-
Content Count
209,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caaasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xubnaha guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey in Itoobiya ay dhex dhexeedineyso dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Jeesow ayaa been abuur ku tilmaamay wararka soo baxay saacadihii ugu dambeeyey ee sheegaya in Itoobiya ay u kala dab qaadeyso dowladda dhexe iyo Jubbaland. Xildhibaanka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu yahay nin geystay dambiye kala duwan, islamarkaana mar uun la hor keeni doono cadaalada, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan aheyn Madaxweyne sharci ah, islamarkaana ay Xukuumadda Soomaaliya uga fadhiyaan in la soo xiro. Dhanka kale wuxuu intaasi ku daray in ay wadaan olole ka dhan ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, kadibna ay ka fakiri doonaan sidii maamul loo dhan yahay loogu sameyn lahaa gobollada Gedo iyo Jubbooyinka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaaland. Khilaafka ayaa sii xoogeystay, kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay ka hortimid natiijada doorashadii Madaxweyne ee dhowaan ka dhacday gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Jeesow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo muddo ahaa saaxiibo iyo xulufo aan kala harin, ayaa hadda u muquda inay sii kala tagayaan. Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Cabdulcaziz ayaa dhowaan qaaday tallaabo aan caadi isaga oo sheegay inuu aad ugu carreysan Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ku dhow. Salman ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu dhowaan la yeeshay madaxweynaha dowladda Yemen ee Sacuudiga uu taageero Abd-Rabbu Mansour Hadi, sida ay werisay wakaaladda wararka Reuters. Xudunta xiisadda labada waddan ayaa ah dagaalka Yemen, halkaas oo Imaaraadka uu taageerayo koox gooni u goosad ah oo kasoo horjeedda dowladda dalkaas ee Sacuudiga uu taageero. Dhinaca kale, guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha Mareykanka iyo Sacuudiga, Salman Al-Ansari ayaa weerar ku qaaday Imaaraadka, isaga oo sheegay inay dhagrayaan dalkiisa Sacuudiga, islamarkaana awooddooda ku ballaarinayaan gobolka. Waxa uu ficillada Imaaraadka ee Yemen ku qeexay “qiyaano qaran” Hadallada Al-Ansari ayaa imanaya ayada oo Sacuudiga ay dhowaan ciidamo u direen magaalada Shabwah, halkaasi oo ay iska-horimaadyo ku dhex mareen ciidamada dowladda ee Sacuudiga uu taageero iyo maleeshiyada koonfureed ee gooni u goosadka ah ee uu taageero Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
-
Dooxa (SMN) – Qaar kamid ah dadkii wax ku noqday qaraxyo ka dhacay magaalooyin ay Muqdisho kamid tahay ee loo qaadey Qadar ayaa waxaa soo hagaageysa xaaladooda. Danjiraja Soomaaliya u fadhiya Qadar ayaa shaaciyey in xubnahaasi ay kamid tahay Gudoomiyaha Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa waxa uu tibaaxay in ay rajeynayaa in tirrada kale ee harsan ay kusoo bogsoon doonan sida ugu dhaqsiyaha badan. Mas’uuliyiinta loo qaadey Qadar ayaa waxay ku dhaawacmeen weerarkii AlShabaab ku qaadey xarunta gobolka Banaadir, bishii July ee sanadkan. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/qADAR.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Farmaajo ayaa Odowaa Yuusuf Raage wuxuu dhowaan u magacaabay in uu noqdo taliyaha Ciidamadda Xooga dalka. Sareeye Guuto, Odowaa, ayaa wuxuu yahay shaqsi dhalinyaro ah, kaasi oo rajo wanaagsan laga muujiyey in uu horumarin doono ciidanka. Qaar kamid ah dhalinyaradda dalka wax ku baratay ayaa waxay kalsooni ka muujiyeen in taliyaha uu xorreyn doono degaano ku jira gacanta AlShabaab. Magacaabidiisa ayey ku tilmaameen mid dhaha u xaareysa in da’yarta ay xilal muhiim ah ka hesho waaxyaha kala duwan ee hay’addaha dowladda. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Rajo.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibadiisa inay dalkooda kusoo laabtaan, kana qeyb qaataan kordhinta horumarada ka socda dalka. Isaga oo ku sugan dalka Ghana, halkaas oo uu uga qeyb galay shirka Madasha Amniga iyo Nabadda ee Koofi Anaan, ayuu sheegay in qurba-joogta looga baahan yahay in ganacsiyada kala duwan ay dalka dibadiisa ku sameysanayaan ay u soo bedelaan dalkooda. Waxa uu qurbo-joogta ugu baaqay inaysan sugin inta dalka uu nabad iyo horumar ka gaaray, si ay ugu slaabtaan, balse ay ayaga qeyb ka noqdana sidii lagu gaari lahaa nabadda iyo horumarka. Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado maal-gashi iyo ganacsi, oo dadka qurbo joogta ee dhaqaalaha roon ay ka faa’iideysan karaan. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in si iskaashi ah dadka Soomaaliyeed ay u wada dhistaan dowlad loo wada dhan yahay oo dalkaan gaarsiin karta Amni iyo horumar ballaaran. Hoos ka dhageyso codka madaxweynihii hore Soomaaliya https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Cod-mXasan-Sheekh.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somalia won their first ever World Cup qualifier with a narrow 1-0 victory over Zimbabwe on Thursday. Ranked 202 in the world, Somalia halted a run of 19 successive defeats stretching back eight years to secure their first qualifying win. Anwar Sid Ali Shakunda headed home the only goal of the game in the 87th minute, in a match played in Djibouti due to the security problems in Somalia. Zimbabwe, who played in the Africa Cup of Nations finals two months ago and are 90 places higher in the world rankings, will host Somalia for the second leg on Tuesday. Somalia played with seven debutants among a number of new players from immigrant communities in Europe and north America Elsewhere on Thursday Ramadan Agab notched a hat-trick as Sudan beat Chad 3-1 away Agab opened the scoring early in Ndjamena and extended the lead when Chad goalkeeper goalkeeper Adoum Defallah hit his goal kick straight at Agab who needed no second invitation to put the ball in the net after 67 minutes. He completed his treble with a close-range finish six minutes later. Chad’s consolation goal came from an 85th-minute penalty converted by captain Ezechiel N’Douassel. Two goals in four minutes helped Rwanda to a comfortable 3-0 away win over the Seychelles in their first-round first-leg qualifier in Victoria. Muhadjiri Hakizimana opened the scoring just after the half hour and Yannick Mukunzi soon doubled the lead. Meddy Kagare made sure of the biggest winning margin of the African qualifiers so far with the third goal 10 minutes from time. Rwanda host the return leg in Kigali on Tuesday. Source: BBC
-
Federation of Somali Journalists (FESOJ) and Finnish Foundation for Media and Development (VIKES) with the support of European Union Mission for Somalia launch a new advocacy campaign for Somali journalists’ labor rights with the aim to improve the internal governance of media organizations and strengthen the commitment of media owners and editors in ensuring respect for clearly defined professional labor standards. The advocacy campaign will target journalists working for 25 selected media outlets in all parts of Somalia. `This initiative is part of the second implementation phase of a joint VIKES and FESOJ project, launched last year and funded by the EU in which were trained around 200 journalists and media administrators. The main of objective of the advocacy campaign for Somali journalists’ labor rights is To discuss with the journalist employees and make a baseline assessment of the situation at each media house and their challenges To discuss with the employee how they can get better organized to start campaigning for their rights to collective bargaining, winning better working conditions and extending social justice and professional rights. “As part of the project launch, we have already started meeting with local media administrators and fellow journalists based in Mogadishu. `Next we are planning to take the message to other media houses located in other cities across the country” Farah Omar Nur Secretary of Training and Development of FESOJ said. “In 2018, our focus was on building the capacity of media administrators and journalists through routine trainings on labor rights but this time we intend to actively advocacy for labour rights and our hope is that FESOJ will eventually sign the Memorandum of Understanding with all media managers” Farah added. “Our priority is to provide a platform for stronger advocacy and solidarity on measures for the improvement of the working and welfare conditions of journalists in the private media and collaborate on all legitimate measures that would lead to the emergence of Collective Bargaining and the enthronement of a minimum Condition of Service with country-wide applicability “Mohamed Ibrahim Moalimuu Secretary General of Federation of Somali Journalist said. “FESOJ brings together more than 1000 journalists across Somalia to promote media freedom and ethical standards, therefore FESOJ and VIKES are now seeking to advocate for better working conditions of journalists and media workers in Somalia to support quality journalism and build trust in media”Abadir Abdulkadir Elmi FESOJ President said during the launch of labor rights advocacy campaign for Somalia journalists and media. End. For further information, you may contact us Midnimo Building ,Maka Almukarama road Waberi Mogadishu-Somalia +2526-851918 Email: info@fesoj.org Website: www.fesoj.org Twitter: @FESOJ_Somalia
-
(SLT-Hargeysa)Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Ambassador Cali Siciid Faqi ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey in dhagaysiga dacwaddii badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigay muddo laba bilood ah. Ambassador Faqi ayaa sheegay in maxkamaddu ay go’aankaas qaadatay kadib markii ay eegtay codsigii ka yimid Soomaaliya iyo jawaabtii Soomaaliya ka bixisay. ICJ ayaa haatan dacwadda dhagaysan doonta 4-ta bisha Noofembar ee soo socota. Kenya ayaa horey u codsatay in dib loo dhigo dhagaysiga hase yeeshee waxaa tallaabadaas diidday Soomaaliya. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Robert Mugabe, oo dalka ku yaalla Koonfurta Afrika ee Zimbabwe xukumay 37 sano kadib dhammaadkii xukunka caddaanka laga tirada badan yahay, ayaa maanta geeriyooday. Waxa uu ahaa 95 jir. Lama shaacin sababta rasmiga ah ee dhimashadiisa, hase yeeshee caafimaadka Mugabe ayaa sii xumaanayey tan iyo markii xukunka laga tuuray sanaddii 2017. Mugabe ayaa ka tagay dhaxal cakiran kadib 37 sano oo ah xukun ay kusii kordheysay kali-talisnimo. Sanadihii uu da’da yaraa, waxa uu hoggaamiyey dhaq-dhaqaaq jabhadeyn ah oo horseeday madax-bannaanida Zimbabwe. Waxaa xilligaas lagu qeexay halyeyga xoriyadda ee gudaha iyo dibedda ee mustacmaraddii British-ka ee mar loo yaqiin Rhodesia. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa naqdiyay safarka uu Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay dalka Jabuuti. Abwaan Weedhsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi “Muuse aad buu tan Jibouti ah ugu noqnoqdaaye, toloow ma Geellaa duruustii kali-talisnimada soo siiya? Keli-talisnimo in kugu filan Alleba kuu dhaliye iska soo noqo. Mise wuxu toloow baraya sida dal loogu dhigo meherad aad leedahay oo keliya adiga iyo qoyskaaga oo qudhi aad maamushaan? Taasina halkan ka suuragali maysee iska soo noqo” Abwaan Weedhsame Source
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Shaakir, ayaa waxa uu bogaadiyey dedaaladda dhinacyo kala duwan oo ay maamulkaasi ka wado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Isaga oo ka hadlayey furitaanka shirkii dib u heshiisiinta dowlad goboleedkaasi, Sheekh Shaakir ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in ay ku garab taagan yihiin xukuumadda sidii loo dardargelin howlahaasi. Mr Shaakir oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo gulufka AlShabaab looga saarayo qaybo kamid ah maamulkaasi oo ay haysato. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo magaaladda Dhuusamareeb la geeyay ciidamo ka socda federaalka, kuwaasi oo bilaabaya dhowaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo xorreynta degaano horleh. View the full article
-
Caabuudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Maanta Dhagax dhigay dhismayaal cusub oo ay yeelanayso Jaamacadda Ummadda qeybteeda Caabuudwaaq. Dhismahan uu Ra’iisul wasaaruhu Dhagax dhigay ayaa ah Saddex dabaq, oo kooban 36 Fasal, Maktabad iyo Hool shirarka lagu qabto. Ra’iisul Wasaaraaha oo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan Labada gole ayaa reer Caabuudwaaq ku ammaanay dedaalka ay ku dhisanayaan Jaamacadda ummadda, si ay uga qeyb qaataan horumarinta waxbarashada sare ee Dalka. Bulshada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay in ay Gacan ka geystaan dhismaha Jaamacadda, si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed. Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in Dowladdu ay Gacan weyn ka geysaneyso dhammeystirka dhismaha Jaamacadda qeybteeda Caadbuudwaaq oo ah laanta ealiya ee ay ku leedahay meel bannaanka ka ah caasimadda Dalka. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay dhisme ka kooban seddax dabaq oo leh 36 fasal, Maktabad iyo hool shirar oo lagu kordhinayo faraca jaamacadda umadda ee Caabuudwaaq kaas oo bulshada deegaanku ay is-xilqaan ku dhisanayaan. Ra’iisul Wasaaraaha oo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan labad gole ayaa reer Caabuudwaaq ku ammaanay dadaalka ay ku dhisamayaan jaamacadda ummadda si ay uga qayb qaataan horumarinta waxbarashada sare ee dalka Bulshada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqayn in ay gacan ka geystaan dhismaha jaamacadda si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay gacan weyn ka geysaneyso dhammeystirka dhismaha jaamacadda qeybteeda Cabudwaaq oo ah qaybta kaliya ee Jaamcaddu ku leedahay meel bannaanka ka ah caasimadda dalka. PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo dhisme casri ah ka dhagax dhigay Caabud-waaq. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-06092019.mp3 View the full article
-
Puntland Diaspora Forum condemns in the strongest terms the violence against migrant workers in South Africa. Violent mobs attack the properties and businesses of migrants from a number of countries including Somalia and razed them to then ground after looting them. The claim that the immigrants were taking their jobs is baseless as many of the people attacked were hard working self-employed who were in fact generating employment. It is not the first time that migrants are targeted in South Africa. For many years, businesses owned by Somalis in small towns in the country were constantly attacked and looted and often burned. Many Somalis lost their lives over the years. This time the attack was happening in major cities such as Johannesburg. Attacking people in a major city in the full glare of the authorities is worrying to the people. It is the responsibility of the government of South Africa to protect the migrants. The condemnation of President Cryil Ramaphosa is welcome, however, concrete action is needed to bring the violence to an end. The surge in violence against foreigners in a number of South African cities has attracted wider criticism from the governments of Nigeria and Ethiopia as well as the President and politicians of South Africa. We call upon the government of South Africa to put an end to the xenophobic violence. We also call upon the African leaders whose citizens are on the receiving end of this violence to visit the country to give support to their nationals and to urge the government of South Africa to do everything under its power to curb the atrocities. South Africans should be reminded that the nations whose citizens they are killing and burning have given unlimited moral, political and material assistance during their struggle against apartheid. They should show gratitude by welcoming them instead of harming them. Puntland Diaspora Forum The post Condemnation of Xenophobic Violence in South Africa appeared first on Puntland Post.
-
Shabakada somalielections.com ayaa soo saartay xog uruurin shacabka Soomaaliyeed fursad loo siinayo in ay qaabka online ka ah ku codeeyaan isla markaana ku muujiyaan dareenkooda shaqsiga ay isleeyihiin wuu ku habboon yahay qabashada hoggaanka Galmudug. Si looga hortago in la musuqmaasuqo doorashada, waa muhiim in shacabka leeyahay cod isla markaana qofka qabanaya ama la is leeyahay wuu ku guuleysan karaan doorashada uu ku yimaado rabitaanka shacabka, waa hubaal in xildhibaano gaar ah ay dooran doonaan hoggaanka, balse waxaa muhiim ah in la tixgeliyo rabitaanka shacabka. Somali Election & Caasimada Online waxay u istaagteen in ay siisaan fursad shacabka ay ku muujiyaan shucuurtooda kuna dhiibtaan codkooda iyagoo isticmaalya aalad ay ku dooran karaan shaqsiga ay u arkaan in uu ku habboon yahay qabashada xilka hoggaanka Galmudug. Natiijada kasoo baxdo codeynta onlinka ah, waxaan idiin soo gudbin doonaa maalinta Jimcaha ee ay taariikhdu tahay bisha September ay tahay 13, 2019. Halka hoose ka codee (RIIX)
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo ah Guddoomiyaha Guddiga Duulista Hawada, Gaadiidka, Waddooyinka, Dekedaha, iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Siyaasada iyo Istiraatijiyada ee Xisbiga UPD, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciqaab wadareed marsiineyso shacabka Jubaland. Xildhibaan Cabdifitaax ayaa sheegay in xayiraadda dhanka hawada ee dowladda federaalaka ay saaray duulimaadka Dowlad gobaleedka Jubbaland ee ay tahay arrin ay ka dhalan karto hoos u dhac dhaqaale iyo arrimo banii’aadamnimo oo soo wajaho shacabka ku dhaqan deegaanada Jubbaland. Xildhibaan Cabdifitaax oo ka hadlayo arrinta xiyiraadda duulimaadka lagu soo rogay Jubbaland ayaa yiri “go’aanka lagu xiyirayo duulimaadyada Kismayo ma aha mid wax yeelaya maamulka Jubaland balse waa mid ciqaab wadareed iyo dhibaato weyn ku ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda degaanadaas.” Waxa uu intaas ku daray “Sidoo kale waa go’aan astaan su’aaleed saaraya lasoo wareegida maamulka hawada Soomaaliya oo sharcigii sahli lahaa uu hadda horyaalo Golayaasha Baarlamaanka. Iyadoo la garan karo in ay adagtay in si xirfadnimo leh (professional) loola shaqeeyo xukuumadda hadda jirta, haddana waa in hoosta laga xariiqo muhimadda ay leedahay in aan Hay’adaha halbawlaha u ah bixinta adeegyada dawlada dhexe, sida hagida diyaaradaha, aan loo adeegsan ujeedooyin ama dano gaar ah oo ay leeyihiin shaqsiyaadka hadda talada hayaa. Waxaan Xukuumadda Federaalka” Halkaan ka Akhriso qoraalka xildhibaanka oo dhameys tiran
-
Somali politicians have already started their political campaigns and by January 2020 it is certain that campaign activism will increase. In terms of channeling messaging, the politicians are spoilt for choice with the widest variety of media accessible to them now. Source: Hiiraan Online
-
Click here to read Qaran News
-
Cabdalla Xamdook, ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay xukuumaddiisa cusub tan iyo markii lagu dhawaaqay xukuumadda kumeel gaarka ah ee dalkaasi maamuli doonta mudada saddexda sano ah. Wasiirada waxaa kamid ah Asma Cabdallah oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda dalka Suudaan, waxayna noqon doontaa haweeneydii ugu horeysey ee xilkaasi ka qabata Suudaan. Dhanka kalena, Jamaal Cumar oo janaraal ka tirsan ciidammada ayaa noqonayaa wasiirka gaashaandhigga halka El-Trafi Dafallah oo horey u ahaa sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha. Taliska milatariga dalka Suudaan iyo dhinacyadii shacabka ee xukunka ka tuuray Cumar Xasan Albashiir ayaa dhowaan ku heshiiyey dowlad wadaag ah oo Suudaan maamuli doonta muddo 3 sano ah. PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaaraha wadanka Suudaan oo ku dhawaaqay xukuumad cusub. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii ugu xukunka dheeraa ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa u geeriyoodey xanuun uu muddooyinkii ugu dambeeyey la xanuunsanayey. Mugabe wuxuu ahaa 95 sano jir Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waxaana uu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii. Robert Mugabe ayaa in ka badan 30 Sanno Madaxweyne ka ahaa dalka Zimbabawe, iyadoona xilka looga qaaday afgembigii sanadkii 2017 ka dhacay wadankaasi. Halyeygaan sida weyn looga yaqaaney dunida ayaa sanadkii 1973 dii waxaa loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa. PUNTLANDPOST The post Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo geeriyoodey. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii Hore ee Zimbabwe Robert Mogabe oo Geeriyooday
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
War ay shaacisay Dowladda Zimbabwe ayaa sheegay in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Dalkaasi, Mr; Robert Mugabe, kaasi oo in muddo ah xanuunsanayay,eheladiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay. War qoraal ah oo bartiisa Twitterka uu soo dhigay Wasiirka Waxbarashada Zimbabwe, Fadzayi Mahere, ayuu kaga hadlay geerida Mugabe,isagoo yiri”nabad ku naso Robert Mugabe.” Madaxweynihii hore ee Zimbabwe oo geeriyooday Mr. Mogabe oo ahaa 95 Sano jir,wuxuu in muddo ah la jiifay xanuun hayay iyo sidoo kale gabow is biirsaday, waxaana lagu daweynayay isbitaal ku yaala Dalka Singapore, halkaasi oo uu ku geeriyooday, oo uu weligiisa caafimaad ahaan u aadi jiray. Muddo Sanado ka hor ayuu xilka ku wareejiyay, Emmirson Manangagwa, kadib markii Militariga Dalkaasi ay afgembi ku rideen maamulkiisa. Mr; Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi Militari Bishii November ee Sanadkii 2017, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano. Robert Mogabe, wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waana shaqsi Taariikh weyn ku leh Dunida, inta badana lagu yaqiinay hadallo cad cad oo aan lahayn cabsi,marka uu la hadlayo siyaasiinta reer Galbeedka ah. Mr; Mogaabe waxyaabaha uu soo maray noloshiisa waxaa qeyb ka ahayd in uu xabsi ku jiray in ka badan 10 Sano,ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii,sidoo kale dowr weyn ayuu ka soo qaatay dhismaha Dowladnimada iyo hoggaaminta dalkaasi,balse wuxuu ahaa qof in muddo ah xilkaasi hayay,taasi oo keentay in ugu dambeyn xilka laga tuuro. Goobjoog News SHARE Source: goobjoog.com