-
Content Count
209,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Adis Aba (Caasimadda Online) – Midowga Africa ayaa go’aan niyadda ka jabiyey Dowladda Kenya ka qaatay Kiiska Dacwadda Badda ee kala dhaxeeyo Soomaaliya. Midowga Africa oo Maanta Magaalada Adis Ababa ku yeeshay kulankoodii labaad ee Golaha nabadda iyo Amniga loogana hadlayey muranka u Dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya ayaa kusoo dhamaaday guul usoo hoyatay Soomaaliya. Golaha ayaa isku raacay in Kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya loo dhaafo Maxkamadda ICJ oo hadda kiiskaas u ballansan 9-ka Bishaan September. Waxay isku raaceen inaysan macquul aheyn in Kiiskaan lasoo wareejiyo maadaama aysan laheyn awood ay ku farageliyaan dacwad ka furan Maxkamadda ICJ. Go’aankaan ayaa meesha ka saaray damacii Dowladda Keny ee ahaa inuu Midowga Africa Kiiskaan soo farageliyo si wadahadal loogu dhameeyo. Maalintii Talaadada ayey aheyd markii Midowga Africa uu dhageystay aragtiyada laba dal, waxayna Soomaaliya midowga Africa ugu baaqday in dacwadaan loo dhaafo Maxkamadda IC maadaama uu kiiska hadda marayo meel dhamaad ah. Dowladda Kenya ayaa cabsi weyn ka qabto go’aanka kasoo bixi doono Maxkamadda ICJ, waxayna durba muujisay inaysan heysan caddeymo ku aadan dooda ay gelisay Badda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciidamada kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda ee qaybta ka qaadanaya adkeynta amniga magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlaha loogu diyaar garoobayo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loo dhanyahay. Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay kormeerka oo isugu jiray dhiirri gelin iyo u kuur gelidda hannaanka ay ciidamadu uga shaqeynayaan adkeynta amniga iyo sidoo kale isu diyaarinta ciidamda Danab ee qorshaha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu uga sugantahay Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la hadlay ciidamada ku sugan xarumaha uu kormeeray ayaa u sheegay in madaxda dowladdu ay aad ugu farasaxsantahay shaqada wanaagsan ee ciidanku qaranka u hayaan, ayna ku faanto ciidamada nafta u huraya ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay si wadajir ah u laba jibbaaraan shaqada ay qaranka u hayaan. Dowladda Soomaaliya ayaa isku dhinac wadda dadaallada dhismaha Galmudug loo simanyahay iyo qorshaha xoreynta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay argagaxisadu uga suganyihiin Galmudug, si marka ay dhismaan hey’adaha dowladeed ee Galmudug, ay dhamaan reer Galmudug u helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin. View the full article
-
Xulalka Soomaaliya Iyo Zimbabwe ayaa lugta kowaad ee taranka i sreeb reebka koobka aduunyada 2022 ee ka dhacay wadanka Qatar ku ciyaarayay garoonka Al Hagi Hassan Guuleed ee dalka Jabuuti,iyadoo qeybta kowaad uu kulanka kusoo dhamaaday barbaro goolal la’aan Kulanka waxaa dir u ahaa u daawanayay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab,wakiilka ciyaarayahanda ka keenay caalamka Saciid Cabdi Haybe (Zeno) iyo sidoo kale guddoomiyaasha kooxaha Muqdisho City,Elman,Rajo iyo Hilaac. “Imitaankeena Jabuuti waxa ay aheyd in aan daawano oo aan dhiiri gelino xulkeena oo markii ugu horeesay lagu sameeyay is badal runtii dhallinyarada laga keenay dibadda waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan,waanse ku bogaadinaynaa da’daalka iyo is kaashiga ay wada sameeyay dhallinyarada ka ciyaara gudaha iyo qurbaha ee fursadan helay” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh,isagoo ku hadlayay magaca guddoomiyaasha kooxaha kubbadda cagta dalka. Markii leysku soo laabtay dheesha labada xul ayaa soo bandhigay ciyaar aad u saraysa soona jiidatay taageerayaashii kasoo qeyb galay,inkastoo Daqiiqadii 84 u dhaliyay laacibka kooxda Elman Anwar Sayid Cali oo kulanka badal kusoo galay. Falanqeeyaasha iyo taageerayaasha ciyaaraha ayaad u soo dhaweeyay dhallinyarada laga keenay qurbaha,iyagoo ku amaanay da’aalka ay muujiyeen ka dib markii ay si wanaagsan isku kaa shadeen iyaga iyo ciyaartooyda ka dheesha gudaha wadanka. Guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax iyo wiilkiisa Yuusuf Cabdirisaaq Faarax ayaaa xaadir u ahaa kulanka,iyagoo dhii gelin iyo garb istaag u muujiyay Yonis Cabdirisaaq Faarax oo ka mid ahaa safka xulka qaranka una ciyaara kooxda Trysil ee dalka Norway. “Alx riyadii aan lahaa waxa ay aheyd in aan xulkeena laga dhalin wax gool ah,balse waxaad aad ga farxisay qaab ciyaareed wanaagsan ay soo bandhigeen wiilasheena hadii sidan waqti badan loo siiyo waxaan aaminsahay in dalkeena uu samaynayo horomar ciyaareed” sidaas waxaa Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje). Si Kastaba xulalka Soomaaliya iyo Zimababwe ayaa 09-September lugta 2-aad ee is reeb reebka koobka aduunyada ku dheelaya magaalada Haraare ee wadanka Zimababwe . Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray cayaar ka mid ah kuwa wareegga koowaad ee loogu soo baxayo koobka kubadda cagta adduunka ee 2022. Soomaaliya ayaa lugta koowaad ee wareegga koowaad ee cayaaraha is-reeb-reebka koobka adduunka ee 2022 waxay 1-0 uga badisay Zimbabwe. Cayaartaas ayaa waxay ka dhacday dalka Jabuuti oo matala guriga Soomaaliya. Lugta Labaad ee cayaarta ayaa sideedda bishan oo ah maalinta axadda ka dhaceysa dalka Zimbabwe. Soomaaliya ayaa lugta labaad ee cayaartan u baahan inaan laga adkaan ama ay goolal dhaliso balse aan looga adkaan farqi aan ka badneynd hal gool, si ay ugu gudubto wareegga labaad. Guushan ayaa ah mid ka mid ah guulihii ugu weynaa ee Soomaaliya ay gaarto tan iyo xiligii burburka dowladda dhexe. Zimbwe ayaa waxay Soomaaliya ka sareysa 90 darajo, marka ay noqoto qiimeynta kala horeynta xulalka ugu wanaagsan caalamka ee FIFA. Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta 202, halka Zimbabwe ay ku jirto 112. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kulankii 2aad oo maanta Adis Ababa ku yeesheen golaha nabadda iyo amniga midowga Afrika, laguna falanqeynayey codsiga Kenya ee ahaa in kiiska badda ee ICJ yaalo ee kala dhaxeeyo Soomaaliya loo soo wareejiyo Afrika ayaa ku soo dhamaaday arrin dharbaaxo ku ah dalka Kenya. Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen qareenada dalalka 15-ka ah ee ku jira golaha ayaa la isku raacay in kiiska loo daayo maxkamadda uu yaalo. Ilo ku dhow shirka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in golaha uu isku raacay in aaney soo wareejin karin, awoodna u laheyn gal dacwadeed ka furan ICJ, taasi oo meesha ka saaray damacii Kenya ay ka laheyd Afrika. Kulankan waa kii 2-aad ee golaha ka yeesho arrintan, kulankii talaadadii waxaa uu ahaa dhageysiga labada dal, Soomaaliya waxay ku dooday iney ixtiraameyso midowga Afrika, waxana ka aasaastay laakin dacwadan maadaama ay taalay ICJ muddo 5 sano ah loo daayo, taasi oo u muuqato in maanta la qaatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hobyo (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dadka Galmudug awoodoa iskugu geeyaan sidii loo dhisi lahaa dekadda Hobyo. Guddoomiye Abshir ayaana xusay in muhiimad weyn u leedahay dhismaha dekedda Hobyo dadka degan magaalada iyo guud ahaan deegaanada Galmudug, waxaana uu yiri” Dekedda Hobyo waxaa ay u tahay muhiim dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo hormarka deegaanada Galmudug, waxaana is badali doona qiimaha nolosha deegaanka , waxaan abuurmi doona shaqooyin fara badan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona yareynta shaqa la’aanta baahsan ee aqoonyahanka iyo muruq maalka deegaankan ku nool, horumar dhaqaale ee maanta ka muuqda deegaanada dariska la ah Galmudug waxaa sabab u ah dekedaha ku yaala oo la hirgaliyay, mudanayaal iyo marwooyin waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiina Galmudug, ganasatada iyo dadka kale ee deegaanka ah in ay ka faa’ideystaan fursatdaha maanta taagan oo ay ka mid tahay in dadka deegaanadaan ay u heelan yihiin sidii loo abuuri lahaa loona hirgalin lahaa dhismaha degedda Hobyo”. Sidoo kale guddoomiye Abashir Maxamed oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in kaalinta kaga aadan ay ka qaadato dhismaha lagu hirgalinayo dekedda magaalo xeebeedka Hobyo. waxaana uu yiri” waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay ka qaadato kaalinta kaga aadan hirgalinta dhismaha dekedda Hobyo iyo dib u yagleelidda Galmudugta cusub ee maanta loo fadhiyo”. Dhanka kale guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in xayiraadda dhanka duulimaadka ah laga qaado dowlad gobaleedka Jubbaland isaga oo xusay in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo liiska wada hadalka waxaana uu yiri” Sidoo kale aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddaan waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay xayiraadda duulimaadka ka qaado dowlad gobaleedka Jubbaland, iyadoo wax allaala wixii khilaaf ah lagu xalinayo wada hadal iyo wada xaajood isla markaasna laga fogaado talaabo kasta oo ku noqon karta caqabad nolosha dadka dagan deegaankaas Jubbaland”. Ugu danbeyn guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa ugu baaqay wax garadka dhamaan ka soo qeyb galayaasha shirka in loo iska si ku doobnaasho iyo walalnimo ay ku jirito dismaha dowlagobaleedka Galamud waxaana kadalkiisa ka mid ahaa “ Waxaan ugu baaqayaa waxgardka deegaanadaan Galmudug in ay dadaalkii halkoodii ka sii wadaan ayagoo is ka kaa shanaya dhismaha dowlad gobaleedka marxaladdiisa labaad, isla markaasna uwada dhaqaaqaya si ay ku jirto midnimo uwada guntanaya hormarka dhammaan deegaanada Galmudug, guusha shirkaan waxaa lagu qiimeyn doonaa sida loo hir galiyo qodabadii lagu heshiiyay iyo sida ay ugu qanciyaan beelaha kale ee walaalahood ah xoojinta nabada iyo kuwada noolaansha nabad dhammaan meel kasta oo Soomaaliya ay joogto”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu soo jeediyay in lala xisaabtamo hogaanka Jubaland. Daahir Aamiin Jeesow, mudane ka tirsan Aqalka Hoose, ayaa hogaanka maamulkaasi ku tilmaamay “dambiile”, sida uu hadalka u dhigay. Xukuumadda ayuu shaaciyey in ay ku tartarsiin doonan sidii ay talaabo uga qaadi lahayd madaxweyne Axmed Madoobe, uu sheegay in uu dambiyo geystay. Hadalka sharcidejiyaha ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili doorashooyin kala duwan oo ka dhacay degaanada dowlad goboleedkaasi ay khilaaf ka dhasheen. Dowladda oo qaadacday doorashooyinkaasi ayaa waxay sheegtay in ay maamul loo dhan yahay u sameyneyso maamulkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-05092019.mp3 View the full article
-
Askari ka mid ah ciidanka amniga Kenya ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah saraakiisha sare ee Booliska magaalada Nairobi. Taliye ku xigeenkii ciidanka booliska degmada Riruta Benson Indeche ayaa dhaawac xoogan ka soo gaadhay kadib markii ay murmeen askari ay saldhiga ka wada Howlgalayeen. Mr Indeche ayaa lagu toogtay xaafada Kawangware kadib muran soo kala dhexgalay askarigaan oo ku jiray howlo Roondo ah sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay taliska booliska Nairobi. Askariga dilka geystay oo sakhraansanaa ayaa u hanjabay ragga ku shaqeesta mootooyinka kuwaasi oo dacwad ka Gudbiyay. Taliska booliska saldhiga Riruta oo ka duulaya arintaan ayaa ku guul dareystay markii xaalada ay gaadhay gacan ka hadal waxaana dhaawac uu soo gaadhay taliye ku xigeenka la dilay iyo askariga dhaawaca gestay. Mr Indeche, ayaa ugu dambeyn ku geeriyooday Cisbitaalka haweenka ee Nairobi halka askariga kale ee wax dilay uu xaalada halis ah ku Jiro. Dalka Kenya ayaa aalaaba waxaa ka dhaca muranada u dhaxeeya askarta kuwaasi oo ugu dambeyn isku badala gacan ka hadal dhimasho Sababa. Source
-
(SLT-London)-Raysal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa mar kale maanta waxaa asiibay guul-darro culus kadib markii walaakiis uu ku dhowaaqay inuu iska casilay xil wasiir ku-xigeen iyo xubinnimadii baarlamanka. Jo Johnson ayaa is-casilaaddiisa soo dhigay twitter-ka, waxaana uu sababta ku sheegay iska hor-imaanshaha danta qoyska iyo tan qaranka. “Toddobaadyadii dhowaa waxaan u kala qeybsanaa u daacad ahaanshaha qaranka iyo qoyska, waana xiisad aan la xalin karin, sidaas darteed waa xilligii ay dad kale la wareegi lahaayeen xubinnimadeeda baarlamanka iyo wasiirnimo” ayuu yidhi Jo. Weli ma cadda, haddii ka tagista Jo ee baarlamanka ay macnaheedu tahay inuu deg deg uga tagay ama in aanu raadin doonin in dib loo soo doorto. Is-casilaaddiisa ayaa imaneysa xilli walaalkiis uu dhowaan 21 xildhibaan ka eryey xisbiga Conservative-ka, oo ku kala qeybsan qorshaha ra’iisul wasaaraha ee ka bixitaanka Midowga Yurub ayada oo aan heshiis la gaarin. Boris Johnson ayaa arbacadii waxaa asiibay guul-darro kadib markii baarlamanka uu u codeeyey sharci dowladda ku qasbaya inay Midowga Yurub weydiisato in dib loogu dhigo ka bixitaanka ururka oo la waqtiyeeyey 31-ka October. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa maalintii salaasadii safar shaqo oo rasmiya ku tagay dalka Jabuuti, sida ay baahisay madaxtooyada Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa madaarka Jabuuti waxa ku soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisiba Raysul wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil, iyadoona loo sameeyay hab maamuus. Biixi ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele kulan kula qaatay madaxtooyada dalkaasi, iyadoona lagaga wada-hadlay kulankaasi arrimo badan oo dan u ah labada dhinac ee Somaliland iyo Jabuuti. Kulankaasi ayaa waxa si gooni gooni ah uga hadlay labada Madaxweyne ee Biixi iyo Geele, waxayna si isku-mid ah hoosta uga xariiqeen xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga. Madaxweyne Geele ayaa kulankaasi kaga hadlay bartiisa Twitterka iyo Facebook-ga, isagoona bidhaamiyey qodobo dhowr ah oo u daarna kulankaasi, waxaana lagu yiri qoraalkaasi: “Madaxwaynaha Jamuriyada Mudane Ismacil Cumar Geele ayaa qasriga madaxtoyada waxa uu ku qaabilay madaxwaynaha Somaliland Mudane Moussa Bixi Abdi. Kulanka labada dhinac ay yesheeen waxa lagu soo qaday arrimo badan oo dan uu ah labada dhinaca sida iskashiga uu dhexeya jamhuriyada Jabuuti iyo Somaliland gaar ahaan dhinacayada dhaqaalaha, warfafinta iyo ganacsiga. Kulankan waxa laagu soo qaday sido kale hawlaha wax wada qabsiga Jabuuti iyo Somaliland sida wadada cusub ee isku xidhaysa Jabuuti iyo Somaliland oo hadda gaba-gaba ku dhaw.” Madaxweyne Biixi oo isaguna shalay ka hadlay socdaalkaasi uu ku joogo dalka Jabuuti iyo kulanka uu la qaatay Madaxweyne Geele, ayaa waxa uu yiri “Waxa aan u mahad-celinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo xukuumadiisa oo nagu soo dhaweeyay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aanu walaalaha nahay oo aanu ku joogno booqasho rasmi ah”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa aanu ka wada-hadalnay in la iska kaashado horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, isku socodka, labada shacab ee walaalaha ah iyo xoojinta nabadgelyada guud ahaan gobalka Geeska Afrika”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Jabuuti)-Weftigii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hoggaaminayey oo maalintii saddexaad ku sugan dalka Jabtuui ayaa maanta booqday laba xaruumood oo kala ah Telecom Djibouti iyo xarunta tareenada ee dalka Jabbuuti. Waxa weftiga Madaxweynaha Somaliland kormeerkaasi ku wehelinayey wasiirada Xanaanada xoolaha, beeraha iyo biyaha, gaadiidka, warfaafinta ee dalka Jabbuuti iyo masuuliyiin kala duwan. Waxaana weftiga madaxweynaha xarumaha uu booqashada ku tagay ku soo dhaweeyey madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee goobahaasi. Ugu danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu saxeexay buugga lagu qoro madaxda soo booqatay xarunta Telecom DJabuuti, iyadoo masuuliyiinta xaruntuna madaxweynaha ay gudoonsiiyeen hadyad ka kooban astaanta dhaqanka iyo hiddaha jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hobyo (Caasimadda Online) – Shirkii Nabadda ee Magaalada Hobto oo ay ka qeyb galeen Beelaha kala duwan ee Habargidir ayaa Maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyey, waxaana laga soo saaray dhawr qodob. Qodobka koowaad ayaa lagu caddeeyey in Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) uu yahay gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, uuna matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha Habargidir. Sidoo kale war murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Shirka Nabadda Hobyo uu soo dhoweeyey gogosha Dib-u-heshiisinta ee ka furmaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayadoo loogu baaqay dhammaan dhinacyada abaabulkeeda ku lugta leh in farsamada shirkaas wax laga bedelo loona qabto beelaha Galmudug nabadayn dhab ah oo la mid ah tan Hobyo. Waxaa sidoo kale war murtiyeedka lagu soo dhaweeyey dadaalka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda aan QATAR ee ku deeqday dhismaha dekadda Hobyo. waxaana Dowladda Soomaaliya loogu baaqay in loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Galmudug nuxurka heshiiska dhismaha dekadda Hobyo si xog-ogoal loogu noqdo wax kasta oo ku xeeran heshiiskaas sida waqtiga la bilaabayo dhismaha iyo haddii ay jiraan shuruudo ka horeeya bilowga dhismaha. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada laga soo saaray shirka oo dhameystiran 1. Golaha Hoggaaminta Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) waa gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, una matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha HG 2. Munaasabadda caleemo-saarka Caleemo-saarka Golaha Hoggaaminta Beesha Habargidir waxaa la qaban doonaa dhammaystirka dhismaha gudiyada golaha kadib. Munaasabaddaas waxaa lagu casuumi doonaa madax-dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed iyo martisharaf kala duwan. Xafladda caleemo-saarka waxay dhaceysaa Sabti, 26/10/2019; waxayna ka dhacaysaa caasimadda Soomaaliya, Muqdisho. 3. Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug iyo Dhismaha Dawlad Goboleedka B. Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhoweeyey gogosha Dib-u-heshiisinta ee ka furmaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayadoo loogu baaqayo dhammaan dhinacyada abaabulkeeda ku lugta leh in farsamada shirkaas wax laga bedelo loona qabto beelaha Galmudug nabadayn dhab ah oo la mid ah tan Hobyo. T. Shirku wuxuu adkeynayaa in Hanaanka dhismaha Dawlad goboleedka Galmudug uu noqdo mid daahfuran, ay ku wada qanacsan yihiin beelaha Galmudug talana ku leeyihiin, loona madax-baneeyo beelaha kala duwan in ay soo xushaan ciddii u matali lahayd goleyaasha dastuuriga ah iyo guddiyada la dhisayo. J. Shirku wuxuu ku baaqayaa in dhammaan deegaannada ay Beesha Habargidir degto iyo kuwa ay wax ka degto loo sameeyo Golayaasha Deegaanka, lagana billaabo Degmada Hobyo ee hadda Shirka Nabadda lagu qabtay. 4. Nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed Shirka Nabadda Hobyo wuxuu ku baaqayaa soona dhowaynayaa dhab u heshiisiin dhex-marta beelaha iyo Umadda Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo midnimada umadda iyo jiritaan qaran Soomaaliyeed oo madaxbanaan, ayadoo beeshu ay u ballanqaadayso beelaha kale ee Soomaaliyeed in kaalin lixaad leh ay ka qaadanayso nabadaytna, dhab u heshiisiinta iyo soo celinta qarannimada Soomaaliya. 5. Dekedda HOBYO Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhowaynayaa dadaalka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar ee ku deeqday dhismaha dekadda Hobyo. Hase yeeshee shirweynuhu wuxuu weydiisanayaa dawladda Federaalka Soomaaliya in loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kawa Galmudug nuxurka heshiiska dhismaha dekadda Hobyo si xog-ogoal loogu noqdo wax kasta oo ku xeeran heshiiskaas sida waqtiga la bilaabayo dhismaha iyo haddii ay jiraan shuruudo ka horeeya bilowga dhismaha.Shirweynuhu wuxuu Isla gartay dhismaha Gudi Isku-tashi oo xubnihiisu ka kooban yihiin dhammaan beelaha Galmudug, wuxuuna guddigu si gaar ah uga shaqayn doonaa mashruuca dhismaha dekedda Hobyo, iyadoo lagala shaqaynayo dawladda federaalka ah sidii loo bilaabi lahaa dhismaha dekedda Isla markaana shacabweynaha Galmudug ay uga wada qeybqaadan lahaayeen hirgalinta mashruuca dekedda Hobyo.
-
(SLT-Hargeysa)-Wararka aanu ka helayno magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa ay sheegayaa in goor-dhawayd uu Dab xoog leh uu ka kacay mid ka mid saddex wiish oo casri ah oo ay shirkadda DP World ku soo kordhisay dekedda Magaalada Berbera. Dabkan oo si xawli ah u socda ayaa waxa laga cabsi qabaa in uu intaa ka sii ballaadho waxaana la tacaalaya maamulka iyo shaqaalaha dekedda Berbera, walow uu dibku wali socodo sida uu ku warramayo wariyaha Somalilandtoday ee magaalada Berbera. Wiiskan ayaa waxa uu ka mid ahaa saddex uu ay shirkadda maamusha dekedda Berbera DP World ku soo kordhisay si ay u fudaydiyaan koontiinarada iyo alaabta laga soo dejinayo iyo kuwa laga rarajo Dekedda Berbera. Ma cadda Sababta keentay dab xoogga leh ee ka kacay Wiishan dhawaan lagu soo kordhiyay. Ma jirto Illaa hadda cid ka hadashay dabkan iyo sababta keentay. Maaha markii ugu horraysay ee dab ka kaco dekedda Berbera tan iyo intii ay la wareegtay Shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee DP World. Wixii war ah ee ka soo kordh kala soco Somalilandtoday.com Source
-
Guddoomiyaha Ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dadka Galmudug awoodoa iskugu geeyaan sidii loo dhisi lahaa dekadda Hobyo. Guddoomiye Abshir ayaana xusay in muhiimad weyn u leedahay dhismaha dekedda Hobyo dadka degan magaalada iyo guud ahaan deegaanada Galmudug, waxaana uu yiri” Dekedda Hobyo waxaa ay u tahay muhiim dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo hormarka deegaanada Galmudug, waxaana is badali doona qiimaha nolosha deegaanka , waxaan abuurmi doona shaqooyin fara badan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona yareynta shaqa la’aanta baahsan ee aqoonyahanka iyo muruq maalka deegaankan ku nool, horumar dhaqaale ee maanta ka muuqda deegaanada dariska la ah Galmudug waxaa sabab u ah dekedaha ku yaala oo la hirgaliyay, mudanayaal iyo marwooyin waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiina Galmudug, ganasatada iyo dadka kale ee deegaanka ah in ay ka faa’ideystaan fursatdaha maanta taagan oo ay ka mid tahay in dadka deegaanadaan ay u heelan yihiin sidii loo abuuri lahaa loona hirgalin lahaa dhismaha degedda Hobyo”. Sidoo kale guddoomiye Abashir Maxamed oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in kaalinta kaga aadan ay ka qaadato dhismaha lagu hirgalinayo dekedda magaalo xeebeedka Hobyo. waxaana uu yiri” waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay ka qaadato kaalinta kaga aadan hirgalinta dhismaha dekedda Hobyo iyo dib u yagleelidda Galmudugta cusub ee maanta loo fadhiyo”. Dhanka kale guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in xayiraadda dhanka duulimaadka ah laga qaado dowlad gobaleedka Jubbaland isaga oo xusay in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo liiska wada hadalka waxaana uu yiri” Sidoo kale aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddaan waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay xayiraadda duulimaadka ka qaado dowlad gobaleedka Jubbaland, iyadoo wax allaala wixii khilaaf ah lagu xalinayo wada hadal iyo wada xaajood isla markaasna laga fogaado talaabo kasta oo ku noqon karta caqabad nolosha dadka dagan deegaankaas Jubbaland”. Ugu danbeyn guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa ugu baaqay wax garadka dhamaan ka soo qeyb galayaasha shirka in loo iska si ku doobnaasho iyo walalnimo ay ku jirito dismaha dowlagobaleedka Galamud waxaana kadalkiisa ka mid ahaa “ Waxaan ugu baaqayaa waxgardka deegaanadaan Galmudug in ay dadaalkii halkoodii ka sii wadaan ayagoo is ka kaa shanaya dhismaha dowlad gobaleedka marxaladdiisa labaad, isla markaasna uwada dhaqaaqaya si ay ku jirto midnimo uwada guntanaya hormarka dhammaan deegaanada Galmudug, guusha shirkaan waxaa lagu qiimeyn doonaa sida loo hir galiyo qodabadii lagu heshiiyay iyo sida ay ugu qanciyaan beelaha kale ee walaalahood ah xoojinta nabada iyo kuwada noolaansha nabad dhammaan meel kasta oo Soomaaliya ay joogto”. Goobjoog News Source: goobjoog.com