Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Iska hor-imaadka oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo AlShabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Afgooye. Is-rasaaseynta ayaa ka dambeysay markii xoogaga Shabaab ay duulaan ku ekeeyeen fariisin ay halkaasi ku leeyihiin ciidanka. Inta la xaqiijiyey shan oo ah dhinacyadda ayaa ku naf-waayey isku dhaca oo la sheegay in uu in muddo ah socday. Ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalkan oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Soomaaliya iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab. Ciidanka xooga ayaa fariisin ka sameystay duleedka Afgooye si ay uga hubiyaan ammaanka guud ahaan magaaladaasi uu maro webiga Shabeelle. View the full article
  2. Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland S/Gaas Yaasiiin Cumar Dheere ayaa markii u horraysay todobaadkan socdaal ku tegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Taliyaha ayaa shalay booqday difaacyada ay ku sugan yihiin ciidamada Daraawiishta Puntland ee degmada Badhan gaar ahaanna saldhiga ay fadhiyaan ciidankii ugu dambeeyay ee ka soo wareegay Somaliland. Jenanka oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa halkaasi ka sheegay in Somaliland iyo Al-shabaab oo is-bahaystay ay doonayan in ay dagaal ku soo qaadan degmada Badhan iyo degaaannada kale ee gobolka Sanaag si ay u dhibaateeyan shacabka Puntland. S/Gaas Yaasiin Cumar wuxuu ciidamada ku amray in ay u diyaar-garooban difaaca gobolka iyo ilaalinta shacabka maadaama sida uu sheegay ay Somaliland doonayso in ay dagaal ku qabsato gobolka Sanaag. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Taliyaha ciidamada Puntland oo sheegay in Somaliland iyo Al-shabaab oo wada socda ku soo wajahan yihiin gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wakiilka cusub ee hey’adda Qaramada Midoobey ugu xilsaarran qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan(UNHCR) xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Johann Siffointe, oo wareejiyay caddaymihiisa aqoonsi wakiilnimo. Wasiirka waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNHCR si kor loogu qaado howlaha bini’aadanimo ee UNHCR ay ka fuliso gudaha dalka, isagoo tilmaamay in la hubiyo in si mutadawacnimo ah dib loogu soo celiyo dalka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo Yemen iyo in la isku dayo in la abuuro jawi sare oo hagaagsan iyo sare u qaadida heerka nololeed ee dhammaan Soomaalida. Waxa uu ka dhawaajiyay baahida loo qabo in la isku duwo dadaallada dhammaan mas’uuliyiinta Soomaalida iyo UNHCR si loo gaaro ahmiyadaha ugu sarreeya ee bina aadminimo ee dib-u-dajinta dadka soo gurya-noqonaya iyo in la siiyo taageerada lagama maarmaanka ah. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, Agaasimaha Habmaamuuska, AVV. Xirsi Xaaji Culusow, Kuxigeenka Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Mudane Takeshi Moriyama iyo mas’uuliyiin kale. View the full article
  4. Madaxweynaha wadanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku dhawaaqay inay heegan culus geliyeen ciidanka dalkaasi ee ku sugan xuduudka Colombia si ay uga hortagaan weerar kaga yimaada dalkaasi. Maduro, waxa uu sheegay in tallaabadaan ay uga golleeyihiin inay kaga hortagaan tallaaba kasta oo uu qaado dhiggiisa dalka Colombia Ivan Duque oo dhowaan dalbaday in loo baahan yahay isbedel ka dhaca Venezuela. Saraakiil katirsan wadanka Venezuela ayaa sheegay in laga shallayn doono waxa ay ugu yeereen “Dagaal sokeeye” oo ka dhex dhaca labada wadan, waxaana ay tilmaameen in Ivan Duque uu yahay shaqsi ku shaqeeya siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka. Maraykanka iyo Colombia ayaa taageero u muujiyey jabhado iyo dhaqdhaqaaqyada ka soo horjeeda madaxweyne Nicolas Maduro si ay xukunka uga tuuraan. PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Venezuela oo amray dagaal ka dhan ah Colombia iyo Maraykanka. appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay war kasoo saartay weerarada ajaaniib naceybka ee waddanka Koonfur Afrika, kuwaasi oo lagu beegsanayo ajaaniibta ay Soomaalida kamid yihiin. Hoos ka akhriso qoraalka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay maalmahan ishaa ku haysa rabshadaha ka dhacaya dalka South Africa oo ay ku noolyihiin muwadiniin Soomaaliyeed oo u badan ganacsato kuwaasoo weeraro lagu qaaday sanooyinkii lasoo dhaafay iyo rabshadaha hada dhacayaba ay kasoo gaadheen waxyeelo nafeed iyo mid hantiyeed. Dowlada Soomaaliya waxay ka xuntahay falalka boobka iyo barakicinta ah ee loo gaysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ganacsigooda, waxayna ka codsanaysaa dowlada South Africa inay ilaaliso oo ay damaanad qaado badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda. Ugu danbayn, dowladda Soomaaliya waxay muwaadiniinteeda deggan dalka South Africa ugu baaqaysaa in ay feejignaan iyo taxadar dheeri ah muujiyaan hadba wixii soo kordhana lawadaagaan safaaradda Soomaaliya dalka South Afrika View the full article
  6. Hobyo (SMN – Shirkii mudooyinkii dambe ka socday magaaladda xeebta ah ee Hobyo ayaa lagu wadaa in Khamiista maanta ah lasoo gabagabeeyo. Xiritaanka kulankaasi ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan mas’uuliyiin halkaasi tegi doonta gelinka hore ee maanta. Shirkan oo u dhaxeeya beelweynta Habar-gadiir ayaa waxaa Arbacadii lagu doortay hogaanka guud ee Beeshaasi. Gabagabadda ayey wararku sheegayaan in laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan qodobadda kasoo baxay isu imaatinkaasi. View the full article
  7. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa goob joog ka noqday saxiixa heshiis nabadeed oo ay gaareen bulshada ku nool deegaannada Xeraale iyo Huurshe ee gobalka Galguduud. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay in lagu guuleysto dhammeynta colaadda dhiigga badani ku daatay iyo saxiixa heshiiska bogga iyo nolosha cusub abuuraya, ayaa bulshada Huurshe iyo Xeraalle kula dardaarmay in ay ilaaliyaan oo aan dib loogu laaban colaaddii, lagana barto casharro nololeed. Heshiiska dhex maray bulshada Xeraale iyo Huurshe ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu taariikhda dalka baal dahab ah ka gelayo, waxa uuna bulshada Galmudug iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay uga daydaan geesinnimada lagu dhammeynayo colaadaha, deegaan kasta oo colaad ay ka jirto lasoo af-jaro, nabaddana la qaato si horumar loo gaaro. Odayaasha labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyey dadaalladiisii hagar la’aaneed oo ugu dambeyn sababay in reer Xeraale iyo Huurshe ay wada saxiixaan Heshiiska nabadeed oo bilaaw u ah nolol iyo iftiin cusub oo ay ku naaloodaan dad walaala ah oo ku kala irdhoobay colaadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaadeynso dowrka uga aadan hir-gelinta qodobada heshiinska nabadeed ee wadajirka ay qalinka ugu duugeen reer Huurshe iyo reer Xeraale. View the full article
  8. Wasaaradda deegaanka iyo beeraha dowladda Puntland ayaa ka digtey Ayax aad u tiro badan oo maalmihii ugu dambeeyey ku habsadey deegaamo katirsan gobolada Bari iyo Sanaag. Ayaxaan oo ka soo kicitimay wadanka Yemen ayaa ku habsadey beeraha Cawsane, Ceel-lahelay, Raq, Xudeera, Badhan, Hadaaftimo oo dhamaman katirsan gobolka Sanaag iyo deegaamo beereedyo katirsan gobolka Bari. Wasiiru dowlaha wasaaradda deegaanka, beeraha, isbedelka Cimilada iyo waraabka dowladda Puntland Cabdirashiid Cali Geelle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Badhan ayaa sheegay in Ayuxu uu saamayn ku yeeshay dhammaan deegaamada uu ku habsadey ayna qiimayn ku soo sameeyeen. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in uu hadda duulaan ku yahay deegaamada buuraleeyda ah ee gobolka Bari gaar ahaan aagga Galgala uuna Ugxaan badan ku reebay dhulkii uu horay u fariistay. PUNTLANDPOST The post Puntland oo ka hadashay Ayax fariistay gobolada Bari iyo Sanaag. appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-05092019.mp3 View the full article
  10. Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inuu ka furmo shirka dibu heshiisiinta beelaha degan deegaamada Galmudug. Waxaa magaalada ku sugan dhammaan ergooyinkii ka qaybgeli lahaa shirka sida ay sheegeen guddiga gacanta ku haya, inkastoo uu horay muddo saddex jeer ah shirku dib ugu dhacay. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maalmahaan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa waxaa uu furi doonaa shirkaan oo ahmiyaddiisu tahay dhismaha Galmudug ay ku midaysan yihiin dadka degan Galgaduud iyo Koonfurta gobolka Mudug. Ciidanka AMISOM, kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna ayaa aad u adkeeyey ammaanka guud ahaan magaalada Dhuusamareeb iyo goobaha uu shirku ka qabsoomi doono. PUNTLANDPOST The post Shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo ka furmaya Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
  11. Kenya will continue to work with other countries to deliver security in Somalia until the country is safe, Deputy President William Ruto has told BBC Hardtalk’s Stephen Sackur. Source: Hiiraan Online
  12. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Koonfur Afrika ka dalbatay in ay ilaaliso oo dammaanad qaaddo bed-qabka muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo hantidooda kadib markii ay soo batay weerarada lagu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi deggan. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay maalmahan isha ku haysay rabshadaha ka dhacaya dalka Koonfur Afrika ee ay ku nool yihiin muwaaddiniin Soomaaliyeed oo u badan ganacsato kuwaasi oo sida dowladdu sheegtay sannadihii u dambeeyay waxyeello nafeed iyo mid hantiyeedba ka soo gaartay weerarro lagu beegsaday. Dowladdu waxay walaac ka muujisay boobka iyo bara-kicinta loo gaysanayo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool iyo hantidooda waxaana ay ugu baaqday muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika in ay feejignaan iyo taxaddar dheeriya muujiyan hadba wixii soo kordhana la wadaagan safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika. Hoos ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Koonfur Afrika ka dalbatay in ay ilaaliso muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta guddoomiyay kullankii ugu horreeyay ee guddiga saddex geesoodka qaran ee arrimaha Shaqada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO. Dhismaha guddiga saddex geesoodka qaran ee arrimaha shaqada Soomaaliya oo wareegto kusoo saaray Wasiirka Sadiiq Warfaa ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga dhiso guddigan, waxaana kullanka maanta ka qaybgalay dowladda federaalka, dowlad-gobolleedyada dalka, xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) oo matalayay Shaqaalaha iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo matalaysay loo shaqeeyaha. Madaxa hay’adda shaqaalaha adduunka ILO ee Soomaaliya, Saad Gilani ayaa ugu horreyn sheegay inuu ku faraxsanyahay in Soomaaliya ay fulisay mabaa’didda ururka shaqaalaha adduunka ee ILO, wuxuuna ku ammaanay wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada dowladda federaalka Soomaaliya in uu ku guuleystay inuu isku keenay guddiga saddex geesoodka ah, wuxuuna sheegay tallabadan inay billow u tahay shaqo abuur xoog leh oo dalka laga sameeyo. Xoghayaha guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU), Cumar Faaruq Cismaan ayaa caddeeyay inay maanta u tahay Soomaaliya maalin weyn, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Warfaa dadaallada uu galiyay isu keenida iyo dhisida guddigan saddex geesoodka qaran iyo qabsoomida kullanka koowaad ee guddiga. Cabdi Abshir Dhoore, agaasimaha maamulka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay qabsoomida kullanka guddiga saddex geesoodka qaran, wuxuuna tilmaamay inay door muuqda ka qaadan doonaan dadaallada socda ee Shaqada. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa ku tilmaamay kullanka mid taariikhi u ah Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in loo baahanyahay shaqo abuur tayo leh iyo in la difaaco xuquuqda shaqaalaha ,iyada oo doorka ay qaadanayaan guddiga saddex geesoodka qaran. “Dadaal dheer iyo waqti badan ayay qaadatay in aan guddigan seddax geesoodka ah dhisno oo aan kullankan uu qabsoomo, wuxuu billlow wanaagsan u yahay in la horumariyo barnaamijka kobcinta dhaqaalaha oo sahal u ah shaqo abuurka iyo dhowrista xuquuqda shaqaalaha” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa. “Waa markii ugu horreysay ee dalka Soomaaliya oo ah dalkii u dambeeyay ee ILO xubin ka ah uu sameeyo guddiga qaran ee saddex geesoodka ah,” ayuu ku daray Wasiir Sadiiq Warfaa. Guddiga saddex geesoodka qaran wuxuu sahlaya in la dedejiyo shaqo abuurka iyo siyaasadda horumarinta shaqaalaha,iyada oo la waafajinayo sharuucda dalka ,siyaasadda dowladda iyo qawaaninta caalamiga ah ee ay Soomaaliya qayb ka tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. China has promised to continue funding infrastructure projects under the Belt and Road Initiative in Africa, despite growing criticism that the investments burden countries with debt. Source: Hiiraan Online
  15. After Khadar Abi descended into drug addiction, he went to jail. He saw friends overdose. Yet he struggled to be open about it with his family. Source: Hiiraan Online
  16. And 3 million more people aren’t guaranteed at least one meal daily. Source: Hiiraan Online
  17. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Caasiamda Online, ayaa ogaatay in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ay gaareen saxiixiyaasha heer federaal iyo heer dowlad gobaleed ee matala beesha reer Xaaji Saleebaan ee degta magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud. Imaam Cumar Macalim Abshir, Nabadoon Bashiir Ereg iyo Nabadoon Jabuuti, oo ku jira liiska odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ka diiwaangashan wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya iyo Galmudug ayaa ka baxay magaalada Muqdisho waxaana la geeyay Dhuusamareeb. Odayaashaan ayaa ah kuwa ugu sarreeya ee leh saxiixa beesha reer Xaaji Saleebaan oo diidan ka qaybgalka shirka dib u hehsiisiinta Galmudug waxaana muuqata in ay ku gacan seereen dhaqanka Cadaado. Sidoo kale saddexdaan oday dhaqameed ayaa ah kuwii sanadkii hore ee soo xulay xildhibaanada Galmudug ee heer federaal iyo dowlad gobeleed (Galmudug), waxaana la sheegay in ay haddaba ku mashquulsan yihiin xulista xildhibaanada cusub ee Galmudug oo ay socoto diyaarintooda. Wasiiru-dowlaha wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya mudane Qoor Qoor ayaa la sheegay in uu ka shaqeeyay sidii ay odayaashaan u tagi lahaayeen shirka Dhuusamareeb ka furmaya iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in la fuliyay sharuudo ay ku xireen tagitaanka Dhuusamareeb. Maalmo ka hor odayaal ka hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in aysan ka qaybgalin kana qaybgali doonin shirka dib u heshiinta Galmudug ee lagu wado in uu ka qabsoomo Dhuusmareeb ilaa ay dowladda Soomaaliya xaliso tabashadooda. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  18. Muqdisho-(Caasimada Online) – Iyadoo bilihii u dambeeyay ay Al-Shabaab kor dhiyeen canshuurta ay ka qaadaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa shabakadda Caasimada Online waxay baaritaan ku sameysay hanaanka ay Shabaab canshuurta uga qaadaan shacabka Muqdisho. Caasimada Online ayaa ogaatay halka uu ku yaallo saldhigga maaliyadda Al-Shabaab oo ay uga yeeraan dadka ku cusub nidaamkooda ee ay diiwaan galinayaan. Al-Shabaab ayaa saldhig maaliyadeed ku leh meel 15-KM u jirta degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana halkaas ugu taga qof kasta oo ay u yeeraan si ay ugu waajibiyaan canshuurtooda bilaha ah. Qof ka mid ah dadka maalmihii u dambeeyey ay u yeereen Al-Shabaab ayaa Caasimada Online u waramay “Waddo uu Jaay saaranyahay oo ka baxda degmada Deyniile ayaa tagta meesha ay saldhiga canshuurta gobolka Banaadir ku leeyihiin Al-Shabaab”, ayuu yiri ruuxa la hadlay Caasimada Online intii ay waday baaritaankaan. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay canshuur ku bilaabeen Lambarkii ugu dambeeyay ee Taargada gawaarida oo ay bixiso wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya. Taargada Lambarkeedu yahay A_H oo soo baxday bil ka hor, ayaa xogta ay baaritaankaan ku heshay Caasimada Online waxa ay sheegaysaa in gaadiidka lagu xiray oo dhan dadkii iibsaday looga yeeray duleedka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah dadkii iibsaday ama gatay gaadiid cusub ee ku xirtay Taargada A_H oo ay u yeereen Al-Shabaab una tagay ayaa u waramay Caasimada Online. Nin ka mid ah dadkaas oo isagu soo iibsaday gaari HOME ah ayaan kasoo xiganeynaa “Markii aan gaariga kala soo baxay Geerishkii la iiga iibiyey oo aan kusoo xirtay Taargada A_H ayaa waxaa isoo wacay Al-Shabaab, waxey igu dhaheen waa adiga soo iibsaday gaariga nuucaas ah magacaaguna yahay hebel-hebel, waxaa lagaa doonayaa canshuurta gaariga ee imaaw xaafiiska maaliyadda Al-Shabaab”. Waxuu sheegay inuu markaas dareemay walwal iyo cabsi badan, isagoo bilaabay inuu la tashado dad badan, kaddibna looga dhigay wax aan dhib laheyn, isla markaana ay dadka dhan kula taliyeen inuu u hoggaansamo amarkooda oo uu ugu tago halka ay uga yeereen. “Waxaan nin saaxiibkey ah kasoo qaatay Mooto uu lahaay oo FEKON ah (labo lugooley) uma aana sheegin meesha aan u wadanayo waxaan garaash ku xareystay garigeygii cusbaay waxaan raacay tilmaantodii oo ahayd inaan soo raaco waddada Jaayga la saaray ee ka baxda degmada Deyniile”, ayuu yiri qofka la hadlay Caasimada Online oo aan magaciisa qarinay. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri “Waxaan raacay waddadii ay ii tilmaameen markaan socday qiyaastii 15-KM ayaan u tagay rag iyaga ka tirsan oo waddada geeskeeda uu u yaallo gaari Kaarib ah, waxaan Mootadii aan watay uga tagnay meel keyn ah ama geedo dhexdood ah, waxaan raacay gaarigii ay wateen waxyar markii aan soconay waxay igeeyeen saldhigooda canshuurta”. Ninkaas waxuu noo sheegay in Al-Shabaab ay ka qaadeen lacag dhan $200 (labo boqol oo Dollar) taas oo sharci u ah Al-Shabaab gor-gortana aysan ka galeyn. Intii aan wadnay baaritaankaan waxaan ogaanay in qofkii naftiisa uga baqa Al-Shabaab oo ay u cuntami weyso inuu ugu tago goobtooda inay u ogolyihiin in wakiil uu u dirsado, si ay ula macaamilaan una soo fahansiiyaan nidaamkooda canshuurta. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee Hantidooda lagu boobaayo dalka Koonfur Afrika. War qoraal ah oo uu Taabid Cabdi Maxamed soo dhigay bartiisa facebook, ayaa waxa uu dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dalbaday in dadkaasi la caawiyo si loo badbaadiyo Naftooda iyo maalkooda. Hoos ka aqriso qoraalka Taabid Boobka iyo dilka lagu hayo muwaadiniinteena ku nool dalka South Africa ee soo laalaabtay ma ahan mid indhaha laga qarsan karo. South Africa waxaan u galnay abaal weyn oo taariikhda Afrika iyo caalamkaba meel uga qoran, maanta in ay muwaadiniinteena sidaas foosha xun ula dhaqmaan waa wax aanan la aqbali karin. Dowladda South Africa, waa in ay si deg deg ah wax uga qabataa gummaadkan aan kala sooca laheyn ee loo geysanayo wallaalahooda Afrikaanka ah ee qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha South Africa. Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa in ay arinkan wax ka qabato oo ay u dirto wafdi heerkiisu sareeyo si looga dhiidhiyo waxna looga qabto tacadiyadan joogtada ah ee muwaadiniinteena lagu hayo. Sidookalena iskaashi kala sameyso wadamada Afrikaanka kale ee aan dhibtan la waddaagno si ay cabasho wadajir ah ugu wada gudbiyaan Midowga Afrika. Ilbiriqsi walba naf iyo maal Soomaaliyeed baa ku baaba’aya sidaa daraadeed waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmadaa muwaadiniinteena. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goob joog ka noqday saxiixa heshiis nabadeed oo ay gaareen bulshada ku nool deegaannada Xeraale iyo Huurshe ee gobalka Galguduud. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay in lagu guuleysto dhammeynta colaadda dhiigga badani ku daatay iyo saxiixa heshiiska bogga iyo nolosha cusub abuuraya, ayaa bulshada Huurshe iyo Xeraalle kula dardaarmay in ay ilaaliyaan oo aan dib loogu laaban colaaddii, lagana barto casharro nololeed. Heshiiska dhex maray bulshada Xeraale iyo Huurshe ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu taariikhda dalka baal dahab ah ka gelayo, waxa uuna bulshada Galmudug iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay uga daydaan geesinnimada lagu dhammeynayo colaadaha, deegaan kasta oo colaad ay ka jirto lasoo af-jaro, nabaddana la qaato si horumar loo gaaro. Odayaasha labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyey dadaalladiisii hagar la’aaneed oo ugu dambeyn sababay in reer Xeraale iyo Huurshe ay wada saxiixaan Heshiiska nabadeed oo bilaaw u ah nolol iyo iftiin cusub oo ay ku naaloodaan dad walaala ah oo ku kala irdhoobay colaadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaadeynso dowrka uga aadan hir-gelinta qodobada heshiinska nabadeed ee wadajirka ay qalinka ugu duugeen reer Huurshe iyo reer Xeraale.
  21. Ugu horreyntii wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS oo kaashaneysa guddiyada wada xaajoodka ee dawlad goboleedyada waxay ku guuleysatay in magaalada Baydhabo lagu gaaro heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay Soomaali oo dhan wada sugeysay oo ku saabsanaa in heshiis laga gaaray lahaanshaha, maamulka & wadaagga kheyraatka dabiiciga (batrool & macdan), bishii June 5teeda sannadkii hore ee 2018ka. Heshiiskan waxa wada saxiixay dhinaca xukuumadda Ra’isul Wasaaraha JFS, dhinaca kale na madaxweynayaasha dawlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, waxaana goob joog ka ahaa Madaxweynaha JFS. Gudbintii iyo ansaxintii sharciga dib u eegista bataroolka ee barlamaanka waxa ay ahayd tallaabo taariikhi ah oo saldhig u noqoneysa horumarinta kheyraatka dalkeenna, taasoo doodo iyo wada tashiyo dheer kadib uu golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo na ansixiyey 20kii bishii May ee sannadkan 2019-ka. Sida ku cad sharciga dib u eegista Batroolka wuxuu tixgelinayaa dhammaan heshiisyadii ay dawladdii Soomaaliya la gashay shirkadihii caalamiga ahaa ee shidaalka intii ka horreysay sannadkii 1990kii iyo kadib unkiddii dawladda Federaalka ee Soomaaliya sannadkii 2012, iyadoo shirkadahaas ay diyaar u noqonayaan in ay bixiyaan wixii lagula heshiiyey oo kiradii dhulka ee ku aruurtay iyo in heshiiyadii hore lala galay oo ahaa nooca loo yaqaanno CONCESSION loo beddelayo heshiiska cusub oo uu sharcigan qeexayo oo ah heshiiska wax-soo saar wadaagga (production sharing agreement). Iayadoo taas laga duulayo, Wasaaradda Batroolka & Macdanta JFS waxay xiriir la sameysay shirkadihii heshiisyada shidaal qodis hore u haystay, si ay usoo caddeeyaan inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya kula shaqeeyaan nidaamkan cusub iyo inay fasaxayaan heshiisyadoodii (Relinquishment). Shirkadihii muujiyey inay dib u daneynayaan inay Soomaaliya maalgeshtaan waxa ka mid ahaa isu-tagga labada shirkadood ee SHELL & EXXON MOBIL. Wada hadallo muddo dheer socday kadib waxay wasaaradda iyo shirkadahaas isu tagay ee shell & exxon mobil ku gaareen is afgarad ka dhacay magaalada Amesterdam ee dalka Holland bishii June ee sannadkan 2019ka, kaasoo ay shirkadahaasi ku oggolaadeen inay bixiyaan kiradii dhulka ee ku aruurtay tan iyo 1990kii iyo inay dhowaan wasaaradda usoo bandhigayaan qorshahooda (Roadmap) ay Soomaaliya dib ugu soo noqonayaan si ay u maalgeshtaan xermooyinkii (Blocks) ay horay u lahaayeen iyadoo sharcigan cusub ee Batroolka lagu saleyn doono. Tallaabooyinka kale ee muhiimaddooda leh oo ay Wasaaradda xoogga saartay waxa ka mid ahaa inay indhaha caalamka iyo maalgashadayaashaba kusoo jeediso sidii loo maalgashan lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee shidaal iyo gaas ee Soomaaliya. Iyadoo taas laga duulayo ayaa hawl wadeennada wasaaradda oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda ay shirarka caalamiga ee shidaalka ay mar kasta kusoo jeediyaan indhaha maalgashadayaasha caalamka. Shirarkii ugu waaweynaa oo ay wasaaraddu abaabusho ilaa hadda waxa ugu muhiimsanaa kii aan ku qabannay magaalada London 7dii bishii February ee sannadkaan 2019ka. Shirkan waxay wasaaradda iyo shirkadda SPECTRUM oo mas’uul ka ah keydinta iyo iib geynta macluumaatka (DATA) laga aruuriyey qayb ka mid ah badda Soomaaliya, ku soo bandhigeen macluumaatkaas iyo sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay in la maalgeshto kheyraatkeeda. Waxa lasoo bandhigay 15 xirmood (blocks) oo ku fadhiya dhul baaxaddiisu tahay 75,000 Square Kilometer, oo sidii khubaradii soo bandhigtay ay sheegeen in kheyraatka dhex ceegaaga lagu qiyaasayo 30bilyan oo barmiil oo batrool ah. Shirkan wuxuu noqday mid indhaha caalamka kusoo jeediyey iyo muhiimadda ay leedahay in la maalgashto Soomaaliya. Waxa kaloo loo ballamay in la qabto shirar kale oo la mid ah kii London, iyadoo sida qorshaha yahay la qaban doono sannadkan laba shir kale oo mid lagu qaban doono magaalada Houston ee dalka Mareykanka iyo magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika. Dadaalladaas ay waddo wasaaradda, oo aan rajeyneyno in Soomaaliya ay maalgeshtaan shirkado caalami ah, waxay wax weyn ka tari doonaan kobaca dhaqaalaha dalkeenna, dib usoo celintii kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada oo ay kooxaha nabaddiidka uga faa’ideystaan inay xasilloonada dalka kula dagaallamaan iyo ka hortagga saboolnimada ay sababtay dagaalladii sokeeye iyo abbarihii is daba joogga ahaa oo uu dalka soo maray. W/Q: Mudane Adirashid Ahmed Mohamed Wasiirka Bataroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaliyeed AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid