahay mid xun oo uga sii daraya xaaladda nabadgelyada iyo xasiloona Soomaaliya, islamrkaana ay aragtidaasi lid ku tahay aragtida dejinta Soomaaliya oo Mareykanku qayb ka yahay. Laba sano kaddib hindisaha hirgelinta dowlad gaarka ah (Buffer state) oo ay Keynya dooneyso in ay kadhisto Koofurat Soomaaliya waxa ay billowday faragelinta ciidan ee Soomaaliya, iyada oo taageero ka heleysa Mucaskarkii Raaskaanbooni oo markan uu hoggaaminayo wadaaygeeda ugu habboon ee Axmed Madoobe waxa ay xoog saartay sidii ay Alshabaab uga saari lahayd Kismaayo oo ah meesha ay dhul ahaan ka hirgeleyso dowladdaasi, qorshuhu waxa uu ku billowday gacan ku haynta xarumaha muhiimka ah ee Kismaayo sida Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha kaddibna taageeridda dolwad awood leh oo kadhisanta gobolka. Xigasho: Mustaqbal Radio
-
Muqdisho (SMN) – Ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cali Guyo ayaa amaanay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhisida ka socda Galmudug. Wakiilka IGAD ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada in si nabdoon oo loo dhan yahay ay u dhacaan geedi socodka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka maamulka Galmudug. Guyo ayaa ugu baaqay dhinacyada Galmudug inay ka shaqeeyaan si wadajir ah xalinta khilaafka taagan iyo dhismaha maamul cusub, oo ku yimaada qaab dimuqraadi ah. Wuxuu xusay in doorashada nabad iyo dimoqraadi ah oo ka dhacda Galmudug ay abuuri doonto horumar la taaban karo oo ay kamid yihiin dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha taas oo gacan ka geysan doonta gaaritaanka qorshaha guud ee dib usoo celinta Soomaaliya. Ergeyga gaarka ah ee IGAD wuxuu u mahadceliyay saaxiibada beesha caalamka taageeradooda aan kala go ‘lahayn ee Soomaaliya oo hadda ka soo ka banaysa colaad muddo dheer socotay iyo dhibaatooyin kale. Ugu dambeyn Mudane Guyo ayaa markale ku celiyay sida ay uga go’antahay IGAD inay sii waddo wada-shaqeynta ay la leedahay Galmudug iyadoo ay weheliso dadaalkooda ku aadan dib-u-heshiisiinta iyo maamul loo dhan yahay oo wax ka beddeli doona Galmudug. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Rouhani ayaa si kastaba ka digay in Tehran ay diyaarineyo xadgudubyo kale oo dheeri ah oo ay ku sameyso heshiiska kuwaas oo yeelan doono “saameyn aan caadi ahayn” Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo saraakiisha Iran ay jawaabo is-khilaafsan ka bixiyeen yabooh ka yimid Faransiiska oo ah in la deyminayo 15 bilyan oo dollar illaa dhammaadka sanadka, haddii ay Iran si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska. Sarkala sare ayaa sheegay in Iran ay u hoggaansameyso heshiiska haddii lacagtaas dayn ahaan loo siiyeo, ama looga iibsado saliid, halka taleefishinka dowladda ee Press TV uu sheegay in Tehran ay diiday yabooha Midowga Yurub. Iran ayaa ka baxday sanado badan oo go’doon dhaqaale ah, kadib markii ay heshiiska la gaartay quwadaha caalamka, sanaddii 2015, ayada oo dhaafsaneysa in cunqabateenada laga qaado, hase yeeshee madaxweynaha Mareykanka ayaa ka baxay heshiiska sanadkii tagay, dibna usoo rogay cunaqabateenada. Rouhani ayaa ku hanjabay in Iran ay qaadi doonto tallaabooyin dheeri ah shanta bishan haddii Faransiiska iyo dalalka ee Yurub ee heshiiska qeybta ka ahaa ayasan in ku filan ka difaacin Iran xayiraadaha Mareykanka. Source
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Sare u kac xoog leh ayaa ku yimid Qiimaha lagu raaco Diyaaradaha rakaabka ee isaga kala goosho Magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi kadib amarkii kasoo baxay dhawaan Dowladda Soomaaliya ee lagu amray inay Diyaaradaha tagayo iyo kuwa ka baxayo Kismaayo ay soo maraan Magaalada Muqdisho. Go’aankaas kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo dhaqan galay ayaa sabab u noqday inuu sare u kaco qiimaha lagu raaco Diyaaradaha Kismaayo iyo Nairobi. Diyaaradaha Rakaabka ee labadaas Magaalo ayaa markii hore lagu raaci jiray ilaa lacag gaareyso 230 Dollar halka hadda lagu raaco 290 Dollar taasoo ka dhigan inuu jiro qiimo koror dhibaato ku ah dadweynaha. “Walaaca aan qabno wuxuu yahay in muddadii lagu safri jiray ay markii hore ahayd saacad iyo bar markii uu duulimaadka uu ahaa toos, hadana Muqdisho in la maro ayay noqotay oo wakhtiga wuu dheeraaday, dadka rakaabkana dhib ayay ku noqotay wayna iska dhaafeen safarka, anaguna dhibaato ayey nagu noqotay”, ayuu yiri Cabdi Macalin oo ah maamulaha shirkadda Freedom Airline . Wuxuu intaas ku daray inay yaraadeen Dadkii Diyaaradaha u raaci jiray Kismaayo iyo Nairobi maadaama waqti badan uu qaadanayo safarka. Go’aanka xayiraadda lagu saaray Diyaaradaha Kismaayo tago iyo kuwa ka imaado ayaa kusoo aadayo ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashadii Jubbaland oo ay ku tilmaamtay mid aan sharci aheyn. Tallaabada ay Dowladda qaaday ayaa la rumeysan yahay inay tahay mid culeys lagu saarayo Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qabsaday doorasho dib loogu soo doortay oo aysan door ku laheyn Dowladda Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com