-
Content Count
209,399 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkii golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay yeeshan Todobaad Waliba ayaa Todobaadkan Waxaa Shirka Shir Gudoomiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Shirka ayaa inta uu Socday waxaa uu ahaa mid looga hadlayey Xaaladaha ka jira Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya Waxana inta uu Socday Warbixino laga Dhegeystay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Somaliya Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag ayaa laga Dhegeystay Warbixin ku aadan Amaanka Guud Gobolada Koonfur Galbeed ,waxaana uu sheegey in Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Darawiishta Koonfur Galbeed ay Wadaan Howlgalo ka dhan Al-Shabaab ee ku dhuumalaysta tuuloyinka Hosyimada Degmooyinka Koonfur Galbeed Somaliya Sido kale Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay Soo Dhoweynta Wafdiga uu Hoggaaminayo Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyr ee kuso Wajahan Magaalada Baydhabo Sidii looga Qeybqadan lahaa Maalmaha Shaqada uu ujoogo Baydhabo. PUNTLANDPOST The post Koonfur Galbeed oo shaacisay inuu socdo howlgal lagu xoraynayo deegaamada Alshabab maamulaan. appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ahna Guddoomiyaha Guddiga Duulista Hawada, Gaadiidka, Waddooyinka, Dekedaha, iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Siyaasada iyo Istiraatijiyada ee Xisbiga UPD, ayaa sheegay in xayiraadda dhanka hawada ee dowladda federaalaka ay saaray duulimaadka Dowlad gobaleedka Jubbaland ee ay tahay arrin ay ka dhalan karto hoos u dhac dhaqaale iyo arrimo banii’aadamnimo oo soo wajaho shacabka ku dhaqan deegaanada Jubbaland. Xildhibaan Cabdifitaax oo ka hadlayo arrinta xiyiraadda duulimaadka lagu soo rogay Jubbaland ayaa yiri “go’aanka lagu xiyirayo duulimaadyada Kismayo ma aha mid wax yeelaya maamulka Jubaland balse waa mid ciqaab wadareed iyo dhibaato weyn ku ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda degaanadaas. Sidoo kale waa go’aan astaan su’aaleed saaraya lasoo wareegida maamulka hawada Soomaaliya oo sharcigii sahli lahaa uu hadda horyaalo Golayaasha Baarlamaanka. Iyadoo la garan karo in ay adagtay in si xirfadnimo leh (professional) loola shaqeeyo xukuumadda hadda jirta, haddana waa in hoosta laga xariiqo muhimadda ay leedahay in aan Hay’adaha halbawlaha u ah bixinta adeegyada dawlada dhexe, sida hagida diyaaradaha, aan loo adeegsan ujeedooyin ama dano gaar ah oo ay leeyihiin shaqsiyaadka hadda talada hayaa. Waxaan Xukuumadda Federaalka” Halkaan ka Akhriso qoraalka xildhibaanka oo dhameys tiran Xayiraada-Duulimaadyada-Kismayo (3) Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inuu soo if baxay Khilaaf hor leh oo u dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu Sunna. Khilaafka cusub ayaa la sheegay sida aan xogta ku helnay inuu imaaday kadib markii Ahlu Sunna ay codsatay in la hoos geeyo guddiga Doorashada Galmudug. Ahlu Sunna waxay Ra’isulwasaare Kheyre hordhigtay inay iyaga maamulaan Doorashada marka la qabto Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha Galmudug oo la filayo in lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb. Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga Ahlu Sunna ka hor timid waxayna taas sababtay inuu Khilaafka meesha ugu sareysay gaaro, waxaana saacadihii lasoo dhaafay dhacay kulamo aan loo kala kicin oo u dhaxeeyey Ahlu Sunna iyo Ra’isulwasaare Kheyre. Waxyaabaha ay Ahlu Sunna dalbadeen ayaa ah inay iyaga qaataan Guddiga Doorashooyinka iyo Maamulka Howlaha Doorashada. Wararka qaar ayaa sheegayo in sababta uu shirkii Dib u Heshiisiinta Shalay u baaqday ay aheyd khilaafkaan darteed. Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Dhuusamareeb geysay Ciidamo badan oo isugu jiray AMISOM iyo kuwa Dowladda, waxaana wiiqmatay awoodii Ciidan oo ay Ahlu Sunna ku laheyd Magaalada Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
A World Bank Working Paper on the Somali judiciary unwisely assigns percentages to population sizes of Somali clans, writes Liban Ahmad Writing about Somali politics remains a difficult undertaking nearly thirty years after the ouster of military dictatorship in 1991. For Somali writers and analysts the difficulty lies in the temptation to give in to demands to portray one side as a victim or villain. For foreign analysts a different impediment to an objective analysis gives rise to a tendency either to downplay historical post-1991 injustices or place an inaccurate emphasis on clans that owe their influence to the ability to mobilise clan militias. It is what non-Somali researchers write that carry much weight in the eyes of policy makers from Somalia’s international partners. In 2016 the World Bank published a working paper entitled Political Economy of Justice in Somalia, co-authored by Joakim Gundel. Mr Gundel is a Danish researcher, who wrote a seminal paper on Somali traditional leaders . In January 2019 he delivered a lecture – ‘Is Somalia on Track’? – at the Danish Institute for International Studies. Authors of the Working Paper assign percentages to Somali clans. Somalia has never conducted a census to determine population sizes of Somali clans. The choice to dream up percentages shows that Gundel has not let himself benefit from his long association with Somalia since 1999, first as a researcher and then an influential consultant with a consultancy that published papers on such themes as the Somali civil society. Percentages assigned to Somali minorities ( 6% ) and Dir clan ( 7%) betray unfamiliarity with the power-sharing system known as 4.5, which has been the basis for Somali governments formed since 2000. The power-sharing system lumped unarmed Somali clans into political representation ensuring their marginalisation at the hands of four major clans. Each of the five clans (the other three clans are Mogadishu Clan, Darod and Digil-Mirifle) has 20% of parliament, upper house, cabinet and ambassadorial appointment quotas, for example. Marginalisation of Somali minorities becomes more conspicuous when one looks at Federal Member States formed on the unspoken principle that clans with militias who conquered or defended a territory enjoy benefits of federalism. Somalis placed under rubric minorities have fewer life opportunities not because of numerical disadvantage. Four Somali major clans have agreed to place unarmed Somali clans in a second class citizenship category. Gundel et al pay no attention to the plight of Somali minorities when they characterise dispossession and displacement at the hands clan militias as a strategy used by two Somali clans “who had exploited the civil war to move to south in order to settle in more fertile lands and in Mogadishu.” The largest number of internally displaced people in Somalia hails from fertile lands known as Dhoobey. Militias from armed clans have dispossessed people who, for many generations, have subsisted on small holder farming. There is a risk that the Working Paper can normalise or deepen marginalisation of Somali minorities. The Working Paper in question carries the imprimatur of the World Bank. Liban Ahmad Libahm@icloud.com The post World Bank Deepens Marginalisation of Somali Minorities appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Badhan)-Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar (Dheere) oo ku sugan degmada BaDHan ee gobolka Sanaag ayaa si kulul uga hadlay xiisada dagaal ee u dhexeysa maamulka Puntland iyo dawladda Somaliland Taliye Yaashiin Dheere oo khudbad u jeedinayey ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi ayaa waxa uu sheegay in gobolka Sanaag uu ku jiro xaalad dagaal, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Maxamed Murci Madaxweynihii hore ee Masar wiilkiisa Cabdullaahi Murci ayaa Wadne istaagay ugu geeriyoodey Xaafada Gaza ee Magaalada Qaahira. Aabihiis Maxamed Murci isna sidaas oo [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Dr Axmed Cali Daahir ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay inay iskaga baxdo kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Kenya ay hadda ka fakareyso sidii ay kiiska uga hari lahayd. Hadalka Axmed Cali Daahir ayaa imanaya laba maalmood kadib markii Kenya ay maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loo dhigo dhageyso dacwadda “si ay u qorato qareenno cusub.” Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Puntland oo dib u eegis ku sameyneyso heshiiskii Seychelles
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda cadaalada ee Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa marka hore beeniyey in maamulkaasi uu sii daayey maxaabiis u xirnaa falal burcadbadeednimo kuwaas oo horay loogu soo xukumay Seychelles. Maxaabiistaan oo tiro ahaan gaaraya illaa sodon, una badan dhalinyaro ayaa wasiirku waxa uu sheegay inay weli xiran yihiin. ‘‘Dadkaasi burcadbadeeda ah way xiran yihiin is-afgarad u dhaxeeyey Puntland iyo Seychelles ayaa jira, Puntland cidna ma sii deyn, saxna ma ahan arrintaasi.” ayuu yiri wasiir Cawil Sh Xaamud. Dhanka kale wasiirka cadaalada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay doonayaan in haatan ay dib u eegis ku sameyaan heshiiskaasi, si ugu yaraan wax looga bedalo. “Annaga oo rabna in aanan jabin heshiiska nagala dhaxeeya Seychelles, haddana waxaan rabnaa in aan sidii hore wax ka bedelno.” ayuu intaasi ku daray wasiirku. Puntland ayaa ka mid ah maamullada sida aadka ah ula dagaalama kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida, waxaana ay leedahay ciidamo gaar ah oo ka howlgala xeebaha bari ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com -
(SLT-Qaahira)-Wiilka ugu yaraa caruurta madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa ku geeriyooday dalkaasi Masar, kadib markii uu wadno xanuun ku soo booday. Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Mursi oo da’diisu ahayd 24 jir ayaa xanuunku ku soo booday isagoo markaasi watay baabuur magaaladda Qaahir, sida uu sheegay walaalkiisa Axmed Mursi Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa geeriyooday bishii June ee sanadkan isagoo markaasi ku sugnaa Maxkamad ku taalla Magaaladda Qaahir. Wiilkan ayaa hore ugu eedeeyay Saraakiisha Masaarida Geerida aabbihii, gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Tawfii iyo garsooraha Maxkamada qaadaysay kiiska aabbihii Maxamed Shareen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in laga bilaabo kowda bisha October ee soo socota ay iyadu dalka keeni doonto shidaalka, isla markaana ay shirkadaha shidaalka hadda keenaa ay iyada ka sii iibsadaan. Qoraal ka soo baxay xafiiska Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Berbera ayaa lagu ogeysiiyay ganacsatada shidaalka in ay arrintaasi la socdaan, ciddii diidana aan la siin doonin mar danbe wax shidaal ah. Halkan hoose ka akhriso: Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in Dawladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya ay wada saxeexeen Mashruuc uu Baanka Horumarinta Afrika ka fulinayo Somaliland, kaasi oo ah Waddada isku xidha Magaalooyinka Boorama iyo Lowyacaddo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay dad shacab ah oo olole nadaafadeed ka waday halkaasi. Ugu yaraan illaa afar qof oo rayid ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda qarax kadib ay gaareen goobta, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano kooban. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo la xariira qaraxaasi lala eegtay dadka shacabka ah. Awdheegle oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo qaraxyo ay geystaan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
(SLT- Johannesburg)-Booliska koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay in laga helay meydka laba qof oo la gubay dukaan ku yaalla magaaladda Alexandra ee ka tirsan caasimada Johannesburg. Tani ayaa ka dhigan in tirada dadka lagu dilay rabshadaha ajaaniib naceybka ah ay gaadhay toddoba qof sida ay booliska Sheegeen. Haa, waxaan xaqiijin karaa dhimashada laba qof oo nolosha lagu gubay in aan ka helnay xarun ganacsi, sidaasi waxaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay afhayeenka booliska magaalada Johannesburg, Mr Wayne Minnaar. Dhanka kale wuxuu intaa ku daray in aan la kala caddeyn karin sababta ka dambeysa dilkaan. Sida laga soo xigtay Tv-ga maxaliga ah oo lagu magacaabo NCA meydka labada qof ayaa waxaa soo saaray booliska kadib weerar labadii habeen ee la soo dhaafay lagu qaaday xarumaha ganacsi ee dadka Ajaaniibta. Labada qof ee la dilay ayaa la ogeyn dalalka ay u dhasheen, iyadoo dhibaatada ay sidoo kale saameysay soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku boorisay dowladda Sacuudiga in ay caddeyso halka ay ku maqan yihiin laba muwaadin oo dhashay Qatar kuwaasi oo la aaminsan yahay in bishii hore lagu xidhay Sacuudiga. Labada qof ayaa la waayay badhtamihii bishii hore ee Agoosto, xilli ay safar booqasho ah ay u aadeen qeybo ka mid ah bariga Sacuudiga oo ay ku nool yihiin qoyskooda. Sida laga xaqiijiyay war saxaafadeed ka soo baxay hey’adda Amnesty ayaa lagu yidhi sababta loo la yahay Cali Naasir Cali Jarallah iyo wiilkiisa oo 17 jir ah oo lagu magacaabo Cabdullahi Cali Naasir, in ay xabsi ku Jiraan. Dhanka kale warsaxaafadeedka Amnesty ayaa loogu baaqay boqorka Sacuudiga mr Salmaan Bin Cabdi Casiis in uu macluumaad dheeri ah ka bixiyo muwaadiniinta Qatar ee Maqan. Wiilka iyo aabbihii ayaa dhanka kale la sheegay in ay heestaan dhalashada Sacuudiga. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Danjiraha Soomaaliya ee midowga Yurub Dr. Cali Saciid Fiqi ayaa ka hadlay go’aanka rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ee la xidhiidha dalabkii Kenya ee ahaa in dib loo dhigo dacwada Badda ee maxkamada Cadaallada ICJ oo qorshuhu yahay in 09 bishan September Isniinta toddobaadka dambe la daah furo. Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya gaadhsiisay maxkamada fariinteeda la xidhiidha in ay diyaar u tahay dhageysiga dacwadda, isaga oo intaa ku daray inay u diyaaar-garoobayaa Isniinta in ay tagaan maxkamadda laakiin ilaa Jimcaha sugayaan go’aanka maxkamada. “Tallaabada ay Kenya qaadday waxay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraaday ee dhex yaalla labada dal, mowqifka dowlada Soomaaliyana waxaa uu yahay in cadaaladu shaqeyso oo aan dib loo dhigin dhegeysiga dacwada” ayuu yidhi danjiraha Kenya ayaa dalabatay dib loo dhigo dacwadda dhageysiga labaad ee dacwada Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, iyadoo taa sabab uga dhigtay in ay qorsaneyso qarreeno cusub oo ku matala doodda maxkamada. Lama oga go’aanka maxkamada ay ka qaadan doonto taallaabooyinkan iska soo horjeeda ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo ee la xidhiidha dhageysiga dacwada Badda. Source