-
Content Count
209,374 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Caasiamda Online, ayaa ogaatay in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ay gaareen saxiixiyaasha heer federaal iyo heer dowlad gobaleed ee matala beesha reer Xaaji Saleebaan ee degta magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud. Imaam Cumar Macalim Abshir, Nabadoon Bashiir Ereg iyo Nabadoon Jabuuti, oo ku jira liiska odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ka diiwaangashan wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya iyo Galmudug ayaa ka baxay magaalada Muqdisho waxaana la geeyay Dhuusamareeb. Odayaashaan ayaa ah kuwa ugu sarreeya ee leh saxiixa beesha reer Xaaji Saleebaan oo diidan ka qaybgalka shirka dib u hehsiisiinta Galmudug waxaana muuqata in ay ku gacan seereen dhaqanka Cadaado. Sidoo kale saddexdaan oday dhaqameed ayaa ah kuwii sanadkii hore ee soo xulay xildhibaanada Galmudug ee heer federaal iyo dowlad gobeleed (Galmudug), waxaana la sheegay in ay haddaba ku mashquulsan yihiin xulista xildhibaanada cusub ee Galmudug oo ay socoto diyaarintooda. Wasiiru-dowlaha wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya mudane Qoor Qoor ayaa la sheegay in uu ka shaqeeyay sidii ay odayaashaan u tagi lahaayeen shirka Dhuusamareeb ka furmaya iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in la fuliyay sharuudo ay ku xireen tagitaanka Dhuusamareeb. Maalmo ka hor odayaal ka hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in aysan ka qaybgalin kana qaybgali doonin shirka dib u heshiinta Galmudug ee lagu wado in uu ka qabsoomo Dhuusmareeb ilaa ay dowladda Soomaaliya xaliso tabashadooda. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Iyadoo bilihii u dambeeyay ay Al-Shabaab kor dhiyeen canshuurta ay ka qaadaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa shabakadda Caasimada Online waxay baaritaan ku sameysay hanaanka ay Shabaab canshuurta uga qaadaan shacabka Muqdisho. Caasimada Online ayaa ogaatay halka uu ku yaallo saldhigga maaliyadda Al-Shabaab oo ay uga yeeraan dadka ku cusub nidaamkooda ee ay diiwaan galinayaan. Al-Shabaab ayaa saldhig maaliyadeed ku leh meel 15-KM u jirta degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana halkaas ugu taga qof kasta oo ay u yeeraan si ay ugu waajibiyaan canshuurtooda bilaha ah. Qof ka mid ah dadka maalmihii u dambeeyey ay u yeereen Al-Shabaab ayaa Caasimada Online u waramay “Waddo uu Jaay saaranyahay oo ka baxda degmada Deyniile ayaa tagta meesha ay saldhiga canshuurta gobolka Banaadir ku leeyihiin Al-Shabaab”, ayuu yiri ruuxa la hadlay Caasimada Online intii ay waday baaritaankaan. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay canshuur ku bilaabeen Lambarkii ugu dambeeyay ee Taargada gawaarida oo ay bixiso wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya. Taargada Lambarkeedu yahay A_H oo soo baxday bil ka hor, ayaa xogta ay baaritaankaan ku heshay Caasimada Online waxa ay sheegaysaa in gaadiidka lagu xiray oo dhan dadkii iibsaday looga yeeray duleedka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah dadkii iibsaday ama gatay gaadiid cusub ee ku xirtay Taargada A_H oo ay u yeereen Al-Shabaab una tagay ayaa u waramay Caasimada Online. Nin ka mid ah dadkaas oo isagu soo iibsaday gaari HOME ah ayaan kasoo xiganeynaa “Markii aan gaariga kala soo baxay Geerishkii la iiga iibiyey oo aan kusoo xirtay Taargada A_H ayaa waxaa isoo wacay Al-Shabaab, waxey igu dhaheen waa adiga soo iibsaday gaariga nuucaas ah magacaaguna yahay hebel-hebel, waxaa lagaa doonayaa canshuurta gaariga ee imaaw xaafiiska maaliyadda Al-Shabaab”. Waxuu sheegay inuu markaas dareemay walwal iyo cabsi badan, isagoo bilaabay inuu la tashado dad badan, kaddibna looga dhigay wax aan dhib laheyn, isla markaana ay dadka dhan kula taliyeen inuu u hoggaansamo amarkooda oo uu ugu tago halka ay uga yeereen. “Waxaan nin saaxiibkey ah kasoo qaatay Mooto uu lahaay oo FEKON ah (labo lugooley) uma aana sheegin meesha aan u wadanayo waxaan garaash ku xareystay garigeygii cusbaay waxaan raacay tilmaantodii oo ahayd inaan soo raaco waddada Jaayga la saaray ee ka baxda degmada Deyniile”, ayuu yiri qofka la hadlay Caasimada Online oo aan magaciisa qarinay. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri “Waxaan raacay waddadii ay ii tilmaameen markaan socday qiyaastii 15-KM ayaan u tagay rag iyaga ka tirsan oo waddada geeskeeda uu u yaallo gaari Kaarib ah, waxaan Mootadii aan watay uga tagnay meel keyn ah ama geedo dhexdood ah, waxaan raacay gaarigii ay wateen waxyar markii aan soconay waxay igeeyeen saldhigooda canshuurta”. Ninkaas waxuu noo sheegay in Al-Shabaab ay ka qaadeen lacag dhan $200 (labo boqol oo Dollar) taas oo sharci u ah Al-Shabaab gor-gortana aysan ka galeyn. Intii aan wadnay baaritaankaan waxaan ogaanay in qofkii naftiisa uga baqa Al-Shabaab oo ay u cuntami weyso inuu ugu tago goobtooda inay u ogolyihiin in wakiil uu u dirsado, si ay ula macaamilaan una soo fahansiiyaan nidaamkooda canshuurta. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee Hantidooda lagu boobaayo dalka Koonfur Afrika. War qoraal ah oo uu Taabid Cabdi Maxamed soo dhigay bartiisa facebook, ayaa waxa uu dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dalbaday in dadkaasi la caawiyo si loo badbaadiyo Naftooda iyo maalkooda. Hoos ka aqriso qoraalka Taabid Boobka iyo dilka lagu hayo muwaadiniinteena ku nool dalka South Africa ee soo laalaabtay ma ahan mid indhaha laga qarsan karo. South Africa waxaan u galnay abaal weyn oo taariikhda Afrika iyo caalamkaba meel uga qoran, maanta in ay muwaadiniinteena sidaas foosha xun ula dhaqmaan waa wax aanan la aqbali karin. Dowladda South Africa, waa in ay si deg deg ah wax uga qabataa gummaadkan aan kala sooca laheyn ee loo geysanayo wallaalahooda Afrikaanka ah ee qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha South Africa. Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa in ay arinkan wax ka qabato oo ay u dirto wafdi heerkiisu sareeyo si looga dhiidhiyo waxna looga qabto tacadiyadan joogtada ah ee muwaadiniinteena lagu hayo. Sidookalena iskaashi kala sameyso wadamada Afrikaanka kale ee aan dhibtan la waddaagno si ay cabasho wadajir ah ugu wada gudbiyaan Midowga Afrika. Ilbiriqsi walba naf iyo maal Soomaaliyeed baa ku baaba’aya sidaa daraadeed waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmadaa muwaadiniinteena. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goob joog ka noqday saxiixa heshiis nabadeed oo ay gaareen bulshada ku nool deegaannada Xeraale iyo Huurshe ee gobalka Galguduud. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay in lagu guuleysto dhammeynta colaadda dhiigga badani ku daatay iyo saxiixa heshiiska bogga iyo nolosha cusub abuuraya, ayaa bulshada Huurshe iyo Xeraalle kula dardaarmay in ay ilaaliyaan oo aan dib loogu laaban colaaddii, lagana barto casharro nololeed. Heshiiska dhex maray bulshada Xeraale iyo Huurshe ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu taariikhda dalka baal dahab ah ka gelayo, waxa uuna bulshada Galmudug iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay uga daydaan geesinnimada lagu dhammeynayo colaadaha, deegaan kasta oo colaad ay ka jirto lasoo af-jaro, nabaddana la qaato si horumar loo gaaro. Odayaasha labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyey dadaalladiisii hagar la’aaneed oo ugu dambeyn sababay in reer Xeraale iyo Huurshe ay wada saxiixaan Heshiiska nabadeed oo bilaaw u ah nolol iyo iftiin cusub oo ay ku naaloodaan dad walaala ah oo ku kala irdhoobay colaadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaadeynso dowrka uga aadan hir-gelinta qodobada heshiinska nabadeed ee wadajirka ay qalinka ugu duugeen reer Huurshe iyo reer Xeraale.
-
Ugu horreyntii wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS oo kaashaneysa guddiyada wada xaajoodka ee dawlad goboleedyada waxay ku guuleysatay in magaalada Baydhabo lagu gaaro heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay Soomaali oo dhan wada sugeysay oo ku saabsanaa in heshiis laga gaaray lahaanshaha, maamulka & wadaagga kheyraatka dabiiciga (batrool & macdan), bishii June 5teeda sannadkii hore ee 2018ka. Heshiiskan waxa wada saxiixay dhinaca xukuumadda Ra’isul Wasaaraha JFS, dhinaca kale na madaxweynayaasha dawlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, waxaana goob joog ka ahaa Madaxweynaha JFS. Gudbintii iyo ansaxintii sharciga dib u eegista bataroolka ee barlamaanka waxa ay ahayd tallaabo taariikhi ah oo saldhig u noqoneysa horumarinta kheyraatka dalkeenna, taasoo doodo iyo wada tashiyo dheer kadib uu golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo na ansixiyey 20kii bishii May ee sannadkan 2019-ka. Sida ku cad sharciga dib u eegista Batroolka wuxuu tixgelinayaa dhammaan heshiisyadii ay dawladdii Soomaaliya la gashay shirkadihii caalamiga ahaa ee shidaalka intii ka horreysay sannadkii 1990kii iyo kadib unkiddii dawladda Federaalka ee Soomaaliya sannadkii 2012, iyadoo shirkadahaas ay diyaar u noqonayaan in ay bixiyaan wixii lagula heshiiyey oo kiradii dhulka ee ku aruurtay iyo in heshiiyadii hore lala galay oo ahaa nooca loo yaqaanno CONCESSION loo beddelayo heshiiska cusub oo uu sharcigan qeexayo oo ah heshiiska wax-soo saar wadaagga (production sharing agreement). Iayadoo taas laga duulayo, Wasaaradda Batroolka & Macdanta JFS waxay xiriir la sameysay shirkadihii heshiisyada shidaal qodis hore u haystay, si ay usoo caddeeyaan inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya kula shaqeeyaan nidaamkan cusub iyo inay fasaxayaan heshiisyadoodii (Relinquishment). Shirkadihii muujiyey inay dib u daneynayaan inay Soomaaliya maalgeshtaan waxa ka mid ahaa isu-tagga labada shirkadood ee SHELL & EXXON MOBIL. Wada hadallo muddo dheer socday kadib waxay wasaaradda iyo shirkadahaas isu tagay ee shell & exxon mobil ku gaareen is afgarad ka dhacay magaalada Amesterdam ee dalka Holland bishii June ee sannadkan 2019ka, kaasoo ay shirkadahaasi ku oggolaadeen inay bixiyaan kiradii dhulka ee ku aruurtay tan iyo 1990kii iyo inay dhowaan wasaaradda usoo bandhigayaan qorshahooda (Roadmap) ay Soomaaliya dib ugu soo noqonayaan si ay u maalgeshtaan xermooyinkii (Blocks) ay horay u lahaayeen iyadoo sharcigan cusub ee Batroolka lagu saleyn doono. Tallaabooyinka kale ee muhiimaddooda leh oo ay Wasaaradda xoogga saartay waxa ka mid ahaa inay indhaha caalamka iyo maalgashadayaashaba kusoo jeediso sidii loo maalgashan lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee shidaal iyo gaas ee Soomaaliya. Iyadoo taas laga duulayo ayaa hawl wadeennada wasaaradda oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda ay shirarka caalamiga ee shidaalka ay mar kasta kusoo jeediyaan indhaha maalgashadayaasha caalamka. Shirarkii ugu waaweynaa oo ay wasaaraddu abaabusho ilaa hadda waxa ugu muhiimsanaa kii aan ku qabannay magaalada London 7dii bishii February ee sannadkaan 2019ka. Shirkan waxay wasaaradda iyo shirkadda SPECTRUM oo mas’uul ka ah keydinta iyo iib geynta macluumaatka (DATA) laga aruuriyey qayb ka mid ah badda Soomaaliya, ku soo bandhigeen macluumaatkaas iyo sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay in la maalgeshto kheyraatkeeda. Waxa lasoo bandhigay 15 xirmood (blocks) oo ku fadhiya dhul baaxaddiisu tahay 75,000 Square Kilometer, oo sidii khubaradii soo bandhigtay ay sheegeen in kheyraatka dhex ceegaaga lagu qiyaasayo 30bilyan oo barmiil oo batrool ah. Shirkan wuxuu noqday mid indhaha caalamka kusoo jeediyey iyo muhiimadda ay leedahay in la maalgashto Soomaaliya. Waxa kaloo loo ballamay in la qabto shirar kale oo la mid ah kii London, iyadoo sida qorshaha yahay la qaban doono sannadkan laba shir kale oo mid lagu qaban doono magaalada Houston ee dalka Mareykanka iyo magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika. Dadaalladaas ay waddo wasaaradda, oo aan rajeyneyno in Soomaaliya ay maalgeshtaan shirkado caalami ah, waxay wax weyn ka tari doonaan kobaca dhaqaalaha dalkeenna, dib usoo celintii kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada oo ay kooxaha nabaddiidka uga faa’ideystaan inay xasilloonada dalka kula dagaallamaan iyo ka hortagga saboolnimada ay sababtay dagaalladii sokeeye iyo abbarihii is daba joogga ahaa oo uu dalka soo maray. W/Q: Mudane Adirashid Ahmed Mohamed Wasiirka Bataroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaliyeed AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
African Development Bank announces senior appointment in Asia Abidjan, Cote d’Ivoire, 3 September, 2019 – The president of the African Development Bank, Dr. Akinwumi Adesina, has approved the appointment of Mr. Takashi Hanajiri, as head of the Asia external representation office in the Bank’s Tokyo office with effect from 16 August, 2019. Takashi has over 28 years of professional experience covering national fiscal and monetary planning, and international development and business relations, including bilateral and multilateral development assistance, foreign exchange policy development, debt management, investor relations, regional financial cooperation and currency swap arrangements. Until his appointment, he was a counselor at the Japan economic revitalization bureau in the cabinet secretariat of the Japanese government, leading the design of the government’s growth strategy in healthcare to address the challenges of a decreasing and ageing population. Takashi had a four-year stint (2009-13) at the Inter-American Development Bank (IDB) where, as senior advisor to the chief finance officer in the finance department, he gained valuable knowledge in the inner workings of regional multilateral development banks and development financing. He brings to the African Development Bank considerable knowledge of the economic policy-making processes of many countries and regions, including China, Korea, ASEAN, India, Central Asia, as well as Latin American and Caribbean countries. Dr Adesina said: “ The Asia External Representation Office of the African Development Bank Group is critical for building strategic alliances and partnerships with Asia to advance the Bank’s work in Africa, and for mobilizing resources for Africa. I am delighted that Takashi Hanajiri is joining the Bank to head the office. He brings extensive experience in Japan, and on development policies in Asia, as well as in Latin America and Caribbean. His breadth of knowledge and leadership will be important to deepen the Bank’s engagement with Asian countries.” Takashi started his career in 1991 at the Japanese ministry of finance, where he worked in several divisions, including international organizations, foreign exchange markets, regional financial cooperation, coordination, and government debt. He rose to become the director, fiscal investment and loan appropriation in the financial bureau, ministry of finance, a position he held until 2017. He had worked previously at the Japanese ministry of foreign affairs as the director, country assistance planning division II in the international cooperation bureau from 2013 to 2015. While at the ministry of finance, he also played a significant role in the development of the original plan of the 2016 and 2017 fiscal investment loan program (FILP), a policy scheme for government lending and investment of about $1.4 billion per year. He also monitored and assessed institutional loan portfolios, sector concentration, and the status of the largest lending projects. Takashi’s other key achievements include the planning and arrangement of Japanese official development assistance to developing countries in South Asia, Central Asia, Caucasia, Latin America and Caribbean regions, in which he ensured the effective utilization of available development tools, including soft loans by JICA, grant assistance, technical assistance and grass-roots activities. He holds a bachelor’s degree in Law from the University of Tokyo and a master’s degree in development economics from Yale University, USA. Qaran News
-
Waxaa maanta oo Arbaco ahayd galinkii dambe la shaaciyay liiska cusub ee Golaha deegaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag, kuwaas oo ka kooban 28 xubnood oo Sagaal ka mid ah Haween yihiin. Dhaarintii Golaha cusub degmada Badhan Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa hogaaminaysay hanaanka doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Badhan, waxaana goob joog ka ahaa wasiiro, xildhibaano, guddoonka gobolka, cuqaal, haween iyo waxgarad. Guddoomiyaha degmada Badhan Golaha cusub ee degmada Badhan ayaa Guddoomiye u doortay Axmed Maxamed Timir oo wareegii ugu horreeyey helay 16 cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamed Cabdiqaadir Yusuf uu helay 12 cod. Doorashada Guddoomiye ku xigeenka degmada Badhan ayaa ahayd mid xiiso badan, Xaawo Maxamuud Faarax ayaa loolan adag la gashay Shan murashax oo oo Afar ka mid ah rag yihiin, waxayna wareegii saddexaad kaga adkaatay 15 cod musharaxii la tartamayay Xasan Cali Xasan oo helay 13 cod. Guddoomiye ku xigeenka degmada Badhan Xaawo Maxamuud Faarax ayaa noqotay Haweeneydii ugu horeysay oo xil sare ka qabata dowladaha hoose ee Puntland. Guddoomiye ku xigeenka degamada Badhan Xaawo waa gabar dhalinyaro ah oo madax ka ahayd urur arrimaha bulshada ka shaqeeya, waxayna aqoon u leedahay maamulka iyo maaraynta oo ay ku diyaarisay heerka koowaad ee jaamacadda. PUNTLAND POST The post Puntland: Haweeneydii ugu horreysay oo xil sare ka qabata dowladaha hoose appeared first on Puntland Post.
-
A wake-up call to the Governmentto save the endangering lives of its IDPs. There were almost over 250’000 Internally Displaced Persons (IDPs) in Somaliland before the current conflict in Sanaag Region. Recently several thousands of new IDPs have fled their homes due to Sanaag Region conflicts. Internally Displaced Persons are people who are forced to flee their homes due to natural disasters, human-made disasters, violations of human rights, generalized violence and armed conflict; but who remain within their own country. The IDPs in Somaliland was affected by droughts, by tsunami and by conflicts that together affected 60 per cent of the country’s rural population; but mostly these IDPs are forced due to droughts. The theme of my article is to bring the issue of these suffering citizens among us in the light and draw the attention of all concerned to the life struggle that the IDPs are facing.It is a wake-up call to the leaders, to the government, to the international agencies, and to the community in large towards the people in the unrecognized IDP camps around all towns and villages of Somaliland; andthe many other IDPs dispersed among the communities; who were neglected through ineffective national governance and insufficient information to the international agencies. According to the above estimates Somaliland can be one of the countries with the most internally displaced people; but these IDPs in the country are not internationally recognized. This lack of information by the international community is due to the carelessness of the concerned institutions of the government. All displaced people whether internal or cross border displacement have a right to protection and to feed and care.The Government has a duty towards the IDPs, the international community has a duty to ensure that the rights of the IDPs are secured; the NGOs, the local governments, human rights institutions and the community at large have their respective roles of the responsibility to help these IDPs and enable them to have their independent sustainable livelihoods. These people who fled from the rural live when their livestock were drivenout by the droughts and come around all Somaliland cities and villages faced abject poverty, tenure insecurity and evictions or expulsions from where they temporarily settled. These IDPs are now in a sad severity and difficult life situation. We can describe that the government does not have any concernto the difficulty facing its poor communities. The Government and municipalities have the primary responsibility for the protection and welfare of the IDPs.It is the duty of the government to save the endangering lives of the country’s internally displaced people and to address this challengeand find positive solutions to this continuing displacement and reach a durable solution. These IDPs remained protracted in unrecognized IDP camps and villages in the last several years due to prolonged negligence from the government. And this displacement protraction caused a particularly traumatic impact on children, and placed them in high-risk circumstances that put them in need of specific protection measures. Many internally displaced families lose their children mostly less than five years of age; and the children at their school age lacked access to education. The government failed to exercise these constitutional duties towards the IDPs; and even did not yet talked about the IDPs issue and the problem they are facing. The government even failed to inform the international agencies about the severity and painful situation these IDPs are within; because Somaliland IDPs in the hundreds of temporary settlements in the country were not included in theGlobal Report on Internal Displacementpublished byUnited Nations in Geneva this year.The first thing that can be done for IDPs is to assess and ensure the number of families and persons considered as IDPs from the rural areas in the unrecognized temporary camps or dispersed among the local communities in the respective districts. After this assessment, the next step is to set temporary and internationally recognized IDP camps as per region; then provide them the essential human needs—food, tents, clothes, utensils, water, sanitation and free social services like health services for all & education for their children. In the world the IDPs are receiving sufficient food, water and other lifesaving materials from the international community every day, to help stop starvation and malnutrition; but Somaliland IDPs are lacking all these humanitarian supports because of the carelessness of the government of Somaliland. Such free essential life needs and basic social services secured for all the IDPs are only humanitarian aid which often fosters continuing dependence. On the other hand, this short-term humanitarian assistance has proven to be inadequate, unsustainable, and unsuited to the protracted nature of many IDPs crises. As such, these IDPs need to provide them coordinated efforts enablingthem to support themselves and find sustainable solutions for their displacement. In order to reach this goal, A Plan of Action for long-term strategy solutions should be introduced and spearheaded by the government and UNHCR, exactly after the first essential needs were provided to them. This multi-stakeholder should be contributed by other UN agencies, International Agencies, the World Bank, Humanitarian and academic Institutions, national NGOs, national rich companies and Individual experts. This action plan is aiming to call on all these relevant actors to step up their efforts around the priorities of contributing the help of the IDPs. This action plan is to launch fund and related resources raising project to buy enough livestock for every family identified as an IDPs from rural; enabling them go back to their rural life and manage their rural livelihoods. The implementation of this plan will provide sustainable livelihoods to all IDPs, resolve their standing problems, encourage self-reliance, improve opportunities to advance themselves, and promote their future dignity. We should know the fact that our cities becoming sanctuary to more and more internally displaced people is an urban phenomenon and represents a challenge to even the livelihoods of the urban people. Such influxes with no strategic plan to address and find solution can aggravate the existing living challenges and can cause future human risks.Because of these said challenges ahead of us, there is an urgent need to cooperate with the international community to discuss how Somaliland can build resilienceor empower the ability to cope with and rise to the inevitable challenges, problems and set-backs we are facing in the drought impacts and in the course of the climate change in our country. Adam Ali Younis aayonis@hotmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa lagu soo geba gebeeyay doorasho loogu tartamayay guddoomiyaha Golaha hoggaaminta Beelweynta Habargidir oo degta gobolada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Doorashadaas ayaa waxaa ku tartamay Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac iyo Generaal Maxamed Nuur Galaal, waxuuna Shirwac kusoo baxay 41-cod. Ergo ay iska xuleen xubnaha beeshaas ee ku shirsan Hobyo oo ka kooban 52 qof ayaa cod u qaaday labadaas musharax. Prof. Shirwac ayaa ku soo baxay 41-cod, halka Gen. Galaal oo la tartamayey uu helay 8-cod, waxaana sidaas doorashadii Hobyo ugu soo baxay Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac . Prof. Shirwac waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu dalka ka qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa, inuu ahaay Aasaasihii Jaamacadda Gaalkacyo, Murashixii Galmudug 2017-kii, madaxii Mashruuca Wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Hobyo, sidoo kale ahaa Mu’alifkii Heesta caanka ah ee QARAD, maamulihii Dugsigii sare ee Banaadir iyo howlo kale oo ku saabsanaa danta guud. Shirka ka socda magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo 5-ta bishan oo ku beegan Khamiista birito. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-04092019.mp3 View the full article
-
Asc dhamaan shacab weynaha jamhuriyada somaliland meel kasta oo aad joogtaan waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan shaqaalo weynaha shabakada caalamiga ah ee hadhwanaag news waxaanan ugu mahad celinaya siday bulshada ugu haqabtiraan wararka iyo dhacdooyinka dalka iyo dibada Haddan u gudo galo mawducan runtii waad ka dharagsantihiin xaalka ay ku sugantahay caasimadii dalku taasi oo laf jab ku ah qaranka somalilanddhamaantiin waxaad ka war qabtaan in waddoyinka caasimada qaarkood aan wax dibu u habayn ah lagu samayn tan iyo waagii dawladii siyaad bare waana wax laga xumaado in golayaashii deegaan ee kala danbeyay in anay waxba soo kordhin Hargeysa sidaa aad la wada socotaan xiligan waa xiligay ugu nasiibka xumaday waxaan u sabab ah golaha deegaanka uu hogaaminyaao maayir( solteco)kuwaas oo ku fogaan xoolo urursi balse ilaaway shaqadii loo doortay ma jiraan meelo ay ka baxaan biyaha roobku waana sababta ay u dhacaan dhibaatooyinka soo noqnoqda Hargeysi hadday sidan si ahaato wax dhici kara alle inaguma keene ina magaaladu baabado oo roobabka wax yeelo waa weyn u geystaan waayo magaalada hargeysi waa ceel sida aad lo wada soctaan Gabogabo Hargeysii hiilbay rabtaa waxay rabtaa mayir u shaqeeya ee aan ka shaqaysan waxay rabtaa gole degaan oo u adeega shacabkii soo doortay ee ma rabto gole deegaan oo ka dhunta shacabka xukumada dhexe waxaan ka codsanyaa inay dabo gal ku samayso golayaasha deeganka casimada iyo kuwa kale ee dalka Alla mahad leh baradho14@gmail.com Source
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Dagaal xoog leh ayaa caawa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Al-Shabaab wadada u galay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo marayey deegaan lagu magacaabo Cumar-dheere oo dhaca duleedka degmada Afgooye. Ciidamada ayaa la sheegay inay ku wajahnaayeen deegaanka Sabiib ee isla gobolka Shabeellada Hoose, kaddibna ay weerar jid gal ah ku qaadeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-Shabaab. Dagaal socday in ka badan saacad ayaa caawa deegaankaas ku dhexmaray labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan ilaa hadda la xaqiijin tiradooda rasmiga ah. Intii uu socday dagaalka ayaa Askar ka tirsan ciidamada dowladda waxa ay gurmad ahaan uga baxeen degmada Afgooye, waxayna halkaas kasoo qaadeen Askar ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka, kuwaas oo ay soo gaarsiiyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Al-Shabaab ayaa dib uga ruuqaansaday deegaanka ay ku weerareen ciidamada dowladda, kaddib markii looga awood batay dagaalka caawa ka dhacay deegaanka Cumar-dheere, waxaana la sheegay inay dib ugu laabteen deegaan lagu magacaabo Bacaacow oo aan ka fogeyn deegaanka uu dagaalku ka dhacay, kaas oo kolkii hore ay kasoo weerar tageen. Wali majiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinacyadii caawa dagaalamay ee Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xoogga dalka oo sida aan xogta ku helnay weerar jid gal ah lagu qaaday xili ay kusii jeedeen deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dalabka Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kiiska badda ee horyaalla Maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ. danjira Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siciid Fiqi oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay inay Soomaaliya aad uga xuntay isla markaana ay tahay wax aan cudur-daar loo heli karin codsiga ka yimid Kenya ee ah in dib loo dhigo dhagaysiga dacwadda muranka badda oo lagu wado inuu bilowdo maalinta Insiinta ah ee 9-ka bisha Sebtemebr, kaas oo socdan doona ilaa 13-ka bisha oo ku began maalinta Jimcaha. Tallaabada Kenya ay qaadday ayuu sheegay inay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraad ee badda Soomaliya ee Kenya ay muranka galisay. Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya ay ilaa maalinta Jimcaha kawar sugeyso Maxkamadda, isagoo sheegay in Soomaaliya qareenadeeda ay ku war galisay inaan la aqbali karin in dib loo dhigo kiiskaan oo ICJ horyaaley Shan sano. Ummadda Soomaaliyeed ayuu ka dabaday inay ku kalsoonaadaan looyaradooda oo uu sheegay inay dadaalayaan dowalduna aysan yeeli doonin in kiiskaas lagu xaliyo meel Maxkamadda ka baxsan. Kenya ayaa shalay ka codsatay maxkamadda ICJ in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo dhagaysiga kiiska badda, si ay u qabsato qareenno cusub oo difaaca. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa-(Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa warbixiyey arimaha safarkiisa uu ku joogo dalkaas. Muuse Biixi ayaa sheegay in Afrika 10-ka sano ee soo socda ay u guureyso iskaashi, isla markaana safarka uu ku joogo Jabuuti uu ka dhiganyahay mid iskaashi doon ah. Waxa uu sheegay in dalkaas loogu soo dhaweeyay si ay walaaltinimo ku dheehantahay, isla markaana uu kulamo la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka Jabuuti. Madaxweyne Muuse Biixi oo aan warbaahinta la wadaagin waxyaabaha ay isla meel dhigeeyn madaxda Jabuuti oo ugu qabsoomay safarkiisa, ayaa sidoo kale ka jawaabin su’aal laga weydiiyey marka uu soo gaba-gabeynayo safarkiisa. Madaxda Jabuuti ayuu ku amaanay sida ay uga shaqeeyeen dhismaha dhulkooda, isagoo sheegay in Jabuuti ay tahay halkii uu kusoo koray. Xiliga uu warbaahinta la hadlayey ayuu ku suugnaay Muuse Biixi meel buuro ah oo loo diyaariyey xanaaneynta xoolaha, waxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay sidii buurahaas ay ahaayeen xiligii uu arki jiray yaraantiisii iyo sida hadda looga shaqeeyey, shacabka reer Somaliland ayuu kula dardaarmay inay wax wada qabsadaan oo ka shaqeeyaan hormarinta dhulkooda sida reer Jabuuti oo kale. Caasimada Online Xaafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay Dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku guda jira hawlihii shaqo ayaa maanta oo arbaca ah booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan (Freezone)ka Jabuuti, iyadoo lagu soo wareejiyey dhismaha freezone ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado. Sidoo kale weftiga madaxweynuhu isla maanta waxa uu booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta. Ugu danbayntiina waxa madaxweynaha iyo weftigiisu booqdeen deegaanka Weeca oo u dhaw carta waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali). waxaana kormeerkaa ku wehelinaayey masuuliyiin kala duwan iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti. Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ujeedada safarka uu ku joogo dalka Jabuuti iyo Goobaha muhiimka ah oo uu booqday, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hobyo (SMN) – Shirkii mudooyinkii u dambeeyay ka socday magaaladda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa lagu doortay hogaanka cusub ee Beesha Habar-gadiir. Laba murashax ayaa ku tartantay xilka gudoomiyaha guud ee Beeshaasi, kuwaasi oo ay u coddeynayeen 52 xubnood. Prof Cabdullaahi Maxamed Shirac ayaa helay 41 cod, halka Jeneraal Maxamed Nuur Galaal uu helay 8; waxaana xumaadey 3 kale, sida uu guddigu shaaciyey. Xubno kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay doorashadan, iyaga oo u hambalyeeyay murashaxa guuleystay. Shirka Nabadda Hobyo oo labadii bilood ee lasoo dhaafey socday ayaa waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo berri oo Khamiis ah, 5-ta bisha August 2019. Mas’uuliyiin sar-sarre oo dowladeeda sida ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu waramayaa in uu ka qeybgelayo furitaanka shirkaasi. View the full article